-
Content Count
17,714 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
THE RECOVERY OF MOGADISHU IN PICTURES.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to biyo-cad's topic in General
Hoteelka Cali Mahdi ee Liido dhismihiisa intuu maraayaa? -
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Ganacsatada Qaadka Kenya oo sheegay gobolka Meru inuu galay faqri aad u xun ah markii la joojiyay Qaadkii Soomaaliya Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Mira ee dalka Kenya ayaa waxay dhigeen mudaaharaad ay kagasoo horjeedaan xayiraada saaran Qaadka Soomaaliya loo dhoofin jiray oo ku dhawaad muddo saddex bilood xayiran. Dowladda Soomaaliya ayaa u xayirtay soo dejinta qaadka dalka gudihiisa iyadoo laga hortagayo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus. Balse, Qaadka ayaa magaalada Muqdisho iyo meelo katirsan gobolada koonfurta Soomaaliya ku taga hab qarsoodi ah, iyada oo la adeegsanayo in lagusoo qaado doomo kasoo shiraacda xeebaha gobolka Lamu ee Kenya. Isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee Kenya waxay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka, iyagoo dowladda Soomaaliya ugu yeeray inay xayiraada ka qaado qaadka. Ganacsatada oo fariin u diray dowladooda ayaan rumeysan Qaadka la'aantiisa (Meru) in magaaladoodu ku noolaan doonto faqri aad u xun. Waxay sidoo kale walaac hor leh ka muujiyeen xayiraada saaaran xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay, kadib markii lagusoo rogay bandow xoogan, taasoo keentay inuu istaago ganacsigii Qaadka ee xaafaddaas. Dowladda Kenya ayaa maalin walba dhaqaale xoogan ka heli jirtay Qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya. Waxaana joojintaan ay sababtay inay hoos udhacdo nolasha qoysas badan oo ku tiirsanaa ka ganacsiga Qaadka. -
Can't Kiikuuyos realize cagajiidnimo of delaying and stalling of this court case in order to hope for a new Kiikuuyo-friendly Soomaali government is a fantasy dream? Somalia rejects Kenya’s third request to postpone maritime case Somalia rejected a new request dated April 23 by Kenya to have the maritime delimitation hearing case postponed for the third time, The Brief can reveal. The hearing will thus go ahead as scheduled on June 8-12, unless affected by Covid-19 pandemic. Already, Kenya has asked for postponement twice, forcing the International Court of Justice to delay the hearing twice. The case was first pushed back from September 9-12 to November 4-8, 2019, and again to June 8-12, 2020 on Kenya’s request. In this new filing, according to international journalist Harun Maruf, Kenya cited the Covid-19 pandemic for the reason to have the maritime hearing postponed. In the previous request, Kenya had asked for more time to reconstitute its legal team. The ICJ delayed the case in October last year on the understanding that no further postponement would be granted. The time of oral arguments allocated to each party will remain as initially planned. “Again the Court wishes to remind the Parties that the written proceedings, in this case, are already closed. The parties should proceed to the hearings in accordance with the Rules of Court,” the letter stated. Kenya has been hoping for an out of court settlement on the matter but Somalia has insisted on letting the court decide. It has previously hinted at not trusting the ICJ, accusing its northern neighbour of ignoring local and continental mechanisms to resolve the dispute. September 19, 2016, was the first time that Kenya appeared before the ICJ and the position then was and still remains that the Court was not competent to decide the maritime dispute. Kenya has always maintained its position that it did not consent to the Court’s jurisdiction over disputes where it had agreed to other methods of settlement, including the April 7, 2009 MoU. Xigasho
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Guddiga ka hortagga Covid-19 oo shir xasaasi ah ka yeeshay dabaal-dega Ciidul Fidriga Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo habeen weliba la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan munaasabadda Ciidul-Fidriga oo maalmaha soo socda fooda inagu soo heysa. Shirka oo ahaa mid muuqaalka tooska ah (Video Conference) ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyadoona ay ka goobjoog ahaa wasiirada caafimaadka, arrimaha Diinta, tala-bixiyaha Covid-19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) iyo xubno kale oo muhiim ah. Intii uu socday shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ay dadka ugu daamaashaadi karaan maalmaha Ciida goobaha lagu la isugu tago, kuwa lagu ooggo salaadda Ciidda, iyada oo la qaadayo talaabooyinka caafimaadka ee looga hortagayo Covid-19. Sidoo kale xubnaha ka qeyb-galay shirka ayaa falanqeeyey qorshaha la soo bandhigay, si ay bulshada ugu dabaal-degaan munaasabadda Ciidul Fidriga. “Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo caawa lagu soo bandhigay qorshe ay bulshadu maalmaha ciidda ugu damaashaadi karaan faxadda ,iyada oo la joogteynayo tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona sida kala fogaanshaha iyo dhammaan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah ka hor tagga safmarka” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga qaran ee xakameynta cudurka halista badan ee Coronavirus. Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal guud oo lagula dagaalamayo xanuunka oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, kaas oo asalkiisa ka soo bilowday Shiinaha. -
Importing jaadka should immediately be stopped
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Only a few weeks on and the soft crippling of Kiikuuyo economy happens. Imagine if this continued for a year. Gobolka Meru ee Kenya oo faqri galay, kadib markii la joojiyey qaadkii Soomaaliya Gobolka Mero ee dalka Kenya oo Qaadka looga soo dhoofin jiray Soomaaliya ayaa faqri xoogan lugaha la galay, tan iyo markii ay dowladda federaalka ay joojisay qaadkii Soomaaliya uga imaan jiray dhinaca dalka dalka Kenya. Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Meru oo dhigay dibadbax ballaaran ayaa waxa ay uga soo horjeesteen xayiraada saaran Qaadka ay Soomaaliya u soo dhoofin jireen oo la joojiyey, tan iyo markii uu dilaacay cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya labda dal. Sidoo kale ganacsatada ayaa KA dalbaday dowladooda inay wax ka qabato arrintaasi, iyagoo sheegay in Qaadka la’aantiisa magaaladoodu ay ku noolaan doonto faqri xun. Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale tilmaamay inuu istaagay ganacsigii Qaadka ee xaafadda Islii oo ay Soomalida ay ku badan tahay, kadib markii lagu soo rogay banow saameeyey isku socodka xaafaddaasi. Ugu damgbeyn isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee wadanka Kenya ayaa waxa ay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka ee loo soo gudbiyo Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa lacag fara badan waxa uu ka soo galaa Qaadka ay u soo dhoofiso Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dagi jiray maalin walba diyaarado sida Qaad fara badan oo laga keenayey gudaha dalkaasi. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Lataliyaha wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa ka hadlay in uu caabuqa aad ugu fidayo gobolada dalka loogana baahan yahy madaxda maamuladaasi in ay daryeel fiican u diyaariyaan dadka uu soo ridanayo caabuqa. Dr. Fuje ayaa si aad ah uga hadlay in la hormariyo nidaamka latacaalidda bukaanada oo ay ugu horeyso xarunta gooni-sooca ee lagu haayo dadka uu soo rido caabuqa, in daryeel gaar ah loo diyaariyo dadka qaba cudurada raaga iyo kuwa da'da ah. Sidoo kale Dr. Fuje ayaa sheegay in aad loo qalabeeyay Isbitaal De-Martino oo ah xarunfa koowaad ee loogu tala galag in lagu daaweeyo dadka qaba caabuqa COVID-19, iyada oo ay u dhameys tiran yihiin dhaqaatiirtii iyo agabkii caafimaadka oo ku filan lana wado qalabeynta xarunta labaad ee laga sameeyay Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka banaadir. Dr. Fuje oo hadalkiisii sii wata ayaa xasuusay maamulada gobolada in ay joogaan dhaqaatiir tababar COVID19 ku qaatay khadka internet ka oo ay tababareen khubaro talyaani loona baahan yahay in laga faaiideysto. ugu dambeyntii Dr. Fuje ayaa hadlkiisa ku soo gaba gabeeyay in cashar fiican laga barto u diyaar garowga iyo latacaalidda cudurada lamid ka ah cudurkaan oo kale. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Warbixinta xaaladihii u dambeeyay ee caabuqa COVID19 Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawsiya Abiikar Nur ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19 in ay tahay 34 xaaladood oo lagasoo xaqiijiyay 3 Maamul Goboleed oo kala duwan. Maamulka Somaliland ayaa laga xaqiijiyay 18 xaaladood, Gobolka Banaadir 14 xaaladood, iyo Mamulka Hirshabeelle 2 xaalad. Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,455 xaaladood, waxaana geeriyooday 1 bukaan, halka ay bogsootay 11 bukaan. Wasiirka ayaa aad u adkeeyay in xooga la saaro wacyi-gelinta oo ay bulshada iska kaashadaan, in laraaco oo lagu dhaqmo fariimaha wasaaradda caafimaadka iyo khubarada ay ku baaqaan goor walbo. Sidoo kale Wasiir Fawsiya ayaa tilmaantay in aad looga taxadaro dadka cudurada raaga qaba iyo waayeelada dadka qaba ama leh astaamaha caabuqa maadama ay unugulyuhiin ayna qatar weyn ku keeni karto cudurka. -
Somaliland region police steals cars belonging to khat dealers
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Daylight robbery iga dheh. Meesha abaar ba'an ayaaba ka jirto haddii baabuurtii shacabka la iska dhacaayo maalin caddeey. -
Somaliland region lifts ban on khat from Ethiopia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Xataa Soonkii inuu dhamaado mala sugi waayey? I guess Muuse Muqayil iyo xirtiisa daroogadooda la'aantooda ma joogi karaan, even bil barakeysan haddii lagu jiro. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
DF Soomaaliya oo qalab caafimaad gaarsiisay magaalada Buuhoodle, Togdheer Wafdi ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer ee waqooyiga Soomaaliya, halkaasi oo si ballaaran loogu soo dhaweeyeey. Wafdigaan ayaa waxaa horkacaya wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame, waxaana magaaladaasi ay geeyeen qalab caafimaadka iyo daawo looga hortagayo cudurka faafa ee Coronavirus. Wasiir Bidhaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay halkaasi u tageen sidii ay ula socon lahaayeen xaaladaha caafimaad ee ka jira Buuhoodle iyo arrimo kale. Sidoo kale waxaa la filayaa in xubnaha wafdiga oo loo galbiyey gudaha magaalada inay kulamo la qaataan maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool halkaasi. Buuhoodle ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Soomaliyeed, balse dadka ku dhaqan sanadihii u dambeeyey ma arkin wax dowlad ah. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Dawladda aan walaalaha nahay ee Qadar ayaa waxa ay maanta dowladda Soomaaliya soo gaarsiisay agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo kahortagga caabuqa COVID19. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Today, Ministry of Health- Somalia dispatched Covid-19 preventive equipment to Sool and Sanaag. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Maanta oo ay taariikhdu tahay 17 May 2020, Wasiirka Fawziya Abikar Nur ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19 in ay tahay 64 xaaladood. Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 33 xaaladood, Maamulka Somaliland 16 xaaladood, Maamulka Galmudug 8 xaaladood iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga xaqiijiyay 7 xaaladood. Tirada guud oo la xaqiijiyay ayaa ah 1,421 xaaladood, waxaana geeriyooday 1 bukaan halka ay bogsootay 4 bukaan. Wasiirka ayaa ku dhawaaqday in aad loogu baahanyahay in cudurkaan la xakameeyo, bulshadana ay muujiso taxadar siyaado ah ayna la xiriiraan dhaqaatiirta hadii ay isku arkaan calaamadaha cudurkan, sidoo kale bulshada in ay ku dadaalaan dhaqanka ka hortagga ah ee caabuqa COVID-19, si gaar ah dhalinyarada maadaama ay yihiin da’da uu aadka u saameeyay kana badbaadiyaan waalidiintooda. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Waa loo baahnaa. I hope they sell it cheaply and not to seek maximum profits.
