Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,660
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Deni iyo Karaash oo kulan xasaasi ah ku leh Garoowe Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Garoowe ayaa sheegaya in haatan Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash uu kulan xasaasi ah uga socdo xarunta baarlamaanka ee magaaladaasi, kadib markii ismimada maamulkaasi ay ku guuleysteen inay isu-keenaan. Kulankan ayaa ah mid lagu dhex-dhexaadinayo labada adhinac, si ay xal uga gaaraan khilaaafka xoogan ee muddooyinkii la soo dhaafay u dhexeeyey. Isimada Puntland oo markasta u istaaga xalinta khilaafka madaxda sare ee maamulkaasi ee haatan xalinta wada ayaa waxaa ka mid ah, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, kuwaas oo dhex-dhexaadinaya mas’uuliyiintaasi. Sida qorshuhu yahay waxaa kulanka hadda socda lagu soo afjari doonaa khilaafka hareeyey Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo maalmihii u dambeeyey si aad ah looga hadal hayey deegaanada maamulkaasi. Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka ka soo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni. Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa toddobaadkii hore sheegay in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.
  2. Muqdisho waa magaalo la wada deggan yahay waasa la kala leeyahay Maqaamka Banaadir ay yeelanayso lagalama tashanaayo niman kayimid Gibilleey, Garoowe, Caabudwaaq, Kismaayo iyo Ceelbarde. Lama waydiin doono nin aan kasoo jeedin Banaadir aayaheeda, ma goyn karo maqaankeeda, xaq uma lahan, waana riyo maalmeed kuwa ku haasaawaaya in maqaamka Muqdisho ay iyagu sameyn karaan. Sharci uma lahan nin deegaankii uu lahaa maamul iyo astaan usameystay in uu warbaahinta ka yiraahdo dhaxalkii Muqdisho qaybteeda wax ku leeyahay. Dastuurka Kmg ee noo yaalla xitaa waxaa kaweyn jiritaanka dadkii lahaa dhulkaan ee dulqaadnimada ku aqbalay in umadda Soomaaliyeed leyskugu keeno, ee ogolaaday in kaligood canshuur laga qaado, ee ogolaaday in ganacsigoogada wixii laga canshuuro lagu dhiso gobolllada dalka. Muqdisho waa noolyihiin dadkii lahaa, waana meel ku caan ah in laga muuniyo midnimada Soomaaliyeed in ay muqaddas tahay, waa goobtii ogolaatay wadajirka iyo wada noolaashaha dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waa goobta kaliya ee aan leheyn in nin Soomaaliyeed lagu heyb sooco. Banaadir waa magaalo ka ilbaxsan magalooyinka kale ee dalka ee dadkeeduna aaminsan yihiin jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed. Muqdisho ma aqbali doonto keyga anigaa leh, kaagana kula lihi, waana muhiim in aan fahamkaa ay wada yeeshaan dallaaleeyda rabta in ay wax duudsiiso dad soo jeeda. Xigasho ______________ This regressive writer deliberately leaves out degmooyinka isleeyahay reerkiisa ayaa degan, sida Cadaado, Hobyo, Xarardheere, Warsheekh and such towns. Do those folks ka soo jeedo meelahaas uunan magacaabin 'aayaha Banaadir' maa lagala tashan karaa marka?
  3. Tigray-ga oo ku adkeystay mowqifkooda kuna gacan seeray hanjabadii R/W Abiy Xisbiga Tigrayga Itoobiya ee TPLF ayaa ku adkeystay go’aankooda ah inay qabtaan doorashooyin, ayaga oo ku gacan seeray diginin iyo hanjabaad kaga timid ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Bayaan kasoo baxay TPLF ayaa lagu diiday dib u dhigista ay dowladda ku sameysay doorashooyinka ayada loo adeegsanayo fasiraad lagu sameynayo dastuurka. Bayaanka ayaa sidoo kale ku eedeeyey xisbiga Abiy Ahmed uu hoggaamiyo ee Prosperity Party inuu galay dmabiyo waa weyn, oo ay ka mid yihiin inuu ka tanaasulay madax-banaanida iyo danaha amniga qaranka ee dalka, jebinta dastuurka, iyo dagaal ku qaadista kuwa la jira dastuurka, sida TPLF. “Xisbiga Prosperity Party wuxuu sidoo kale halis gelinayaa amniga dalka isaga oo adeegsanaya akhbaaraad been abuur ah,” ayaa lagu yiri bayaanka. TPLF ayaa sidoo kale dhaliishay muuqaal laga baahiyey warbahainta dowladda 28-kii May, oo aheyd sanad-guuradii 29-aad ee kasoo wareegtay markii ciidamada TPLF ay galeen magaalada Addis Ababa kadib dagaal 17 sano socday oo ay la galeen taliskii Derg ee Mengistu Haile Mariam. Muuqaalladan ayaa muujiyey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo gaystay maxaabiista siyaasadeed intii ay xukunka hayeen TPLF. TPLF ayaa baahinta muuqalladan ku macneysay “ku baaqista xasuuq” iyo isku day lacag loogu iibsanayo awoodda. TPLF ayaa ugu ugu baaqay guddiga doorashooyinka qaranka inay doorashada ku qabtaan waqtigeeda, si waafaqsan dastuurka, haddii ay taas dhici weysana uu gobolka Tigray sii wadi doono u diyaar garowga qabashada doorashooyinka. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed inuu inkirayo xuquuqda dadka ay u leeyihiin inay iskood isku maamulaan iyo inuu qaadayo dagaal ka dhan ah gobollada. Xafiiska Abiy weli kama jawaabin eedeymaha cusub iyo go’aanka TPLF. Xigasho _______________ How many laws and regulations their lord Sanaawi used to violate weekly when his tiny community were in power? Abiy Axmed should put this tiny community in their place once and forever.
  4. Ethiopia : TPLF Defies Warning by Federal Government The Tigrayan People’s Liberation Front (TPLF) has released a statement following the meeting of its executive committee. The statement is one that, once again, rejects the federal government’s efforts to postpone the upcoming election through constitutional interpretation and defies the warnings by the federal government – particularly the Prime Minister – concerning TPLF’s decision to conduct the election as per the original schedule. The statement accuses Prosperity party of numerous crimes such as compromising the Country’s Sovereignty and National interests, violating the constitutional order (and consequently of dictatorship), waging war on those who are aligned with the constitution (presumably TPLF itself), and sabotaging the internal peace of the region through spreading false information. This is presumably a reference to the protests in the region that were reported by government, private and international media but which TPLF has completely denied. TPLF has, in its statement, put down seven resolution points mainly concerning the campaign against COVID-19, the alleged campaign by Prosperity party against TPLF and the region it governs, the election, and administrative reforms within the region. Concerning the prevention of COVID-19, the executive committee has decided that the campaign must be carried on based on “new changes, the conditions inside the region and scientific information” and “in a way that will minimize the economic damage” that could follow. TPLF has strongly objected to documentaries streamed via government media services on May 28, the day that marked the 29th year TPLF forces entered Addis Ababa after 17 years of struggle against the Derg regime. The documentaries presented cases of human rights violations committed against political prisoners while TPLF formed the heart of the federal government. These documentaries were perceived by many as a response to TPLF’s rhetoric concerning the greatness of the day and 27 years that followed in which TPLF controlled the federal government until its fall and retreat from central politics two years ago. In its statement, TPLF described the viewing of these documentaries as “a call for genocide” and an attempt at “buying power with money.” It has called for these actions to stop and “urged the Prosperity party to come to a logical discussion in which all stakeholders are allowed to participate.” Concerning the election, the executive committee has called for the national election to be held “timely, as per the constitution.” Otherwise, preparations within the region to hold an election will continue even more intensively. It has protested at length against the decision taken by the federal government to postpone the election. It has also blamed the Prime Minister of disregarding “the right of people to self-determination” and of “waging war against the region.” It has called on the people of Tigray, members of TPLF, members of the House of Federation, other regional states, the civic society, “nations, nationalities, and peoples of the Country,” and political parties not to participate in this scheme of the government which violates the constitution. The people of Eritrea, the United Nations, and the AU have also been mentioned and asked to “play a positive role in the matter.” Xigasho
  5. 01 June 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 47 > Somaliland: 28 > Benadir: 9 > Puntland: 5 > Jubbaland: 5 > Male: 38 > Female: 9 > Recovery: 13 > Death: 1 ------------------------------------ Total confirmed cases: 2,023 Total recoveries: 361 Total deaths: 79 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia
  6. Waa hovering xildhibaan meesha jufadiisa degto ama isleeyahay wey degaan u hadlo - from Beledweyne to Wanlaweyn to Kismaayo hareeraheeda.
  7. Afka Soomaaliga = The (the) Soomaali language. That is the literal way, but it is still the Soomaali language. Afsoomaaliga (Af Soomaaliga) = The Soomaali language. I know also Afsoomaali means Soomaali language.
  8. Baydhabo seems like it is becoming capital of cobblestone city.
  9. Diyaarad kale oo Soomaali kasoo celisay dibedda oo kasoo degtay Muqdisho Diyaaradii seddaxaad oo muwaadiniin Soomaaliyeed kasoo qaaday dalka Sacuudiga ayaa galabta kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Diyaaradan ayaa kasoo duushay magaalada Jidah ee dalkaas Sacuudiga waxayna siday 126 qofood, oo kala ah 24 dumar ah iyo 102 rag ah. Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa Muqdisho laga soo dejiyay dad Soomaaliyeed oo sidaan oo kale looga soo qaaday dalka Sacuudiga Carabiya. Diyaaradii tan ka horeysay ee shalay kasoo dejisay Muqdisho qeybtii labaad ee dadkaas ayaa keentay tiro la eg tan maanta oo aheyd 126 qofood. Sidoo kale maalinkii ka horeysay ee Jimcaha ayaa Muqdisho laga soo dejiyay 132 qofood oo dhamaantood laga keenay dalka Sacuudiga. Dadka seddaxdii maalmood ee u dambeysay laga soo celiyay Sacuudiga ayaa u badan caruur iyo haween, waxana la sheegay in badankood ay xabsiyo ku jireen oo laga soo kala qabtay magaalooyinka dalkaas Sacuudiga, halka kuwa kalena ay isku dhiibeen booliska baacsanayey si loogu soo celiyo dalkooda. Guddiga ay dowladdu u xilsaartay soo celinta dadkaas waxay habeen ka hor garoonka Muqdisho ka sheegeen in seddax loo qeybiyay dadka laga soo dalka Sacuudiga, waxaana galabta la keenay qeybtii seddaxaad. Guud ahaan dadka laga soo celiyay seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay dalka Sacuudiga, waxay tiradoodu noqaneysaa 384 qofood oo iskugu jira caruur, haween iyo dad da’ ah. Dowladdu waxay sheegtay in soo celinta dadkan uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana kasoo shaqeeyay guddi loo xilsaaray dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku kala xaniban daafaha dunida. Hase yeeshee Caasimada Online ayaa ogaatay in dadkan ay yihiin dad tarxiilay oo ay soo dirtay dowladda Sacuudiga.
  10. Wakhtiga dib loo furayo duulimaadyada gudaha Soomaaliya oo la shaaciyay Sida laga soo xigtay masuuliyiinta dowladda u qaabilsan duulimaadka, waxaa todobaadkaan dib loo furi doonaa duulimaadyada diyaraadaha ee gudaha dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii Bishii March waxaa ay si ku-meel gaar ah u joojisay duulimaadyada dalka gudahiisa ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus, xilligaas oo kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah laga helay Soomaaliya. Kulan gaar ah oo ay yeesheen sida la sheegay Saraakiisha laanta hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha iyo Mas’uuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha ayaa waxaa ay isku raaceen in marka la furo duulimaadyada, lagu dhaqmo amaro la xiriira ka hortagga COVID–19 oo horay loo soo saaray. Rakaabka diyaaradaha raaci doona waxey xiran doonaan Gloves (Gacmo gashi) af xir (Mask), sidoo kalana waxey isticmaali doonaan waxyaabaha gacmaha lagu nadiifiyo si looga feejignaado xanuunka COVID 19 oo wali ka jira Soomaaliya. Dabayaaqadii bishii Maarso ayey aheyd markii la joojiyay duulimaadyada gudaha, waxeyn arintaas ka dambeysay markii uu xoogeystay faafitaanka COVID 19, waana habka ay raaceen wadamada kale ee dunida. Dhamaan xafiisyadii duulimaadyada ee ka shaqeynayay magaalada Muqdisho iyo gudaha dalka ayaa albaabada loo laabay maadaama aysan jirin wax shaqo ah oo ay qabanayaan, balse markaan dib ayey u furmi doonaan muddo kadib.
  11. 31 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 60 > Jubbaland: 32 > Somaliland: 18 > Benadir: 6 > Galmudug: 4 > Male: 53 > Female: 7 > Recovery: 21 > Death: 5 ------------------------------------ Total confirmed cases: 1,976 Total recoveries: 348 Total deaths: 78 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19
  12. Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay horkacayso Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ayaa waxa ay maanta gaarsiiyeen dagmada Gaalkacyo agab caafimaad oo loogu talagalay latacaalidda iyo xakameynta caabuqa #COVID19.
  13. Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay horkacayso Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ayaa waxa ay maanta gaarsiiyeen dagmada Afmadoow agab caafimaad oo loogu talagalay latacaalidda iyo xakameynta caabuqa #COVID19.
  14. A few weeks ago, my aunt's husband in London have sadly passed away due to Covid-19. So it is close to home. Rabi ha u raxmado marxuumka.
  15. Xabashis are reporting close to real numbers or at least have of it now. Their latest numbers: However, the deaths are severely under-reported still with only 11 deaths.
  16. The word Waqooyi, too. Originally it was Waaqooyi. I guess ancient Soomaalis might have faced that northern direction to pray. Perhaps. Soomaalis also had a few other names for God, two of them being Eebbe and Wacad.
  17. Yes, dafe also means snatcher, from the daf word, meaning snatch. It is also the the name for hawk. You would know why we call hawks snatchers by watching them when they hunt for a prey. Bahal is any wild animal, insect, reptile, et cetera. Daa'uus the bird is called peacock in English. It is borrowed from Carabi language.
  18. Kiisaskii ugu horeeyey COVID-19 oo laga helay Laascaanood iyo khatar laga Dayriyey Laba qof ayaa wasaarada Caafimaadka Gobolka Sool ku dhawaaqday in laga helay COVID-19 magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool, kuwaas oo la sheegay in xaaladoodu ka soo raynayso xiligan. "Waxaan haynaa laba qof oo bukaan ah, haatana xaaladoodu aad ayay uga soo raynaysaa" sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Isuduwaha wasaarada Caafimaadka Gobolka Sool oo intaas ku daray in cabsi badan ay magaalada ka jirto iyadoo buu yidhi aanay dadka magaaladu uba soo jeedin wacyigelinta. Kulan ay saaka ku yeesheen gudiga ka hortaga COVID-19 xarunta wasaarada Caafimaadka ayay ka soo jeediyeen in bulshada la fahansiiyo dhibaatada uu xanuunkan leeyahay iyo sida fudud ee uu u faafo. Waxa ay gudigu sheegeen in haatan baadhista iyo daweyntuba ya yihiin Bilaash, iyagoo aad ugu dheeraaday in laga hortago khatar aan hadhow wax laga qaban karin. Guud ahaan gobolka Sool ayaan haba yaraatee aanay jirin wax isbedel ah oo looga hortegayo xanuunkan marka laga reebo goobaha wax lagu barto oo xidhan taasina waxay si fudud u faafin kartaa xanuunka oo dad badan oo bulshada ka mid ah shaki ay ka qabaan gooniyaynta oo ay isku difaacaan in hargab uu hay. Xigasho
  19. Sadex bilood ka dib, he is back. Maba quusto. Xiisad Colaadeed oo ka soo cusboonaaneysa magaalada Baladxaawo Xiisad colaadeed ayaa laga soo sheegayaa magaalada xuduuda Soomaaliya ee Balad-Xaawo iyada oo ay jiraan warar sheegaya in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu u diray ciidamo badan oo u diyaar garoobaya la dagaallanka ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada. Dadka deegaanka ayaa muujiyay cabsi ay ka qabaan in dagaalo cusub ka dhex-qarxaan gudaha magaalada Balad Xaawo iyadoo dhawaqa rasaasta goos goos ah laga maqlayo magaalada gudaheeda. Waxaan ka cabsi qabnaa in dagaalku qarxi karo waqti walba sababta oo ah ciidamada Jubbaland oo uu hogaaminayo Cabdirashiid Janaan, oo sida la sheegay ka baxsaday xabsi kuyaala magaalada Muqdishu, ayaa u soo dhowaaday magaalada waxaana suuragal ah inay qaadaan weerar gaadmo ah." ayuu yidhi qof deegaanka ah. Bishii Maarso ee la soo dhaafay, ayaa ugu yaraan toban qof ku dhinteen kumanaan kalana ka barokaceen ka dib dagaalo halkaas ku dhex-maray labada ciidan.. Labada ciidan ayaa la sheegay inay raadinayeen gacan ku haynta magaalada Bulahawaay ee gobolka Gedo, iyadoo warar kale ay sheegayeen in ciidamada dowladda Soomaaliya ay doonayeen inay soo xiraan wasiirka amniga Jubbaland oo ka baxsaday xabsi kuyaala magaalada Muqdisho.
  20. Janan oo hub iyo lacag laga soo siiyay Nairobi oo dhoola-tus ka wada Beledxaawo Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa muddo kadib dib ugu soo laabtay xerada Banyooley ee ku dhow xuduudda Kenya iyo gobolka Gedo, kadib markii uu safar muddo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Janan uu la yimid hub iyo lacag islamarkaana uu dhaq-dhaqaaqyo ka billaabay gobalka Gedo. Ugu yaraan 100 qori oo AK47 ah, rasaas farabadan iyo mushaarka muddo saddex ilaa laba bil ah ayaa la sheegay in laga soo siiyay Nairobi, waxa uuna dhaq dhaqaaq kawadaa aagga dagaal ee Beladxaawo. Dad goob joogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay dhowr jeer ay maqleen rasaas lagu sheegay dhoola-tus, halka qaar kale ay sheegeen in ciidankiisa ay sameynayeen Dab rid, taas oo abuurtay baqdin xoog leh. Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka war qabaan dhaq dhaqaaq ciidan ee wasiir Janan islamarkaana ay diyaar u yihiin wax ay ugu yareen is-difaac. Dadka degaanka ayaa ka cabsi qaba in markale gobalka ka dhacdo dagaal muddo bilo ah ay daganaansho ka jirtay kadib. Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya kal hore ku eedeysay in gobalka ay ka wado xasiloonin darro amni iyo mid siyaasadeed.
  21. Lataliyaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa ka warbixiyay xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19. Lataliyaha ayaa xaqiijiyay 13 xaaladood oo COVID-19, xaaladahan ayaa waxaa laga soo kala xaqiijiyay Maamulka Somaliland 8 xaaladood iyo Gobolka Banaadir 5 xaaladood. Tirada guud ee la xaqiijiyay ayaa ah 1,731, waxaana ka bogsooday 12 bukaan iyada oo aysan jirin 24kii saac ee lasoo dhaafay wax geeri ah. Lataliyaha ayaa bulshada la wadaagay in la gaarsiiyay Maamulka Galmudug deeq daawo ah oo lagula dagaalamaayo caabuqa COVID-19. Sidoo kale wuxuu cadeeyay sababta ka danbeesa faafidda caabuqa ee Gobolada in ay ka danbeyso isku socodka bulshada loona baahanyahay in la yareeyo isku gooshida. Ugu dambeyntii waxa uu ka codsaday dhammaan dhalinyarada in qeyb weyn ka qaataan wacyigelinta ayna iska badbaadiyaan caabuqa ayaga iyo qoyskoodaba.
  22. 27 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 13 > Somaliland: 8 > Benadir: 5 > Male: 10 > Female: 3 > Recovery: 12 > Death: 0 ------------------------------------ Total confirmed cases: 1,731 Total recoveries: 265 Total deaths: 67 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia