Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,651
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Maskiinkaan Yemaniga ah xuu ka rabaa Muuse Marqaan? Only knows how to abuse masaakiinta ku hoos nool. Fanaanka Saalax Carab: Waxaa tacadi xun iyo cunsurinimo la iigu geystay Hargeysa Fanaanka Saalax Carab ayaa sheegay in si cunsurinimo leh loogula dhaqmay Somaliland kadib markii muddo labo todobaad ah uu si sharci darro ah ugu xirnaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Fannaankaan oo maanta dib u helay xoroyadiisa, ayaa farriin uu maalin kahor xabsiga kasoo diray ku sheegay in loo xiray kadib markii dhawaaan Xamar ay kasoo heeseen isaga iyo fanaaniin kale oo reer Hargeysa ah, balse isaga kaligiis la beegsaday. Waxaa uu tlmaamay intii uu xabsiga ku xirnaa in loo diiday inuu daawo qaato maadaama uu sheegay inuu qabo xanuuno uu kamid yahay Dhiikar. Waxaa sidoo kale uu tilmaamay in loo diiday qareen udooda. “Anigoo fanaan ah oo wax dambi ah aanan galin, ayaa la igu xiray meel lagu xiro tuugada iyo gacan ku dhiiglayaasha ah. Horey looguma xirin fanaan aniga iga horeeyay. Waxaa la igu cunsuriyeeyay waa qabiilkayga, Waxaan ilaaheey ka baryay inuu cadaalad isiiyo,” ayuu yidhi fanaanku. Fanaanka ayaa kamid ah fanaaniinta kasoo jeeda dalka Yemen, balse ku heesa afka Soomaaliga. Wuxuu fankiisa kasoo bilaabay dowlad degaanka Soomaali(da).
  2. Danab oo weeraray goob ay ku shirayeen xubno Shabaab ah iyo saraakiil lagu dilay Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo ciidamada sida gaarka u tababaran Danab ay ka fuliyeen duleedka degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu qaaday deegaanka Carabow oo 50 KM u jira magaaladaasi, gaar ahaan goob uu shir uga socday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi ay khasaare xoogan ku gaasiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay gabi ahaan cagta mariyeen goobtii uu shirka ka socday, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in howlgalkaasi ay ku dileen illaa saddex sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu midkood ahaa Ajnabi ka soo jeeda dalka Maali, kaas oo uu magaciisa ku soo gaabiyey, Abuu Ayman. Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sidoo kale tilmaamay in labada kale ay yihiin Soomaali, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan magacyadooda. Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in weerarkan ay ku laayeen dagaalyano kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, walow uusan shaacin tiradooda. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.
  3. The ambassador tells as it is. SAFIIRKA Mareykanka ee Soomaaliya oo shuruud ku xiray mucaawinada Soomaaliland Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto ayaa ka hadlay wada-hadalada Soomaaliya & Somaliland, iyo cudurka Coronavirus, isagoona si yaab leh uga jawaabay su’aal laga weydiiyay mucaawinada Mareykanka ee ku aadan Somaliland, maadama ay ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada. Safiirka ayaaa sheegay in xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay Madaxdii kala duwaneyd ee talada Somaliland iskaga kala dambeeyay, isagoona si dad-ban u xusay in taageerada Mareykanka ee Somaliland ay door muhiima ka ciyaareyso midnimo labada dhinac, midaasi oo uu sheegay inay uga dan leeyihiin sidii ay Soomaaliya u noqon laheyd mid xoogan. Donald Yamamoto ayaa aaminsan in haddii maamulada dalka iyo dowladda federaalku ay si wada-jir ah u shaqeeyan in wax badan lagu talaabsan karo, weliba xiliga adag ee dagaalka lagula jiro cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19. Yamamoto ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay rabitaanka Mareykanka ee ku aadan midnimada Soomaaliya, midaasi oo meesha ka saareysa doonista Somaliland oo iyadu muddo 30-sanno ah baadi-goobeysay ictiraaf aan miro-dhalin, iyada oo xiligan ay sareyso xiisada kala dhaxeysa dowladda federaalka. Waxa kale oo uu carabaabay Safiirku in deyn cafinta Soomaaliya iyo la dagaalanka Covid-19 ay qeyb weyn ka qaadan doonaan doorka lagu rabo midnimada, maadama ay laga maarman u tahay in si isku mid ah u wajahaan, iyagoo koox keliya ah oo si wada-jira u wada shaqeynaya. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto, ayaa arrimahaasi kaga hadlay shir jaraa’id oo dhawaan ku qabsoomay adeega ZOOM, iyada oo su’aalo kala duwana lagu weydiiyay, wuxuuna yiri “Waxaaan la shaqeeyey Madaxwayne Cigaal, 1998 markii loo dejinayay qaab dhismeed Somalia. Waxaan kadib la shaqeeyey dhamaantood, Rayaale iyo kuwii kale, hadana waxaan la shaqeeyaa Muuse Biixi. Hadda waxa jira dhawr arrimood oo socda. Ta koowaad waxa weeye in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy uu martigeliyay kullan dhexmaray Muuse Biixi iyo Madaxwayne Farmaajo, waana bilow aad u fiican”. “Arinka kale waxa weeye in COVID-19 iyo sidoo kale dayn cafintu ay ku qasbayaan Somaliland iyo Somalia iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah inay wada shaqeeyaan sababta oo ah Somaliland waxa ay sii xoogaysanaysaa marka ay taageero u haysato hamigeeda. Kenya, Itoobiya iyo Jibuuti waa muhiim, balse waxa ay ila tahay marka ay jirto isku duwid iyo iskaashi ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo u wada shaqaynaya hal mid ah inay noqon doonto mid xooggan”. “Waxa ay ila tahay in arinku sidaas noqon doono. Waxaan arkaa rajo badan oo ay leeyihiin Somaliland iyo Somalia maanta oo ka badan tii aan qabay shalay, bishii hore, sanadkii hore iyo 1998. COVID-19 iyo dayn cafintu waxa ay ku qasbayaan dhamaan dhinacaydu wada-shaqeeyaan. Maraykanku wuu taageersan yahay., waxaanu doonaynaa inaanu aragno taageero buuxda oo la siiyo Somalia iyo Somaliland”. “Waxaanu doonaynaa inaanu aragno taas, waanuna ka shaqayn doonaa sababta oo ah dadka Soomaaliyaa iyo Somaliland ayaa doonaya. anana markaas sidaas ayaanu la rabnaa. Way dhan tahay”. Xigasho
  4. Lataliyaha sare ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa bulshada u sheegay in Soomaaliya ay soo gashay kaalinta 13aad kala sareynta dalalka Afrika uu sameeyay caabuqa COVID-19 ayna tahay wax laga naxo sare u kaca iyo faafidda uu sameenayo cudurka loona baahanyahay in qof walbaa uu ku dadaalo dhamaan qaababka looga hortagi karo caabuqa iyadoo ay u tahay badbaado naftaada, qoyskaaga iyo dhammaan umadda. Wuxuu sidoo kale baaq udiray dhalinyarada in ay noqdaan badbaadiyaha qaranka iyo badqabka dadweynaha aysan noqon dilaaga daahsoon/qarsoon ay la yimaadaan taxadar iyo foojignaan badan si loo yareeyo baahidda caabuqa.
  5. Maanta oo ay tariikhdu tahay 10 May 2020, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19, xaaladaha la xaqijiyay ayaa ah 57 xaaladood. Xaaladahaan waxaa lagaso xaqiijiyay 3 kamid ah maamul goboleedyada dalka. Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 23 xaaladood, Maamulka Somaliland 17 xaaladood iyo Maamulka Puntland 17 xaaladood. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 1054 xaaladood, waxaa geeriyooday 3 bukaan, waxaana bogsooday 8 bukaan. Wasiirka ayaa bulshada ku adkeesay ahmiyada ay leedahay in lagu dadaalo xakameynta caabuqa maadama ka hortaggu uu ka wanaagsan daweynta, waxaa muhiim ah in lagu dadaalo siyaabaha looga hortago caabuqa maadama ay qatartiisu tahay mid aad badan.
  6. Si heersare ah ayaa loo dhisaayaa. Wey ku hamadsanyihiin dowladda dhexe iyo shirkadda Hormuud.
  7. Waxa Xamar ku soo arkay toddobo bil ka hor is that almost every house's interior wall has bright fluorescent nalal sida luuqyada iyo jidadka kale mugdi u noqon. Marmar waxaaba isleedahay dowladda hoose maa ku qasabtay. I guess the fluorescent lights are energy efficient and hardly cost that much to run.
  8. When is gaalkaan xaarka aan iska dhaqin going to honour the poor Darwiish iyo eheladooda diyaaradahooda ay ku xasuuqeen Sool? Gaalka uraayo gaalkiisa dhintay u daran.
  9. Such as a shame. Markee Beledweyne igu sawir iyo istus tus ka wadaan ee meeshaan ka bilaabaan. Inta yar beesha caalamka laga soo tuugsaday Reer Beledweyne la isku tustusinaa. Also have you seen how that poor lady with Covid-19 symptoms was treated in Hargeysa? No care or concern at all. Her post went viral on Facebook.
  10. Ciidamada Itoobiya oo qirtay inay soo rideen diyaaraddii kusoo dhacday Bardaale Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa qirtay inay toogteen diyaarad xamuul oo ay lahayd Keny, taasoo keentay lix dhimasho ah, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee Daily Nation. Warbixin uu soo gudbiyay Taliyaha Qeybta III ee Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ku sugan Bardaale, oo 300km waqooyi-galbeed ka xiga Muqdisho aysan ka warqabin wax duullimaad rayid ah oo soo gala waqtigaas. "Ma jirin wax macluumaad ah oo sheegaya in diyaaradda ay kusii jeeday Bardaale. diyaaradda ayaa ka duushay meel caadi ah oo ay si isdaba joog ah ugu sii dhowaatay dhulka," ayay yiraahdeen ciidamada Itoobiya. Ciidamada ayaa ka shakiyay in diyaaradda ay ahayd mid ismiidaamin ah oo ay dooneysay bartilmaameed si ay u weerarto. Sababtaas awgeed ayay ciidamada Ethiopia u toogteen unasoo rideen diyaaradaan oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Aftican Express Airways. Sheegashaan ayaa timid xilli dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ay iska kaashanayaan baaritaanka sababtii ka dambeysay in ay soo dhacdo diyaaradaan, isniintii todobaadkii hore.
  11. Beesha Caalamka oo Soomaaliya deeq ahaan u siineysa 16 milyan oo doollar Beesha caalamka ayaa ka hadashay dhaqaale Soomaaliya loogu yaboohayo oo gaaraya 16 milyan oo doollar, lacagtaas oo qaar kamid ah loogu tala-galay la dagaallanka xanuunka COVID-19 sida uu sheegay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto . Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu saxaafadda ugu qabtay khadka Online-ka ah Khamiistii shalay ayaa waxa uu tilmaamay in lacagtaasi ay bixinteeda iska kaashan doonaan beesha caalamka sidii Soomaaliya ay awood ugu heli laheyd maareynta xanuunka Coronavirus. Danjire Yamamoto ayaa intaa ku daray in kaalmadaan ay noqon doonto mid leh laba weji , waatan koowaade in Dowladda Soomaaliya ay kula dagaallanto xanuunka COVID-19 iyo wejiga labaad oo ah in lagu xoojiyo miisaaniyadda dalka maadaama saameyn dhaqaale uu ku yeeshay xanuunkan. “Lacagtaan taageerada ah maaha mid keliya ka imaaneysa Mareykanka ee waxaan la kaashaneynaa dhinacyo kale” ayuu yiri Donald Yamamoto. Waxa uu sidoo kale qeexay in dowladda Mareykanka Soomaaliya ay ku garab istaageyso fududeynta lacagaha amaahda ah ee lagu leeyahay Waddanka, iyadoo la kaashanayo saaxiibada beesha Caalamka iyo Bankiga adduunka iyo hay’adda Lacagta dunida ee IMF. Dhinaca kale wuxuu ka gaabsaday su’aal ay weydiisay HOL oo aheyd “ Mar haddii Soomaaliya dagaalka Al-shabaab uu waqti soconayay , miyaa la gaaray xilligii lala wada fadhiisan lahaa, oo xalka wada hadal lagu raadi lahaa?’ Jawaabta su’aashaas iyo kuwa kel oo ay kamid aheyd “ Mareykanka diyaar ma u yahay bixinta magta dadka rayidka ah oo ay diyaaradihiisa dileen?” waxa uu sheegay in su’aalahaasi uu u celinayo howlgalka Mareykanka ee Afrika {Africom}, waxa uuna sheegay in isaga uusan ka jawaabi Karin. Xigasho
  12. Puntland oo shaacisay kiisas badan oo Coronavirus ah Guddiga arrimaha Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa caawa shaaciyey kiisas hor leh oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyey gudaha deegaanada Puntland. Tirada kiisaska maanta laga diiwaan Puntland ayaa gaaraya 17, halka dhimashada uu sababay cudurkaas loo diiwaan geliyay hal qof, sida lagu sheegay warbixinta guddiga. Kiisaskan ayaa laga kala diiwaan geliyay gobollada Bari, Mudug iyo Nugaal ee Puntland, mana jirto cid kasoo bogsatay xanuunkaas oo lagu shaaciyey warbixintan. Guddiga ka hor tagga xanuunka COVID-19 ee deegaanada Puntland ayaa tirada guud ee cudurkan uu ka baaray saacadihii u dambeeyey ku sheegay 24 qof, balse waxaa laga helay 17 qofood, kuwaas 15 kamid ah ay yihiin rag, halka labada kale ay dumar yihiin. Tirada guud kiisaska cudurka Coronavisus ee deegaanada Puntland aya gaartay 76 xaaladood, dhimashada uu sababay xanuunkan ayaa gaartay seddax qof, halka qof kaliya uu kasoo bogsaday. Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ayaa galabta shaacisay in 69 qofood laga helay cudurkas 48-kii saac ee u dambeeyey, kuwaas ku kala sugan dhamaan deegaanada maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, markii laga reebo deegaanada Jubbaland. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 997 xaaladood, bogsashada guud ayaa gaartay 110 qofood, halaka dhimashada guud ee uu sababay xanuunkaas ay gaartay 48 ruux, inta la ogyahay, sida ku xusan warbixintii u dambeysay ee heer federaal. Tirada ay galabta shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya kuma jiraan kuwa ay caawa shaacisay Puntland, balse warbixinta dambe ayey kusoo dareysaa sidii horay u dhici jirtayba, waxaana halkaas ka cad wada shaqeyn la’aan ka dhex taagan hey’adaha caafimaadka dalka, taas sida caqabad ku ah dadaalada ka hor tagga Coronavirus.
  13. Kiisaska CORONAVIRUS ee Soomaaliya oo ku dhow 1000 iyo gobollada oo uu ku faafayo Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta cudurka Coronavirus waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, islamarkaana 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 4 qof oo kale ay ka bogsoodeen cudurka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (39) Somaliland (11) Puntiland, (8), Koonfur Galbeed (8) ruux, HirShabeelle (2) iyo Galmudug (Hal) ruux. Warbixinta ayaa muujineysa in cudurka uu hadda uu ku faafayo gobollada dalka, halka maalmihii hore uu ahaa mid ku xooggan magaalada Muqdisho. 48 kamid ah bukaannada cusub ayaa rag ah, halka 21 ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.
  14. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay maanta xaalado cusub oo COVID-19 ah. Tirada waxa ay gaareysaa 69 xaaladood, waxeyna ka kala yimaadeen caasimadda Muqdisho iyo Maamuada kala duwan ee dalka. Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 39 xaaladood, Maamulka Somaliland ayaa laga xaqiijiyay 11 xaaladood, 8 xaaladood Maamulka Koonfur Galbeed, 8 xaaladood Maamulka Puntland, 2 Hirshabeelle iyo Galmudug oo 1 xaalad laga diiwaan geliyay. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 997 xaaladood, waxaa geeriyooday 4 bukaan, waxaana bogsaday 4 bukaan. Sida caadada aheyd, Wasiirka ayaa bulshada gaarsiisay fariimaha wacyigelineed ee lagu yareen karo faafidda caabuqa sida yareenta tagidda meelaha ciriiriga ah, gacmo dhaqashada oo la joogteeyo iyo in cudurka COVID-19 laga ilaaliyo dadka waayeelka iyo dadka qaba cuduradda raaga.
  15. Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa sidii dhallinyarada looga wacyi-gelin lahaa COVID-19 Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyay gudiga ka hortagga xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya, waxaana si weyn looga hadlayay habka ugu fudud ee looga wacyi-gelin kara bulshada Soomaaliyeed. Kulanka oo ahaa mid khadka internet-ka ah ayaa waxa uu dhammaan dhinacyadii ka qeyb-galay ee guddigan qeybta ka ah ayaa waxa uu ku booriyay in ay la yimaadaan istiraatiijiyad wacyi-gelin ah oo la xiriirta dhalinyarada. Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu qeexay in dhalinyaradu ay yihiin laf-dhabarta bulshada sidaas darteed ay muhiim tahay in loo helo wacyi-gelin dhab ah. Soomaaliya, waxaa aad u baahaya xanuunka COVID-19, dowladdana dadaal adag ayeey ugu jirtaa sidii xanuunkaasi loo xakameyn lahaa.
  16. Somaliland oo wajaheysa khatar hor leh oo si weyn looga deyrinayo (Warbixin) Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay wajaheysa khatar hor leh oo ku aadan faafitaanka cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kaasi oo si weyn ugu faafay qaar kamid ah deegaanadeeda, iyada oo ay gudaha Somaliland cudurkaasi ugu geeriyoodeen labo qof. Xukuumada Somaliland ayaa lagu eedeyaa in weli dagaalka Covid-19 uu ku jiro gaabis, inkasta oo ay wado dadaalo ay uga hortageyso faafitaanka cudurkaasi oo ku fiday deegaano hor leh. Xaalada Coronaha ee gudaha Somaliland ayaa si weyn looga deyrinayaa maadama aysan laheyn tayo caafimaad, iyada oo uu dhowr jeer oo horena uu si cad u sheegay Madaxweynaha Somaliland in taagtooda caafimaad ay liidato. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa hore u sheegay in tabartooda ku aadan dagaalka Covid-19 ay iska yartahay, xili ay u maaro waayeen dalal quwad iyo dhaqaale-ba ka horeeya Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye. Somaliland ayaa wajaheysa halistaasi ku aadan cudurkaasi, iyada oo la rumeysan yahay in xukuumaduna aysan weli soo saarin go’aamo si adag uga hortagaya faafitaanka cudurkaasi, maadama ay weli furan yihiin goobaha ay iskugu yimaadan dadweynuhu. Xukuumada Muuse Biixi ayaa dhawaan ku dhawaaqday go’aan u muuqday in uu wax ka tari doono faafitaanka cudurka oo ahaa joojinta Qaadka, walow ay ku fashilantay in deegaanadeeda si rasmiya uga joojiso qaadkaasi, iyada oo sidii caadiga ahaana loogu kala iibsado suuqyada magaalooyinka. Dadweynaha ku nool Somaliland ayaa wadnaha farta ku haya, maadama aysan haysan adeeg caafimaad oo tayo leh iyo xukuumad u babac dhigi karta dagaalka Coronavirus, xili ay ku mashquulsantahay dagaalada ka dhanka ah mucaaridka iyo dhaliilaha loo jeediyo. Xigasho
  17. Somaliland oo qaab yaab leh ula dhaqanta dadka qaba cudurka COVID-19 Xukuumada Somaliland ayaa inta badan sheegata in qaab gaar ah oo adeeg heer sare ah ay u diyaarisay dadka looga shakiyo xanuunka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, iyada oo dhowr jeer oo horena soo bandhigtay goobo ay ku sheegtay in lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi. Arrinta yaabka leh ee ay ogaatay Caasimada Online ayaa ah in xukuumada Biixi ay gebi ahaanba adeeg caafimaad oo habeysan aysan u diyaarin dadka cudurkaasi looga shakiyo ama uu aad u soo rito xanuunkaasi ka hor inta ay soo bixin natiijada baaritaankiisu, midaasi oo kor u sii qaadeysa halista caafimaad ee ka taagan gudaha Somaliland. Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, shaqaale ka tirsan wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa qaab burinaya sheegashada xukuumada Muuse Biixi ula dhaqmay Gabadh dhawaan iskaga shikisay cudurka Coronavirus, oo ka dalbatay caawimaad deg-deg ah. Gabadhaasi oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa Caasimada Online u sheegtay inay ugu horeyntii isku aragtay Qufac, xumad iyo neef qabatin, midaasi oo dhalisay inay iskaga shakiso cudurka halista ee Coronavirus, maadama ay isku aragtay astaamihii ugu waaweyn ee lagu aqoonsanayey cudurkaasi. Dhowr jeer oo ay wacday telefoonka ay wasaarada horumarinta caafimaadku u sameysay inay la soo xiriiran dadka iskaga shikiya cudurkaasi, ayaa haba yaraate laga jawaabin, iyada oo xaaladeeda caafimaad ay kasii dareysay marba marka kasii dambeysa. Qoyska Gabadha ayaa isku raacay inay Gabadhooda gar-gaar caafimaad oo deg-deg ah ay uga doontaan isbitaalada gaarka loo leeyahay, si ay u hesho Oxygen oo xiligaasi ay si aad ah ugu baahneyd, maadama ay laheyd neef qabatin saa’id ah. Iyada oo loo sii qaaday Isbitaalada gaar ah ee Hargeysa, ayaa waxa suurta-gashay in khadka telefoonka isku helaan wasaarada caafimaadka oo iyagu markiiba ka dalbaday in Isbitaalka dowladda ee Hargeysa la keeno gabadha, isla markaana lagula tacaali doono xaaladeeda, waa sida uu waqtigaasi u sheegay sarkaalkii caafimaad ee telefoonka kala hadlayey. Markii la geeyay gabadha Isbitaalka Hargeysa ayaa waxa markiiba la galiyey qeybta Emergency-ga maadama ay aad u qabaneysay Neeftu, walow aysan helin adeeg caafimaad oo dhameystiran, iyada oo aan lagu xareyna meel gaar ah maadama ay iskaga shaki qabto cudurka Corona oo si fudud ugu dhex faafi kara bukaanada kale ee xanuunada kala duwan u jiifa isbitaalkaasi. Arrinta la yaabka leh ee ay Gabadhu noo sheegtay ayaa aheyd in markii lagu xiray Oxygen-ta aysan dhakhaatirtu xirneyn wax qalab ka hortaga, iyagoona qaab aan wanaagsaneyn ula dhaqmayey, waxaana xiligaasi loo ogolaadeyna in gabadh walaasheed ah oo iyadana aan la siin qalabka la iskaga difaaco Coronaha ay xaaladeeda dul joogteyn ka noqoto, midaasi oo meesha ka saaraysa Karantiilkii ay hore u sheegtay xukuumadu Muuse Biixi, kaasi oo ahaa in goob gaar ah lagu baxnaaniyo qofka looga shakiyo iyo kuwa uu soo rito cudurkaasi Ugu dambeyntiina markii ay adeeg caafimaad oo tayo leh ka weyday Gabadhaasi Isbitaalka dowlada, waxay qoyskeedu go’aansadeen in iskaga noqdaan gurigooda, halkaasi oo lagu baxnaaniyo, isla markaana ay ku sugayaan natiijada baaritaanka cudurka ay iskaga shikisay ee Coronavirus. Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid si dhab ugu diyaar garoobin cudurkaasi safmarka ah oo ku faafay qaar kamid deegaanadeeda, iyada oo ay dhowaana u geeriyoodeen labo qof oo cudurkaasi qabay, iyada oo lala xiriirinayo inaysan helin adeeg caafimaad oo tayo leh, walow ay dhamaatay saacadoodii.
  18. Wasiiro ka tirsan Puntland oo laga helay CORONAVIRUS Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen sideed kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus. Warbixintooda maalinlaha ee 7-da May sanadka 2020 ayay ku sheegeen in bukaanada ay kamid yihiin 23 lagu baarey sheybaarka yaala magaala madaxda maamul goboleedka ee Garowe. Sidoo kale, waxay tibaaxeen in ay jirto hal dhimasho, balse lama soo sheegin soo kabasho cusub oo la xiriirta cudurka, 24-kii saac ee u dambeysay. Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanadda Puntland ayaa waxay gaartay 59 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub. Wasiirka Caafimaadka Puntland, Jaamax Faarax Xasan oo guddi ka tirsan, ayaa tilmaamay bukaanada cusub ay kamid yihiin laba wasiiro, balse ma uusan magacaabin. Bukaanadda 8-da ah oo dhamaantooda ah Lab ayaa laba kamid ah waxay joogaan gobolka Nugaal, gobolka Karkaar waa 4, Mudug-na waa laba, sidda xogta ku cad. Wasiiradda cudurka uu soo ritay ayaa si gaar ah isku karantiilay, waxaana xaaladooda la sheegay in ay wanaagsan tahay. Intaas waxaa wehlisa, wadarta geerida waa laba qof; dadka ka caafimaadey, illaa iyo haatan, waxay ku taagan tahay hal muwaadin. Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka. Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.