-
Content Count
17,660 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Puntland oo shaacisay kiisas badan oo Coronavirus ah Guddiga arrimaha Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa caawa shaaciyey kiisas hor leh oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyey gudaha deegaanada Puntland. Tirada kiisaska maanta laga diiwaan Puntland ayaa gaaraya 17, halka dhimashada uu sababay cudurkaas loo diiwaan geliyay hal qof, sida lagu sheegay warbixinta guddiga. Kiisaskan ayaa laga kala diiwaan geliyay gobollada Bari, Mudug iyo Nugaal ee Puntland, mana jirto cid kasoo bogsatay xanuunkaas oo lagu shaaciyey warbixintan. Guddiga ka hor tagga xanuunka COVID-19 ee deegaanada Puntland ayaa tirada guud ee cudurkan uu ka baaray saacadihii u dambeeyey ku sheegay 24 qof, balse waxaa laga helay 17 qofood, kuwaas 15 kamid ah ay yihiin rag, halka labada kale ay dumar yihiin. Tirada guud kiisaska cudurka Coronavisus ee deegaanada Puntland aya gaartay 76 xaaladood, dhimashada uu sababay xanuunkan ayaa gaartay seddax qof, halka qof kaliya uu kasoo bogsaday. Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ayaa galabta shaacisay in 69 qofood laga helay cudurkas 48-kii saac ee u dambeeyey, kuwaas ku kala sugan dhamaan deegaanada maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, markii laga reebo deegaanada Jubbaland. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 997 xaaladood, bogsashada guud ayaa gaartay 110 qofood, halaka dhimashada guud ee uu sababay xanuunkaas ay gaartay 48 ruux, inta la ogyahay, sida ku xusan warbixintii u dambeysay ee heer federaal. Tirada ay galabta shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya kuma jiraan kuwa ay caawa shaacisay Puntland, balse warbixinta dambe ayey kusoo dareysaa sidii horay u dhici jirtayba, waxaana halkaas ka cad wada shaqeyn la’aan ka dhex taagan hey’adaha caafimaadka dalka, taas sida caqabad ku ah dadaalada ka hor tagga Coronavirus. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Kiisaska CORONAVIRUS ee Soomaaliya oo ku dhow 1000 iyo gobollada oo uu ku faafayo Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta cudurka Coronavirus waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, islamarkaana 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 4 qof oo kale ay ka bogsoodeen cudurka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (39) Somaliland (11) Puntiland, (8), Koonfur Galbeed (8) ruux, HirShabeelle (2) iyo Galmudug (Hal) ruux. Warbixinta ayaa muujineysa in cudurka uu hadda uu ku faafayo gobollada dalka, halka maalmihii hore uu ahaa mid ku xooggan magaalada Muqdisho. 48 kamid ah bukaannada cusub ayaa rag ah, halka 21 ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay maanta xaalado cusub oo COVID-19 ah. Tirada waxa ay gaareysaa 69 xaaladood, waxeyna ka kala yimaadeen caasimadda Muqdisho iyo Maamuada kala duwan ee dalka. Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 39 xaaladood, Maamulka Somaliland ayaa laga xaqiijiyay 11 xaaladood, 8 xaaladood Maamulka Koonfur Galbeed, 8 xaaladood Maamulka Puntland, 2 Hirshabeelle iyo Galmudug oo 1 xaalad laga diiwaan geliyay. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 997 xaaladood, waxaa geeriyooday 4 bukaan, waxaana bogsaday 4 bukaan. Sida caadada aheyd, Wasiirka ayaa bulshada gaarsiisay fariimaha wacyigelineed ee lagu yareen karo faafidda caabuqa sida yareenta tagidda meelaha ciriiriga ah, gacmo dhaqashada oo la joogteeyo iyo in cudurka COVID-19 laga ilaaliyo dadka waayeelka iyo dadka qaba cuduradda raaga. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa sidii dhallinyarada looga wacyi-gelin lahaa COVID-19 Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyay gudiga ka hortagga xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya, waxaana si weyn looga hadlayay habka ugu fudud ee looga wacyi-gelin kara bulshada Soomaaliyeed. Kulanka oo ahaa mid khadka internet-ka ah ayaa waxa uu dhammaan dhinacyadii ka qeyb-galay ee guddigan qeybta ka ah ayaa waxa uu ku booriyay in ay la yimaadaan istiraatiijiyad wacyi-gelin ah oo la xiriirta dhalinyarada. Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu qeexay in dhalinyaradu ay yihiin laf-dhabarta bulshada sidaas darteed ay muhiim tahay in loo helo wacyi-gelin dhab ah. Soomaaliya, waxaa aad u baahaya xanuunka COVID-19, dowladdana dadaal adag ayeey ugu jirtaa sidii xanuunkaasi loo xakameyn lahaa. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Somaliland oo wajaheysa khatar hor leh oo si weyn looga deyrinayo (Warbixin) Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay wajaheysa khatar hor leh oo ku aadan faafitaanka cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kaasi oo si weyn ugu faafay qaar kamid ah deegaanadeeda, iyada oo ay gudaha Somaliland cudurkaasi ugu geeriyoodeen labo qof. Xukuumada Somaliland ayaa lagu eedeyaa in weli dagaalka Covid-19 uu ku jiro gaabis, inkasta oo ay wado dadaalo ay uga hortageyso faafitaanka cudurkaasi oo ku fiday deegaano hor leh. Xaalada Coronaha ee gudaha Somaliland ayaa si weyn looga deyrinayaa maadama aysan laheyn tayo caafimaad, iyada oo uu dhowr jeer oo horena uu si cad u sheegay Madaxweynaha Somaliland in taagtooda caafimaad ay liidato. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa hore u sheegay in tabartooda ku aadan dagaalka Covid-19 ay iska yartahay, xili ay u maaro waayeen dalal quwad iyo dhaqaale-ba ka horeeya Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye. Somaliland ayaa wajaheysa halistaasi ku aadan cudurkaasi, iyada oo la rumeysan yahay in xukuumaduna aysan weli soo saarin go’aamo si adag uga hortagaya faafitaanka cudurkaasi, maadama ay weli furan yihiin goobaha ay iskugu yimaadan dadweynuhu. Xukuumada Muuse Biixi ayaa dhawaan ku dhawaaqday go’aan u muuqday in uu wax ka tari doono faafitaanka cudurka oo ahaa joojinta Qaadka, walow ay ku fashilantay in deegaanadeeda si rasmiya uga joojiso qaadkaasi, iyada oo sidii caadiga ahaana loogu kala iibsado suuqyada magaalooyinka. Dadweynaha ku nool Somaliland ayaa wadnaha farta ku haya, maadama aysan haysan adeeg caafimaad oo tayo leh iyo xukuumad u babac dhigi karta dagaalka Coronavirus, xili ay ku mashquulsantahay dagaalada ka dhanka ah mucaaridka iyo dhaliilaha loo jeediyo. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Somaliland oo qaab yaab leh ula dhaqanta dadka qaba cudurka COVID-19 Xukuumada Somaliland ayaa inta badan sheegata in qaab gaar ah oo adeeg heer sare ah ay u diyaarisay dadka looga shakiyo xanuunka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, iyada oo dhowr jeer oo horena soo bandhigtay goobo ay ku sheegtay in lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi. Arrinta yaabka leh ee ay ogaatay Caasimada Online ayaa ah in xukuumada Biixi ay gebi ahaanba adeeg caafimaad oo habeysan aysan u diyaarin dadka cudurkaasi looga shakiyo ama uu aad u soo rito xanuunkaasi ka hor inta ay soo bixin natiijada baaritaankiisu, midaasi oo kor u sii qaadeysa halista caafimaad ee ka taagan gudaha Somaliland. Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, shaqaale ka tirsan wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa qaab burinaya sheegashada xukuumada Muuse Biixi ula dhaqmay Gabadh dhawaan iskaga shikisay cudurka Coronavirus, oo ka dalbatay caawimaad deg-deg ah. Gabadhaasi oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa Caasimada Online u sheegtay inay ugu horeyntii isku aragtay Qufac, xumad iyo neef qabatin, midaasi oo dhalisay inay iskaga shakiso cudurka halista ee Coronavirus, maadama ay isku aragtay astaamihii ugu waaweyn ee lagu aqoonsanayey cudurkaasi. Dhowr jeer oo ay wacday telefoonka ay wasaarada horumarinta caafimaadku u sameysay inay la soo xiriiran dadka iskaga shikiya cudurkaasi, ayaa haba yaraate laga jawaabin, iyada oo xaaladeeda caafimaad ay kasii dareysay marba marka kasii dambeysa. Qoyska Gabadha ayaa isku raacay inay Gabadhooda gar-gaar caafimaad oo deg-deg ah ay uga doontaan isbitaalada gaarka loo leeyahay, si ay u hesho Oxygen oo xiligaasi ay si aad ah ugu baahneyd, maadama ay laheyd neef qabatin saa’id ah. Iyada oo loo sii qaaday Isbitaalada gaar ah ee Hargeysa, ayaa waxa suurta-gashay in khadka telefoonka isku helaan wasaarada caafimaadka oo iyagu markiiba ka dalbaday in Isbitaalka dowladda ee Hargeysa la keeno gabadha, isla markaana lagula tacaali doono xaaladeeda, waa sida uu waqtigaasi u sheegay sarkaalkii caafimaad ee telefoonka kala hadlayey. Markii la geeyay gabadha Isbitaalka Hargeysa ayaa waxa markiiba la galiyey qeybta Emergency-ga maadama ay aad u qabaneysay Neeftu, walow aysan helin adeeg caafimaad oo dhameystiran, iyada oo aan lagu xareyna meel gaar ah maadama ay iskaga shaki qabto cudurka Corona oo si fudud ugu dhex faafi kara bukaanada kale ee xanuunada kala duwan u jiifa isbitaalkaasi. Arrinta la yaabka leh ee ay Gabadhu noo sheegtay ayaa aheyd in markii lagu xiray Oxygen-ta aysan dhakhaatirtu xirneyn wax qalab ka hortaga, iyagoona qaab aan wanaagsaneyn ula dhaqmayey, waxaana xiligaasi loo ogolaadeyna in gabadh walaasheed ah oo iyadana aan la siin qalabka la iskaga difaaco Coronaha ay xaaladeeda dul joogteyn ka noqoto, midaasi oo meesha ka saaraysa Karantiilkii ay hore u sheegtay xukuumadu Muuse Biixi, kaasi oo ahaa in goob gaar ah lagu baxnaaniyo qofka looga shakiyo iyo kuwa uu soo rito cudurkaasi Ugu dambeyntiina markii ay adeeg caafimaad oo tayo leh ka weyday Gabadhaasi Isbitaalka dowlada, waxay qoyskeedu go’aansadeen in iskaga noqdaan gurigooda, halkaasi oo lagu baxnaaniyo, isla markaana ay ku sugayaan natiijada baaritaanka cudurka ay iskaga shikisay ee Coronavirus. Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid si dhab ugu diyaar garoobin cudurkaasi safmarka ah oo ku faafay qaar kamid deegaanadeeda, iyada oo ay dhowaana u geeriyoodeen labo qof oo cudurkaasi qabay, iyada oo lala xiriirinayo inaysan helin adeeg caafimaad oo tayo leh, walow ay dhamaatay saacadoodii. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wasiiro ka tirsan Puntland oo laga helay CORONAVIRUS Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen sideed kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus. Warbixintooda maalinlaha ee 7-da May sanadka 2020 ayay ku sheegeen in bukaanada ay kamid yihiin 23 lagu baarey sheybaarka yaala magaala madaxda maamul goboleedka ee Garowe. Sidoo kale, waxay tibaaxeen in ay jirto hal dhimasho, balse lama soo sheegin soo kabasho cusub oo la xiriirta cudurka, 24-kii saac ee u dambeysay. Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanadda Puntland ayaa waxay gaartay 59 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub. Wasiirka Caafimaadka Puntland, Jaamax Faarax Xasan oo guddi ka tirsan, ayaa tilmaamay bukaanada cusub ay kamid yihiin laba wasiiro, balse ma uusan magacaabin. Bukaanadda 8-da ah oo dhamaantooda ah Lab ayaa laba kamid ah waxay joogaan gobolka Nugaal, gobolka Karkaar waa 4, Mudug-na waa laba, sidda xogta ku cad. Wasiiradda cudurka uu soo ritay ayaa si gaar ah isku karantiilay, waxaana xaaladooda la sheegay in ay wanaagsan tahay. Intaas waxaa wehlisa, wadarta geerida waa laba qof; dadka ka caafimaadey, illaa iyo haatan, waxay ku taagan tahay hal muwaadin. Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka. Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Xaalada u dambeysay: -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Islii: -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Waa horumar wacan. -
Northern Vs Southern Somali:
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Come Learn Somali's topic in General
The word erey is more likely used by a Reer Koonfur than a Reer Waqooyi. Vast majority of Reer Waqooyi use 'kelmad.' Kelmad = erey. Kelmado = ereyo. Hadal = talk. Wadahadal = talking/discussion. Diiq, a Soomaali word, means rooster. Daqiiq, a borrowed Carabi word and used by Reer Waqooyi, means flour. Reer Koonfur use the Soomaali word bur for flour. -
Northern Vs Southern Somali:
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Come Learn Somali's topic in General
Yes, many Waqooyi folks use the Carabi word milix. Add to the list as well. -
Northern Vs Southern Somali:
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Come Learn Somali's topic in General
Waxaa rabtaa inaa naga dhaadhicisid in beyd, daqiiq, digaag, xamxam, et cetera laga isticmaalin Waqooyiga? Perhaps adiga shaqsi ahaantaa iska hadal, laga yaabaa deegaan kale ku soo kortay, but Waqooyi bred folks use ereyada aan kor ku sheegay. Even this Soomaali origin word 'erey' is used less frequently in Waqooyiga. Instead many of them use the Carabi version, 'kalmad/kelmad.' -
Is there any dowladda dhexe-owned lands that had been spared in selling frenzy in Waqooyiga? Do they think danta guud lands and places belonged to marxuum Maxamed Siyaad Barre, Rabi ha u raxmadee? Meesha tuugo baa isku baheystay; if they were controlling Xamar, Eebbe forbid, they would have mass sold meelihii iyo dhulkii muhiimka ahaa dowladda lahayd, sida hoteelladii Curuba, Jubba, Shabeelle, Taleex, goobihii taalooyinka ku yaalay, siiba meesha qurxoon Dhagaxtuur ku taalo. Baarlamaankii, Guriga Ummadda, wasaaradihii, safaaradihii hore xataa mala dhaafi lahayn. Warshadihii, isbartiibooyinkii...
-
Xamar has never seen any clan segrenation. The closest it came was in between 1991-1994, in the heyday of Caydiid vs Cali Mahdi conflict. Even then degmooyin la isla wada deganaa ayaa jiray, sida Hodan. Degmooyinka hal qabiil ku badan la dhihi karo waa Kaaraan iyo Wadajir, labada gees Xamar ayee ku kala yaalaan, saas ay tahayna waa lala deganyahay. But what Gooni described in Hargeysa waa cajiib iyo nuskeeda in this day and age.
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka hor-yimid in Kenya ay si gaar ah u beegsato ISLII Wasaaradda Caafimaadka dalka Kenya ayaa shalay bandow kusoo rogtay xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Nairobi, wuxuuna bandowgaasi ku kooban yahay xaafadaas oo kaleya, taasi oo lagu qeexay mid lagu beegsanayo Islii kaliya. Bandowga ay dowladdu saartay Islii ayaa socon doona mudo 15 cisho ah, mudadaas oo sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Kenya aan xaafadaas lasoo geli karin, lagana bixi karin. Wasiirka Caafimaadka Kenya oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa amray in wax dhaqaaq soo gelid ama ka bixid ah aysan ka jiri karin xaafadda Islii mudadaas 15-ka cisho ah. Wasaaradda ayaa sababta ay xaafadaas ugu soo rogtay Bandowga waxay ku sheegtay inay la xiriirto faafitaanka cudurka Coronavirus oo maalmihii lasoo dhaafay kiisas badan laga diiwaan geliyay xaafadaas. Iyadoo dadka loo ogolaaday inay furaan karaan oo kaliya xilliga habeenkii ah, goobaha caafimaadka iyo dukaamada lagu iibiyo raashinka. Islii shalay waxaa laga diiwaan geliyey 29 kiis oo Coronavirus ah, kadib baaritaan guri guri ah oo ay ka sameysay wasaaradda caafimaadka dalka Kenya. Sidoo kale bandowgan 15-ka cisho ah oo ay soo saartay dowladda Kenya ayaa saameynaya magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa. Dhanka kale Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, isla markaana laga soo doortay degmada Kamukunji oo ay ka tirsantahay xaafadda Islii, ayaa si adag uga soo hor jeestay go’aanka ay maanta dowladda Kenya bandowga ugu soo rogtay xaafadda Islii. Xildhibaanka ayaa bandowgaas ku tilmaamay mid eex ku ah dadka reer Islii, isaga oo sheegay in marka loo fiiriyo tirada kiisaska laga diiwaan geliyey gudaha Kenya ay aad ugu yaryihiin kiisaska laga diiwaan geliyey Islii, dowladana looga baahan yahay inay iyagana amaradan oo kale kusoo rogto goobihii laga diiwaan geliyey kiisaska kale. Xildhibaan Yuusuf ayaa sheegay in Islii ay ku yaallaan ganacsiyo aad u waaweyn, isla markaana uusan macquul aheyn bandowga ay kusoo rogtay dowladdu, maadaama uu sheegay in kumanaan qofood ay suuqa Islii u soo shaqa tagaan ama kasoo dukaameystaan. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
On the frontline: The junior doctor at Mogadishu’s Covid call centre In June last year, 24-year-old Jihan Ali Mohamud landed in the Somali capital of Mogadishu for the first time in her life. She had travelled to the country from her home in South London to bury her father. Having graduated with a degree in medicine from the Brighton and Sussex Medical School in 2018, she had taken leave from work and planned to stay in Somalia for a few weeks, to learn more about her roots and heritage. A month went by. Every time she thought about returning to the United Kingdom her heart sank. “It felt like I would be leaving my dad behind and each day that passed I felt more connected to Somalia.” During this time she met Dr Abukar Jimale, the founder of the Dr Jimale Specialist Hospital in Mogadishu. He asked if she would be interested in putting her skills and clinical experience to use, and she jumped at the opportunity. Within days, Jihan was volunteering at the hospital where, among other things, she assisted in helping train medical students and junior doctors. This soon turned into a full-time paid position. “I was so grateful to have the opportunity to do this, especially as I noticed the stark difference in the information, training and knowledge we in the UK have access to in comparison to here. It felt like an honour for me to be able to share all that I had learnt and be part of the system.” Jihan had convinced herself that she would do this for a month and then return home. Then she said to herself, okay, just one more month — and then another. “One of things my dad was most proud of was my being a doctor, and it felt like such a fitting way to honour him by doing this in the country which he loved, which he was raised in, which he called home.” Although she has taken to life in Mogadishu, it is not without its difficulties. Her first experience of hearing and seeing a bomb blast left her with severe anxiety, something which she had to work through, reminding herself to learn to be comfortable with being uncomfortable. Finally, in November 2019, she boarded the flight back to the UK. On her return, she realised that she had left what felt like home. “I felt like I was cheating on the UK, but I realised that I can belong to two places.” Within a month she was back in Mogadishu, determined to use her skills to improve healthcare in Somalia. Earlier this year, as news of Covid-19 began to emerge, Jihan — who hopes to pursue a PhD in immunology — closely followed news about the pandemic, particularly as she continued to volunteer at the hospital. As cases began to spread around Africa, she received a call from Abdi Barud, an adviser at the office of the prime minister, to participate in the government’s national call centre. “I said yes within a heartbeat. With so much misinformation, panic and lack of awareness about the virus I knew lives could be at risk. I thought to myself, even if we save two lives a day, even if only five people take our advice, that’s still something.” The team at the call centre is a mix of doctors, medical students, analysts and mathematicians. Their roles vary from advising those calling in to analysing data and information. During the first week they received almost 16 000 calls from around the country. Jihan and her colleagues are often working from 7.30am to 11pm. “I live off coffee,” she laughs. When people call in and report their symptoms, these are noted down and then decisions are made about whether the case is an emergency and needs to be admitted to hospital, or if they need to isolate themselves and so need to be instructed on what actions to take. Her role primarily centres on collecting this information, analysing the data and providing it to senior colleagues. What is important for Jihan is that through the call centre they are able to create more awareness about the pandemic. “Somalia’s healthcare system is like a broken bridge and this pandemic is putting more pressure on it. This could ease that. There are people here who don’t know about Covid-19 or think it’s something being used to manipulate them. If we can just change one person’s mind about this, urge them to take government advice seriously, they will share that information with members of their community, and there will be a domino effect.” What has kept her in Mogadishu, what keeps her going through the long days, what keeps her travelling into work during the pandemic is empathy. “I may not know much, but what I do know is when someone calls in and they are in pain, I know what steps to take, and nothing is more important than that.” Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wasiirada Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikara Nur ayaa manta bulshada la wadaagtay sidii caadada aheed xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19. Wasiiraka ayaa 24kii saac ee ugu danbeesay xaqiijisay 38 xaaladood cusub oo COVID-19 ah. 35 xaaladood ayaa laga helay Gobolka Banaadir halka 3 xaaladood ee kale laga helay Maamulka Somaliland. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa COVID-19 ayaa ah 873 xaaladood, waxaa geeriyooday 1 bukaan, waxaana bogsaday 12 bukaan. Wasiirka ayaa bulshada xasuusisay maahmaahdii aheyd ‘’Ka hortagga ayaa ka wanaagsan daaweynta’’ una sheegtay bulshada qeybaheeda kala duwan inay xil iska saaraan xakameynta caabuqa COVID-19, lana yimaadaan ficiladda ka hortaga ah sida dhaqidda gacmaha, kala fogaanshiyaha dadka iyo yareynta aadida goobaha la isugu yimaado. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Masaajidada waa weyn, sida Isbaheysiga, salaada taraawiix kama jiro. Kuwa yar yaraa xaafadaha ku yaalay waa sidooda caadiga ahaa. Waa ogtahay dadkeena madax adagyihiin. Soomaaliya aad ayuu ugu faafay ee Rabi haka badbaadiyo.