Garyaqaan2

Nomads
  • Content Count

    878
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Garyaqaan2

  1. Qaabkii ay u dhacdey dhaarta Xildhibanada PL ee cusub 1 Jan 1, 2009 - 4:56:02 AM Islaan Ciise oo ka hadlaya munaasabada dhaarinta Xildhibanaada Maanta oo Taariikhda bishu tahay 01-01-2009 waxaa hoolka Baarlamanka Puntland ee Garoowe ka dhacdey munaasabad ballaaran oo lagu dhaarinayey xillibanada cusub ee dhawaan la soo xulay, waxaana ka qeybgalay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG Cabdullahi Yusuf Axmed, Gen. Cadde Muuse Madaxweynaha Puntland, Guddoomiyaha Musharaxiinta PL. C/raxmaan Faroole, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo kuwo kale. Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ahaa dadkii khudbada ka jeediyay Munasabada ayaa waxaa uu ka hadlay xilka saaran Mudanayaasha maanta loo dhaariyay iney howshooda u gutaan si daacad ah, wuxuuna sheegay in mas'uuliyada saaran ee ay u dhaaranayaan in ay uga soo baxaan sida ay tahay hadii ay wixii ay ku dharteen ay ka soo bixi waayana meel u taalo dhaartii ay mareen, isagoo ugu baaqay in ay marxalada jirta fiiriyaan, kana bixiyaan shacabka ay matalaan. Madaxweynhii hore ee Somaliya oo fadhiya goobta lagu dhaariyey xubnahana Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka KMG Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo isna ka hadlay ayaa hadal uu jeediyay waxaa uu ku sheegay in mudo lix sano iyo bilooyin uu ka maqnaa Puntland, sidasi dartedna wuxuu sheegay in ay farxad u tahay in maanta lix sano kadib uu goob joog ahaado munaasabada dhaarinta Xildhibaanada cusub ee shaqeyn doono mudada Afarta sano, wuxuuna u hambalyeyay Xildhibanada isagoo u rajeeyay in ay ka soo dhalaalaan mas'uuliyada cusub ee loo soo idmaday. Md. Yusuf ayaa sheegay in belaha iyo issimada Puntland ay soo xuleen Xildhibanada maanta la dhjaariyey wuxuuna ugu baaqay in ay horumar gaarsiiyaan shacabka ay matalaan, isagoo carabka ku dhuftay xilka saaran Xildhibaanka in uu yahay tiirka Dowladda Puntland. Cadde Mus eoo ka hadalaya dhaartii Xildhibaanada Waxaa uu Xildhibaanada ugu digay in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha qaladaadka keeni kara, isagoo sheegay in hadii Baarlamaanku qaldamo ay waxba qaldamayaan, isla markaana aysan jireyn wax hagaagaya, isagoo ugu baaqay Xildhibaanada in ay ka shaqeeyaan sidii horumar iyo midnimo u gaari lahaayeen dadka ku nool, iskana fogeeyaan wixii dhibaato u keenaya dalka iyo dadka. Md. Cabdullahi Yuusuf ayaa sheegay in wixii khilaafaad ah ee jira ama ka yimaada Xildhibanada cusub ee lasoo xulay in lagu xaliyo hab sharci ah. Gudoomiyaha musharaxiinta oo ka hadlaya munaasabada dhaariinta Xildhibaanada Mar uu ka hadlayey Madaxweynihii hore ee dalka doorashada Madaxweynaha Puntland ayuu waxaa uu ka codsaday Xildhibaanada in ay doortaan mas'uul mudan xilkaasi isla markaana midnimada iyo amnigeeda ka shaqeyn kara oo ka soo dhalaali kara xilkaasi culus, "Ogaada aniga nin aan si gaar ah ula shaqeynaayo ma jirto, Puntland lix sano ayaan Madaxweyne Puntland uga ahaa hadana aniga kuma jiro Dadka hada u ordaya Puntland" ayuu yiri Madaxweynihii hore ee KMG. Madaxweynaha DGPL Cadde Muuse Xersi oo isna halkaasi khudbad kasoo jeediyey ayaa waxaa u akhriyey Eng.Caydarus Cismaan, taasoo xoogga saareysay siyasadda Puntland gaar ahaan Barlamanka cusub, isagoo khudbadiisa ugu baaqay xildhibanada in ay dhowraan Dastuurka Puntland u degsan. Sheekhii dhaariyey Xildhibaanada Puntland Khudbada ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland ay geli doonto qaabka xisbiyada dorashooyinka iyo jawi Dimoqraadiyad, taasoo u baahan in marka hore laga shaqeeyo amniga iyo midnimada dadka. Gen. Cadde Muuse ayaa markaasi kadib waxaa uu si toos ula hadlay Mas'uuliyiinta maanta loo dhaariyay xilka iyo dadkii ka soo qeybgalay isagoo sheegay in mudadii afarta sano ee ay xukuumadiisa shaqeyneysay ay qabatay wax badan, isla markaana dadka Puntland ayuu ku sheegay in ay yihiin dad nabada jecel oo loo talin karo. Wuxuuna ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland uu ku dhawaaqay in kalfadhiga 21-aad ee Baarlamaanka Puntland uu furan yahay, isla markaana Xildhibaanada ay howshooda u gutaan si daacad ah. Guddoomiyaha Musharaxiinta Puntland Cabdiraxman Faroole oo u hadlayey Musharaxiinta oo intooda goob jooga ka aheyd munasabadaas ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in loo gudbay dhaarin Xildhibaanada Barlamanka cusub ee Puntland, isla markana ay soo dhoweynayaan, wuxuuna carabka ku dhuftay Faroole in ay kalsooni buuxda siiyeen xukuumadda iyo mas'uulka ay u soo xushay wax ka qabashada amaanka ayna ku garan siinayaan. Faroole waxaa uu intaa raaciyay in midnimada Puntland iyo ilaalinta amniga ay tahay ahmiyada ugu weyn, ayna diyaar u yihiin iney kala shaqeyaan Maamulka iyo ciidamada sidii meel looga soo wada jeesan lahaa wax ka qabashada amniga iyo ka hor taga ineysan dhicin wax khal khal gelin kara Doorashada Puntland. Musharax Faroole wuxuu carabka ku dhuftay iney kalsooni buuxda ku qabaan Xildhibaanada cusub ee la soo doortay, isla markaana ay soo xulaan mas'uul u qalma xilka Madaxweynenimo ee Puntland. "Waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada cusub inay soo xulaan shaqsiga Puntland u qalma hogaminteeda,ayeysan ka baqin Xildhibaanada Musharaxiinta faraha badan" ayuu yiri Musharax Faroole oo ku bogaadiyay Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG Cabdullaahi Yusuf, wuxuuna ku tilmamay Oday Somaliyed oo mudo ku howlanaa dib u heshiisiinta Soomaaliya, isagoo carabka ku dhuftay in ay musharaxiinta iyo Yuusuf ay wada yeesheen kulan gaar ah oo ay kaga dalbanayeen inuu uu dhex dhexaad ka noqdo arrimaha doorashada, isagana uu aqbalay. Intaasi kadib waxaa la guda galay dhaarinta Xildhibaanada cusub ee MGPL oo Shan shan loo dharinayey, iyadoo qeybtii ugu horeysay ee la dhaariyay ay noqotay Gobolka Nugaal, waxana marka kadib la guddonsiinayey Shahaado iyo Kaarka Xildhibanimada oo uu guddoon siinayey Barkhad Cali Farax oo ah Guddomiyaha Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka. Radio Garowe,Garowe
  2. Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse ayaa hada khudbad kasoo jeediyey Golaha wakiilada Puntland, oo maanta ay ka socota munaasabada dhaarinta Xildhibaanada cusub. Madaxweynaha Dowlada Puntland oo khalkasi khudbad kasoo jeediyey ayaa waxaa khudbadiisa u akhriyey Eng.Caydaruus Cismaan. Khudbadaasi ayaa ahayd mid ku aadaneyda Baarlamaanka Puntland ee cusub, asagoo Madaxweynaha Puntland khudbadiisa ku sheegay in Xildhibaanada Puntland ka shaqeeyaan dhawrista Sharciga Puntland iyo waliba sidii loom eel marin lahaa Dimuquraadiyeynta Puntland. Khudbadaasi ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in Puntland u gudubto hawbka xisbiyada ah isla markana la diyaariyo sidii Puntland horumar u gaari lahayd. Waxaa kaloo khudbada Madaxweynaha Puntland lagu sheegay in amniga Puntland laga shaqeeyo si aysan wax khal khal ah marnaba usoo gelin. Khudbadaasi dheer oo uu akhriyey Eng.Caydaruus kadib waxaa khudbadiisa la wareegay Madaxweyne Cadde Musse oo sheegay in 4tii sano oo aanu shaqeenayay u cadaatay inay yihiin ummada ama shacabka Puntland dad nabadgeylada jecel Waxaan hubaa in shicibka Puntland inay yihiin dad dhulkooda jecel. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Puntland. Cadde Musse ayaa intaasi ku daray in Puntland danteeda ka shaqeysato oo aysan ku mashquulin wax kale. Madaxweynaha ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo Puntland nabad u ahaan lahayd, asagoo intaasi ku daray in dadka ka imaanaya gobalada kale ee koonfurta Soomaaliya inay soo dhaweenayaan. Cadde Musse Madaxweynaha Puntland ayaa u mahadnaqay Madaxweyne cabdullahi yusuf Axmed iyo wuxuu kasoo qabtay dib u heshiisiintii Soomaaliya. Ugu dabneyntii wuxuu Madaxweynah Puntland ugu baaqay shacabka kale ee koonfurta Soomaaliya inay ka shaqeeyaan amnigooda iyo midnimada dalka Soomaaliya. Wuxuuna geba gabadii khudbadiisa Madaxweynaha Puntland ku sheegay in kalfadhiga 21aad ee Baarlamaanka Puntland uu furan yahay.
  3. Puntlad oo qaaday daqaaqyo hormar leh. 66 dii Barlamanka oo diyaar ah lana dhaariyay. Qudbabdo xasaasi ah ka jeediyey Madax weeymihii hore ee somalia Mudan c/yusuf axmed. Iyadoo laba maalin ka hor si rasmi ah loo shaaciyey 66 Xildhibaan ee Barlamaanka Dawlada Goboleedka Puntland ee soomaalya ayaa maantay Xarunta Baarlamaanka waxaa lagu dhaariyey Xildhibaanadaan cusub ee Barlaamka Puntland. Xaflada dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Masuulyiin ka tirsan Maamulka Puntland,Isimo,Waxgarada,Nabadoono,Ururada Bulshada iyo weliba Madaxweyihii hore ee Dowlada Somaliya Mudane.C/laahi Yuusuf Axmed. Ugu horeyn Waxaa halkaas hadlo kala duwan ka soo jeediyey Masuulyiintii ka soo qeyb gashay Munaasibadda Dhaaritan xildhibaanada Barlamaanka Puntland. Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafaddka ee Barlaamka Cusub DGPL Barkhada Cali Saalax oo Munaasibadda dhaarinta hadal dheer ka soo jeediyey ayaa waxaa uu sheegay in ay dhib badan ka soo mareen sidii Puntland ay Barlaamkeeda ay u hirgeli lahaayeen. Dhanka kale Cabdullahi Yusuf Madaxweyihii hore ee Dawlada Soomaaliya oo halkaas hadal dheer ka soo jeediyey ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kasoo qeyb galo dhaarinta baarlamaanka DGPL , wuxuu madaxweynaha ugu hambalyeeyey xildhibaanada inay nasiib u haleen xilka loo dhaarinayo. Wuxuu sheegay in xildhibaanadan la dhaariyey ay sii shaqeyn doonaan 4 sano xil weyna ka saaran yahay ummada puntland. Cabdullahi yusuf ayaa sheegay inuu puntland ka maqnaa muddo lix sano iyo bilo ah, inkastoo uu imaan jiray Puntland, balse uu xil kale hayey. Wuxuu sheegay madaxweynihii hore ee soomaaliya, cabdullahi yusuf in uu doonayo inuu xasuusiyo shacabka iyo xildhibaanada xaalada adag ee uu dalka soomaaliya hada ku jiro. C/laahi Yusuf ayaa sheeegay inuu soomaaliya guud ahaan iyo puntlandba nabad u rajeenayo. Isaga oo hadalkiisa ku sii daray “ogaada aniga nin aan si gaar ah ulla shaqeenayo ma jiro, horey puntland 6 sano baan madaxweyne uga ahaa hadana aniga kuma jiro Dadka hada u ordaya puntland….waa in laga fogaadaa in wixii hada kahor puntland ka dhacay aysan dib u dhicin, oo aan la is garab yaacin……qofka aad usoo doornayesaa xilkaa ha u eegina qabiil, ha u eegina qabiil…..ninkii lasoo doorto in lala shaqeeyo” Wuxuu madaxweynihii hore ee dowlada kumeel gaarka soomaaliya khudbadiisa kusoo khatimay in shacabka puntland aysan cidna ku xad gudbin balse hadii dhibaato lala soo doonto ay is difaacaan oo ay midnimadooda ka shaqeeyaan. Madaxweyne Cadde Musse ayaa sheegay in 4tii sano oo aanu Dowladiisa ay shaqeyneysay ay u cadaatay inay yihiin ummada ama shacabka Puntland dad nabadgeylada jece. Waxaa uu yiri waxaan hubaa in shicibka Puntland inay yihiin dad dhulkooda jecel. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Puntland. Cadde Musse ayaa intaasi ku daray in Puntland danteeda ka shaqeysato oo aysan ku mashquulin wax kale. Madaxweynaha ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo Puntland nabad u ahaan lahayd, asagoo intaasi ku daray in dadka ka imaanaya gobalada kale ee koonfurta Soomaaliya inay soo dhaweenayaan. Cabdiraxmaan Faroole oo ah Guddoomiyaha Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha ayaa halkaasi ka sheegay inay musharaxiinta ay ku faraxsan yihiin in loo gudbay xiligii la dhaarin lahaa Baarlamaanka cusub ee Puntland, kaasi oo 8da bishan soo dooran doona Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland. Cabdiraxmaan Faroole ayaa khudbadiisa ku sheegay in Musharaxiinta tar tanka ku jirta ay Kalsooni buuxda siiyeen xukuumada iyo ciidamada Puntland in ay amniga sugaan. Wuxuu kaloo Faroole sheegay in ay Kalsooni buuxda siiyeen mas’ uulka ay Dawlada Puntland u magacowday amniga caasimada Puntland xiliga ay doorashada dhacayso. Islaan Ciise Islaan Maxamed oo isaguna halkaas hadal ka soo jeediyey ayaa sheegay in looga baahan yahay xubnaha cusub ee Baarlamaanka DGPL in ay noqdaan kuwa si caddalada ah ku soo doorta Xubnaha Barlaamka Puntland. Munaasibadda dhaarinta Xubnaha Baarlamaanka DGPL ayaa waxa ay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan iyadoo dadka Caasimada Puntland ku noolna ay intooda badan ay aad ugu farxeen dhaarinta Xubnaha Barlaamka DGPL oo ay sheegeen in tani tahay mid Puntland u horseedi karta Nabad.
  4. it is just that sounds like in adoo yar ciil lagugu dilay. Not only you, D>i<r<t<a lol abti ciilka is ka saar waa caadi. afka furo .
  5. ^^^^ you sound like nin ciil lagu dilay nin yahoow ma .5 miyaa ku jirtaa
  6. ^^^ mudane caraboow what would you expect. this is nothing wait and see when puntland peackeepers leave muqdisho.
  7. the poster. intaan ku arkaayay wax yaroo naceen ah ayaa kugu jira. lakiin caradaadu waxeey u egtahay in aad necbeeyn Yeey ee tahay personal issue lol caafimaad eeb ha ku siiyo. on the other hand Yeey needs to go this is not his house. Armuu qeerku uugu jiraa in uu iskaga tago hadu bahashu in teey fiicantahay. again poster contue majaajilada. adiga iyo kuwa isku buuqay isma dhaantaan iyaguna waa nin jecleeysi adiguna waa nin necbeeysi.
  8. ^^ very intersting indeed. gacmadheere waa shaqsi soomalida inta xilka soo qabtay uugu macquulsan. uugunah degan. haduu gartay in uu umada isu casilo waa good move. Emperor thanks for the update saaxiib.
  9. very intesting news from somalia. one thing that i know is Mr YEY is not easy person to go or go down very simple. The man is very strong and he has all the nastion of puntland behind him. but where is adeer barre hiiraale baryahaan yaa warkiisa haya waxaa iigu dan beeysay isagoo la leeyahay waxaa taliskiisa qabsaday al shabaab lol bal war noo keena
  10. Originally posted by dhulQarnayn: VIVA Republic Of Somaliland in la-la land! dhulQarnayn :cool: Republic Of California dhulqarnay lol you made me lough walaahi. very funy indeed
  11. Enjoy this cilbs. Caleema saarkii boqortooyada . Part Boqor C/laahi part part 3 intakale weey ay soo socdaan [ December 02, 2008, 12:27 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  12. ^^^^^6dhulQarnayn wale in aad atahay wiil hoog anigaa kuu qiray intaan oo qofood ayaad ka xanaajisay tustaynaha runta lol
  13. Originally posted by Abtigiis &Tolka: Garyaqaan, Must be suffering from the same disease that afflicted the poor Sanyare. Sanyarow dharkayn lama cuno iyo midho dhunkaaleede Dhandhamooyin badan baa jiroo aad ku dhimataaye Dhereg ma laha dhuuniga xuneen cunaha dhaafeyne Hal libaax dharqaday uu jidhiyo dhiigba ka idleeyey Haw dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersadaye Dhagar aanad gelin Aw Basbaas* yuu ku dhaxalsiinne Dhexda yaanu maro kuugu xidhin dhiig tif leeyahay Dhulka niman samaantiisa wadin yaan lagaa dhigine Dhiinraac ha noqon adigoo dhawr gu’ soo jiraye Dhalanteed xareed waw egyahay dheehashada guude Dhegley lagama soo daro oowaa dhamac Kaliileede Adiguna dhabada weecsinta ah dhaanka haw rarine! Young man I thought you would understand where i was caming from. Unfortunatly You did not. bal aqri tixdaan gabayga ah. Ragga daawadiis waa inuu kala danbeeyaaye Oo darajo wayn loo qiraa kan ugu doorroone Gabayguna duqbuu leeyihiyo oday la duubtaaye Dalan baabi looguma dhiciyo dood yar baan iriye Doqoniino waa hadalka oo kaa dabayshadaye Da`dii Raage iyo Qowdhanbaa diiraddow sidaye Darka haatan joogaa sidii dumar u sheekeeye. Daruur curatay daad soo rogmaday diilalyada roobka Dooxooyin buuxiyo xareed lagu dikeynaayo Diibkiyo cagaarkiyo dhulkoo dooggu ku ekaaday Dararta iyo Caanaha kolbaa laga durduurtaaye Anna gabayga deeqdiisa waan soo dayaafadin,e.
  14. Originally posted by Abtigiis &Tolka: Wax D- la yidhaa majiro, in the real sense of the matter. It is a grave mistake to assume whatever that Boqor decides will have a bearing on my little self as A&T. This bullshit must stop. I will heed Mukhtar Roobow's call. Abdullahi Yusuf is trying to do anything to survive. Nin daad qaaday xunbo cuskay. ^^^^^ Isma oga arbaha weerka iyo, adhiga goosmaaye Isma oga waraabaha amliyo, awr la laayacaye Isma oga atoor qadow bartiyo, uubta loo qodaye Isma oga nin urugaysaniyo, iilka kii dhigaye Isma oga dhillida uunsatiyo, awga taa'ibiye Isma oga aqoon xume dhergiyo, Meleg Arsaa'iile Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye Isma oga askari qooqaniyo, nimaan afbuux siine Isma oga abeer qalabliyo, inanka doonaaye Isma oga ugaadh iyo libaax, adamiyaystaaye Waxba gabaygu yuu ila ordine, waxaan ku soo ooday La illow nin Aakhiro tegoo, iilka hoos maraye Having said that, today is celebration. sit down and enjoy the old histroy and the new one too. Emperor boqorka cusub waxaan leeyahay ilaaheey ha kuu fududeeyo hooshaan culus ee laguu doortay. It’s a kingdom celebration! Let the high praises ring We will sing with all creation The praises of our King
  15. ^^^^^^ odayweeyne mise waxaan iraahdaa oodweyne . naag caaytan iyadee afkeeda kutaalaa. Ruux jiran aniga ma daaweenkaro marka ka faa iideeyso qoraakeeyga somaliga maadaama aad ka timid wadan kale oo la yiraahdo somaliland oo aan afka somaliga aan looga hadlin. Maskaxda hadii la idin ka dhaqay. waan ka xumahay ma idinka daaweeyn karo. Horaa loo yiri waano abuuris baa ka horeeysay.
  16. ^^^^ lol somali baa horay u tiri. ratiga yari ratiga weeyn buu saan qaadkiisa leeyahay. ha dii aabihii guriga aaminsanayahy in uu isaga ka sharafbadan yahay somlida inteeda kale wiilkuna waa in uu sidaas ookale yeelaa. lakiin waxaanse la yaabay. cuniga ku dhashay hargeeysa iyo kan kudhashay hargeeysa waxaa ina xiga kan ku dhashtay hargeysa.
  17. ^^^^^ very strong case lol we have gain independence before the south please we need recognition. " we are out of the bad marriage"
  18. Red sea. it will be great idea if all somalia's did not show any mercy cadowga koowaad ee somalia. Including waqoyiland then just sheeqa hadalkiisa wuu dhawoobi lahaa.
  19. Emperor ninyahoow xaasid baa tahay caruurta oo lagu aqriayay haters in ay secessionist yihiin caruur aan somali aan ka tir saneen oo si qald ah ayaay afka somliga uugu hadlaan. lol marka haduuliyaan Hargeysa and burco lol.
  20. Originally posted by Emperor: ^Again you don't make a point, the blugging philosopher, I post the picture again just for you so you can re-read the message it carries carefully, if we can not agree on this will leave to rest of SOL members to make their own judgement. Lol, look at Amin Amirs picture clearly, Riyaale oo dhafoorada haysta saying 'Xagee kagadmi lada'ahay'. And Yey wuxuu kuwareersan yahay keebuu lahadlaa intaas oo Wadan The point, Amin Amir has showed yet again SL is insignificant, and gave you a hint to understand if you are that thick to pick the detail of the image, Riyaale's xagee kagadmi la'aday remark ^^^^ very simply and clear. Emperor Ugaas ishaad ka tuurtay. kartuunista ha wax uu leeyahay waa ay is ka cad dahay. riyaale oo dhafoorada heesta oo garan la meesha ee is ka qabsan ladahay xikmada. oo lagu wareersanyahay. iyo Mudan c/ yusuf axmed oo soo hagaajiyay puntland hadan or haya. halkee wax ka hagaa jiyaa yaase la hadlaa in taan oo qoomiyada lol
  21. ^^^ waa ku sidee don't under estimate the power of sl navy. I belive shabaabka bada ayaa badindoono since they know sida loo dabaashto
  22. Emperor you are right the big man made a move and called nuur cade's adminsitration expired on midnight 11-21-08. but he is not the only one who refused the new administration. there are alot clan's and sub clans . we shll see when H . E Abdulaahi Yusuf Axmed cames back to the city.
  23. ^^^^^ walaahi daacad ayaan u qoslay xaasidad waaxid kool kat. outch this is killing