Garyaqaan2

Nomads
  • Content Count

    878
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Garyaqaan2

  1. walee tanoo kale waan filaaye. it is very hard to belive indeed.
  2. Dagaal cusub oo goor dhaweyd ka bilaabaday Laascaanood. Muqdisho, October 30 2007 Dagaal cusub oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu goordhaweyd ka bilawday qeybo ka mid ah Xaafadda laascaanod gaar ahaan nawaaxiga xoteelka xamdi. Dagaalkan oo bilowday xilli goobaha ganacsiga Magaalada dib la is kuugudayay in dib loofuro isla markaana isu socodkii dadweynaha dib u soo laabtay ayaa mar kale magaalada laga dareemay dhiil colaadeed oo khatar gelinaysa nolosha shacabka ku dhaqan laascaanood. Rasaasta ka dhacaysa qorida Lidka diyaaradaha ee loo yaqaano Zuu ayaa waxay soo gaaraysaa Suuqayada, iyadoo dadka ku dhaqan Suuqa rasaastaas ka hoos galeen guriyaha waa weyn ee Magaalada. Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhaxeeya Ciidamada kacdoonka kawada magaala madax sool, kuwa Dowladda Gooni isu taaga Soomaaliya iyo Daraawiishta ee guutada koow waad.
  3. Well this is just the the first and the earliest part of some action for the freedom fighters in lasanod. another lesson is given the Qatland militia by Guutada koobaad ee daraawiish Hargisa militia again tried to eneter the city by force to clear the roadways. One reyaale's solier dead and one wounded. Gudaha magaalada Laascaanood oo ah meel ay aad uga caageen kooxaha Maamulka Waqooyi, ayey maanta waxaa si ismaadaamis ah u soo galay laba baabuurta gaashaaman ah, waxaanay doonayeen jidka Laamiga ah, siiba dhinaca Huteel Nugaal Godan inay xoog ku furan. Hase ahaatee kooxaha Guutada 1aad ee aagaasi ku jira ayaa dagaal qadhaadh kala hortegay, in cabaar ah ayeyna dhex martay is raasaasayn aan loo miidaan dayin, dabadeedna waxaa iska hor imaadkaasi maamulka riyaale kaga dhintay hal askari hal askarina waa lagaga dhaawacay…. Wax yar ka dibna maleeshiyadii Maamulka waqooyi, iyagoo aad u argagaxsan, meeshana aan ka filaynin in dagaal laga la hor imaan doono ayaa dhankii ay ka yimaadeen dib ugu laabtay, weliba iyagoo ku socda xawaare aad iyo aad u sareeya. Waxaana maanta loo dhigay casharkii ugu horeeyey oo ka dhaca gudaha magaalada Laascaanood Xigasho http://www.allcayn.com/
  4. abti macaane there is nothing called dream. Iam sure hargias was enjoying peacfull time for the last 17 years, But for them invading lasanod was huge mistake. All we have to wait and see is will Qatlander cupture Garoowe and contuneu to hostage lasanod or will the brave man's From Daraawiish eneter Burco.
  5. Kashafa Sorry to say this but you sound like you control the Naarul jahanaba in your hand. well just remembar Alaah is the one and the only one who for gives. QAFUURUL RAXIIN. QAAFIRUL DAMBI, WA QAABILU TOOWBAH. Iam not sure if it is good idea to wish for some one for naarul jahanaba. As for geedi i wish him for the best. All humans make mistakes and he is one of those people.
  6. Speaking with the native lasanodian today, I was told the fight could start any time inside lasanod and outside. Well Puntland must take action as soon as possible. Let us see those kids who came from as far as og, burco, hargiasa how safe they could go back. I am sure they will pay bige price for their mistakes. :confused:
  7. Ganacsatadii magaalada Laascaanood oo noqday dadkii u dameeyay ee ka qaxa mag.Laascaanood Last Updated::2007-10-26 17:31:52 Laascaanood:-Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ku warramaya in ganacsatii magaalada Laascaanood ay intoo badnayd ay maanta ka --- guureen magaalada Laascaanood kadib markii ay arkeen in xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanod aysan suura gelinayn in ay sii wataan hawlahoodii ganacsi. Wararku waxa ay intaa ku darayaan in gancsatadan badankood ay go'aan sadeen in ay hawlahoodi ganac si ay ka sii wataan magaalooyinka sida Garowe iyo Bosaso ,waxaana maanta la arki karay baabuurta Somalidu u taqaan candha maydlayaasha oo dabada kula jira bakhaarada isla markana lagu daabulayo alaabo kala gedisan Waxaana wararku intaa ku darayaan in guuritaanka ganacstada ay ka damaysay kadib markii la helay warar tilmaamaya in maleeshiyaadka maamulka Hargeysa ay dhawrka cisho ee fooda inagu soo haya ay magaalada ka fulin doonan hawl gal ay ku soo qaba qaban doonan dad fara badan isla markana ay u dhaa dhicin doonan jeelasha Burco iyo Oog Waxana wararku intaa raacinayaan in wadooyinku ay gebi ahaanba xidhan yihiin isla markana lagu gooyay baabuur iyo taayiro dhagxaan hor leh oo magaalada aysan ka jirin dhaq dhaqaaq ganacsi oo la sheegi karo . C/hi Caaqil HorseedNet.com
  8. well every things in the eyes SheekhaJacaylka is photoshopped or fake.
  9. Minneapolis: "Somaliland ha ka baxdo Laascaanood ,hadii aysan ka bixin wixii dhaca Masuuliyadeeda waxaa qaadaya Daahir Riyaale Kaahin" Maxamed Cabdi Xaashi. 26. oktober 2007 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email Print This Article | Daabaco warkaan Minneapolis(AllPuntland)- Madaxweynihii uu talada kala wareegay Madaxweynaha hada haya Madaxtinimada Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay xaaladaha dagaal ee ka jira gobalka Sool. Maxamed Cabdi Xaashi ayaa siweyn uga hadlay xaaladaha dagaal isagoo markaasi sheegay in loo baahan yahay in ay Somaliland ciidamadeeda ka daadgureyso gudaha magaalada Laascaanood ,isla markaana ay tagaan meelihii ay joogeen ayna tahay Xuduudooda. Mudane Maxamed Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaadey in hadii aysan Somaliland ka bixin magaalada laascaanood ay talaabo deg deg ah ka qaadayaan Maamulka la baxay Somaliland ,ayagoo ah Umada ku dhaqan gobalka Sool. Mr.Xaashi oo ah siyaasi rug cadaa ah lana socdey dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada laascaanood ,ayaa sheegay in aysan waxba soo kordhin ,isagoo markaasina ugu baaqey Somaliland in ay deg deg uga baxdo magaalada Laascaanood. Max'ed Cabdi ayaa digniin uu ku tilmaamay tii ugu danbeysay ujeediyey maamulka Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin,wuxuuna sheegay in Daahir Riyaale Kaahin ay yihiin rag is yaqaan ayna ka doonayaan in uu wiilasha ka daad gureeyo Magaalada laascaanood ,duleedkeeda hadii kale uu la kulmayo waxyaabo uu hadal heyn doona mudo dheer waa sida uhadal udhigeye. Md.Maxamed Cabdi Xaashi ayaa mudo ahaa Madaxweynaha Puntland ,mar ka sii horeysaneyna wuxuu Madaxweyne kuxigeenka Puntland ,isagoo la weydiiyay isagoo saxaafada la hadleyey hadii la doorto mar kale wuxuu qabanayo. Wuxuu sheegay in aysan Somaliland soo hadal qaadeyn dagaal ay soo qaadaan iska daaye arimaha SS iyo Cayn loogana baahan yahay shacabka Puntland in ay udiyaar garoobaan doorashooyinka ka dhacaya Puntland. Hadalka Madaxweynihii uu talada kala wareegay Cadde Muuse ayaa ku soo beegmay xili Maamulka hada ka jira Puntland dhaliilo xoogan kaga imaanaya Shacabka Puntland ,isla markaana hada Maamulka Cadde Muuse wado dadaaladii ugu danbeeyey ee ay dib ciidamadooda ugu celinayaan Magaalada Laascaanood. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  10. Originally posted by Emperor: quote:Originally posted by Khayr: Emperor, do you think that Slanders should officially change their names to Qatlanders? Sxb the very important idea of sucession and that dreamland creation were invented in a small dark room by few skinny a$$ed headless addicts under the influence of Heavy Khat chewing, further to that, the report confirmed that three out of the four renown great inventors had barely enough tooth to confortably use this intoxicating stimulant drug, waa loo tumaa, if you know what that means... thus it would reasonbly be fit-for-purpose to call it, the QATLANDERS @QATLANDERS
  11. ^^^ you are abuslty wright here he goes saying he could not walk through the city without fear. faud adan cade on BBC
  12. Maleeshiyadka maamulka Hargeysa iyo shacabka Sool maxaa kala haysta ?(Faallo) Last Updated::2007-10-24 19:52:44 Laascaanood(HRNet):-Tan iyo intii ay magaalada Laascaanood gacanta u gashay maleeshiyadka maamulka Hargeysa muddo 9 cisho ka hor waxaa shacabka Sool ee ku sugan magaalada Laascaanood ay wadaan banaan baxyadii iyo shiidki dhagxaanta ee ayku arjumayeen cid alla cidii magaalada soo gasha ee loo arko inuu la shaqaynayo maamulka Hargeysa,hadaba marka la eego xaddiga barakaca ka dhacay magaalada iyo banaan baxyda joogta ah ee laga la hor imanayo dadka la shaqeeya maamulka Hargeysa iyada oo shacabku ay ilaa iminka taayiro iyo dhagxaan ku gooyeen wadada laamig ah isla markana ay xidheen inta badan. Meheradihii ganacsi waxa ay arrintani tahay dhambaal uu shacabka SSC ugu sheegayo caalamka iyo cid kasta ee booqata magaalada Laascaanod in shacabka Sool aan xoog waxba laga qaadi karin isla markana aan maamulka Rayaale iyo wixi la shaqeeyaba aan laga doonayn gobolada SSC. Waxaa intaa dheer in maamulka Hargeysa uu si cad ugu fashil may in uu wax debec sanaan ah ama garowshe ah ka helo shacabka Sool isaga oo adeegsnayo masuuliyiin ka soo jeeda gobolka kuwaas oo iyagu laf ahaantooda loo arko in ay hor seed ka ahaayeen duulanka qaawan ee maamulka Hargeya uu ku qaaday magaaladaLaascaanood. Masuuliyintan iyo shacabka ayaa waxa ka dhexeysa ili aragtay oo meeshii laga arkaba waxaa lagu boobaa shiidka dhagxaanta iyo erayo dhaleeceeyna ah oo dusha looga ridayo. Dhambaalka shacakba Sool waxaa si cad ah looga akhrisan karaa boorarka ayku qoran yihiin Dooni mayno maamulka Hargeysa Qabsashada Laascaanod waxa ay soo afjartay beentii uu faafinayay maamulka Hargeysa Waxaa maamulka Hargeysa uu in badan caalamka u sheegay in shacabka Sool ay yihiin dad Somalinad ah ayna jecel yihiin in ay la shaqeeyan maamulka balse ay Puntland ayka hor istaagan tahay shacabka Sool in ayku biiran maamulka Hargeysa Hadaba arrintas waa ay soo afjaran tahay waxana caalamka uu indhihiisa ku arkay isla markana uu maamulka Hargeysa garowsaday inaan laga doonayn gobolada SSC Waxaan faaladaydka ku soo geba gebaynayaa Ha guuleysto kacdoonka shacabka Sool aykaga soo horjeedan maamulka Hargeysa C/hi Caaqil HorseedNet.com
  13. Iska hor imaad geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Laascaanood Last Updated::2007-10-25 16:45:06 Laascaanood:-Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ku warramaya in saddex qof oo kala ah laba askari oo ka tirsan maamulka Hargeysa --- iyo qof ray;id ahi ay dhinteen halka laba qof oo rayid ahini ay dhaawac meen kadib markii ay saaka waaberigii soo galeen magaalada ciidamada maamulka Hargeysa kuwaas oo watay baabuurta tiknikada gaar ahaan beebayaasha dabadeedna waxaa ciidaman ka hor yimi kumanaal qof oo shacab ah kuwaas oo ka soo horjeeda soo gelitaanka ciidamadan magaalada Laascaanood ,waxana shacabku ay ciidamadan ku shiideen dhagxaan iyo dhalooyin taas oo keentay in ciidamada maamulka Hargeysa ay ku jawabaan rasaasta,taasina ay keentay in shacabka qaarkiis ay rasaas u adeegsadaan ciidamada si ay uga waabiyaan magaalada Waxaa wararku intaa ku darayaan in ciidamada maamulka Hargeysa ay doonayeen in ay qaadaan dhagxaanta iyo taayirada iyo quraaradaha lagu xidhay wadada balse ay iska caabin xoogan kala kulmeen shacabka magaalada ,ciidamadan ayaa waxa ay bilowgii iska hor imaadka ay wadada laamig ah ka qaadeen inta badan waxyaalihii lagu xanibay balse shacabka ayaa markii dame ku soo rogaal celiyay oo xanibay wadadii iyo wadooyin kale oo horay u furnaa Ciidamada maamulka Hargeysa ayaa waxaa ay sidoo kale qab qabteen dad lagu qiyaasay afartan kuwaas oo isugu jiray dumar iyo caruur kuwaas oo ka qayb qaadanayay kacdoonka lagaga soo horjeedo maamulka Hargeysa iyo kuwa la shaqeeya ,waxana wararku intaa ku daryaan in maamulka Hargeysa uu dadka ra'yidka ah u dhaadhiciyay xabsiyo ku kala yaal Oog iyo Burco C/hi Caaqil HorseedNet.com
  14. Banaabax iyo rabshado ka qarxay mar kale Laascaanood iyo laba ka mid ciidanka S/land oo la dilay Posted to the Web Oct 25, 16:30 Laascaanood:-Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka mar kale ay rabshado iyo tacshiirado xooggan ay qarxeen Gudaha Magaalda Laascaanood. Tacshiiradaha iyo rabshadahaas ayaa bilaawday markii ay bilaabeen Ciidanka S/land in ay soo galaan gudaha magaalada taasi oo caro xoogan ku abuurtey dadka deegaankaasi oo si weyn uga xumaadey in ciidamo S/land ay soo galaan magaalada. Waxaa bilaawday rasaas goosgoos ah iyo banaanbax rabshado wata oo ay wadaan dadka deegaanka oo taageersan Maamulka Puntland waxaana ku dhintay rabshadahan Laba ka mid ah ciidamada maamulka Somaliland . Ciidanka S/land ayaa furay Tacshiirad waxaana ku dhaawacmay ilaa 4 qof waxaa ayna ka xeysteen ilaa 45 qof oo dhigayey banaanbax. M_M Deeq Halgan.net
  15. War deg deg ah: Tacshiirad & rabshado Laascanod ka dhacay oo lagu diley 2.. Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in rabshado iyo tacshiirado xoogan ay saaka ka qarxeen bartamaha magaalada Laascaanood. Tacshiiradaha iyo rabshada ayaa timid ka dib markii ciidamada maamulka la magac baxay Somaliland ay gudaha u soo galeen markii ugu horeysay gudaha magaalada Laascaanood, taasi oo caro xoogan ka abuurtey dadka deegaankaasi oo si weyn uga xumaadey in ciidamo ka yimid Hargeysa iyo Boorama ay xoog ku soo galaan gudaha magaalada Laascaanood. Laba ka mid ah ciidamada maamulka Somaliland ayaa saaka lagu diley bartamaha magaalada kuwaasi oo isku dayey inay calanka Soomaaliya dhulka dhigaan oo ay ka taagaan xarumaha maamulka ee magaalada calanka maamulka la magac baxay Somaliland taasi oo caradii dadka si weyn u sii kicisey, isla markaana keentay in ciidamada Daahir Rayaale Kaahin ay rasaas ooda uga qaadaan dad boqolaal gaaraya oo si weyn uga soo horjeeday falalka maamulka Somaliland uu ka wado magaalada Laascaanood. Warar warbaahinta caalamiga ah ee SBC ay ka heshay dad xog ogaal ah oo ka gaabsadey in magacooda saxaafada laga sheego ayaa sheegaya in rasaastii ay fureen ciidamada maamulka Somaliland ay ku dhaawacmeen afar qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen dumar iyo wiil yar kuwaasi oo wadooyinka ku gubayey shaagaga gawaarida iyo waxyaabo kale oo ay u adeegsanayeen jidgooyooyin. Ciidamada maamulka Daahir Rayaale Kaahin ee saaka markii ugu horeysay gudaha u soo galey magaalada Laascaanood ayaa waxay wateen gawaarida gaashamaan ee dagaalka ee loo yaqaan beebayaasha, waxaase ciidamadaasi oo adeegsanaya awood dheeraad ah si weyn uga hortagey oo ku qasbey inay magaalada dib uga laabtaan oo ay tagaan halkii ay ka yimaadeen ee duleedka magaalada dadweynaha magaalada oo caro iyo rabshado kala hortagey ciidamada maamulka Gobolada waqooyi ee Somaliland la baxay. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ugu yaraan 50 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween ay magaalada ka qafaasheen ciidamada Daahir Rayaale Kaahin dadkaasi oo ahaa dadkii banaanbaxa iyo rabshadaha kala hortagey ciidamada Somaliland, iyadoo ciidamadaasi ay dadkaasi u kaxaysteen dhanka deegaanka Oog ee Gobolka Sool. Talaabadan geesinimada ah ee shacabka magaalada Laascaanood uga hortageen ciidamada maamulka Somaliland ee maanta awooda ku soo galey magaalada ayaa waxay muujinaysaa in Somaliland ay awood u sheeganayso dadka Gobolka balse aanay jirin taageero ay ka haystaan dadka deegaanka. Hoteelada ay degan yihiin siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka ee taabasan maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu sameeyey dibadbaxyo iyo dhagax tuur, waxaana dadku ay ku dhawaaqayeen ereyo ay uga soo horjeedaan siyaasiyiinta iyo saraakiisha reer Sool ee taageersan maamulka Somaliland, waxaana la sheegay inay adag tahay in magaalada ay maraan magaalada balse ay ku jiraan hoteelada siyaasiyiintaasi. SBC International News Desk
  16. Maamulka Hotel Xamdi ee magaalada Laas-caano oo ku wargaliyey Somalidiidka iyo Dabadhilifkooda in ay isaga guuran Hotelkaasi. Ka did weeraro isdaba joog ah burbur xoogana gaarsiiyey hotelka Xamdi, ayaa maamulkeeda sare waxeey maanta ku war galiyeen kooxda somalidiidka in ay isaga guuran hotelkaasi. Shacabka reer Laas-caano ayaa waxeey u arkaan Hotel Xamdi in ay marti galisey Maleeshiyada ku soo duushey gobolka sool,hadaba ilaa iyo habeynadii aynu soo dhaafney,ayaa waxaa weerar isdaba joog ah lagu qaadey hotel xamdi ee magaalada Laas-caanood. Weerarkaasi oo ahaa mid loo isticmaaley bambooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaasta ka dhaca qoriga loo yaqaan daba-jeex, ayaa waxaa lagu qaraacay hotelka caalamiga ahe xamdi ee laas-caano. Burbur xoogan ayaa ka muuqda hotel xamdi gaar ahaan wajiga hore ee hotelka laga soo galo, waxaa kaloo burbur uu ka muuqdaa dhinaca danbe ee hotelka ayadoo halkaasi si xoogleh looga soo tuureyey bambada gacanta laga tuuro. Si kastaba ha ahaate maamulka sare ee hotel xamdi ayaa codsigaasi u gudbiyey kooxda somalidiidka, balse warar hoose aanu helney ayaa waxeey sheegayan in ay ku gacan seyreen codsiga kaga yimi maamulka hotelka. Gaarhaye Cabdi Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Laas-caano Sool
  17. Maamulka Hotel Xamdi ee magaalada Laas-caano oo ku wargaliyey Somalidiidka iyo Dabadhilifkooda in ay isaga guuran Hotelkaasi. Ka did weeraro isdaba joog ah burbur xoogana gaarsiiyey hotelka Xamdi, ayaa maamulkeeda sare waxeey maanta ku war galiyeen kooxda somalidiidka in ay isaga guuran hotelkaasi. Shacabka reer Laas-caano ayaa waxeey u arkaan Hotel Xamdi in ay marti galisey Maleeshiyada ku soo duushey gobolka sool,hadaba ilaa iyo habeynadii aynu soo dhaafney,ayaa waxaa weerar isdaba joog ah lagu qaadey hotel xamdi ee magaalada Laas-caanood. Weerarkaasi oo ahaa mid loo isticmaaley bambooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaasta ka dhaca qoriga loo yaqaan daba-jeex, ayaa waxaa lagu qaraacay hotelka caalamiga ahe xamdi ee laas-caano. Burbur xoogan ayaa ka muuqda hotel xamdi gaar ahaan wajiga hore ee hotelka laga soo galo, waxaa kaloo burbur uu ka muuqdaa dhinaca danbe ee hotelka ayadoo halkaasi si xoogleh looga soo tuureyey bambada gacanta laga tuuro. Si kastaba ha ahaate maamulka sare ee hotel xamdi ayaa codsigaasi u gudbiyey kooxda somalidiidka, balse warar hoose aanu helney ayaa waxeey sheegayan in ay ku gacan seyreen codsiga kaga yimi maamulka hotelka. Gaarhaye Cabdi Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Laas-caano Sool
  18. Maleeshiyada Somalidiidka oo saakey magaalada Laas-caano gudaha usoo galey iyo iska caabin xoogan ay kala kulmeen shacabka reer laas-caano. {Wasiir Casoowe oo dagaalkaasi ku dhaawacmay} Abaarihii 6 aroornimo ayaa, shacabka reer laascaano waxeey ku baraarugeyn ilaa 14 tiknika ah oo ay leedahay maamulka somalidiidka ah ee hargeysa oo ka daad gureynaya, dhagax iyo caro ay shacabka reer laascaano ku gooyen wadada dheer ee shiinaha ee isku xirta Burco iyo Garoowe, si aysan u adeegsanin kooxda Somalidiidka. Tiknikada ay wateen Somalidiidka ayaa waxaa ka mid ahaa 3 taangi, iyo 11 baaburta loo yaqaan cabdibilaha, shacabka reer Laas-caano oo aad moodo in ay marnaba eeyan ogaleyn in ay cagta magaalada laascaano soo dhigaan kooxda somaliweyn doneysa in ay kala jar-jarto ee ka amar qaadata Mujrim Daahir Riyaale, ayaa waxeey isla markiiba kala hortageen somalidiidka, dagaal aan loo kala harin. Dagaalkaasi iska caabinta ahaa ayaa wuxuu keeney in maleeshiyadii somalidiidka ay si aan loo meel dayin u furaan rasaas, waxeeyna rasaastaasi ay la dhaceen dadka shacabka ah oo u badnaa dumar iyo caruur. Wasiir ka tirsan maamulka Somalidiidka ah oo magaciisa lagu sheegey casoowe oo watey baaburta loo yaqaan lela calaawi, ayaa si xun loogu weerarey magaalada dhaxbartenkeeda,ayadoo ilaaladiisi ay gaaren heer ay kaga cararaan goobta uu weerarka ka dhacay,lama oga ilaa iyo haatan halka uu ku sugan yahay somalidiid casoowe, balse warar ayaa waxeey sheegayaan in uu baxsadey asagoo dhaawac ah. Magaalada laas-caano oo sadex meelood laba meel,shacabkii ay ka qaxeen ayaa waxaad moodaa in ay ku hareen mintidiin reer laas-caano ah oo ku dhaartey in ay ku dhimanayaan difaaca magaalada laas-caano. Xafiiska Warqbadka ee Shabakada Carmooyin.com
  19. ahahah aniga waxba oranmaayo Boqor Buurmadoow, sabobtoo ah waxaan ahay isin waxaana u hadlayaa sida isin lagu yaqiin" {hadalkaasi waxaa yiri Suldanka Garaase} Soomaalidu waa Dad wallaalo ah, oo Diin,Af, Dhaqan iyo Dhiigba wadaaga, waa Dad isjecel oo wax isasiiya haday isu yimaadaan ama is mutaan, Siyaasad ayaa dhexgashay gacmo Shesheeye iyo kuwo sukeeyaba leh hadaanu nahay isimada DGPL geeskasta wixii ku dhintaa waa wiillashayadii, waxaan soo jeedinaynaa si jawi wada hadal u furmo in Soomaaliland ay ka baxdo dhulka ay qabsatay, xabadana lagu bedelo wadahadal si loo baajiyo dhiig danbe oo daata, loona gaaro is afgarad buuxa iyadoo ay na wel-wel gelisay isudiyaar garawga socda. Dhammaan Ummada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa meelkastoo ay joogtaba in la joojiyo Xabadda, khilaafaadkana lagu dhameeyo wadahadal. Suldaan Garaase oo maantey la hadlayey saxaafada asagoo jooga magaalada groowe kana war bixinayey baaq ay ka soo saaren dhiilada coladeed ee gobolka sool ka taagan ,ayaa mar la weydiiyey sida uu u arko Boqor Buurmadoow, hadalkii ka soo yeerey, ayuu wuxuu ku jawaabey, "ahahahahah aniga buurmadoow u jawaabi maayo, sabobtoo ah odey dhaqameed baan ahay waxaana u hadlayaa sidii odey dhaqameedkii" ayuu yiri Suldaan Garaase. Hadalka ka soo yeerey Boqor Buurmadoow ayaa wuxuu ahaa mid aflagaado uu ugu geystey dhamaan isimada reer puntland wuxuuna ku sheegey dhamaantood in ay C/llaahi Yusuf ku raacsan yihiin xasuuqa uu ka wado muqdisho, wuxuu kaloo sheegey in isimada reer puntland ay la heyste u yhiin C/llaahi Yusuf Axmed Madaxweynaha Somalia. Boqor Buurmadoow oo boqortinimada ku heley mudo laga joogo 7 sano nin ganacsade ahaa uu ku afduubey magaalada Barbara, ka dibna uu la galey buuraha Gollis, ayaa waxaa lagu xaal mariyey in boqor laga dhigo si loo badbaadiyo ninkaasi ganacsadaha ah oo si weyn looga yaqaan waqooyi galbeedka somaliya . Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Gaarhaye Laas-caano Sool Puntland
  20. Iska Hor Imaadyadii Saaka Ku Dhexmaray Shacabka Deegaanka Iyo Maamulka Dirta Waqooyi Oo Ay Weheliyaan Midiidinka U Adeegaya Oo Dad Ku Dhinteen Oct 25, 2007 By:Cali Faarax Laascaanood (Jidbaale.com) Saaka subaxnimadii iska hor imaadyadii dhex maray shacab weynaha Magaalada Laascaanood iyo Huwantii ka soo duushay Hargeysa, waxaa la soo xaqiiyey inay docda maamulka Hargeysa kaga dhinteen laba nin oo u dhashay hargeeysa, halka ay iyagu dhaawaceen afar nin oo ka soo jeeda beesha sool. Waxaa kaloo la soo cadeeyey inay magaalada ka kaxaysteen dad tiradoodu gaadhayso ilaa 150 qof waxaana ka mid ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada Laascaanood magaciisana la odhan jirey Cabdi Cowke waxaana loo dhaadhiciyey xabsi ku yaalla magaalada Burco. Afarta nin ee reer sool ah ee dhaawacuna soo gaadhay mid ka mid ah waxay maamulka Hargeysa ka toogteen xiniinyaha, waxaana la soo xaqiijiyey inay xiniinyuhu go’ay. Cali Faarax Laascaanood Puntland Soomaliya
  21. Ciidamada Somaliland Iyo Shacabka Reer Laascaanood Oo Dagaal Afka Isdaray (Laascaanood}25.10-7 Hawlgal balaadhan oo ay sameeyeen ciidamda maamulka labaxay Somaliland ayay kusoo qab qabteen boqolaal qof oo ay udhaadhiciyeen jeelasha Burco iyadoo qaar kalena ay jidh dileen kuwana ay sixun rasaas ugu toogteen halka dhinaca askarta ay dad shacaba oo gadoodsan ay ka dileen laba askari laba kalena ay ka dhaawaceen……………………………………… Hawlgalkan oo bilowday saaka hiirtii waaberi ayay ciidamada maamulka labaxay somaliland iyo kolonyo tikniko ah doonayeen inay dhagaxa iyo taayirada lagu gubay laamiga iyo wadooyinka magaalada inay ku sifeeyaan balse shacab cadhaysan ayaa ka hor istaagay. Kumaan shacab ah oo ay wajiyadooda ka muuqato cadho weyn ayaa laamiga si xoogan usii dhigay dhagxaan waa weyn halka ay kusii ja jabiyeen dhalooyin isla markaana ay kusii gubeen shaagag ama taayiro waa weyn balse kolonyadii ciidamada maamulka labaxay Somaliland ayaa dadkii xabado kala daalay waxayna sababeen xabadaahisi inay dhaawacyo xun xun kasoo gaadhaan dadkii mudo haraadayay. Hotelka Nugaal oo kuyaal badhtamaha magaalada ayaad mooday inay bartilmaameed sanayeen ciidamadii saaka hawl galkan samaynayay iyagoo xabado hotelka kala daalay waxaana hoteelkaasi soo gaadhay dhaawac weyn isla agagaarka hotelka ayaa waxaa lagu toogtay hal askari oo la sheegay inuu u dhashay deegaanka hargeisa oo xabadu ay sujuuda kaga dhacday. Waxaa iyana jirtay kolonyo kale oo ciidamo dheeraad ahaa oo la doonayay in lagu cabsi geliyo shacabka in iyana dad shacab ahi ay miino kusoo tureen waxaana halkaasi ku geeriyooday askari kale oo reer hargeisa ah waxaana dhaawac khatar ahi uu kasoo gaadhay laba askari oo kale. Markaas kadib oo ciidamo xoogan lagu soo daabulay badhtamaha magaalada ayay ku qab qabteen boqolaal qof oo laga buuxiyay dhowr baaburta waaraadada loo yaqaano waxaana toos loogu dhaadhiciyay jeelasha burco. Warku wuxuu intaas ku darayaa in dadka shacabka ah ee loo taxaabay jeelasha burco ay ku jiraan dumar iyo caruur iyo waliba hooyooyin aan waxba galabsan oo laga soo qab qabtay wadooyinka magaalada. Dhinaca kale Bam gacmeed ayaa habeenimadii xalay lagu tuuray Hotel-ka Xamdi oo ku yaala magaalada Laascaanood, kaasoo ay geysteen kooxo hubeysan oo aan la garanayn heybtooda, inkastoo uusan wax qasaare ah geysan, waxaana hotelkaasi oo lagu magacaabo Xamdi degenaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka labaxay Somaliland, waxaana qaraxaasi ka dib howlgalo baadhitaan ah ka bilaabeen ciidanku agagaarka hotelkaasi iyagoo ka baadi goobaya kooxihii ka dambeeyey bamkaasi. Isla xalay ayaa iska horimaad hubeysan waxaa uu ka dhacay badhtamaha magaalada Laascaanood kaasoo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxaana iska horimaadkaasi ay labada dhinac isku weydaarsadeen rasaasta ka dhacda qoryaha fudud, lamana soo sheegin cid waxyeelo ay ka soo gaadhay, waxaana arimaha ay ku soo beegmayaan xili labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland ay ku jiraan diyaar garow dagaal oo aad u xoogg badan Widhwidh Online News Desk..Media Center
  22. Originally posted by BarigaSanaag: Fahiye can you respect the choice of traditional elders , political leaders and the very majority of Sool and Las Canood ? They want qaranimo and prosperity Not the other thing you want. They are from Somaliland I thought people Dream at night time. well barigasanaag your case is different you always day Dream. keep dreaming dear. Waa somaliland kulahaa. Fahiye sxb thansk for the update. let us count before the real war starts if they could survive the up rising anger of native.
  23. I will tell you Yaa camir the Riyoole militia made bige mistake and sure enough they will pay big price for that. This is what is next for lasaanod and Burco, boorame hargeeysa ceerigaamo and many cities for the past 17 years did not had civil war. they will test the penfit of war. However, the greatest threat that so called somaliland would face from civil war in lasanod is from the spillover the burdens, the instability, even the follow on wars that could emerge in neighboring cities, like burco, hargeysa, borame and so on. Welcome to the new instability they created for peaceful sool and sanaag region where civil wars could follow one after another. For lasanod the native of the city will came back shortly in their homes at any time.