Jumatatu

Nomads
  • Content Count

    1,570
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Jumatatu

  1. Sida aan la socono Soomaaliya waxaa soo maray madaxweyne ka weyn sharciga sidoow rabana yeelo ayadoona la ogyahay kuwa hadda jira in uu ka muwadansanaa kana dal iyo dad jeclaa marka runta laga sheego tarriikhda ma guurtada ah , waxaase wax la layaabo ah haddi la yeelaayo madaxweyne si doow doona i yeelaayo wax walbana uu ku fkira iska sameynaayo maxaa loo racadeynaayey madaxweyne Maxamed Siyaad Bare Allaha u naxariistee . Hadaba haddii aan wax yar soo xusna Tariikhda madaxweynah Soomaaliya xiligaan Cabdulaahi Yuusuf waa nin miltari ah waa nin sodan sano ku jirey xaalada milatari ama dagaal asagoo ahaa xiligaa gudoominimadiisa nin aan jeceleyn in lagula tartami jagadiis gudoomiye nimo cidii hunguri ka soo galana uu qaarijin jirey ,inmuda kadib jagadii gudoomiyonimo waxuu ku badashay madaxweynaha maamula goboleydka Puntland ayadoo markaa loo arkaayey bal in lagu dajiyo odayga madaama uu sheeganayey sodonsano oo jabhadeys ah . Maxuu qabtay xiligaa uu haa madaxweynah Puntland 1 waxaa laga marqaati kacayaa in uu xoogaa soo celiyey nidaamkii dowli asagoo markaa u arkaayey hadii uu ku guleysto howsha nabad galyada in uu kasban doono dad badan oo jecel nabada ,kadib waxuu bilaabay in uu isku noqdo madaxweyne iyo wasiir gashadhig ee Puntland si hadii leysku dayo in la yiraahdo duqa in badan waad heysaa ee janas nasii marka taana weydhacdoo markii waqtigii loogu talagalay in haayo xilka Punland ku darsaday 2 jeer oo saa´´id ah. Intaa kadib shacabka iyo odaydhaqmedka Puntland waxey keeneyn in hoosta ka guuxaan oo ay yirahdaan oday Cabdulaahi waa in aan iska qabanaa kadib waxaa leysku dayey in meesha laga qaado tasoo keentay dadka Puntland oo ah dad nabada jecel in uu tuuto milatari uu u gashto uu dagaalka ku qaado shacabkii hiloowga u hayey asagoo markaa ciidamo ka soo ka xeystay Itoobiya kadib ku laayo kuwii isbadal doonka ahaa kadibna sidaa uu ku sii qabsaday . Haddaba maxay sameyeen dadkii Puntland ee uu xooga ku qubsaday Col. Cabdulaahi Yuusuf , waxey galeen masaajidada ayagoo illaah baryayo ayeey yirahdeen allow waa nagu salidaye kuwa ka dhibadan ku salid . Halkaa markii ay mareyso ayaa waxaa bilaawday shir dib u heshiin oo loogu talagalay Soomaaliya asagoo odayga quudareynaayo ayuu aaday shirkii si buu mar uun loo yiraahdo madaxweyne tasoo uu si sahal ah ku helay madaxweyna nimadii uu 30ka sano ugu jirey duurka , durba waxuu bilaabay in uu sharciga daba maro uu yiraahdo wax walba anigaa ah asagoo ayadoo la joogo goobtii shirka lagu qabay uu qaatay jagadii gudoomiyaha Barlamaanka . Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf intaa kuma ekaan waxuu hadana qaatay tii gashaadhiga iyo tii taliyaha ciidamada asagoo xilwalba isku dayaayo in uu u dhaqmo sidii madaxweyen reerkiisa kaliya u talinaayo tasoo macnaheydu yahay wax walbo aan iraahdo qata asagoo hilmasan 270 xildhibaan ka yimid beelo kala gadisan oo 15 sano dagaal ka dhaxeeyey mas la socoyo miyaa Cabdulaahi in aan la joogin 1945 ay Soomaalidu aheyd jaahilka Gabgabada iyo gunaanadka Soomaaliya xiligaan ma u baano madaxweyne waxwlba isku ah ee waxey u baahantahay madaxweyne qunyar socod ah oo sharciga ilaaliyo si ay Soomaali isugu soo noqoto. Mise hilmaamsan yahay madaxweyne Cabdulaahi Yusuuf 30kii sano uu duurka ugu jirey in uu dhaliyo xukun caadil ah Cabdisaan Macalin dhiblaawe
  2. Il-Generale ina eedo mabruuk ...guurkada ki lagu raago..lagu nimceysto..laga heelo caruur kheyr iyo caafimaad qabta Illahey ha ka dhigo...amiin..! Once again sxb my heartfelt congratulations to you and my 'dumashi'.
  3. ^^I give you the credit of falsely confincing youself on hypothetical situations. You certainly lack the ability to understand the clear picture now whether this is due to mal-function of an organ or due to being a staunch supporter of principle mainly based on tribalistic grounds, I dont know. But I will assume the latter cause of your continuos effort in glorifying the fundemental errors and grave mis-calculations made and being by those that you support on daily basis. Now that your cause or that of which support is decaying right infront of your eyes I can only wish to notice it and be steadfast in its abadoning.
  4. Originally posted by General Duke: Geedi + Aydeed + Cade = what the tool Qaynyare and the rest could not do... Nothing according to you..but then again I enjoy all time prooving you wrong..as the famous Somali proverb says "ilka abeeso hoos ayey ka xiriraan": ...so just hold your horses and dont be over-committed as you are usually... On the same subject I thought Cade jumped ship or if we are to believe the Jowhar camp has/is about to be sacked. You wouldnt know that would you after all you'r a mute and blind to reality.. Damn dayniile is fast to break Duke's heart I dont think this the picture you wanted to see Pinocchio...so you were saying happily what? :
  5. Good news indeed...! Am glad you are hapy Duke... Xuseen Ceydiid oo Muqdisho ay ku soo dhoweeyeen xubnaha labada gole & taageerayaashiisa Waxaa dhowaan soo caga dhigatay garoonka N0 50 dayuurad magaalada Nairobi ka soo qaaday wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Max'ed Ceydiid, waxaana garoonka si diiran ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka, taageerayaashiisa & dadweyne kala duwan.
  6. Originally posted by M.I.L.K: And did you miss this part>successful talks with Hiiraan elders. Thus I guess we will see a save passage for the P/land troops stranded in Ferfer. If that does not happen will you agree the so "succesful" talks never occured ?
  7. Originally posted by Jason: Once these people realise these dhiigyacab warlords are no good, they will be gone. Damn right..! They should start with the so called President of them all..number one dhiigyacab..
  8. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo dib ugu laabtay Magaalada Jowhar Khamiis, August 11, 2005(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta duhurradii dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu deegaanka Mustaxiil kulamo kula soo qaatay Odayaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, inkastoo kulankaasi ay iska diideen in ay ka qeybgalaan Golaha Guurtida Gobolka Hiiraan, sida uu caddeeyay Guddoomiyaha Golahaa Md. Dacar Xirsi Xooshoow. Xiisad ka dhalatay ciidamo ka tegay Deegaanada Puntland oo ay is-rasaaseeyeen ciidamo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa dhowaanahaan ka jirtay gobolka, iyadoo dadka Reer Hiiraan ay ka horjeesteen in ciidamadaas ay dhexmaraan gobolkooda meel kasta oo ay u jeedaan, iyadoo xiisaddan ay ka sii horeeyay mid kale oo ka dhalatay Guddoomiye ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed u magacawday Gobolka Hiiraan, kaasi oo ay dadka Reer Hiiraan qaar soo dhaweeyeen, kuwo kalena ay ka horjeesteen. Haddaba, Madaxweynaha oo markii uu ka amba baxayay magaalada Jowhar la hadal hayay in uu tegayo Gobolka Hiiraan oo markaasina uu wada hadallo kula soo yeelanayo dadka ay ka go'do talada gobolka ayaan isagu gobolka Hiiraan cagtiisa dhigin, wuxuuna ka laabtay deegaanka Mustaxiil oo la sheegay in ay isku arkeen Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, kuwaasi oo aan faah faahin laga bixin waxyaabihii ay ku wada hadleen. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  9. Xubnaha labada Gole ee Muqdisho ku sugan oo madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeeyay in uu sameeyay Qiyaano Qaran Khamiis, August 11, 2005(HOL): Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay maanta soo saareen kadib kulan saacado qaatay oo ay yeesheen waxay ku sheegeen in mas'uuliyadda cawaaqib xumadii ka dhalata abaabul ciidan oo ay madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku gacan siinayaan. Kulankan ay xubnaha labada gole ku yeesheen Hotelka Saxafi International, isla markaana uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ujeedadiisu ahayd socdaal uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku tegay deegaanka Mustaxiil ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Naxdin iyo nasiib darro ayay xubnahan ku tilmaameen in madaxweyne C/llaahi Yuusuf shaqo ka bilaabo si sharci ah in ciidamo shisheeye oo cadaw ku ah Soomaaliya uu dalbado, taasoo ay ku fasireen qiyaano qaran, “Madaxweynuhu wuxuu is-daba mariyay xilkii ugu weynaa ee xiligan loo doortay kaasi oo ahaa in uu dib u heshiisiin ka dhex bilaabo Dadka Soomaaliyeed ee colaaddu kala geysay, isagoo si toos ah ugu jira har iyo habeen abaabul dagaal iyo colaad mar kale ka dhex aloosanta dadka Soomaaliyeed†ayaa lagu yiri qoraal ay maanta soo saareen xubnaha labada gole ee Muqdisho. Qoraalkan eedeynta ah oo ahaa mid aad u dheeraa ayaa waxaa kale oo lagu xusay in ujeedada dhaqdhaqaaqayada madaxweynaha wado ay tahay in uu ciidamo Itoobiyaan ah ku weeraro gobollada dalka qaarkood, isagoo ugu horeyn bar tilmaameedsanaya Gobollada Hiiraan, Bay iyo Bakool, iyadoo kadibna ay u qorsheysan tahay in uu aakhirka weeraro ku qaado Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, taasoo khilaafsan sida lagu sheegay qoraalkan dib u heshiisiinta laga dhex wado Dowladda Federaalka ee ay wadaan Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay. Qoraalkan oo la sheegay in beesha Caalamka loo diray ayaa lagu xusay in taliska Meles Zenawi uu mas'uul ka yahay dhibaatada Soomaaliya ka taagan, isla markaana uu weli ku howlan yahay sii fogeynta xal u helidda arrimaha Soomaaliya, iyadoo qoraalkan uu sii qeexayo in colaad ka dhalata dhaqdhaqaaqyada socda aysan ku ekaan doonin Soomaaliya, isla markaana ay u sii gudbi doonto gobolka Geeska Afrika oo markaasina ay wiiqi doonto nabadda iyo xasiloonida ka jirta. Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo qoraalkan Saxafiyiinta u aqrinayay ayaa isagoo qoraalka sii aqrinayay wuxuu sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf markii uu ka dhoofay magaalada Jowhar uu ka degay deegaanka Godeey ee dhulka ismaamulka Soomaalida, kadibna ay halkaas diyaarad Helicopter ah ka qaaday, taasi oo geystay deegaanka Mustaxiil, iyadoo halkaasina ay ku sii sugnaayeen Saraakiil Itoobiyaan ah iyo Ciidamo uu doonayo sida qoraalka ku xusan in uu dalka ku weeraro. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  10. What a complete naked and shameful lies..where in Hiiraan did the 'warmonger' visit.?
  11. Jumatatu

    Meet Up

    Originally posted by 7 0f Nine: You two regulars are making it seem like a bad thing laakiin..its a matter of preference. Todobo ka sagaal lil sis trust me there was no sinister in my post, it was a mere honest mickey..
  12. Jumatatu

    Meet Up

    Originally posted by 7 0f Nine: 'cause its not my thing. Not according to the late gossip news..
  13. Originally posted by Jacaylbaro: Tooo sad ,, but wat da hell were they doing in da nightclub at that time ,,,,, i didn't like that ,,,,,,, This is a derogatory and hypocritical remark... :mad: :mad:
  14. Allah naxaristo both of them...amiin..! The irony in the incident is that they were both 'madi' in their families..!
  15. ^^^Hold your horses sxb..! I think you are on a different wagon. I doubt whether the man waving the white flag(am sure he wanted to wave a checkered flag) in early stages was actually portraying your sentiments.
  16. Eebe ha u naxariisto Shiikh Axmed Deedat Janiidasa Fardowsan ha ka waraabiyo,Ummada Islaamkana Eebe ha u soo bixiyo kuwo la mid ah oo dariiqadiisii diinta ku faafiya Amiin....Amiin....Amiin..!!!! If anything he was an individual who convinced many that Islam was the way of Life.
  17. Originally posted by General Duke: Somali pirates to release WFP ship, hostages How dare you call your close kinsmen 'pirates'?
  18. Maxamed Dhere oo gacan ka hadal dhex maray shalay asaga iyo Bari Bari. Warar aan dhawaan ka halnay magaalada Jowhar ayaa ku waramaya in gacan ka hadal uu dhex maray shalay Maxamed Dheere iyo afhayeenka madaxweyne Yuusuf oo lagu magacaabo Bari Bari. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii uu Maxamed Dheere si aflagaado ah ula hadlay Bari Bari goob ay ku sugnaayeen qaar ka tirsan labada gole ee dowladda. Sidoo kale, waxaa dhawaan aflagaaddo xun dhex martay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga iyo rasísul wasaare Geeddi kadib markii uu Prof. Geeddi goob fagaara ah ka sheegay in uusan u aqoon saneyn masúulka gobolka Hiiraan cid aan ahayn ninkii uu dhawaan magacaabay ee lagu magacaabo Dabageed. Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London
  19. Didn't you previously open the same topic ...duh..! Here is my response again..hope this time you will be able to clarify it. Max’ed dheere oo dhar-baaxay mid ka mid ah Xogheynada C/laahi Yuusuf Sida ay saaka sii deysay Idaacadda Horn Afrik ee fadhigeedu yahay Muqdisho, waxaa xalay uu gacan ka hadal ku dhexmaray guriga uu magaalada Jowhar ka degan yahay madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed guddoomiyaha guddiga siyaasada gobolka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere) & mid ka mid ah xogheynada madaxweynaha. Idaacaddu waxey sheegtay in Max’ed dheere uu dharbaaxay ninka xogheynta u ah madaxweynaha, markii uu soo kala dhexgalay muran, wuxuuna amar ku bixiyey in xabsiga la dhigo, iyadoo markii dambe ay xaaladda ku soo baxeen xubno ka tirsan dowladda federaalka oo arrinta qaboojiyey, waxaana xalay laga dareemey guriga madaxweynuhu ka degan yahay Jowhar xaalad kacsanaan ah & hadal heynta arrinta ka dhex-dhacday Max’ed dheere & Xogheynta madaxweynaha. Xubnaha labada gole dowladda ee ku sugan Jowhar ayaa si weyn u ammaanay xaaladda nabadgelyo ee ka jirta gobolka Sh/dhexe, inkastoo si weyn loogu dhaliilo in maleeshiyooyinka ka amar-qaada Max’ed dheer in ay geystaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka. C/shakuur Cilmi Xasan Dayniile, Mogadishu – Somalia The incident 'dhar-baxyada' has occured but the P/land Media has added a spin to the story in attempt to put lid to the reality since the stopry has already spread...I wonder how long the game can be played, I mean the 'spining'..!
  20. Max’ed dheere oo dhar-baaxay mid ka mid ah Xogheynada C/laahi Yuusuf Sida ay saaka sii deysay Idaacadda Horn Afrik ee fadhigeedu yahay Muqdisho, waxaa xalay uu gacan ka hadal ku dhexmaray guriga uu magaalada Jowhar ka degan yahay madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed guddoomiyaha guddiga siyaasada gobolka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere) & mid ka mid ah xogheynada madaxweynaha. Idaacaddu waxey sheegtay in Max’ed dheere uu dharbaaxay ninka xogheynta u ah madaxweynaha, markii uu soo kala dhexgalay muran, wuxuuna amar ku bixiyey in xabsiga la dhigo, iyadoo markii dambe ay xaaladda ku soo baxeen xubno ka tirsan dowladda federaalka oo arrinta qaboojiyey, waxaana xalay laga dareemey guriga madaxweynuhu ka degan yahay Jowhar xaalad kacsanaan ah & hadal heynta arrinta ka dhex-dhacday Max’ed dheere & Xogheynta madaxweynaha. Xubnaha labada gole dowladda ee ku sugan Jowhar ayaa si weyn u ammaanay xaaladda nabadgelyo ee ka jirta gobolka Sh/dhexe, inkastoo si weyn loogu dhaliilo in maleeshiyooyinka ka amar-qaada Max’ed dheer in ay geystaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka. C/shakuur Cilmi Xasan Dayniile, Mogadishu – Somalia The incident 'dhar-baxyada' has occured but the P/land Media has added a spin to the story in attempt to put lid to the reality since the stopry has already spread...I wonder how long the game can be played, I mean the 'spining'..!
  21. ^^Sxb..you have unknowingly taken the bait.!
  22. He must certainly be doing something worthwhile if he is getting to the nerves of adeero and the P/land media. Horey aya waxaa lo yiri 'nin laga badshey wu caytama..