Jumatatu

Nomads
  • Content Count

    1,570
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Jumatatu

  1. JB sxb it was drawn long time ago , it is only few need to re-study it and not take for granted the hallucinatation...
  2. ^^My objective is for you not to smirk nor smile..! Ume ni fahamu..?
  3. Iska Hor imaad Dhex Maray Ciidamo ka yimid Puntland iyo Maleeshiyooyin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan. Iska hor imaad hubeysan ayaa dhex maray Ciidamo ka soo jeeda Puntland oo ku sugnaa Magaalada Feerfeer iyo Maleeshiyo ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaas oo sida la sheegay diidan inay Ciidamada Puntland u soo gudbaan dhinaca iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe oo hadda ku sugan yhaya madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed. Dagaalkan oo muddo saacado ah socday ayaa markii dambe sida ay xaqiijiyeen dad jooga magaalada B/weyne waxaa Ciidamada Puntland laga qabsaday Baabuur yar balse aan dul saaranayn qoriyaha waa weyn, isla markaana ay la socdeen 7 Ruux oo dagaalkaas lagu soo qabtay, baabuurkii iyo ciidankii la soo qabtay ayaa la keenay magaalada B/weyne. Dagaalkan ayaa waxaa uu dhacay kadib markii Ciidamada Puntland ay damaceen inay u soo gudbaan magaalada Jowhar, wuxuuna dagaalka ka dhacay halka loo yaqaano Kalabeer oo u dhaw deegaanka Feerfeer. Magaalada B/weyne ayaa laga dareemay Colaada ka jirta xuduudka Hiiraan ee dhinaca Feerfeer, iyadoo duhurnimadii manta la arkayay Maleeshiyo cusub oo ku sii jeeda deegaanka Kalabeer. Xaalada Gobolka Hiiraan ayaa kacsan sida ay sheegayan dad jooga magaalada B/weyne, waxaana socda Xiisads Colaadeed oo u dhaxeysa Maleeshiyada Madaxweynaha Dowladda Federaalka soomaaliya iyo maleeshiyada Reer Hiiraan. Xaaladda jirta darted ayaa keentay in Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka soomaaliya isaga soo cararo magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,isagoo ku soo jeeda magaalada Jowhar oo inta badan madaxda Dowladda Federaalka ku sugan tahay. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho, Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com I think we should not worry cause the Hiiraan Boyz will soon realise that these P/landers forces were to form the core of National forces.. :confused: led by General Naaji who is running back to Jowhar (he has been running back all his life .... )
  4. Originally posted by Johnny B: I woulden´t get surprised if Yey sneaks in Mogadishu´s night clubs late at nights n drives back to Jowhar.
  5. Storm sxb as for the chicken and the camel ignore the connotation of the camel, KFC tastes better than Camel meat any time... On the other hand regarding your recent emerging fear is well understood but please dont change your attitude or way of life just cause of it...for if you do you will accept the fact that your personality and what you believe is guilty as they presume. I dont think those who committed these hideous crimes represent your society nor your religion , just like Jack The Ripper does not represent the white community , nor does the numerous criminals who rape and kill small children and leaders of the organised crimes. Thus sxb though there will be the stigmatization yet do not accept it as face value. And if you change your way of life just cause of it you are giving in...dont.
  6. The reference of Yeey's daughter is below bar and against all norms of debate. All of Yeey's daughters are happily married and should not be marred in this forum for certainly they dont warrant this attitude.
  7. I doubt whether the guy they claim is a Somali is really one. Considering the known facts that there are many people who claim asylum in the UK pretending to be a Somali. The other thing is having being confirmed that his accomplice is an Eriterean which raises the doubt whether there can exist a trust to that level for this individuals of different origins to conspire to comit such a hideous crime. It simply doesnt add up.Also there is no one in the wider Somali community saying they know this man,which is strange cause if they did it would have spread as a wild fire.
  8. Originally posted by General Duke: 28 days the governemt has been operating inside Somalia dn it has managed to bring all the above regions under its control. I wonder were it will be in the next 28 days ...in the next 28 days...well it will or could bring under its control all the other regions plus, Djibouti, NFD and western Ethipia..plus other regions in the neighbouring contries....kix..kix..kix..thought I could add a lil spice to your fantasy dreams..kix..kix..kix. Pinocchio I have heard of the blind follower, but u make up more not only blind but also mute and ignorant to reality( I wonder whether this sword of editing is double edged or only one edge and goes after one side of the argument)***********..
  9. Originally posted by Ali_BaBa: THE CABDIBILAYAAL are building the institutions of law and order which you hated so much.
  10. Originally posted by M.I.L.K: The interview was not conducted in Somali becausse Hibo Somali is not good some would say she has been in the U.S just to Long. Thus I assume her role as a Public Relation will mean she will be promoting government policy to other 'publics' other than Somalis.....cajiib!
  11. ^^Now let me ask you this Pinocchio, cause I dont want you to be making excuses later on..just like the incident where the President landed in Jowhar...Oh no! he landed in Djibouti cause of light problems. I want you to be sure that you stick with your stories that you quote from 'your' reliable sources that Geedi actually went/is/going to Dakar, forget about meeting Rice, just that he is/was/will be present in Dakar. Just tell me are you sure.. I dare you Pinocchio
  12. Hey Mr.Pinocchio (Gen.Duke) am still waiting for my answer.. :confused: :confused:
  13. Originally posted by Ali_BaBa: but for the people of south Mudug they see this land as a cursed. Isnt't it..? Considering what is in the north I dont think u can blame them..
  14. Hey Mr.Pinocchio (Gen.Duke) so tell me did Mr.Geedi meet Ms.Rice.? Or lets make it better did he go to Senegal since he was invited by its President according to you and SOOMAAL and countles websites you quote from who are very reliable . Soomaalida waxay ku maahmaahda 'Beeni raad maleh'...
  15. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo Soomaaliya ka ahaan jiray Ra'iisulwasaare Sannadihii 60-yadii ayaa dhowaan qoray maqaal uu u ugu magac daray Waraaq Furan oo lagu daabacay Internet-yada Soomaalida qaarkood, isaga oo uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin guuritaanka dowladda Soomaaliyeed dib u guurayso dalkeeda, ciidamada shisheeye iyo cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Waxaa kale ee uu sheegay Cabdirasaaq Xaaji Xuseen in dowladda Cabdullahi Yuusuf laga yaabo in ay marto halkii ay mareen dowladihii ka hroreeyay. Cabdullaahi Xaaji oo ka tirsan BBC-da oo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen dhowaan wareysi kala yeeshay qodobo badan ayaa su'aashiisii uu ku billaabey waxay ahayd: Wareysigii sidan ayuu u dhacay BBC: Waa maxay sababta aad ugu maleynayso in dowladda Cabdullaahi Yusuf madaxweynaha ka yahey ay mari doonto halkii ay mareen kuwii iyada ka horreeyey? Cabdirisaaq: Waxa aan sidaas u iri saan-saanka markii la aasaasay xukuumadda aad hadda tilmaamtay anigu kuma arag wax la qabtay iyo in ay dowladii waddankii tagtay. Dowladihii ka horreeyay iyada waddanka ayey joogeen marka sida ayaan ku iri; marka waxaan is iri maxaa muujin karaya in ay rajo leedahay baan is weydiiyay, waxaa aniga ila quman in laga shaqeeyo sidii Xamar loo degi lahaa. BBC: Waxaad aad tiri waxaa waajib ah in madaxweynuhu tago Muqdisho, Muqdishana ma aha nabad, sida aad ogtahayna madaxweynuhu waxa uu ku daray dowladdiisa afar hoggaamiye-kooxeed oo kala ah Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare, Xuseen Caydiid iyo Cusmaan Caato, weyna ka soo horjeesteen dowladda; marka ma waxaad leedahay arrinkaas qalad ayuu ahaa markii hore? Cabdirisaaq: Aniga ma oranayo in uu ku qaldanaa, mana oran karo maxaa yeelay haddii la doono qaabkii ay dowladdani ku dhisantay waa la dhaliili karaa, laakin wixii dhismay haddaadan eedeyn ku qabatayba ha iska ahaatee la fiiriyo anigu ma u maleynayo madaxweynuhu in uu ku qaldanaa ama raggii ay talada wada wadaageen, raggaan hadda aad magacawday oo la ogyahay in ay ciidamo ku heystaan Muqdisho in la weydiiyo sidii ay ku nabadayn lahaayeen tillaabo qaldan ma aheyn baan u maleynayaa. BBC: Sida aad ogtahay Muqdisho weli waxaa ka jira dilkii, dhicii, afduubkii, inkastoo hoggaamiyeyaashaas awoodda badani ay joojgaan marka miyaad is leedahay dowladdu iminka Muqdisho wey tagi kartaa? Cabdirasaaq: Nuxurka warqaddeyda waxaan ku iri dowladdu hadda ma tagi karto haddii aanan gafsaneyn, oo waa in magaalada laga saaraa ciidamada loona diyaariyaa sidii jawi ay doowladu ku imaan karto loo sameeyo lahaa, waliba marka ay dowladdu imaaneyso waa in ay jiraan ciidamada saaxibbada ah ee Afrikada waliba waxaa hadda ka hor la magacaabay oo la sheegay in labo waddan ay Soomaaliya ciidamo geynayaan ilaa 1700 oo askari, marka ugu yaraan labaas waddan ciidamadaas ay ku dhawaaqeen iyo dowladihii kale oo aysan ku jirin waddamada safka hore oo iyaguna ugu yaboohay Soomaaliya in ay ciidamo keenan ha la soo dhaweeyo. Marka ciidamadaas marka ay xukuumaddu imaaneyso ciidamadasina ha la yimaadaan waxaad moodaaa in aan ku daray Xisaabta in dowladdu u baahantahay ammaan, laakiin sida an arkayo dowladdu xooggeeda saari meyso sidii ay Xamar ku imaan laheyd. Xooggeeda waxa ay saareysaa meel kale intey xoog ku dagto ay ku muujineyso ama Xamar looma baahna ama iney Muqdisho dagaal ha lagu qaado marka dowladdu ha muujiso sidii Xamar lagu dagi lahaa. BBC: Maleeshiyada qaarkeed ayaa laga saaray Muqdisho iyadoo la geeyey Hiilweyne, hubkiina lagama dhigin, loona yeeran karo markii loo baahdo, taasi ma ciidan qaadisbaa? Cabdirisaaq: Arrintaas ciidamada hubka laga qaadayo anigu waxaan filayaa waxa ay u baahan tahay fiiro gaar ah, nimanka hadda Xamar hubka ku heysta markii la yiraahdo Xamar keliya hubka ha laga qaado oo gobollada kale hubkooda ha heystaan oo qabiil iyo dhibkii shalay shakiga keenay taagan yahay anigu waxaan u arkayaa in ay ka qoto dheer tahay sida ay dadka qaar u arkayaan. Aniga waxaa ila quman haddii ay noqoto hub in la qaado hubka in waddanka oo dhan laga wada qaado dhulka qaarkood ee ay ka mid tahay Puntland waxa ay sheeganayaan in ay dowlad yihiin oo ay ciidamo heystaan laakiin dadka Muqdisho jooga ama meel kale jooga waxa ay ku doodi karaan meel walba Maleeshiya ayaa joogta, Puntland kuwa jooga waa maleeshiyo kuwa jooga Jubbooyinka waa maleeshiyo, Bakool iyo Xuddur kuwa jooga waa maleeshiyo; marka haddii la rabo in hubka la qaado hal mar ha la qaado bey ku doodi karaan, waxaana is leeyahay waa caqli gal. Marka aniga waxa ay ila tahay Xamar waa caasimaddii, nimankan haddey magaaladii hubkii ka fogeeyeen oo ka kaxeeyeen, niyad sami in loola socdo weeye, ragannimo bey muujiyeen hubkii bey qaadeen iyagoo waliba aan heysan wax caawina intaa oo kumanyaal ah beey masruufeeyeen oo xero ku hayaan, oo awalba la baray lacag sharci darro ah oo isbaaro iyo dhib ku jiray ayaa hadda muddo labo bilood ah ku jira xeryo oo ay masruufayaan waxa ay mudan tahay in la taageero. Anigu ma maqal dad leh tillaaba la qaadaye ha la dhammeystiro mida kale yaan laguna deg-degin hub ka dhigista oo dadka hal mar laga wada qaado waxa jira qabiil iyo dareen reer hebel hubkii bey heystaan marka waxaa fiican guddi dhaxdhaxaad aa inta la qabto oo hubka la tiro koobo, illeyn qolo walba waa la yaqan hubka ay heysatee oo xeer la sameysto sidaa loo qaado hubka walibana la gubo qolo walba waxaa la oranayaa hubkina qolo xeer baa la sameynayaa qofkii qariya. BBC: Hub ururinta Muqdisho ka warran? Cabdirisaaq: Goob kasta hub ayaa yaalla, waana in dhammaan isku mar laga wada urursho oo hubkaas la wada gubo haddii la doonayo in dawo la helo. Qolo walba waxaa la oranayaa hubkiina qora; xeer baa la sameynayaa, waxana loo wada sheegayaa qofkii aan hubkiisa keenin ganaaxa iyo xaragga uu heli karo. BBC: Dowladda Cabdulaahi Yusuf waxay ku eedeysaa hoggaamiyeyaasha qaar in aysan dowlad rabin maadaama ay gacanta ku hayaan goobo muhiim ah laguna edeynayo in ay jilbaha u dhigeen oo ay curyaamiyeen dowlasdii Cabdiqaasin? Cabdirisaaq: Haddii laga hadlo raggani ma rabaan dowlad oo waxa ay gacanta ku hayaan goobo muhiim ah, ma jirto cid aan heysan meel ay dayuurado ka soo dagaan; Furdooyin - Puntland baa leh, Somaliland baa leh Kismaaya leh, Bay & Bakoolaa leh; sabab maxaa loogu edeynayaa keligood qolo waliba wa leedahay meel ay jidgooyo dhigtaan oo lacagi ka soo gasho. Dhab ahaantii wey fiicnaan laheyd in ay magaalada nabadeeyaan maadaama ay caasimaddii joogaan ayna ku doodayaan dowladdu waa in ay caasimadda timadaa waana u sheegay marka ma ahan in dadka iyo gobolada kale is daahiriyaan. BBC: Qoladee baa haddaba hagaagsan? Cabdirisaaq: Warqaddeyda waa caddahay aniga sidii aan qolo walba wax ugu eedeeyay ma jirto qola daahira oo wada fiican, mana jirto qolo eedda dhinaceeda goonni loo saarayo. BBC: Cabdulaahi Yusuf waxaa la sheegay in uu ciidamo ka qoranayo beesha uu ka dhashay ee Puntland iyo kuwo beelaha kale ah sida Gobolada Dhaxe iyo Jubbooyinka, maxaad kala socotaa amuurtaasi? Cabdirisaaq: Waxaan anigu maqlay waxaa ciidamo ka imaanayaan Puntland iyo Hiiraan marka laga reebo ciidamadii joogay Jawhar. BBC: Cabdullaahi Yusuf waxaa la sheegaa in uu ku hadlo hadallo is burinaya oo dadka iska horkeenaya maxaa ka jira amuurtaasi? Cabdirisaaq: Hadalladaas ma aha kuwo halkan lagu soo koobi karo, mar uu Cabdullaahi Yusuf hadlo oo uusan madaxda kale shaki galin ma jirto. Tusaale ahaan, hadalkiisii ugu dambeeyay oo ahaa afar nin oo Xamar joogta dowladdu u maja xirnaanmeyso; sidaas darteed, hadal walba oo ka soo baxay Cabdulaahi Yusuf ma ahan mid ku habboon madaxweyne waddan. Waxaa fiican in madaxweynuhu noqdo mid loo keeno dhibkii ku yimaada dadka oo xalliya mase ahan midkii sii hurun lahaa. Waxa an is weydiiyaa hadallada Cabdulaahi Yusuf ku hadlayo iyo waxa laga doonayo madaxweyne ma is keenayaan? waxaana ii soo baxeysa Maya. BBC: Waxaa jirta in adiga iyo Cabdullaahi Yusuf ay idiin dhaxeyso colaad soo jireen ah, marka maqaalkan aad qortay ma taasaa u sababa ah? Cbdirisaaq: Aniga iyo Cabdullaahi Yusuf meel aan isku khilaafnay iyo meel aan ku wada hadalnay oo aan isku afgaran weynay ma ogi, anigu markii aan waxyaabo ka hadlo waxaan ka hadlaa arrin Soomaaliya laakiin anigu ma soo hadal qaado magaca madaxweyne Cabdullahi Yusuf. Dowladda Soomaaliya hadda u dhisan waa nooca midda Talyaaniga iyo Britain ka jirta oo kale oo madexweynuhu uu yahey mid sharafeed. Sidas datreed, waa khalad in mar walba la yiraa dowladda Cabdullahi Yusuf. Dowladdani waa tan Cali Maxamed Geeddi, sidaas darteed waxa uu ku jiro Cabdullaahi Yusuf ma ahin wax uu shaqo ku leeyahey. QODOBADA WARKA UGU HOREEYA Britain: Warbixinta Catham House Ciraaq: Kulanka deeqbixiyaasha Kooxda Hamas oo eedeysey Israel Olollaha kordhinta Golaha Ammaanka
  16. ^^Sxb For some like Duke to them Yeey is the one that will fulfill their dreams, what dream is only them can tell, though it is certainly not the attainment of a harmonic and stability of Somalia. So we wait and see whether Yeey will be able to deliver what he has promised to them( not Somali statehood) or lead them further astray. My money is on the latter...
  17. Once there was man who was asked to count his herd, knowing that the one with the biggest herd will be accorded certain prestige he cunningly counted as his not his herd but those of others. When the time of 'kala-rebto' came he was uncovered as a lier and marked out as a man who has no dignity and shame. The tag remains with him untill this present day. Here we have a man who lists all the regions of Somalia as been under the control and in support to Yeey and also that everything is running smoothly for the TFG. While all the facts and reality in the grounds contradict him, yet he has no remorse nor shame to realise his blatant and continuos lies. If he was under age we would have dismissed it as a feeble but he is not and is a 'qowsaar' I leave it to the rest of the Nomads to judge him. In the mean I will insert few facts to see if we can jump start him to reality ( I doubt whether it will succed : a) the president elected in October has yet set his command and excutive order in Somalia b)has been since his election the prime factor to the disintegration and deterioration of the government c) has not succeded in realising all his International request since his infamous election ; Foreign troops + and the cancelation of arms embargo d) is head of a government that is divided into two parts if not three in the core and that has lost all the credibility and hopoe it bourne with e)since his election has created the atmosphere of animosity and clashes among people who lived peacefully among each other before f) a president who whose only solution to the Somali dilema is through troops, troops + more troops g)a president who relishes and lives on clan fracas proved by the current fact of today and his direct involvement of clashes and assasination of and between his sub-sub clan in Galkacyo. h)a Prime-minister who thinks the naming of ministers and governors is the sign of a working government. The latter naming which has created conflicts especially lately in Hiiraan. On the other hand someone should tell this PM that country also has other regions other than Banadir and Hiiraan, since he is in the namin mood he probably should appoint in others to. So tell me Mr.Pinochio do you assume the flights of Geedi to foreign lands and the establishment of a mock government offices in Jowhar constitute illigimate goverment. Do you have the slightest idea that this is a reconciliation government and thus should be as such and not a concfictory one as Yeey is turning it out to be. Arguments which are supported by even people like the well reputed Prime Minister Abdirizaaq H. Huseein, who by clanship is close to Yeey but far from him in the real comprehension of the dilema and its suitable solution. You can go ahead and write your rubbish and falsehood..Geedi here ..there - Natinal army here...there...You will however one day wake up to reality
  18. From PM Geedi to meet Secretary Rice to to meet Wade and maybe Rice ...from affirmative to 'maybe'.... adaba gacantada isku dilaye ..do you need my help..! It is part of your continuos false propaganda, in-accurate reportitng and fantasy that you share with many in your camp. People like you should be sent to relevant health institution for cure. If anything sxb, you need it more than anything else. The fact that you still believe in a motive that has crumpled and a President that has narrowed his influence to his close kinsmen (not even clan--cause he is killing half of them in Galkacyo on daily basis as I write now) shows that you have no purpose in life other than seeing your adeero doing his thing and your adeero licking his buut.
  19. Guddiga Amniga ee Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa waxaay ugu baaqayaan Golayaasha KMG ah ee dalka Soomaaliya in aay sugaan qorshaha nabadgalyada iyo xasiloonaanta aayna kamid tahay xabbad joojinta. Guddoomiyaha Guddiga amnigu wuxuu yiri: Suurogal ma aha in la gaaro horumar kama dambays ah haddii aan la JOOJIN hubka kasoo qulqulaya Xuduudaha Iyagoo cabbiraya sida aay uga walwalsan yihiin khilaafaadka khatarta galinaya hirgalinta dawladda KMG ah iyo hayádaheeda guddiga amnigu wuxuu galabtay ugu baaqay in si degdeg ah loo dhammaystiro qorshaha nabadgalyada qaranka oo uu kamid noqonayo hirgalin heshiis xabbad joojin oo keeni kara in si kama dambays ah hubka la isaga dhigo . Bayaanka uu soo saaray guddiga amniga waxaa akhriyey Guddoomiyaha guddiga Adamantios Th. Vassilakis oo dhalashadiisu Griig"Greece" tahay oo ugu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaaliya in aay isxakameeyaan aayna si degdeg ah u qaataan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu dhimayo xiisadaha jira isaga oo sheegay in aay tahay wax aan marnaba la aqbali karin rabshado ama falal milatari oo ka yimaada ama aay fuliyaan xubnaha ama midkasta oo kamid ah Golayaasha iyo hayádaha dawladda KMG ah ama qaybaha kale si aay ugu adeegsadaan khilaafaadka imminka aloosan. . Guddiga Amniga waxaay si xoog leh u cambaareeynayaan dilkii waxashnimada ahaa oo bishaan July 11dii lagu dilay cabdulqadir Yaxye oo u si firfircoon ugu hawlanaa nabadaynta Soomaaliya waxaana guddiga amnigu ugu baaqayaa in si degdeg ah loo baaro loona soo qabto ciddii ka dambaysay khaarajinta cabdulqadir Yaxye . Waxaa kale oo guddiga amnigu cambaareeyey Afduubkii loo gaystay markabkii kaalmada bini aadannimo u waday dadkii ku tabaaloobay musiibadii Tsunami-ga ,arintaas oo ka dambaysay goáankii barnaamijka Haádda Cuntada Adduunaak "WFP" oo ahaa in la joojiyo dhammaan kaalmadii bini aadamnimo ee lasiin jiray Soomaalida .Waxaaa dhacdadaas markabka lagu afduubay laga soo saari doonaa qaraar degdeg ah . Iyadoo la tixgalinayo codsigii uu usoo gudbiyey Golaha Amniga ee Ururka Midowga Afrika oo uu ku waydiisanayey in laga dhaafo ama laga masaabaxo cunaqabatayntii lagu soo rogay Soomaaliya oo ku xusnayd qaraarka 733 ee Sanadkii 1992-dii ,waxaa guddiga amniga ee jamciyadda Qaruumaha ka dhexeeyaa uu muujiyey sida uu diyaarka ugu yahay in uu tixgaliyo arintaas xilliga aay ku habboon tahay . Guddiga amnigu wuxuu xusuusinayaa dhammaan qaybaha Soomaaliya oo aay ku jiraan dhammaan xubnaha ka tirsan Golayaasha KMG ah ee dalka Soomaalia iyo dammaanba xubnaha kamid ah qaranka in aay waajib ku tahay in aay hirgaliyaan xayiraadda hubka ee lagu soo rogay . Iyadoo aay dhiirigalisay tallaabooyinka dibuguuridda ee Golayaasha Federaaliga ah waxaa Golaha amnigu ugu yeerayaa hoggaamiyayaasha Soomaalida in aay sii ambaqaadaan hawlihii dibuheshiisiinta iyagoo la imaanaya fikrad guud oo la isku raaco oo ku qotonta axdi qarameedkii dhaqangalay bishii february sanadkii 2004. Golaha Amnigu wuxuu soo dhaweeynayaa sida Midowga afrika iyo IGAD diyaarka ugu yihiin in aay sii xoojiyaan taageerada aay u gaysanayaan Soomaaliya si loo dhidbo dawlad dhexe oo shaqaynaysa taas oo aay ku jirto suurogalnimada in la keeno dalka soomaaliya ciidamo nabadda taageera . Waxaa Turjumay : Somaliweyn Information Center/Gothenburg/Sweden The full report Video Report
  20. Originally posted by General Duke: Raysulwasaare Geeddi ayaa waxaa marti qaad u fidiyay madaxwaynaha dalka Senagal Cabdalla Wadi , kuna marti qaaday inuu kulamo kula yeesho dalkaasi Sengal
  21. How long are you going to deny the fact the existance of tribal assasination within the sub-sub clan of Yeey's . But since he is your adeero his victims who die at the hands of his armed militias are not worthy of mention. Cajiib..! Could it be due to the above image that real reporting from Galkacyo is curtailed?
  22. Marxuum C/qaadir Yaxye Sheekh Cali Allah uu Naxaaristo ehelediisana samir iyo iman Allah ka siiyo. It is sad indeed.
  23. At least I make a stance and dont shift oftenly like u do, and most of all I dont re-shape my tenets at the face of adversity.