Major-General Cawad

Nomad
  • Content Count

    261
  • Joined

  • Last visited

  1. Good for you Brother!! But can we quit Somalis politics. I don't think so because our whole cultrue is around politics. Ever went to a soomaali restaurant what are they talking about past things like the civil war, things that happened before the civil war and things which are happening at the present like the new governmetn etc, We're altogther a bunch of big loosers who have nothing else in their life than to be sad individuials. I told myslef many times to quit politics but I can't because the environment is too tempting. I saw a bunch of Somalis on a bus and guess what they were taling about yeah Qabiil and Abdullahi Yusuf i didn't even know them everywhere I go i see somalis arguing and debating about nonsense. Our politic section is qabiil. let's return to the early 60s where the majority of us didn't even know what politics was. There were a handful of politicians in Soomaaliya at that time and iam the first to denounce politics because it was started by my people who taught other Somalis the princepels of dirty politics and how to cheat your way into parliament and ultimate power. We're the biggest problem in Somalia no wonder why we're hated by so many Somalis. To quote a Somli amateur would-be politician who said that there was "No adults in politics in somalia at that time than Reer Puntland and that the other Somalis were political teenagers and minors at that time and reer Puntland were the only people who had a direct agenda of how to rule the country for the next hundred years but luckily that aint happen". So all the Somalis have now progressed from being insignificant minors in politics to dangerous would be professional politicians. Anyhow Good on you mate waxaa nalu nacay awal baa waxay ahayd "siyaasadda xumidda" because we still believe that we've got a divine right to rule Somalia and that we're god chosen people to lead the rest of the Somalis and that's excatly Abdullahi Yusuf and Co believe. They want to establish a Second Republic called "Governo Maxamuud Salaimaan (Saleebaan).
  2. Astaghfirullah!!! Brother Fidel do you believe in the buddhist teaching of incarnation or what or are you brainwashed too much by western culture. Anyhow iam sure that you aint lived before... I'd liked to be called "Soomaali" because the constant ticking "others" feels a little bit being different and alien to me. I know for sure that we Soomaalis are Arabs but isn't it shameful for someone too call himself Arab when his mother doesn't speak "Arabic" at all. As Ski said we're are different then most other people because we'r neither caucausion nor negride but something in the middele. My Aunt tells me everytime that we aint arabs but decendent from the Acient Egyptions (Phircoon) because of our pharaonic cults and heritage. Like the word "Fir" which comes from "Fircoon".
  3. Habac soo galay qorshihii Isbaara qaadista & nabadeynta caasimada ee ay wadeen xubnaha labada gole dowladda ee Muqdisho ku sugan!!!! Dhaq-dhaqaaqyadii Isbaara-qaadista & nabadeynta magaalada Muqdisho ee ay wadeen xubnaha labada gole dowladda ee Muqdisho ku sugan ayaa u muuqda kuwa hadal-heyntoodu ay sii lib-dheyso, kadib markii xubnaha dedaalada nabadeynta ah ka waday Muqdisho ay u caal waayeen, waxna ka qaban waayeen Isbaarooyin u yaala waddooyinka magaalada Muqdisho soo gala & gudaha magaalada maleeshiyooyin ka amar-qaata wasiirada & xildhibaanada beesha ****** ee ku jira dowladda & maleeshiyooyin isugu jira kuwa madax-banaan & kuwa maxaakiimta islaamiga ah. Wasiiro & xildhibaano ka tirsan xubnaha Muqdisho ku sugan oo laga sugayey in ay qaadaan Isbaarooyinka u yaala maleeshiyooyinkooda ayaa u soo gubiyey guddigii loo xilsaaray qaadista Isbaarooyinka ee ay magacaabeen xubnaha labada gole liis-ka lacagaha maleeshiyadooda ka soo gala waddada, una soo jeediyey guddiga in lacagahaasi ay bixiyaan ganacsatada taasoo ganacsataduna ay ka biyo dideen. Wasiirka howlaga guud & guriyeynta ayaa u soo u gudbiyey guddiga Isbaara qaadista lacag dhan 25 Milyan Shilling Soomaali ah in maalin kasta ay soo gasho maleeshiyooyinkiisa waddada Ex. Kontarool, halka liisas kale ay soo gudbiyeen wasiirada ganacsiga & dhaqancelinta & tababarka maleeshiyooyinka. Xubnaha ka soo jeeda beelaha kale, kana mid ah xubnaha labada gole ayaa ku sugan xaalad quus ku dhow, kadib markii ay waxba ka socon waayeen qorshihii nabadeynta & Isbaara-qaadista ahaa, waxeyna warar ku dhow dhow xafiiska guddoomiyaha baarlamaanku sheegayaan in maalmahan xaaladiisu aysan caadi ahey, uuna si weyn uga careysan yahay sida gaabiska ah ee ay wax u socdaan, wuxuuna ku eedeeyey xildhibaanada & wasiirada hubeysan in ay uga baxeen balan-qaadyadii ahaa Isbaara qaadista & nabadeynta. C/shakuur Cilmi Xasan Dayniile, Mogadishu – Somalia
  4. Muqdisho: Dil aad looga naxay oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho. - Tuesday, August 09, 2005 at 11:08 Muqdisho(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay nin dhallinyaro ah lagu gawracay inta u dhaxasya isogsyka Siinaay iyo Xararyaale. Warka ayaa intaasi ku daraya in saaka waabarigii la arkay maydka ninkaasi lagawracay oo jirkiisa oo dhan lagu jar jaray mindi , isla marakaasna ay suurtoobi wayday in laqaado. Goob joogayaal kusugan xaafadda Buuloxuubeey ayaa sheegaya in lagaran waayay muuqaalka iyo dhismaha jirka ee ninkaasi la dilay , waxaa sidoo kale lasheegay in ninkaasi la jar jaray uu ahaa nin dhallinyaro ah oo 30 jir lagu qiyaasay. Waxaa la isla dhex marayaa Muqdisho in ninkan la dilay lagala baxay Kalyihii iyo Beerkii , inkastoon aan si rasmi ah loo xaqiijin karin arintaasi. Dhacdadan ayaa noqotay mid ay aad ula yaabaan dadka magaalada Muqdisho, inkastoo dhacdadani aysan ahayn mid ku cusub magaalada Muqdisho ayaa haddana dadku ku tilmaameen fal waxashnimo ah. Dhowr goor oo hore ayaa magaalada Muqdisho lagu arkay dad hilbohoodii la jar jaray oo lagu soo guray boco ,lana dhigay dariiqyada magaalada . CCC Farayaamo AllPuntland
  5. May Allah have mercy on him and make the path to Al-Jannah comfortable for him and all the righteous people that have pasted away before&after him ameen yaa allaah!! This week has been particularily sad for the Muslims as also the great mujaahidah of our time past away Al-marwatu mu'minatul as-saalixah Zainab al-Qasaali who was a direct decentend of the family of Cumar ibn Alkhattaab and whose story moved so many people regarding what pityness and plight she went through while making dacawah in Egypt. Once again may Allah have mercy on all of us!!! Ameen.
  6. Our Somalia (revised) by Safi Abdi Saturday, July 16, 2005 There is a place right here in my heart, nourished within me everywhere I go. The cool sands of Hamar tickling my toes out of every cry or moan, Sunshine replicated in the mirrors of the river Shabelle. The grand mountains of Bari and Sheekh… what a feast for the hungry…but then... what better panorama has Mother Earth on offer? I nourish within me these scenes of my land... Children at play carefree in their soil I supplicate for the whole body: Land Sea River Lake Mountain Flora and fauna And "us" the people, Muslim, wholesome, not the pieces thrown here and there. I pray for the whole body blessed, unified in the name of Allah, having no wish for any sickly pie, dispersed, handed down to divide, disgrace. I cherish the term “we†the collective “us†Not “i†or “theyâ€. I dream of the milky white Ari of "our" land The dazzling speech of “our†moon North and South, East and West, Sky is the limit Our geel to graze, proud, majestic, a free herd, coming home everywhere they gaze: Lascanood and Hargeisa Bandar Qaasim and Borame Marca, Kismayo and Berbera. Everywhere we turn sweet scents of uunsi and ‘anbar Let that be our jaawi. Bid you all farewell to this fire of hell Pray for unity O you with the pen May the pens be dipped in the springs of Baidabo. --------------------------------------------------------------------------Copyright . Safi Abdi 2005 -------------------------------------------------------------------------- Picture: A statue of a Somali nationalist/poet (Mohamed Abdille Hassan) who fought the British colonials in the North. Like much of Hamar (Mogadishu) this landmark too was slaughtered on the altar of man’s greed. To get a glimpse of what really went wrong your welcome to check out my book"Offspring of Paradiseâ€.
  7. I just came across this Website of Safi Abdi who is a young Somali girl who does poetry in the most amzing style. Her poetry is mainly about patriotic stuff and al-Islaam. Here is the link to her website: http://www.authorsden.com/safiabd
  8. ******* We want Peace; We want Peace ******* ******* The masses are Shouting.... ******* ******* Peace,Peace,Peace,Peace.... ******* ******* We want development........ ******* ******* We want a United Gedo...... ******* ******* We wanted a United Somalia ******* ******* United in Federalism........ ******* ******* We want to see Equality..... ******* ******* Brotherhood................. ******* ******* And Liberty................. ******* ******* Long Live the People of Gedo ****** [ August 07, 2005, 08:09 PM: Message edited by: Admin ]
  9. FAALADA ADAN AXMED IYO SHIRKA NABADDA EE G/HAAREY: "NABAD BAAN RABNAA, DAGAALADA EHLIGA AH WAA NACNAY, SHIRKA NABADDA EE GOBOLKA GEDO KA SOCDA HA GUULEYSTO" erayadaasi waa halku dhigga iyo hadaaqa bulshada ********* meel ay joogtaba. Shaki kuma jiro waxa bulshada ********* ka keenay qeylo-dhaantaas nabad-doonka ah in ay tahay biseyl iyo waayo aragnimo ay ka dhaxleen colaadaha ehliga ah ee galaaftay dad iyo duunyaba. Meeshii ay ku soo noq-noqdaan colaado isdaba joog ah, waxaa la ogyahay in aanay nabadi ka jiri karin, mar haddii nabad la waayana sidoo kale waxaa hubaal ah in aanan horumar bulsho la heli karin. Qur'aankeena kariimka ah ayaa waxuu meelo badan noogu sheegay in colaadaha ay ka mid yihiin dhowr masiibo oo ay haboon tahay in laga duceysto. Bani'aadamka sidiisaba isaga oo og dhibka uu dagaal leeyahay oo aanay waxba ka diimooneyn, ayaa haddana waxaad arkeysaa isaga oo intaas fidno laga yaabo isaga in uu ku bixi doono maleegaya ama dhigaya dabino uusan ogeyn isagu in uu ku dhici doono iyo in kale. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa "god sireed ha qodin ku dhici doontidaa ma ogide!." ********* waxuu isu wada dhigay dabin iyo jilaafooyin u horseeday bur-bur iyo dib u dhac ka reebay bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Iminka waxaad moodaa bulshada ********* meel ay joogaanba in ay waxoogaa indhaha soo kala qaadeen oo ay deysay xumaddii isnaceybka bilaa macnaha ahaa isla markaana ay garowsadeen in ay asaagood ka hareen iyada oo ay taana ugu wacan tahay duliga uusan Ilaah badin ee ay iyagu gacmahooda iyo caqligooda sida guracan u shaqeynayay uu usoo jiiday. Su'aasha meesha ku jirtaayi waxay tahay, maanta nabadda gobolka Gedo ka socota ee lagu dhex-dhexaadinayo labada beelood ee walaalaha ah ma noqon doontaa furihii nabadda iyo horumarka Gobolka Gedo? Jawaabta su'aashaan waxay ku jirtaa mid ama dhamaan qodobada hoos ku qoran:- 1. Haddii xubnaha maanta ku shirsan G/Haarey, kuwo la dhex-dhexaadinayo iyo kuwo wax dhex-dhexaadinayaba ay howsha nabadda ee ay ku jiraan ay ka tahay DAACAD AMA NIYAD iyo in arrinta nabadda la xariirta si isku mid ah loo arko in loo wada baahan yahay, sidaas awgeedna maanta ay tahay fursad qaali ah oo loo baahan yahay in laga wada faa'ideysto, waa suurtagal in uu Gobolku helo nabad iyo horumar waara. 2. Haddii ay xubnahaas maanta ku shirsan G/Haarey dhamaantood garwaaqsadaan in aanan iyaga la'isu dhaamin, sidaas awgeedna ay haboon tahay in ay iyaga oo kaliya isku tashtaan, isla markaana ay maanka ku hayaan si weyna uga feejignaadaan in nabadda ay maanta u fadhiyaan ay jiri karaan QUWADO LIDI KU AH OO JECEL IN UU SHIRKANI BUR-BURO AMA UUSAN MIRO DHALIN. Marka haddii akhyaarta u fadhisa shirka nabadda ay arrintaan dareensan yihiin oo ay aad u feejigan yihiin, waa laga yaabaa in uu shirku miro dhalo, isla markaana uu Gobolku helo nabad iyo horumar waara. 3. Haddii ay xubnaha ku shirsan G/Haarey si aada uga fekeraan una lafaguraan cawaaqib-xumada uu ku reebi karo dagaal danbe ee geyiga Gedo kusoo noqda iyo is afgaran waa dhexdooda ah ee sii jira, sidaas awgeedna ay haboon tahay inta ay goori-goor tahay in la xaliyo qilaafyada ********* dhexdiisa ka jira oo dhan, waa laga yaabaa in uu Gobalku helo nabad iyo horumar waara. 4. Sida caadada ahba, dagaal meel walba wuu ka dhacaa oo waxaa loo dagaalami karaa Qof-Qof, Qabiil iyo Qaranba, laakiin caado la yaqaan ma'ahan WAAN DAGAALNAYE, YAANAN HESHIIN OO AAN WELIGEEN COL AHAANO!, sidaas awgeedna, haddii ********* meel uu joogaba uu go'aansaday in lasoo gaaray waqtigii la xiri lahaa kitaabkii colaada iyo isjiid-jiidka waqti lumiska ah, waa suurtagal in uu Gobolku helo nabad iyo horumar waara. 5. Haddii bulshada ********* ay garwaaqsadaan in waxa bur-burka u keenayba ay ugu horeyso iyaga oo isaga tagay ku dhaqanka iyo aaminaada caqiiqada Islaamka, isla markaana dhexdooda isku jowi falay oo isugu tuntay qabiil-qabiil iyo qof-qofba. Marka haddii ay taasina ka towbad keenaan oo ay garowsadaan in uu bani'aadamku deeqo istix-gelin iyo walaalow aan wax wada qabsano ee aanay jirin qabiil qabiil xoog wax ku marsiin karo, waa laga yaabaa in uu Gobolku gaaro nabad iyo horumar waara. 6. Intaasoo qodob ee sare ku qoran haddii xataa ay aaminsan yihiin, isla markaana ay niyad ka tahay dhamaantood inta shirka fadhida in uu shirkaas najaxo, balse gebo-gebada ama gunaanadka shirka heshiisiinta labada jifo ee la dhex-dhexaadinaayo haddii aan la sameyn qodobada soo socda waxaa suurta gal ah in uusan shirku mira dhal noqon. Qodobada looga baahan yahay in lagu dhaqaaqo shirka nabadda ee hadda ka socda G/Harey markuu dhamaado kaddiib ayaa ah: A. In ilsa gogoshaan ayada oo aan loo kala kicin lagu dhawaaqo qabashada shirweyne guud ee reer Sade ayada oo la sheegayo waqtiga la qabanayo, meesha lagu qabanayo, iyo wufuudda kasoo qeyb galeysa inta ay la egtahayba. B. Ujeedada shirweynahaas la qaban doono waa in ay noqotaa sidii loo dhisi lahaa maamul loo dhan yahay oo leh Hay'adiisii garsoorka, Ciidankii Booliiska iyo Sharcigii ay ku shaqeyn lahaayeen, dadweynaha reer Gedana ay ku kala socon lahaayeen ama ku kala bad-baadi lahaayeen. Anigu qof ahaan waxaan qabaa qodobada sare ee lixda ah haddii la maro ama lagu camal falo in natiijada kama danbeysta ah ee shirka loo fadhiyo maanta G/Haarey ay noqon doonto guul, barwaaqo iyo nabad, haddiise intaasoo qodob la daba maro oo lagu kaco bilcagsigooda waxaa laga yaabaa in aanay arrinta maanta lagu jiro wax badan iska bedelin, balse lagaba yaabo in ay arrimaha halka ay hadda joogaan kasii xumaadaan. Ugu danbeyntii, anigu waxaan si aada oo weyn ugu rajo weynahay in uu shirkaan maanta socda uu najaxi doono oo uu mira dhal noqon doono. Idim Ilaah, shirka nabadda ee ka socda G/Haarey ha guuleysto. Amiin. Aden Axmed aden7@msn.com
  10. The Vision for a better Future, the Grace, Amusement and Beheading of a Camel in Gedo Region for a Bright Ushering of Peace in South-West Somalia!!!! Warakii Iyo Muuqaaladii Ugu Danbeeyay Ee Shiweynaha Nabadda Ee G/Gedo!!! Waxaa maalintii labaad halkoodii ka sii socdo munaasabadaha gawraca sabaynaha waran-tiiris-ka ah ee lagu xukumay dhinacyada lagu heshiisiinayo shirweynaha nabadda ee G/Gedo. Boqollaal qof oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta isugu soo baxay bar-kulan lagu ballamay si loo fuliya gawraca sabayntii labaad ee ka soo jeedo dhinaca degmada Luuq iyada oo la raacayo xeer-dhaqameed-ka la qadariyo ee isu-qabadka sabaynaha oo loo arkayo in uu yahay hab-dhaqameed ka dhigan dhaar iyo wacad ay wada galayaann dhinacyada heshiiyay. Mid ka mid ah arrimaha door-ka ah ee maanta ka dhacay munaasabadda gawraca ayaa waxay ahayd in nabadoon Aadan-gaab uu dalbaday in lakeeno Kadiye Colaad oo markaasi ka maqnaa madasha gawraca, waxayna labada nin markii ay kulmeen isdhaafsadeen eraryo isugu jiro kaftan iyo isdhaarsi waxana erayadaasi ka mid ahaa: Kadiye:yaa I dalbaday oo I calmaday: Aadan-gaab: anaa ku calmaday. Kadiye:oo maxaad aniga ii calmatay dadku waa badnaaye?. Adan-gaab:adiga iyo aniga labo abaanduule ayaan ahayn,maanta waa la ishayaa ee waa inaan isku dhaarsano in aanan mar danbe dhalinyarada isku laynin oo aad hasha gawracdaa. Kadiye:in kaste oo aanan abaanduule dagaal isu haysan hadana Aadanow waa iga ballane adigu ballan iyo wacad ma ku maraysaa inaan mar danbe la iigu soo duulin taladaada iyo mid kale oo aad ogatahayba. Aadan-gaab:waxaa iga wacad ah oo aan ku dhaaranayaa in aan lagugu weerarin taladayda iyo mid kale oo aan ka war hayo. Sidoo kale odayaasha labada dhinac ayaa si diiran isugu gacan qaaday goobta ay ka dhacaysay munaasabada gawraca,waxayna arrintani ka dhigantahay in la soo af-jaray cuqdad-nafsigii muddada dheer dhextaalay labadan garab. Si kastaba ha ahaatee maalinimada barri ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loogaga dhawaaqo hool-ka shirka is-afgaradka guud ee labada jifo iyo fulinta qodabkii ugu horreeyay ee go’aan-kii guddiga garsoorka iyada oo markaasi kadibna loo gudbi doono dhamaystirka fulinta qodabada ka haray go’aankii gudiga garsoorka. Axmed Gaaruf Gedonet,Garbo
  11. Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG-ka ah Yuusuf Bari-bari ayaa beeniyay warar ay qoreen Wabaahinta gudaha dalka (Muxuu yahay Warkaasi) Jowhar:- (Puntlandpost) War dhawaan ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaalia Mudane Yuusuf Ismaaciil (Barbari) ayaa lagu sheegay in aanay jirin wararkii ay qoreen Saxaafadda gudaha dalka maanta oo sheegayay in Guddoomiyaha siyaasadda Gobolka Shabeellada Dhexe Mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) iyo xubin ka tirsan xoghaynnada Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaalia Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed inuu gacan hadal dhex maray. Warkaan oo lagu shaaciyay warbaahinta gudaha dalka, gaar ahaan midda Muqdisho ayaa sheegaya in Maxamed Dheere uu dharbaaxay mid ka mid ah Xoghaynnada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, kaddib markii ay is afdhaafeen, wuxuuna Yuusuf Barbari sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. "Warbaahinta gudaha dalka waxaa looga baahan yahay inay iska hubiyaan wararka ay baahinayaan oo aysan dadweynaha u bandhigin warar been ah, ha ******** Milkiilayaasha warbaahinnada dalka in wax walba oo ay baahiyaan berrito lagula xisaabtami doono" ayuu yiri baribari. Afhayeenka Madaxweynaha dowladda ayaa sheegay in warbaahinta gudaha dalku ay u muuqato mid ku jirta dagaal ay ku kala geynayso madaxda dalka ayna had iyo goor caadeynsteen inay baahiyaan warar aan sal iyo raad toona lahayn. "Guddoomiyaha Siyaasadda Gobolka Shabeellada Dhexe iyo madaxda dowladda ayaa waxaa dhex yaal wada shaqeyn iyo is qiimayn aad u weyn, mana laga yaabo inay dhacdo inay is afdhaafaan ama ay iska hor yimaadaan, waana wax lala yaabo inay warbaahinta qaarkeed faafiso arrimahaas oo kale, waxaana loo arki karaa inay tani tahay dagaal qarsoon" ayuu yiri baribari. Wararkaan ayaa mid ay si u baahiyeen warbaahinta gudaha dalka, waxaana hadalkaan uu noqday mid si weyn ugu shaacay dadweynaha Muqdisho, balse waxaa dadka qaarkood oo aan la kulmay ku tilmaameen inuu warkaani yahay mid aan xaqiiqo ahayd oo la sameeyay. Maahan markii ugu horreysay ee ay shaaciyeen warbaahinta gudaha warkan oo kale, balse dhowr jeer oo hore ayaa laga beeniyay xafiisyada dowladda warar ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka, waxayna wararka ay baahinayaan warbaahinta guduhu u muuqdaan kuwo aan si dhab ah u xaqiijisnayn. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya