General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. You welcome sis, Haji Ali is an important historic figure and his story should be told to this generation.
  2. Lool. It's a farce maybe the British FM will come to Hagaysa and mediate between the MP's.
  3. Dagaalo xoogan oo madaafiicda la isugu adeegsanayo ayaa goor dhow ka bilowday Degmooyinka Hodan iyo H/wadaag. Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Xoogaga ka soo horjeeda, waxaana si xoogan loo maqlayaa Hubka noocyadiisa kala duwan ee la isu adeegsanayo. Inkastoo aan la ogeyn qasaaraha uu geysanayo dagaalka ayaa warar soo baxaya sheegayaan in dagaalka xoogiisa ka socdo Isbitaalkii Digfeer ilaa Tarbuunka iyo Taleex. Suuqa Bakaaraha ayaa lagu kala cararay markii uu dagaalka qarxay, iyadoo ay ku soo dhaceen dhowr madaafiic, taasoo aan la ogeyn qasaaraha ay geysatay. Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  4. Muqdisho:War deg deg ah : Dagaalo iyo duqeyma xoogan oo ka qarxay Muqdisho iyo ciidamada Amisom oo soo weerar tagay 8. september 2009 APL Tool muqdisho(AllPuntland )Dagaalo iyo duqeymo xoogan ayaa goor dhaw ka qarxay degmoyinka Hodan iyo Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho ,waxaana dagaaladan oo u dhaxeeya xoogaga mucaaradka iyo ciidmada Amisom uu yahay mid madafic la isu adeegsanayo. Dagaalka ayaa bilawday markii ciidamada Amisom ay soo baxeen ayagoo soo aaday dhinaca Tarabuunka oo xoogaga mucaaradka ay saldhig ku lahaayeen . Madaaficda ka dhacda Taangiyada Amisom ayaa si weyn ugu habsaneysa xaafadaha KPP , Bakaaraha , Shiikh Cali Suufi iyo Taleex. Gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa daabuleysa dhaawacyada dadka rayidka ah oo hada kor u sii dhaafaya ilaa 15. wixi ku soo kordha kala soco xafiiska wararka Muqdisho
  5. MARX, the only problem one has with your post is that there is no Republic of Somaliland everything esle is the wet dreams of youthful SNM who have been fed with fiction.
  6. I like this one, lets think outside the box lads. I dont like the stripe flags, so 20th century. Also we are a state, thus we can play around.
  7. JB thinks this man was FM of Great Britian The whole Somaliland project is build on lies thus we can expect such things.
  8. Alun Micheal: Waan Ka Walaacsnahay Siyaasadda Somaliland Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Britain ayaa ku booriyay Axsaabta siyasadeed ee Somaliland in ay wadahadal ku xalliyaan muranka u dhexeeya, Alun Michael ayaa waraysi uu VOAda siiyay ku sheegay in uu ka walaacsanyahay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland. Mudanahan oo guddoomiye u ah koox Xildhibaanno ah oo Baarlamnka Britain uga dhex ololeeya Somaliland, ayaa tilmaamay in dib u dhaca soo noqnoqday ee doorashadu uu sii murjiyay xaaladda, waxaana uu tilmaamay in muranka ka dhashay Natiijadii Diiwaangalinta ay khalkhal galiyay kalsoonidii axsaabta iyo u dhaxaysay Guddiga Doorashooyinka. Alun Michael ayaa sheegay in natiijada saxdda ah ee Diiwaangalintu ay qaadanayso ku dhwaad saddex bilood si loo saxo. Waxaana uu sheegay in uu Madaxweynaha iyo Hogaamiyayaasha Mucaaradkaba la hadlay una sheegay in arrintan looga bixi karo oo kaliya wadahadal iyo isku tanaasul.
  9. Xildhibaan ka hadley xaalada murugsan ee Somaliland 7 Sep 7, 2009 - 6:21:06 AM Mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Britain oo ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Somaliland ayaa sheegay in qalalaasha doorasho ee hareeyay maamulka goonida isku taagay ay ku dhamaan karaan muddo 2-3-bilood ah. Xildhibaan Alun Micheal ayaa saxaafada caalamka u sheegay inuu walaac xoogan ka qabo xaalada Somaliland, isagoo xusay in kooxaha isku haya siyaasada laga doonayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhameeyaan khilaafkooda. "Khilaafyada siyaasadeed ee Somaliland waxay horseedi karaan in maamulkaas uu fashilmo ayna dilaacaan dagaalo sokeeye, isla markaana khliaafkan wuxuu dhaawac u geysan karaa aragtida caalamka ee ku wajahan maamulkaas" ayuu yiri Micheal. Mar la weydiiyay xiliga ay ula muuqato inay qabsoomi karaan doorashooyinka dhaliyay khilaafka jira ee uu ka walwalsan yahay ayuu sheegay inay qabsoomi karaan marka la dhameeyo xiisadaha u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumada. "Doorasho waxay qabsoomi kartaa markii hal aragti la qabo, ma qabo in sida xaalku haatan yahay ay doorasho ku qabsoomi karto, waxaana ii muuqda fashil deg-deg ah" ayuu xildhibaanku si adag u yiri. Xildhibaanka oo hormuud u ahaa koox booqatay Somaliland si ay u dajiyaan xiisada ayaa sheegay inay faro marnaan ka tageen, ayna la kulmeen dhinacyada iska soo horjeeda, isagoo xusay in dhinac walba uu ku dhagan yahay wixii uu dan u arko. "Waxaan qabaa in dib u sixid lagu sameeyo dadka isku diiwangeliyay inay codadkoda bixiyaan xiliga doorashada, taas ayaana ah tan keliya ee looga bixi karo qalalaasaha u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada" ayuu yiri mudanahan. Aqoonsiga Somaliland ayuu ku sheegay inuusan dhaweyn, isagoo xusay in marka hore loo baahan yahay inay aqoonsadan IGAD iyo AU, tasoo saldhig u ah aqoonsiga caalamka, UK iyo USA midna ma aqoonsan karo Somaliland. Gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay shalay in doorashooyinku aysan qabsoomi karin [sep 27, 2009] xiligaasoo ah marka loo qabtay inay doorasho dhacday, iyagoo saldhig uga dhigay, khilaafka siyaasadeed ee taagan. GAROWEONLINE More Articles
  10. ^^^Bravo..The bravest SOL member is indeed our very own LG.
  11. Waxa goor dhoweyd ka bilowday magaalada Muqdisho dagaal aad u culus kaasi oo u dhaxeeya Ciidanka Amisom iyo kooxaha ka soo horjeeda Dagaalkan ayaa ka bilowday Wadada Makka Almukarama ilaa nawaaxiga KM-4 waxana la wada is ticmaalayay hubka noocyadiisa kala duwan, iyada oo dadku magaaladu aay ku afurayaan Dhawaaqa rasaasta Iyo madaafiic is daba socota. Dagaalka ayaa la sheegay inu bilowday kadib markii kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ay weerar ku soo qadeen Saldhigyada Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada ay ku leeyihiin Xafada Hodan iyo jidka dheer ee aada Dabka,, qadar kadibna wuxuu isu badalay mid aad u culus oo wata Madaaficda Altaleeriga. Dagaalkii galabta biloowday ayaa soo gaaray ilaa iyo cawa xiligii Salaada Cishaha, wkhtigaaso ay dadka saa'iminta ah aadi jireen Saalada Taraawixda, dhamaan xaafadihii ka agdhawaa goobahii la isku fara saaray ayaysan caawa u suuroobin in dadweyne badni ka cibaado tagaan, ayagoona ka baqanayay in jidka dagaalo ku qabsadan amabse ay xabad wiifta ahi leefto, maadama ay kooxhi is hardiyaya galabatay isu muuqdeen oo ay dhufeyesyo isgu jireen, tasoo suurta gal ka dhigi karta in marlabaad la isu qalab qaato, halka xaafadaha qaarna ayba dadkii xayireen Madaaficda loo yaqaan Altaleeriga oo si ba'an ugusoo dhacayay goobaha dadka rayidka ah dagan yihiin, waxyan ku beertay dadweynihii cabsi xoog leh. kadib marki qoys gurigooda ku sugnaa u madfac haleelay kuna geeriyooden goobti. tairda saxda ah ee ku waxyeeloowday Dagaalak galabtay ilaa iyo caawa socday lama hayo, balse goobaha caafimadka ayaa lagasoo sheegayaa in la geeyay tiro dad ah oo u soo gaaray dhawaacyo kala duwan, kuwasoo lagu sheegay ilaa iyo 19-ruux, halka dhimashada rayidkana lagu sheegay 7-qofood, dhinacyada is haya lama hayo khasaarahooda sida caadada ah. Allidamaale.com Your Reliable Sources
  12. ^^^Adeer you are funny because you are still making excuses after 8 months. Yusuf Yey never lost a single town when he was President let alone his base. Sharif Ahmed today can not control a single town including his base, his birthplace. Nothing negative old boy, this is the truth.
  13. Dagaaladii ugu Madaafiicda cuslaa ee lagu soo beegay dagaalkii Badar oo ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho Dagaaladii ugu Madaafiicda badnaa maalin kadib markii Ciidamada AMISOM loo fasaxay inay xeryahooda ka bixi karaan ayaa galabta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalka lagu soo beegay Dagaalkii Badar ee 17-kii Ramadaan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalada oo ka dhacay dhowr jiho ay ruxeen qeybo ka mid ah magaalada, kaasoo ahaa kii ugu madaafiicda cuslaa ee ay adeegsadaan Ciidamada AMISOM. In ka badan 10 ruux ayaa dagaalada ku dhintay, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, waxayna dagaalada ahaayen kuwo si xowli ku socday, markii Xoogaga Mucaaradka weerar saf ku soo qaadeen goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Dagaalka ayaa ahaa mid ka dambeeyay weeraro kulul oo ay soo qaadeen Xoogaga Mucaaradka, kaasoo ay si saf ballaaran uga dhacay Wadada Maka Al-mukarama ilaa Isgoyska KM4 oo fariisin u ah Ciidamada AMISOM. Xoogaga Mucaaradka ayaa ku barakeynayay dagaalka maanta ay ku qaadeen Xarumaha AMISOM Dagaalkii weynaa ee Badar ee Muslimiinta ku adkaadeen,dagaalkaas oo uu hogaaminayay Nabigeena Muxumad (CSW), isla markaana Gaaladii uu hogaaminayay Abuu Jahal (Naclatulahi Caleyhi) ay ka soo gaareen Jab aad u xoogan. Xigasho :Saxafada.com Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  14. Buug Cusub: Daahfurka Taariikhda Xaaji Cali ********** Posted to the MOL September 3, 2009, 8:38 pm Waxaa Xaflan Daahfur Buug oo aad loo soo agaasimay lagu qabtay Xarunta Horumarka iyo Cilmibaarista Punland (Puntland Development and Research Centre). Daahfurkaasi wuxuu ku saabsanaa buug cusub oo ka hadlaya taariikhda Faqiic, Mujadid Al-Xaaji Cali Cabdiraxmaan Faqi oo ku Magac dheeraa ama dadku u yaqaaniin (Xaaji Cali **********). Waxaa buugaas qoray Caalimka ku caan baxay uruurinta, xifdinta iyo qorista taariikhda Soomaaliyeed waa Sheekh Aw-Jaamac Cumar Ciise. Xaaji oo ahaa Caalami noolaa intii u dhaxaysay dhamaandii 1700 iyo bilowgii 1800. Dadka wax ka qoray Xaaji Cali waxaa ka mid ahaa badmareen lagu magacaabi jiray Charles Guillain inuu kula kulmay Xaaji Cali 1840 magaalada Marka oo uu maanta ku aasan yahay Xaajigu gaar ahaan deegaanka Cagaaran oo uu weli ka taagan yahay masidkii iyo deegaankii uu isaga iyo xertiisu ka dhisteen goobtaasi. Admiral Guillain wuxuu oo ah qoraagii ugu horeeyay oo taariikh tifatiran ee ku saabsan soomaaliya qoray ayaa buugiisa lagu magacaabo Documents sur L’Histoire, le Geographie et le Commerce de L’Afrique Orientale. Xafladda waxaa furay madaxa PDRC, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke, isagoo u mahadceliyay ka soo qayb galayaasha iyo qoraagaba, muujiyayna sida uu ugu faraxsan yahay in Daahfurkaan lagu qabto xarunta uu madaxda ka yahay. ka dib waxaa hadalkii qaatay laba aqoonyahan oo kala ah Hormuudka Kulliyada Waxabarshada ee Garoowe (GTECH) Dr. Cabdirasaaq Shoole iyo Dr. Cabdulqaadir Cabdi-Khadar Nuur, iyagoo labada aqoonyahan ay ka mid ahaa dadkii soo akhriyay buuga labadiisa qaybood ee carabiga iyo soomaaliga ah, iyagoo sharaxay nuxurka buugga iyo sida ay u arkaan iyo baahida loo qabo taariikhaha dadkii soomaaliyeed ee magaca weyn bulshadooda ku lahaa in la qoro walibana loogu magac daro goobaha muhiimka ah ee bulshada si loo xasuusto looguna hirto wanaagoodii Kadub waxaa hadalkii lagu soo wareejiyey Shiikh Aw-Jaamac Cumar Ciise oo isna faahfahin dheer ka bixiyay buugga oo uu sheegay inuu uruurintiisa bilaabay 1957. Wuxuu Sh. Aw-Jaamac tilmaamay in buugaani uu taabanayo oo keliya qaybo ka mid ah taariikh nololeedkii xaajiga, xog badanina maqan tahay meelaha uu wax ku tuhmayo oo hadda wax laga heli karana ay ka mid tahay Bombay oo masajid uu xaajigu dhisay ku yaal, Zinjibaar oo iyadan xog badan laga heli karo iyo gabar masaari ah oo macalimad ka ah kuliyad beeraha ah oo maqaal ay soomaaliya ka qortay ku soo qaadatay gabay carabi ah oo uu tiriyay oo aan lahayn qaybo ka mid ah. wuxuu kaloo qoraagu codsaday cid kasta oo xog ka haysa inay u soo gudbiyaan, sidoo kale cidii ku aragta wax khalad ah buuga inay u soo gudbiyaan. ka dib su'aalo ayaa laga waydiiyay waxyaalihii uu ku qoray buugga iyo meelaha uu ka helay xogaha ku jira. Intaa kadib waxaa daahfurkii erayo gunaanad ka soo jeediyay Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxaa. Buuga waxaa hada lagu iibinayaa oo qudha gudaha dalka , iyadoo la filayo inuu dhawaan soo gaari doono wadamada ay ku sugan yihiin qurba-joogtu. Wixii taariikh kooban ah oo ku saabsan Xaaji Cali iyo Musanafaadkiisii (Kutubtii Islaamiga ahayd ee uu qoray) waxaad ka heli kartaa:
  15. After 8 months and Sharif Hotel has only brought more horror on the people of Mogadishu. The man needs to go.
  16. Baladweyn: Maamul la'aan ka taagan magaalada Baladweyne....Warbix in... 7. september 2009 Baladweyn(AllPuntlan d)- Magaalada Baladweyne ee bartamaha dalka Soomaaliya waxaa ka jirta saaka Maamul la'aan markii ay magaalada ka baxeen Maleeshiyo taageersanaa dowladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Maleeshiyaad qabaa'il, ayadoo aan la garan karin ujeedada bixitaankaasi. Dadka waxgaradka ah ee magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay qabaan wlaaac culus oo ku aadan xaaladahan ku soo kordhay magaalada Baladweyne, waxaana magaalada Kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ay ka wadaan Abaabul dagaal oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan cid walboo soo faragalisa gudaha magaalada Baladweyne. Waxgaradka gobalka Hiiraan ayaa wada hadalo ay doonayeen in ay ka yeeshaan xaaladaha ku soo kordhay ay qabsoomi waayeen, markii ay cabsi xoog leh ka soo wajahday xaalada amaan ee magaaladaas, oo aysan jirin hada taladeeda gacanta ku heysa, ayadoo ay jiraan tafaasiilaad xaqiijinaya in ay jiraan Siyaasiin gobalkaas udhalatay oo dooneysa in ay la wareegto hogaanka magaalada. Ciidamada Al- Shabaab oo shalay qabsaday meelo ka mid ah magaalada Baladweyne ayaa muujinaya dhoolatusyo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Baladweyne, waxaana magaalada sidoo kale jooga gaadiid dagaal uu leeyahay gudoomiyaha gobalka Hiiraan Sheekh C/rixmaan Macow oo dhawaan sheegay in uusan taageersaneyn dowladda Faderaalka ee Soomaaliya. Macow ayaa usheegay Saxaafada Soomaalida in uusan ka mid aheyn Al- Shabaab,balse ay go'aansadeen in aan la fulin dagaal, isla markaasna ay Al- Shabaab iyo Beeshiisu isku afgarteen in la joojiyo talaabo kasta oo dagaal looga abuuri karo gudaha magaalada Baladweyne, wuxuuna cadeeyey in uu aad uga soo horjeedo ciidamada dowladda Itoobiya oo soo gala gudaha magaaladaasi. Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa hada jooga deegaan aan waxba ka fogeyn magaalada Baladweyne, oo la yiraahdo deegaanka Kalabeyrka, oo ay joogaan Maleeshiyaad taageersan hanaanka Siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya, waxaana sidoo kale ay warar soo baxayaa ay sheegayaan in ay ciidamada dowladda Itoobiya ay maagan yihiin dagaal ay ku qaadaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. F. C. Maxamed AllPuntland
  17. Wararka ka imaanaya xarunta Gobolka Hiiraan, ee Beledweyne ayaa wax ay sheegayaan in halkaas ay gabi ahaanba isaga baxeen dhammaan Ciidamadii dowladda iyo Kooxaha Mucaaradka ee Ururka Al-shabaab. Dadka degaanka ayaa Horseed Media u sheegay in ka bixitaanka Ciidamadda Dowladda ee Beledweyne ay timi Xilli dhawaan xaafado ka mid ah Beledweyn ay la wareegeen ciidamo ka tirsan Kooxaha Al-shabaab ee ka soo horjeeda jirtaanka Dowladda Soomaaliya. Axmed Macalin Cali oo ka tirsan dadka degaanka ayaa sheegay in gabi ahaanba Magaaladda si weyn looga dareemay dhaq dhaqaaqyo ay wadaan Kooxo aan la aqoon cida ay ka amar qaataan kuwaas oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo dhex wareegaya Magaaladda Beledweyne. Hasse ahaatee waxaa Magaaladda Beledweyne ku sugan Maleeshiyaad uu wato Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee ka baxay dowladda kuwaas oo aan la aqoon cida ay si rasmiga ah uga amar qaataan. Beledweyne ayaa haatan ah meel aan Maamul ka jirin wallow saakay ay dadku bilaabeen in ay aadan Dugsiyadda Waxbarashadda iyo goobaha ganacsiga oo caadi ah, iyadda oo ay jirto cabsi weyn ay haysto dadka degaanka.
  18. I want the mugging to stop Adeer, this is not politics it's a crime against the people of the NW.
  19. Muqdisho:Xoogaga mucaaradka oo caawa dagaal ku soo koray wadada Maka Al-Mukarama madaxtooyadana u jeestay (warbixin dagaaladi caawa) 5. september 2009 APL Muqdisho(AllPuntland )Xoogaga mucaaradka ayaa caawa dagaal xoogan oo saf balaaran ah waxa ay ku soo qaadeen wadada Maka Al-Mukarama oo ah wadada laga difaaco qasriga madaxtoyada. Dagaalka caawa oo ahaa mid loo itaal sheegtay ciidamada dawladda , waxaan xoogaga mucaaradka ay isku soo dhiririyeen wadadaas o muhiim ah difaaca madaxtoyada kadib markii ay ka so galeen dhawr jiho. Ciidamada dawladda markii lagu soo durqay waxaa ciidamada Amisom ay bilaabeen in madaaficda Taangiga ay kaga dajiyaan xoogaga mucaaradka wadadaas hal bawlaha ah. Madiific aan loo meel dayin aya kadib ay ciidamada Amisom bilaabeen ay ka soo ridaan talisyada ay ka joogaan Muqdisho sida madaxtoyada , garoonka Aadan Cadde , Dekeda iyo Xalane ,waxaana madaaficdaas ay noqdeen kuwa ku hoobta degmooyinka Hodan iyo Waabari. weerarada Muqdisho ee xoogaga mucaaradka ayaa noqday kuwo ay ku soo beegaan xiliyada afurka , waxaana dad badan oo Soomaliyed ay aad uga cawdeen in xoogaga mucaaradka ay madaafic shacabka ku afuriyaan . Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
  20. After every afur or Iftar break there is news o a new battle un the capital of death. Mogadishu today led by the happless Sharif Ahmed is experiencing some of it's worst fighting which targets civilians.