
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Lebanese Envoy In Bossaso Streghtening Livestock Trade
General Duke replied to Dr Ligle's topic in Politics
Bossaso, livestock -
Galkacyu: EU Puntland reach agreement : PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Shir wadatashi ah oo ay Galkacyo ku yeesheen wafti ka socda EU-da iyo madaxda Puntland. Galkacyo, Sept 01 - Wafti ka socda EU-da, ayna hogaaminayso ergayga gaarka ee EU-da u qaabilsan Somaliya ayaa kulamo wadatashi ah la yeeshay madaxda Puntland. Kulanka oo ka dhacay huteelka Taar City ee magaalada Galkacyo ayaa waxaa saxaafada uga wararmay wasiirka beeraha ee Puntland Cabdigani Yusuf Cadde oo sheegay in nuxurka wadahadalu uu ahaa iskaashi iyo wadash ... [...] -
Galkacyu: EU Puntland reach agreement : PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Another individual who needs to get a life. -
Galkacyu: EU Puntland reach agreement : PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. Juje adeer, you know my position, its solid old boy. Nothing to argue about. As for the new comers I have not a clue what their political standing is. -
Galkacyu: EU Puntland reach agreement : PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^lool. You sound desperate old Juje. -
Galkacyu: EU Puntland reach agreement : PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Thanks brother. -
Galkacyu: EU Puntland reach agreement : PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Galkacyu: EU Puntland reach agreement : PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia: Puntland leader receives EU delegation in Galkayo GALKAYO, Somalia Sep 1 (Garowe Online) - The president of Somalia's Puntland State government received a delegation from the European Union on Tuesday, Radio Garowe reports. Dr. Abdirahman Mohamed "Farole," the Puntland leader, and senior officials of the Puntland government met with the five-member delegation led by the EU Special Envoy to the Horn of Africa region, Ms. Marika Fahlen, at Taar City Hotel in the outskirts of Galkayo, the provincial capital of Mudug region and Puntland's second-largest city. Ms. Marika and President Farole [image: Daljir.com] Mr. Abdigani Yusuf Adde, Puntland's minister for the Environment, told reporters after the meeting that the two sides agreed on a number of key issues. He noted that the two parties agreed on strengthening cooperation in the fight against piracy and human trafficking, advancing EU development projects in Puntland State, and assisting displaced Somalis who fled conflict in the country's south-central regions to the relative safety of Puntland. The delegation included EU officials in the humanitarian and security sectors, the Environment Minister added. In August, Somali Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmake signed a 15-point cooperation agreement with Puntland's government, including a clause stating that the anti-piracy campaign be headquartered in Puntland. -
Dowlada Puntland & EU oo ku heshiiyey qodobo muhiim ah 1 Sep 1, 2009 - 5:14:17 AM Madaxweynaha iyo golaha Xukuumadiisa oo la kulmaya Waftiga EU Waftigii ka socdey Midowga Yurub oo maanta [1 Sept,2009] soo gaarey magaalada Galkacayo [Puntland] ayaa waxaa horkaceysay Haweeneyda barwaaqo sooranka Yurub u qaabilsan Bariga Afrika "Marika Ahmal" kuwaaso kulan kula qaatey xarunta KMMG ah [Galkacayo] madaxda sare ee dowladda Puntland. Kulankaan oo saacado qaatey ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland ku weheliyey xubno ka tirsan golihiisa Xukuumadda kuwaasoo in muddo ah ku sugnaa Galkacayo. Waftiga oo ka koobnaa 5 xubnood oo ururka Midowga Yurub u qaabilsan dhinacyada ammaanka, siyaasadda iyo gargaarka Bini'aadnimo ayaa kulankii ay la qaateen madaxda ugu sarreysa dowladda Puntland waxa ay isla-gaareen Qodobo muhiim ah sida uu Idaacadada Radio Garowe u sheegey Wasiirka Degaanka & Daaqa Cabdiqani Yuusf Cadde. Qodobbada lagu heshiiyey ayaa waxaa ay ahaayeen sidatan: 1- Xoojinta xirrir dhinaca iskaashiga iyo mid wada shaqeyn oo dhexmara Puntland iyo Midowga Yurub. 2- In Puntland laga caawiyo mashaariicda horumarineed ee dowliga ah iyo kuwa arrimaha Bulshda. 3- La dagaallanka Burcad Badeedda oo arrin Caalmi ah ka noqotey Dunida iyo in Puntland yeelato talada ugu habboon tallaabada looga hortagayo kooxaha maraakibta ku qabsada badaha. 4- Ciribtirka arrimaha Tahriibta oo noqotey mid khatar ku ah Nolosha muhaajiriin badan oo Somaliyeed. 5- Daryeelka iyo la socodka xaaladda nololed ee dadka ka soo barakacay dagaallada ka soconaya Koofurta Soomaaliya, Wafdiga EU-da ayaa maamulka Puntland ku ammaaney Nabadda iyo Horumarka ay sameeyeen marka loo eegoo Soomaliya inteeda waxaana ay sheegeen iney sii wadayaan booqashooyinka ay ku kala bixinayaa Puntland gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Garowe halkaasi oo kulamo kula qaadan doonaan Guddoomiya Golaha Baarlamanka Puntland Mudane Cabdirishiid Max'ed Xersi iyo Dhamaan xubnaha golaha Wakiillada Puntland maalmaha soo socda. Waftiga aya sidoo kale la kumi doona marka ay tagaan Garowe Hey'adaha samafalka ee ka Howl gala guud ahaan deegaannada Puntland. Dowlada Puntland iyo DFKMG ah ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Galkacayo Augus,2009 ku heshiiyey in xarun weyn ee ciidamada Badda ah laga furo MGPL. Booqashada waftiga Midowga yurub ee magaalada Galagacayo ayaa ka dhigeysa midii labaad ee muhiim ah oo daaha ka qadeysa sida dowladda Puntland dhab uga tahay nabadeynta gobolka Mudug. RADIO GAROWE, GALKACAYO
-
Gaalkacyo: Madaxa ugu sareeya Midowga Yurub ee Bariga Africa oo gaartay magaalada Gaalkacyo. 1. september 2009 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email Print This Article | Daabaco warkaan Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Wafdi ay hogaaminayso Haweenayda Midowga Yurub uqaabilsan xaaladaha Bariga Africa ayaa manta gaartay deegaanada Puntland ee dalka Soomaaliya, gaar ahaana Xarunta KMG ah ee ay hada ku shaqeynayso dowladda Puntland ee Gaalkacyo. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud iyo Madaxda kale ee dowladda Puntland ayaa wafdigaasi ku qaabilay magaalada Gaalkacyo, waxa ayna isla soo qaadeen xaalado kala gedisan oo ay ugu horeeyaan amaanka, Siyaasadaha iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin xiriirka ka dhaxeeya Yurub iyo Puntland. Wasiirada dowladda Puntland ayaa usheegay APL in ay wafdigan saacado joogi doonaan magaalada Gaalkacyo, isla markaasna ay waxyaabo badan isla soo qaadi doonaan Madaxda dowladda Puntland. Ladagaalanka Burcad Badeeda, wax ka weydiinta Puntland ee arrimaha qalafsan ee Soomaalida iyo qodobo kale ayey tahay ujeedada wafdiga Midowga Yurub ay ku soo gaareen magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug. Haweenaydan hogaaminaysa wafdigan ayey utahay booqashadii ugu horeysay oo ay ku timaado Soomaaliya sannadyadan dhawaa, waxa ayna Midowga Yurub uqaabilsan tahay xaalada wadamada Bariga Africa oo ay ku jirto dowladda Suudaan, waxa ayna manta wada xaajoodyada ay la leedahay dowladda Puntland ay ku soo qaadi doontaa xaalado kala gedisan. Ilo ku dhow dhow dowladda Puntland ayaa usheegay APL in ay Midowga Yurub doonayaan in ay xiriir wanaagsan la yeeshaan dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, isla markaasna ay doonayaan in ay ka caawiyaan Adeegyada horumarinta, sugida amaanka, ayagoo kaalmaynaya ciidamada kala gedisan iyo Hay’adaha Dastuuriga ah ee Puntland. Midowga Yurub ayaa lacag bil walba siiya Maamulka Somaliland, taasoo ay ku caawiyaan ciidamada Booliska ee Somaliland, waxaana lugu waramay in ay hada dowladda Sweden oo heysa talada Midowga Yurub ay qaadi doonto talaabo ku aadan arrimahaasi ayna sami doonto labada Maamul.
-
Great news from Galkacyu, The EU can help with th development of Puntland.
-
Yup and the Ethiopians in Hiiraan are the same Ethiopians of 2006.
-
^^^That made my day.
-
Time for Somaliland to re-envision itself in a changing Somalia
General Duke replied to Mr. Somalia's topic in Politics
^^^A major rethink is in order, JB like all the other Mugged ones is in denail. -
Dadweyne Gadoodsan oo ka Dhiidhiyey Ficillada Rayaale kula Kacay Wakiillada oo Hargeysa Gilgilay = Dalabkii bannaanbaxayaasha iyo soo dhaweyntii layaabka lahayd ee Shirguddoonka = Wasiir Warancadde oo baqdin darteed taageeray gadoodkii mudaharaadayaasha = Hab-dhaqankii booliska, dayaankii rasaasta iyo dadka xabsiyada lagu guray = Qayladii wiil dhallinyaro ah iyo Jidhidhicadii Maxamed Xaashi Cilmi Hargeysa (Jam)- Boqolaal dadweyne gadoodsan ah, ayaa shalay isugu soo baxay wadooyinka caasimada Hargeysa, iyaga oo is hortubay inta u dhexaysa xarrunta madaxtooyada Somaliland iyo cisbitaalka Hargeysa, kuwaasi oo ka dhiidhiyey tallaabada xukuumadda madaxweyne Rayaale ciidammada u duldhigtay Golaha Wakiillada ay codkooda ku soo doorteen. Dadweynaha gadoodsan oo si salmi ah dareenkooda u muujinayey, ayaa goobta ku sugnaayeen ilaa afar saacadood kala dareeray, kadib markii booliska oo amar sare haystaa rasaas nool ooda kaga qaadeen, iyada oo aanay wax dhib ahi rasaasta ka soo gaadhin ciidammada oo sare u ridayey awgeed. Haddaba, goodkaa shacbigu sameeyeen iyo waxyaabihii ugu xiisaha badnaa ee halkaa ka dhacay, ayaa weriyaasha Jamhuuriya oo goob-joog ka ahaa bannaanbaxaas ka diyaariyeen warbixintan: “Booliska oo maalintii labaad la wareegay xarunta Baarlamanka: Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ayaa maalintii labaad xoog ay u adeegsanayso ciidammo boolis oo aad u hubaysan ah maalintii labaad shalay kula wareegtay xarunta Baarlamanka Somaliland. Ciidammadaas xoogga ku haystay xarunta Baarlamanka oo aad u tiro badnaa, isla markaana si ka culus sidii hore u ilaalinayey, ayaa subuxii hore loogu waabariistay iyagoo gebi ahaanba xidhay is-goysyada labada dhinac ee bari iyo galbeed ka xiga dhismayaasha Baarlamanka iyo Madaxtooyada ee jidka wadanaha oo aan loo ogolayn gaadiid iyo lug toona, marka laga reebo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka, shaqaalaha iyo sidoo kale cidda Madaxtooyada gelaysa amma ka soo baxaysa oo keliya. Waxa gebi ahaanba shalay laga xarrimay xarunta Baarlamanka inay foodda geliyaan suxufiyiinta kala duwan ee ka hawlgala warbaahinta maxalliga ah, iyadoo taliyihii ciidanka booliska hawlgalka fuliyey watay uu si cad u horistaagay liis-qoraal hay’adaha warbaahinta ah ka soo baxay Golaha Wakiillada, kagana dalbaday in la soo daayo, balse uu diiday taliyahaasi. Dalabkii Mudaharaadayaasha iyo soo dhaweyntii Layaabka lahayd ee Shirguddoonka: Waxa subaxii hore lagu waabariistay dadweyne boqolaal sare u dhaafaya oo mudaharaad isugu soo baxay agagaarka xarunta Baarlamanka, kuwaas oo si weyn uga cadhaysnaa tallaabada xukuumaddu ku cabudhinayso Golaha Wakiillada, kuwaas oo ciidanka Boolisku ku horistaageen is-goyska dhinaca bari kaga dhegan Wakiillada, halkaas oo muddo ka badan afar saacadood la isku hortaagnaa. Mudaharaadayaasha oo aad u tiro badnaa ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisa, isla markaana muujinayey taageeradooda ay u hayaan Baarlamanka iyo xisbiyada mucaaradka. Waxaanay dadweynahaasi diideen inay halkaasi ka tagaan ilaa Shirguddoonka Wakiilladu u soo baxo, sidaa daraadeedna waxa muddo kadib dadweynihii mudaharaadayey lug ugu yimi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay weheliyeen ku-xigeenkiisa koowaad Md. Cabdicasiis Samaale iyo koox mudanayaal golaha ka tirsan. Waxaanay mudaharaadayaashu ku qaabileen soo dhaweyn diiran, sacab iyo mashxarad, kadibna waxay dhulka kor uga qaaday Guddoomiye Cirro. Intaa kadib hadal uu Guddoomiyuhu u jeediyey dadkaasi waxa uu ugu mahadceliyey soo dhaweyntooda, waxaannu u sheegay in Golaha Wakiilladu fadhiistay, isla markaana guddi ka arrimisa khilaafka taagan la saaray, sidaa daraadeed ay si nabad ah u kala hoydaan. “Aad ayaad u mahadsan tihiin taageeradiina aad muujiseen, waxaanuna idiin sheegaynaa in aannu fadhigii dib u dhignay ilaa Salaasada,”ayuu yidhi guddoomiyuhu. Sidoo kale, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo markii fadhiga Golaha Wakiillada ka soo dareereen shacabkii isku soo baxay ayaa la hadlay, ayaa isna yidhi; “Fadhigii Golaha Wakiilladu maanta [shalay] khayr ayuu ku dhammaaday, xildhibaannadii fadhiga laga joojiyeyna way fadhiyeen, waxaanuna isleenahay bal inuu Ilaahay soo haddeeyo, waxaannu guddoomiyuhu go’aansaday in laba casho dib loo dhigo ilaa Salaasada, weli waxa socota waanwaan ku saabsan sidii goluhu u hagaagi lahaa.” “Inqilaab sharciyadeed kii u dambeeyey ayaa lagula kacay Golihii Wakiillada, ciidanna waa lagu wareejiyey, waxana maanta [shalay] fadhigii la isla qaatay in ilaa Salaasada dib loo dhigo.” Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Md. Maxamed X. Yuusuf (Waabeeye) iyo Md. Maxamed Faarax Qabile, kuwaas oo dadweynaha gadoodsanaa kula dardaarmay in ay nabadgelyada iyo xasilloonida ilaaliyaan. Wasiir Warancadde oo baqdin darteed taageeray ujeeddadii mudaharaadayaasha: Dadka mudaharaadayey waxay halis gelinayeen masuul kasta oo xukuumadda ka tirsan oo jidka lagu horjoogay ee wadnaha magaalada soo mara oo ay qaylo, shiid iyo erayo ka dhan ah kula kacayeen. Masuuliyiinta dadweynaha mudaharaadayey soo dhexgalay waxa ka mid ahaa Wasiirka Duulista Gaadiidka Cirka iyo Hawada Md. Cali Maxamed Warancadde, kaasoo doonayey inuu dejiyo dadweynaha cadhaysnaa, balse kala kulmay waxaannu ka filayn, kadib markii bannaanbaxayaashu ku khasbeen inuu si cad u taageero, uguna dhawaaqo ujeeddada isu-soo-baxooda. Dadweynuhu si fiican ayey u soo dhaweeyeen Wasiirka oo ay ku ammaaneen waxqabadkiisa iyo sida uu uga suntan yahay maamulka uu ka tirsan yahay, waxayse u soo bandhigeen mabda’ooda ay kaga soo horjeedaan xukuumadda Rayaale, kaas oo ay aakhirkii ku khasbeen inuu la qaato. Wasiir Warancadde oo saarnaa gaadhi uu gaar u leeyahay oo uu gacantiisa ku watay, ayaa dadweynaha mudaharaadayey waxay ka dalbeen inuu ka dego gaadhiga oo uu dhulka kula hadlo, kadibna markii uu dhulka cago-dhigtay ayaa inta ay kor uga qaadeen dhulka ay ammaaneen kaalinta uu kaga jiro dalka, iyagoo u sheegay inuu yahay wasiir fiican oo waxqabta, sidaa daraadeed si sharaftiisu u sii waarto uu iska casilo xukuumadda uu ka tirsan yahay. “Cali Warancadde wasiirka ugu fiican baad tahay xukuumadda Rayaale, Sharaf baad leedahay ee si aad u dhawrato sharaftaada ku dhawaaq inaad iska casishay xukuumadda Rayaale,” ayaa ka mid ahaa hadaladii iyo soo jeedimihii ay u bandhigeen dadweynihii kor u siday Wasiir Cali Warancadde, waxaannu isaguna kaga jawaabayey dalabkooda erayo ay ka mid yihiin; “Waayahay, waan idinka aqbalay.” Hab-dhaqankii Booliska, dayaankii Rasaasta iyo dadka xabsiyada lagu guray: Ciidanka booliska ee shalay la duldhigay xarunta Golaha Wakiillada oo aad u tiro badnaa, ayaa muddo badan hab-dhaqan fiican kula dhaqmayey dadweynaha mudaharaadayey oo aanay wax dhibaato ah u geysanayn, inkasta oo ay dhawr qof xabsiga u taxaabeen, waxase inta badan ku koobnaayeen inay hortaagnaadaan mudaharaadayaasha, si aanay is-goyska ku dhegan xarunta Baarlamanka u dhaafin. Haseyeeshee abbaaro 11:15 oo ku beegnayd waxyar uun kadib markii Wasiirka Duulista Md. Cali Warancadde uu ka badbaaday inuu ka dhexbaxo dadweynaha mudaharaadayey ee uu u gudbay dhinaca ciidanka boolisku ku sugnaayeen, ayaa waxa mar qudha ciidanku bilaabeen inay rasaas nool u adeegsadaan mudaharaadayaasha si ay u kala eryaan, iyada oo goobtii nabadqabka lagu wada joogay mar qudha isu bedeshay goob fawdo ah, iyada oo dayaanka rasaasta iyo qaylada dadkii rayidka ahaa isla oogsadeen. Waxaanay qabqabteen tiro dad ah oo ay xabsiga u taxaabeen qaar kamid ah dadkii sida salmigga ah isugu soo baxay ee darreenkooda ku cabirayey sida ay uga xunn yihiin ciidammada qabsaday Golaha Wakiilada iyo hoggaaminta Rayaale oo ay sheegeen inay khaatiyaan ka joogaan. Dadka la xidhidhay waxa ka mid ah Khadar Xasan Like oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee degmada 26 Juun Mr. Jamaal Maxamuud Axmed, Mr. Maxamed Cabdillaahi Cali, haween iyo dhalinyaro kale oo ay noo suurto galiweyday inaanu magacyadooda soo helno, dadkaas boolisku xabsiyada ku gureen oo qaar kood suuqa laga soo qabqabtay, ayaa sida wararku nagu soo gaadheen qaar ka mid ah xorriyadooda loo soo celiyey, kadib markii ay saacado badan xidhnaayeen, halka ay ilaa hadana waar kale xukuumadda u xidhan yihiin. Qayladii Waiil dhallinyaro ah iyo Jidhidhicadii Maxamed Xaashi Cilmi: ‘Adeer Maxamed Xaashi-yoow, walaahi ha hadlin baa la igu xidhay, waa la i cabudhinayaa, car juuqdheh baa la I leeyahay, adeer wallaahi keliday baa ku dhex xidhan gaadhiga, adeer igala hadal.’ Sidaa waxa ku tiraabay wiil dhallinyaro ah oo ciidamada boolisku ku xidheen gaadhi qufulan oo kuwa maxaabiista lagu guro ah oo yaalay ishaarada dhinaca bari kaga toosan madaxtooyada oo ah halkii mudaharaadku ka socday. Waxa wiilkaas yari la hadlayey Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo markaa ishaarada dhinaceeda la taagnaa wasiirka duulista hawada Md. Cali Maxamed Warancade, markii uu Maxamed Xaashi hadallada ka soo yeedhaya wiilka yar ee xidhan dhegihiisa ku soo dhaceen, ayaa isaga oo jidhkiisa ay ka muuqato jidhidhico badan inta wiilkaasi gacanta u haadiyey ku yidhi; ‘adeer waayahay ee iyara sug,’ dabadeedna wasiirka ayuu ku yidhi ‘waar ninka meesha ka soo daaya.’ Waxaana lagu guulaystay in wiilkii yaraa ee xidhnaa xorriyadiisii dib loogu soo celiyo.” Jamhuuriya Online
-
Hargaysa: Uprising caught on video: anti Riyaale chanters
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamada Booliska oo Rasaas u adeegsaday Dadweyne isu-soo-baxay, qaarna Xasbiga u taxaabay August 30th, 2009 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale maanta Ciidamo Boolis ah oo tiro badan ku daad-guraysay Xarunta Baarlamaanka, kuwaas oo iyana Rasaas Nool u adeegsaday dadweyne aad u tiro badan oo halkaa isugu soo baxay. Dadweyne aad u tiro badan oo ka gadooday tallaabo ay Xukuumadda Somaliland labadii maalmood ee u dambaysay Ciidamo xooggan ku geysay Xarunta Baarlamaanka iyo Jidadka ku hareeraysan, ayaa maanta isugu soo baxay agagaarka Xarunta Baarlamaanka iyo Jidka hormara Cusbatalka guud ee Hargeysa. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa fadhigii maanta oo aan Saxaafadda loo ogolayn, hase ahaatee la sheegay in lagu magacaabay Guddi turxaan-bixin ah ka dib, waxa uu Dadweynihii buux-dhaafiyay Jidadka hareero-mara Xarunta Baarlamaanka ugu soo baxay dibedda, kuwaas oo iyagoo ku dhawaaqaya hadallo taageero ah si niyad-sami ah u soo dhaweeyay, isla markaana kor u qaaday. Intaa ka dib, Ciidamada Booliska ayaa Rasaas u adeegsaday kala dareerinta dadka, taas oo keentay in ay Dadweynuhu ka gadoodaan, isla markaana isu-soo-baxoodaasi uu isu-rogi gaadhay Mudaharaad ka dhan ah Xukuumadda. Waxaanay ku dhawaaqayeen Ereyo ka dhan ah Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa. Ciidamada Booliska ayaa Xabsiga u taxaabay dadweyne aan tiradooda la sugin, kuwaas oo isugu jiray kuwii ka qyab-galay isu-soo-baxan maanta iyo kuwo loo tuhmay inay ka qayb-galeenba. Waa maalintii labaad ee Xukuumaddu Ciidamo Boolis ah oo xooggan ku wareejiso Xarunta Baarlamaanka oo maalmihii u dambeeyay uu ka socday Khilaaf u dhaxeeyay Mudanayaasha ka soo kala baxay Axsaabta Mucaaradka iyo Muxaafadka. Tallaabadaas oo ay Shirguddoonka Wakiilada, Mudanayaasha Mucaaradka iyo Shacabweynaha reer Somaliland ay ka cadhoodeen. Somaliland.Org Hargeisa News Desk -
Somaliland.org
-
^^^lool. Was that the best you could come up with? you forgot to mention Boqor Abdullahi Boqor Muse the king of the land. Anything else lad?
-
^^^lool. There you go again, its semi arid range land adeer not a desert, also my cousins in Xamar's only problem are the grave digging cowards you support. Adeer, how far is Shangoole from liberating Garowe for you?
-
Che: My family is everything to me regardless of clan. The only thing that burns you is the truth adeer. I don’t lie about who I am, you have had at least four different persona’s since we started chatting on SOL. You have only been consistent towards your hate for the clans of Puntland. No adeer Ina Gaweto is not a Shangoole type, he is a different creature even more confused.
-
Hunguri: Adeer you seem to be having dialogue with yourself. Like a mad man you keep repeating the same old rehearsed lines and meaningless words, "Duke's, clan, aunt grandma,"...."Its Ramadan,..." like the Dr told to his patient, you are losing it.
-
Hunguri adeer, This thread is about Galkacyu, its new mayor, those who are faraid of its clan or its sub clan are coming out. Thus what is your point? So far you seem to be upset at something, what is it old boy? Last time I remmeber you was sulking about Makhir I dont have a clue what this has to do with Galkacyu, this thread or Ramadan? Now if you dont like Galkacyu, its clans why are you in this thread? Who is forcing you to read all these exchanges?
-
^^^Adeer Ramadan is the time when one must think about.. His uncle His cousin His Ayeeyo His Qabiil His Ummah as a whole.. Weak attempts at attack old boy and tell your brother Ina Gaweto to give it a rest. it is the holly month after all
-
^^^Ina_Gaweto : adeer indeed that family live in Mudug but Burtinle has long been a hub for the Family that dominates Galkacyu. Mudug, South Nugaal and reserve area are well known for its inhabitants. Anyhow keep up the good work lad, your identity is as clear as day.
-
Che: my cousins in Mogadishu with Allah's grace have been spared most of the fighting in the past 20 years. Some have died in the early years and others out of natural death. Many remain my Aunt the head of the family, my step Grandma, my uncles, aunts and countless numbers and their children, Alhamdulilah they are doing well today. They are fasting in tough times , with no Tigray or Yusuf or any of those you blame. In fact the only ones who throw mortars inside the city and boast they will fight & kill more of the civilians including my family in the holly month are those you support. So go get be upset some where else, its Allah who I thank for giving me such a large and diverse family.