General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Shir aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen xukuumadda Dowladda Puntland. Monday, 14-Sep 2009 Garowe,Puntland:Shir kan aan caadiga ahayn ayaa maanta waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Dowladda Puntland.. shirkan ayaa waxa looga hadlay warbixino dhowr ah oo ku saabsan safaradii dibedda iyo gudaha ee Madaxweynaha iyo weftiyadii uu horkacayey ay ku soo mareen dalka dibadiisa iyo gudahiisa,waxaa kaloo isna ka hadlay wasiirka Arrimaha gudaha oo ka warbixiyey xaaladdii ka taagnayd degaanka Gobolka Bari oo uu dhowaan wasiirka iyo xubno guddi ah oo ay ku tageen degaanadii ay ku dagaalameen Beelaha walaalaha ee degaanka Ufayn. Shirkan ayaa waxa maanta shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr:Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud. Furitaankii shirkaasi ayaa waxa ugu horraynba lagu furay siday caadadu ahayd Ayaadaha Quraanka Kariimka ah. Intaasi ka dibna waxaa hadalkii furay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr:Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyey safarkii ay ku aadeen dalka dibadiisa ee wadamada kala ah Maraykanka,Engiriisk a,Emaaraatka.Madaxwe ynaha ayaa intaasi waxa uu ku daray in shirkii Washiton ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya waayo ma ayan joogin cid kale sida DFKG ah iyo Maamulka Soomaaliland oo iyana shirka lagu casuumay,markaa waxaanu qaadanay in aan kala hadalno Shirka Washiton arrimaha Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Burcadbadeed iyo arrimaha Bani’aadanimada,kula nkaasi waxaanu ka soo gaarnay guulo la taaban karo,hadana aan sugayno jawaabihii codsiyada aanu gudbinay iyo Talooyinkii,sidoo kale waxaanu la kulanay Jaaliyada ku dhaqan Maraykanka ee u dhashay degaanka Puntland.sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ay is arkeen Madaxda Dowladda Ingiriiska iyo Jaaliyadaha ku dhaqan London,madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay isaga iyo weftigiisu ay la kulmeen markii ay soo mareen Emaaraatka Ganacsato Carab ah,Amiirka Kuweyt iyo Raasulkhayma iyagan waxyaabo badan ayaanu isla garanay. Madaxweynaha ayaa sheegay in safaradii dibedda ay ahaayeen kuwa loo baahnaa guulna aanu ka gaarnay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay safarkii gudaha ee uu ku tagey isaga iyo weftigiisii ballaarnaa ee ay ku tageen Gobolka Mudug,Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay warbixin dheer oo ku saabsan Gobolka Mudug iyo wixii u qabsoomay sida in ay u sameeyeen Maamul Gobol iyo Mid degaan oo ay dadku si aad ah u soo dhoweeyeen kana raali noqdeen,hadana uu weli ku sugan yahay Madaxweyne ku xigeenka Cabdisamed Cali shire si uu u soo dhameeyo wixii harsanaa,Madaxweynah a ayaa waxa uu intaasi raaciyey in ay dhowaan dib u eegis lagu samayn doono Garsoorka oo runtii aad looga cabanayo.
  2. Shir aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen xukuumadda Dowladda Puntland. Monday, 14-Sep 2009 Garowe,Puntland:Shir kan aan caadiga ahayn ayaa maanta waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Dowladda Puntland.. shirkan ayaa waxa looga hadlay warbixino dhowr ah oo ku saabsan safaradii dibedda iyo gudaha ee Madaxweynaha iyo weftiyadii uu horkacayey ay ku soo mareen dalka dibadiisa iyo gudahiisa,waxaa kaloo isna ka hadlay wasiirka Arrimaha gudaha oo ka warbixiyey xaaladdii ka taagnayd degaanka Gobolka Bari oo uu dhowaan wasiirka iyo xubno guddi ah oo ay ku tageen degaanadii ay ku dagaalameen Beelaha walaalaha ee degaanka Ufayn. Shirkan ayaa waxa maanta shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr:Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud. Furitaankii shirkaasi ayaa waxa ugu horraynba lagu furay siday caadadu ahayd Ayaadaha Quraanka Kariimka ah. Intaasi ka dibna waxaa hadalkii furay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr:Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyey safarkii ay ku aadeen dalka dibadiisa ee wadamada kala ah Maraykanka,Engiriisk a,Emaaraatka.Madaxwe ynaha ayaa intaasi waxa uu ku daray in shirkii Washiton ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya waayo ma ayan joogin cid kale sida DFKG ah iyo Maamulka Soomaaliland oo iyana shirka lagu casuumay,markaa waxaanu qaadanay in aan kala hadalno Shirka Washiton arrimaha Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Burcadbadeed iyo arrimaha Bani’aadanimada,kula nkaasi waxaanu ka soo gaarnay guulo la taaban karo,hadana aan sugayno jawaabihii codsiyada aanu gudbinay iyo Talooyinkii,sidoo kale waxaanu la kulanay Jaaliyada ku dhaqan Maraykanka ee u dhashay degaanka Puntland.sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ay is arkeen Madaxda Dowladda Ingiriiska iyo Jaaliyadaha ku dhaqan London,madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay isaga iyo weftigiisu ay la kulmeen markii ay soo mareen Emaaraatka Ganacsato Carab ah,Amiirka Kuweyt iyo Raasulkhayma iyagan waxyaabo badan ayaanu isla garanay. Madaxweynaha ayaa sheegay in safaradii dibedda ay ahaayeen kuwa loo baahnaa guulna aanu ka gaarnay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay safarkii gudaha ee uu ku tagey isaga iyo weftigiisii ballaarnaa ee ay ku tageen Gobolka Mudug,Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay warbixin dheer oo ku saabsan Gobolka Mudug iyo wixii u qabsoomay sida in ay u sameeyeen Maamul Gobol iyo Mid degaan oo ay dadku si aad ah u soo dhoweeyeen kana raali noqdeen,hadana uu weli ku sugan yahay Madaxweyne ku xigeenka Cabdisamed Cali shire si uu u soo dhameeyo wixii harsanaa,Madaxweynah a ayaa waxa uu intaasi raaciyey in ay dhowaan dib u eegis lagu samayn doono Garsoorka oo runtii aad looga cabanayo.
  3. Somalia MPs oppose Djibouti anti-piracy deal 14 Sep 14, 2009 - 8:57:58 AM MOGADISHU, Somalia Sep 14 (Garowe Online) - A group of lawmakers in Somalia have rejected a new deal between the governments of Somalia and Djibouti, which states that Djibouti will be the base for anti-piracy training and operations, Radio Garowe reports. MP Mowlid Ma'ani told the BBC Somali Service that the new agreement is "illegal" and warned against its consequences. "Recently, we [parliament] removed our feet from mud after the Transitional Federal Government (TFG) signed a maritime agreement with Kenya, and I see this [Djibouti deal] as new mud," said MP Ma'ani. He noted that Somali Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmake inked a deal with the federal State of Puntland in northern Somalia, allowing Puntland to be the base for anti-piracy operations. "It is unfortunate…but a Minister cannot change an agreement signed by a Prime Minister," he added. Puntland's president, Dr. Abdirahman Mohamed "Farole," has warned the TFG not to violate the agreement signed in Galkayo on August 23. READ: Puntland leader warns Somalia govt, urges Somaliland peace MP Ma'ani said the Somali Minister of Marine Transport should have signed the agreement. Mr. Abdirahman Ibbi, the Somali Minister of Fisheries, signed the agreement on September 11 in Djibouti with Mr. Ali Hassan Bahdon, Djibouti's minister of transportation. Mr. Ibbi is a member of Somali President Sheikh Sharif Ahmed's delegation, which is currently in Djibouti and expected to travel to the United States. There is a rift developing between President Sheikh Sharif and Prime Minister Sharmake. According to government sources in Mogadishu, the Prime Minister was "unaware" of the new deal signed in Djibouti, which many see as a violation of the Galkayo agreement. Source: Garowe Online
  4. Sharmake oo difacey heshiis uu la galey Puntland 15 Sep 15, 2009 - 5:15:21 AM Ra'iisul wasaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa difaacay heshiiskii uu lasoo galay maamulka Puntland isagoo sheegay inuusan burburin, isla markaana aysan waxba iska quseyn kii dhawaan ka dhacay Jabuuti. Sharma'arke, wuxuu sheegay in heshiiskii Puntland uu ahaa mid xarumo ciidan looga sameynayo gobolkaas oo nabadoon, sida rugta ciidamada badda ee la dagaalamaya burcadbadeeda dhibaatada ka haysa biyaha Somalia. "Heshiiskii Puntland lagu gaaray waa la meel marinayaa ma jirto cid diiday iyo cid diidi karta, waayo wuxuu ahaa mid qaatay waqti dheer, heshiiskii uu saxiixay C/raxmaan Ibbi ma ahan mid ka horimaanaya heshiiskaas" ayuu yiri Sharma'arke. Dowladda Somalia iyo Maamulka Puntland ayaa [Aug 2009] heshiis ku kala saxiixday Magaalada Gaalkacyo kaasoo ay ka mid ahaayeen in wafdiyada dowlada Somalia ay xubno ku lahaato Puntland, sidoo kalena deeqaha ay DF helo qayb laga siiyo. "Ma jiro qodob ka mid ahaa heshiiskaas oo weli la fuliyay, waxaanse socda dadaalo lagu doonayo in lagu meel mariyo" ayuu yiri Sharma'arke, wuxuuna meesha ka saaray inay jiraan khilaafyo u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Sheekh Shariif. Saxiixii dalka Jabuuti ka dhacay ee ay ka qaybgaleen Madaxweyne Sh. Shariif iyo Wasiiro, ayuu ku sheegay inuusan ahayn heshiis, balse uu ahaa xiriir iskaashi oo lagula dagaalamayo burcadbadeedda kaasoo ay wada dhigteen 8-dal oo ay Somalia ku jirto. Dhanka kale, wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo duqyentii shalay lagu dilay sarkaal ay Mareykanku si weyn u doonayeen oo lagu magacaabo Saalax Cali Saalax [Nebhan] oo u dhashay dalka Kenya, kaasoo toogteen ciidamo aad ah u tababaran. Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan wadahadalo u dhexeeya dowlada iyo kooxaha kasoo horjeeda, isagoo xusay in ururka Xisbul Islam ay wadahadalo hoose u socdaan, kuwaasoo lagu dhamenayo khilaafka. GAROWE ONLINE
  5. Muqdisho: " Mareykanku wax badan ayuu ka ciishoon doonaa falkii shalay" Muqtaar Roobowe Cali. 15. september 2009 Muqdisho(AllPuntland )- Afhayeenkii hore ee Xaraku Shabaabul Mujaahidiin Muqtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur) ayaa shaaca ka qaaday in ay howlgalkaasi ku Shahiideen, sida uu hadalka udhigayey Saraakiil sare oo ka tirsan Xarakadooda, isagoo sheegay in aysan Mareykanka uga hari doonin talaabadii shalay uu qaaday Maamulka Obama. Afhayeenkii hore wuxuu diiday sheegida magacyada xubnaha sare ee ururkooda uga dhintay, isagoo cadeeyey in ay wadaan baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay falalkaasi, oo uu sheegay in ay aaminsan yihiin in ay jiraan dad Sirdoon u ah dawladdaha Reer galbeedka oo sahlay in uu dhaco falkaasi. Muqtaar Roobow Cali wuxuu sidoo kale cadeeyey in ay sii wadayaan dagaalka ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya, oo uu ku sifeeyey mid ay ku difaacayan Shareecada Islaamka ee suuban, kagana hortagayaan dad badan oo doonaya in ay Soomaaliya gacanta ugaliyaan cadowga Alle. Xarakada Al- Shabaab ayaa si toos ah ugu hanjabtay Mareykanka in ay jawaab culus ka bixin doonaan, wuxuuna cadeeyey in ay ka aarsan doonaan talaabadii ay ku dileen Hogaamiyaal sare oo ka tirsan Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin, oo ay aaminsan tahay Washignton in ay xiriir wanaagsan la leedahay Al- Qaacida. Warar Hoose oo ay heshay Shabakada APL ayaa xaqiijiyey in ay Madaxda Al- Shabaab amar ku bixiyeen in la baaro looga shakiyey arrimahan, isla markaasna talaabo cad laga qaado cidii lugu cadeeyo in ay ka dambeeyaan arrintaasi, waxaana sidoo kale wararku ay sheegayaan in ay Al- Shabab madaxdoodu amar ku bixiyeen in lala dagaalamo diyaarad kasta oo lugu arko hawada deegaanada ay maamulayaan kooxdan. Al- Shabaab ayaa xaqiijiyey in ay ka dhinteen Saraakiil kala duwan, waxa ayna guud ahaan ka gaabsadeen in ay sheegaan magacyada dadka dhintay, isla markaasna ay heleen warar kala duwan oo ku saabsan cidii soo abaabushay arrintan. F. C. Maxamed AllPuntland
  6. 300. over the top but good ending, they all died.
  7. Originally posted by Internut01: quote:Originally posted by Johnny B: Mohammed ibn Abdulwahab?! C'mon. You're in a Muslim site, the least you can do is respect the Prophet. Oh my, Red Sea knows the names of Godane, Cayrow, Abu Muslim and so on but not the holly Prophet [PBUH]? :confused:
  8. This story does not make sense. They killed them, then they took their bodies. All were foreigners, thus maybe they were looking for the American man who paraded his face around so much. Maybe it was the Kenyan mastermind they keep talking about. Who knows?
  9. Diyaarado dagaal oo reer galbeed ah oo Weerar ku Qaaday Gudaha Somalia Posted to the MOL September 14, 2009, 10:58 a Wararka ka imanaya Baraawe ayaa sheegaya in ciidammo ajaanib ah ay weerar ku qaadeen baabuur marayay degaanka Roobow ee gobolka Shabeellada Hoose. ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof oo baaburka saarnaa. Sida wararku xaqiijinayaan 6 Diyaaradood helikobtarro ah ayaa weerarkaasi gaystay iyada oo sida uu VOAda uu u sheegay Goob jooge ku sugan tuulada Roobow ay 4 ka mid ah diyaaradahaasi ay dhulka fadhiisteen halka laba kalena ay hawada ka ilaalinayeen. Diyaaradahaasi ayaa rasaas tiro badan ku furay baabuurka iyaga oo markii dambena sida ay dad goobtaasi ka ag dhawaa ay sheegeen qaatay maydka afar qof oo baabuurka saarnaa. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabab ay saarnaayeen baaburka Warar kale oo aan weli la xaqiijinna waxay sheegayaan in saraakiisha saarnayd babauurkaasi laga yabao inuu ku jiro Saalah Cali Salah Nabhan oo u dhashay dalka Kenya loogana shakisnaa inuu ka dambeeyey qaraxyo ka dhacay Huteel ku yalala magaalada Momabasa sannakdii 2002 iyo qaraxyadii lala beegsaday safaaradihii maraykanka ee Nairobi iyo Dara Salaam. Af hayeen u hadlay ciidamada Faransiiska ayaa sheegay inaanay ciidamada Farnsiisku aanay haba yaraate wax weerar ah ku qaadin gudaha Somalia, Af Hayeenka ayaa ka jawaabayay warar ay qoreen wakaaladaha wararka qaarkood oo sheegayay in ciidamadii diyaaradaha saarnaa ay ahaayeen Faransiis. VOA
  10. Fabregas, are there any demo's by the community in London? Since we have the Ethiopians in Hiiraan, AMISOM killing Camels and the foreign imperialists bombing the south. Its a strange world and A&T is just part of that world.
  11. Warar Dheeri oo ka soo baxay duqeyntii dhinaca cirka ee lagu qaaday gaari ay la socdeen mas'uuliyiin Al shaabaab ka tirsan Warar haatan soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa iyo haatan la xaqiijiyay labo ruux oo ku dhimatay weerarka dhinaca cirka ah ee ciidamadaa ajaaniib ah oo la rumeysan yahay inay faransiis ahaayeen ay ku qaadeen gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan ururka Islaamiga ah ee Al shabaab. Weerarka ayaa ka dhacay tuulada Roobow oo ka tirsan degmada baraaawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, dad goob joogayaal ah ayaa Jowhar.com u xaqiijiyay in ay arkayeen labo dayuuradood oo nooca helicopters ka ah oo duqeyn u geysanayay gaari la rumeysan yahay inay saarnaayeen saraakiil al shabaab ah. Nin inaga codsaday inaan magaciisa xusno sababo amaan dartood ayaa sheegay inuu arkay meydka labo ruux balse uusan cadeyn karin lanbada ruux iyo cida ay ahaayeen, waxaana ciidamada werarkan geystay la rumeysan yahay inay ahaayeen ciidamada faransiiska ee ku sugan xeebaha soomaaliya, waxaana garabyadooda ku dhegenaa sida goob joogayaal ay sheegeen calanka faransiiska. Ciidamada ayaa markii ay duqeyeen ka dib waxa ay ku soo degeen tuulada Ropobow iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay halkaasi ka wateen dad kale oo gaari saarnaa kuwasoo dhaawacyo ay soo gaareen. wixii ku soo kordha kala soco wararkeena deg dega ah Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  12. Muqdisho:War deg deg ah :Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo degmada Baraawe ku duqeeyey kolonyo ay la socdeen hogaamiyayaasha Al-Shabaab 14. september 2009 Muqdisho(AllPuntland )Warar goor dhaw naga soo gaaray degmada Baraawe ayaa sheegaya in duqeymo xoogan lagu weeraray kolonyo gaadiid aha oo ay la socdeen saraakil ka tirsan Al-Shabaab. Duqeynta oo ay geysteen laba diyaaradood oo ah nuuca qumaatiga u kaca ee Hilocoptares-ka ayaa waxaa la rumeysanyahay in ay ka soo kaceen markab yaala xeebta Baraawe. Weerarkan ayaa u muuqda mid qorsheysan walina lama helin magacyada saraakisha kolonyadaas la socotay waxaase la rumeysanyahay in ay ku jiraan rag muhiim ah. Xafiiska wararka Muqdisho kala soco wixi ku soo kordha warkan
  13. ^^^Juje, adeer as ever you have comprehension problems, that statement regarded the arguments the editor of Garoweonline had with the media and nothing else. The fact you think that Mohamed Faroole would let his site report wrong news on statements given by the Preesident of Puntland just highlights the mental state you find yourself in today. So Garoweonline, Somalitalk and the fact that Ibbi signed a deal without the consent of the PM are all lies, and Juje is telling the truth?
  14. . ^^^Wanaagsan brother, but supporting Hiiraale & "Turki" [which one doubts] is the best route for you I guess two warlords with no clue how to run even a toilet let alone a state or nation. Adeer delve deep and find new leadership this is getting ridiculous.
  15. ^^^Ok adeer thats great, just make sure you dont go back to supporting the failed clanist mad man Hiiraale as you did before. I do love the fake religious stance of former JVA lovers.
  16. ^^^You said adeer, Puntland as even our adversary Walid Abdalla has admited is a peaceful stable part of Somalia. Thus keep getting upset at its leaders for no other reason other than their hard work and dedication to peace and equality.
  17. ^^^Sharif Hotel is a clan obbsessed man and got angry when Puntland signed the deal. The illeterate Sharif Xasan is out to make quick money and Ibbi is just a blowhart. The Puntland members including the PM should just relocate to the state and leave these naked men be defended by Djibouti.
  18. Axmed Walad Cabdalla oo Booqasho ku tegey Puntland iyo Faroole oo farriin adag u dhiibay Walad Cabdalla Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla, ayaa Sabtidii (Sept 12, 2009) waxa uu booqasho gaaban ku tegey magaalada Garoowe, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha DGPL, C/raxmaan Maxamed Faroole. Waxayna halkaas ku qabteen shir jaraa’id oo wada jir ah. Shirkaas jaraa’id madaxweynaha DGPL waxa uu ku cadeeyey in Puntland ay tahay qayb ka mid ah DFKMG. Sida ay werisay Idaacada Codka Maraykanaka “Madaxweyne Faroole ayaa tilmaamay in Puntland ay ka mid tahay DFKMG ee somalia isaga oo xaqiijiyay inaanay ahayn dawlad madaxbanaan ee ay tahay Dawlad goboleed, waxaana uu xusay shirkii ay magaalada Gaalkacayo kula yeesheen wafdigii Ra’iisal Wasaaraha DFKMG ee Soomaliya Cumar Cabdirashiid, Faroole ayaa sheegay in ay shirkaasi ku xalliyeen mad madow badan oo ku kala dhex jiray xidhiidhka Dawladda Federalka ah iyo Maamulka Puntland.” Dhegayso (MP3) . VOA waxa uu intaas raaciyey “Ergayga Gaarka ee Xogahaya Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Axmedou Walad Cabdalla ayaa soo dhaweeyay hadalka Madaxweyne Faroole isaga oo tilmaamay in xaqiijinta ay Puntland xaqiijisay in ay ka mid tahay maamulka DFKMG ee Somalia uu horseed u yahay in la dhiiri galiyo isku duubnida loo baahanyahay in lagaga gudbo dhibaatada dagaallada Somalia ragaadiyay.” Waxaa jira warar laga helayo ilo wargal ah oo tibaaxay in madaxweynaha DGPL uu fariin adag u dhiibey Walad Cabdalla. Fariintaas oo ku saabsan: “Haddii aan DFKMG ka laaban heshiiskii (Sept 10, 2009) ay la gashay Jabuuti ee ku saabsanaa xarunta burcad badeeda, in markaas ay Puntland kalsoonida kala laabanayso dawladda uu madaxda ka yahay Sheikh Shariif.” Waxaa warku intaas ku daray in Walad Cabdalla yiri waxaan fariintaas gaarsiinayaa Sheikh Shariif ee iga warsug. Sida ku qoraalkii hordhaca ahaa ee ka koobnaa 15-ka bog ee ku lifaaqnaa heshiiska isfahamka badda ee DFKMG ay u gudbisay Qarammada Midoobay April 14, 2009, Axmed Walad Cabdalla waxa uu ku lug lahaa diyaarinta dukumiintigaas ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta ee ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ama dhulka badda hore u sii gashan.
  19. Prof. Ibbi oo Jimcadii (Sept 11, 2009) laga waraystay arrimo la xiriira heshiiska uu saxiixay waxa uu yiri “Shirkani horta ma ahayn shir lagu sii talo galay, waa shir ka dhex dhashay imaanshaha madaxweyne Sheikh Shariif Xafiduhu-Laah, markii uu yimidna waxay abuurtay in labada Madaxweyne ka wada hadlaan Center-kan (Xaruntan) lagu tababarayo ka hortagga burcad badeeda in laga sameeyo magaalada Jabuuti, sagaal dal ayaana saxiixay, annaga ayaana ugu horaynay.” (Halkan ka dhegeyso). Halkaas waxaa ka cad in ay jiraan laba sheshiis oo isku arrin ku saabsan (meesha laga hirgelinayo xarunta la dagaalanka burcad badeeda) oo ay kala galaan laba wafti oo ay kala hoggaaminayaan labada xubnood ee ugu sareeya xukuumada kumeel-gaarka ah.