General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. M/weyne Faroole iyo waftigiisa oo soo gunaanaday safar hawleed ay ku joogeen Galkacyo, kuna laabtay Garowe. Garowe, Sept 10 - Wafti balaaran oo uu hogaaminayo M/weynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, ayna weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha dawlada Puntland ayaa gaaray caasimada Puntland ee Garowe. Waftiga oo muddo bilo ah ku sugnaa Galkacyo ayaa soo gunaanaday safar hawleed nuxurkiisu ahaa dhismaha maamulka, adkaynta amniga iyo xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee hay'adaha dawlada ee ka hawlagala gobolka. Golaha deegaanka ee magaalada Galkacyo ayaa dhawaan la dhisay, waxaana ay doorteen Duqa cusub ee magaalada Galkacyo. Waxaa sidoo kale la magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug. Waxaa weli ku sugan Galkacyo xubo ka mid ah madaxda dawlada oo iyagu ka soo jeeda gobolka Mudug, oo la sheegay in ay jiraan hawli baaqi ah oo ay weli kala shaqayn doonaan maamulka gobolka iyo kan Galkacyo. Dadweynaha gobolka Mudug ayaa aad u soo dhaweeyey ahmiyada gaarka ah ee ay dawlada Puntland siisay gobolka Mudug. Galkacyo oo ah magaalada ganacsiyeedka 2-aad ee Puntland ayaa waxaa ka dhacay falal dambiyeedyo soo karay dadka gobolka iyo kuwa Puntland, loona arkay in badan in ay tahay boog ku taal Puntland, ayna khasab ka dhigtay in maamulka Puntland oo in badan ku goodiyey in ay wax ka qaban doonaan Galkacyo, ay ug dambayntii wadatashi dheer ka dib ku soo afajareen muran siyaasadeed maxalli ah oo in badan ka taagnaa Galkacyo. Waa talaabadii ugu horeysay ee ay xukuumada M/weyne Faroole qaaday, waxaana ay tusaale u noqon doontaa waxa laga filan karo hogaanka dawlada cusub ee Puntland. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
  2. ^^^lool. Che, adeer a man who lives in a glass house should not be throwing stones at his neighbors. I am not even interested in him, but some people only know the language they speak.
  3. Waxa goor dhawayd soo gaaray Magaalada Garowe ee caasimada Puntland Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamad Shiikh Maxamuud Farole oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Safarkaan maanta uu ku soo gaaray Magaalada Garowe Madaxwaynaha waxa ku weheliya Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Gen.C/Samad Cali Shire iyo xubna ka tirsan Golahiisa Xukuumda iyo Golaha baarlamanka iyo saraakiil ka tirsan kuwa amniga kuwaas oo dhamaan ku sugnaa mudooyinkaan Magaalada Gaalkacyo. Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo iminka uu saxaafadda uu uga warbixiyay hawlihii uu ka qabtey intii uu ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo iyo waxyabihii intii uu joogay kula soo kulmay waxuuna haatan ku suganyahay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garowe. Magaalada Gaowe ayaa aad looga soo dhawayay waxana meel duleedka ka xigta kaga hortagay Madaxwaynaha dad wayne farabadan waxana dhanka amaanka aad u adkeenayay ciidamada amniga oo ku sugnaa wadada laamiga ah si ay ula socdaan dhaq dhaqaaq dadwaynaha. Madaxweynaha ayaa Gaalkacyo ku sugnaa muddo 33 maalmood ah si uu wax uga qabto falal amniga ka dhan ah oo halkaas ka dhacay kadib markii lagu toogtey magaalada dhexdeeda Wasiirkii Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac rabbi ha u naxariistee, waxaa madaxweynuhu shaqadii ka cayriyey Gudoomiyihii Gobolka Mr.Geesay, waxaana u hadda ku xiran yahay Magaalada Gaalkacyo, sidoo kale mudadii uu halkaas ku sugnaa waxa uu magacaabey Gudoomiye Cusub ee Gobolka Mudug yeesho, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Puntland. Mudadii uu ku sugnaa Madaxweynuhu Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo waxaa la dhisey Golihii deegaanka, sidoo kale waxa uu goobjoog ka ahaa doorashadii duqa magaalada Gaalkacyo. Mudadii uu Madaxweynuhu ku sugnaa Gaalkacyo waxaa lagu xasuuqay 5 culimada Tabliiqa ka mid ah, kuwaan oo u dhashey dalka Pakistaan iyaga oo ku sugan Masjid ku yaala Gaalkacyo, mana jirto cid sheegatay xasuuqa culimada iyo cid loo qabtey, waxaana maamulka Puntland ku eedeeyay in laga soo abaabuley dhanka Koonfurta, halka Maamulka ka taliya Koonfurta Gaalkacyo uu iska fogeeyay eedeyntaas kuna eedeeyay in Puntland laga soo abaabuley. Dhanka kale waxaa Madaxweynuhu Gaalkacyo ku soo dhaweeyay wefdi ka socda Dawladda federaalka ee Soomaaliya kaas oo uu hogaaminaayey Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, waxaan labada dhinac ku kala saxiixdeen heshiis dhinacyo badan taabanaya, sida Siyaasadda, Kheyraadka, Waxbarashada iyo Amniga. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intuu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ku qaabilay wafdi balaaran oo ka socda Midowga Yurub oo kala hadlay maamulka Puntland, arrimaha horumarinta iyo Amniga. Horseed Media
  4. Madaxweynaha Puntland oo ku noqdey caasimada Garowe 10 Sep 10, 2009 - 6:26:47 AM Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole iyo xubno ka tirsan Xukumadiisa ayaa dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Garowe kadib markii safar qaatey bil iyo shan cisho uu ku joogey xarunta gobolka Mudug ee Galkacayo. Mr. Farole ayaa u ambabaxey Galkacayo kadib markii la diley Wasiirka Warfaafinta Puntland Alaha U Naxriistee Warsame Cabdi Shirwac halkaasoo kaga qayb galey aaskiisa iyo qaboojinta xiisadii ka dhimashadiisa. Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa Galkacayo kaga so harey Ku-xigenkiisa Cabdi Samad Cali Shire iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadiisa kuwaasoo sida wararku sheegayaan haya howlo qabyo ah oo la xiriira adkeynta amaanka gobolka. Dowladda Puntland ayaa ku guleysatey intii ay ku sugneyd Galkacayo in la magacabo dhamaan maamul gobol, degmo iyo taliye-yaal ciidan iyada doorashadii duqa magaalada noqtey mid aad loo soo dhoweeyey. RADIO GAROWE
  5. Originally posted by Che -Guevara: Duke-Yeey n Sharif waa dameer iyo labadiisa dhagood though I think Sharif is more of hypocrite. Che, I know for whatever reason you have issues with Yusuf Yey, I hope you can get over it. Also I agree with your last point about the hypocracy.
  6. ^^^Apparently you need a brain. The man does not control Jowhar his home town, or Afgoyee or Balcad.
  7. ^^^Buube adeer is more educated than all those who you love for clan reasons notably Sharif Ahmed, Hussain Aydeed and his father.
  8. ^^^lool. Juje as usual you have no leg to stand on. Sharif Ahmed does not control a single town, village or district in all of Somalia. Thus he can visit as many world leaders as he can; the truth is in the pudding. Kismayu, Mogadishu, Marka, Baidoa, Jowhar, Beledweyne are all areas he does not control.
  9. Originally posted by Che -Guevara: Juje-You sound like Duke himself? Stop with the insults its Ramadan.
  10. Waxa kale oo muuqata in ololahan lagu doonayo in Madaxweynaha muddada loogu kordhinayo uu ka qayb qaadanayo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, iyadoo la sheegay in xildhibaaanada kasoo jeeday gobolka Sool iyo Buuhoodle oo intooda badani ka mid ahaa mudanayaashii ka codeeyay go’aankii muddo kordhinta Madaxweyne Rayaale ee u dambeeyay, taas oo toddobaadkan ay la kulmeen Madaxweynaha. Arrintaas oo uu kasoo shaqeeyay Xaabsade.
  11. Olole Xoogan Oo Lagu Doonayo In Madaxweyne Rayaale Muddada Loogu Kordhiyo Oo Ka Dhex Socda Golaha Guurtida Hargeysa, September 10, 2009 (Haatuf) - Olole xoogan oo lagu doonayo in Madaxweyne Rayaale muddada xillka loogu kordhiyo ayaa toddobaadkan si weyn looga dareemay golaha Guurtida dhexdiisa.Ololahani waxa uu si cad u soo shaac baxay kadib markii Komishanka Doorashooyinku 6/9/2009 ay soo saareen, go’aan ay ku sheegeen in doorashadii Madaxtooyadu aanay ku qabsoomeyn 27-ka September 2009, balse ay dib uga dhacayso taariikhdaas, sheegeena in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Xisbiyada siyaasada aan ilaa hadda xal loo helin, balse ay socdaan hawlo dhex-dhexaadin ah oo lagu doonayo xalinta khilaafaadka, loona baahan yahay in la sugo ilaa inta heshiis laga wada gaadhayo arrimaha khilaafku ka taagan yahay. Ololahan muddo kordhinta guurtida laga dhex wado waxa si weyn uga dhex muuqda wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub, oo todobaadkan gurigiisa shirar ugu qabanayay xubno ka tirsan golaha guurtida. Siciid Sulub oo hadda lagu tilmaamo ninka ugu dhow-dhow Madaxweyne Rayaale ayaa ka mid ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada oo toddobaadkii hore soo jeediyey in dalka lagu soo rogo xukun deg-deg ah xabsigana loo taxaabo madaxda xisbiyada mucaaradka. Hase yeeshee waxa la sheegay inay soo jeedintaasi ka hor yimaadeen koox wasiiro ah oo uu hogaaminayay wasiirka maaliyada Cawil Cali Ducaale, taas oo la sheegay inuu ku dooday in arrimahaasi ay sii xoojin doonaan xaalada siyaasadeed ee cakiran ee hadda taagan. Waxa kale oo muuqata in ololahan lagu doonayo in Madaxweynaha muddada loogu kordhinayo uu ka qayb qaadanayo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, iyadoo la sheegay in xildhibaaanada kasoo jeeday gobolka Sool iyo Buuhoodle oo intooda badani ka mid ahaa mudanayaashii ka codeeyay go’aankii muddo kordhinta Madaxweyne Rayaale ee u dambeeyay, taas oo toddobaadkan ay la kulmeen Madaxweynaha. Arrintaas oo uu kasoo shaqeeyay Xaabsade. Madaxweyne Daahir Rayaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa muddo kordhintii u dambeysay ee golaha Guurtidu u sameeyay 28-kii March 2009, waxana la filayaa in Madaxweyne Rayaale uu toddobaadka soo socda horaantiisa Golaha Guurtida usoo gudbin doono qoraal uu ku codsanayo muddo kordhin kale. Sida la ogyahay Golaha Guurtida ayaa awood u leh inuu muddada uu u kordhiyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa haddii ay duruufo ammaan darro iyo masiibooyin dabiici ah ay u suurtoobi waayaan in doorashadii lagu dooran lahaa labadaa masuul ay qabsoomi weydo. Muddo kordhintii ugu dambeysay ee Golaha Guurtidu u sameeyay Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa ay Golaha Guurtidu si weyn ugu kala qaybsameen, kaas oo ay 42 mudane cod gacan taag ah ku ansixiyeen halka ay 35 mudane kaga codeeyeen in wax muddo kordhin ah loo sameeyo hal mudanena uu ka aamusay.
  12. ^^^Nothing big about Shankaroon, I have told you long ago there is a Mugging.
  13. ^^^Just proves you are part of Somalia does it not. Otherwiaw you would have your own Envoy.
  14. ^^^Siyad Barre met RR in the 1980s. Thus its not 40 years. 20 is correct.
  15. Somalia: Army commander says insurgents have taken Beletwein 9 Sep 9, 2009 - 7:08:43 AM BELETWEIN, Somalia Sep 9 (Garowe Online) - An army commander in Somalia has said that the interim government has lost control of a strategic town in the central regions to insurgents, Radio Garowe reports. Gen. Muktar Hussein Afrah, who commanded Somali government forces in Beletwein, capital of Hiran region, told reporters Wednesday that the town is under the control of Al Shabaab and Sheikh Abdirahman Ibrahim Ma'ow, Hiran's Islamist governor who recently withdrew support to the Somali government. "The governor [Ma'ow] has joined Al Shabaab and we have left the town," Gen. Afrah said. Currently, Al Shabaab insurgents control the western neighborhoods of Beletwein while the town's eastern section is empty of soldiers or insurgents. The army commander defended the decision to withdraw government forces from Beletwein, saying that he listened to the advice of community leaders and aims to protect the public from continued violence. "We want to show the public that Sheikh Abdirahman [ibrahim Ma'ow] is a man who wants instability in Hiran region," Gen. Afrah added. Beletwein is located near the international boundary between Somalia and Ethiopia. Last month, after Ethiopian troops briefly seized control of Beletwein, Sheikh Ma'ow declared that he will no longer support the Somali interim government. RELATED: As Ethiopia withdraws, Hiran governor quits Somalia govt Source: Garowe Online
  16. MN Man Recruited to Fight in Somalia is Killed. Mohamoud Hassan joins the list of Somali men with Minnesota connections killed in Somalia. Hassan is believed to be one of as many as 20 Minnesota Somali men recruited to go fight in the country's civil war. In the past year, Burhan Hassan, Jamal Bana and Zakaria Maruf have all been killed while fighting in Somalia. Those men, and Mohamoud Hassan, were reportedly with the militant Islamist group Al-Shabaab that is fighting to overthrow the Somali government and is linked to the Alqaida terrorist group. A spokesman for Hassan's family says Mohamoud's involvement with the group was unexpected. "He was a very smart young kid, and it adds to the mystery of exactly what happened," said Omar Jamal. Hassan was known to write about anti-government forces. In an essay on Facebook that was published in the New York Times, he wrote " I would advise you to stop sending young Somali boys on suicide missions against well-armed and well-trained troops." Hassan was a University of Minnesota engineering student before leaving to go fight in Somalia. His family's spokesman says he is not optimistic about the Somali men like Hassan ever returning to the U.S. "I don't think they will ever come back. I think they will all be killed," said Jamal. Federal law prohibits anyone from going to another country to fight or join terrorists. While the reasons why 20 some men left Minnesota to fight in Somalia are a mystery, the focus has now shifted to prevent anyone from leaving to fight there in the future. Source: kstp.com
  17. UN role in Somalia comes under fire. By Saeed Shabazz The UN Secretary-General's special representative to Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah has not answered reporters' questions concerning his involvement in the crafting of a 15-page “Memorandum of Understanding” that would give Kenya rights to drill for oil off the Somali continental shelf, extending for 200 miles. Some analysts claim that Nairobi applied to the UN for an extension of its maritime border, by claiming larger sectors of the continental shelf which would impact on drilling rights for the region's mineral potential. The press asked Mr. Ould-Abdallah if it was a conflict of interest for the UN to involve itself in assisting the Somalis in engaging the Norwegian government to pay its fees for the filing of the MOA; and if his role in the matter constituted a conflict of interest. Mr. Ould-Abdallah said that all questions should be posed to the officials in the UN Development Program. To date no one from UNDP has responded to reporters questions; nor have any other high-level officials. The spokesperson for Secretary-General Ban Ki-Moon explained to The Final Call that the special envoy had indeed given a sufficient answer. The government of Norway, through its UN Mission was the only one to answer, saying helping Somalia file its paperwork was something they have done to help several African nations, but refused to say what other African nations they have helped. Norway is the world's seventh largest oil exporting nation in the world. Gerald Lemelle, executive director of the Washington-based think tank, Africa Action tells The Final Call that what we are witnessing at the UN is the “historic” Western concept on how to have a relationship with Africa after colonialism. “Nations such as Norway had to figure out a way to maintain control over African resources, so they use Security Council resolutions, and African proxies such as Kenya (reportedly Norway paid $200m to Kenya for the MOA),” he said. “At the heart of Western intervention in Somalia, which has been a geo-political football, is the battle for its oil,” Mr. Lemelle said. He said that in today's climate of transparency, Western powers are using the UN-created Transitional Federal Government, “a government with no legitimacy” in Somalia to do the bidding of the oil corporations. The interim government announced back in 2005 it would start offering concessions for oil, gas and mineral rights, not just for exploration but also for marketing. However, the leadership of that government was replaced by the U.S. and UN in 2007. And the new administration of Sheikh Sharif Sheikh Ahmed wasted no time in getting down to business by signing a partnership agreement with Kuwait and Indonesia, with Somalia getting a 51 percent interest in the corporation, according to International Oil and Gas News. Analysts and activists such as Sadia Aden, a Virginia-based human rights advocate and Prof. Abdi Ismail Samitar, a Somali advocate at the Univ. of Minn., say the UN has engaged in leading Western nations in an attempt to control Somali resources. The foreign navies that patrol Somali seas against pirates are really there to exploit the resources of Somalia, mainly its oil reserves and natural gas; and have been given permission to do so by the UN Security Council, Ms. Aden told The Final Call. “Somalis know that these navies did not come to hunt and prosecute pirates but to divide the Somali seas, and to protect their interests as they hope to divide up our resources—not just in the ocean, but also on land,” Ms. Aden added. Prof. Samitar told The Final Call that the MOA caused an uproar in Mogadishu; and that the 245-member Somali Parliament voted unanimously against it. “This is not a real government, so they lack the authority to implement or enter into agreements,” the professor insisted. Prof. Samitar said that the TFG was beholding to Kenya and its Western backers because of a lack of financial resources; and therefore, the interim government lacks the ability to protect the interests of the Somali people. Oil industry analysts were saying back in the early 1980s there was evidence of a natural trough of oil that extended across the Red Sea from Yemen into Somalia. Before the over-throw of Somali Pres. Siad Barre in 1991, tens of millions had been sunk into oil wells in Somalia, the largest investment by a Texas-based company, CONOCO. The U.S. Energy Information Administration reports that while Somalia is considered by many experts in the oil industry as being the last frontier for the “Black Gold” in Eastern Africa; there is no creditable evidence of large reserves of oil; however, there is a sizable reserve of natural gas. A 2004 report by HAN DATA & Information Background: “Strategic Mining & Oil in Somalia” stated there were precious metals such as copper, gold, zinc and silver, including iron ore, bauxite and gypsum in the Horn of Africa nation. The UN has been hearing from pro-African activist organizations such as Africa Action, according to Mr. Lemelle, on their role in giving away large tracks of land in Africa to the multi-national corporations; and their backing of dubious contracts that give away African resources. “We want to know who authorizes these contracts,” he said. Source: finalcall.com
  18. Madfac ku soo dhacay Dekedda Muqdisho oo sababay dhimashada iyo dhaawaca xamaaliga ka howlgala September 9, 2009 Radiofreesomalia.com Mid ka mid ah Bakhaarada Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ku soo dhacay Madfac nooca loo yaqaan B-10, kaasi oo ku dhaacay gaar ahaan Bakhaarka No.3. Qasaaraha uu geystay Madfacaasi oo ka yimid jihada wadada Dabka, ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux, waxaana ku dhaawacmay ilaa toddobo qof, kuwaasi oo dhammaantood ahaa xamaaliga ka howlgala dekeda. Dhaawacyadii ka dhashay madfaca saakay lagu soo riday Dekedda Muqdisho ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ahaa shaqaalaha dekedda, kaasi oo soo gaaray dhaawac fudud. Ma aha markii ugu horeysay oo Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho uu ku soo dhaco madfac, waxaana dagaalada ka socda Muqdisho ay ku yeesheen saameynta ugu ballaaran, hase yeeshee ma jirto wax howl joojin ah oo dagaaladaasi ay ku keeneen Dekedda Muqdisho
  19. Muqdisho:Xoogaga Al-Shabaab oo goor dhaw xukun gacan goysma ah ku fuliyey laba dhalinyaro ah 9. september 2009 Muqdisho(AllPuntland )Xoogaga Al-Shabaab ayaa barqanimadii maanta xukun gacan goyn ku fuliyay Labo dhalinyaro oo lagu eedeeyay inay falal tuuganimo ah geysteen ,waxaana sidoo kale la jeedaleeyey wiilal lagu eedeyey kufsi.. Xaflad ka dhacday Degmada Dayniile oo ay ka soo qeybaleen saraaksiha ugu sareeysa Shababaka ayay ka jeediyeen muxaadarooyin goodin u badna , iyadoo dadkii ka qeybgalayna loogu hanjabay in wadadaas la marsiin doono cid walbaa oo muteysasata ciqaab nuucaas ah. Wiilasha lagu fuliyey xukunka gacan goysmada ayaa magacyadooda lagu sheegay Muriidi Maxamed Nuuriye iyo Cali Xuseen Bilisow, Gudoomiyaha Al-Shabaab Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxaa Xuseen ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaradaas lagu fuliyay Xukunka Alle, kadib markii lagu soo qabtay iyagoo dhacay alaabo adag. Dhaawaca wiialasha ayaa la dhigay isla cisbitaalka Dayniile , waxaana aad looga deyrinaa xaaladooda maadama ay isla goobtaba ku dhiig baxeen. Xukunka gacan goysmada oo ah mid aad looga taxadaro dhinaca shareecada islaamka ayay A-Shabaab marayaan dad kor u dhaafaya 17-ruux guud ahaan meelaha ay ka taliyaan. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland
  20. Muqdisho:War deg deg ah Xoogsatada dekeda Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac u qeybsamay kadib markii uu madfac ku habsaday bakhaar ay raashin ka daabulayeen 9. september 2009 Muqdisho(Allpuntland )Qof xamaali ka ahaa Mid ka mid ah Bakhaarada dekeda Muqdisho ayaa goor dhaw waxaa ku soo dhacay Madfac nooca loo yaqaan B-10, kaasi oo ku dhaacay gaar ahaan Bakhaarka No.3. Todoba kale ayaa madfacaas ku dhawacmay ,waxaana uu ka yimid dhinaac wadada Dabka oo uu ka socda dagaal xoogan . Dhaawacyadii ka dhashay madfacan lagu soo riday Dekedda Muqdisho ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ahaa shaqaalaha dekedda, kaasi oo soo gaaray dhaawac fudud. Ma aha markii ugu horeysay oo Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho uu ku soo dhaco madfac, waxaana dagaalada ka socda Muqdisho ay ku yeesheen saameynta ugu ballaaran, hase yeeshee ma jirto wax howl joojin ah oo dagaaladaasi ay ku keeneen Dekedda Muqdisho. Xafiiska wararka Muqdisho Allpuntland
  21. Fadhigii baarlamaanka Somaliland ee maanta oo faraha la isula tagey, iyo afhayeenka oo bistoolad loola soo baxay. Hargeysa, Sept 08 - Fadhigii golaha wakiilada Somaliland ayaa mar kale la xiray. Mid ka mid ah mudanayaasha ayaa la sheegay in uu bistoolad ula soo baxay afhayeenka baarlamaanka, walow aan wax xabado ah la ridin. Bilayska oo xoog ku soo galay baarlamaanka ayaa amar ku siiyey mudanayaashu in ay faaruqiyaan golaha, fadhi kalena aanu dhici karin illaa amar dambe. Dhawr maalmood ka hor ayaa buuq kan oo kale ahi uu ka dhex qarxay fadhigii mudanayaasha, taas oo sababtay in fadhiga dib loo dhigo. Buuqa iyo qaska ayaa ka dhashay 2 mooshin oo is-barbar socoda oo la hor keenay mudanayasaha baarlamaanka, dhaliyeyna in ciidanka bilaysku ay xoog ku soo galaan aqalka baarlamaanka, ayna xiraan kulankii golaha. 2-da mooshin ee muranka dhaliyey, horna yaal golaha ayaa kala ah: a) In xilka laga qaado Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, b) In afahayeenka baarlamaaka xilka laga qaado. Qaar ka mid ah miudanayaasha oo aan wax ka weydiinay 2-da mooshin ayaa sheegay in mooshinka hore ay keeneen mudanayaal u badan axsaabta mucaaradka ah, khaasatan Kulmiye, halka mooshinka kalena ay keeneen mudanayaan u badan xisbiga UDUB ee talada haya. Muranka siyaasadeed ee Somaliland ayaa salka ku haya diiwaangelin laga sameeyey gobollada Somaliland qaarkood, ayna ahayd in doorashooyinka lagu saleeyo, oo la sheegay in aan lagu kalsoonayn, aanan la adeegsan karin. Axsaabta mucaaradka ah ayaa iyagu qaba fikir kaa ka duwan oo dhigayan in diiwaangelinta la adeegsado, laguna saleeyo doorashooyinka. Xukuumada M/weyne Riyaale ee xisbiga UDUB ayaa iyagu diidan taa, soona jeediyey in doorashooyinka la qabto, balse aan la isticmaalin cadadka tirada dadka ee is-diiwaangeliyey. Hay'ada Interpeace ee iyadu farsamo ahaan hindistay iyo gacantana ku haysay diiwaangelinta ayaa Somaliland laga eryey, kadib markii ay qaateen fikir la mid ah ka mucaaradka, ayna sheegeen in natiijada diiwaangelintu ay sax tahay, laguna kalsoonaan karo, codayntana lagu saleeyo. Doorashooyinka ayaa dhawr jeer oo hore dib loo dhigay. Ballantii ugu damabaysay ee isla saxiixeen 3-da xisbi ee ku tartamaya doorashada ayaa ahayd in doorashooyinka la qabto 27-ka bisha Sebtember, 2009. Taasi sida muuqata suurtgal ma aha, axsaabta mucaaradka ahina waxaa ay soo jeediyeen in hogaan ku-meel-gaar ah, oo isku-dhaf ah, hoggaanka dalka loo dhiibo, xil siyaadin dambena aan loo samayn xukuumada M/weyne Riyaale. Riyaale fikirkaa kuma qanacsana, waana uu ku gacansayray talooyin badan oo loo soo jeediyey oo badi ku taliyey in uu hoggaanka dhiibo. Falka maanta ka dhacay baarlamaanka ayaa u muuqda in uu xaajada cirka ku sii shareeray, lagana cabsi qabaa in ay dalow aan laga soo qaban karin ay ka tuurto. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.