
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Maxamed Cumar Dalxa oo loo doortay gudoomiye ku xigeeka 1aad ee Baarlamaanka Burtinle-Online Arbaco, September 22 2004 Kulan uu galabnimadii Talaadada isugu yimid Gollaha Baarlamaanka Federaalka KMG ee Soomaaliya ayaa lagu doortay gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee gollahaas. Kulankan oo ay soo xaadireen Xildhibaano gaaraya 256 ayaa waxaa is reebreebkii hore ka qeyb qaatay Xildhibaanada kala ah: Maxamed Cumar Dalxa, Gen.Maxamed Xaashi Gaani, Axmed Dhimbil, iyo Cabdullaahi Faax. Wareegii ugu dambeeyay ee codbixinta ayaa waxaa isugu soo haray Maxamed Cumar Dalxa iyo Gen.Maxamed Xaashi Gaani, waxeyna natiijadii wareegaas guushu raacday Maxamed Cumar Dalxa, isagoo helay codad gaaraya 160 halka Gen.gaani helay 96 cod. Gollaha Baarlamaanka oo dhowaan doortay Gudoomiye Shariif Xassan Shiikh Aadan oo kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa haatan ku guuleystay in ay ay doortaan Gudoomiye-ku-xigeen kasoo jeeda Beesha 5aad, arinkaas oo ah mid ka farxiyay in badan oo ummada Soomaaliyeed ah, iyagoo is tusinaya in qaab cadaalad ah loo doortay Hogaanka Baarlamaanka Federaalka KMG ee Soomaaliya. Gen.Maxamed Xaashi Gaani oo looga guuleystay doorashada ayaa tilmaamay in ay doorashadu u dhacday qaab cadaalad ku dhisan, wuxuuna u hambalyeeyay ninka doorashada kaga guuleystay Maxamed Cumar Dalxa oo noqday Gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee gollaha Baarlamaanka. Burtinle-Online editor@burtinle.com
-
No, rather every blood sucking warlord is in it for his own selfish gain. Caato is certainly one of them. Well said and I hope they all come to their senses and support the new government, where is Huuraale ?
-
Morgan we are moving towards Kismayu Interview
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
hahahaha--have to breathe-hahahaha: A. Yusuf defeating Hasan Dahir Aweys in 90s(smith did you forget A. yusuf was hiding at this time like his kinsmen and hoping that the wrath of the lord-on-Earth did not decide upon him), and again Yusuf Indha Cadde, grow up smith! Brother get some help, Aydeed was a simple man who huffed and Puffed but did very little except Cripple his own clan, Oh horn, you are the juniour partners in the JVA, when the big boys say loot you loot, Barre Huuraale is only a front a spokesman for the USC/SNA-Alitixad subclan. What happened to Dhoobley was a message to reer Gedo that you step out of line and hey -
Morgan we are moving towards Kismayu Interview
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
These people [JVA] are suffering from lack of ideas. On Friday the 17th of September Morgan was suppose to have been defeated in Battle and fled. Then on Tuesday the 21 of September there is a bounty on his head? Does it make sense no, all it does is show clearly that there is something being covered up. Millitia led belonging to Xasan Dahir Aweys [one who got chased by A/Yusuf in early 90’s] and led by Yusuf Inda Cade attacked Morgan’s forces in defence of their hapless junior partner Hiiraale. When this Militia got repulsed they took their anger on the civilians of Dhoobley town, killing maiming and looting all they could get their hands on. The brave people of Dhoobley with their clan Militia fought back the invaders and caused some substantial losses on them. Now this evidence is clear the clan of Dhoobley are fighting alongside Morgan for the first time since this encounter began. Yusuf Inda Cade returned to Marka on early Sunday, he has not said where he came back from. The militia from Mogadhus’s defeat is evident by the sheer number of casualities and deaths that are still continuing till today, a lot of their serious casualty over 178 is being airlifted to Mogadishu, due to the lack of Medicine and available space in Kimsayu Hospitals. The fact that the RRA are saber rattling on behalf of the JVA, the fact that Morgans supposidely broken troops are still fighing and causing casualties outside Kismayu, the fact that Morgan who supposedly fled wounded to Kenya has a bounty of $10,000.00 on his head shows the sheer bankruptcy of ideas from the JVA and their masters in Xamar. -
Morgan we are moving towards Kismayu Interview
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Jubbada Hoose: Dagaallo kharaar oo maanta dhexmaray Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo ciidammada deegaanka ee SPMta - Tuesday, September 21, 2004 at 19:05 Nairobi(Allpuntland)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo aad u kharaari ay saaka subaxnimadii ka bilaabmeen inta u dhexaysa deegaannada loo yaqaan Joorraha ee Xaliimo Caddey,Buulo Xaaji iyo Wadajir,kuwaasoo u dhexeeyey ciidammada SPM/SRRC ee deegaankaas ku sugan iyo kuwa Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ay weheliyaan maleeshiyooyin kale oo ka yimid gobolka Shabeellaha Hoose oo raacsan Yuusuf Indhacadde. Dagaalladaan ayaa waxa weerarka soo qaaday maleeshiyooyinka Isbahaysiga Dooxada Jubba ,waxayna ilo ku dhow dhow SPMta oo aan dagaalladaas wax ka weydiiney iyaga oo ku sugan Nairobi ay noo xaqiiniyeen inay dagaalladaasi dheceen saaka ,isla markaana sida ay sheegeen ay jebiyeen oo dib u waabiyeen ,iyagoo 3 baabuur oo kuwa dagaalka ah ka gubey khasaare ballaaran u geystey kuwii weerarka soo qaaday,baabuurtaas oo ay ku sheegeen labo kuwa lidka diyaaradaha ah oo kala ah (hal nooca loo yaqaan suuga ah iyo hal 31) iyo weliba mid kale oo ah nooca loo yaqaan dhashiikaha. Wararka kale oo aan la xaqiijin ee soo baxaya ayaa sheegaya in maleeshiyo kale oo isugu jira kuwa Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo kuwaYuusuf Indhacadde oo ku hubaysnaa 7 gaadiidka dagaalka ah oo dhabar jebin ahaan loogu talagalay ay isku haleeleen deegaanka Hoosungo Ciidammada SPM/SRRC,dabadeedna laga adkaaday maleeshiyooyinkii wax soo weerartay iyagoo laga gubey 2 gawaarida dagaalka ah mid kalana laga qabsaday ,taasina ay sababtay inay 2 ka tirsanaa gawaaridii hubaysnaa u baxsadaan dhanka tuulada Amuume oo ku taal xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ,iyaga iyo maleeshiyadii saarnaydba ,iyadoo wararka qaarkood sheegayaan inay gacanta ku hayaan ciidammada dalka Kenya maleeshiyadaas iyo gaadiidkaas ,2dii kale ee gawaaridaas la socdey ayaan la aqoon halka ay ku danbeeyeen . Marka laga reebo sheegashada SPMta ee guulahaas iyo qabsashadaas gaadiidka dagaalka ayaanay jirin warar madax bannaan oo arrimahaas caddaynaya,iyo wax warkaas ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca kale iyo weliba dawladda Kenya toona,inkastoo wararka qaarkood sheegayaan inay gawaaridaasi dib ugu noqdeen dhanka Soomaaliya. Iimaan Cali Cabdi Allpuntland,Nairobi,Kenya -
Todays interview with General Morgan.. 21/10/2004 http://www.radiodaljir.com/audio/2004/waraysi/morgan_210904.ram
-
A new alliance for A/Yusuf's election includes a Somalilander
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
I smell hypocrisy boys, and its stench can even be smelt all the way down under . Dear you would smell and see what ever you wish to smell and see. -
He states that the average Somali of this area could not care any less about either group, all they want is peace. Having Morgan and his crew rule Kismaayo is no different than the current rulers. Rahim, that was true last week, but the difference is that Moorgan and his troops where fighting millitias they were welcomed every where. These fools came running from Xamar / Marka and then when it got hot in battle went of and burned down a Somali village, destroyed its limited buildings took its few generators and kiledl up to 6 civilians including an 80 year old woman. On attacking me, dear Mr Yey occupies no one, no minorities land, his forces dont live of the backs of farmers, his admisntration does not sell drugs as some do, so please do not compare Puntland to the deep south. We occupy our land, we rule our land we control our land, we dont sell drugs we burn them and we dont enslave muslim Somali people. Ask the Barawe, Marka and Shabelle people what Shiekh Inda Cade, Ato, Qaynayare are doing to them and the land. Like Toogane said they sold Somali as charcoal in Dubai.
-
Gen Morgan Interview...Barre Hiiraale is on the run
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Just so you know Syoub_Sheikh it wasn't Col. Barre Hiiraale who attacked Boosaaso, it was Gen. Morgan who attacked Kismayo. Getting confused a bit arent we. Morgan did not attack Gedo or CabudWaq either. Dont get it twisted Hiiraale controls Kismayu as a feifdom much like how Inda Cade controls Marka and we know how you defend him now dont we. Stop the nationalist posture, remember how it was in Gedo when Aydeed attacked, thats how it was for the people of Dhoobley when the JVA and Inda Cade attacked, yet you defended the attackers againstt the poor of Dhoobley some nationalist you are. -
MP Loxos we will defend the Juba's from the invading groups.
General Duke posted a topic in Politics
Nairobi:Guddoomiyaha SPM/SRRC oo sheegay inaanay hadda ka dib gacmaha ka laabanayn weerarada gardarooyinka ah ee lagu hayo deegaanka Jubbooyinka - Tuesday, September 21, 2004 at 15:11 Nairobi(Allpuntland)-Guddoomiyaha Ururka SPM/SRRC Xildhibaan Axmed Maxamed Loxos(Mashruuc) oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa maanta sheegay inaysan hadda ka dib gacmaha ka laaban doonin dhibaatada iyo weerarada lagu hayo dadka deegaanka Jubbooyinka. Axmed Loxos oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa isaga oo u waramayey idaacadda IQRA F.M ee ku taal magaalada Nairobi waxa uu maanta sheegay in deegaanka Jubbooyinka ee Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose lagu soo qaaday weeraro ay geysteen dad ka yimid Muqdisho,Bay iyo Bakool iyo meelo ka fog fog ,iyagoo kula kacay xasuuq,dhac iyo barakicin loo geystey dadka deegaanka ku nool. Xildhibaan Axmed Mashruuc ayaa waxa uu ku tilmaamay wax aad loola yaabo in dad ka tirsan xildhibaanada oo u dhaartay inay ummadda Soomaaliyeed danteeda ka shaqeeyaan oo Soomaalidu u siman tahay inay haddana dagaallo ka hurinayaan dalka gudihiisa. Guddoomiyaha SPM/SRRC oo ka jawaabayey su'aal la weydiiyey oo ahayd in dhibaatadaan loo aanayn karo dhaqdhaqaaqa Milleteri ee ciidammada SPMta ee Morgan hoggaaminayey ,taasina ay sabab u noqon kartey dhibaatada loo geystey dadka shacabka ah ,ayaa waxa uu taas kaga jawaabey Gen.Morgan waxa uu ka tirsan yahay SPMta ,laakiin ma jirin qorshe la isku ogaa oo dagaal in lagu qaado meelna ahayd,waxaanse idiin caddaynayaa Morgan Ciidammadiisu waa ciidammadii deegaanka isagoo ka soo wareejiyey gobollada Bay iyo Bakool waxana uu u socdey sida uu marar badan sheegay deegaankiisii mana jirin wax dagaal ah oo uu Kismaayo ku qaaday isaga ayaa la soo weeraray weliba isagoo leh shirka ayaan tegayaa,taasina meesha kuma jirin. Axmed Loxos ayaa waxa uu caddeeyey in maleeshiyoyin raacsan Xaabsade ay hadda dul joogaan degmada Bu'aale ,isagoo intaa ku daray inaanay mar danbe gacmaha laaban doonin ee ay dadkooda iyo deegaankooda difaacayaan ,halkaanna(Nairobi) aysan iska fadhiyayn ,isagoo uga digey cid kasta oo arrimaha dagaalladaas ku lug leh inay faraha kala baxaan haddii kalana ay cid kasta oo dhiig u hammuun qabta ka jawaabi doonaan falalkooda oo ay difaaca dalkooda iyo dadkooda waajib ku tahay. Isagoo ka hadlaya inay arrintaas wax xiriir ah kala sameeyeen bulshada caalamka iyo urur goboleedka IGAD ayuu tilmaamay inay arrimahaas la socodsiiyeen ayna ka warsugayaan tallaabada ay ka qaadaan dadka deegaanno aysan lahayn ku soo duuley ,annaga oo u fadhina buu yiri nabad Soomaaliyeed iyo sidii dalka dawlad loogu dhisi lahaa. Arrimaha dadka deegaanka dhammaantood kiciyey oo isugu jira odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta iyo weliba saraakiisha SPMta oo maalmahaan si isdaba joog ah u soo saarayey hadallo colaad huwan ayaa waxay ka danbeysey dhibaatooyinkii ay dhowaan geysteen kooxo maleeshiyooyin ah oo sida la sheegay kala raacsan Yuusuf Indhacadde,Muuse Suudi,C/Qaasim,Xasan Turki,Xasan Daahir Aweys iyo Barre Hiiraale kuwaasoo falal isugu jirey dil,dhac iyo gubitaan hantiyeed ka geystey degmada Dhoobley oo ay qabsadeen intaan dib looga saarin 7aadkii hore. Iimaan Cali Cabdi Allpuntland,Nairobi,Kenya -
A new alliance for A/Yusuf's election includes a Somalilander
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Caaqil, they are funny. -
Horn and Otali, Yusuf Inda Cade was there, his millitia were there and he took part in the looting, if not why did the people not say it was Musa Sudi or Qaynyare? The fact that fighters left both Mogadishu and Marka to join the battle and even battled Morgan is proof that these millitia where in the area at the time. Another fact many officers from this region have come back to asses the damage and no one has said it was between two clans in the area, everyone blames the JVA but in particular Inda Cade, no one has blamed the RRA or even some sections of the Gedo group. What ever you guys might say for we know Otali is an Aydeed youth and a USC front man and Horn is a Gedo boy Huuraale cheer leader no 1, you cannot explain away the anger felt by the whole clan that lives in Dhoobley by their elders.
-
A new alliance for A/Yusuf's election includes a Somalilander
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Otali, you must be drinking from the same cup as Inda Cade for Morgan is nearer to Kismayu than he ever was and Inda Cade is hiding out in Marka. The Mogadishu group got battered, the RRA are held up in Buale and Kismayu's occupiers are in shock, And regarding Sool stop claiming no one takes you seriously. -
Suldaan Cabdi Cali Sonkor: "Waxaa nalaku qasbay in aan dagaalka galno" Burtinle-Online Talaado, September 21 2004 Suldaanka degaanka Afmadow Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaaladii dhowaan ka dhacay degaanka Jubada Hoose ayaa eedeyn ba'an u jeediyay hogaamiye-kooxeedka Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo ka taliya gobolka Shabeelaha Hoose. Suldaanka ayaa sheegay in maliishiyooyin uu horkacayo Yuusuf Indhacade ay dab qabadsiiyeen degmada Dhoobley oo ku taala xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto Kenya. Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo u waramay idaacada BBC laanta afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu taageersan yahay dagaalka uu wado Generaal Moorgan kuna doonayo in uu ku qabsado magaalada Kismaayo "Moorgan isagaa markii hore Kismaayo laga qabsaday" ayuu yiri Suldaanku mar uu arinkaa faahfaahinayey. Suldaanka ayaa sidoo kale cadeeyay in maliishiyooyin ku abtirsada beesha uu Suldaanka u yahay ay ka qeyb qaateen dagaaladii dhowaan dhacay iyagoo la safan Gen.Maxamed Siciid Xirsi "Moorgan". Suldaanka ayaa ku hanjabay inuu shirka dib u heshiisiinta ee uu ka qeyb galayo ka bixi doono, hadii aan wax laga qaban dhibaatooyinka ka soconaya degaanada uu odayga u yahay. Dhanka kale Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo la xiriiray isla idaacada BBC ayaa iska fogeeyay eedeynta kasoo yeertay Suldaan Cabdi Cali Sonkor, wuxuuna sheegay in waqtigii weerarka lagu qaaday degmada Dhoobley uu isagu ku sugnaa degaanka Buulo Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Indhacade oo wax laga weydiiyay in ciidamadiisu ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Dhoobley ayaa sheegay in ciidan uu leeyahay aaney ka qeyb qaadan dagaalkaas. Hogaamiye-kooxeedka ayaase qirtay inuu ku faraxsan yahay weerarka lagu qaaday Gen.Moorgan iyo Maliishiyooyinkiisa, balse aanu isagu marna ka qeyb qaadan. Burtinle-Online editor@burtinle.com
-
Barre Hiiraale's lost, defeated soldiesr captured in Kenya
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Otali, the website aint even a Puntland website it supports no one. WWW.Somalitribune.com -
well, looks like I'm going to Kismaayo next summer! I'ma buy a new swimsuit for the white beaches and lightblue sea. LOL never laughed so much
-
Muqdisho: Dhaawac aad u fara badan ee Huwanta Al-Itixad iyo Dooxada Jubba oo loo soo Daadgureeyey Muqdisho - Tuesday, September 21, 2004 at 00:21 Muqdisho, 20.09.04 (AllPuntland) - Dhaawac aad u tira badan oo ka tirsan Huwanta Al-Itixaad iyo Dooxada Jubba ayaa maanta galinkii horey lagu soo daadgureeyey cusbitaalada magaalada Muqdisho. Cusbitaalka Kismaayo ayaa la sheegay in uu buux dhaafay, hadaba dhaawacu daadsan yahay banaanka cusbitaalka. Cusbitaalka oo aanay hore u joogin wax dhakhaatiir ah ayaa waxaa ka muuqda dayac aad u baaxad weyn. Kalkaaliyayaal caafimaad ee iyagu joogay ayaa la sheegay in ay la qaxeen badi dadkii joogay magaalada oo ka qaxay dagaalo maalmihii la soo dhaafay ku dhexmaray deegaanka ku xeeran Kismaayo malayshiyada Al-Itixaad iyo Dooxada Jubba, iyo ciidamada deegaanka ee SPM. Sida uu ku soo waramayo weriyahayaga magaalada Muqdisho badi dhaawaca la keenay cusibtaalada Madina iyo Banaadir oo la sheegay in ay ku dhow yihiin boqolaal ayaa ah malayshiyada Al-Itixaad Al Islamiya ee Xasan Daahir Aways, Yusuf Indhacade iyo Xassan Turki oo maalmihii la soo dhaafay ay dagaalo isaga horyimaadeen ciidamada deegaanka ee SPM. Dhaawaca intiisa badan ayaa lagu soo daadgureeye diyaarado ka soo haaday Kismaayo, maadaama aanay mari karin jidka dheer isku xira Muqdisho iyo Kismaayo. Wararkii ugu damabeeyey ee aan ka helay aagga hore ee dagaalka ayaa dhigaya in dhawr iska horimaad oo maanta ka dhacay aagga Joore iyo Santaara oo ay ka dagaalamayaan ciidamo daacad ah Xassan Turki iyo kuwa Xasan Dahir Aways; khasaare xoog lihina uu ka soo gaaray Huwanta Al-Itixad iyo Dooxada Jubba oo wararku ay sheegayaan in ay difaac hadda kaga jiraan Dekedda iyo Madaarka Kismaayo oo ay ku mintidayaan, maadaama gebi ahaanba deegaanka ku meeran magaalada Kismaayo ay fadhiyaan ciidamada deegaanka ee SPM, ayna dagaalo ka socdaan. Sida uu xaqiijiyey Bille Maxamed Qabawsade, af-hayeenka ciidamada SPM, oo u waramay Radio Daljir ayaa sheegay in uu ku sugan yahay duleedka magaalada Kismaayo, isla markaana beeniyey warar sheegaya in jab xoog lihi ku dhacay ciidamada deegaanka ee SPM. Tobaneeyo dhimasho ah, dhawr iyo toban dhaawac ah, iyo laba gaari oo laga gubay wax aan ka ahaynna aanay soo gaarin wax kale oo khasaara ah marka la barbardhigo dhinaca kale ee dagaalka isaga soo horjeedaan oo sida uu sheegay uu soo gaaray khasaare lixaad leh. Waxaa sidoo kale ay noo xaqiijiyeen dad aan la hadalay oo jooga Kismaayo in gebi ahaanba ay qaxeen badi taageerayaashii huwanta Al-Itixaad iyo Dooxada Jubba aan ka ahayn malayshiyada isku uruursatay Dekedda iyo Madaarka, ayna hadda wadaan daadgurayn ay kaga qaxayaan magaalada oo sida la saadaalinayo aan sinaba ku gefayn dagaal ka qarxa bartamaha magaalada. Xarunta AllPuntland.com
-
Gen Morgan Interview...Barre Hiiraale is on the run
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^ I never thought you'd ever let the mask slip and expose this side of you. Totaly agree i thought young Horn was better than that. -
A new alliance for A/Yusuf's election includes a Somalilander
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Qaar ka mida Siyaasiyiinta u Sharaxan Jagadda Madaxwaynanimadda Somalia oo billaabay inay yeeshaan Iskaashi. Posted to the web 20-09-2004 Siyaasiyiinta u Sharaxan Madaxwaynanimadda Somalia ayaa billaabay inay samays taan Isbahaysiyo ay ku doonayaan inay isaga kaashadaan Loolanka Madaxwaynan imadda Somalia. C/laahi Yuusuf Axmed, Xuseen Maxamed Caydiid, Maxamed Dheere, Ismaaciil Maxam uud Hurre Buubaa oo dhamaantood u sharaxan Jagadda Madaxwaynanimadda Somalia ayaa billaabay olole ay isaga kaashanayaan Tartanka Madaxwaynanimadda Somalia. Waxaana ay samaysteen Guddi wadajir ah oo ka shaqayn doona qaabkii ay u wada shaqayn lahaayeen Siyaasiyiintan u wada sharaxan Madaxwaynanimadda Somalia. Xasan Abshir Faarax oo Xubin ka ah Guddiga ay Siyaasiyiintan magacawdeen ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan qaabkii Codadka ay isku siin lahaayeen Musharix iintan. Waxaana uu sheegay in Siyaasiga ugu codka bata Wareega Koowaad ay siin doonaan Codkooda Musharixiinta Madaxwaynanimadda Somalia. Xasan Abshir Faarax waxa uu sheegay in Jagadda Madaxwaynanimadda ay ku dadaali doonaan inaysan dhaafin Siyaasiyiintan u sharaxan Jagadda Madaxwaynanimadda Somalia ee samaystay Isbahaysiga. Wuxuuna sheegay inay Siyaasiyiintan ay taageero wayn ka dhex haystaan Baarlamaanka Federaalka Somalia. Siyaasiyiintan oo dhamaantood u wada tartamaya Hal Jaggo ayaan la ogayn sida uu Heshiiskoodu meel mar u noqon karo. Waxaase la aaminsan yahay in haddii ay iskaashadaan inay suuragal tahay in midkood uu ku soo baxo Jagadda Madaxwayn animadda Somalia. Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrika†Somaali.com - Muqdisho -
3 Tikniko ah oo ka luntay Malayshiyada Col. Hiiraale oo Kenya qabatay Liboi. SomaliTribune.20 Sept. Sida nalooga xaqiijiyay magaalada Dhadhaab waxaa la keenay saddex baabuur oo nooca Tiknikada ah iyo malayshiyadii saarayd oo ka tirsan ciidanka Col. Barre Hiiraale kadib markii askarta soohdinta ee Kenya ay qabteen. Tiknadan ayay qabteen ciidamada amaanka ee dalka Kenya kadib markii iyaga oo sida la sheegay lunsan maadaama oo ayna dhulka aqoonin ay kasoo talaabeen soohdinta. Waxaa xusid mudan in baabuurtan tiknikada ah oo ay saaraayeen ciidan gaadhaya laba darsin ay is dhiibeen kadib markii ay ******** inay askartani Kenyan tahay iyaga oo aan isku difaacin qoryaha saaran tiknikada iyo baasuukayaasha ay wateen. Ciidankan oo ah midkii gubay magaalada Dhoobley ayaa lagu hayaa Dhadhaab iyadoo ay Booliiska magaaladu sheegeen inay war ku saabsan wixii laga yeeli lahaa ka sugayaan Garissa.
-
A new alliance for A/Yusuf's election includes a Somalilander
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Cadow: Aniga Iyo C/laahi Yuusuf Heshiis Ayaan Ku Nahay In Aan Xilalka Ugu Sareey....Give me a break will you Otali Md C/llahi Axmad Caddaw oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynenimada ee shirka Soomaalida Kenya ayaa ku dhawaaqay in uu ku kalsoonayahy naftiisa rajana ka qabo in uu ku guulaysan doono xilkan muhiimka ah . Md Caddaw ayaa maanta daboolka ka qaaday mar uu u waramayey Idaacadda Banaadir ee xarunteedu Muqdisho tahay in dawladda cusub uu saldhig uga dhigayo Muqdisho gaar ahaan goobihii xarumaha u ahayd dawladii hore ee kacaanka. Md Cadow wuxuu intaa ku daray in aysan marnaba dhici doonin dawladdu in ay marti noqoto amaba ay hanan weydo haddiiba uu ku guulaysto in ay degto Villa Soomalaiya iyo golihii shacabka Soomaaliyeed. "Anigu haddii aan ku guulaysto xilka madaxwaynenimada waxa aan degayaa Villa soomalaiya baarlamaankuna waxa uu degayaa xaruntoo golaha shacbiga ,Caydiidna wuu ku qancayaa arrinkaa oo wuu wareejinayaa ilaah idinkii waana guulayusanayaa" ayuu yiri mr Caddaw . Cadow wuxuu kaloo xusay in isaga iyo Col C/llaahi Yuusuf Axmad ay heshiis ku yihiin in ay xilalka ugu sareeya kala qabtaan tageeerada ugu badana ee xildhibaanadana uu ka haysto Puntland kuwa ka soo jeedo . Murashaxiinta xilkan oo ay ugu cadcadyihiin Caddaw, Col C/laahi Yuusuf, Qanyare, Faarax Siindiko iyo C/qaasim Salaad ayaa dhamaantoodba waxa ay ka wadaan madasha shirka Soomaalida ee Kenya olole ay ku doonayaan in ay ku helaan codadka xildhibaanada oo la sheegayo in beec (for sale) uu ku socdo oo waliba la isku fallisayo lacagaha. Arrinkaas oo dadka intiiba badan fool xumo ugu muuqda ayaa rajo xumo ku keenaya in xildhibaan matalaya ummad dhan codkiisa uu ku iibiyo shilimaad laga yaabo in uusann la soo dhaafin madasha shirka soomaalida ee Kenya. C/llaahi Khadar, goobjoog, Muqdisho Budbud33@hotmail.com You dont hear Abdullahi chatting Bul like me an Adow we are in agreement -
A new alliance for A/Yusuf's election includes a Somalilander
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Otali, now you doubt General Mohamed Abshir Muse? My oh what has this world come to. The man praises little Adow as something special and insults the fisrt Somali General Oh it is wonders, this boy belives that Jama Ali will win something oh my, the sdame man who was houting Morgan will dies in 48 hours, is a week and no sign of Morgans demise Brother give us a break there will be no government without A/Yusuf and no Somalia without Puntland -
A new alliance for A/Yusuf's election includes a Somalilander
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Money Talks, as they say, in many ways- may I add. I totally agreeits part of life happens every where. -
Qudac, Brother it seems people get mixed up Puntland has 27 + 5 +3 + 3, now we cannot name the clans so you figure it out. Out of these there are. Zakaria, Jama, Casha, AbdiYusuf, Cali Bashi, Maybe Jinni, thats 6 total who oppose Yey. However, what Abdullahi needs is not these but 1/2 the rest of his clans votes which is 14 gedo boys, 12 Afmadow lads. The calculation is that 1/2 of these are SPM/SRRC and SNF/SRRC 30 from the North South SNM groups, he has a good chance with, Abdullahi Shiekh Ismael, Abdirizaq Shiekh Yusuf the leaders of the South group on board. This leaves the 28 + 9 from the North. Who is the big wolf of the lot, Buuba if you got Buuba on board a future FM, you help out a number with their financial difficulties and who knows. Lets look at the coalition of 31 this group is stright forward they are not by partisn except for Mowleed Macane and he is on Ato's books. the USC group, looks tough but their votes are split, too many would be presidnet, Qaynyare, Adow, A/qasin. Sindikow. Too many are ambitious, Mohamed Dhere, Xuseen Aydeed. From this group some want to be PM and would not like any of the above becoming President, so they will make deals, Abdullahi is the esiest bet, he becomes presidnet that means his clans number of minister will be small. RRA 23-30 would be a reasonable number for Abdullahi to win. The RRA are split, mot support the SRRC and some are individuals undecided.