
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
SBS Australia-Out of Africa programme this wednesday..
General Duke replied to Yoonis_Cadue's topic in Politics
Reer Mudug as MMA pointed out are not all bad and the individual he higlighted the late President Abdirashid was a great example. As ever Raqid gets the wrong end of the stick in fact Abdirashids mother was from South Mudug so he was Mudug by birth and blood. -
ps: oo kaalaya, waxaan ogaa Xasan Abshir oo caato ahaa dawladdii Carta ee Qaasim, durba naaxi ogaa, waxaas waa qaraninimada dhalatey! that was real funny..oh man
-
SBS Australia-Out of Africa programme this wednesday..
General Duke replied to Yoonis_Cadue's topic in Politics
I read the extracts of the programm , we ained nothing new at all. The inteview with Shiekh Yassin was wihtout reason. Like Qorshel stated above, lets wait and see for the results of this project. No blood shed or all out war so far and things are progressing... Insha Allah we wait for a better future. Rahima & Wind, Kindly stop with the baseless out of touch negative generalised comments regarding reer Mudug. Its unfair to say the least. -
no elections in SOOL, SANAAG, CAYN.. British Somaliland ???
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Congratulations to the people of Sool, Sanaag and Cayn and the Speaker of the Parliament of Puntland and the Governor of Sool, Cayn and Sanag region for their efforts to prevent any ballott boxes being brought to their regions by "calool ushaqaystiyaal" and for preventing the fake elections taking place in their regions I am with Yonis on this all the way.......... -
no elections in SOOL, SANAAG, CAYN.. British Somaliland ???
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
saaka iyo jawiga mandaqadan ee xaga doorashooyinka somaali diidka (Puntland}29.09-05 ilaa qorrax soo bixii saaka ilaa iyo haatan oo aanu si joogta ah dhagta ugu hayno isgaadhsiinta kala duwan waxaa mandaqadda kasoo yeeraya in haba yaraatee aan dadka reer Puntland ee dagaanadani wax cod ahi kaga qaybgalin doorashooyinka baarlamaaniga ee maamulka Hargaysa.... ilaa qorrax soo bixii saaka ilaa iyo haatan oo aanu si joogta ah dhagta ugu hayno isgaadhsiinta kala duwan waxaa mandaqadda kasoo yeeraya in haba yaraatee aan dadka reer Puntland ee dagaanadani wax cod ahi kaga qaybgalin doorashooyinka baarlamaaniga ee maamulka Hargaysa. Gobolka Sanaag guud ahaanba aagaga *****ga bogcad qudha iyo sanduuq kaliya kama hirgalin waana dadaaal dadwaynuhu hore ugusii tabaysteen, daraawiishta Puntlandna ay ku taageertay. Sool waxaa la xaqiijiyey in laba sanduuq ladhigay Yagoori haseyeshe ay dadwaynaha iyo waxgaradku ku heshiiyeen inaan halruuxna agtagin sanduuqyadaa wax cod ahna ku darsan, askar soomalidiida oo anfariirsan ayuunba na agfadhida sida la xaqiijiyey. Guumays ayaa sidoo kale sanduuq lageeyey lagu hungoobay, adhicadeeye oo kaliya ayaa lasheegay in askarta maamulka hargaysa ay sawiro iskaga qaadayeen xeryaha dhexdooda. wararkan oo aanu ka uruurinay tilifoonadda iyo taararka ayaa habayarate aan cidina isku khilaafin kadib markii aanu ka xogaysanay labateneeyo ruux oo kala duwan. dhinaca gobolka Cayn oo horeba looga digay in maamulka Hargaysa aanu ku so lug goin ayaan habayarate lagayn wax sanaaduuqa inkasto laba sanduuq ladhigay tuulooyinka Qorulugud iyo Codinle oo dhalsho ahaan reer Burco ah. waxaase jira xog tibaaxaysa in wasiir ku xigeen reer Puntlani ahi uu uxagaldaaciyey musharax ay xidid yihiin oo kasoo jeeda bariga burco. degaanka xuddunna ceelka Bohol oo ay ku suganyihiin raacato dhalasho ahaan togdheera ayaa lasheegay inay kaligood halkaa ka codeeyeen. jiidaha kale ee mandaqadda oo uu ka jiray heegan baahsan ayaa laga oo'ay in layskuba dayo dhigashada sanaaduuqdaas. musharixiin badan oo dagaanaddan ku abtirsada ayaa ka huleelay aaminina waayey arladooda, ogaanta dareenka dadwaynaha dartiis. marka layskusoo xoodhiyanna way ku fashilantay Soomaliland inay Mnadaqaddaha *****ga waqooyi wax raada kaga saameeyaan doorshadooda qabiilaysan. Dhankalena Waxaa magaalooyinka Waawayn sida Laascaanood, Buuhoodle iyo Taleex ay dadku ka sheekaysanayeen cida badali doonta shiikh Maxamed Rabiic, wararka dawladda Soomaaliya iyo ramadaanta soosocota. Widhwidh Online Khadar Maxamed Xaashi (Huruuse) -
no elections in SOOL, SANAAG, CAYN.. British Somaliland ???
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamada Daraawiishta oo ka hor tegey in sanaadiiqda Somaliland u soo tallaabaan Puntland Badhan - 29.September.2005 Wararka ka imanaya gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa sheegaya in ciidammada daraawiishta Puntland ay suura geliyeen in aanay halkaas soo gaarin sanaadiiqda doorashada baarlamanka Somaliland ee ay maanta codbixinteedu socoto. Ciidanka daraawiishta ayaa ka hawl galay deegaanno baaxad leh oo ku yaal gobolka Sanaag gaar ahaan deegaannada Dhoobo, Dabablaha, Fiqi Fuliye iyo Jiida Shimbiraale oo koonfur ka xigta magaalada Ceerigaabo. Dhinaca kale, wararka ka imanaya gobollada Sool iyo Cayn ayaa sheegaya in maanta aanay halkaasi ka jirin wax sanaadiiq doorasho ah oo ka timid dhinaca Hargeysa, kadib markii amaanka si weyn loo adkeeyey. Cawil Nadiif SBC Badhan -
Sorry lads but the dream of the secessionist seems to be only confined to a certain clan area. So what will we tell the world?????? Maamulka Hargeysa oo ku hungoobay waxay ugu yeereen Doorashada Golaha Wakiilada inay Ka dhacaan Goobo Tirsan SSC. Posted to the Web Sep 29, 13:48 Radiossc.net:- Guud ahaan gobollada Sool,Sanaag Iyo Cayn ayaan wax sanaaduuq ah maamulka ....... kulaba soo hawoon , marka laga reebo goob yaryar oo tuulooyin ah. Gobolka Sool ee ay ah degaan beelaha H.... waqooyi ayaan wax sanaaduuq daasi ka soo gaadheen tuulooyinka Guumays, Yagoori Iyo Goob u dhowa Adhicadeeye, waxaana xidhiidho aanu la samayn dadweyne goobahaas ku nooli noo xaqiijiyeen in aanay cid sanaadiiqdaas waxa codayna ku samayn aanay jirin oo ay dadku qaadaceen iyada oo yagoori la keen labada Sanduuq,Goobta u dhow Adhicadeeye ayaa lagu soo waramayaa in Maleeshiyo ka tirsan maamulka Riyaale ay ka codaynayeen iyaga oo iska dhigaya dadka deegaanka, sawirana iskagaqaadeen. Dhinaca Xudun ayaan wax doorasha ahi ka dhicin marka laga rebo bohol oo beelo ***** ah oo ka yimi togdheer laysugu soo aruuriyey,waxa kale oo wararka aanu ka helayno dhinaca Awrboogays , Fiqifuliye iyo Ardaa sheegayaan in ay markii ay ka quusteen deegaankaas niyada jabna kaga yimi, ka dib markii bulshada heegan la galiyey ciidamana la geeyey ay ku soo dhici waayeen in ay sanaaduuq keenaan, taasina ay ka dhigtay meel ay ka caageen. Dhinaca Gobolka Cayn ayaanay sooba haweysan beelaha Dirta Waqooyi , waxayna sanaadiiqdooda gaysteen Qurulugud iyo Coodanle, Guddoomiye ku xigeenka gobolka Cayn Jaamac warsame Dhible oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in ciidamada gobolka Cayn heegankii ugu sareeyey la galiyey , dhinaca Yeyle ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay isku dayeen in uu maamulka Soomalaidiidku geeyo sanaadiiq ,hasayeeshee ay odayaasha deegaanku ka hortageen una diideen in ay deegaankooda keenaan, iyada oo ay halkaasi heegan ku ahaayeen ciidan beeleedyo , diyaar u ahaa in ay difaacaan dalkooda, waxaana wararku intaasi ku darayaan in ay bulshada ku dhaqan Laasdaar, Shululux, Hadhwanaag iyo goobaha u dhow aanay sooba haweysan oo ay ka caageen markii ay ******** in loogu diyaar garoobay. Guud ahaan doorashadii ay ka filayeen maamulka Soomaaliidku gobollada Sool,Sanaag Iyo Cayn ayaan u dhicin siday filayeen, taas oo lagu tilmaami karo guuldaro balaadhan oo ku habsatay , taas oo tusaysa caalamka intiisa badani in aanay jirin wax la yidhaahdo Somaliland oo ay gacanta ku hayaan beelaha dirta waqooyi. U hiili ummadaada iyo Qarankaaga, si aan marnaba loo kala goyn Soomaaliya Xigasho:-Radiossc.net contact us:webmaster@puntlandpost.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
-
Minister Gacmo-dheere's visit to MPLS and Toronot...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ MMA, I must admit that was funny, however I was monitoring the situationand and in no way wanted to step on the toes of brothers like Juma and Olol[same p[erson I tell ya ] with regards to their hero of the hour Sharif, however I am dismayed at their lack of reporting on this matter.. I give notice if they don not report..soon I will.. -
Pakistan , Indonisa, UAE, Turkey and Saudi-Arabia...
General Duke replied to Yoonis_Cadue's topic in Politics
Good news indeed... -
^^^ I agree lets stop the generalisation. The whole of the southern clan movements where not much better, you had the SPM,SNF, and all the other rubish that were battling the USC and so on. Its not just the USC groups but all the Somali rebel groups and the former regime that created this situation that we are in right now.. Lets move on and stop the divisive comments...
-
Minister Gacmo-dheere's visit to MPLS and Toronot...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Toronto: Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga iyo Daaqa ee Dawladda FKG oola Kulmay Madax ka tirsan Dowlada Canada - Wednesday, September 28, 2005 at 05:34 Toronto - Waxaa kulan aan rasmi ahyn ku yeehay Magaalada Toronto wasiirka Hormarinta Reer Miyiga iyo Daaqa ee dawladda FKG ah ee Somaliya Md. Maxamed Maxamuud Guled “Gacmodheere†iyo wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyada ee Canada Md. Joe volpe. Md. Gacmadheere ayaa warbixin dheer halkaas ka soo jeediyey, kanagana waramay shirkii dib u heshiisinta Somaliya, dhismihii dowlada federalka ku meelgaarka ah, iyo hawlaha dawladdu ay ka wado Somaliya, iyo sidii ay u hanan lahayd ammaanka dalka, ayna u sugi lahayd nolol-bulsheedka ummadda. Md. Gacmadheere waxaa uu tibaaxay in dowladu ay ka hawlgashay gudaha Somalia ayna wado dhamaystirka iyo dib u soo noleynta hayadaha dawliga ah. Waxaa wasiirku mahad balaaran usoo jeediyey Dowlada Canada oo si hagrasho la aan usoo dhaweysay Shacbi badan oo somali ah.wasiirka socdaalka ayaa warbixintaas kadib sheegay in dawlada canada ay la shaqeyn doonto dowlada Somaliya. Waxaa kulanaas goob joog ka ahaa Mudane Wajid Khan oo ah mudane ka tirsan Baarlamaakna Canada lagana soo doorta xaafada missisauaga. Dhinaca Somalida waxaa asna goob joog ahaa Wasiir u Dawlaha Gaashandhiga Somalia Md. Cali Maxamuud Ali “Xarreedâ€, Md. Axmed Maxamed Aden, xoghayaha Boostada iyo Isgaarsiinta Dawlada FKG-ka ah, waxaana kulankaan soo qaban qabiyey Faisal Hassan Jama (Jabdhurwaa). Farah A Hussein Toronto, Canada -
Mogadishu MP's turn down Hiiraale initiative...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
so Dayniile.com is more reliable than Horn Afrik? Wonders never seize to amaze.. -
^^^ MMA, come on if thats the case the man should just retire and go back to doing what he used to do. He was elected as Speaker of Parliment and not to be the PM, President or minister. If he wanted that job he should have contested for it..
-
Somali National troops get ready......+ Min Aydeed
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Muqdisho: Eng: Xuseen Caydiid " Shacabka Soomaaliyeed waa u dhan yihiin inay ka hortagaan dadka cadawga ku ah jirintaanka Dawlad Soomaaliyeed". - Tuesday, September 27, 2005 at 15:26 Muqdisho(AllPuntland)- Wasiirka arimaha gudaha ahna raysulwasaare kuxigeenka DFKGS Eng: Xuseen Maxamed Caydiid ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan raalli ka noqonaynin is bahaysiyada iyo kulamada lagu dibin daabyaynayo ammaanka shacabka iyo danta qaranka Soomaaliyeed. Xuseen Caydiid oo saxaafadda u waramayay ayaa sheegay in shirkii Balcad ka dhacay ee halka maalin socday uu ahaa shir qado lagu bixinayay ee uusan ahayn shir ay wax kasoo bexeen. Wuxuu xusay go'aankii ay qaateen beelaha Muddullood ee daga gobolka Shabeellada dhexe inay horseedday inaan shirkaasi wax guulo ah kasoo bixin iyo wax ajanda ah toonna. Wuxuu xusay in dalka ciddii colaad hurinaysa loo jeedo oo ay yihiin shaqsiyaad yar yar hase ahaatee aysan ahayn dadka xumaantada wada hogaamiye kooxeedyada dalka Soomaaliya oo dhan.. Xuseen Caydiid wuxuu sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya iyo Raysulwasaarihiisuba ay ku baaqeen nabadgalyo iyo xasilooni inay guri walba u garaacayaan taasoo muujisay yididiilo wanaagsan. Wuxuu sheegay in dawladda Fedderaalka ah ee Soomaaliya ay dalka oo dhan ka hawlgalayso isla markaana magaalada Muqdisho ay kawaddo hawlihii loogu talo galay . Wuxuu xusay inuu kaalin wax ku ool ah ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir Md: Cadde ayna kawada shaqeeyaan qaabka horumarinta dawladda. Su'aal lawaydiiyay Xuseen Caydiid oo ahayd waxa ka jira sheegashada Cabdi Qaybdiid uu sheeganayo inuu yahay taliyaha ciidanka booliska ayuu ku sheegay wax aan sal iyo raad lahayn. Hadallada Xuseen Caydiid ayaa kusoo beegmaya xilli ay leeyihiin shir albaabadu u xiran yihiin hogaamiye kooxeedyada kusugan magaalada Muqdisho. CCC Farayaamo AllPuntland -
Barre Hiiraale oo maanta kulankii baarlamanka ka soo jeediyey in wadahadal lala furo xubnaha dowladda ee Jowhar ku sugan September 27, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Fadhigii baarlamaanka ee xubanaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ay maanta ku yeesheen hotel Saxafi ayaa loo diiday Saxaafadda in warbixin laga siiyo natiijadii ka soo baxday kulankaas. Fadhiga baarlamaanka ee ay xubnaha labada gole ku yeesheen magaalada Muqdisho oo hore ay caadadu aheyd in markuu dhamaado warbaxin laga siiyo saxaafadda ayaaney maanta dhicin sidii looga bartay xubnaha labada gole inay uga warramaan saxaafadda natiijada kulankooda, waxaana jirtay in maanta markii uu soo dhamaaday kulankii xubnaha baarlamaanka ay xildhibaanada saxaafadda dhabarka u jeediyeen oo ay ku kala dareereen. Arrintaas oo Saxaafadda ku noqotay mid ay aad ula yaabeen, inkasta oo aan la hubin sababta saxaafadda loogu diiday xogta kulankaas ka soo baxday ayaa dhinaca kale warar ku dhow dhow xildhibaanada waxa ay sheegayaan in xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan aaney jecleysan qaabka saxaafadda u tabiso wararka ka soo baxa kulamada baarlamaanka. Sidoo kale warar laga soo xigtay xildhibaanada qaarkood oo codsaday inaan magacooda la sheegin ayaa sheegaya in kulankii maanta looga dooday qodoba uu soo jeediyey wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Hiiraale oo ku saabsanaa in wadahadal lala sameeyo mus’uuliyiinta dowladda fedraalka ee ku sugan magaalada Jowhar si loo dhameeyo khilaafka dowladda ka dhex jira si tanaasulaadna u yimaado. Fikirkaas ayey si weyn uga soo horjeesteen xubna ka tirsan dowladda fedraalka oo iyaga Muqdisho ku sugan waxaana sidoo kale jirta in aan wax is afgarad ah laga gaarin qodobka uu soo jeediyey wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Hiiraale iyo qodoba kale oo aan la shaacin oo kulankaas lagu soo qaatay.
-
^^^ Football politics, watch JOSE and you see a real master of the dark arts and mind games. ......Got the idea from Dayniile.com oops/
-
Jowhar:Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo hawlgalladooda bilaabi doona xilli dhow kadib marka uu tabobarku usoo gabo gaboobo. - Tuesday, September 27, 2005 at 15:25 Jowhar(AllPuntland)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee fariisinka kumeel gaarka ah u ah DFKGS ayaa sheegaya inuu soo gabo gaboobi doono waqti dhow tabobar u socda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee kusugan magaalada Jowhar. Warar aan ka helnay saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in carbiska usocda ciidanka xoogga dalka uu yahay mid aad u heersareeya , marka uu soo gabo gaboonana ay ku xigi doonaan hawlgalladii dalka. Ciidanka ayaa hawlaha ay qaban doonaan lagu sheegay inay sugaan nabad galyada dalka oo dhan , inay hubka ka dhigaan malleeshiyaadka hubaysan iyo inay ilaaliyaan ammaanka dawladda Fedderaalka ah ee Soomaaliya. Wali waxaa soconaya aqbalaadda is qorista ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasoo ka kala imaanaya gobollada dalka Soomaaliya . Ciidamada ku sugan xerooyinka Waajid iyo Gen: Daa'uud ee magaalada Jowhar ayaa haatan u muuqda ciidan u diyaara awaamiirta dawladda Soomaaliya. Qab qabashada burcadda dadka ku laaya waddooyinka iyo magaalooyinka ayaa lagu sheegay inay kamid noqon doonto hawlaha ugu wayn ee ay ciidanku qaban doonaan. Sida ay sheegeen madaxda dawladda Soomaaliya ciidankan ma weerari doonaan cidna hase ahaatee waa kuwo soo celinaya kala danbayntii iyo xasiloonidii dalka. Arimaha kusaabsan ciidamada waxaa bar bar socda taabbo galinta maamullada kala duwan ee dalka ayadoo maamullo buuxa ay ka jiraan degmooyin hoostaga gobollada Puntland, Sh/dhexe, Hiiraan , iyo Bakool ayadoo dawladduna ay wali ku dadaalayso inay maamulkeeda hoos keento gobollada kale ee kamadax bannaan. CCC Farayaamo Allpuntland.
-
Minister Gacmo-dheere's visit to MPLS and Toronot...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
More news on trip.... Interview with Minister SOMALITALK.COM -
Rahima, my dear sister give me a break will you. The people of Mogadishu are no difefrent to the ones in Galkacyu, Beledweyne, Jowhar and any other town. Why do you lose touch with reality every other minute? Mogadishu is controlled not y the people but by clan based factions Individuals like, Inda cade, Daylaaf., Qaynyare, Suudi Yalaxow, Bootan Xarankunax, Ato, Xasan Dahir, the clan courts and so on control Mogadishu and its jigsaw puzzle districts. There is NO POLICE, NO ARMY in the city. It is scared by bullets, its main international AIRPORT and SEAPORT are closed and out of action. ALL THE MINISTRIES and government buildings are CLOSED, RUN DOWN, or DESTROYED. The education is given by NGOs and brave individual groupings. This has been the case in OUR largest city for 14 years AND you expect the Presidnet to change is in 10 MONTHS? Change would have come a bit quicker if individuals like Qaynyare and Co, did not try to put more obsticles in place with their fake cries of "Ethiopia" is coming and "the government is split".... In conclusion the President is no boggyman to Mogadishu and its lovely but bondaged population, but he dfenetly brings fear to the WARLORDS and CLAN COURTS that control it now... Qudhac, What is your point, I reassure you your PM Geedi is well and safe and is coming to Mogadishu soon insha Allah..
-
Minister Gacmo-dheere's visit to MPLS and Toronot...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ Amin, -
Minister Gacmo-dheere's visit to MPLS and Toronot...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Toronto: Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Daaqa oo la Hadlay jaaliyada Soomaalida ee Canada Posted to the Web Sep 26, 21:31 Waxaa Toronto Canada ka dhacday xafladii ugu balaarnayd ee ka dhacda Toronto inta la xasuusanyahay, taasoo lagu Martigeliyey Wasiirka Horumarinta reer miyiga iyo daaqa oo booqasho ku jooga wadanka Canada. Jaaliyada Canada oo isugu jira Culimaudiin, Odayaal, Hooyooyin, Aqoonyahan, dhalinyaro iyo fanaaniin ayaa buuxiyey Hall-ka shirarka ee Marriot Hotel. Dhamaan jaaliyada intii u hadashay waxay wasiirka u sheegeen sida ay u saamaysay dhibka dowlad la,aanta, qiima jabka qaxootimadu leedahay, iyo qurbaha dhaqan xumadiisa, sidaa daraadeed jaaliyadu waxay u balan qaadeen Wasiiraka inay garab iyo gaashaanba u noqonayaan dalka. Jaaliyadu waxay Wasiirka u soo bandhigeen murti isugu jirta Geeraar,Buraanbur,iyo Heeso kuwaasoo mar walba kicinayey xamaasada wadaninimo. Intaa ka dib waxaa hadalkii lagu wareejiyey Wasiirka Horumarinta reer miyiga iyo daaqa Mudane Mohamed Mohamud Guled oo halkaa uga mahadceliyey jaaliyada sida sharafta leh ee loogu soo dhoweeyey Toronto, wuxuuna u soo gudbiyey jaaliyada Salaan uu uga waday Madaxwayne Mudane Abdulahi yusuf Ahmed. Wasiirku uxuu si tafatiran uga hadlay barnaamijka dowlada waxuuna jaaliyada u cadeeyey in dowladu inta badan wadanka maamusho, inta hartayna ay si dhakhsa ah uga howlgeli doonto. Wasiirku wuxuu xiligii hore kulano kala duwan la galay madax ka tirsan dowlada Canada oo ay ku jiraan wasiiro iyo mudanayaal baarlamaan. Waxaa iyana xusid mudan in jaaliyada Canada ay si gaar ah wasiirka hortiisa u Xuseen sharafta iyo karaamada ay u hayaan gudoomiyaha shabeelaha dhexe Mohamed dheere oo ay ku tilmaameen geesi ay tariikhdu qori doonto. Waxaa kaloo xafladaas qudbad gaaban ka soo jeediyey Mudane, Hon. Ali Mohamed Mohamud (AliHareed) oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo isagana dhinaciisa kacadeeyey sida loogu baahan yahay in la helo dowlad Soomaaliyeed oo nabad gelyo ka islaaxisa wadanka Soomaaliya. Waxaana Martisharafkaas ka mid ahaa oo kale Wasiirka Sportiga iyo shaqaalaha ee DGPL Mudane Siciid Qoorsheel oo cadeeyey tageerad ay u hayan dowlada dhexe ee soomaliya. Ma soo koobi karno dadkii faraha badanaa ee gacanta ka gaystey xafladan laakiin waxaa xusid gaar ah muadan Abdirahman Xoosh oo isagu daadihinayey xaflada iyo dhamaan media-ha Toronto iyo fanaaniinta. Farah Abdi Hussein guudcad@yahoo.com contact us:webmaster@puntlandpost.com -
Minister Gacmo-dheere's visit to MPLS and Toronot...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
More on the Ministers meeting in MPLS... -
Minister Gacmo-dheere's visit to MPLS and Toronot...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Toronto: Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Daaqa oo la Kulmay Jaaliyada Somalida ee Canada Gacmo-dheere meets Somali's in Toronto Canada........ -
Minister MM Guleed Gacmo-dheere a close ally of the President and PM has been visiting the Somali communities of North America... Here are following reports from the Somali media concernining the visits, comments made and the reception he receieved................................................................................................. WARBIXIN) Kulankii Wasiir Maxamuud Maxamed Gacmo-dheere ee Minneapolis Ayadoo ay todobaadyadii lasoo dhaafay safaro ku imaanayeen magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka wafuud ka kala socota dowlada iyo Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa todobaadkii hore soo gaaray magaalada ay degen tahay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ugu weyn ee Maraykanka, Maxamuud Maxamed Gacmo-dheere oo ah Horumarinta ree Miyiga ee dowlada Federaalka Soomaaliya. Soo dhaweyntii wasiirka Horumarinta ree Miyiga ee dowlada kumeelgaarka ah ee Soomalida mudane Maxamuud Maxamed Gacmo-dheere, lagu soo dhaweeyey magaalada Minneapolis ayaa aad uga duwanaa soo dhaweyntii xubnihii wafadiga ahaa ee la socday guudmooyiha baarlamaanka Mudane Shariif ee iyaguna soo gaaray gobolka Minnesota. Galabnimadii Talaadada ee laga soo gudbay waxaa xaafada Ceder ee ku taala bartamaha magaalada Minnepolis ahna xaafada ugu Somali badan gobolkaan Minnesota isugu soo baxay dadweyne aad u faro badan oo daneenayey inay soo dhaweeyaan wasiirka Horumarinta reer Miyiga mudane Gacmo-dheere. Inkastooy ahayd maalin dadku shaqooyin iyo iskuulaba jiraan ayaad haddana la yaabi lahayd khalqiga isugu yimid xarunta weyn ee Brian Cole ee xafiiska u ah ururka ugu balaaran ee matala jaaliyada Somalida ee ku dhaqan Minnesota. Hoolka lagu cayaaro kubada gacanta ee Brian Cole ayaa dadkii buux dhaafiyeen oo weliba laga noqday markuu dadkii qaadi waayey, shirkii galabtaas lagu soo dhaweynayey Mudane Maxamuud Gacmo-dheere waxaa ugu horeyntiiba lagu furay aayado quraan ah iyo wacdi uu soo jeediyey Sheekh Axmed Cali, kadibna waxaa furay shirka Cali Geele oo isagu ka socday (Confederation Of Somali Community). Cali wuxuu ka hadlay horumarka ugu balaaran ee ay jaaliyada Minneapolis muujisay 10kii sano ee ay gobolkaan degenayd iyo sida ay ugu fiday deegaankaan cusub, wuxuu wasiirka uga warbixiyey guud ahaan nolasha Somalida, kororkeeda, ganacsigeeda, iyo waxbarshadeedaba, Cali faaladiisii iyo soo dhaweyntiisii ka dib wuxuu makarofoonka ku soo dhaweeyey Madaxa Jaaliyada Banaadiriga ee Gobolkaan Minnesota, mudane Maxamed Abuukar oo isagu ku jiray xubnihii ku booqday Madaxweynaha Dowlada ku meelgaarka ah (Cabdulaahi Yusuf) magaalada New-York. Maxamed wuxuu dadweynihii u soo gudbiyey salaan uu ka waday madaxwynaha xiligii ay ku kulmeen New-York. Maxamed wuxuu tilmaamay sida jaaliyada Somalida ahi ay xooga ugu leeyihiin gobolkaan Minnesota wuxuuna sheegay xiliyadii hore inaysan somalidu wax xiriir ah lalahaan jirin madaxda Gobolkaan haddase ay Somalidu awood u leedahay inay danaha Somaalida ka fuliyaan madaxda gobolkaan. Wuxuuse sheegay gudoomiyaha jaaliyada Banaadirigu in xubnaha kala figriga duwan ee Somalidu ay figradahooda mideeyaan si Jaaliyada dibadu waxtarkeeda u muujiso una caawinta wadanka Somaliya. Warbixintii Gudoomiyaha ka dib waxaa hadalkii la wareegay Luul Xassan Lari oo iyadu ku hadlaysey magaca dumarka gobolkaan halkaasna ka muujisay in dumarku ay garab istaagayaan dowlada ayna baahi u qabaan inay wadankoodii oo nabad ah arkaan si ay u suurto gasho in wadankii lagu soo noqdo, waxay sheegtay in dumarku ay ka daaleen aysana u dulqaadan doonin in dowladii la keenaba ay dadka qaarkiis lugaha jiidayaan taasoo dadka jaaliyadu ay aad u dhibsadaan jahawareerka markasta Somalida lagu dhex abuuro. Inkastoo ay xubno faro badani hadalo ka jeediyeen madashii waxaa goordanbe lagu soo dhaweeyey qaar ka mid ahaa hoboladii waaberi abwaanka weyn ee Maxamuud Ciise Singub ayaa halkaas ka qaaday hees wadani ah oo qiiro leh oo uu maalmahaas sameeyey, waxaa kaloo hees cusub oo ka hadlaysa Hooyada halkaas ka qaaday Saado Cali Warsame heestaas oo ay sheegtay inuu samayeey dhowr beri kahor Abwaan Singub looguna talo galay muhiimada iyo qiimaha ay hooyadu leedahay, heestaa oo dadkii xasuusisay in hooyooyinka Soomalidu ay ku jiraan dhibaato aad u balaaran oo ragoodii ay ka caal waayeen inay xal u helaan. Markay dhamaatay maaweelintii Hobolada waaberi waxaa makarofoonka lagu soo dhaweeyey ambaashatoorkii soomaalida u fadhiyey EU-da ambasadoor Maxamed Cumar Jamac (Dhigic dhigic) oo isagu halkaas ka cadeeyey in wasiir Maxamuud Gacmo Dheere uu ka mid ahaa hogaamiyayaashii xiligii burburka aan ka qaybqaadan dagaaladii ehelka wuxuu cadeeyey inuu wasiirku shirarkii ay Soomaalidu isugu timid 14kii sanoo ee burburka uu isagu la fikir ahaa inta nabada raadinaysa oo uu markasta talada nabadoonimada ku fikir ahaa, Dhigic dhigic wuxuu makarafoonka ku soo dhaweeyey wasiirka bal si uu u soo bandhigo hawlaha Somalidu ka sugayso. Taariikho dheer oo uu wasiirku ka hadalay una badnaa shirkii mudada labada sano ah ka socday Kenya iyo guulihii ka soo baxay ayuu hadalkiisa u wareejiyey sababaha keenay in dowladu degto Jowhar inta Xamar laga nabadaynayo. Wuxuu kaloo wasiirku ka hadlay imaatinkooda New York oo uu ku sheegay inay uga danlahaayeen laba qodob oo muhiim u ahaa dowlada Cusub ee Somalida. 1-inay ka qaybgalaan sanadguuradii 60 ee madaxda caalamku ay ugu ku kulamayeen New York si loo cadeeyo oo dunida loo tuso in 14 sano kadib ay somalidu leedahay dowlad. 2-In shirarka ka dhacaya New York ay dowlada Somaliyeed uga faa'iidaysato inay kula kulanto madaxda caalamaka ee halkaas isugu imaanaysa si loogu gudbiyo in dowladahaasi ay caawiyaan maamulka cusub ee Somaalida u dhashay. Wuxuu cadeeyey wasiirku in haddii aysan dowladiisu imaan lahayn New York ay adkaan lahayd inay wada arkaan madaxdii ay danaha ka lahaayeen taasoo ay dowlada kumeelgaarka ah ku kelifi lahayd inay madax kasta dalkooda ugu tagaan taasoo kharash badan iyo waqtiba ka qaadan lahayd madaxda DFK hadase ay madaxday rabeen oo dhan ay hal goob (NEW YORK) kuwada arkeen. Hadalka wasiirka oo aad u dheeraa ka dib waxay jaaliyada Minnesota ay wasiirka weydiiyeen su'aalo faro badan waxaanse ka soo qaadaynaa dhowrka ugu muhiimsan. Su'aashii koowaad? Dowlad kasta waxay ku horumartaa ama ku socotaa aqoonsi caalami ah iyo mid dhaqaale maxaa idinka idiinka hagaagay labadaa arimood. Jawaabtii wasiirka. Dowlada hadeer Somalia u dhalatay way ka duwan tahay dowladihii hore ee la soo dhisay oo sidaad ogtihiinba somalida waxaa shir uga socday Kenya mudo lab sano ku dhow shiraaks Somalida waxaa labadaas sanoba fadhiyey oo ka qaybgelayey dowladaha caalamka intooda badan Ururka Qaramdida Midoobay, Ururka Afrikaanka, Midka ree Yuurb, jaamacad Carabta, iyo hay'adaha caalamiga oo dhan marka dowladii ka soo baxday shirkii Kenya aduunku horuuba u aqoonsanaa maxaa yeelay iyagaaba daadihinayey oo kharashka bixinayey, sidaas awgeed dowladuba waxay dhalatay iyadoo la aqoonsan yahay, wanan midaanu hadeer ku joogno New York. Dhinaca dhaqaalaha sidaad la socotaanba dowlad kasta oo Somali loo sameeyey 14kii sano waxay dowladaasi aduunyada u doonanaysey dhaqaale, dhaqaalihii Soomaaliya la siiyeyna waxba laguma qaban oo dowladi kuma hagaagin, oo lacagahaas intoodii badnayd jeebka shaqsiyaad ayey gashay, marka xiligaan hadda ah dowladihii lacagaha ku kaalmayn jirey Somalida way ka niyad jabsanyihiin inay lacago kale bixiyaan oo Soomaalida horaa looga aamin baxay. Waxaad ku garanaysaa xiligii Dowlada Somalida lagu dhawaaqay ayey dowlada ku meelgaarka ahi dhaqaale weydiisatay Princes Cabdallah Sucuudiga aad bay xiligaas dowlada Sucuudigu uga caga jiiday inay kharsh siiso dowlada Federaalka ah, 10 bilood kadib ayuu madaxweyne Cabdulaahi u yeeray oo uu uga cudurdaartay inaan sidii larabay aysan dowlada Sucuudigu uga qaybqaadan dhaqaalaynta dowlada Federaalka ah, Xiligaas Cabdalle wuxuu arkay in dowlada Somalidu ay soconayso ama sucuudigu ha taageero ama hayska daayaane, alxamdu lilaahi hadeer dowlado badan oo ka shaki sanaa dowlada Somaliya ayaa xiriiro la soo sameeyey ay ku iclaaminayaan inay xagga dhaqaalaha ka gacan qabanayaan, xiligaana haba lajiitamo laakiin dhaqaale ahaan loo xayirnaan mayo oo waa la soconkaraa. Su'aashii Labaad. Maxay Qaramada Midoobay uga baxeen magaalada Jowhar? Jawaabtii Wasiirka Waad ogtihiinoo baryahaan waxaa la uruurinayey ciidankii Qaranka waxaa ciidamo laga keenay Gobolada Puntland la isku yiraahdo, Gobolka Hiiraan, Gobolka Shabeelada Dhexe iyo Gobolka Bakool si loo meelmariyo hawlihii dowlada u yaalay loona helo ciidan qaran oo tababar iyo aqoonba isku filan, taasoo ka caraysiisay xubnaha aan iyagu marna doonayn inay arkaan haykal dowladeed xubnahaas oo idaacadah iyo joornaalada ku qoray erey micnihiisu yahay (haddii aan dowlad noqono oo ciidamo qaran lagu sameeyo Jowhar waan ka dagaalamaynaa ee colaad baanu soo wadnaaye hay'adha ummada wax u qabta ee Jowhar joogaa ha iska daayaan waxtarka ay Jowhar ka wadaan oo amaankoodaanu khal khal gelinaynaaye haka baxaan wadanka). Iyo xubnaha jowhar jooga oo leh anagu dowlad baanu noqonaynaa ee hay'aduhu ha joogeen gobolka oo dadka wax ha u qabtaan waxaanan jowhar ku dhisaynaa ciidamo kala qabiil ah oo qaran loo tabab baray oo isku meel la isaugu geeyey ilaalina doona hay'adaha wax kaalmeeya, Dowlada iyo shicibkaba. Labadaas figradood oo iska soo horjeeda ayey ururadii UN-ku ka shakiyeen oo waxay iskood u go'aansadeen inay Jowhar isaga baxaan inta ay wax u kala cadaanayaan maxaa yeely iyagu cid u dhaaranaysa wadankooda inay sii joogaan ma rabaan, nasiib wanaagse dhowr beri ka dib waxay arkeen in kuwa dowlad diidka ahi aysan waxba ummada u soo wadin kadibna dib ayey ugu soo noqdeen Jowhar oo haddeer way shaqo bilaabeen. Su'aashii sadexaad. Ciidamada Puntland ka yimid ee soo gaaray Jowhar maxaa baabuurtooda saaray calanka Ethopia. jawaabtii Wasiirka. Wasiirka oo su'aashii ku celiyey ninkii su;aasha soo weydiiyey ayaa yiri. Adigu ma aaminsan tahay hadalkaas oo ma u malaynaysaa in Ciidamadaasi ay wateen calanka Ethopia (ninkii ayaa ku jawaabay ma naqaan anaggu laakiin saxaafada Muqdisho ayaanu ka maqalnay in Calanka Ethopia ay dulsurnaayeen baabuurta ay wateen Ciidamada Puntland). Wasiirku wuxuu yiri waxaasi waa iska sheeko malo awaal ah wax caqligu qaadan karana maahan maxaa yeelay meeshuna waa jawhar ciidamaduna waa kuwo Soomaaliyeed sabab keeni karta in ay qaataan Calanka Ethopia ma ay jirto, midaada kale ma u malaynaysaa in Ethopia ay ogoshahay in calankeeda lala dhexwareego Soomaaliya, wararkaasi waa been, ciidamada Puntland kuwa Hiiraan kuwa Shabeelada dhexe, iyo kuwa Bakool waa ciidamo Soomaaliyeed waxaan xumaantaas ka qoraya mid aan xataa maleeshiyadiisa aan ku darsan karin kuwa walaalkiisa la dhashay kuna aamin qabin. Waxayna ka xunyihiin qaarkood sideebaa loo helay in ciidamo ka socda gobolo kala duwan ay hal meel isugu yimaadeen oo weliba loogu aaminay taliye aan qoyska ciidamadaasi ka kooban yihiin aan kaba dhalan taasoo ah astaanta lagu yaqaan dowlad, kuwa wararkaas beenta ah qoraya waxaad weydiisan idinku bal ciidama qaran waxuun isagu taga oo dhisa, si aad dadka Somalida sharaf uga heshaan. Shirkii maalintaas lagu casumay wasiirka Horumarinta reer Miyiga( Maxamuud Maxamed Gacmo-dheere) wuxuu ku dhamaaday jawi farxad leh ismaqal iyo dadkoo u balan qaaday inay dowlada la shaqaynayaan. Waxaa aakhirkii shirka makarofoonka la wareegay Somali American Media Asso. oo canbaaraysey shirkii ay qabteen wafdigii la socday Gudoomiyaha ee iyaguna yimid gobolkaan Minnesota kuna cambaaraysay in shirkaas loo diiday saxafiyiintii ka socotay Somali American Media iyo Somali Show Tv, oo labadoodaba loo diiday inay soo tebiyaan shirkii uu hogaaminayey mudane Sifir ee lagu qabtay Inver Groov Heigts. Taasoo uu wasiirku uga jawaabay cambaarayntaas oo uu u sheegay inay bulshadu isu dulqaadato oo ay si wanaagsan saxaafadu u hawlgasho oo muranka la iska saaro, wartabintana laga runsheego cidii iyadu markaas dhib doonaysaa ummada ayaaba arkaysa. Wasiirka ayaa hada asagu u gudbay dalka Canada, asagoo hada ku sugan magaalada Toronto. Md.M M Gacmodheere ayaa sidoo kale kulan dheer la qaatay Jaaliyada Soomaalida ee Canada, waxaana haduu Alle idmo halkaan idiinku soo gudbin doonaa warbixin la xariirta shirkaasi. Abdi Mohamed Minneapolis HorseedNet.com