General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Indohaadde also owns drug farms in the area under his control, including at Janaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamarer and Kurtun Waarey; the exact number of farms is unknown, but Monitoring Group sources estimated that as many as 10 may be spread throughout his area. He is alleged to be dealing in marijuana (probably in the form of hashish). UN monitoring group Now why are the supporters of the warlords so quite>>>>>???
  2. Foolish as ever my brother. Nothing is worse than this. Look how many men claim to be a Shiekh and sell drugs to the kids of Somalia? For those who support the TFG, it focuses us that we are on the right side. Against the bullies and drug barons such as Inda Cade and Co. As for you, dont be bitter that there was no elections in SOOL, SANAG and CAYN.
  3. He is 90 km from Mogdishu. Has kept 70% of both branches of government under his control. The next year wil see even greater changes..
  4. Rome was not built in a day. Somalia is on the road to recovery and President Yusuf is the right man for these times. We need action, security, security, security.
  5. This is what the government is facing. Fake religious courts now associated with DRUGS. The lower grade stuff they sell in the streets of Mogadishu for local consumption. That pisses me of real bad. Our farmland being turned into a narco traffickers heaven. So if Inda Cade is a drug merchant what about his allies, te courts, JVA and so on. What about the meeting in Barava??? Its dusgusting I tell ya..
  6. Its ayear already. Congradulations to our President and we wish him a succesful year.. Insha Allah everything will go well.
  7. Local administration of Lower Shabelle Sheik Yusuf Indohaadde is in charge of the local administration of Lower Shabelle; he assumes the role of governor. Indohaadde’s headquarters and state house are located at Buulamarer, situated on a large, active banana farm north-west of Marka. The geographical area under his control includes the seaports of Marka and Baraawe — he has his own fishing fleet — and an airport at Marka. The local administration also includes prime agricultural lands — including numerous “drug farms†on lands that were taken from the local farmers. In order to exercise control over his geographical area, Indohaadde has his own militia, made up of men from his clan, and other militias from the same clan group, ****** . Indohaadde also has a large number of personal bodyguards, individuals who are most trusted from his own clan. Tax revenue Revenue for Indohaadde’s arms purchases comes from traders, businessmen, the Marka and Baraawe seaports, the airports, checkpoints, farms, NGOs, the fishing fleet and other sources. Indohaadde’s representatives collect taxes on a weekly basis. Every month, from the moneys collected, he pays militia members, his “inner circle†(advisers and closest associates) and the elders of the clan and makes purchases of arms. After those payments are made, the remainder, which is approximately equivalent to $50,000, reverts to Indohaadde himself. Indohaadde collects revenue from NGOs that want to operate in the area under his control; they must obtain Indohaadde’s permission and must pay him a sum of money to conduct their activities. He receives at least 15 per cent of any NGO benefits that are offered to the local population. The fees paid by an NGO for the buildings they use are split between the owner and Indohaadde. He has a say in the question of which Somalis work for NGOs — members of his own clan — and gets part of an employee’s salary. He also has a network of people that monitor the activities of NGOs to ensure their compliance with his financial interests. If an NGO does not comply with his requirements, he forces it to leave his area. Indohaadde also owns drug farms in the area under his control, including at Janaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamarer and Kurtun Waarey; the exact number of farms is unknown, but Monitoring Group sources estimated that as many as 10 may be spread throughout his area. He is alleged to be dealing in marijuana (probably in the form of hashish). Indohaadde’s drug farms are a sophisticated operation involving irrigation systems, fertilizers and herbicides. The workers on the farms are experienced in the drug-growing business and receive a good salary to maintain the high quality of the drugs. The drugs undergo a drying process and are packaged and concealed to avoid attracting attention. The product is graded: poorer-quality product is sent to Mogadishu and neighbouring countries for local consumption, while the higherquality product is put into trucks and transported to airstrips or the Marka seaport for further transport to the international market. There are about six harvests per year. Indohaadde is expanding his drugfarming operation, by increasing either the number of farms or production per farm. He allegedly receives a total of approximately $100,000 per harvest for all of the farms. Indohaadde has a “special representative†who handles drug-farm operations on his behalf and uses his militia to guard his drug farms. Warbixinta UN-ka oo dhameystiran halkan ka daalaco Hussein Farah Keynaan HorseedNet.com
  8. the website HORSEEDNET.COM Qaramada Midoobay oo shaaca ka qaaday in Shiikh Yusuf Indhacade ka ganacsado Daroogada (Warbixintii UN-ka) Muqdisho:- Ayadoo ay weli taagan tahay buuqa ka dhashay warbixinta UN-ka ee la xariira xogta hubka Soomaaliya soo galaya, waxaa hadana soo baxay xogta Qabqablayaasha dagaalka. Warbixintan la shaaciyey 7dii bishan Oktoober, ayey ku jiraan xog badan oo laga soo aruuriyey qaab ay u shaqeystaan Qabqalayaasha dagaalka ayaa waxaa kamid ah xogta banaanka loo soo saaray: *Taageerada ay DFKMG ka heshay dalal Shisheeye *Taageerada Mucaarad Dowlada ay ka heleen dowlado shisheeye * Tirada hubka lagu kala iibsaday Soomaaliya iyo dadka iibsaday. *Xaalada Gobalada dalka Soomaaliya * Dakhliga soo gala Qabqablayaasha dagaalka (hogaamiye kooxeedka) iwm. Warbixintan oo loo gudbiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa looga codsaday golaha inuu Cunaqabtayn toos ah saaro hogaamiye kooxeedka Soomaaliyeed. Warbixintan waxaa markii ugu horeysay uu Guddiga u Qaabilsan Soomaaliya si tafaftiran uga hadlay BEERAH DAROOGADA lagu beero ee koonfurta Soomaaliya. Warbixintan ayaa ah tii ugu horeysay oo si toos ah u sheegaysa in Shiikh Yusuf Indhocade oo ah ninka maamulka gobalka Shabeelada Hoose, ee Soomaaliya si joogta ah dalka uga dhoofiyo DAROOGADa loo yaqaan MARIWANA nooceeda HASHISHka. Warbixintan oo si tafaftiran u soo qaadatay Gobal walba oo Soomaaliya kamid ah iyo Qabqablayaasha ka taliya ayaan maqaalkan ugu horeeya uga hadleynaa wixii laga yiri Shiikh Yusuf Indhocade oo sheegta Guddoomiyaha Gobalka Shabeelada Hoose. Warbixinta ayadoo aan la tarjumin waxaa ka akhrisan kartaa hoos, balse aanu bal soo qaadano qodobadii ugu muhiimsanaa ee warbixintan ku jira. Warbixinta Qaramada Midoobaya ayaa lagu sheegay in Shiikh Yusuf Indhocade uu leeyahay Beero gaaraya illaa iyo 10 beerood oo lagu abuuro Daroogada Xashiishka loo yaqaan. Shiikh Yusuf Indhocade oo asagu hada kahor beeniyey wararkan, ayaa warbixinta sanadkan 2005 lagu sheegay in lacagta soo gasha hogaamiyahaasi ay ka timaado meel kala gedisan oo ay kamid yihiin: Ganacsiga magaalooyinka Barawe iyo Marka oo uu ka qaato canshuur, lacagta uu ka qaato Hay'adaha caalamiga ah, beeraha Daroogada, Kaluumeysiga iyo meelo kale. Qoraalka UN-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shiikh Yusuf uu si joogto ah dadka ku dhaqan deegaanada Marka uga qaado Canshuur. Canshuurta Canshuurtan ayaa la sheegay in la qaado TODOBAAD ama asbuuc walba. Canshuurtan ayaa bil walba waxaa loo qeybiyaa maleeshiyooyinkiisa iyo xubnaha ku dhow dhow. Lacagtaasi loo qeybiyo maleeshiyooyinka ayaa lagu sii gadaa Hubka. Lacagta inta kasoo harta oo lagu qiyaaso $50.000 oo dollarka Maraykanka ah waxaa qaata Shiikh Yusuf Indhocade. NGO-yada Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in hogaamiyahan lacag joogto ah ka qaato Hay'adaha caalamiga ah ee ka hawl gala deegaanka uu xukumo. Waxaa taa usii dheer Shiikh Yusuf indhocade waxaa la siiyaa 15% (shan iyo toban percent) lacagta ay hay'adaha caalamiga ah siiyaan shacabka ku dhaqan deegaanka uu xukumo. Sidoo kale lacagta Kirada ah oo ay bixiyaan hay'ada Caalamiga ah ee ku sugan Marka kala badh (50%) waxaa qaata Shiikh Yusuf Indhocade, halka badh ka kalena la siiyo dadka guriga leh. Warbixintan ayaa sidoo kale lagu xusay in shaqaalaha ka shaqeeya hay'adaha caalamiga ah uu Soo xulo Shiikh Yusuf Indhocade laf ahaantiisa. Wuxuuna leeyahay xubno gaar ah oo si joogta ah ulla socda dhaq dhaqaaqa hay'ada caalamiga ah si markaasi uu ugaado in aan la khiyaameyn. Hadii ay hay'ad kasoo horjeesato sharcigan, Shiikh Yusuf Indhocade wuxuu ku amraa in ay isaga baxaan deegaanka uu ka taliyo. Daroogada Sida ku cad warbixinta Qaramada Midoobay guddigeeda u qaabilsan xog aruurinta Soomaaliya waxaa lagu sheegay sanadkan 2005 in Shiikh Yusuf indhocade uu leeyahay Beero ay kasoo baxaan daroogada Xashiishka loo yaqaan. Beerahan ayaa la sheegay in ay ku kala yaaliin deegaanka Janaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamarer iyo Kurtun Waarey. Tirada dhabta ah ee beerahan ayey guddigan sheegeen in ay aan weli si kama danbeys ah loo xaqiijin balse lagu qiyaasay 10 beerood oo kala gedisan. Dhamaan beerahan ayaa ku yaal dhul si xoog ah looga qaatay dadka deegaankaasi ku dhaqan. Beeraha daroogada ay kasoo baxaan ayaa lagu tilmaamay in ay ka shaqeeyaan dad xirfad ulleh oo la socda qaabka loo abuuro, sida loo nadiifiyo iyo waliba dhanka dhoofinta. Dhamaan dadka ka shaqeeya beerahan ayaa la sheegay in ay qaataan mushahar joogto ah oo ku filan. Xashiishka beerahan kasoo baxa noocooda xumaada, waxaa loo diraa magaalada Muqdisho iyo dalalka jaarka la ah Soomaaliya, waa sida lagu sheegay qoraalkanee. Halka Xashiishka qaaliga ah ee soo go'a loo diro dalal shisheeye. Xashiishkan ama daroogada ayaa la sheegay inta aan la dhoofin in la la qalajiyo isla markaana si wanaagsan loo xidh xidho si aan markaa loo ogaan. Waxaana la sheegay in daroogada laga dhoofiyo Airporka Magaalada Marka, halka xashiishka kale gawaari xamuul ah loogu qaado dalalka deriska ah iyo magaalada Muqdisho. Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in 6 goor ay xashiishada kasoo go'ado beeraha uu leeyahay Shiikh Yusuf Indhocade, sanad walba. Warbixintan ayaa qoreysa in Shiikh Yusuf Indhocade uu wado hawlo uu ku balaarinayo tirada xashiiskha soo go'a ama beeraha lagu abuuro. Lacagta kasoo gasha Daroogada sanadkiiba marka la isku geeyo 10 beerood waxay gaareysaa $100.000 oo dollarka Maraykanka markiiba. Maadaama ay beerahaasi soo go'aan sanadkii 6 goor, waxay noqoneysaa lacagtaasi $600.000 oo dollarka Maraykanka ah sanad walba, lacagtaasi oo ah midda sida tooska ah loo siiyo Yusuf Indhocade. Maleeshiyooyinka Shiikh Yusuf indhocade ayaa la sheegay in ay si adag u illaaliyaan beeraha lagu abuuro xashiishka. Hadaba warbixintan ayaa ah midii ugu horeysay oo si toos ah uga hadasha daroogada lagu abuuro dalka Soomaaliya. Waxaana horey u jiray eedaymo noocaan ah oo loo jeediyey hogaamiye kooxeed kale oo Soomaali ah kuwaasi oo aan markaa aysan soo hadal qaadin beesha caalamka. Dalalka ay dagaalada ka dhacaan ee Dunnida ayaa si weyn loogu yaqaan in ay kasoo dhex baxaan dad ka faa'iideysta maamul la'aanta iyo waliba sharci la'aanta. Wuxuuna Adduunweynaha xasuusta ururkii Taliban ee ka talin jiray dalka Afghaanistaan oo ayagu ka ganacsan jiray Daroogada, ayagoo og in ay Diintooda kasoo horjeedo. Mar wax laga weydiiyey madaxda sar sare ee Ururkii Talibanka sababta ay daroogada u dhoofiyaan, maadaama ay tahay ficil diinta Islaamka aad uga fog: Waxay ku jawaabeen,.. Anaga Daroogada ma isticmaalno ee waanu dhoofinaa, dadka Adeegsada ayey u taal arrinkaasi...iyo Nin gaajeysan waxaas kama fakaro. Iyo erayo kale oo lamid ah. Hadaba akhristoow waatan Warbixintii la xariirta Shabeelada Hoose ayadoo ku qoron Af-ingiriis:
  9. Kulankii ay maanta lahaayeen Xubanaha labada gole ee Muqdisho ku sugan oo ku soo gabagaboobay gacan ka hadal iyo fowdo Posted to the Web Oct 08, 17:57 Muqdisho:- (PP) – Kulan ay maanta ku yeesheen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa ku soo gabagaboobay fowdo dhalisay inay gacanta iskula tagaan Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Caddow. Kalankii maanta oo looga hadlayay qodobbo ay ka mid ahaayeen hubka la sheegay inuu Soomaaliya ka soo galay dalalka dariska ah sida: Ethiopia, Eritrea iyo Yemen ciddii ka dambeysan keenistiisa Soomaaliya, Imaanshiyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maamul u sameynta Gobolka Banaadir ayaa markii uu dhamaaday waxaa la isku khilaafay sidii saxaafadda loogu gudbin lahaa qodobbada ka soo baxay shirkaas, kaasoo keenay in gacanta ay isku tagaan Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Caddoow oo isku khilaafay qaabka loogu gudbinayo saxaafadda qodobbadii ka soo baxay kulankii maanta, arrintaas oo fowdo iyo buuq weyn dhalisay, isla markaana ay ka baxeen shirka qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan. Kulankii maanta ayaa waxaa ka soo qaybgalay 32-xubnood oo keliya iyadoo lagu arkayay hoteelka dhexdiisa xubno ka tirsan labada gole oo iyagu aan shirka ka qaybgalin iskana dhex fadhiyay hoteelka kuna dhex sheekeysanaya, halka kuwo kalena ay iska dhex joogeen aqallada ay ka daggan yihiin hoteelka. Kulankii maanta ayaa ahaa mid si weyn looga hadlay soo dhaweynta guddoomiyaha baarlamaanka oo la sheegay inuu ku sugan yahay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta iyadoo lagu wado maalinta Berri ah inuu gaaro magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halka maalita talaadada ahna lagu wado inuu yimaado magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in qodobbadii maanta laga dooday loo saaray guddiyo ka soo baaraan dega. Sidoo kale waxaa maanta hanajabaado iyo gacan ka hadal u geystay Saxafiyiintii ka soo qaybgalay kulankaas Xildhibaan Cabdalla Boos oo ugu hanjabay saxafi ka tirsan Idaacadda Banaadir ee Muqdisho inuu dilayo, halka Gabar ka socotay Idaacadda HornAfrik-na uu kala tuuray oo ay maradii ka dhacday. Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile) Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya contact us:webmaster@puntlandpost.com
  10. 5 technicals from one town Luuq is not bad.. Why play down the event? Its a good start 100 will become a 1000 and so on.
  11. DFKMG ah ee Somalia & Maamulka Puntland oo heshiis ku gaarey Magaalada Jawhar Jowhar- 07.October.2005 DFKMG ah ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland ayaa saaka heshiis rasmi ah ka gaarey arimihii labada dhinac ay isku khilaafeen ee ku aadanaa baarista iyo soo saarista macdanta. Heshiiskan ayaa wax yar uun oo la sheegay in ay raalli ku noqon doonto shirkadda Concort ka beddelaya heshiiskii iyo go'aankii dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ay la gashay shirkaddaas. Heshiiskan ayaa waxaa lagu gaarey kulan ballaaran oo maanta lagu qabtay magaalada Jawhar. Gabagabadii shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay maanta Ra'isulwasaaraha Soomaaliya, Prof Cali Maxamed Geeddi, waxa uuna sheegay in laga heshiiyay arrimihii ku saabsanaa qodista shidaalka gobolada Puntland ayna isla garteen labada dhinac in laga mideeyo aragtidooda si ay isku waafaqaan axdiga KMG ah iyo dastuurka maamulka goboleedka Puntland. Dhinaca dawladda federaalka Soomaaliyeed waxaa heshiiskan goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen, wasiirka dastuurka, Deerow, wasiirka dalxiiska, Maxamed Maxamuud Xayd, wasiirka xuquuqul insaanka iyo arrimaha bulshada, Xuseen Ceelaabe Faahiye, iyo wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka Badda, Xasan Abshir Faarax. Dhinaca Puntland, heshiiskan waxaa qalinka ku duugey, wasiirka diinta iyo awqaafta, Barkhad Cali Saalax, Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka, Cabdullaahi Cali Xirsi iyo mas'uuliyiin kale. Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi iyo madaxa wafdiga Puntland, Barkhad Cali Saalax, ayaa labaduba sheegay in shirkadda Concort ay hawsheeda ka waddan doonto Puntland, iyadoo wixii kale ah ee heshiisyo ah ee lala gelayo shirkado shisheeye markaasi sharci ahaan si wada jir ah dib loogu eegi doono. Axmed Xasan Mahad SBC Jawhar
  12. Warlords of Mogadishu and Tool Sharif are only a very small problem, least of the TFG worries..
  13. ^^^ Xoogsade I agreed with some of your comments above. The later part was forgetable, indeed the Pres and PM could do more in terms of Xamar, campaining and all. Yes they have along way to mastering the media. However nothing is perfect so lets try to mend things rather starting all over again.
  14. Ra’iisal Wasaare Geedi oo gudoomey Heshiiskii ay Wada Galeen Puntland iyo qar ka mid ah shirkadaha Shidaalka baara oo qoran October 1, 2005 -------------------------------------------------------------------------------- Qoraal ku saabsan wasiirkii uu maamul Goboleedka Puntland la galay shirkado baara shidaalka ayaa gacanta loo geliyey Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra’iisul wasaare Geeddi. Qoraalkan oo ay wadeen guddi ka kooban lix xubnood oo uu hoggaaminayey wasiirka Maaliyadda Puntland Max’ed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa qoraalkaas gacanta u geliyey C/laahi Yuusuf iyo Mr. Geeddi, waxaana arrintan shidaal baarista loo saaray guddi wasiiro ah oo uu ka mid yahay Cabdalla Deerow kana arrintaas. Xubnahan qoraalka gudoonsiiyay Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhowaan soo gaaray Magaalada Jowhar oo ah Xarunta dowlada federaalka kmg-ka Soomalaiyeed, iyada oo madaxweyne C/laahi Yuusuf uu kala dhex jiray labada dhinac. Maxamed Cali Maxamud (Madka) Xafiiska Markacadeey Marka xafiiskamuqdisho@hotmail.com
  15. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dib u furay Garoonka Diyaaradaha Jowhar kadib markii Sawirada xaflada [on "]www.midnimo.com] Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee ku yaala duleedka xarunta Gobolka Sh/dhexe una jira ilaa iyo 15-KM ayaa dib loo furay maanta markii lagu sameeyay dib u habeyn lagu balaariyay oo lagu kordhiyay awoodda uu isaga xajin karo diyaaradaha waaweyn,iyadoo Ganacsato Soomaaliyed howshaasi kaalin wanaagsan ka qaateen In muddo ah Garoonka waxaa ka socday howl dayactir iyo balaarin ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana xafladda dib loogu furayay ka qeyb galay madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal wasaare Geedi, Maxamed Dheere iyo xubnaha dowladda ee halkaas ku sugan. Ra’iisal wasaare Geedi ayaa sheegay in howsha laga qabtay garoonka Jowhar ay tahay mid horumar ah oo ka mida mashaariicda dalka horumarintiisa bilow u ah, wuxuuna u mahad celiyay intii gacanta ka geysatay dhismaha Garoonka iyo maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu furay garoonka Jowhar ee dib loo dayactiray ayaa sheegay in ay bilaabtay dib u dhiska dalka markii muddo burburin lagu jiray, wuxuuna sii raaciyay in garoonka ay hadda ku soo degi karaan diyaaradaha iyaga iyo xamuulkoodu gaari karaan 180 tan, howsha laga qabtayna ay tahay mid horumar ah. wuxuuna mahadcelin weyn u jeediyay Maxamed Dheere iyo maamulkiisa. Baabuurta ka qeyb qaadatay Dib u dhiska Garoonka Jowhar ayaa waxaa iska lahaa qaarkood Wasiirka howlaha Guud iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Cusmaan Caato,waxaana Garoonka qandaraas ku qaatay Nin Ganacsada ah oo lagu Magacabo Imaan. C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Midnimo googooye16@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
  16. Jawhar oo garoon caalami ah laga furay Jawhar - 01.October.2005 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta xarigga ka jaray garoon caalami ah oo laga hir geliyey magaalada Jawhar oo xarun u ah dawladda federaalka Soomaaliyeed iyo gobolka Shabeellaha Dhexe labadaba. Xafladdii uu xarigga kaga jaray madaxweynuhu garoonkan oo ah mid baaxaddiisu ay dhan tahay 3km ayaa waxaa uu amaan u jeediyey Injineerradii ka soo shaqeeyey ee hir geliyey iyo mawaadiniintii kale ee waddey mashruucan. Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxaa uu garoonka diyaaradaha ee ka hir galay magaalada Jawhar ku tilmaamay “Guul u soo hoyatey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanâ€. Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka markhaanti kacay sida ay ugu faraxsan yihiin hirgelinta garoonkan. Xafladdii xarigga lagaga jaray garoonkan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay qaar kamid ah dadweynaha gobolka Shabeellaha Dhexe. Axmed Xasan Mahad SBC Jawhar ...
  17. There is always two sides to every story. There was no election in SOOL SANAG and CAYN, while ethere where in Toghdeer, Waqoye Galbeed and Awdal.. Dont live in denail brother.
  18. ^^^ One can not deny that every nation is made up of segments whether regional or ethnic, Somalia is no difefrent... It was interesting, Taleex..
  19. Hitting the diverse Somaliland community Same can be said about the North West clan trying to create a wedge that undermines the diversity and commonality of the Somali race. If Somaliland is diverse imagine all the rest combined, would that not be wonderful brother Red Sea? As for the election.. It has not taken place in SOOL, SANAG and CAYN that speaks volumes for the fact that this community wants to be part of the diverse proud big Somali nation or Somaliweyn.
  20. ^^^ What is this tribal propoganda? How many tribes are in Somalia? Its laughable when people are trying to hide something they tend to justify things that dont make sense even to them. Somalia's current events are very important and as this is the POLITICS section, its important to gain a holistic approach of whats taking place right now in Somalia. SOL has given us opportunity to gain differung and at times competing and contradictory views, from SOMALIALND,M PUNTLAND, TFG, CIVIL GROUPS. etc, etc.. Latest news..
  21. Guddoomiyaha Gobolka Sool: “Doorashada Somaliland waa shirqool ka dhan ah...†Laas Caanood - 30.September.2005 Guddoomiyaha Gobolka Sool, Maxamed Cawad Baaruud ayaa manta ka hadlay doorashadii baarlamanka Somaliland ee maalintii shalay. Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in Puntand gaar ahaan gobolka Sool uu xidhay xudduudihiisa, ciidamada kala duwa ee dawladda Puntland-na ay heeggan sare galeen taas oo sababtay in aanay gobolkaas imaan sanaadiiqda doorashada Somaliland. Mr. Baaruud waxaa uu Doorashada Baarlamanka Somaliland ku tilmaamay maadays muddo dheer la daawanayey, kaas oo aan lahayn daawadayaal badanâ€, isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu waxaa uu yiri “Doorashadaasi waxay ahayd shirqool loogu tala galay in lagu waxyeelleeyo midnimada ummadda Soomaaliyeedâ€. Dhinaca kale, taliyaha ciidanka booliiska qaybta gobolka Sool, G/le Dhexe Cabdullaahi Maxamed Cabdi ayaa sheegay in gebi ahaanba maalintii shalay la xiray xudduudaha gobolka Sool, taas oo sababtay in aanay halkaas imaanin wax sanaadiiq doorasho ah. Maxamed Cali Faarax SBC Laas Caanood
  22. Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo beeniyey in laga codeeyey gobolka Badhan-30.September.2005 Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Maxamuud Siciid Nuur ayaa warsaxafadeed uu saaka ku qabtay magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ku beeniyey in wax sanaadiiq ah oo ka yimid dhinaca maamulka Hargeysa ay soo gaareen deegaannada Puntland. Guddoomiyuhu waxaa uu wax kama jiraan ka soo qaaday hadal shalay ay sii daayeen qaar kamid ah masuu’iyiinta maamulka Somaliland kuwaas oo sheegay in 15 goobood oo ku yaalla Sanaag Bari looga codeeyey doorashada baarlamanka Somaliland ee maalintii shalay. Maxamuud Siciid Nuur, waxaa uu Idaacadda SBC u sheegay in ciidamada daraawiishta Puntland iyo mas’uuliyiintooduba ay si weyn uga hor tageen in ay Puntland soo gaaraan sanaadiiqda maamulka magaalada Hargeysa, arrintaasna si weyn loogu guuleystey. Mar uu ka hadlayey dhinaca amaanka waxaa uu sheegay in gobolka Sanaag uu amnigiisu sugan yahay, maalinta sabtida ah ee berritona magaalada Badhan ay ka bilaabanayso soo xulidda xubnaha golaha deegaanka degmadaas. Cawli Nadiif Suldaan SBC Badhan.
  23. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo si weyn loogu soo dhoweeyay maanta magaalada London. September 30, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Ridwaan Xaaji Cabdiweli. HornAfrik. London, U.K. Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka kasoo dagey garoonka caalamiga ah ee Heathrow ee ku yaala Magaalada London, isagoo ka yimid socdaalo uu kusoo kala bixiyay dalalka Mareykanka iyo Canada, oo maalmahan uu kula kulmayey mas'uuliyiin iyo Soomaalida ku nool dalalkaasi. Socdaalka Shariifka waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey London Soomaali aad u fara badan iyo xubnaha Ururka Somali Concern Group, oo ay kamid yihiin guddoomiyaha ururkaasi Eng. Yariisoow iyo xoghayaha guud ee ururkaasi Cabdulaahi “Taleefanâ€. Shariifka waxaa socdaal kiisa ku wehelinayey wafdi uu kamid yahay xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi, waxaa kaloo iyana la sugayaa iney isla London soo gaaraan qaar kamid ah wafdigii horey usii raacey Shariifka, oo wafdiga guddoomiyaha aan la soconin maanta. Mar aan khadka taleefanka kula xiriirey Shariif Xasan mudada ay joogayaan magaalada ayaa waxaa uu ii sheegay iney u qorshaysan tahay ilaa maalinta talaadada ah iney joogayaan London, isla markaana ay la kulmi doonaan mudadaasi siyaasiyiin ajnabi iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool London. Horey waxaa magaalada London usii joogey xildhibaanada kala ah Md. Maxamed Xassan Daryeel, Md. Sakariye Maxamud Xaji Cabdi iyo Mustafe Sheekh “Cali Dhuxulowâ€. Waxa sidoo kale ku sugan magaalada London xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf.
  24. I guess Juma and Olol are busy welcoming the Speaker to our humble city of London.. Welcome Mr Speaker feel right at home. Shariifka oo si diiran loogu soo dhoweeyay London. Posted on Thursday, September 29 @ 17:01:48 PDT by editor waxaa Saacdu Markii ay ahayd 6:20 soo Gaaray magaalada London Wafdigii Gudoomiyah oo uu ka mid yahay Xildhibaan cabi Raxmaan Ibi Waxaa Saacadu Markii ay ahayd 6:20 Am (Subaxdii) Waqtiga London ka soo Dagay Garoonka Caalamiga ah Ee Hethrow Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Shariif Xasan Sh.Aadan Iyo Wafdigii La socday oo Dhamaantood ku Faraxsanaa Imaanshaha Magaalada London Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif xasan Sh.Aadan Iyo Wafdigii La socday ayaa waxa ay Dhamaantood Gacmo Qaadeen Dadkii ka soo qayb Galay Soo Dhawaynta Wafdiga oo aad u badnaa Dad aa u badan ayaa waxa ay soo Dhaweeyeen Wafdiga Gudoomiyaha oo Markaas ka Muuqatay Daal Fara badan , waxaana Loo qaaday Wafdigii Hotelkii loogu Talaa galay Shariif Xasan ayaa waxa uu qaban Doonaa Kulamo Aad u balaaran oo ay ka soo qayb Galayaan Dhamaan Jaaliyada UK ku nool oo uu uuga war bixin doono Safaradii uu ku soo Maray Canada Iyo USA Wafdiga ayaa waxaa Wax ka soo Dhaweeyay Madaxda Ururka SCG Iyo Xildhibaano uu ka mid yahya Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf , Xildhibaan Mustaf Dhuxulow , Zakariya Xaaji Iyo Dad Aad u Tira Badan Maalmah Sabtida Iyo Axada ayaa waxaa La qaban doonaa Shirar aad u balaaran oo ay ka hadli Doonaan Shariif Xasan Iyo Xildhibaanad La socada Hadaba kala socda Waxii ka soo kordha Wafdiga Shabakada Onkod Iyo Dayniile Tafatiraha Onkod London