
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Shirkii Balcad oo qorshuhu ahaa in lagu dhiso Isbahaysi oo ku soo ururay Xaflad Qado sharaf ah Posted to the Web Sep 24, 17:08 Muqdisho:- (PP) - Maanta ayaa waxaa wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka KMG-ka ah Muuse Suudi Yalaxow isla markaana ay taageerayaashiisu ku sugan yihiin Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta Xildhibaannada labada gole ee Dowladda ee ku sugan Muqdisho ugu qaybshay Waqado kaddib markii uu u dhammaaday shir ay ku yeesheen Hotel Saxafi warqado lagu casuumayo, kuwaasoo ay uga qaybgalayaan xaflad Qado Sharaf ah oo uu ku sameynayo halkaas Muuse Suudi Yalaxow sida uu sheegay. Iyadoo la filayay in Balcad lagu qabto shir lagu dhiso isbahaysi lagu xoojinayo kii dhawaan lagu soo dhisay Baraawe ayaa wuxuu ka badin waayay Qado Sharaf, waxaana uu sheegay mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Balcad in Balcad lagu casuumayo oo keliya xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho, aysanna iyagu doonayn in halkaas uu ka dhasho dagaal, wuxuuna mas’uulkaas oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Gudbaaye uu sidoo kale sheegay in iyagu dhankooda aysan wadan dagaal aysanna ka filanayn dhanka Jowhar dagaal oo ay yihiin dad walaalo ah. Xafladdaan Qadada ah ayuu Muuse Suudi ku sheegay mid lagu soo dhaweynayo Wasiirka Dib u dejinta iyo dib u dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo uu sheegay inay dhawaan yimaadeen magaalada Muqdisho ayna xafladdaan la mid tahay tii dhawaan loogu qabtay Deegaanka Dayniile labada mas’uul. Lama sheegin in cid kale ay ka qaybgeli doonto Qadadaas balse Puntlandpost ayaa isku dayday inay ogaato inay jirto cid kale oo ka qaybgalaysa iyo in kale, waxaana noosoo baxday in qadadaas ay sidoo kale tegi doonaan Berrito Yuusuf Indho-dadde oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Gen. Max’ed Siciid Xirsi (Morgan) iyo xubno kale oo aan ku jirin labada gole ee Dowladda. Xafladdaan qadada ah ayaa u muuqata mid aan wax dhibaato ah dabada ku wada sida laga dheehan karay hadalka Wasiirka Ganacsiga oo isagu sheegay inuusan la dagaalsanayn cida jirta Jowhar iyo cid meel kale joogta intaba, wuxuuna sheegay in xubnaha ku sugan Jowhar ay yihiin dad walaalo ah. Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile) Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya contact us:webmaster@puntlandpost.com
-
^^^ You can question my motives till you are black and blue. Howver my ppoint is that the government is and Insha Allah will get better and stronger. Yes the warlords ahve sucked Somalia dry, thats why they and the clan courts are trying to create ne alliances, and find a new reason to exist in order to keep sucking the people dry.... Jowhar the new capital is a hope for all Somali's and it is not far from Mogadishu city, the governemtn has to take steps to bring Mogadishu without loss of lives and property under its control. No need ofr emotion, just a campaign on your "saintly" selves to remove the road blocks both real and illusionary in order to bring peace to our beloved and beautiful country...
-
Col. Barre Aden Shire Hiiraale a traitor???
General Duke replied to Yoonis_Cadue's topic in Politics
^^^ lol@Horn. Brother your central point is Hiiraale, ok I will give you credit, yet I never changed my mind on Hiiraale, he is a member of an alliance of two clans and as nothing is 50/50 my own conclusion is and has been that his clan are the juniour players in the alliance. Hence the meetings being held in barava and not Gedo, hence the prsence of the other clan in Kimsayu and not visa versa in marka. Nothing emotive about the truth. Second Hiiraale is now a minister of the republic he has gone a step up, he has sworn an oath as an MP and as a member of the cabinet, so why does he bring himself down to the level of Inda cade and Dahir aweys who are clan faction leaders against his governement?????? Never mind, you always refuse to analyse the situation... -
Bayaan Ku: Mudane Muuse Suudi Yalaxow Wasiirka Ganacsiga Ku: Mudane Maxamed Qanyare Afrax Wasiirka Amniga Qaranka Ku: Mudanae Barre Aden Shire Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Ku: Mudane Cisman Xasan Cali Caato wasiirka Hawlaha guud Ku: Mudane Cumar Maxamed Filish Wasiirka Awqaafta Ku: Mudane Bootaan Ciise Calim Wasirka Dhaqan celinta Ku: Mudane Maxamed Ibrahim Xaabsade- Xildhibaan Ku: Sheekh Yusuf Indhacadde Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed Og: Wasiirka Koowaad ee Jamhuuriyada Mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi Og: Guddoomiyaha Baarlamanka FKMG Shariif Xasan Sheekh Aden Og: Dhammaan Beelaha Soomaaliyeed ee aan dhaqan iyo dhalasho wadaagno Ujeeddo: Bayaan iyo Digniin ka dhan ah shirka Balcad la sheegay in lagu qabanayo Hadddii aannu nahay Beesha (qabiil) waxaan intii muddo ahba ka dhursugeynay in la helo qaran Soomaliyeed oo difaaci kara danaha ummadda guud ahaan, gaar ahaanna inta dulman isla markaana keni kara kala dambeyn lagu kala badbaado. Waxaan aaminsaneyn in ay beeluhu wada noolaan karaan haddii ay ku dhaqmaayaan is-qaddarin, wada shaqeeyn iyo wada noolaansho ku dhisan sinnaan caddaalad iyo kala dambeyn. Nasiib darro, dadku mawada arkin ilbaxnimada qadiimka ah ee ay beeshu hiddo iyo dhaqanka u leedahay taasoo aad ka dhadhansan karto naaneysteeda quraxda badan ee ah “MATAAN IYO MUGGIISâ€. Magacaas taariikhiga ah waxay beeshu ku kasbatay dhaqan wanaageeda iyo martigelinta iyo maamuuska dadka soo muta maganteeda oo ku saleysan diinteenna xaniifka ah. Inkastoo aysan taariikhdu waxba ka tegi doonin, waxay beeshu dareentay in la soo garay xelli ay beeshu difaacdo danaheeda, dadkeeda, iyo deegaankeedaba taasoo ah waajib dadnimo iyo diiniba ah. Ma ogolaan karro gardarro, quursi iyo wixi la mida mana rabno inaan ridno xabbaddii ugu horreysay ee dhalisa dagaal si run ah faraha looga gudbto haddiiba laga maarmi karo ee waxaan rabnaa in uu garaadku taliyo lana garto xuquuqda iyo karaamada ay beeshu leedahay lana ammaan geliyo. Haddaba waxaan mudanayaasha Beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed u sheeegeynaa in aan sharaf iyo qiimeyn u haayno dhammaantood oo aanaanna jecleyn in aanan iska hor imaanno. Sidaas darted waxaan ka digeeynaa: · In Balcad lagu qabto shirka la shaaciyay uu horseedka ka yahay Mudane Muuse Suudi Yalaxow. · In mudanayaasha sharafta leh ee Beelaha kale aan khater la gelin. · In beelaha ay mudanayaashaan ka soo jeedaan ay gartaan halka aan ka · taaganay shirkan. · In beelaha Somaliyeed ay ogaadaan in ay noo simman yihiin oo aysan jirin beel ay colaad gaar ahi naga dhaxeeyso. · Inaanan mas uul ka noqoneeynin wixi ka yimaada oo dhibaato ah. Waxaan si buuxda u caddeyneynaa: Inaan aaminsanahay in nidaam iyo dawlad loo baahan yahay, wax kastana lagu dhammeeyn karo wada hadal laguna wada noolaan karo is ixtiraam, wada shaqeeyn, sinnaan iyo caddaalad. Ugu dambeyntii waxaan Mudane Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow u sheegeynaa in uu isaga mas’uuliyadeeda leeyahay dhibaatadii halkaa ka bilaabata oo runtii noqon karta mid aan baaxaddeeda la maleysan karin. Beesha maaaha beel ku degdegta dagaal, hasa yeshee kama waaban karto dhibaato ku soo fuul leh mushatamaceeda, sidaas ayaana ka rajeyneynaa in uu nala fahmo Xaaji Muuse. Waxaana ka rajeyneynaa in uu si fiican uga fiirsado, haddiise ay wax ka khaldameen uu si daacadnimo, walaaltinimo, iyo ehelnimo leh uu u xalliyo isagoo moogeyn inaan nahay dad wada dhashay oo ul iyo diirkeed ah. Bayaankaan wuxuu daba joogaa bayaankii Jawhar ka soo baxay. _______________ Generalka, please, no explicit qabiil names. [ September 25, 2005, 01:43: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah xildhibaanada oo ugu baaqay bulshada Muqdisho inay ka banaan baxaan kuwa mudada 15-ka sanno diidan nabad ka dhalata Soomaaliya. September 24, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxmaud Xasan Cali Cadde Gaabow ayaa ugu baaqay bulshada magaalada Muqdisho inay ka banaan baxaan waxa ay ugu yeereen kuwa mudada 15-ka sanno hortaagnaa nabad ka dhalata dalka Soomaaliya. Hadalkan ayey ka sheegeen mas’uuliyintan kulan ay maanta ku yeesheen hoteelka Ramadaan oo ay ka soo qeybgaleen xildhibaano ay ka mid ahaayeen C/laahi Geeddi Shadoor, Cabdulaahi Afrax, Hilowle Imaan Cumar, waxgarad iyo nabadoono kale iyo weliba guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Gaabow. Guudoomiyaha ayaa kulankaas ka sheegay in weli ay dalka joogaan dad aan ogoleyn in dalka uu ka baxo xasilooni darada ka jirta mudada 15-ka sanno ah iyadoo Guddoomiayah gobolka Banadir Maxamuud Xasan Cadde Gaabow uu ugu baaqay dadka ku dhaqan gobolka Banadir inay banaanbax ka dhigan kana hortagaan dadka diidan dowladnimada iyo nabad ka dhalata dalka. Sidoo kale mas’uliyiintii kulankaas ka hadalay ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan Hilowle Imaan Cumar oo sheegay inay qalad aheyd wareysigii uu shalay siiyey HornAfrik wasiirka amniga Qaranka Maxamed Qanyare kaas oo ahaa in hey’adaha Qaramada Midoobay ay isaga baxaan magaalada Jowhar. Sidoo kale mas’uuliyiinta wax ay ku tilmaameen kulanka lagu wado inuu ka dhaco berri degmada Balcad mid aan xiligan la garaneyn waxa uu ku soo kordhin kara xaaladda ka jirta dalka. Dhinaca kale siyaasiin iyo aqoonyahno ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ku sheegay kulanka ka dhacay hotel Ramadaan mid aan sharci aheyn. Cabdulaahi Sh. Xasan oo ka mid ah siyaasiintaas ayaa sheegay inay lama huraan tahay u hogaansamida Axdiga KMG ah ee lagu soo dhisay dowladda fedraalka Soomaaliya. --------------------------------------------------------------------------------
-
^^^ When I get a eaction like that. It makes my job worth while. At least Somalilandesr are getting to know exotic locations like Jowhar, Xuddur, Balcad names like, Geedi, Qaynyare, Jurrile, Mayow Tasiyow, Cade Gabowe. While keeping an eye on the progress of familiar folks like, Suudi Yallaxow, Morgan, Presidnet Yusuf YEY... I see it more like educating rather than propoganda alone..
-
Sheikh Max'ed Rabiic passed away | Alle Haa Uu Naxariisto
General Duke replied to Sky's topic in Politics
Alaya raxma, may Allah give him mercy and his family strength... -
Sheikh Max'ed Rabiic passed away | Alle Haa Uu Naxariisto
General Duke replied to Sky's topic in Politics
Alaya raxma, may Allah give him mercy and his family strength... -
Sheikh Max'ed Rabiic passed away | Alle Haa Uu Naxariisto
General Duke replied to Sky's topic in Politics
Alaya raxma, may Allah give him mercy and his family strength... -
^^^ I think both you guys are jesting. Somaliland's war on terror is an internal issue and one which we hope does not effect the stability of the area. However no one from Bossaso or Xamar was involved unless there is proof. What is reported so far makes no sense other than a small gun battle being turned into a Tora Bora incident..
-
Muqdisho:Wasiiru dawlaha Dekedaha DFKGS oo sheegay in Dekedda wayn ee Muqdisho ay irdaha u furi doonaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya. - Saturday, September 24, 2005 at 16:04 Muqdisho(AllPuntland)- Wasiiru dawlaha Dekedaha DFKGS Md: Maxamed Jaamac Maxamed (Furux) ayaa sheegay in furidda dekedda wayn ee magaalada Muqdisho ay u hawlgalayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Md: Furux oo saxaafadda u waramayay ayaa sheegay in dhowr goor la isku dayay in la furo dekedda magaalada Muqdisho hase ahaatee sababo kala duwan ay suuro galin waayeen inay si rasmi ah u shaqasyo. Wuxuu xusay Md: Furux in hawshaasi ay qabanayso dawladda Fedderaalka ah ayadoo adeegsanaysa Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed . Mar wax laga waydiiyay qaabka loo furayo dekedda Muqdisho oo xirnayd muddo 14sano ah ayuu sheegay in dawladdu ay isku dayi doonto qaab walba oo suurto galin kara in dekeddaasi lafuro. Wuxuu xusay in dekedda magaalada Muqdisho ay tahay isha ugu wayn uu dawladda kasoo gali doono dhaqaalaha ugu badan sidaasi daraadeedna ay muhiimad gaar ah siin doonto inay dekeddu hawl gasho. Md: Furuxu waxaa wax laga waydiiyay sida ay suurto gal ku noqon karto madaxwaynihii iyo raysulwasaarihii oo magaalada Muqdisho kamaqan in lafuro dekedda wuxuu sheegay in xafiisyadii madaxwaynaha iyo raysulwasaaraha Soomaaliya labadaba in haatan ay yihiin kuwo diyaar ah oo sugaya inay yimaadaan masuuliyiintaasi. Wuxuu kaloo sheegay in marka ay yimaadaan masuuliyiintaasi magaalada Muqdisho la kala ogaan doono cidda diiddan nabadda dalka Soomaaliya. Md: Furux wuxuu kamid ahaa wasiiradii goostay inay magaalada Muqdisho tagaan xilligii ay dawladdu usoo guuraysay magaalada Jowhar , wuxuuse haatan u muuqdaa inuu tanaasulaad kasameeyay mawqifkii uu ku dhaganaa. CCC Farayaamo AllPuntland
-
Xildhibaan Hilowle Iimaan Cumar: "Maxamed Qanyare waa nin qaa’in ah oo mudan in la ciqaabo" Posted to the Web Sep 24, 16:52 Jowhar:- (PP) - Shir ay isugu yimaadeen Waxgaradka, Cuqaasha, Maamulka Gobolka Banaadir ee uu madaxda ka yahay Cadde Gaaboow, Xildhibaanno iyo waxgarad kale loogana hadlayay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax ayaa maanta waxaa lagu qabtay Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdsiho. Kulankaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay xildhibaanno uu ka mid ahaa Hilowle Iimaan Cumar, wuxuuna halkaas ka jeediyay hadal aad xasaasi u ahaa kaasoo uu kaga horjeeday hadalkii shalay uu sheegay Maxamed Qanyare Afrax ee ahaa in Magaalada Balcad lagu qabanayo shir isla markaana Jowhar ay tahay meel laga abaabulayo dagaallo sokeeye. "Maxamed Qanyare waa qaa’in mudan in la ciqaabo" ayuu yiri Hilowle Iimaan Cumar oo ka mid ah xildhibaannada ay isku fikirka yihiin kuwa Muqdisho ku sugan wuxuuna intaas ku daray: "Dadka uu rabo Maxamed Qanyare inuu isku diro waa dad walaalo ah,aan la isku diri karin, isla markaana aan is dilayn, Maxamed Qanyarena shaqo kuma lahan Balcad iyo shir lagu qabanayo toona". Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor oo sheegay in hadalka ka soo yeeray Maxamed Qanyare uu yahay mid uu ku fududaaday, uusanan shaqo ku lahayn shir lagu qabanayo Balcad iyo mid aan lagu qabanayn intaba. "Hadalka uu jeediyay Maxamed Qanyare annaga iska dhaafe waxaa aad ula yaabay dadweynaha Soomaaliyeed, waayo wuxuu hadalkaas ahaa mid aan ka soo yeerin ruux aan xil kas ahayn". Ayuu yiri C/llaahi Geeddi Shadoor. Sidoo kale waxaa ka hadlay kulankaas Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow) oo sheegay in Maxamed Qanyare ay ku filan tahay wixii ay halkaan ka yiraahdeen mas’uuliyiintii iga horreysay. Xildhibaan Hilowle Iimaan Cumar ayaa sidoo kale yiri: "Maxamed Qanyare waa qaa’in qiyaanay dowladii uu ka helay jagada aadka u wanaagsan ee ah Amniga Qaranka". Hadalladaan ayaa waxay gun u ahaayeen sida looga soo horjeeday hadalkii uu shalay ka jeediyay Maxamed Qanyare mid ka mid ah idaacadaha ka jira Muqdisho. Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile) Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya contact us:webmaster@puntlandpost.com
-
More troops arrive in Jowhar...+ PM Geedi visit
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
especially ppl like Gen duke whom many would percieve him to be the nomads informal ambasador for the somali TFG Jowhar function. I like the honour that you so kindly have bestowed upon my humble self. However why waste the whole page with nonsence individual opinion, speciallyone from dayniile.com?? The joke of the day is all the so called warlords who are full of anger yet have been impotent to do anything. They rant and rave, they talk of splits, of factions and not functions. They talk of "Amxaro" while avoiding at all cost their own evil. Like I have always said and backed up with proof, the government is working, it is in Jowhar, it has the support of majority of the people. Who is daydreaming, the men of raodblcoks, the ones who pay their millitias in Qad. The ones who have made the beautiful capital into a third rate slum? Or the government elected and supported by the world?????????????? -
^^^ You have some hot air. Ethiopia is not needed and never was but will remail like the rest of IGAD and the Arab league an important ally for the Somali government. As for the government soon it will have enough soldiers and guns to brung down any so called big boy in Mogadishu and elsewhere. Jowhar today, remeber ts only an hour to centre of Xamar..
-
Col. Barre Aden Shire Hiiraale a traitor???
General Duke replied to Yoonis_Cadue's topic in Politics
lol, it seems you dont read these sites much. Puntlandpost used to criticise Abdullahi when he fought Jama, Hiiraale wehen he fought Morgan, but thats the past. They dont make a habit of praising and insulting on the same 24 hour time period.. Here is one example of the weekness of the whole warlord/Mogadishu media... Ver emotional.. Barre Hiiraale oo heshiis qarsoodi ah lagu tuhmayo. Posted on Thursday, September 22 @ 15:28:49 PDT by editor Col. Barre Aden Shire Hiiraale oo ah Qabqable dagaal oo xoog ku haysta Kismaayo isla markaana haatan u xuubsiibtay Wasiir ayaa warar hoose waxaa ay sheegayaan in uu heshiis qarsoodi ah kula jiro Cabdulaahi Yusuf Axmed kaasi oo lagu micneeyay Khiyaano lagu bur burinayo Dadaalka ka socda Muqdisho ee Soo celinta amaanka iyo kala danbaynta. Hiiraale ayaa isagu beeniyay in ay wax ka jiraan Wararkaasi hase yeeshee waxaa warar xogogaal ah oo ku sugan Muqdisho ay noo sheegeen in dantiisa ay tahay sidii loo curyaamin lahaa dadaalada socda isla markaana loo wiiqo Siyaasadda Maleeshiyo xareenta oo mar kale lagu mashquuliyo Isbahaysi. Waxaa kaloo Khiyaanadan cusub qayb ka ah Hogaamiyayaal labo Wajiilayaal ah oo iyana ku sugan Magaalada Muqdisho oo Wakiilo u ah Cabdulaahi Yuusufka Xayraansan ee Jowharaysanaya. -
Col. Barre Aden Shire Hiiraale a traitor???
General Duke replied to Yoonis_Cadue's topic in Politics
^^^ was that a critical argument against Hiirale? Come on now... Anyhow its good to be objective... -
More troops arrive in Jowhar...+ PM Geedi visit
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ra’iisul Wasaare Cali M. Geeddi oo la filayo inuu berri Muqdisho u kicitimo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Max’ed Geeddi ayaa la filayaa in maalinta Berri ah u kicitimo Magaalada Muqdisho. Safarka Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa la sheegay inuu la xiriiro arimo badan oo uu doonayo in magaalada Muqdisho uu uga qabsoomo,iyadoo tan ugu weyn ee aaditaankiisa Muqdisho ay tahay sidii Xafiiskiisa Cusub ee Magaalada Muqdisho u fariisan lahaa iyo kulan uu doonayo inuu isugu yeero Golaha Wasiirada. Geeddi ayaa ajantahiisa ugu weyn ay tahay in kulanka Golaha Wasiirada ee uu doonayo inuu Muqdisho isugu yeero uu beesha Caalamka u tuso in wax khilaaf ah ku dhex jirin Xubanha Labada Gole ee iyagu xaga fikirka ah isku maandhaafsan. Warar aanu ka helnay iloo ku dhow dhow Prof. Geeddi ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka Berrii muqdisho ku tagi doono ay ku wehlin doonaan qaar ka tirsan Golahiisa Wasiirada ah. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Prof. Geeddi taasoo ay si wada jir ah ay u wadeen qaban qaabadaas Ra’iisul Wasaare K/xigeenka Ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Ceydiidi, Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Cadde iyo xubno kale,Xuseen Ceydiid ayaa isagu hore u sheegay in Ra’iisul Wasaare Geeddi lasoo dhoweeyo imaatinkiisa Magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaan la ogeyn in safarkiisa Muqdisho ku tagayo ay noqoneyso mid Diyaarada uu ugu kcitimayo iyo in safarka dhulka ay tahayba. C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Midnimo googooye16@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com -
More troops arrive in Jowhar...+ PM Geedi visit
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cali oo magacaabay ku xigeennada taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida iyo ciidammo hor leh oo soo gaaray Jowhar Posted to the Web Sep 23, 10:17 Jowhar:- (PP) - Wasiirka Gaashaandhigga dowladda federaalka KMG-ka ah C/raxmaan Maxamed Cali ayaa magacaabay ku xigeennada ciidammada Qalabka sida ee dowladd federaalka KMG-ka ah, waxaana xubinihii uu magacaabay ay kala ahaayeen sidan hoos ku qoran: G/sare Axmed Cabdulle Xeyf ku xigeenka Abaanduulaha guud ee xoogga dalka ee arrimha howlgalinta. G/sare Cabdi Mahdi Cabdisalaan ku xigeenka Abaanduulaha guud ee xoogga dalka ee arrimha Saadka. G/sare Axmed Cumar Cismaan ku xigeenka Abaanduulaha ee xoogga dalka ee arrimaha tiknikada iyo G/sare Injineer Cabdirisaaq Axmed Cali ku xigeenka Abaanduulaha guud ee xoogga dalka ee arrimaha ciidanka. Dhanka kale ciidammo kale oo ka yimid gobolka Bakool ayaa waxay soo gaareen magaalada Jowhar iyagoo ku biiraya ciidammda kale ee ku xareysan Deegaanka Congo oo uu hadda tababarku uga socdo, ciidammadaan ayaa gaaraya 200-askari watana in ku dhow 12-tikniko ah, waxayna horay tababar ugu soo qaateen deegaanno ka tirsan gobolka Bakool ee Galbeedka Soomaaliya. Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile) Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya contact us:webmaster@puntlandpost.com -
Ciidamo gaaraya ilaa 400 oo ka yimid Bakool oo maanta Tababar si rasmi ah ugu Bilowday Xerada Congo ee Magaalada Jowhar Habeenkii Xalay ayaa waxaa magaalada Jowhar soo gaaray Ciidamo ka yimid Gobolka Bakool kuwaas oo gaaraya ilaa 400 oo ciidan. Ciidamadan xalay saqdii dhexe soo gaaray Jowhar ayaa la sheegay in Saakay ay ka mid noqdeen Ciidamadii tababarka mudadan uga socday Xerada Congo ee Duleedka Mgaaalada Jowhar. Ciidamada ku sugan Xerada Congo ayaa lagu qiyaasaya in ay kor u dhaafayaan ilaa 5000 kuwaasoo isugu jira Ciidamadii ka kala yimid Puntland,Hiiraan iyo qaar ka tirsan Gobolada Dhexe iyadoo ay habeenkii xalay ahaana ay soo gaareen Ciidamo hor leh kuwaasoo ka yimi Bakool. Ciidamadan ku sugan Magaalada Jowhar ayaa la sheegaa in ay yihiin Ciidamo qaran,hadana Xubanaha Labada Gole ee ku sugan Muqdishona waxa y yiraahdaan in ay Yihiin Ciidamada Jowhar jooga kuwa uu Madaxweyne C/llaahi Yuusf uu doonayo inuu ku soo weeraro Magaalada Muqdisho,sida ay hadalka u dhigeen,qaar ka tirsan Wasiirada Hubeysan ee Jooga Muqdisho ayaa iyagu siyaabo badan ku tilmaamay arimaha Ciidamada ee lagu uruurinayo Magaalada Jowhar. C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Midnimo googooye16@hotmail.com Midnimo Information Center wararka@midnimo.com
-
Nice pics, noo beautiful pics. Many thanks and post more..
-
Col. Barre Aden Shire Hiiraale a traitor???
General Duke replied to Yoonis_Cadue's topic in Politics
Whats this both siede you talk about? The Puntland media and other pro government media have not croticed Barre Hiiraale, they objected to the Brava conference, taking into account the feelins of the people of the region. As for the warlord/Mogadishu media. They have been praising Barre, when he came. Yet when he spoke logic they turned on him and claimed that he is a spy. I applaud his good sense lately, as I have previously stated. But the Barava conference left a bad taste in the mouth... -
Juma, I also hope that PM Geeid visit to Mogadishu will change the mind of the warlords that peace is in their own best interest as well as the larger population. Jowhar is in the hands of the TFG, it has its own administration, just like say Nugaal or Hiiraan, and like the two above mentioned regions it recognises the authority of the TFG. The issue of control is central to the Mogadishu dilema, of 100 factions and sub factions. Without a trong security forces then there is no point of rushing there. As they say Rome was not built in a day.
-
Col. Barre Aden Shire Hiiraale a traitor???
General Duke replied to Yoonis_Cadue's topic in Politics
^^^ Not that I am a fan of the guy, but daynile and their master must think he is a tool that can be praised one sec then insulted the nex... The only thing I have against him is the Barava trip. It was unnecessery for him, but we dont have all the information... -
Historic : President Yusuf @ the UN ...full pics SOL...
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^ lol @ that but the old man does look good.. -
^^^ Good analysis of what the donors might want. Howver the illusion of two equal faction vying for power is already on the way out. The situation is fluid, many of te MP's and ministers in Mogadishu are already working with Hussain Aydeed and Cade Gabow. .......... Shirkii Xubnaha Baarlamaanka ee ka socday Hotel Saxafi oo lagu kala dareeray. Posted to the Web Sep 22, 20:48 Muqdisho:-Xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan aan caadi aheyn uga furmay Hotel Saxafi,qodobada kulankaan looga hadlayey,ayaa waxaa soo diyaariyey Gudi farsamo oo loo xilsaaray inay soo saxaan qaar ka mid ah Qodobadii 9-ka koobnaa oo loo arkay in ay ka abuuri karaan Magaalada Muqdisho xasarad iyo fawdo,hadaba dood dheer iyo muran ka dib waxay Gudigii farsamada soo jeediyeen in ay ka saareen Qodobada mid ka mid ah. Qodobka laga saaray oo aan helnay Nuqul ka mid ah ayaa wuxuu u qornaa sidatan: 1- Maxaa laga yeelayaa arrinta Jowhar oo si sharci daro ah loo degay? Ciidamado Itoobiyan ahna ay ku sugan yihiin?. Wararka naga soo gaaraya goobta shirku ka socday ayaa xaqiijinaya in sawahan iyo buuq fara badan laga maqlayey Hoolka shirarka ka socday, saacad ka dibna waxaa soo baxay Xubnihii Xildhibaanada iyadoo ay diideen in ay saxaafada u waraamaan. Hadaba baaritaan dheer oo aan sameynay ayaan ku ogaanay in shirkii uu ku dhamaaday iyadoo aan laysla meel dhigin Qodobadii 9-ka ahaa oo asbuucii hore ay bilaabmeen sidii looga doodi lahaa.Maadaama aan gacanta ku heyno sidii aan u heli laheyn xog rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay in loogu kala dareero shirka,ayaan isku dayi doonaa in aan idiin soo diyaarino warbixin faah-faahsan oo ku saabsan waxa kalifay in uu fashil ku dhamaado kulankii maanta ee looga hadlayey Qodobadii 9-ka ahaa ee ay soo diyaariyeen Gudigii farsamo ee loo xilsaaray. Wixii ku soo kordho dhacdadan kala soco Warsidaha Puntlandpost.com. Xuseen Yaasiin Gode-Gode contact us:webmaster@puntlandpost.com