
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Hiiraale motion passes: MP's come back to earth
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xubnaha labada gole ee Muqdisho jooga oo tanaasulay iyo maxaa sababay tanaasulka wakhtigan? Muqdisho:- Xubnaha kamid ah Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay Tanaasuleen. Shir maanta ka dhacay Hotel Saxafi ayey isugu yimaadeen Xildhibaanada iyo Wasiirada ku sugan Muqdisho oo ayagu kasoo horjeestay Xukuumada fadhigeedu yahay magaalada Jowhar. Shirkan ayey ku sugnaayeen Wasiirada Hubeysan ee ayagu horey u diiday in ay wax wadahadal ah la galaan xukuumada ay hogaamiyaan Raysalwasaare Geedi iyo Madaxweynaha C/laahi Yusuf. Shirkii maanta ka dhacay Hotel Saxafi ayuu Guddoonkiisa lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh. Shirkan ayaa lagu soo bandhigay sidii laga yeeli lahaa waan waan uu wado Col.Bare Hiiraale (Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta) oo asagu ku casumay xubnaha Muqdisho shir wadahadal ah oo ka dhacaya magaalada Kismaayo. Arrintan ayey markii horey kasoo horjeesteen Wasiirada Hubeysan oo ay ugu horeeyaan Maxamed Qanyare Afrax (Wasiirka Amniga) iyo Muuse Suudi Yalaxow (Wasiirka Ganacsiga). Wasiiradan ayaa maanta markale ka codsaday xubnaha Muqdisho ku sugan in aysan soo dhaweyn wax wadahadal ah oo lala yeesho dhinaca Jowhar. Balse arrintan ayey si weyn uga horyimaadeen inta badan Xildhibaanada hada ku sugan magaalada Muqdisho oo ayagu sheegay in khilaafkan sii dheeraaday, isla markaana hada kahor ay wasiirada hubeysan ee Muqdisho ay sidan oo kale isku hortaageen qorshe noocaan ah. Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in diidmadii hore ay dhalisay kala jab ku yimaada xubnaha ku sugan magaalada Muqdisho, ayadoo ay qaar badan oo kamid ah uu baxeen dhinaca Jowhar. Xubnahaasi u goostay dhanka Jowhar oo uu kamid ahaa Guddoomiyaha kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Md.Cismaan Cilmi Boqore, ayey xildhibaanada hada Muqdisho ku sugan sheegeen in ay tahay mid ka timid dhega adeyga iyo macangagnimada ay ku dhaqmeen Wasiirada Hubeysan. Xildhibaanada ayaa codsaday in aan hada laga horimaan heshiis lala galo dhinaca Jowhar, waxayna isla markaasi sheegeen in aan lagu xirin wadahadalka in uu dhex dhexaadiyo labada dhinac Wakiilka Koffi Anan ee Mr.Fransisko Fall oo qaar kamid ah Xildhibaana sheegeen inuu ninkaasi taageeray dhinaca magaalada Jowhar. Shirkii maanta ayaa si dheer looga dooday in lagu tilaabsado wax tanaasul ah ayadoo ay kadib intii badneyd Xildhibaanada sheegeen in ay taageerayaan wadahadal walba, ayagoo ka tanaasulay mowqifkoodii hore. Kadib dhamaadkii shirkan ayey ka gaabsadeen xubnihii kasoo horjeeday Wadahadalka in ay wax war ah siiyaan Saxaafada. Xildhaan Cumar Xaashi, Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, iyo xubno kale oo ayagu ahaa kuwii diidanaa in waan waanta la bilaabo ayaa ka gaabsaday in ay saxaafada la hadlaan. Warsaxaafadeed uu si rasmi ah u soo saaray Md.Cabdulqaadir Maxamuud Dhaqane oo ah Wasiir u Dowlaha xafiiska Raysalwasaaraha ayaa sheegay in ay xubnaha Muqdisho ku sugan ay si rasmi ah uga tanaasuleen go;aankoodii hore oo ahaa in beesha Caalamka ay dhex dhexaadiso hogaamiyaasha ku kala sugan magalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Qodobkan ayaa ah mid irida u furaya in lasoo dhaweeyo waan waanta uu wado Col.Bare Hiiraale. Wuxuuna Wasiirul Dowlaha Md.Dhaqane uu sheegay in ay soo dhaweenayaan in beesha Caalamka ay kasoo qeyb gasho shirkaasi balse ay xubnaha Dowlada Federaalka ay dhex dooda xalistaan waxa khilaafka ah ee jira, qodobkaasi oo ahaa midkii ay horey usoo jeediyeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysalwasaaraha oo ayagu saldhig ka dhigtay magaalada Jowhar. Tanaasulkan ayaa kusoo aaday wakhti ay socdaan shirar kala duwan oo magaalada Jowhar ku leeyihiin madaxda Xukuumada iyo beesha Caalamka. Wasiirada hubeysan ee magaalada Muqdisho ee Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare ayaa ayagu diiday in ay la kulmaan Raysalwasaaraha markii uu yimid magaalada Muqdisho, ayagoo sheegay in Raysalwasaaraha uu rabay in magacooda uu u-adeegsado safarada uu ku tagayo dalalka Yurub si uu markaasi lacag u soo helo. Waxaana la oron karaa garabka ku sugan Jowhar ayaa meesha ka saaray doodii ahayd in khilaafka jira uu dowlada labo garab ka dhigay, wuxuuna ku guuleystay Raysalwasaare Geedi in uu Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo in Xukuumada inteedii badneyd ku sugan tahay magaalada Jowhar. Arrintaasi ayaa keentay in ururo badan oo horey deeqdooda ugu xiray midnimada dowlada Soomaaliya, in ay Jowhar kasoo degaan ayagoo markaasi iska fogeeyey in ay booqdaan magaalada Muqdisho. Waxaana sidoo kale jira in Midowga Yurub oo ahaa ururka ugu weyn oo horey u codsaday in xubnaha Jowhar ku sugan iyo kuwa kale ee Muqdisho ay heshiiyaan inta aan la bilaabin taageerada DFKMG, codsigaasi ayuu ururkaasi EU wax ka bedalay kadib markii wafdi heer sare ah oo ka socday uu soo gaaray magaalada Jowhar todobaadkii tagay. Wafdigaasi ka socday Midowga Yurub ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dowlada ay xarunteedu tahay magaalada Jowhar. Wafdigaasi ayaa casumaad u fidiyey Raysalwasaaraha Cali Maxamed Geedi inuu booqdo xarunta Midowga Yurub ee magaalada Bruxelles ee dalka Belguim. Tanaasulka ay maanta soo saareen xubnaha ku sugan magaaladan Muqdisho ayaa kusoo aaday saacado kahor intuusan magaalada Bruxelles ee xarunta EU-da, ka degin Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi oo maanta duhurnimadii ka ambabaxayey magaalada Roma. Ugu danbeyntii waxaa la oron karaa xubnaha ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka go'adoomay siyaasadii Beesha Caalamka oo ay markii horey ku kalsoonaayeen in ay ku taageeri doonaan gadoodka ay kala soo horjeesteen dowlada xarunteedu tahay magaalada Jowhar. Waxaana hada muuqata in Beesha Caalamka, iyo waliba shacabka Soomaaliyeed ay si weyn ugu daaleen qabqablayaasha ku sugan Muqdisho, ayadoo ay hada muuqato in hogaamiyaashaasi ay markii ugu horeysay wax ka bedaleen siyaasadoodii tanaasul la'aanta ahayd. Waxaana xusid muddan in tii ay xubnaha ku sugan Muqdisho ku guuleysan waayeen arrimo muhiim ah oo kamid ah, Isbaaro Qaadida, Amniga iyo isku dhafka maleeshiyooyinka, qodobadaasi oo noqday kuwo faraha looga gubtay. Halka dhinaca Magaalada Jowhar ka socdeen furitaanka xafiisyo Diblumaasiyeed oo ay furteen Midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo waliba Midowga Yurub oo la sheegay in loo gudbin doono codsiyo ah in xafiis uu ururkaasina ka furto Jowhar, codsigaasi oo uu gudbin doono Cali Maxamed Geedi marka uu gaaro Bruxelles. Maxamed Cabdi HorseedNet.com -
Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan oo maanta ogolaaday in ay wada hadallo la yeeshaan xubnaha ka soo horjeeda ee Jowhar ku sugan Talaado, November 15, 2005(HOL): Xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka kuwooda ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin wada hadallo ay la yeeshaan Xubnaha Labada gole ee Jowhar ku sugan. Wasiiru dowladaha Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Md. C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane ayaa shirkaasi kadib saxafiyiinta u sheegay in ay isku waafaqeen in ay qaataan Barnaamij Dib u heshiisiin ah oo sida uu yiri uu soo hordhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, kaasi oo ahaa in la ogolaado wada hadallo dhexmara labada dhinac ee dowadda Federaalka, iyadoo aanan shuruud lagu xireynin meesha uu kualnkaas ka dhici doono gudaha dalka ama dibaddiisa. Wasiiru-Dowlaha waxaa kale oo uu sheegay in ay dabacsanaantaas u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed oo ku jira xaalad xasaasi ah darteed, isagoo sida uu yiri ka tanaasulay ku dheganaantoodii ahayd in ay dhexdhexaadiyaan UN-ka, balse waxaa uu carabaabay in ay soo jeediyeen in uu Adduunka goob joog ahaado oo markaasina uu marqaati ka noqdo waxa ay ku heshiiyaan. "Mudadii shirka socday waxaa la isku waafaqay in barnaamij dib u heshiisiin ah oo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka keenay la qaado, kaasi oo ah in labada dhinac ee dowladda Federaalka ay wada hadlaan, iyadoo shacabka loo tanaasulayo"ayuu yiri Xildhibaan Dhaqane oo sheegay in ay dhinacooda Muqdisho dhowr jeer oo hore isugu dayeen in la wada hadlo. Xildhibaan Dhaqane waxaa kale oo uu sheegay in ay maanta ka wada hadleen arrin ku saabsaneyd shir ay Golaha Wasiirrada ku yeesheen Jowhar 23-kii Oktoobar ee aynu ka soo gudubnay, kaasi oo sida uu yiri lagu kala goo-goynayay dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay arrintaas ka soo saareen baaq ah in aan lagu deg degin arrintaas tan iyo inta la isaga imaanayo oo ay dhinacyada Dowladda ka heshiinayaan. Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wuxuu ahaa kulankii caadiga ahaa ee ay Xubnaha labada gole ee Muqdisho isugu imaan jireen maalmaha Sabtida iyo Talaadada. Wasiirka dib u dhiska iyo Dib u dejinta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa mar uu dhawaan Muqdisho tegay waxaa uu xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee labada garab u kala jabay uu ka dhex bilaabay dadaal wada hadallo looga dhex furayay, inkastoo dadaalkaas uu miro dhal noqon waayay, isla markaana uu dib Kismaayo ugu laabtay isagoo aan wax natiijo ah gaarin. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Shirkada Dhismaha ee dalka CHINA oo wafdi balaaran usoo dirtay Puntland Bosaso:- Waxaa maanta kormeer ku tagay Dekkada iyo Airporka Bosaaso wafdi balaaran oo ka socda shirkada dhismaha ee China Civil Engineering Construction Corporation. Wafdigan oo isugu jira madax sare oo kamid ah maamulka iyo Injineero, shirkadan ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb qaadato hawlaha horumarinta iyo mashaariicda Dhismaha ee laga fulin doono Dowlada Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Shirkadan ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb qaadato mashruucyada lagu dayactirayo jidka dheer ee isku xira magaalada Caasimada Garowe iyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Shirkadan ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay fuliso dhismaha balaarinta dekkada Bosaso, oo kamid ah mashruucyada waaweyn oo ay dowlada Puntland ku darsatay qorshaheeda 5ta sano ah. Wafdigan ayaa maanta kormeero kusoo maray dhismaha ka socda Airporka Bosaso International oo uu hada ka socdo dhismo baaxadleh oo maray heer gebo gebo ah. Waa markii ugu horeysay oo shirkada dhismaha ee dalka Shiinaha ay soo gaaraan dalka Soomaaliya tan iyo intii ay dagaalada ka dhaceen dalka Soomaaliya. Dalka Shiinaha ayaa horey uga fuliyey dalka Soomaaliya mashruucyo kala gedisan oo dhismo ah oo ay kamid ahaayeen jidadka Laamiyada. Waxaana lagu wadaa in Shiinaha uu dib u dayactiro jidadkii uu ka dhisay deegaankan Puntland oo hada u baahan in laamiga laga bedalo. Xassan Ciise HorseedNet.com
-
Good news. Indeed..
-
Somalia: Arab league opens a new office in Somalia Fri. November 11, 2005 12:53 pm. Send this news article Arab league The Arab League followed IGAD (East Africa Inter Governmental Agency for Development) to open a new office in Jowhar, Somalia. Arab League reps, who had talks with the president and the prime minister in the past few days, announced their immediate intention to open a new office in Jowhar. In a joint press conference with Somali officials, Mr. Samir Husni, the head of the delegate talked about the league’s active role in Somalia’s rebuilding process. It is the first real Arab League presence since 1991 in Somalia. IGAD opened a similar office in Jowhar earlier this year and is planning to hold its yearly meeting in Somalia for the first time in the organization’s existence. Somalia belongs to both organizations. Although it is still facing many obstacles, the new government seems to have sold its agenda to the international community. Jowhar is filled with representatives from international organizations and countries such as the European Union and World Bank. After the press conference, the delegation along with President Abdulahi Yusuf and other government officials visited a new building that will host the Arab league’s office in Somalia. News Category: Somalia
-
Somalia: Defected deputy parliament speaker’s son assassinated in Mogadishu Sat. November 12, 2005 10:29 am. Send this news article from left:PM, Boqore, president The son of deputy parliament speaker was shot and killed in Mogadishu today in a broad daylight. According to witnesses at the scene the victim was not robbed and the killing was predetermined unlike Mogadishu’s random robberies. His cell phone and handgun were left in the car. The father of the victim, Osman Boqore was one of the parliamentarians who went to Mogadishu in defiance after the newly established government relocated to Jowhar from neighboring Nairobi, Kenya. However, Mr. Boqore changed heart last week and went to Jowhar, where he was welcomed by the prime minister and the president. Today’s killing has been interpreted as an active revenge by those who didn’t like Mr. Boqore’s move to Jowhar. It is also a clear warning for parliament members who went to Mogadishu initially, many of whom went to Jowhar in hiding in the past few weeks. The last member who left Mogadishu said she had to wear buqra to cover all of her body including the face in order to hide from militias loyal to Mogadishu faction leaders. It is going to be very difficult for the rest of parliament members to leave Mogadishu because they are risking not only their lives but the lives of the people they love. The prime minister escaped assassination attempt in Mogadishu just past Sunday.
-
Dawlada Talyaaniga Oo Ugu Deeqday DFKMG Ee Somalia Lacag Dhan Laba Milyan Iyo Bar Doolarka Mareeykanka Ah Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah arimaha soomaaliya ugu qaabilsan dowlada Talyaaniga Danjire Mario Ravelli ayaa maanta dfkmg ah ee Somalia gacanta u galiyey lacag gaaraysa 2.516.493 milyan oo doolar ( laba milyan iyo bar doolar). Kala wareejinta lacagahaani ayaa waxaa si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay Mr. Ravelli iyo wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga Prof. C/risaaq Cismaan Xasan Jurile. Hadaba Prof. Jurile ayaa saxaafada horteeda kula wareegay dukumentiga lacagahaani ku qoran yihiin oo waliba saxiixay inuu la wareegay waxaana uu yiri lacagahaani waxaa ay dowlada talyaaniga ugu talo gashay in lagu dhiso maamulada gobolada iyo degmooyinka qaar ka tirsan dalka Somalia oo aan haaysan maamul goboleedyo. Waxaana uu carabka ku dhuftay in goboladaasi qaarkood in dib u heshiin laga sameeyo ka dibna maamul lagu dhiso waxana ka mid ah Mudug qaybta koonfureed Hiiraan Banaadir, Bay, Sh/Hoose jubooyinka iyo meelo kale. Dukumentiyada qarashkaani lagu bixiyey ayaa waxaa uu isna ku wareejiyey waa Prof. Jurille e’ wasiirka maaliyada Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo wasiirka dib u heshiisiinta iyo xiriirka jaaliyadaha Md. Shiikh Aaden Madeer. Wakiilka dalka talyaaniga ee arimaha Somalia Mr. Mario Ravelli ayaa isna shegay in lacagahaani ay u bixiyeen in ay Somalia ku taageeraan dhanka dib uheshiisiinta iyo maamul u sameeynta gobolada dalka oo aan maamulada ka jirin iyadoo ay la maamuli doonto hay’ada UNDP buu yiri wakiilku. Wafdigaani ayaa isla maantaba dib ugu laabanaya dalka Kenya iyagoo balan qaaday inay tahay tani tii ugu horeeysay balse ay mar kale soo gaarsiin doonaan sidii ay dowlada lugaheeda isula taagi lahayd.
-
Wafdi Ka Socda Midowga Yurub Oo Maanta Soo Gaaray Magaalada Jowhar Oo Kulan La Qaatay XFKMG Ee Somalia Wafdi ka socda midowga yurub ayaa maanta soo gaaray magaalada Xarunta u ah dowlada FKMG ah ee Somalia waxaana ay kulan la qaateen madaxda xukuumada. Wafdiga Midowga Yurub waxay ka koobnaayeen Danjiraha Midowga Yurub u jooga Kenya, isla markaana qaabilsan arrimaha Soomaaliya Eric Fender Linda, Richard Hands oo ka tirsan madaxda sare ee xafiiska ururkaas u qaabilsan horumarinta dhaqaalaha, iyo Dr. Waliid Muusa oo xafiiskaas u qaabilsan xagga arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Dhinaca xukuumada Soomaalida waxaa kulanka uga qayb galay Raysal Wasaaraha Dawladda FKMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyadda Prof. Salim Caliyow Ibrow Wasiirka arrimaha dibedda Prof. Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Prof. C/risaaq Cismaan Xasan “Jurilleâ€. Ujeedooyinka safarka wafdigan ka mid ahaa inay Raysal wasaare Geeddi iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyaan falkii waxashnimada ahaa ee lagu doonayey in lagu dilo raysal wasaaraha markii uu dhowaan Muqdisho socdaalka ku tegey. Iyagoo dhiiri gelin buuxda u muujiyey Raysal wasaaraha, una rejeeyey dadkii ku dhaawacmay fal dembiyeedkaas caafimaad deg-deg ah. Iyagoo kuwii ku dhaawacmayna tacsi tiiraanyo leh gaarsiiyey eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen. Ujeedada kulankani waxay la xiriirtey wafdiga Raysal Wasaaruhu hogaamin doono ee dhowaan tegi doona magaalada Purussels, ee dalka Belgium-ka Barnaamijyada kulamada uu wafdiga halkaas tegayaa la yeelan doono madaxda midowga Yurub, mawaadiicda laga wada hadli doono, sida siyaasadda, nabad gelyada, xasilinta dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada. Waxaa xusid mudan inuu midowga Yurub tageero deg deg ah soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobey falkii bahalnimada ahaa ee wafdigii Raysal Wasaaraha lagu weeraray. Iyagoo markiiba u soo diray Diyaarado lagu qaado dadkii falkaas ku dhaawacmay, una qaaday Nairobi oo ay kharashaadkooda iyagu bixinayaan. Wafdigu intii uu Jowhar joogey waxay booqasho sharaf ugu tageen Madaxweynaha Dawladda FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed, Waxayna wafdiga Midowga Yurub ka socdey madaxweynaha Soomaliya u sheegeen inaysan hadda ka dib aqoonsanayn inuu jiro khilaaf macno leh oo dawladda Federaalka u dhexeeya waa sida ay hadalka u dhigeene.
-
Cismaan Cilmi Boqore “Wiilkeyga waxaa loo diley arrimo Siyaaasadeed.. Guddoomeiy ku xigeenka Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore isagoo ku sugan Magaalada Jowhar oo u waramayay bahda saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in dilka Wiilkiisii Qadar Cismaan Cilmi Boqore uu ahaa mid siyaasadeed oo la soo qorsheeyay. “Anigoo cid aan farta ku fiiqeyn haddana waxa uu ahaa dil siyaasadeed’ ayuu yiri Cismaan cilmi Boqore oo intaa raaciyay “Kuwii dilay iyaga ayaa dhiban Adduun iyo Aakhiroâ€. Cimsaan Cilmi Boqore waxa uu si weyn u soo dhaweeyay guddigii Guddoomi-yaha Baarlamaanka u saaray baaritaanka dilka Wiilkiisa, guddigaas ayaana ka war sugeynaa. Dhinaca kale Cabid Xasan Cawaale Qaybdiid oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa isna guddi saraakiil ah oo ka kooban saddex u saaray in ay dabagal ku sameeyaan dilka Wiilkii Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka Qadar Cismaan Cilmi Boqore, wuxuuna ku tilmaamay dil waxashnimo ah.
-
Wiil uu dhalay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho lagu dilay Sabti, November 12, 2005(HOL): Waxaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska KM4 lagu dilay Wiilkii curadka ahaa ee Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha baarlamaanka Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre oo dhawaan ku fikir ku noqday Xubnaha Dowladda Federaalka ee Jowhar ku sugan. Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jirayQadar Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa dilkiisa waxaa ka dambeeyay Rag hubeysan oo watay gaari Mark II ah, iyadoo marxuumka intii uusan dhiman uu gaari uu watay ku gaaray Isgoyska No 4 halkaasi oo looga sii qaaday Isbitaal, si loo badbaadiyo. Madaxa gargaarka deg dega ah ee Isbitaalka Madiina Dr. Hilowle Kaahiye ayaa sheegay in marxuumka loo geeyay isagoo xaaladdiisa xasaasi tahay, isla markaana si aad ah u dhiig baxay, kadibna uu sidaasi ku geeriyooday. Ma cadda ilaa iyo haatan cidda ka dambeysa dilka wiilkii Guddoomiye ku xigeenka, wuxuuse ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Md. Cusmaan Cilmi Boqorre uu 2-dii bishan u wareegay Dhinaca Magaalada Jowhar oo ay ku sugan yihiin xubnaha Garab ka tirsan labada garab ee ay u kala jabtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, iyadoo ka horna uu la joogay Xubnaha Dowladda ee Muqdisho. Dilka marxuumka waxaa cambaareeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xildhibaanada kula sugan magaalada Mudqisho, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka oo tacsi u diray guddoomiye ku xigeenkana uu Guddi u saaray soo baaridda dilka marxuumka. Sidoo kalena waxaa dilka Wiilka Guddoomiye ku xigeenka cambaareeyay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo Jowhar ka sheegay in dilkaas uu ahaa mid ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah oo ay soo abaabuleen dad aan nabad iyo dowladnimo rabin, wuxuuna tacsi u diray qoyskii, eheladdii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Qadar Cusmaan Cilmi Boqorre. Dhanka kalena Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka Md. Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa sheegay in dilka wiilkiisa ay ka dambeysay arrin siyaasadeed, balse uusan isagu dhihi karin ciddaas ayaa ka dambeysay, wuxuuna caddeeyay in gacan ku dhiiglihii dilay wiilkiisa uu Allaah la xisaabtami doono, isaguna uusan intaas ka badan ka oraneynin. Xildhibaan Boqorre waxaa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay guddiga baarista dilka wiilkiisa ee uu Guddoomiyaha Baarlamaanka magacaabay,isagoo Guddoomiyaha Baarlamaankana ku tilmaamay mas’uul Soomaaliyeed oo gudanaya waajibkii arrintaas ka saarnaa. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Muuse Suudi oo lagu eedeeyay Dilkii Wiilkii Cismaan Cilmi Boqore Muqdisho:- War uu sheegay Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta DFKMG Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in dilkaasi uu ka danbeeyey Muuse Suudi Yalaxow. Salaad Cali Jeele oo wareysiinayey Idaacada Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa mar uu halkaasi xalay ka hadlayey sheegay in dilkii shalay lagu dilay Khadar Cismaan Cilmi Boqore uu ka danbeeyey Muuse Suudi Yalaxow. Khadar Cismaan oo ahaa Wiilka uu dhalay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka oo dhawaan ku biiray dowlada xarunteedu tahay magaalada Jowhar. Warkan ayuu iska fogeeyey Muuse Suudi Yalaxow oo asagu ah Wasiirka Ganacsiga kana mid xubnaha ka gadooday xukuumada Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Jowhar. Khadar Cismaan Cilmi Boqore ayaa shalay asagoo wata Gaari nooca MarkaII ah lagu dilay aaga KM 4 ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa la sheegay in ay rasaas ooda uga qaadeen maleeshiyo halkaasi ku sugeysay. Xubnaha ku sugan Muqdisho ee hada siyaasada isaga soo horjeedaan Marxuumka dhintay aabihii ee Mr.Boqore ayaa sheegay in dilkaasi uu ahaa mid ay geysteen burcad rabtay gaariga in ay ka qaataan. Balse Cismaan Cilmi Boqore ayaan war rasmi ah weli kasoo saarin cida ka danbeysa dilka Wiilkii uu dhalay. Dilkaasi oo kusoo aaday labo todobaad kadib markii uu u baxsaday dhinaca magaalada Jowhar ee xarunta dowlada Federaalka Soomaaliya. Maxamed Cabdi
-
Breaking News: Dagaalkii ka socdey Muqdisho oo qaboobey, 15 qof dhimasho 35 dhaawac Muqdisho- 13.Nov.05 Dagaalkii ka socdey xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Waqooyiga Muqdisho ayaa qaboobey, inkastoo wali la maqli karo dhawaaqa rasaasta iyo noocyada kala duwan ee hubka. Dagaalka lagu soo waramayaa in saaka hiirtii waaberi ka qarxey xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid, waxaana uu dhex marey maleeshiyo daacad u ah ninka lagu magacaabo Iimaan Max'ed Cali oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Banaadir ee gacanta ku haysa dakeda Ceel-Macaan ee ku taal duleedka Magaalada Muqdisho, iyo midowga Maxkamadaha Islaamiga ah. Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintey inta la ogyahay ilaa iyo haatan 15 qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmey in ka badan 30 qof kuwaasi oo u badan dad rayid ah oo aan wax lug ah ku laheyn dagaalka. Iska horimaadkan ayaa sii xoogeystey barqanimadii maanta ka gadaal markii ay ku soo biireen ciidamo ka tirsan midowga Maxkamada Islaamiga ah iyo waliba kuwa kale oo ay iska leedahay Shirkada Banaadir. Goobta ugu ba'aneyd ee maanta dagaalku ka dhacey ayaa waxay aheyd guriga Imaan Max'ed Cali oo gurigaas oo ahaa midkii uu ka deganaa magaalada Muqdisho Ra'isalwasaare Cali Max'ed Geedi xiligii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho. Waan waan ay wadaan waxgarad iyo cuqaal kale ayaa socota inkastoo ay jiraan caqabado iyo sharuudo kala duwan oo ay soo jeedinayaan kooxaha dagaalkaas ku lugta lahaa. Dagaalkan ayaa ayaa wuxuu saameyn weyn ku yeeshay deegaano kala duwan, waxaase saameynta ugu weyn uu ku keenay xaafada Yaaqshiid iyadoo dhamaan goobihii ganacsiga albaabada la isugu dhuftey. Isu socodkii gaadiidka iyo kan dadweynaha ayaa sidoo kale hakad ku yimid. Rasaas wiifto ah iyo madaafiic habow ayaa xaafado kale oo aan aheyn Yaaqshiid waxay ku waxyeeleeyeen dad rayid. Maleeshiyaadkii dagaalkan uu dhex marey ayaa is horfadhiya waxaana laga cabsi qabaa sii socoshada dagaalka hadii aan aysan guuleysan dadaalka ay wadaan kooxaha nabad jirayaasha ah.
-
President, PM and Police officers meet in Jowhar..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Raysul Wasaaraha DFKMG Somalia Oo Maanta Kulan La Qaatay Saraakiisha Tababarka Usoo Dhamaaday Raysul wasaaraha DFKMG ee Somalia Prof. Ali Maxamed Geedi ayaa maanta kulan la qaatay saraakiishii tababarka ugu soo dhamaaday dalka Ugandha. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cali Xasan Looyaan “Cali Madoobe .†ayaa warbxin u gudbiyay Raysul wasaare Prof. Geedi waxuu ku sheegay in saraakiishan tababarkii ay ku soo qaateen Wadanka Uganda ay ka soo hooyeen guul lama ilaawaan ah. Jeneraal Cali Madoobe waxa uu sidoo kale sheegay in saraakiisha ciidanka booliska soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay gutaan waajibaadkii uu dalkooda kaga baahnaa kaasoo ah ka shaqeynta amniga dalka. Ra’iisul Wasaare Prof. Cali Geeddi oo ka hadlay ugu dambeyntii halkaasi ayaa sheegay in looga baahanayahay saraakiisha ciidanka booliska soomaaliyeed in ay gacan buuxda ka geystaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka. Waxuuna sheegay Prof. Geedi in uu ku kalsooni qabo in ay wax ka badali karan ilaalinta Nabadgelyada dalka oo dhan hadii ay howlahooda dib u bilaabaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isagoo intaasi ka dibna sheegay in loo baahanyahayin sida ugu dhaqsaha badan u guda galaan howlahooda. Sidoo kale Ra'iisul Wasaaruhu waxuu cambaareeyay dilkii loo geystay Wiilka Gudoomiye xigeenka 2-aad ee baarlamanka Cusmaan Cilmi Boqore oo uu sheegay in ay ka dambeeyaan kooxaha Burcadda ah ee shirqoolada ka wada magaalada Muqdisho. -
President, PM and Police officers meet in Jowhar..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
C/llaahi Yuusuf "Dawladihii hore ee inaga horeeyey waxay u burbureen ciidan la'aan" Jawhar - 13.Nov.05 Iyadoo maalintii shalay uu ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi uu ka qayb galay munaasabada lagu sagootinayey saraakiishii booliiska Soomaaliyeed ee tababarka ku soo qaadatay waddanka Uganda si ay gobollada dalka uga hawl galaan, ayaa maantana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Munaasabaddan oo iyana qayb ka ahayd sagootiska saraakiisha booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta ka qayb galay ra’iisal wasaaraha, guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamanka federaalka Soomaaliya, Cismaan Cilmi Boqorre iyo xubno kale. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo la hadlayey saraakiishaas ayaa sheegay inuu isaga laftiisu soo maray marxaladaha ay haatan marayaan saraakiishani, waxana uu taliyaha booliiska Soomaaliyeed, Cali Madoobe ka codsaday in uu saraakiisha u kala diro gobollo aanay u dhalan si ay ad adayg u muujiyaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la helo booliis, garsoor iyo xabsiyo waxana uu carrabka ku dhuftay in dawladihii isaga ka horreeyey ay u baabe’een ciidan la’aan. Axmed Xasan Mahad SBC Jawhar -
Saraakiisha Booliiska Somaliya oo xaflad loogu qabtay Magaalada Jowhar Jowhar:- Waxaa magaalada Jowhar Sabtidii lagu qabtay shir loogu talo galay shaqo gelinta saraakiisha Booliiska Soomaaliya ee tababarka kusoo qaatay dalka Dibadiisa. Sarakiishan oo isugu jira kuwii tababarada kusoo qaatay dalka Ugandha iyo kuwo cusub oo ka yimid dalka Sudaan, ayaa waxaa halkaasi khudbado kala duwan uga soo jeediyey madaxda dowlada Federaalka. Shirkan oo ay ku sugnaayeen Madax ay kamid ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Raysalwasaaraha, Taliyaha Booliiska, Wasiirka Gaashaandhiga, Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore iyo xubno kale oo badan ayaa lagu dhiiri geliyey Saraakiisha Booliiska in ay hawshooda gutaan. Saraakiishan oo isugu jira beelaha kala gedisan ee dalka Soomaaliya ayey horey dowlada Federaalka ugu qoondeysay in ay noqdaan kuwo bilaaba dib usoo nooleynta ciidamadii booliiska ee guud ahaan dalka Soomaaliya. Raysalwasaaraha Soomaaliya oo khudbad kasoo jeediyey munaasabadii shalay ayaa u sheegay Saraakiishaasi in ay yihiin kuwo laga sugayo xil aad u culus loona baahan yahay in si hagar la'aan ah ugu shaqeeyaan Qarankooda. Sidoo kale waxaa kamid ahaa madaxdii halkaasi ka hadashay Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Saraakiisha Booliiska laga sugayo in ay ka hawlgalaan gobalada dalka, isla markaana ka codsaday Taliyaha Booliiska in si wanaagsan saraakiishan la isugu dhafo is ay beelaha kala duwan isu dhex galaan. Waxaana la sheegay in saraakiishan loo kala diri doono gobolada dalka Si ay dib ugu bilaabaan hirgelinta ciidamada Booliiska ee degmooyinka uu ka kooban yahay dalka Soomaaliya. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
-
welcome back old man, I am suprised that you of all people was banned..
-
Tragic indeed... May Allah give mercy to the deceased and courage to his family.. Amin
-
Xubnaha labada Gole oo ugu baaqay dalalka IGAD inay dhex-dhexaad ka noqdaan arrimaha Soomaaliya Posted to the Web Nov 05, 18:23 Muqdisho:- (PP) - Xubnaha labada gole ee Muqdisho oo maanta kulan albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka soo sa aray kulankoodaas qodobbo ay ugu digayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD ee dhawaan shirka ku yeelanaya Magaalada Jowhar. Afhayeenka xubnaha labada gole ee Muqdisho Cumar Xaashi Aadan oo saxaafadda la hadlayay markii uu kulankaas dhamaaday ayaa sheegay in kulankoodii maanta ay kaga hadleen laba qodob oo kala ah: Kulanka la filayo inay Wasiirrada IGAD ku yeeshaan Jowhar, wuxuuna yiri Xildhibaan Cumar Xaashi: “Dalalka IGAD waxaan uga digaynaa inay ka fiirsadaan shirka ay ku qabsanayaan Degmada Jowhar, waayo dowladdu waa mid qaybsan oo qaybna ay ku sugan tahay Muqdisho halka qaybta kalena ay ku sugan tahay Jowhar, sidaa daraadeed inay Jowhar shir ku qabtaan waa mid muujinaysa inay dhinac ka mid ah dhinacyada dowladda u xaglinayaan, marka waxaa IGAD u sheegaynaa in arrimaha Soomaaliya ay dhexdhexaad ka noqdaan isla markaana aysan shir u qaban jowharâ€, sidoo kale Cumar Xaashi Aadan wuxuu intaas ku daray in haddii IGAD ay shir ku qabtaan Jowhar ay noqonayso in aysan dhexdhexaad ahayn, Xubnaha Muqdisho joogana ay ka soo saari doonaan qoraal cambaareyn ah. Xubnihii maanta ka soo qaybgalay kulankii lagu qabtay Muqdisho ayaa ahaa kuwo si weyn uga tiro yar intii hore iyadoo cel-celis ahaan ay dhamaayeen 35-xubnood oo laba ka mid ah ay ahaayeen Wasiirro iyo inta kale oo ahaa Xildhibaanno, waxayna horay u ahaan jireen in ku dhow 70-xubnood oo isugu jira labada dhinac ee Dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana maanta kulankii ka dhacay Hotel Saxafi goob joog ka ahaa Wasiirrada Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax. Kulankii maanta ayaan lagu soo qaadin haba yaraatee hadal ku saabsan bixitaankii Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre uu ku tagay Jowhar, waxaana sidoo kale ay aad u soo dhaweeyeen xildhibaannadaas imaanshiyaha Ra’iisul wasaare uu ku imaanayo safarka Muqdisho, iyagoo sheegay inay wax weyn ka badali doonto siyaasadda hadda taagan, wallow ay labada wasiir aad uga soo horjeedeen hadalkaas, iyagoo ku tilmaamay in Imaanshaha Ra'iisul wasaaraha ee Muqdisho ay keeni karto inay sii kala furfurmaan xubnaha yar ee Muqdisho ku haray. Kulankii maanta waxaan ka soo qaybgelin Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Cabdi Xaashi C/llaahi oo aan la sheegin halka uu ku maqnaa, sidoo kale waxaan imaan Wasiirka Arrimaha Diinta iyo owqaafta Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo la sheegay inuu ku mashquulsanaa soo dhaweynta Ra'iisul wasaare Geeddi iyo Wafdiga la socda. sidoo kale waxaa maqnaa Xildhibaan Maxamed Xuseen Caddow oo isagana joogay Hotel Ramadaan halkaas oo ay kas socotay qabanqaabada soo dhaweynta Ra'iisul wasaaraha. Hadalkii maanta ay soo saareen xubnaha labada gole ee Muqdisho ayaa ahaa mid aysan ka muqan wax cago-jugleyn iyo cambaareyn ah, iyagoo taasi ay ku macneeyeen dad u dhuun daloola siyaasadda Soomaaliya inay tani muujinayso laciifnimo xagga xubnaha ah, waxayna sheegeen in xubnaha sii kala jajabaya ay ka dhigayaan awooddii ay lahaayeen mid aan waxba ka jirin. Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile) Wakiilka Puntlandpost-Muqdisho,Soomaaliya
-
Sharif Xasan no longer Speaker of TFG : according to constitution..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^ Of course everone cares. The Sharif talks about the constitution and his supporters talk about the constitution. With out them reading the text. Now according to the constitution he no longer is the Parliment speaker.. Anyhow its over for Sharif, he is the man who estimated the vote of the parliment. His two deputies and more than 180 MP's are either in Jowhar or on route. -
Haruun thanks for the link, dont much agree with the figures though.. Mogadishu population " Hargeisa's population is between 500,000 and 800,000. Some suggest it is over a million because no census has been performed in almost 30 years and there are many squatters and homeless people in the city. Mogadishu (Somali: Muqdisho), a city in East Africa on the Indian Ocean, serves as the nominal capital of anarchic Somalia. Somalis also popularly call the city Hamar. Although Mogadishu obviously ranks as the largest city in Somalia, estimates of its population vary wildly about two million. Bosaso governs 7 districts: Qandala, Caluula, Iskushuban, Bayla, Xaafuun, Baargaal, and Qardho. Population is 387,000. Wakamedia online dictionary.. Source.
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKS Shariif Xasan oo si sharciya u dhumiyey Jagada Guddoomiyanimada Posted to the Web Nov 05, 15:40 PP:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Shaiif Xasan Sh.Aadan ayaa lagu soo waramayaa in uu Dalka ka maqan yahay mudo Labo Bilood iyo bar,hadaba Sharciyaaqanada ayaa ku doodaya,in sida ku qoran Dastuurkii Soomaaliya ee lagu mira dhaliyey dalka Kenya uu qeexaya in Guddoomiye Shariif Xasan Wadanka uu ka maqnaan karin muddo intaa le'eg. Hadaba Axdi-Qaramadeedka ayaa lagu xusay in Masuulka ugu sareeya ee Dalka uu yahay Madaxweynaha,tan ku xigtaana ay tahay Gudoomiyaha Baarlamaamka Soomaaliya ,islamarkaana aysan Dalka gudihiisa ka maqnaan karin Labadoodaba mudo 45-Cisho ah,in ka badan,hadii ay ka maqnaadaana mudadaas Dalka ay luminayaan Xilalka ay hayaan ,waxayna Xilkooda dib u hanan karaan oo keliya inay ansixiyaan tiro Baarlamaan oo cadadkoodu yahay 189-cod. Hadaba Sharciyaqaanada ayaa ku doodaya in aan waqtigan-xaadirka,aan loogu yeeri karin Shariif Xasan Magaca Gudoomiye Baarlamaan maadaama uu Dalka ka maqan-yahay in ka badan 45 Cisho,ayagoo tixraacaya Axdi-Qarameedkii lagu ansixiyay Magaalada Eldoret ee Dalka Kenya. Hadii la tixraacayo Dastuurka u degsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa halkaas kacadaanaya in uu Shariif Xasan uu lumiyay Xilkii Gudoomiyanimada ee uu u hayey Baarlamaanka Soomaaliya,balse ay u soo hartay oo keliya Xubin-nimada Baarlamaanka oo kelya. Shariif Xasan ayaa isagu waxaa uu caado ka dhigtay badanaa in uu Carabka ku adkeeyo in uu ilaalinayo Sharciga iyo Dastuurka Soomaaliya, eeda kalena uu dusha uga tuuro Madaxweyne Yuusuf iyo Raysal wasaare Geedi,balse is weydiintu waxay tahay Shariif Xasan ma aqbalayaa marka hore in uu lumiyay Xilkii Gudoomiyaha Baarlamaanka ? maadaama uu noqday xubintii ugu horraysay oo heer Qaran ah oo jebisay Xeerka Dastuurka Soomaaliya. Xuseen Yaasiin Gode-Gode Puntlandpost.com
-
The clan courts are no threat to anyone. As for Ilqaete no doubt his clan court will support him. The courts are clan based they do not have any unified umbrella. So one clan court can do very little.