General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^ Irony wont hide anything dear boy. The reason you are making unwaranted jokes is that you have no leg to stand on. You cried allot about Amxaro yet accept drug dealing fake religious men, who are causing more harm to the Somali people than any Amhar right at this moment
  2. ^^ Indeed if thats what you refer to as police in your neck of the woods. The troops are not ready yet to take over responsability of the capital. There are officers in Migadishu getting things into place as we speak.
  3. ^^ Gediid, your lack of understanding shows even more. What is the difference between Mogadishu and Beledweyne and Jowhar? The Presidnet got welcomed in both cities and they happen to have the same clan demographics as Mogadishu, alos rememeber the welcome the PM and even Sharif Xasan got when they came to Mogadishu. The truth is there is no doubt the people want the government and have shown how much they support the leaders, a few stuborn men stand in the way.
  4. ^^^ That was anewr spot on. However a difference of culture would entail Camel Milk, Meat, green leaves waved by joyful crwods. I rememebr many predicting, Abdullahi would lose the election "no chance". When he won, they predicted an all out war. Now you predict force, you people seem to move the goal post further every time. I am confident as I was before that the people of Xamar will welcome the government with open arms as it has been the case elswehere..
  5. Xaflado lagu Maamuusayo Maalinta 14.10 oo Las_anod iyo Jowhar ka dhacay ( Jowhar }14.10-05 xafladahan oo kadhacay meelo badan oo soomaaliya kamida ah waxaa lagu maamuusayey maalinta 14.10 Xaflad balaaran oo lagu maamuusayo maalintii la caleema saaray madax waynaha soomaaliya Cabdi Laahi yuusuf Axmed ayaa maanta lagu qabtay meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya. Magaalada Jowhar ee fadhiisinka u ah xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay xafladii ugu balaarnayd. Xubnaha dawlada soomaliya ee Jowhar ku sugan ayaa goor hore oo maanta ah isu diyaariyey waynanyta maalintan. kasokow laamaha Dawlada waxaa yaguna xafladaas ka qayb qaatay wakiilada dawlada caalamka ka fadhiya jowhar ha'adaha ayaa yaguna door wayn ku lahaa qabaqaabinta iyo ka sooqayb galka shirkaasi. madax waynaha Soomaaliya ayaa halkaas kasoo jeediyey khud bad aad u dheer oo uu kaga hadlayo wax qabdkii dawladiisa mudo hal sano ah,waxaanu isku dayaynaa in aanu xiliyada soosocda idnn soo gudbino khudbada madax waynaha. dhanka kale Munaasabadan ayaa lagu qabtey xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia oo uu gacanta ku hayo Ra’isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Arimaha gudaha Eng.Xuseen Max’ed Caydiid. Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galey Ra’isalwasaare kuxigeenka Xuseen Max’ed Caydiid oo ah masuulka ugu sareeya xiligan xubnaha Labad gole ee ku sugan magaalada Muqdisho, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Max’uud Xasan Cali Cade (Gaabow), saraakiil ka tirsan ciidamadii Booliiska oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Kaahiye Faarax (Harag-Shabeel), G/lle Sare Kabacade, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Isbahaysiga SNA ee uu hogaamiyo Xuseen Caydiid. sidaas oo kale magaalada laascaanood waxaa caawa meelo kamid ah lagu qabtay xaflado lagu maamuusayo 14.10 oo dad badni ku tilmaameen in ay tahay maalintii dibu soo celinta qaranka soomaaliya . mar aanu dhugananay aarda dad waynaha ee ku aadan wax qabadka dawlada iyo halsano kabacdi waxay badidoodu timaameen in dawladu ku amaanan tahay sida ay xooga sanadka hore u saaratay dhisda ciidanka xooga soomaaliya ,waxaase ay ku dhaliileen in dhanka siyasada Khaarajiga ah Xukuumadu ka gaabisay. waa markii igu horaysay ww xukuumada ku meel gaarka ah ee waliba curdinka ahi Soomaaliya ugu dabaaldagto munaasabad noocan oo kale ah yadoo baritona ay ku abaaran tahay maalintii shirkii kenya soomaalida loogu qabtay albabada loo furay ama rasmi ahaan uu ufurmay. Widhwidh online
  6. The speaker has failed in his job and in the job his supporters would like for him that of the leader of the opposition. The population and the international community have seen what he is a stooge of other men. He has wrongly believed the power myth of the Mogadishu warlords. We wait and see..
  7. ^^^ Another brother highlighting his ignorance about matters beyound his comprehension. The President will come to Mogadishu with national Police and Army and the people will welcome him and the promise of change...
  8. Where does Sheekh Dahir Uweys fit into this equation? The man is funny, he Xasan Dahir claims to champion Islam yet never speaks against the actions of his kinsmen. Anyhow "Shiekh" Inda Cade & "Shiekh" Awayes are always togetehr and share the same millitias. Mr's Awayes and Salad Xasan controll Marka which is now the base of the alleged drugs operation. What does islam say about drugs and illicit trade? Your whole arguments are bankrupt..
  9. Ciidammo tiradood gaarayso illaa 300-askri oo gaaray Xeryaha lagu tababarayo ciidammada Dowladda ee ku yaalla Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, si halkaas ay tababar ugu qaataan Posted to the Web Oct 15, 11:52 Waajid (PP) - In ka badan 300 oo askari oo ku soo biiray ciidammda Qaranka ayaa gaaray xarumaha tababarka ciidamada ee degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasoo lagu wado inay uga bilawdaan tababaro cusub oo dhinaca ciidamada ah, waxaana ay ka mid noqdeen ciidammadii xerooyinkaas horay ugu jiray. Ciidammadaan Bakool soo gaaray ayaa ka yimaaday deegaanno ka tirsan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, iyadoo warar dheeri ah oo ka soo gaaraya Puntlandpost Gobolladii ay ka yimaadeen ciidammadaan ay sheegayaan in kuwo kale la filayo inay gaaraan halkaas, iyadoo lagu wado in labada ciidan uu isku mar tababarku u dhammaado. Beelaha ku dhaqan gobolladaas ayaa iyagu indhawaalaba waday ciidammo ay geynayaan halka uu uga tababarku, iyadoo mas’uuliyiiinta dowladda ee ku sugan Xudur ay sheegeen in dufcaddii koowaad ee ciidammada Qalabka sida loo dhameeyay tababarka, hadda ay isku diyaarinayaan sidii ay tababar ugu furi lahaayeen kuwa cusub. Mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan Gobollada Bakool ayaa waday tan iyo sidii ay Bakool u tageen inay ururiyaan ciidamamda Qalabka sida si ay qayb uga noqdaan xasilinta iyo nabad ku soo dabbaalidda geyiga Soomaaliya, iyadoo aan illaa iyo hadda la shaacin tirada ciidammada dowladda ee ku sugan Degmada Waajid, balse waxay warar hordhac oo ka soo baxaya sheegayaan in ay gaarayaan ku dhawaad 1000-askri, waxaana la sheegay in 600-askri oo ka mid ah loo dhameeyay tababarka. Wasiirrada dowladda ee ku sugan Xudur ee wada howlahaan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Cadaaladda Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobo), Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Ibraahim Khiis Bur, Wasiirka Beeraha Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud), waxayna dhamaantood sheegeen inay wadayaan howlaha ciidammada dowladda ee la doonayo inay xasiliyaan nabadgalyada dalka. Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile) Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
  10. Deegaanka Gobolka Bari ee Boosaaso oo si weyn looga xusay Sanad-guuradii Madaxweynaha Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed Posted to the Web Oct 15, 08:36 Boosaaso:-Waxaa si weyn looga dabaaldegay xuskii ku beegnaa maalintii loo caleema saaray Madaxweyanaha Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed Xilka Hogaaminta shanta sanno ee Dalka Soomaaliya ee ku beegneyd 14-kii Octobar 2004 oo lagu qabtay Xarunta Gobolka Bari hoolkiisa ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u bdan oo farxad iyo reyn reyni ay ka muuqatay. Dabaaldegan oo ay ka qeyb qaadanayeen Ciidamada Qalabka sida Booliiska maxaliga ee gobolka, baanbeeyda iyo Ururada Bulshada sida dhalinyarada, Haweenka iyo arrdayda Dugsiyada ayaa waxaa si weyn ugu soo bandhigay riwaayado iyo Heeso wadani ah Hobolada Walaalaha Bari ee Puntland. Kuwasoo soo jiitay dadkii ka soo qeybgalay qiirana ku abuuray waxyabihii ay soo bandhigeen oo ay ku dheehneyd Soomaali kala tegtaay isu soo noqda oo is walaaleysta iyo Oktoobar waa tii na taageertay oo tabaalaha naga saari laheyd. Dhamaan dadkii ka soo qeybgalay xafladan ayaa si weyn u faraxsanaa sugayeyna in Sanadka dambe Colaada, Dilalka iyo fawdada kii looga gudbi lahaa inuu u noqdo Shacabka Soomaaliyeed. Ugu horayntii waxaa halkaas hadalo qiimo badan ka soo jeediyey Masuuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka iyo Puntland, waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Yuusuf Maxamed Wacays dheddo, oo ku tilmaamay maalin taariikhi u ah ummadda Soomaaliyeed, ayna haboontahay inaan sanadka dambe iyadoo dalka oo dhan nabad yahay guudahaan u wada dabaal degno si farxadeed. Waxaa kaloo ka hadlay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Ibtraahin Cartan Xaaji Bakiin oo shegay in Soomaaiya maalintii maanta ku beegneyd ay aheyd maalin meel walba oo Soomaaliya lagu farxayey caleemo saarka Madaxweyanaha cusub ee Soomaaliya ayey aheyd maanta inaan u dabaal degno waa waajib ina wada saaran oo muqadas ah, waxaana rajeynayaa ayuu yiri Bakiin inaan sanadka dambe ku wada dabaal degno Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed Caasimadii Dalka ee Muqdisho anagoo ka baxnay qabyaalada , colaada iyo macaluusha qaxootinimada ina badatay. Sidoo kale waxaa hadalo dheer ka soo jeediyey Lataliyaha Arrimaha Warfaafinta Puntland Bile Qaboowsade oo uu dhawaan u magacaabay Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse, horayna Maamulkii C/Laahi Yuusuf ka soo qabtay xilal kala duwan wuxuuna bile si aad ah uga hadlay marxaladihii shirka Dalka Kenya uu soo maray iyo sidii ugu dambeyn uu u najaxay wuxuuna ugu horeyn halkaas ugu mahad celiyey Dalalka IGAD, gaar ahaan Dawlada Kenya oo muujisay dulqaad iyo walaalnimo deris wanaag jecayl ku dheehan. Wuxuuna xusay in la'aantood aanan maanta loo dabaal degeen Qaranimada Soomaaliya, wuxuu kaloo amaan u soo jeediyey Wadamadii gacanta weyn ka geystay dhismaha Dawlada Federaalka oo uu sheegay in ay dhaqaalaha bixinayeen sida Midowga Yurub, Maraykanka iyo Jaamacada Carabta wuxuu kaloo amaanay Qaramada midoobay oo aan la ilaawikarin doorka ay ka ciyaareen ugu dambeyntiina wuxuu ku booriyey Beesha Caalamka in aanay ka harin dadaalkii ay labada sanno muujiyeen maalintii ay dhaliyeen qaranka loogana baahan yahay dhameystirka taabagelinta iyo nabad ku soo celinta Soomaaliya inay gacan weyn ka sii geystaan oo aanay noqon Fuleyoow Guuli kuu dhaweydaa. Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa waxaa iykana lagu qubtay xus kan la mid ah oo ay masuuliyiinta Maamulka DG Puntland ay ku xuseen sanadguuradii 1-aad ee Madaxwaynaha Soomaaliya. Axmed C/salaam Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya Contacts:loole25@hotmail.com Saaxiibkaa u *** Daabaco Qormadan
  11. You dont need to kidnap him, he is coming to Mogadishu soon insha Allah..
  12. Dont look far people Inda WAS a creation of "dr" Abdiqasin Salad xasan. I know Xoogsade, Rahima, Horn and Juma know who saint Abdiqasin is you... The whole network in lower Shabbele up to Kismayu is based on drugs, looted property, charcoal industry which ahs left the poor people of the region in a very bad situation. They have the arrogance to label themselves "Islamic" Courts.. ......................................................... Daroogada Sheekh Yuusuf Indhacade iyo xiriirka Dr.Cabdiqaasim Posted to the Web Oct 14, 04:21 Warbixin ay dhowaan soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in hogaamiye kooxeedka Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) uu gacanta ku hayo beero lagu abuuro maandooriyaha daroogada, isla markaana uu maandooriyaha uga soo go'a beerahaas u suuq geeyo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba. Qaramada Midoobay oo baaritaan ku sameysay dhaqdhaqaaqa Sheekh Yuusuf Indhacade ayaa soo ogaatay in hogaamiye-kooxeedkan gacanta ku hayo beero tiradood lagu qiyaasay ilaa 10 oo dhamaantood lagu beero maandooriyaha Xashiishka, isla markaana suuqgeynta maandooriyahan uu ka helo lagac gaareysa $600,000 (Lix Boqol Kun Doolarka Mareykanka) sanadkii. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa toosh cad ku ifisay hogaamiye-kooxeedkan sheegta in uu Sheekh yahay mujtamacana isu tusa in uu yahay nin diin, damiir, iyo dadnimo leh. Waa kuma Sheekh Yuusuf Indhacade? Indhacade oo haatan sheegta inuu yahay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuu ka tirsanaan jiray maliishiyooyinkii gacanta ku dhigay degaanka Shabeelaha Hoose dagaaladii sokeeye kadib, waxaana la sheegay in uu mar madax ka ahaa isbaaro tiilay wadada dheer ee isku xirta Afgooye iyo degaanada uu haatan gacanta ku hayo. Dowladdii Carta intii aanay dhalan wuxuu Indhacade madax u ahaa koox maliishiyo ah oo gacanta ku haysay magaalada Marka. Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo Yuusuf Indhacade Dhalashadii dowladdii Carta kadib, Cabdiqaasim Salaad Xassan oo madax ka ahaa dowladdaas ayaa Indhacade u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna Cabdiqaasim gacanta u geliyay Yuusuf Indhacade hub iyo dhaqaale fara badan. Hubkii uu Cabdiqaasim gacanta u geliyay Indhacade iyo dhaqaalihii faraha badnaa ee uu Cabdiqaasim ku taageeray Yuusuf Indhacade ayaa sababtay in Indhacade u awood sheegto hogaamiyeyaashii Maliishiyooyinka ee gacanta ku hayey degaanada Gobolka Shabeelaha Hoose, sida Jannaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamareer iyo Kurtun Waarey, wuxuuna Indhacade noqday hogaamiye ay ka weecdaan hogaamiyeyaashii maliishiyooyinka, isla markaana ay maamulka degaanadaas isaga uga dambeeyaan. Taageerada uu Cabdiqaasim siiyo Indhacade waxey aheyd mid socotay sadexdii sano ee uu Cabdiqaasim madaxweynaha ka ahaa Dowladdii Carta, wuxuuna Cabdiqaasim dhaqaale fara badan oo uu magaca Soomaaliyeed uga soo qaaday Beesha Caalamka u leexiyay taageerada Yuusuf Indhacade iyo laba nin oo iyaguna gacanta ku haya degaanada Baraawe iyo Afgooye. Burburkii Dowladdii Carta kadib, wuxuu Cabdiqaasim wixii hub ay laheyd dowladdii Carta gacanta u geliyay Yuusuf Indhacade, waana hubka maanta Yuusuf Indhacade ka dhigay hogaamiyaha ugu awooda badan Koofurta Soomaaliya. Baaritaan uu sameeyay Warsidaha Aayaha.com ayaa lagu ogaaday in ilaa maanta uu Yuusuf Indhacade ka talo, tusaale, iyo amar qaato Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan, isla markaana aanu marnaba fulin qorshe uusan Cabdiqaasim la ogeyn. Hadaba su'aasha cid kasta is weydiineysaa waxey tahay hadii Sheekh Yuusuf Indhacade qorshe kasta oo uu fulinayo uu kaga amar qaato Dr. Cabdiqaasim, raad intee la'eg buu Dr.Cabdiqaasim ku leeyahay daroogada uu Yuusuf Indhacade ku beero degaanada Shabeelaha Hoose, isla markaana uu u suuq geeyo magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya iyo dalka debediisaba?. Warsidaha Aayaha.com wuxuu weli ku guda jiraa xiriirka u dhaxeeya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo daroogada uu Yuusuf Indhacade ku beero degaanada Shabeelaha Hoose, iyo weliba xiriirka u dhaxeeya Indhacade iyo shakhsiyaad kale iyo ururo diimeed ka jira Muqdisho, wixii kasoo baxa baaritaankeenana waan idiin soo gudbin doonnaa ee ha u daymo la'aanina. Aqristow, hadaad hayso macluumaad ku saabsan arrinkan aan baaritaanka ugu jirno fadlan noogu soo *** Editor@aayaha.com Aayaha.com Editor@aayaha.com
  13. ^^^ lOl, why celebrate the day the President was elected? That is a relevent question, I personally dont agree with it. Howver they [government] like marking any landmark.. Nice Pics from Mogadishu a good turn out indeed...
  14. Again we seem to be avoiding the topic. What has boat people got to do with the illegal looting of farms, taxing the local population without given them a service, and then selling drugs to the children of Somalia. I dont hide that I never liked the clanist so called @Islamic@ courts and the individuals like Xasan Dahir and Abdiqasin, but even I was taken a back by this report. It highlights why these individuals are so against this government. Because they fear the local oulation which they ahve wronged for the past decade or so. Look at this, all the twons of the Lower Shabelle have "governors" from a single clan. That does not even make up a minority of the people there... Stop avoiding the issue..
  15. Lets get back to the topic, what is your stance on this.......... Gumaysigii cusbaa & Dhibaatooyinkii cuslaa ee lagu hayey dadka shabeellada Hoose degan oo la sii labalaabay. Posted to the Web Oct 13, 23:25 More news on lower Shabelle
  16. Duke for posting news items? The nigga posts anything that he thinks lands Col Yeey potential political points: for instance, since Indhocade is accused of having drug farms, the TFG-Jowhar gets moral backup to fight that kind of "evil." You get it, right? Its all about political points, buddy. Indeed, this is the politics section. Also it angers me when people dont reply to the topic. Rahima, Xoogsade and Juma all tried their best to divert from the theme of this thread which was Mr Inda Cade's alleged involvement in the drugs trade. Now why does that not surprise me. The farms have been turned into a narcotics den, by a so called "Shiekh". Who happens to be supported by a so called"Islamic court" who happens to be a protege of "Dr" Abdiqasin and who is in an allaince with the "JVA". The fact of the matter is if this is even half true, then you ahve lost the moral argument as Mr Wind blower stated above.
  17. ORGI, I agree with you, its not good to sing and dance over nothing. Yet I aim to counter the myth of the warlord media and their endless attempt at creating ever more obsticles for the people. This government has 1. avoided conflict, ignored provocation and has worked on the most important project which is security. 2. It has suceeded in bringing, Yemen, Ethiopia, Kenya and Djabouti together for the first time. The "opposition" are stuck, they have the support of hardly anyone. The President want to bring back security and restore law and order. Compare that to Yusuf Inda Cade, Xasan Dhari, Qaynyare and Co what do they want to bring to the people? For me this is a no issue, we must support the government, the fake wadaads, the drug barons, the scrap merchants should not be seen as any kind of "opposition" apart from opposing our country to thrive...
  18. Maanta oo si weyn looga xusay Magaalada Muqdisho Sannadguuradii 1-aad ee ka soowareegtay markii la caleemo saaray Madaxweyanaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed Posted to the Web Oct 14, 17:28 Muqdisho:- (PP) - Maanta ayaa waxaa si weyn looga xusay Magaalada Muqdisho sannadguuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii la caleemo saaray Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana xafladdaas oo ay ka soo qaybgaleen Wasiiro iyo xildhibanno ay ka mid ahaayeen wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid, Guddoomiyaha gobolka Banaadir isla markaan ah duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow) waxayna xafladdaas ka dhacay Madaxtooyadii hore ee Soomaaliya ee Villa Somalia. Xuseen Maxamed Caydiid oo xafladdaas ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la garab istaago dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena meesha laga saaro is qabqabsiga ay wadaan qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho. "Waxaa loo baahan yahay in dalka iyo dadka loo shaqeeyo ee xal ma ahan sida ay wadaan wasiiro iyo xildhibaanno dowldda ka tirsan oo Muqdisho ku sugan, kuwaasoo caadeystay inay ka shaqeeyaan qilaaf, balse aan dan iyo heello kale ka lahayn dalka iyo dadka, Dowladdu waxay ku tallaabsatay iyadoo kala jaban wanaag aad u fara badan,mar haddii ay is raacdana waxa la filan karaa waa wanaag intaan ka badan" ayuu yiri Xuseen Caydiid oo ay ka muuqatay qiiro marka uu hadlkaas jeedinayay. Xafladdii maanta ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow) oo dhankiisa sheegay in dowladdu muddadii sanadka ahayd ee ay dhisnayd ay ku tallaabsatay howlo la taaban karo oo uu ka tilmaamay Xafiiska Midowga Afirka ay ka furatay Jowhar, iyo howlaha nabadgalyo ee ka socda Dalka qaybo ka tirsan, wuxuuna ugu baaqay dhankiisa xubnaha ku sugan Muqdisho inay dadaal u galaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka raagay, balse aysan meel iska fadhin oo aysan noqon khilaaf wadayaal aan wanaag soo wadin. Sidoo kale xubno kale ayaa halkaas ka hadlay, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafaadka u dhexeeya xubnaha labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo hadalladooda ay isaga mid ahaayeen in danta guud laga hormariyo danta gaar ahaaneed. Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile) Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya contact us:webmaster@puntlandpost.com
  19. Munaasabad lagu xusayey caleemo saarkii C/laahi Yuusuf oo Muqdisho lagu qabtey Muqdisho- 14.Oct.2005 Munaasabad balaaran oo ku aadan xuska sanadguuradii 1-aad ee caleemo saarkii Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliyan ayaa maanta waxaa lagu qabtey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Munaasabadan ayaa waxaa lagu qabtey xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia oo uu gacanta ku hayo Ra’isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Arimaha gudaha Eng.Xuseen Max’ed Caydiid. Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galey Ra’isalwasaare kuxigeenka Xuseen Max’ed Caydiid oo ah masuulka ugu sareeya xiligan xubnaha Labad gole ee ku sugan magaalada Muqdisho, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Max’uud Xasan Cali Cade (Gaabow), saraakiil ka tirsan ciidamadii Booliiska oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Kaahiye Faarax (Harag-Shabeel), G/lle Sare Kabacade, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Isbahaysiga SNA ee uu hogaamiyo Xuseen Caydiid. Ra’isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha Eng. Xuseen Max’ed Faarax Ceydiid oo dadkii ka soo qeybgalay la hadlayey ayaa wuxuu ugu horreyn u mahadceliyey ka soo qeybagalayaashii isu soo baxaasi, isagoo sheegay in ay maanta tahay maalintii Madaxweyne sharci ah loo dhaariyey Soomaaliya mudo 15 sano ah ka dib oo dawlada la’aan dalku ku jirtey kaasi oo hogaamin doona 5-ta sano ee soo socoto. Xuseen Caydiid wuxuu sheegay in munaasabadan ay ugu qabteen magaalada Muqdisho si ay uga dhabeeyaan balanqaadkii hore ee ahaa in Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho. “Maanta xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaan ugu dabaal degeynaa balantii aheyd in xukuumadda Soomaaliya & madaxweynahu ay shuruud la’aan ku yimaadaan Muqdisho, loona gogol xaaro, adduunkana waxaan ka codsaneynaa in ay taageeraan dowladda federaalka†ayuu yiri Eng.Xuseen Caydiid oo la hadlayey boqolaal dad ah oo maanta isugu yimid xarunta Madaxtooyada. MM Dhoore SBC Muqdisho.
  20. Thats great news indeed. Securing our nation is the most important projectof our lives..
  21. Qaramada Midoobey oo Shaaca Ka Qaaday Tirada Beeraha Daroogada Sheekh Indhacadde Posted to the Web Oct 11, 06:59 Beerhaas daroogada oo lagu qiyaasay 10 Beerood waxay ku yaalaan dhul beeraadka Jannaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamareer iyo Kurtun Waarey... Daroogada Tayada Xun ee aagaas ka soo baxda waxaa loo diraa Muqdisho iyo dalalka deriska ah, halka daroogada tayada leh loo diro dalal shisheeya....
  22. ^^^ This is the reason why these people dont want a national govenrment. The fars, the land the air and seaports are all used to enrich one man and his clan. Also is "Dr" Abdiqasin not implicated in this. What about Xabsade of Baidoa was Inda cade not the man who invaded the city to prevent the TFG from settling there? So where are you guys now?????
  23. Qaramada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday Beeraha Daroogada ee Sheikh Yuusuf Indhacadde in uu Sannadkiiba ka helo $600,000, Beerahaas oo ah Kuwo Laga qaaday Dadkii Lahaan jirey... Beerhaas daroogada oo lagu qiyaasay 10 Beerood waxay ku yaalaan dhul beeraadka Jannaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamareer iyo Kurtun Waarey... Daroogada Tayada Xun ee aagaas ka soo baxda waxaa loo diraa Muqdisho iyo dalalka deriska ah, halka daroogada tayada leh loo diro dalal shisheeya.... Isha: Qaramada Midoobey | Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 11, 2005 Warbixin Dheer oo ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey markii ugu horeysey si faahfahsan uga hadashay waxyaabaha sababta u ah dhibka xalka loo waayey ee Soomaaliya in ay sal u tahay lacagta ay sida joogtada ah ee dhiig miiradka ah u helayaan qabqablayaasha dagaalka iyo ganacsadada Daroogada, dhuxul gurayaasha, Qaadka, iwm. Qoraalka UN-ku waxa uu si gaar ah u xusay beeraha daroogada ee Sheikh Yuusuf Indhacadde uu ku leeyahay shabeelada hoose. Qoraalku markii uu arrintaas ka hadlayey waxa uu ku bilowday sidan: Sheikh Yuusuf Indhocadde waxa uu ka arrimayaa gobolka Shabeelada Hoose; waa sidii governor (Guddomiyha gobolka). Xarrunta Indhocadde madaxtooyada u ah waa Buulamareer, oo ku taal aagga baaxad weyn oo uu ka baxo Moosku oo woqooyi galbeed ka xigta magaalada Marka. Jograafi ahaan aagga uu ka arrimiyo waxaa kamid ah marsooyinka badda ee Marka iyo Baraawe - waxana uu leeyahay doonyo kalluumaysi - iyo garoonka diyaaradaha ee Marka.. Aggaas maxalliga ah ee uu ka taliyo waxaa kamid ah dhul beeraad - ay ku jiraan in badan beeraha daroogada ah, beerahaas oo laga qaaday dadkii lahaan jirey. Si uu aaggaas u xakumo waxa uu leeyahay maleeshiyo u gaar ah oo uu isagu leeyahay, kuwaas oo ka kooban rag ka yimid beeshiisa hoose iyo qabiilkiisa (waxana qoraalku xusay qabiilkiisa). Waxa kale oo uu Indhacadde leeyahay waardiyaalaal tiro badan kuwaas oo ah kuwa uu ugu kalsoonida badan yahay oo ah beeshiisa hoose. Miisaaniyada Sheikh Indhocadde uu ku iibsado hubka waxa ay ka timaadaa ganacsada, dekedaha Marka iyo Baraawe, garoonada diyaaradaha, isbaarooyinka, beeraha, NGO-yada, doonyaha kalluumaysiga, iyo ilo kale. Sheikh Indhacadde dad ka socda ayaa cashuurta ururiya Toddobaad kasta. Bilkastana lacagtii la ururiyey waxa uu ku bixiyaa ama siiyaa xubnaha maleyshiyadiisa, kuwa u dhowdhow ama ku xeeran ee jaalka la ah ama lataliyayaashiisa ah iyo cuqaasha qabiilka, waxana uu iibsadaa hub. Marka uu lacagahaas bixiyo, wixii soo hara, oo lagu qiyaasay $50,000 oo doolar waxaa qaata Sheikh Indhacadde qudhiisa. Sheikh indhocadde waxa kale oo uu dakhli ka urursadaa NGO-yada oo la'aantiis aan aagaas ka hawl geli karin, waxaa shardi ah in ay lacag siyaan isaga si ay u helaan ogolaansho ay ku hawl galaan. Waxa la siiyaa boqolkiiba 15% waxa loogu talo galay dadka aaggaas deggan. NGO-gu guryaha ay deggan yihiin lacagta ay ka bixiyaan waxaa loo kala baraa Sheikh Indhocadde iyo qofka leh guriga (ama mulkiilaha guriga). Isga ayaana leh kelmeda ugu dambaysa ee ku saabsan Soomaalida ka hawl geleysa NGO yada - kuwaas oo ah beeshiisa - waxana uu helaa qayb kamid ah shaqaalahaas mushaharkooda. Waxana uu leeyahay dad isku xiriirsan oo dusha kala socda waxa ay NGO-gu qabanayaan. NGO-ga aqbali waaya waa laga eryaa aaggaas. Sheikh Indhocadde waxa kale oo uu leeyahay Beeraha Daroogada oo ku yaal aagga uu xakumo, oo ay kamid yihiin Jannaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamareer iyo Kurtun Waarey. Tirada rasmiga ah ee beeraha lama oga, laakiin Kooxda Qaramada Midoobey ee baaritaanka samaysay dad xog siiyey waxay ku qiyaaseen ilaa 10 beerood oo ku baahsan aagga uu Sheikh Idhocadde Xakumo. Waxaa lagu eedeeyey in daroogada uu waarido ay tahay Marijuana (qiyaastaa noca loo yaqaan XASHIISH-ka*). Beeraha Daroogada Sheikh Indhocadde waa kuwo aad u xirfadaysan oo looga shaqeeyo hab ama nidaam waraabineed, bacrimin iyo kala dagaalanka cayayaanka. Shaqaalaha beerahaas ka shaqeeya waa kuwo khibrad u leh beerista daroogada ganacsigeeda, waxaana la siiyaa mushahar wanaagsan si loo helo darooga "Tayo ahaan Heerkeedu sareeyo**". Daroogadaas waxaa la mariyan nidaam lagu qalajinayo, waana la cabeeyaa, waana la qariyaa si aan loo arag. Wixii ka soo baxa waa la qiimeeyaa: qaybta tayo ahaan hooseysa waxaa loo diraa Muqdisho iyo wadamada deriska ah si meelahaas loogu isticmaalo. Halka qaybta tayo ahaan wanaagsana lagu raro gawaari, lagana dhoofiyo garoomada ama Dekada Marka si loogu suug geeyo suuqyada caalamiga ah. ::: WARBIXINTA UN ::: Warbixintii Qaramada midoobey ay ka qortay Soomaaliya Oct 5, 2005, oo ka kooban 60 bog oo ku qoran Af Ingiriisi.. [PDF] -------------------------------------------------------------------------------- Tarjumaada qoraaladan waa soo dhoweyneynaa.. ::: WARBIXINTII I.C.G::: Warbixintii Ururka "Crisis Group" ay 11kii July 2005 ka qoreen Soomaaliya oo ka kooban 28 bog oo ku qoran Af Ingriisi [PDF] Qiyaastii sannadkii lix jeer ayaa la beeraa (Lix Dalag Qodaal oo la soo goynayo Daroogo). Sheikh Indhacadde waxa uu ballaarimayaa beerihiisa Daroogada, si uu taas u sameeyo waxa uu badinayaa tirada beeraha ama waxa uu kor dhinayaa xaddiga beertiiba ka soo baxda. Waxaa lagu eedeeyey in uu halkii mar oo la beeroba (Dalag qodaal daroogo) uu ka helo $100,000 oo ah beeraha oo dhan (waxaana la beeraa lix jeer sannadkii, 6x$100,000 = $600,000 sannadkii). Sheikh Indhocadde waxa uu leeyahay "qof khaas ah" oo u kala wada hawl galkiisa beeraha daroogada, waxana uu adeegsadaa malayshiyadiisa si ay u waardiyeeyaan beeraha daroogada. Ayey tiri warbixinta Qaramada Midoobey [Eeg halkan..] *NB: Xashiiska waxa laga sameeyaa ubaxa iyo iniinyaha geedka marijuana, waana maan dooriye halis ah - Marijuana waxaa kujira aalad maanka maanka doorisa oo loo yaqaan delta 9-tetrahydrocannabinol, loona soo gaabiyo “THC.†**"Daroogo Tayo leh" waxaa looga jeedaa waa darooga durbadiiba xiska ama maanka suuleyna, isla mar ahaantasna qofka isticmaalaa uu noqonayo mid markasta noocaas u baahan. Warbixintii Qaramada Midoobey halkan ka akhri... GUJI {Waa qoraal u bahaan Tarjumaad si shacabku u fahmaan arrinta ka jirta Soomaaliya} Tarjumadii: SomaliTalk.com | Oct 11, 2005
  24. Hogaamiye Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu ka ganacsado Daroogada Mariwana Posted to the Web Oct 10, 23:26 PP:-Warbixin loo gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si toos ah looga codsaday in cuna-qabateyn lagu soo rogo hogaamiye kooxeed ku sugan Koonfurta Soomaaliya oo la ogaaday in uu ka ganacsado Daroogada loo yaqaan Mariwana. Hogaamiye kooxeedkan ayaa la sheegay in uu leeyahay 10-Beerood oo lagu beero xashiishada,waxayna ku kala yaaliin sida ay warbaxintu cadeyneynso magaalooyinka kala ah: 1-Marka. 2-Baraawe. 3-Kunturwaareey. 4-Qoryooleey. 5-Buulo-mareer. 6-Janaale. Daroogada ka soo baxda beeraha ayaa lagu sheegay inay ka shaqeeyaan dad xirfad u leh qaabka loo abuuro iyo qaabka loo nadiifiyo daroogada,Xashiishna ka soo baxa Beeraha qeybtii xumaata waxaa loo diraa Magaalada Muqdisho iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya waa sida warxbinta lagu cadeeyay. Daroogada qaaliga ah ayaa la sheegay in loo diro dalal shisheeye iyadoo laga dhoofinayo garoomada Diyaaradaha ee ku yaala Magaalada Marka,warbixintaan ayaa lagu sheegay in 6-jeer ay Xashiishada ka soo go,do Beeraha uu leeyahay Sheekh Yuusuf Indha-cade oo isagu sheegta gudoomiyaha degmada Marka. Maleeshiyada Indha-Cadde ayaa la sheegay in sidoo kale ay canshuur xad-dhaaf ah ka qaataan dadka u dhashay deegaamada ay daroogada ka beertaan,waa markii ugu horeysay oo Xarunta qaramada Midoobay ee New-York laga soo saaro warbixin dheer oo ku saabsan Daroogada laga abuuro Soomaaliya iyo shaqsiyaadka ka ganacsadaba. Halkan ka daalaco Warbixintii UN-ka ay ka qortay arrimahaas Xuseen Yaasiin Gode-Gode contact us:webmaster@puntlandpost.com