-
Content Count
30,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
82
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Weftigii qaranka Uga qeyb galaya wada hadalka Somaliland iyo Somalia oo dalka ka ambo-baxay June 17th, 2012 Hargeysa(Somaliland.Org)- Weftigii Somaliland uga qayb gelayay Somaliland wadahadalada Somaliland iyo Somalia ayaa maanta ka ambabaxay dalka iyagoo ku sii jeeda dalka Ingiriiska oo ay wadahadaladu ka dhacayaan dhawaan. Wasiirka wasaaradda arimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo weftigaasi hogaaminaya oo saaka shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa ka waramay shirkaasi iyo qaabka ay u dhici doonaan wadahadalada labada dhinac, waxana uu sheegay in wadahadaladani ay ka dambeeyeen baaqii ka soo baxay shirkii London oo beesha caalamku ku baaqday in Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan xidhiidhkooda mustaqbalka, shirkan hadda la qabanayaana uu yahay mid hordhac ah oo ay soo qabanqaabiyeen dawladaha Ingiriiska, Norwey iyo guud ahaan Midowga Yurub. Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay in Somaliland go’aansatay inay ka qayb gasho shirkaa oo ah mid laga filayo in Somalia ku garwaaqsato xuquuqda, dawladnimada iyo madaxbanaanida Somaliland, maadaama ay Somaliland tahay dal madaxbanaanidiisii la soo noqday, beesha caalamkana ka doonaya ixtiraam iyo ictiraaf buuxa. “Somaliland waxay u caddayn doontaa weftiga TFG-da Somalia mowqifkeeda siyaasadeed iyo waxii ay bulshada Somaliland go’aansadeen waxana uu noqon doonaa wadahadalo labo geesood ah oo ay tashiilaadkiisa bixinayaan wadamada reer Yurub qaarkood,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in wadahadaladaasi oo ay ka dhalan karaan talaabooyin muhiim ah oo Somaliland gaadhsiin kara hadafka aynu tiigsanayno. Xubnaha weftiga oo uu dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kana kooban Shan xubnood ayaa waxay kala yihiin: 1. Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibadda Dr Maxamed cabdilaahi Cumar. 2. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Md.Baashe Maxamed Faarax. 3. Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Engineer faysal cali waraabe 4. Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X xasan 5. Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad.
-
Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay madaxda Dawladda Somaliya U Balan Qaadeen Bedelaada Xubnihii Puntland Ee Wada Hadalka Fashiliyay Jun 17th, 2012 Hargeysa, (Geeska)- Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in hogaamiyeyaasha Soomaaliya u cadeeyeen inay qiimayn doonaan dalabkooda bedelaada xubnahii muranka keenay, haddii natiijo ka soo bixi weydana uga raadin doonaa aqbalaad iyo taageero dhinacyo kale. Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa hoosta ka xariiqay inay Somaliland guul u tahay maadama ay miiska wada hadalka isku soo horfadhiisan doonaan Soomaaliya iyagoo laba qeybood oo siman ah. Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar oo wareysi gaar ah uu wargeyska Geeska Afrika wax kaga weydiiyey wada hadalka dhowaan ku dhexmari doona Soomaaliya ayaa mar labaad ku celiyey in ka qeybgalka Somaliland ku xidhan yahay fulinta shuruudahii ay hore ugu xidheen, su’aalahii la weydiiyey iyo jawaabahii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan: S: Dhowaan waxa loo ballansan yahay wada hadal dhexmara Somaliland iyo Soomaliya, maxaad nooga sheegi kartaa mowqifka Somaliland shirkaa la tegi doonto? Waxaan dhowaan London kula yeelan doonaa wada hadalo siyaasadeed oo fool-ka-fool ah Soomaaliya markii koowaad 21-kii sannadood ee Somaliland jirtay. Fursad wanaagsan ayey noo tahay aan ugu soo bandhigno go’aankayaga iyo hiigsigayaga Soomaaliya annagoo miis wada fadhina, oo laba qeybood oo siman ah. Wada hadalkaa laftiisa ayaa guul u ah Somaliland. Waan sii wadi doonaa wada hadaladaa si aan ugu gaadhno hadafkayaga. Hore, Somaliland waxay ku xidhay shuruud ka qeybgalka wada hadalada Soomaaliya bedelaada xubno u dhashay Somaliland oo Madaxweyne Shariif ku soo daray xubnahii uu magacaabay, welina ma hayno meel lagu bedelay xubnahaa, miyey isbedeshay shuruudii hore ee Somaliland? Hadiise mar kale la soo celiyo maxaa idiinka meel yaal? Ka qeybgalka Somaliland ee wada hadalada London waxa shardi u ah shuruudaha aad sheegtay. Xukuumada ku-meel-gaadhka Soomaaliya waxay noo sheegeen inay qiimayn doonaan dalabkayaga bedelaada. Wada-hadalada noocyadan oo kale hore dalal badan ayaa soo maray ugu danbeeyeen kala go’ii labada Sudan, waxaana jiray wadamo qeyb ka ahaa ama dhexdhexaadinayey, wada hadalada idiin qorshaysan ma jiraan wadamo qeyb ama markhaati ka noqonaya wada hadalkiina? Xukuumada Somaliland waa u diyaar inay wadahadal la yeelato Xukuumada ku-meel-gaadhka ee metelaysa Soomaaliya. Waxaan si quman u derisnay dhamaan fursadahayaga, waxaanan la tashiyo iyo wada xaajood la yeelanay qaar ka mid ah daneeyaasha ay khusayso. Rajo intee le’eg ayaad ka qabtaan inay idiinka soo baxaan wada hadalada dhowaan dhici doona, ma jirtaase xal labaad oo idiin qorshaysan haddii natiijada aad filaysaan ku gaadhi weydaan wada hadalada? Waxaan dib ugu cadeyn doonaa go’aankii qaranimada Somaliland iyo danahayaga, isla markaana uga raadin doonaa aqbalaad iyo taageero dhinacyo kale.
-
-
^^ republic is a foreign name two
-
Sorry guys my bad:D
-
^^ Burahadeer is dark white
-
Nothing wrong the name Somaliland its a historical name even way before colonialism it was called ardSomaal By the way where did we get the name Somali from it was Soomaal where did we get the i from? Somali can be an ethnicity or language so we can use it for nationality.
-
Nothing wrong with the name Somaliland the land was called ardsumal way before colonialism. When you say Somali what do you mean the Ethnic group the language its not a nationality. And the correct term is Somal and not Somali where did we get the i from.
-
Barwaaqo badana meeshu mashallah.
-
Hargeysa sunset
-
I see ina Jeeniyara there the Mayor of laascaanood good development.
-
Suicide blast hits Somali base outside capital Saturday, June 16, 2012 MOGADISHU (Reuters) - An al Shabaab suicide bomber rammed a vehicle packed with explosives into the gate of a government base in Afgoye outside the Somali capital on Saturday causing casualties, the police and rebels said. Al Shabaab said its suicide bomber had "killed dozens" while the police said the blast had only wounded three soldiers. The figures could not be independently verified. Many parties in the Somalia conflict tend to exaggerate enemy losses and minimise their own. Government and African Union troops seized Afgoye from al Shabaab rebels at the end of May. The town is about 30 km (19 miles) from Mogadishu on a key road that links the capital with rebel-held regions in the south of country. "The suicide car bomb tried to follow our vehicles entering the base. But it could not. It exploded at the gate. So far only three of our soldiers are injured," Colonel Nur Hayr, a police officer, told Reuters. Al Shabaab claimed responsibility for the attack. "Our fighter managed to enter with his car bomb inside government forces base in Afgoye. We killed dozens," said Sheikh Abdiasis Abu Musab, the spokesman for al Shabaab's military operations. "The car was heavily laden with explosives. It is a great victory for al Shabaab," he said. Since al Shabaab withdrew from the capital last August, it has increasingly turned to suicide bombers and grenade attacks to target government and African Union positions. (Reporting by Abdi Sheikh and Feisal Omar; Editing by David Clarke and Sophie Hares). Source: Reuters
-
AUN intu dhaxalka sugayey bu maluk al mawd u yimi.
-
Ciidamada Qaranka Somaliland oo la wareegay fadhiisinkii Maleeshiyooyinka Buuhoodle iyo Puntland ku dhibayeen dadweynaha ee Tukaraq Tukaraq(Waaheen) Ciidamadda Qaranka ee Gobolka Sool ayaa saaka waaberigii la wareegay Gacan ku haynta Tukaraq oo ay xuduudka ugu shisheeya Gobolka Sool oo ay deganayeen Ciidamo Maleeshiyooyin ah oo ku hirdamayay gacan ku haynta ba5r kantarool oo ay ku dhibi jireen dadweynaha Jidkaasi maraya. Sida uu Waaheen u xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan CiiDANKA Qaranka Somaliland Duulaanka saaka lagula wareegay goobahaasi waxa khasaare ahi kamuu dhicin, waxaanu xusay inay maleeshiyooyinkii halkaa deganaa ka sii qaxeen markii ay ******** in lagu soo socdo. Dhinaca kalena warar aanu ka helnay Gobolka Sool ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka u geeriyooday Laba kalena u dhaawacmeen Tacshiirad uu ku furay Asakri ka tirsanaa isla Ciidankoodu. Ilaa hada sababta rasmiga ah ee keentay dhacdadaasi madaxda Ciidanka Qaranku kamay hadal, hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan inuu khilaafkoodu ka dhashay Weerarka saaka ay Ciidanku qaadeen oo uu diidanaa Askariga rasaasta furay. Askariga laayay Ciidanka ayaa la sheegay in isla goobtii lagu qabtay, iyadoo ay qaar ka tirsan Ciidanku sheegeen inuu ahaa Xisaabiyaha Guutada 7aad ee aaga Laascaanood
-
MoonLight1;842118 wrote: Somaliland's right wing extremists are nervous these days as they fear the future so they start scare mongering people that "the savages want to steal your future". Sultan Faisal wants to go down in history just like his uncle Sultan Cabdullahi Sultan Diiriye only this time the full package more than a half a century later everything is at stake. He is not worried he has the support of the people of Somaliland.
-
Faysal Cali Waraabe Oo Somaliya Ku Tilmaamay Mayd Somaliland La Dabo-Waddo, Sheegayna In TFG-du Dafirsan Tahay Midowgii Hore & Xasuuqii Muwaadiniinta Ee Kala Go’a Dambe Keenay “Umadda qudha ee waxa aynu nahay uu horseed u yahay Suldaan ama Caaqil xitaa reeraha ay caaqilka u yihiin ma garanayaan” Faysal Cali Hargeysa (Caalami)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa faahfaahin balaadhan ka bixiyey siyaasada arrimaha dibada iyo halka ay marayso, Waxanay si qoto dheer uga hadlay wada hadalada la filayo in ay Somaliland iyo Somaliya dhawaan dhex maraan, si ay uga wada tashadaan aayahood mustaqbalka. Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlayey hadalada iska soo herjeeda ee ay dhawaanahan warbaahinta isku marinayeen labada dawladdood ee Somaliland iyo Somaliya sheegay in haddii la doonayo in wada hadal dhameystiran la galo oo la isku af garto in Somaliya looga fadhiyo inay sadex qodob qiraan. Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo maalintii shalay ka hadlayey xaflad loo sameeyey Ardey ka qalin jabisay Dugsiga Sidam ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay shaqo la’aanta dalka ka jirta iyo saameynta togan ee ay ku yeelan karto dhalinyarada. Faysal Cali Waraabe oo ugu horeyn ka hadlaya siyaasada arrimaha dibada waxa uu yidhi “Maanta dalka markaad eegto Waxbarashadii waa lacag, Biyihii waa lacag, Caafimaadkii waa lacag, markaa anagu siyaasad cad ayaanu arintaasi ka lahayn oo tusaale ahaan qorshayahayagu waxa uu ahaa in aanu gelino 20% Caafimaadka, sidoo kalena tacliinta 20% aan geliyo, markaa markaad qofka caafimaadkiina bilaash uga dhigtid waxna bartid wuu kaa carari doonaa waanu kaa tagi doonaa, laakiin haddii aan la wada soconin umaddu hore uma kacdo, isla markaana waxyaabo badan oo maanta inoo qabsoomi li’i waxa ay ka kacayaan waa aqoon darro, waxa ina biyo dhigatay oo si fiican inoo biyo dhigatay aqoon darro iyo jahli, waxaana ka arkaysaa jahligeena. Umadda qudha ee waxa aynu nahay uu horseed u yahay Suldaan ama Caaqil wax nuxura oo ay sheegayaana ma jirto, xitaa reeraha ay caaqilka u yihiin ma garanayaan waxa ay ku nool yihiin, waxa is qaban waayey sida tacliinteenu kor kacday labaatankaasi sano iyo sida aanay bulshada uga muuqan. Maanta labada cudud ee u weyn ee ina ragaadiyey waxa weeyaan qabyaalada iyo qaad, labadaasi haddii aad ka adkaataan dadkii waxbartoow ayaa la idinka doonayaa, markaan maanta meelahaasi marayo dadka ajinabiga waxa aan ku idhaahdaa bambaanu ku fadhinaa, bamkaasi aanu ku fadhinaa waa idinka (Dhalinyarada) oo haddii aan shaqo abuur la idiin sameynaynin oo aan la idin mashquulin mar uunbaad qarxi doontaan ILAAHEY idinkama dhigee, waxaan leeyahay waa in dawladda culays lagu saaro sidii shaqo lagu heli lahaa oo Telesom iyo Dahabshiil idinkuma, waa inay dawladdu shaqo abuur sameysaa oo la idin shaqaaleeyaa, taasi waa in aad culays ku saartaan”. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey siyaasada arrimaha dibada dalka iyo halka ay maanta marayso, waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo siyaasada arrimaha dibada halka wadankeenu ka marayo aduunka, halka uu marayaan wada hadaladii Somaliland iyo Somalia maanta aqoon yahaniin ayaad tihiin ee waa inaad wax ogaataan halka ay wax marayaan. Bishii Feberuary 23 waxaanu ka qayb galnay shirkii London, shirkaasina guul ayeynu ka helnay oo qodob muhiima oo ah inay Somaliland iyo Somalia kala baxaan oo ay ka wada hadlaan mustaqbalkooda ayaa ka soo baxay, anigu ilaa bishaasi ilaa bishan sideedeedii waan maqnaa oo Yurub, Afrika iyo Mareykanka ayaan marayey, waxaan u marayey wax kale may ahayn ee waxaan arkayey Sunami inagu soo socota oo la doonayo in tacabkeenii la baabiiyo iyo inaga oo aan u jeedin oo qabyaalad, ururo iyo Beelo isku haysana, waxaan xooga saaray waar maxaa la isku haystaa haddii xilkii aynu isku haysanayeyna dusha lagaga imanayo, markaa nimanka la ina wada hadashiinayaa kow way ina dafirayaan in Lixdankii labada dawladdood oo isku darsamay in aynu ahayn, waa ta labaad ee way dafirayaan in la ina xasuuqay oo la isku dayey in dhulkeenii la inaga qaado, waa ta sadexaad ee waxa ay dafirayaan in aynu inagu nahay dawladd dhameystiran oo nidaamkeedii u dhan yihiin, markaa qofka taariikhdaadii dafira ee jiritaankaaga maanta dafira micnihiisu waxa weeyaan kuwan muxuu ILAAHEY u abuuray, dadkaasi ayaa jira umana jeedaan ee idinka ayaa isku jeeda. Maanta Somaliya aduunka ayaa u soo jeedsaday oo waxa madax tagtay waad arki kartaan, waxaad arkaysaa dad maqaaxiyaha ka sheekaynaya oo leh waa la qaldamay tegi mayno shirarka, waar waxaan leeyahay tegi mayno way dhamaatay, taariikhda Ingiriiska kama dhicin safiir waraaqihii dhiibaya oo wasiirkii arrimaha dibada garab taagan yahay, laakiin Xamar ayey ka dhacday waxaanay taasi ina tusaysaa sida muhiimada loo siinayo, maanta maaha wakhtigii aynu odhan lahayn geli mayno haddii aanynaan gelin oo aynaan inteena ka soo qabsan shirarka Somaliya socon mayso. Haddii laga qayb galo shirarka Somaliya maaha jiritaanka Somaliland ayaa la qaatay ee waxa weeyaan habkii aynu u mari jirnay inaynu helno Ictiraafkeena ayeynu bedelnay, marka la yidhaahdo wada hadla waxa aynu doonaynaa in aynu waydiino kaw ma noo ogoshihiin in aynu laba dawladdood ahayn lixdankii, imikana labadii dawladdood ee lixdankii midna ay dhisan tahay midna ay baaba’asan tahay, markay intaasi inaga ogolaadaan ayeynu qodobada kale galaynaa, laakiin imika waxa ay leeyihiin xuduudihii hore waanu baabi’inay oo nidaam qabiila oo la yidhaahdo 4.5 ayeynu ku shaqaynaynaa, markaa idinkuna rubaca ayaad tihiin, markaa halka la inala doonaya inaga oo mirqaansan in dusha la inaga saaraa waa rubuc oo halkii lixdankii ka hooseysa, haddii aynaan arintaasi iska diidinina inaga oo leh reer hebel hadaanu nahay waxaasi aqbali mayno ayaa dawlad Afrikaan, Yurub iyo Mareykan wato dusha la inagaga keeni doonaa, taasi waa inaynu ka hor tagnaa, markaa maanta waxa weeyi in aynu laba arrimood sameyno oo ah inaynu Ciidama xoog leh sameysano, waa inaynu waxa aynu haysano iyo dhaqaalaheena inta badan ciidamo gashanaa, ta labaadna waxa weeyi waa inaynu xaga dublamaasiyada xooga saarnaa oo waa mayd la ina dabo wado ee kuwa maydka sida waa inaynu la xisaabtanaa, laakiin waxaad ogaataan ama shir ha tageen ama meel kale in aanay qaranimadeenu si fudud ku baxayn, teenaanay ku dambaynaysaa Insha Alahu Tacaalaa oo tawxiidkeena calankeena ayaana ka saraynaya Insha Alah”. Guddoomiyaaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya wada hadalyada wakhtiga la filayo wada hadalada ayaa waxa uu yidhi “Wada hadaladii ayaa la filayaa in dhawaan furmaan, waana la inoo soo sheegayaa dhawaan wakhtiga, nimankaa Somaliya-na waynu jecelnahay in ay wax noqdaan oo aan lacagta la boobin oo maalintii Istanbul 130 Milyan oo ay cuneen ayaa lagu soo saaray oo la yidhi lacagtaasi halkeed mariseen, wax lacag ah oo dambe oo loo dhiibayaana ma jirto ee boodh ayaa loo sameynayaa, waxaanan leeyahay inagana intaan boodh la inoo sameyn aynu musuqmaasuqa yarayno. Somaliland dawladda oo kaliya ku dayn mayno ee hareeraha ayeynu ka taaganahay halka ay tagayso iyo halka ay ku socoto, markaa Somaliland wax go’o lagu qaado ka weyn oo Berbera ayaa la qaadi kari waayey ee ma Somaliland ayaa la qaadayaa
-
Madaxweyne Faroole oo booqasho ku tegay magaalada Jig-jiga
Xaaji Xunjuf replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Is this his first trip to jigiga Fiqi? And do you have any pictures. -
-
Somaliland brushes off unity call ahead of key meeting Britain-based Somalilanders wave the flag of the internationally unrecognised self-declared republic of Somaliland as they hold a pro-independence rally outside Downing street in London on February 22, 2012. The country's leadership is not ready for unity talks with Somali Posted Friday, June 15 2012 at 13:28 Somaliland, a self-declared republic in north-western Somalia , is not ready to engage Somalia’s Transitional Federal Government on matters related to its independence from the rest of Somalia. This is according to Abdi Yusuf Du’ale, the region's Minister for Information of Somaliland, who made the pronouncement while naming a five-member delegation from his territory that will hold talks with a team from the Mogadishu-based TFG later this month in London. The Somaliland team led by its foreign minister, Dr Mohamed Abdullahi Omar, includes Mr Faysal Ali Warabe, the chairman of Ucid Party, one of the opposition political parties in Somaliland. Mr Du’ale who is also the official spokesman of the authority insisted that the talks will only dwell on the bilateral relationship between the two sides. "Somaliland’s decision to break away from the rest of Somalia will remain indestructible," said Mr Du’ale. Somaliland unilaterally declared independence from the rest of Somalia on May 18, 1991, following the collapse of the General Mohamed Siad Barre's regime. Since then, there have been several failed efforts to re-unite the two sides. Earlier this week, while in Nairobi, Kenya, Somalia prime minister, Abdiweli Mohamed Ali, said that the process of holding a meeting between the TFG and the authority in Somaliland were at an advanced stage. Pitch for talks At international level, a meeting between the two Somali sides was first suggested at the end of a Conference on Somalia on February 23 in London, UK. The proposal was also repeated during the conference on Somalia in Istanbul, Turkey on June 1. In both cases, conference participants that included more than 40 representatives from the international community recognised the need to support any dialogue that Somaliland and the TFG or its replacement may agree to establish in order to clarify their future relations. http://www.africareview.com/News/Somaliland+dismisses+unity+call/-/979180/1428054/-/o3jwh0/-/index.html
