Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,102
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    81

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. ^^ So he is an Ethnic Somalilander?
  2. Shirkadda Somcable iyo dhaqdhaqaaqyadeeda magaaladda Hargeysa June 13th, 2012 Shirkadda Some Cable ee isgaadhsiinta casriga ah ayaa bilihii u danbeeyey dhaqdhaqaaq xoogan ka waday guud ahaan dalka,gaar ahaana bartamaha Suuqyadda Magaaladda Hargeysa,waxaanay hadda gacanta ku hayaan oo ay bilaabeen qodista iyo jeex jeexista gododka luugu talada galay inay maraan xadhkuhu,waxaana halkaa ka muuqata inay kaga dhabeeyeen suura galinta Adeeggii ay u balan qaaday bulshadda reer Somaliland ee ahaa Cable-ka Badda Hoostiisa mara,taasoo ay ku doonayeen inay ummaddooda ka baahitiraan dhanka Isgaadhsiinta. haddaba waxa aanu Boga ganacsiga ee wargeyska dawan wareysiyo kala duwan kula yeelanay qaar ka midda bulshadda ku dhaqan Somaliland kaas oo ku saabsan bal siday u arkaan adeegyadda ay soo kordhisey shirkadda SomCable,ugu horeyna waxaanu wax ka waydiinay Mr Xasan oo ka mida aqoonyahanada waxaana uu yidhi. “ “Runtiina sidaynu ka wada war qabno waxay noqonaysaa shirkaddii u horaysay ee dalka Somaliland ka hirgelindoontaa Adeegga Cable-ka Badda hoostiisa mara Shirkadda SOMCABLE ee oggolaanshaha keenista isgaadhsiinta casriga ah ee badda hoosteeda la mariyo ka heshay xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Silaanyo iyo xukuumaddii hore ee Rayaale, ayaa dhawaanahan dhaqdhaqaaq wayn ka wadda guud ahaan dalka. qaabka shirkadda SOMCABLE u hireglinayso fullinta qandaraaska Cable-ka badda hoosteeda oo ah mashruuc isgaadhsiineed oo loogu talogalay inuuisku xidho Somaliland iyo dalalka ku yaal Afrikada bari, Koonfur Afrika, Asia iyo Europe taaso Maamulka shirkadda SOMCABLE ,xafladdii furi taanka keenista adeegooda ee (2010-kii)lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa,ay umaddda reer Somaliland ugu balan qaadeen inay dhawaan dalka keeni doonaan xadhigga isgaadhsiinta badda hoosteeda la mariyo ee loo yaqaan “Fiber-optic,” kaas oo ay xuseen in ay keenayaan xarunta ay isugu yimaaddaan xadhkaha cable-da dalka Jabuuti ee aynu deriska nahay. nidaamka shirkadoodu u shaqayn doonto, waxay ku tilmaameen in SOMCABLE ka iibin doonto shirkadaha isgaadhsiinta dalka, balse aanay iyaga hawshoodu ahayn keenista isgaadhsiin toos ah. sidoo kale waxay shirkadda SOMCABLE sheegtay inay ku kharash garayn doontaa mashruuca qodista xadhigga isgaadhsiinta badda hoosteeda lacag dhan 40 milyan oo doolarka Maraykanka ah, isla-markaana ay ka faa’iidaysan doonaan in badan dadka shaqeeya oo ka mid ah bulshada reer Somaliland ee aan hadda hayn shaqooyin rasmi ah. Dhanka kale waxay shirkaddu balan qaaday in ay furayso saamiyo ay bulshada reer Somaliland ee hantilayaasha ahi kaga qayb-qaadanayaan maalgashiga mashruucan caalamiga ah. Waxa kale oo si diiran u soo dhaweeyey shacbig Somaliland qorshahaasi kuna hambalyeeyay shirkadda SOMCABLE keenista xadhiga isgaadhsiinta casriga ah ee badda hoosteeda marta, kuna tilmaamay mid ku dedaalaysa horumarka dalka, talaabadaasi mihiimka ah ee ay qaaday shirkadda SOMCABLE,waxay caddeynaysaa in isgaadhsiinta Somaliland tahay mid xor ah oo aan dawladdu wax farogalin ah ku samayn Hadaba Markaad doonaysid inaad wax samaysid waxa fiican bal inaad ka fikirtid sida shirkadda Some Cable mustaqbalka adiga oo adeegsanaya taatikooyinkii inaad dalkaaga keento wax mustaqbal iyo Aayatiin leh. Sidoo kale, shirkadu waxay qayb wayn ka qaadataa arimaha bulshada. waxa kale oo adeega Some Cable ku jira oo ay qayb wayn kaga jirtaa xaga bilicda magaalada oo shirkada Some Cable adeegeedu waa mid hoos mara Badda iyo mid dhulka hoostiisa la marinayo. Markaa shirkada SOME CABLE xiligii ay samayneysay daraasada waxay ku dareen bal hada sidii ay faa’iido u keeni lahaayeen ee aynay khasaare u soo kordhin una sii siyaadin dhibaatada hada ka jirta dalka oo waxay ka fikireen hab kaa lagaga bixi karo,maxaa yeelay hada CAALAMKU waxa uu marayaa inuu noqdo qariirad yar in lays arko oo lawada hadlo,yagoo taa ka duulayana waxay shirkad ahaan inay somaliland keenaan wax loo yaqaano Fiber-optic Dalka waxa horumariya dadkiisa, marka laga reebo waxqabadka xukumadda taladda haysa, balse waxa dalku dhismaa markay dadkiisu maal geliyaan ee hantidooda iyo maalkoodda u huraan. Tan iyo intii Somaliland goonida isu taagtay waxa jira shaqsiyaad fara badan oo dalkooda ku sameeyey Maalgashiyo balaadhan oo wax ku ool ah sida ina Aw Siciid oo kale. Shirkada Somcable waxay dhowaan looga fadhiyaa inay dalka guud ayaan ka hergeliso xadhkaha ama Cable-ka badda hoostiisa mara kaas oo ka mid ah horumarka ugu danbeeya ee wakhtigan ay dunidu isticmaasho dhinaca isgaadhsiinta. Mashruucan Somcable wuxuu sahlayaa isgaadhsiintii dhinaca Telephonada iyo Internet-ka, sidoo kale waxa uu qayb ka noqonayaa shaqo abuurista bulshadda reer Somaliland ka helaya tirro dad ah oo aad u ballaadhan. Dalku wuxuu leeyahay xoog da’ yar u badan oo shaqo la’aani hayso maadaama dalkeenu curdin yahay, hadba dadka dhaqaalaha haysta maxaa u diidaya in ay wershadaha waaweyn ee sida Sibidhka oo kale iyaguna maalgashadaan si ay shaqo uga helaan dad badani. Waxaan nasiib darro u arkaa dadka ka daba qaylinaya ama dacaayadaha raqiiska ah ka fidinaya shaqsiyaad ka ildheer garadka ah ee jecel in ay wadan kooda ku sameeyaan maal gashi sida shirkadda Somcable,oo kale markaa waxaan leeyahay Gacmaha shisheeye waxa ka wanaagsan gacmaha wadaninyiinta,waxa sidaasi sheegay aqoon yahan da,a yar oo jaamacadda Hargeysa ka barta ITC,SYSTEM-ka Waxa aan aad ugu han waynahay in uu noqon doon Cable-ka khadka Internetka ee dhawaan la keenayo magaalada Berbera in uu kaalin weyn ka qaadan doono horumarka dalka iyo dadka Somaliland-ba, kaas noqon doona mid ay Somaliland kaga duwanaan doonto dalal badan oo Afrika ku yaal. Cabdi Naasir oo ka Mida dadka iyagu indha indheeya horumarka ayaa ku tilmaamay xadhiga isgaadhsiinta casriga ah ee Somaliland heshay, mid wax weyn ka tari doonto horumarka bulshada ee dhinacyada waxbarashada iyo dhaqaalaha. Hadaba waxaan aad iyo aad u jecelahay inaan halkan ku xuso Maxamed Aw Siciid oo ah cidda iska leh ama ay ka timi fikirka keenista qorshahani oo runtii ah qof aan is qarin Karin taariikhda Somaliland ay wax badan ka qori doonto, Ayaan waxaan rabaa in aan qormadan ku soo qaato dhawr qodob oo ku saabsan ama ka midda waxyaabihii uu u qabtay Somaliland. 1:keenista cable-ka badda hoostiisa mara kaas oo noqon doona mid waxa wayn ka tari doona horumarka wadanka isla markaasina qayb libaax ka qaadan doonta shaqo abuurista bulshadda Somaliland. 2:waftigii reer Somaliland ee ka qayb galay xafladii madax banaanida ee south sodan oo uu iska lahaa fikraddii ama astaantii ay waftigu kaga qayb galeen munaasibadaasi,oo ahayd mid si wayn u soo jiidatay indhaha bulshadda Caalamka kadib markii uu u sameeyey Laas koodhado ay xardhan tahay magaca iyo Calanka wadanku xubnahaasi matalaayey Somaliland oo uu hogaaminaayey Madax wayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). 3:waxa kale oo qayb wayn ka qaataa dhinacyada kootara biishanka ama caawimooyinka kala duwan ee ay ka mid ka yihiin,sida Abaaraha ,Caafimaadka,Waxbarashadda,xaaladaha dagdaga ah iyo dhismayaasha bilicda leh waxa sidaasi yidhi.Maxamed Jaamac oo ka mida dadka u dhuunta daloola muwaadiniinta maalgashiga ku sameeyey dalkooda.
  3. ^^ They are in their own country and its only normal that the provincial administration in garowe is helping these IDPS. Not only are they you're Somali and Muslim brothers Osman they are also you're countrymen what is theirs is yours and what is yours is theirs.
  4. Somaliland President Ahmed Siilaanyo receives all the mayors of the country Madaxweyne Siilaanyo oo kulan guubaabo ah la yeeshay Maayarrada dalka June 13th, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxwaynaha . Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga Madaxtooyadda kulan kula yeeshay Maayaradda Todoba magaallo oo ka mid ah maayarrada dalka,kuwaasi oo socdaal shaqo ku yimid Caasimadda. Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadda Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay 7-da Maayer ee Magaalooyinka ay darajadoodu tahay A-da. Kulankan oo daba socday kulan u Madaxweynuhu hore ula yeeshay Badhasaabada Dalka 05/06/2012. waxa uu Madaxweynuhu maayerada ka dhegaystay warbixin la xidhiidha hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xidhiidhka wada shaqaynayd ee Hay’adaha Dawladda. Warbixintaa dheer waxay Maayiradu kaga warameen wax-qabadkooda labadii sanno ee ugu dambeeyey oo ay sheegeen inuu aad iyo aad uga badan yahay Sannadihii ka horeeyey waxaanay taa ku amaaneen Xukuumada Cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay sheegeen in ay ka helaan Gacan qabasho u suurto gelisay dedaalka ay sameeyeen. Maayeradu waxay soo jeediyeen talooyin badan oo wax ku ool ah gaar ahaana khuseeya dhinaca nabad-gelyada iyo cadaalada. Gebegabadii Warbixintaa ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maayerada uga mahad-celiyey talooyinka ay soo jeediyeen iyo wax-qabadkoodaba. Waxaanu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda isla markaana ay indho gaara ku hayaan nabad-gelyada iyo cadaalada oo uu sheegay inay yihiin Aas-aaska Nolosha iyo Dawladnimadaba.”
  5. Somaliland: Gooni ayaan ahaaneynaa 13 June, 2012, 07:06 GMT 10:06 SGA Dadka reer Somaliland oo dabbaal degaaya sand guradii 21-aad ee gooni isutaaga Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka somaliland ayaa ku dhawaaqay in wada hadallada Somaliland iyo dawladda KMG ee Somaliya aanay ahayn kuwo lagaga noqonaayo gooni isutaaga somaliland . Cali Yuusuf Axmed wuxuu sheegay in xukuumada Somaliland loo igmaday oo keli ah sidii ay u kala guran lahaayeen Somalia iyo Somaliland , oo ay u noqon lahaayeen laba dal oo jaar ah oo walaalo ah. Gudoomiye ku xigeenka baarllamaanka Somaliland Cali Yuusuf Axmed wuxuu hadalladaasi kaga dhawaaqay shir jaraa'id oo maanta uu ku qabtay xarunta baarllamaanka ee Hargeysa . Go'anadii ka so baxey shirkii London ayaa ugu baaqey Somaliland iyo Somalia inay wada hadlaan. Madaxweynaha Somalia Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa horey u sheegey in wadahadalka ay laxiriiraan sugitaanka midnimada Somalia.
  6. Somaliland oo Diidday ka Hadalka Midnimada Ismaaciil Xuseen Farjar | Hargeysa Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatay hadalo ka soo yeeray mas’uuliyiinta DKMG ah oo sheegaya in wadahadalada dhawaan dhex mari doona Somaliland iyo DKMG ah lagaga hadli doono midnimada labada dhinac, Somaliland ayaa DKMG ah uga digtay in hadalada noocaas ah ee la isu marinayo warbaahintu ay sii fogaynayaan wadahadalo dhex mari kara Somaliland iyo DKMG ah. Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Somaliland Cali Yuusuf Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay arrintaas kaga hadlay. Shirka jaraa’id ka dib ayaa Idaacadda VOA ay wareysi la yeelatay Guddoomiye Ku-xigeenka. Wareysiga kala oo maqal ah, kala soco Idaacadda VOA.
  7. Carafaat i thought so because kuwaso kale magalooyinka oo kale lugu ma arko waxay joogaan buuraaha sidaad sheegtey:D
  8. Global Peace index 2012 mapped The Global Peace Index is the world's top measure of peacefulness. See how the data looks with the GPI official map by Visions of Humanity http://www.guardian.co.uk/news/datablog/interactive/2012/jun/12/global-peace-index-2012-mapped
  9. Carafaat;841577 wrote: Kalinjin Bismilahi raxmani raxiim kuwanu vampires baad mooda kuwan magalooyinka africa eeh waweyn malga qariya ?
  10. Haye Carafaat ma qaar ba hadhay walahi u need to get a girlfriend intad dadkan qa waan so so sawirisid.
  11. Aaliyyah;841415 wrote: Awdal State dhalataye halka dadaalka ka wada reer Awdalow. Guul iyo horumar. Halkay ku dhalatay ma nightclubka:D
  12. Xabashidi ceelbuur wa ka baxeen degmada beledxaawo way ka baxeen waxay ku hadheen bay iyo bakool iyo hiiraan iyo degmada guriceel eeh galguduud.
  13. Ethiopian troops abandon some Somali towns, allowing al-Shabab to return; 2 men beheaded By Associated Press, Updated: Tuesday, June 12, 5:21 PM MOGADISHU, Somalia — Witnesses say that hundreds of gun-toting al-Shabab fighters have moved back into central Somali towns abandoned over the last week by Ethiopian troops. Ali Muhyadin, a resident in the town of El-bur, said Tuesday that residents woke up on Sunday and found that Ethiopian troops had abandoned their bases. Residents said al-Shabab fighters then beheaded two men accused of collaborating with the Ethiopians and dumped their headless bodies in town. Al-Shabab was reported to have returned to two other towns — Mahas and Wabho — after Ethiopian troops left. Ethiopia’s president recently promised that Ethiopian forces would leave Somalia soon. Ethiopian forces still occupy the larger towns of Baidoa and Beledweyne. Copyright 2012 The Associated Press. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.
  14. Ciidamadii Itoobiya oo maanta isaga baxay degmada Beledxaawo Ciidamo Itoobiyaan ah oo saldhigyo ku lahaa degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa saaka baneeyay, iyagoo u ruuqaansaday dhanka deegaanka Doolow oo ku dhow xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya. Sida ay sheegayaan wararka Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa sanadkii la soo dhaafay gacan ku siiyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna la wareegitaanka degmada Beledxaawo. Inkastoo Ciidamada Itoobiya ay saldhigyo ku lahaayeen duleedka degmada iyo halka looga soo galo, hadana Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna ayaa ahaa kuwo magaalada ammaankeeda sugayay. Xaalada degmada ayaa ah mid xasiloon, iyadoo aan wax saameyn ah ku yeelan ka bixitaanka degmadaas ee Ciidamada Itoobiya, iyadoo inta badan degmooyinka Gobolka Gedo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda. Ka bixitaankan ayaa ku soo beegmeysa xilli labadii maalmood ee la soo dhaafay Ciidamada Itoobiya ay isaga baxayeen deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay ka mid aheyd degmada Ceelbuur.
  15. Ciidamada Itoobiya oo ka baxay magaalada Baladxaawo Ciidamadii Itoobiya ee kusugnaa Degmada Beleddxaawo ee Gobolka Gedo ay isaga baxay Magaalada Beledxaawo xili ay kasii qul qulayaan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud. Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay magaalada Beledxaawo ayaa la xaqiijiyey in ay gaareen deegaanka Doolow ee ku dhow xuduud beenaadka kala qaybiya Soomaaliya iyo Itoobiya. Ciidamada Saliibiyiinta Itoobiya ayaa 72dii Saacadood ee ugu danbeeyay waxa ay ka cararayeen deegaano badan oo katirsan Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan iyo Waliba Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Wilaayada Gedo. Xaalada degmada Baladxaawo ayaa ah xaalad kacsan waxaana lagu soo waramayaa in Mushrikiintii ku sugnayd halkaas ay isu diyaarinayaan in ay ka baxaan magaalada maadaama ay qabaan cabsi weyn oo ku aadan in Mujaahidiinta Al Shabaab ay weerar ku soo qaadaan magaalada Baladxaawo. Shacabka reer Beledxaawo ayaa laga dareemayaa shucuur farxadeed waxayna Allaah uga magad celinayaan in uu ka dul qaaday Gumaysigii Saliibiga ahaa ee magaaladooda xooga ku haystay waxana ay u hanqal taagayaan in ay mar labaad ku hoos noolaadaan Raayada Tawxiiddka. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in uu isbadal ka dhaco magaalada Baladxaawo.
  16. Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Degmada Beledxaawo 12. juni 2012 allpuntland Degmada Baledxaawo ayaaa la sheegayaa inay maanta Isaga baxeen Ciidamada Itoobiya oo halkaas ku sugnaa. Sida wararka ay sheegayaan Ciidamada Itoobiya ayaa faarujiyay Farasimihii ay ugu jireen degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo Waxaana lasheegayaa in Ciidamadan ay u run qaan sadeen Degaanka Doolow ee ku dhow Xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya. Xaalada Degmada Baledxaawo ayaa ah Mid Xasiloon waxaana degmada hada Si wadajir ah gacanta ugu haya Ciidamada Dowlada Iyo Ahlusuna. Lama Oga sababta dhabta ee kadambaysay in Ciidamada Itoobiya ay dib ugu noqdaan Doolow,lakiin waxaa la tilmamayaa kabixidooda Beledxaawo inuu dabo socdo Qilaafkii kadhashay Degmada Ceelbuur oo ay isku dhaceen Saraakiisha Itoobiya iyo Ahlusuna. Ciidamada Itoobiyaa ayaa saakay kabaxay deegaan Wabxo ee Gobolka Galgaduud halka maalmo kahorna ay faarujiyeen degmada Ceelbuur islamarkaana ay la wareegeen Al-shabaab. Sikastaba Dowlada Itoobiya oo horay u shaacisay inay tageerayso howlgalka Midowga Africa iyo Dowlada ayaa hada u muuqata inay dib ugula baxaysa Soomaaliya Ciidamadeeda. Lama Oga Xaalka Beledxaawo waxaa uu ku dambayn doonto oo ay isaga dhaqaaqeen Itoobiyanka iyadoo Al-shabaab ay ku sugan yihiin qaybo kamid ah Gobolka Gedo.