-
Content Count
30,102 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
81
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
1 MILLION PEOPLE .. THAT IS ALL IN SOMALILAND
Xaaji Xunjuf replied to djibsomali's topic in Politics
looooooooool@ jacaylbaro yarku wa fransiis ingreeska ku addag lol -
Somaliland Government Shuts down the Horn Cable TV
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Where they pro kulmiye -
Kulmiye Future Foreign Minister Meets Donald Payne
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
SOCDAALKA DALKA MARAYKANA – XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA EE KULMIYE July 29th, 2009 Comments Off OCDAALKA DALKA MARAYKANA – XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA EE KULMIYE WAR-SAXAAFADEED – JULY 29, 2009 Xisbiga KULMIYE isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee ka saaran hagaajinta xidhiidhka Somaliland la leedahay bulshada caalamka; arkayna in xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo Maraykanku uu imika soo kale dhexgalay isafgaranwaa culus, sida ka muuqatay hadaladii ay is dhaafsadeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Afrika uu qaabilsan Kongaress ka Maraykanka, wuxuu go’aansadey xisbigu inuu ka shaqeeyo sidii xidhiidhka Somaliland la wadaagto dawladda Mareykanka loo hagaajin lahaa. Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, xoghaya arrimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye , oo mrtiqaad ka heley Congress-ka Mareykanka ayaa socdaal ku tagay dalkaas . Dr. Maxamed wuxuu kulan gaar ah kula yeeshay magaalo madaxda Mareykanka ee Washington DC Mudane Donald Payne, Guddoomiyaha Guddiga Baarlmaanka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika. Gudoomiye Donald Payne waa nin miisaan wayn ku leh siyaasadda Maraykanka ee Afrika, wuxuuna ahaa xildhibankii soo bandhigaya mooshinkii nambarkiisu ahaa 20, ee laga ansixiyaya Kongaress ka Maraykanka taariikhdu markay ahayd Febuary20, 1999. Nuxurka mooshinkaasi wuxuu ku baaqaye in Somaliland la siiyo gargaar dhaqaale iyo taakulo bini’aadanimo, waxaanu ahaa mooshinka kaliya ee Kongarayska Maraykanka laga soo saaray ee taageero loogu fidinayay Somaliland. Gudoomiye Payne waa xildhibaanka keliya ee ka tirsan Kongaresska Maraykanka ee yimi Somaliland, waana xildhibaankii u suurto geliyay in Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Madaxwayne Mohamed Haji Ibrahim Cigaal, loogu sameeyo casho sharaf Kongaresska Maraykanka oo ay ka soo qayb galeen xildhibaano badan. Gudoomiye Payne waa Kongaressman-ka keliya ee la kulmay Madawayne Rayale markii uu yimi Maraykanka. Waxa uu Gudoomiye Payne taageero joogto ah la garab taagan yahay shacabka iyo dawlada Somaliland. Shirkii ugu dambeeyay ee uu ku qabtay Washington wuxu ugu talo galay in Somaliland ay ka hesho taageero dhaqaale oo lagu sugo amaanka. Gudoomiye Payne wuxuu madax ka yahay guddi barlamaan oo qaabilsan soo jeedinta iyo ansixinta taageerada iyo hawlgalada xukuumadda Maraykanku ka fuliso Afrika. Wuxuu gacan wayn ku leeyahya samaynta qawaaniinta iyo hindisayaasha siyaasadeedd ee saamaynta ku leh qaaradda Afrika. Wuxuu kaloo wax ka go’aamiyaa dakhliga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku baxa waddamada Africa. Wuxuu socdaalka Xoghayuhu Dr. Maxamed xaqiijiyay in Gudoomiye Payne yahay saaxiibka ugu wayn ee Somaliland ku leedahay barlamaanka Maraykanka iyo in isfagaran waaga culus ee soo kale dhex galay labada geesoodna uu maanta gaadhsiisan yahay heer uu joogsaday wada hadalkii iyo xidhiidhkii labada dal. Taasi oo dhaawac wayn gaadhsiinaysa dantii qaranka Somaliland. Xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbiga Kulmiyewaxa loo sheegay in dawlada Dahir Rayaale ay martiqaad qoraal ah ka heshay xafiiska Gudoomiye Payne, xukuumada Dahir Rayale-na ay jawaab qoraal ah oo ay ku aqbashay inay ka soo qayb gasho shirka u soo dirtay xafiiska Gudoomiye Payne. Muddo yar ka hor xiligii shirka bilowgiisa waxa maamulka Rayale ay go’aansadeen in aanay shirka ka soo qayb gelin, inkastoo wakiilka xukuumada Rayale ee Maraykana Dr. Saad Noor uu yimi oo uu soo fadhiistay madashii shirku ka dhacay. Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa in laga wada hadlo arrimaha saameeya nabad gelyada gobolka iyo sidii ay dawlada Maraykanku taageero uga gaysan lahayd. Taageeraadaasi oo Gudoomiye Payne oo masuul uga yahay barlamaanka Maraynkanka. Xukuumada Riyaale waxay ula dhaqantay xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd Guddidd Arrimaha Africa ee barlmaanka Maraykanka iyo khaasatan xidhiidhkii Gudoomiye Payne si aad iyo aad u fool xun oo wax u dhimaysa danaha aasaasiga ee shacabka Somaliland. Taasuna waa mid tusaale wayn u ah sida xukuumada Riyaale u maamusho xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka. Safarka Dr. Maxamed Cabdillahi wuxu ka halwgalay sidii loo soo noolayn lahaa xidhiidhkii Somaliland la lahayd dalka Mareykanka iyo Guddoomiye Donald Payne oo madax ka ah guddi barlamaan aad ugu mihiima qadiyada Somaliland. Gudoomiye Payne wuxu ogolaaday in uu kulan kula yeesho xoghaya arrimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye xarunta barlamaanka maraykanka ee Capital Hill. Kulankaasi oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha 27-kii iyo 28-kii bishii July. Kulankaasi waxaa lagu lafaguray arrimo fara badan oo khuseeya nabadgelyada, dimuqraadiyadda, xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland iyo arrimo la xidhiidha doorashada madaxtooyada Somaliland. Wuxuuna Guddoomiye Donald Payne ugu hambalyeeyay shacabka Somaliland dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ilaalinta nabadgalyada iyo kobcinta dimuqraadiyada . Waxaanu ugu baaqay in Somaliland qabato doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda xiligii loogu talo galay. Waxaanu muujiyay walaac uu ka qabo khatar soo gaadha nabadgelyada Somaliland iyo inuu diyaar u yahay inuu Somaliland la shaqeeyo oo ka caawiyo sidii looga hor tagi lahaa khatarahaasi. Waxaa kaloo shirlka lagaga wada hadlay go’aanka uu maanta madaxwayne Rayaale ka qaatay natiijadii diiwaangalinta codbixiyayaha dalka iyo saamaynta ay ku yeelan karto nabadgalyada dalka. Dr. Maxamed iyo Gudoomiye Payne waxay is la qaateen in si joogto ah ay uga wada shaqeeyaan balaadhinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Hussein Cabdi Ducaale, Gudoomiyaha Woqooyiga Amerika ee Xisbiga KULMIYE -
1 MILLION PEOPLE .. THAT IS ALL IN SOMALILAND
Xaaji Xunjuf replied to djibsomali's topic in Politics
nuuuune looooool good point. eventhough dad baddan is diiwaangellin lots of youths because they want to come to the west -
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo go’aan ka soo saaray Doorashooyinka soo socda July 28th, 2009 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta sheegay in ay go’aan ku gaadheen in Doorashada Madaxtooyada Somaliland lagu galo Diiwaangelin la’aan, ka dib markii siday sheegeen Hay’adda Interpeace oo gacanta ku haysay natiijadaasi ay ku guul-darraysatay soo saarista natiijo tayo leh. Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ayaa sheegay in shir ay isugu yimaadeen ka dib guddi ahaan ay go’aan ku gaadheen in diiwaangelin la’aan lagu galo Doorashada, isla markaana layska dhaafo hawsha iyo natiijada Diiwaangelinta oo la sheegay in lacag 8-Milyan oo Dollar ahi ku baxeen. Hadalka ka soo yeedhay Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa wuxuu ku soo beegmay waqti ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland aqbaleen natiijo ka soo baxday Diiwaangelinta. Somaliland.Org Hargeisa News Desk bmm@somaliland.com
-
Kulmiye Future Foreign Minister Meets Donald Payne
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Maraykanka Washington DC, July 28, 2009 (Haatuf) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shalay xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan Capitol Hill ee magaalada Washington kula kulmay guddida arrimaha dibadda iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka dawladda Maraykanka, halkaas oo la sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay. Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda KULMIYE ee aqalka Baarlamaanka Maraykanka ayaa la sheegay inay ka dambaysay kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda Maraykanka si loola yeesho la tashi ku saabsan arrimaha Somaliland. Masuuliyiinta Maraykanka ee uu Dr. Maxamed Cabdillaahi kula kulmay Capitol Hill ayaa waxa horkacayay Congressman Donald Payne, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka dawladda Maraykanka iyo masuuliyiin kale. Xoghayaha Khaarajiga KULMIYE iyo Congressman Donald Payne oo ay weheliyaan xubno ka tirsan baarlamaanka Maraykanka ayaa halkaas ku yeeshay kulan dheer oo ay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, iyadoo sida la sheegay ay si gaar ah uga wada hadleen labada dhinac sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka iyo iskaashigii ka dhexeeyay Somaliland iyo Maraykanka oo uu dhawaan soo dhex galay is-afgaranwaa. Sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jira Somaliland iyo xiisadaha ku xeeran hawlaha diyaargarowga doorashada madaxtooyada Somaliland, waxaana la filayaa in wada-hadalka labada dhinaca dhawaan laga soo saari doono war-saxaafadeed. Dr. Maxamed Cabdillahi oo warbaahinta u waramay kulankaas kadib ayaa sheegay inuu dawladda Maraykanka ka codsaday in aanay joojin iskaashiga iyo taageerada ay u fidiso shacabka Somaliland. Wuxuuna Xoghayuhu tilmaamay inay Somaliland maanta marayso xilli kala guur ah oo siyaasad ahaan xasaasi ah, mandaqaddana ay ka aloosan yihiin xiisado colaadeed iyo nabadgelyo darro, sidaas agweed buu yidhi “loo baahan yahay dawladda Maraykanku inay taageero isla garab taagto shacabka Somaliland kana caawiso siday u kobcin lahaayeen nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda ay dhibka badan u soo mareen.” Dr Maxamed oo ka waramayay ujeedada booqashadiisan ayaa waxa uu yidhi: “Xil baa naga saaran xisbi ahaan inaanu u gurmano danaha shacabka Somaliland kadib markay noo muuqatay in xidhiidhkii Somaliland iyo dawladda Maraykanka oo ah dawladda adduunka ugu awoodda badan uu jar ka sii dhacayo, khalad xagga xukuumaddeena ka bilaambay awgeed.” Muddada uu booqashada ku joogo Maraykanka wuxuu Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar kulan gaar ah la yeelanayaa masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ay ka wada hadli doonaan arrimo saameeya siyaasadda Somaliland. Waxa kale oo uu la kulmi doonaa Wasaaradda Macaawinada Dibadda ee Maraykankan ee loo yaqaano USAID iyo hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda bina aadamka ee loo yaqaano (Human Rights Watch), oo uu kala hadli doono xadhigga labada weriye ee Raadyow Horyaal, Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul. Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ee Maraykanka iyo kulamada uu la yeelanayo masuuliyiinta dawladda Maraykanka ayaa waxay ku soo beegmeen xilli Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, uu booqasho ku joogo magaalada Washington in muddo ah, kaas oo ay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland sheegeen inuu hawlo shaqo halkaas u joogo, iyagoo aan faahfaahin ka bixin hawlahaasi nooca ay yihiin, taas oo ay jawaab uga dhigayeen kuna beeninayeen warar sheegay in masuuliyiinta Maraykanku diideen inay la kulmaan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, iyadoo diidmadaas lagu macneeyay inay ka dhalatay markii uu wasiirku ka baxay balanqaad uu hore ugu aqbalay inuu ka qayb-galo kulan lagu qabtay bishii hore Baarlamaanka Maraykanka, kaas oo lagaga hadlayey arrimaha Somalia iyo sidii nabad looga dhalin lahaa, kulankaas oo lagu casuumay madaxda Somalia, maamul-goboleedka Puntland iyo Somaliland, hase yeeshee uu wasiirku balantii uu qaaday ka qayb-galka kulankaas ka baxay, taasina ay ka cadhaysiisay Congressman Donald Payne oo gudoomiye ka ah guddida arrimaha dibadda iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka Maraykanka, isla markaana qaban-qaabinayay kulankaas. Sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii Wasiirka Xafiiska Arrimaha dibadda ee dawladda Ingirriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, Lord. Mallach-Brown, uu kulan la tashi ah la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi, kaas oo sida la sheegay lagaga hadlayey arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dib u dhac ku yimid, ka dibna uu kulankaasi sababay in xukuumadda Ingiriisku ay u yeedho Madaxweyne Daahir Rayaale. Xukuumadda Riyaale ayaa xilligaas xisbiga KULMIYE ku cambaareysay dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee uu ku tallaabsaday Xoghayaha Arrimaha Dibadda KULMIYE, waxaanay xisbiga KULMIYE ku eedaysay inaanay aqoon u lahayn hab-dhaqanka diblomaasiyadda, isagoo kulankii wasiirka Ingiriiska iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi ku tilmaamay mid been ah, oo sawiro laysku geeyay. Dr. Maxamed Cabdillaahi ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanka. -
Somaliland.Org (Washington DC) Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan Capitol Hill ee magaalada Washington, oo uu ku tagay booqasho rasmi ah ka dib markii uu martiqaad ka helay dawladda Maraykanka si loola yeesho la tashi ku saabsan arrimaha Somaliland. Masuuliyiinta Maraykanka ee maanta ku soo dhawaysay Dr. Maxamed Cabdillahi Capitol Hill waxaa horkacayay Congressman Donald Payne , oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibada iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka dawladda Maraykanka iyo masuuliyiin kale. Soo dhawayntaasi ka dib waxay xoghayaha iyo Congressman Donald Payne oo ay weheliyaan xubno ka tirsan baarlamaanku ay yeesheen kulan dheer oo ay kawada arrimo la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka iyo iskaashigii ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka oo uu dhawaan soo dhex galay isfagranwaa. Waxay kaloo kawada hadleen arrimaha siyaasadeed ee hadda ka jira Somaliland iyo xiisadaha ku xeeran hawlaha diyaargarawga doorashada madaxtooyada Somaliland. Waxaana la filayaa inuu dhawaan warsxafadeed ka soo bixi doona wadahadalka laba geesood. Dr. Maxamed Cabdillahi oo warbaahinta u waramay shirka ka dib ayaa sheegay inuu dawladda maraykanka ka codsaday in aanay joojin iskaashiga iyo taageerada ay u fidiso shacabka Somaliland. Wuxuuna Xoghayuhu tilmaamay inay Somaliland maanta marayso xilli kale guur ah oo siyaasad ahaan xasaasi ah, manadaqadana ay ka aloosan yihiin xiisado colaadeed iyo nabadgalyo darro, sida agweed buu yidhi loo baahan yahay dawladda Maraykanku taageero isla garab taagto shacabka Somaliland kana caawiso siday u kobcin lahaayeen nabadgalyada iyo dimuqraadiyadda ay dhibka badan u soo mareen. Dr Maxamed oo u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, wuxuu yidhi “ xil baa naga saaran xisbi ahaan inaanu u gurmano danaha shacabka Somaliland ka dib markay noo muuqatay in xidhiidhkii Somaliland iyo dawladda maraykanka oo ah dawladda adduunka ugu awoodda badan uu jar ka sii dhacayo, khalad xagga xukuumaddeena ka bilaambay awgeed.” Muddada uu booqashada ku joogo Maraykanka wuxuu Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar kulan gaar ah la yeelanayaa masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ay kawada hadli doona arrimo saameeya siyaasadda Somaliland. Waxaa kale oo uu la kulmi doonaa Wasaaradda Macaawinada Dibada ee Maraykankan ee loo yaqaano USAID iyo hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda biniaadamka oo loo yaqaano (Human Rights Watch), oo uu kale hadli doono xadhiga xaqdarada ah ee wariye Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul oo labaduba ka tirsan Idaacadda Horyaal. Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ee Maraykanku iyo kulamda rasmiga ee uu dawlada Maraykanku la yeelanayaa waxay ku soo beegmeen xilli Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, uu jooga magaalada Washington in muddo ah oo ay dawlada Maraykanku diiday inay la kulanto, arrintani oo muujinaysa sumcad xumida Wasiir Cabdillahi Ducaale iyo xukuumada Rayaale ay maanta adduunka ku leeyiiihiin. Sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dawladda Ingirriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, Lord. Mallach-Brown, uu la tashi ugu yeedhay Dr. Mamxamed Cabdillahi si loogala tashado arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dib u dhac ku yimid, ka dibna waxaa loogu yeedhay madaxwayne Daahir Rayaale magaalada London. Arrimahani waxay muujinayaan in siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland uu hadda horumarinteeda gacanata ku haya xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, halka awooda siyaasadda dibadda ee xukuumaduna ay ku soo ururtay inay kolba jawaabcelin ka bixiso siyaasadda iyo diblomaasiyadda xawliga ku socota ee xisbiga KULMIYE. Dr Mohamed Abdilahi ayaa lagu wadaa in uu bari la kulmo madax ka tirsan Wasaarada Arimaha dibada ee Maraykanka. Washington DC, Somaliland.Org
-
Why are these secessionist wackos so crazy...?
Xaaji Xunjuf replied to Mr. Somalia's topic in Politics
Mr somalia xammar baad miidayn karrii wayday markasada waddan kalle oo somaliland la yidha ka hadlaysa -
Obama humiliates Sheeq Hotel. Official Calls fragile and struggling.
Xaaji Xunjuf replied to Daandurreey's topic in Politics
jacaylbaro koonfuriansku kha ma karran khadra dhe ku dhe qadra ayu ku odhanaya lol. marka sheekh dhe he wil say sheeq lol -
Good news for dawlada
-
yeah inshallah kheyr we hope all the best for you guys maybe darwiish state will be a solution inshallah kheyr
-
:BREAKING NEWS: - SOMALILAND ARMY HAS JUST TAKEN OVER BOSASO AND GAROWE
Xaaji Xunjuf replied to GAAROODI's topic in Politics
Mansa muna i am not losing any one in koonfuria right now -
:BREAKING NEWS: - SOMALILAND ARMY HAS JUST TAKEN OVER BOSASO AND GAROWE
Xaaji Xunjuf replied to GAAROODI's topic in Politics
no way ma rabbno inu wiil naga ga dhinto koonfurta -
:BREAKING NEWS: - SOMALILAND ARMY HAS JUST TAKEN OVER BOSASO AND GAROWE
Xaaji Xunjuf replied to GAAROODI's topic in Politics
Somaliland has no interest to invade Somalia and they will never do so the border is at ceelayo and the other border is at yooacde. -
Sool boy you have to understand he is political garaad right I know he is a young lad from Minnesota. Garaad jamac and garaad selebaan who left lascanood left it for a reason they support puntland , the shir in become in 2007 the elders the supreme garaad of ssc , garad jamac garaad cali garaad jamac said he supported puntland. Even though he took back his blessing just last year. Garaad of lascanoo he should have a long term plan because supporting somaliweyn today is irrelevant there are to things he can support the republic of Somaliland. Or the self autonomy state of puntland. These are the only 2 options he has, and he knows it nsum could be 3th option but nsum Is working on a united Somalia. There for they should engage puntland in the struggle because puntland wants a united Somalia. So there is a dilemma there, nsum has no base in ssc and they cant have a base there. So the only option is garowe .and if they do that they lose lots of supporters.
-
What his political agenda I mean Is he a supporter of nsum , is he politician is he an elder. What is he what are his views towards puntland and Somaliland? Somaliland already gave him their blessings, puntland we haven’t heard from them. Let’s say if he unites beesha what then a separate darwish state i doubt it
-
Cabdillahi Ducaale, oo mar kale la kulmay fadeexad diblomaasiyadeed
Xaaji Xunjuf replied to Che -Guevara's topic in Politics
Its just opposition versus the government I have to add that haatuf and Somaliland.org are very radical the passed few months towards the government. -
Originally posted by Jacaylbaro: Siyaasiyiin,Diblomaa siyiin iyo Maalqabeeno u dhashay Maamul goboleedka Puntland ayaa guluf ugu jiro qorshe ay beesha Caalamka uga dhaadhicinayaan in Caasimadda Somalia si ku meel gaara looga dhigo Magaaladda Garow ee gobolka Nugaal.sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen ila wareedyo lagu kalsoon yahay xogtooda. Xafiisyadda reer galbeedka ee Geeska Africa ayaa lagu arkay siyaasiyiinta Puntland iyo kuwa reer Mogadishu oo isku garbinayo. Siyaasiyiinta Puntland oo ay ka mid yihiin Abdi rahmaan Faroole,Abdi Risak Juriile,Hassan Abshir Farah waxay beesha Caalamka ka dhaadhacsiinayaan in Magaaladda Mogadishu loo caalwaayay xaqiijinta amaankeeda sidaas darteedna ay ku talinayaan in Garowe laga dhigo Caasimada Somalia si dowladda Federalka u hesho magaalo ay ku meel gaar uga hoowlgasho. Ra'isulwasaaraha Xukumadda Federalka Somalia Omar Abdi Rashiid Sharmaarke ayey ila wareedyo muhiima Waagacusub.com ugu xog warameen inuu todobaadkaan gudahiisa maalinta Jimcaha safar ku saabsan qorshaha socda ku tegayo Magaalada lala doonayo in loo wareejiyo Caasimadda ee Garowe. Cali Yare oo ka mida qurba jooga saameeynta ku leh siyaasada gudaha Somalia ayaa qorshaha Madaxda Puntland ku sifeeyay mid aan sina lagu aqbali karin. "Caasimadda Somalia waa Mogadishu,sina laguma aqbali karo in Garowe laga dhigo caasimad"ayuu yiri Cali yare oo beesha Caalamka uga digay waxa uu ku sheegay afgambiga ay reer Puntland maleegayaan. "Hadii arinku yahay Mogadishu qas baa ka socda Gaalkacyo ayaa ah maamulka Koofur ugu xooga iyo tayada badan marka riyo maalmeedka ha joojiyaan reer Puntlanad waxaan leeyahay raga Juriile,Hassan Abshir iyo faroole ka mid yihiin get up sleep"ayuu si adag ugu celcelshay Cali yare Warar hoose oo laga helay dhinaca Puntland ayaa sheegay inay socdaan olole lagu dhisaa Isbaheysi siyaasiya oo ay ku jiraan siyaasiyiin u dhashay Koofurta Somalia sida Mohamed Mohamud Gacmodheere. Isbaheysiga ayaa lagu waramay in marka la dhiso uu gogol xaar u noqon doono hindisaha lagu doonayo in Somalia caasimad looga dhigo Garowe. This is also a problem for koonfurians how they abuse the Somali language its gogol xaadh not gogal xaar if you don’t use the dh, it will have totally a different meaning gogol xaar , Suldaanki gogasha dhigay baad kaga xaartay . So use dh in this case pronounce it good and say Gogal xaadh. Waligiin afsomaliga manu idin sixii uun.
-
Riyooyinka garowe ba xata caasiimad ka dhigan wayee waba ummada somaliyeed.
-
wuxu yidhi koonfurians dawladadoodii way babaday
-
loooooooooooool@ kani geedii baa oo eegyahay lol
-
Bugland Commander Wounded in a Pirates Shoutout
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
ma geyoo -
Bugland Commander Wounded in a Pirates Shoutout
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
loooooooool this is great news dakhtarka ma gayna ka dhawacmay mise waynu tarxiilna -
Dee dad ba gumaysiga jecel oo rufyaano oo aha dad na way la dagalamayen way dhacda
-
All African Borders Rose from Colonial Borders
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Poker does jb lives in xera aur lol is hargeysa bussenis center still there lol
