Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Dude garaad cali was in the parliament of Somaliland in 1960 leading the usp party of Somaliland then how can you say they are not part of Somaliland. Just because they fought the colonialist to some extend it does not mean they are not part of Somaliland. Other wise when the Dervishes where defeated in 1921 , they would segregate them self’s from the rest of the somalilanders but they did not. Somaliland had a prime minister they had currency they had a parliament in 1960 and even political partys. All of that prime minister was Maxammad xaji iebrahein cigal..
  2. Generel duke waxay ka tahay sh dalxiis ba wuu wattayee. maxa adeeerkay loo eedeynaye.. imika hadu cabdilahii yusuf madaxweyne ahaan laha ma soo ban dhigeen arintan...
  3. Waraysi xiisa badan oo lala yeeshay Xildhibaan Ismaaciil Buubbaa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Somaliland -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- (Ismaaciil Buubaa) hadhwanaag 2009-05-31 (Hadhwanaagnews) Narobi(HWN):-Ismaaci il Maxamuud Hurre Buubbaa,oo ka tirsan Xildhibaanadda Baarlamaanka dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya,isla markaana ka mid ah Xubnaha reer Somaliland ee aamminsan Siyaasadda Soomaaliya,ayaa sheegay in rabitaanka Shacabka Somaliland yahay mid tixgalintiisa mudan,waxaanu ugu baaqay si loo tixgaliyo rabitaankooda gooni-isutaaga ay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka iyo naad la’aanta ka jira Koonfurta Soomaaliya. Xildhibaan Ismaaciil Buubbaa, oo wakhtigan jooga Magaaladda Nayrobi ee xarunta dalka Kiiniya, ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay TV-ga Afka Soomaaliga ku hadla ee ETN,waxa uu ku sheegay, in ay isaga iyo Xildhibaano kale wadaan qorshe lagu hagaajinayo Somaliland iyo Puntland, ka dib markii ay ula muuqatay xalka dalka Soomaaliya loo raadinayo in ay ka qaybqaadan karaan labadaasi Maamul ee ka ka go’ay dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya. “Meelo Somaliland ka mid tahay oo Puntland ka mid tahay ayaanu ka nimi, si dadka noloshooda wax looga bedalo oo Xamar waxyaabaha ka jirana wax looga qabto, wixii dhibaato dhalinayana waa in laga dheeraadaa.” Sidaa ayuu yidhi Xidlhibaan Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa. Ismaaciil Buubbaa oo ka jawaabayay, su’aal laga waydiiyay, haddii ay yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland iyo Puntland ay dibada ka joogayaan xalinta dhibaatooyinka Xamar ka tagaan,waxa uu yidhi,“Maya.maya.may a,waayo Xildhibaanada halkan joogaa maaha uun reer Somaliland iyo reer Puntland badidoodu waxay ku jiraan wadanka Soomaaliya gudihiisa, lixdayadan Xildhibaan ee reer Puntland iyo Somaliland waxaanu soo qaadnay xalka maanta la raadinayo, waxaana noo muuqatay raadintiisu inaanay ahayn mid laga heli karo Xamar oo kaliya, balse wadanka oo dhan laga raadiyo.” Mar la waydiiyay in Xildhibaanadu ay yihiin dadkii loo doortay inay dib-u-heshiisiin iyo xal nabadeed dalka u horseedi lahaa, taasna ay weli umaddu uga fadhido, waxa uu yidhi, “Xalku waa mid kaamil ah ee mid kala googo’an maaha ee, xalka la doonayaa waxa weeye mid wadanka oo dhan u cuntama, Somaliland iyo Puntland waa meelo degan, iyagu wax bay ka qaban karaan dhibaatooyinka Muqdisho ka taagan, dhibaatada Xamar ka taagani haddii aanay istaagin waxa lagayaabaa inay Somaliland iyo Puntland u guurto. Markaa xal waxaanu u aragnaa inay dan u tahay Somaliland,inay dan u tahay Puntland xal in ay u raadiyaan Xamar dhibaatada ka socota. Laakiin xalkaasi ma imanayaa haddii aan dadkii Puntland iyo Somaliland joogay wax loo qaban.” “Wax ka qabashada koonfur iyo dhibaatada gobolada dhexe ee Soomaaliya ka taagan marka 1-aad waa in laga shaqeeyaa inaanay dhibaatadaasi u gudbin xagga Waqooyiga. 2 dadka Soomaaliyeed ee koonfurta iyo badhtamaha wadanka jooga ee dhibaatadu haysato, haddii deganaanshaha Somaliland iyo Puntland noqdo mid leh awood ikhtiyaari ah mabay ka soo noqdeen. Laakiin marka aan halkaasna waxba loo qaban, halkii kalena dhibaato ka jirto eegasho ma leh. Sidaa darteed, ayaanu u aragnaa hagaajinta Puntland iyo Somaliland inay xal keenayso..…” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi Xildhibaanku. Waxaanu Ismaaciil Buubbaa oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi, “Haddii maanta ikhtiyaarka Hargeysa yaala ama Garoowe yaalaa uu mid wanaagsan ahaan lahaa dadku halkaas ayay u shaqo tagi lahaayeen, laakiin taasi ma jirto, halkanna dagaal baa ragaadiyay iyo dhibaato, halkaana arrin xumo iyo Ganacsi xumo iyo waxaas ayaa ragaadiyay. Dhalinyarada Badda isku daadinaysa maaha koonfur oo kaliya, ee waa dhalinyaro Puntland ka baxaysa, waa dhalinyaro Somaliland ka baxaysa, markaa dalka dhibaatadiisu way is haysataa.” Sidoo kale, Ismaaciil mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay aragtidiisa ku wajahan gooni-isutaaga Somaliland iyo aqoonsiga ay beesha caalamka ka raadinayso, waxa uu yidhi, “Arrintaasi waa arrin rabitaan, dadka reer Somaliland badankoodu waxay u taagan yihiin Somaliland gooni-isutaagta, taasi waa rabitaankii, laakiin weli lama helin. Maamulkii wuu jiraa, Somaliland wexeeda gaar bay u maamulataa, laakiin weli dunida aqoonsi kamay helin. In Somaliland gadoonto anagu dooni mayno, dadka Somaliland-na dan uma aha, Soomaaliyana dan uma aha gadoon. Somaliland waxay doonaysaa inay go’do, laakiin wixii ay ka go’I lahayd ma jiraan.” Mr. Buubbaa, oo jawaabtiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Waxa weeye kolka ay jirto dawlad ayaa la wada fadhiisan karaa, oo la odhan karaa aan kala tango oo la wadahadli karaa. Laakiin Koonfurtii wax dawlad ah oo maanta jirta, oo lala fadhiisan karo oo Somaliland wadahadal la gali kartaa ma jirto, ee dawlad dhis ayaa lagaga jiraa. Ilaa 2000 dhisme ayaa lagu jiray, waa 9 sannadood, sagaalkaa sanadoodna waxaynu ku jirnay dawlad ku meelgaadh ah, welina dawladddii dastooriga ahayd ee la rabay looma gudbin.” “Kolkii hore waxa dadka reer Somaliland dareenkoodu ahaa Koonfur wixii aanu xaq u lahayn kamaanu helin, imikana waxa taagan haddii Xukuumadi u dhisan tahay, ileen dadkani waa Soomaali, ee Ingiriis maaha, Anigu waxaan ka mid ahaa dawlad Soomaaliyeed oo dhexe hala taago, dabadeedna wadahal hala galo, mishkiladda taagani waxa weeye dawladdii dhexe ee aanu islahayn ha timaaddo ma imanayso. Markaa Somaliland ma sidaas ayuun baa lagu sii haynayaa?” “Aniga waxay ila tahay in taa wax iska bedalaan oo dhinaca Somaliland-na aqoonsato dhinaca Koonfurta, dadka Koonfur joogaana ay aqoonsadaan Somaliland Xukuumadda ay leedahay gooni ayaan isula taagayaa in ay noqon karto mid wax u tari karta, oo dalku dawlad Soomaaliyeed oo dhisan oo wax qaban karta ay ka iman karto.” “Tusaale ahaan Jabuuti soo dawlad Soomaaliyeed maaha, cidda ugu hawlbadan ee doonaysa in wax laga qabto wadanka soo Jabuuti maaha. Somaliland-na sidaas iyo si ka sii culus ayay isugu hawlin lahayd. Kolkaa waxa weeyaan rabitaanka dadka Somaliland jooga in laga horyimaaddo maaha, dadka Somaliland joogaana inay fahmaan in rabitaankoodu wax noqon karaa kolkay dhibaatada koonfur ka taagan wax ka qabtaan.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ismaaciil Maxamuud Horre Buubbaa. Ismaaciil Buubbaa, oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay, in Hargeysa oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo tagayo iyo in kale, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi, “Lama huraan waa Caws Jiilaal, horta reer Somaliland ayaan ahay, siyaasadda Soomaaliyana waan aaminsanahay, haddii aanu siyaasadda ka baxno waanu tagaynaa Somaliland, waayo nin waliba gurigiisa marka uu doono ayuu tagaa.” Cabdifataax Ismaaciil Mursal Hadhwanaagnews.com/O ffice Hargeysa/Somaliand E-mail.mrmursal@gmai l.com
  4. is it the regional flag of Puntland
  5. Ilahay ha garab qabto futurka dalkoodana wax ha oo qabtan ha ku laabtan
  6. any pics kolay wa wixii lugu doorasha gallayee , dhagax uun ba la dhiga lol
  7. i am still looking for qoddobkii haday dooorashadu qabsoomi weysoo guurtiidu ma kordhiinays where is that qoddob it was in the heshisku gudiga dhexhdexaadinta riyaale is smart taa meesha kuma jirto.
  8. not really its guubaabo for some people but for us its bad this guy wanted disunite the people of somaliland.
  9. The only thing that is missin in hadii ay doorashadu qabsoomii weyso guurtiida anay mar danbe kordhiin karreyn. The most important qoddob of the deal ururkii gudiga dhexdhexaadku soo gudbiyeen kii na wa ka maqanyahay. The rest is all the same I am just missing that qoddob Jacaylbaro.
  10. Dastuurka cusub ee Puntland oo qeexaya in Puntland Gobolada waqooyi Barri samaysteen. Warkii 27-May-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk Dastuurka cusub ee maamul Goboleedka Puntland ee hadda la horgeeyay Golaha Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu qeexayaa in Gobolada Bari,Nugaal iyo Mudug ay ku bahoobeen maamul Goboleedka Puntalnd ayna saddexdaas Gobol ay samaysteen maamulka Punland. Dastuurkan oo hadda la horgeeyay Baarlamaanka Puntland kadib markii ay ansaxiyeen Golaha wasiirada ee xukuumada Faroole ayaa waxa ay horgeeyeeyeen Baarlamaanka Puntland kaas oo si wayn ugu abuuray gudaha Baarlamaanka Puntland buuq iyo sawaxan qaylo dhaliyay kaas oo qarka u saaray inay gacmaha isla galaan xusbnaha Baarlamaanku. Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa si toos ah loogu cadeeyay Dastuurka cusub ee la doonayo in ay yeelato Puntland inaysan saddexdaasi Gobol aysan kamid ahayn ayna ku jirin iyadoo lagu cadeeyay in Gobolada Nugaal,Barri Iyo Mudug ay ku bahoobeen dhisida maamulka Puntland ee hadda ka jira saddexdaa Gobol. Hordhac waa lifaaqii Dastuurka ee muranka dhaliyay:- Dadweynaha Gobollada Waqooyi Bari, waxa ay ku guuleysteen in ay sameystaan maamul uu u dhameystiran yihiin Qaybaha Dawladda, taas ooo ka dambeysay, markii waxgaradka Gobollada Waqoooyi-Bari ay shirweyne isugu yimaadeen magaalada Garowe 15kii Maajo 1998kii. Bishii Agoosto 1998kii waxaa halkaas loogu walqalay dhisme maamul cusub oo ka mid noqda Dawlad Soomaaliyeed oo leh maamul baahsan, kuna qotoma hannaanka dawladeed ee loo yaqaan habka Federaalka. Puntland waxay rumeysantahay in nidaamka Federaalka uuu yahay kan qura oo Soomaali isku raaci karto…… Arintan ayaa waxa si wayn uga cadhooday shacab waynaha ku dhaqan Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn iyagoo ay dadwaynuhun isla dhexmarayaan arintan cusub ee hadda ku qoran Dastuurka maamul Goboleedka Puntland iyagoo ku tilmaamay inay tahay arin dhaawac ku keentay jiritaanka Puntland iyo awood qaybsigii. Hadaba guuda haan shacabka Puntland ayaa si wayn uhadal haya lifaaqa ku qoran Dastuurka Puntland ee qeexaya inay saddexda Gobol ee Sool,Sanaag iyo Cayn aysan kamid ahayn maamulka Puntland iyagoo dadwaynuhu ay xusayaan in meesha laga saaro arinkaasi Dawladuna raali gelin buuxda ka bixiso. Afnugaal News Desk info@afnugaal.com
  11. 26 May 2009 (14:05) Codka Dhageeso Dastuurka Puntland ay samaysteen Gobolada Waqooyi Bari, isla markaasna aan meesha lagu xusin Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Golihiisa Xukuumadda ayaa maanta u gudbiyey Golaha Wakiilada Dastuurka Cusub ee Puntland. Bishan 24 teedi (24.05) ayaa Golaha xukuumadda Puntland ay ansixiyeen Dastuurka Cusub, waxa ayna isku raaceen in loo gudbiyo Golaha Wakiiladda si ay uga baaraan degaan isla markaas u ansixiyaan ama u diidaan. Soo gudbinta maanta ayaa waxaa ka dhashey buuq iyo ismaandhaaf kadib markii lifaaq la socda dastuurka Puntland oo qeexaya xaaladda kala guurka ay ku caddahay in Puntland ay samaysteen Gobolada Waqooyi Bari, isla markaasna aan meesha lagu xusin Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana xildhibaanada ka soo jeeda Goboladaas ay sheegeen in aysan ka mid ahayn Puntland sida uu qeexayo lifaaqa dastuurku, waxaa meesha ka dhashey buuq ay ku sigteen in Xildhibaandu gacanta isula tagaan. Hadaba halkee ka yimi Magaca Waqooyi Bari? Soomaaliya waxa ay ka koobneyd 18 Gobol markii uu bur burey haykalkii dawladnimo 1991-kii, Goboladii markaas dawladdu ka duntey kuma jirin magac la yiraahdo Waqooyi Bari, waxaase kamid ahaa Gobolka Waqooyi Galbeed, marka laga yimaado magaca Gobolka, waxaa meesha ka muuqdaa waa Jiho haddaan Tusaale u soo qaadano Magaalada Bosaso waxa ay xarun u ahayd Gobolka Bari, haddii jiho ahaan la eego Bosaso kuma taalo Jihada Bari ee waxa ay dhacdaa Jihada Waqooyiga Soomaaliya ama Waqooyi Bari.. Magaca ah Waqooyi Bari ka hor bur burkii Dawladdii Soomaaliyeed waxaa mar mar isticmaaali jirey Gobolka Sanaag, laakiin Siyaasiga Gen.Maxamed Abshir Muuse ayaa magacan arkey in uu ku haboonyahay in ay wada isticmaalaan Gobolada uu markaas hogaanka u hayey, Gen.Maxamed Abshir waxa uu markaas u isticmaaley Gobolada ay deganaayeen dadkii isir wadaaga ahaa ee markii danbe samaystey Puntland, waxaase la yaab lahayd sida uu markiiba Caalamka magacaas uga gaday isla markaasna u noqdey mid rasmi ah oo loo isticmaalo. Hadaba Axdigii Puntland ee la ansixiyey 1998 bishii shanaad, kaas oo lagu dhisey magaca Puntland ayaa lagu qeexay in ay ku midoobeen Gobolada Waqooyi Bari, Sool Sanaag iyo Deegaanka Buuhoodle, waxaa muuqata in ay ka weecdeen ergooyinkii axdiga dhisaayey qaabkii uu u isticmaaley Jananku magaca oo ay ahayd in ay ku qeexaan in Puntland ay ku midoobeen Gobolada Bari,Nugaal,Mudug,So ol,Sanaag Bari iyo Deegaanka Buuhoodle, sababtuna waa mar aan weydiiyey mid kamid ahaa ragii la shaqeyn jirey Jananka 1992-dii, ayaa ii sheegay in Waqooyi Bari loola jeedo in ka badan Bari, Nugaal iyo Mudug waxaana uu dallad u yahay ayuu yiri inta isir wadaaga ah oo dhan. Waana midda keentay sida muuqata in aan si gaar ah Gobol loo xusin sida, Bari, Karkaar, Nugaal, Mudug, ama Sool, Sanaag iyo Cayn, balse la isku wada yiri Waqooyi Bari. Qaladka ku Jira Lifaaqa Dastuurka Waa hubaal in ay ilduuf iyo deelqaaf uu yahay in la yiraahdo Puntland waxaa dhistey beelaha Waqooyi Bari mar haddii axdigii ugu horeeyay sidaas si kaduwan loogu qeexay, mar haddii dadku jiho ahaan in loola jeedo magacan ee awalba aanu ahayn mid jirey aysan ku baraarugsanayn, waxaana xukuumadda la gudboon in ay dib u saxdo, raali gelina ka bixiso. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland Xildhibaanadda buuqa iyo bulxanka ka keenay haddii aysan nidaamka jiho eegin ama magacu sida uu ku baxay, waxay ahayd in ay ka codsadaan in loo qeexo, waxaan filayaa Dr.Cabdi Xassan waa qoraa aad u yaqaana sooyaalka siyaasadeed ee Soomaalida, Shalay mar uu waraysi siiyey Horseed Media sidaas ayuu u dhigey qoraal ahaanse waxaan ku darney Sool, Sanaag Bari iyo Cayn sababtuna waxa aan ka raacney ujeedada Wasiirka. Xildhibaanada ayaa sii wadan doona eegista Dastuurka cusub ayagoo dooda ka yeelan doona dastuurkan marka ay dhameeyaan akhrintiisa. Dastuurkan ayaa ah mid muhiim u ah Puntland isla markaana ka saari kara nidaamkii qabiilka oo u furi kara nidaamka shacabku wax doorto. Xigasho; Horseedmedia
  12. lazy g inyoow wamaxay horta afsomaliga horta soo sax inaynu isku afsomali ahayn siida ku garro inanaynu isku somali ahayn siida ku garro.lol.
  13. Baarlamaanka Ingiriiska oo Dood Xaasaasi ah ka Yeeshay Dhibaatooyinka Soomaaliya iyo Aqoonsiga Somaliland -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- (Baarlamaanka Ingiriiska oo Dood Xaasaasi ah ka Yeeshay Dhibaatooyinka Soomaaliya iyo Aqoonsiga Somaliland) hadhwanaag 2009-05-25 (Hadhwanaagnews) London (HWN)- Baarlamaanka Boqortooyada Britain, ayaa shalay yeeshay dood aad u kulul oo lagu lafoguray dhibaatooyinka baahsan ee ka jira Soomaaliya iyo qaddiyadda aqoonsiga Somaliland. Dooddan oo Aqalka Odayaasha ee loo yaqaan House of Lords ee Ingiriisku ka yeeshay arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland ka yeesheen, ayaa sida lagu baahiyey bogga wararka ee baarlamaanka Britain ku leeyahay Internetka waxa mudanaayaasha ka qaybqaatay aad u lafogureen dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in dawladda Britain aqoonsi buuxa u fidiso Somaliland, halka xildhibaanno kalena arrinta aqoonsiga iskaga soo riixeen dhinaca Midowga Afrika. Lord Steel oo ka soo jeeda degmada Aikwood ee dalka Ingiriiska oo dooddaas ka qaybqaatay, ayaa miiska soo dhigay in marka la eego xasillooni-darrada iyo dawlad la’aanta muddada dheer ka jirtay Soomaaliya uu xalka keliya ee meesha yaallaa yahay dawladda Ingiriiska oo si rasmi ah u aqoonsata Somaliland. “Mudanayaal, marka la eego dawlad la’aanta muddada dheer ka jirta Soomaaliya miyaanu kiiska iminka meesha yaal ahayn in dib looga fikiro guud ahaanba su’aasha meesha taal ee aqoonsiga Somaliland oo ahaa maxmiyad ka tirsanaa Ingiriiska, xalkuna wuxuu ku jiraa Ingiriiska oo aqoonsada Somaliland, meeshana aan laga saarin,” ayuu yidhi Lord Howell. Wasiirka Ingiriiska u aqaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka Mr. Lord Malloch-Brown, kana tirsan aqalka odayaasha oo isna dooddaas ka qaybgalay ayaa yidhi; “Mudanayaal, waxaad ka warqabtaan in shirkii Jabuuti lagu ballaadhiyey baarlamaankii Soomaaliya, laguna doortay madaxweyne cusub, xalka mushkiladda taaganna wuxuu ku jira iyada oo la dhiso dawlad sal-ballaadhan oo wax ka qabata dhibaatooyinka bani’aadnimo ee haysta shacabka Soomaaliyeed, markaa inkasta oo dawlada Sheekh Shariif ay waqtigan la tacaalayso dagaallada ay ku hayaan kooxaha kacdoonka wada ee hubaysan, waa inay haddana sii wado barnaamijka dib-u-heshiisiinta iyada oo la kaashanaysa dawladaha dibadaha.” Wasiirka oo ka hadlayey qaddiyadda aqoonsiga Somaliland iyo dariiqa loo marayo waxa uu yidhi; “Arrinta Somaliland waa mid joogto ah oo markasta oo Soomaaliya ku sii durugto dawlad la’aanta iyo dhibaatooyinka ina hortimaad, mudanayaasha sharafta lehna way ogyihiin kaalinta innooga bannaan, taas oo ah in aynu taageero buuxda siino Somaliland, laakiin waxaynu ognahay in qaddiyaddeeda iyo madaxbannaaninada lagu xallin karo shirarka Afrika yeelato. Marka u horreysa waa in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan, dabadeedna loo soo gudbo Midowga Afrika oo halkaa lagaga doodo. Ma aaminsani in aqoonsi dawladda Ingiriisku siiso Somaliland ay xal u noqon karto madaxbannaanideeda iyo jiritaankeedaba, laakiin waa arrin xalkeedu u yaal Afrika.” Lord Howell oo laga soo doortay deegaanka Guildford ee waddanka Ingiriiska, ayaa isna shaaca ka qaaday in ciidamo ka tirsan dalka Eratariya oo taageero siinaya Al-shabaab ay galeen Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay ta fidnada sii hurinaysa. Waxa kaloo mudanuhu carrabka ku dhuftay budhcad-badeeda ka dillaacday xeebaha Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeesheen isu socodkii gaadiidka badda ee isaga kalagooshayay dacallada dunida. “Budhcad-badeeda ka dillaacday xeebaha Soomaaliya waxay leeyihiin halisteeda. Waa sax in dawladda Iiraan doonayso in ay marakiib u dirto Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed si ay ula dagaallamaan budhcad-badeeda, arrintaasina waxay u baahan tahay in la iska kaashado si loola tacaalo budhcadda ka dillaacday badaha Soomaaliya,” ayuu yidhi Lord Howell. Waxa kale oo iyaguna dooddaas ka afkaarahooda ka dhiibtay mudanayaal badan oo dhammaantood ku dheeraaday dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ee ka mid yihiin budhcad-badeedda, argagixisada, xagdudubyada bani’aadanimo ee loo gaysto bulshada rayidka ah iyo sida loogu baahan yahay in beesha caalamku wax ka qabato, iyaga oo xildhibaannada qaarkood miiska soo dhigay sida Soomaalida Ingiriisku u kala tafaaraaruqsan tahay ee ay ula kala safan yihiin kooxaha ku hirdamaya Soomaaliya, halka ay jiraan qaar kale oo ka niyad-jabsan dhismaha dawlad Soomaaliya yeelato oo dalka xaslata. Jamhuuriya Online
  14. http://www.imeem.com /people/k2a7Sv/music /Nt_11IlC/theemperio r5-emperior-on-xamar wma/
  15. http://www.imeem.com /people/k2a7Sv/musi ... -xamarwma/ dhagaysii wanaagsan
  16. War nimanki ingreeska la odhan jiiray qadiyadii somaliland wabay oo soo jeedsadeen kuwii koonfurianska na waxay ku eedeyeen is qab qabsi qabyalaad iyo argagixiso loo bahanyahay ina gacan lugu qabto.
  17. UK House of Lords debates: Somaliland/Somalia — Question Written by Parliament.uk May 23, 2009 at 02:40 PM Lord Steel of Aikwood: My Lords, given the mayhem that has characterised Somalia for so long, is there not a case for reconsidering the whole question of recognising the Government in Somaliland, the former British protectorate, which at least is stable and orderly?Asked By Lord Avebury To ask Her Majesty’s Government what assessment they have made of the political and humanitarian consequences of the conflict in Somalia. The Minister of State, Foreign and Commonwealth Office (Lord Malloch-Brown): My Lords, the Djibouti process led to the expansion of the Somali Parliament and its selection of a new President. The formation of a more broadly based Government provides the best opportunity to create a lasting peace and reconciliation necessary for tackling the ongoing humanitarian crisis. Although that Government are battling an assault by the armed insurgency, they must continue to strive for further reconciliation with those outside the political process. Lord Avebury: My Lords, if we are really determined to prevent the terrorists affiliated to Al-Shabaab taking over the whole country, is it not necessary to provide greater support in terms of logistics and training, both for the Government’s armed forces and for the AMISOM troops? With regard to the humanitarian crisis, is the noble Lord aware of any steps being taken through the Security Council or otherwise to meet the gap of two-thirds in the funding to meet the needs of the 400,000 people displaced internally, and a similar number in refugee camps in neighbouring countries, particularly Kenya? Lord Malloch-Brown: My Lords, the noble Lord has repeatedly brought the question of Somalia to this House’s attention, and correctly so, because it is often 21 May 2009 : Column 1433 one of those forgotten crises. About 40 per cent of the country’s population are displaced, completely dependent on international aid, and it has been very difficult to get it there. Despite the current upsurge of fighting, the distribution continues in key places such as Mogadishu, and the World Food Programme delivered something like 35,000 metric tonnes of food last month. On the noble Lord’s other point, we are also seeking to make sure that AMISOM, to which we have contributed generously, is properly supported during this crisis; and there was a move in the Security Council last week to make sure that the transitional Government’s armed forces be supported with the resources they need and to deal with this critical issue of salaries to solders and police. Lord Howell of Guildford: My Lords, is it true that the Eritrean army is yet again invading Somalia and helping the Al-Shabaab rebels? I do not know whether the Minister has any news on that. One area where we in this country have a direct interest is the offshore piracy. Is it correct that the Iranians now want to contribute through their naval resources to the anti-piracy movement? Might this not be at least one area where, despite all our disagreements with Iran on everything else, we could co-operate with it? Lord Malloch-Brown: My Lords, on the noble Lord’s first point, there is pretty strong evidence of Eritrean collusion in the upsurge of violence against the Government and of possible arms resupply to the rebels by the Eritreans. They were condemned in a Security Council presidential statement at the end of last week and have furiously denied the charges, but frankly that does not give me much confidence—it does not mean that the charges are not true. There is also a real risk of this situation escalating; there have been reports, again denied, of Ethiopian troops returning into Somalia. This is an enormously serious challenge to the Government and we all have reason to be very concerned to support and reinforce them over the coming weeks. I will have to get back to the noble Lord on his second point about Iran and piracy. Lord Steel of Aikwood: My Lords, given the mayhem that has characterised Somalia for so long, is there not a case for reconsidering the whole question of recognising the Government in Somaliland, the former British protectorate, which at least is stable and orderly? Lord Malloch-Brown: My Lords, this is one of those perennial issues which, quite rightly, come up every time that Somalia lurches back into crisis. The noble Lord knows our position, which is that we try to give Somaliland support but we think that its status and potential independence must be dealt with through African forums: first, through talks between the two sides in Somalia and, subsequently, through the AU. We do not think that British recognition of Somaliland would help its goal of independence. The Lord Bishop of Liverpool: My Lords, we have a large Somali community in Liverpool. Has there been any contact between the Government and local authorities 21 May 2009 : Column 1434 where there are large Somali communities, to address possible tensions that might arise within those communities? Lord Malloch-Brown: My Lords, the right reverend Prelate raises an important point. I will look into it and ensure that information is being shared. Broadly, I do not think—although he knows better than I do—that this is a situation where our Somali British community is divided, as is the case with some other conflicts with which we have been dealing. I think that among Somalis resident here there is quite broad support for the transitional Government; indeed, one very distinguished British citizen is now the Foreign Minister. Lord Judd: My Lords, does my noble friend agree that, in the immensely difficult situation as he described it, a priority is to regain access for the free-standing non-governmental humanitarian agencies, which are perceived to have no political agenda of their own and are therefore in a particularly strong position to make a contribution in a fraught situation? Does he also accept that humanitarian assistance and the political dimensions are seldom in watertight compartments and that, in approaching lasting solutions, it is terribly important to listen very carefully to non-governmental organisations about what they are learning in the context of their work? Lord Malloch-Brown: My Lords, my noble friend is absolutely correct about the critical role of humanitarian non-governmental organisations. DfID is in daily contact not just with the UN agencies and the International Committee of the Red Cross but also with the NGOs involved, to try to work out how we can programme an additional £3.5 million of support. The NGOs are obviously suffering from the same difficulties as the UN agencies, including the huge difficulty of deploying staff there due to the dramatic security situation. Parliament.uk Last Updated ( May 23, 2009 at 04:44 PM
  18. Koonfuurians oo aan jeclayn kala danbaynta iyo nidaamka