-
Content Count
30,089 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
79
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Guurtida Waxaan Leeyahay Naftiina Badbaadiya, Dhagxaan Baa La Idinku Dili Doonaa, Waa La Idinku Janno Tagayaa Haddaad Maanta Waxa (Muddo Kordhin) Ku Dhaqaaqdaan” Faysal Cali Waraab Hargeysa September 21, 2009 (Haatuf)- Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo shalay farxada munaasabada Ciidul Fidriga la ciiday caruurta ku jirta xarunta agoomaha Hargeysa ayaa golaha guurtida uga digay wax muddo kordhin ah oo ay u sameeyaan madaxweynaha, isagoo intaa ku daray in xukuumada Rayaale ay ku guuldaraysatay xalinta colaada ka aloosan labada beelood ee wada dega deegaanka Ceel-bardaale, isla markaana ugu baaqay beelahaasi in sidii dhaqanku ahaan jiray heshiis ka gaadhaan colaada aloosan. Faysal Cali waraabe waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay booqday xarunta agoomaha Hargeysa, isagoo warbaahinta uga waramay xaalada xaruntan iyo sida loogu baahan yahay in la gacan qabto caruurtan, waxa kale oo uu si aad ah uga hadlay xaalada siyaasadeed ee wakhtigan xaadirka ah dalka ka taagan. Dhinaca kale gudoomiyaha Ucid waxa uu shalay Cisbitaalka Guud ee caasimada gudoonsiiyay toban neef oo xoolo ah, xarunta caruurta agoomahana xaqu ciid ugu geeyay. Faysal Cali waraabe oo ay wehelinayeen gudoomiye ku xigeenkiisa iyo masuuliyiin kale ayaa ugu horayn waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “waxaan halkan uga dirayaa hambalyo ciidda ummada reer somaliland iyo dhamaan ummada Islaamka ah. Ilaahay (swt) ina soo gaadhsiyey ciidda inaga oo nabad ah, iskasta oo ay jirto siyaasad cakiran hadana aynu nabad ku ciidnay , taas ayaana inoo soconaysa. Waxaan dadka u sheegayaa muranka siyaasadeed ee soo jiitamay insha allaah waxaanu jecelahay inaan so afjarno marka ciidu dhamaato, Ilaahay baynu talada saaranaynaa. Waxaan jecelahay in doorasho wanaagsani inii hirgasho oo wakhti fiican inii qabsoonta cadowga Somaliland ee soo hana qaadayna ilaahay halkiisa ku joojiyo. Somaliland way jiraysaa xukunkuu tawxiidkuna wuu imanayaa ee shareecada Islaamku. Maanta dalkeena dhibaato intii uu ina soo gaadhsiyey taliskii afweyne inoogu filan, inagu waxa weeyaan dalkan waxaynu u xoraynaynay inuu qurux badnaado, inay akhlaaqdeenu ka fiicnaato, diintaynu u hiilinaynaa” ayuu yidhi, waxana uu intaa ku daray maanta waxa halkan ku jira caruurtii yaryarayd ee agoonta caruurtraa cuqubadooda ayaa ina qabanaysa haddii aynaan dadkaa daciifka ah aynaan xasuusan oo aynaan u naxariisan ilaahay inagana inoo naxariisan maayo. Haddii qofkiiba qof isku qoro uu kafaalo qaado if iyo aakhiraba ajar ka helayaa oo loo soo jeesto dadka maskaxada wax ka qaba, curyaamiinta, agoonta iwm” “waad aragtaan abaar baa inagu dheeraatay, busaarad baa dheeraatay waxana weeyaan ilaahay marka laga fogaado ayay waxaaasi dhacaan ee haloo soo noqdo ooh hala isa saamaxo. Somaliland uma baahna buuq, uma baahna qardo-jeex ee sharci bay u baahan tahay, yaan la ficiltamin ee dawladani haday saaqiday marmarsiiyo ayay doonaysaa ee marmarsiiyo yaan la siinin. Geedka cadaada waa la iska furfuraa ee dharka laguma soo jiido waynu iska furfuraynaa, casaabad baa ina heshay Ilaahayna waan ka ashkataynaynaa ee yaan la biqlaynin. Guurtida waxaan leeyahay shalayna waan idiin digay hadana waxaan maqlayay hadalo soo baxbaxayey waxaan leeyahay naftiina badbaadiya dhagxaan baa la idinku dili doonaa waa la idinku janno tagayaa hadaad maanta waxaa ku dhaqaaqdaan qaata taladaa. Saddex xisbi baanu nahay hanoo kala kala eexanina ee ii gardaro wada qabta hadaad sheegi weydaan bal ka aamusa uun dadka kale ayaa sheegi doona’e ee gacan ha siinina” sidaas ayuu yidhi, waxana uu intaas ku daray “guurtida waanu la hadalay arrintaa muddo kordhinta waxaan leeyahay dhulka dhiga idiin-ma taalo anagay noo taala inaan saddexdayada xisbi waxay ku heshiiyaan qodobka kowaad ee heshiiskooduna sidaas ayuu sheegayaa wakhtina hala siiyo ee talo la maroorsadaa dhibaatadeeda ayay leedahay. X Cabdi waraabena waxaan leeyahay reerka adigaa u weyn geel duqda u weyn baa loo tumaa, deg baanu leenahay oo talada yeel, ha khaatumo xumoobin ee nin weyn oo naga dhintay oo naga baxay maalintaad geeriyooto noqo ” Faysal cali waraabe, isaga oo ka hadlaya arrinta colaada labada beelood ee deegaanka ceel bardaale wada degan,isla markaana ugu baaqay nabadgelyo iyo heshiis wada gaadhaan waxa uu yidhi “arinta ceel bardaale ka socota waxaan leeyahay way inagu fidaysaa hadaan wax laga qaban. Tamar la’aanta dawlada waxaad ka arkaysaa waxay xalin kari weyday labada reer ee walaalaha ah, waxaan leeyahay dadkaasi cidi idiinma maqana idinkaa awlaba heshiin jiray siyaasad baa la idin dhex gashay siyaasadu dan idiinma aha idinkaa is wada dhalay dhexdiina ka heshiiya” “salaadiinta iyo culimaa’udiinka waxaan leeyahay arintaa hala gurmado dawlada yaan lagu halaynin, dawladu ciidamo ayay dhex geysay ciidamadsii way daaleen saddex bilod bay fadhiyeen meesha way iskaga dareereen markaasay isku soo muruxsadeen doraato. Xisbiga Ucid baaq nabad galyo ayuu ugu baaqayaa beelahaa walaalaha ah” sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka Ucid Aadan Maxamed Mire Waqaf oo halkaas ka hadalay waxa hadalkiisa ka mid ahaa “maanta oo ay ciid tahay reer Somaliland waxaaan ugu hambalyaynayaa ciid mubaarikilaahay waxaan ka baryayaa khilaafaadka siyaasiga ah sharcigaba ah ee dalku dhex muquuranayo in Ilaahay inaga badbaadiyo, in caqligu shaqeeyo in la isugu yimaado miiska in dhibaatada jirta waxaynu kaga bixi karnaa wadajir iyo midnimo iyo iyadoo xaqa lo hiilo” sidaas ayuu yidhi Waqaf. Afhayeenka Ucid Xasan Xuseen ayaa sidoo kale isaguna hambalyo u diray ummada reer somaliland iyo guud ahaanba musliminta maalinta ciida fidriga, isla markaana waxa uu dhinaca kale baaq u diray labada beelood ee deegaanka ceel bardaale colaadu ka ooan tahay isagoo ku baaqay in heshiis ay ku soo dabaalaan colaada dhex taal.
-
Haddaba, maanta waxa weeyey Rayaale iyo xukuumaddiisu way ku guuldarraysatay inay dalka dowrasho ka qabataan. Nin hawshii qaban waayey meesha dhaaf mooyee wax kaloo la yidhaadaa ma jiroy. Taas macnaheedu waxa weeye waa inla helaa cid kale oo dalka doorasho gaadhsiisa oo la dhisaa dawlad ku-meel-gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa. Arrintaasi waa mid adduunka dhan ka dhacda marka dowladi ku guuldarraysato inay qabato wixii shacabku u igmaday, waxana waajib ku ah inay iscasisho, kadibna la dhiso dawlad ku-meel-gaadh ah. Sidaa awgeed, waxa lama huraan ah oo loo baahan yahay in la dhiso dawlad ka kooban labada xisbi mucaarid iyo xukuumadda hadda jirta, wax kale oo mushkiladda maanta ina haysata aynu kaga bixi karnaana ma jirto He is 100% right dawlad doorasho qabban karii weyday oo mar loo kordhiye oo mar labaad loo kordiye oo mar sadexaaad loo kordhiye oo rabba mar affaraad loo kordhiyo, ma fahmin anigu And the funny part is dawladu they don’t ask for a muddo kordhin but that’s what they want , we all know it , remember in April gudigii dhex dhexaadka eeh somaliland dawladeeda iyo mucaraadka dhex dhexaadiinaye they put some few points on the table. Which was that guurtidu inanay kordhin karreyn mar danbe haday doorashado qabsoomii waydo Daahir riyaale wuu diiday inu saxeexo he knew inanu doorasho qabbanayn 27 september guurtidu isku halayneye, But we will see.
-
Siyaasi ka Tirsan UDUB oo ku Taliyey in la Dhiso Dawlad Ku-meel-gaadh ah Hargeysa (Jam)- Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale oo ka tirsan siyaasiyiinta isbeddel-doonka ah ee xisbul-xaakimka UDUB, ayaa si adag ugu taliyey in la dhiso dawlad ku-meel-gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorasho, arrintaasoo uu ku tilmaamay xalka keliya ee badbaadada Somaliland ku jiro. Eng. Ducaale oo ka mid ah xubnihii guddiga fulinta UDUB ee ka biyo-diiday habkii loo maamulay shirweynihii labaad ee xisbigoodu markale murrashaxiinta doorashada Madaxtooyada ugu doortay Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa, haddana ku maqan dalka dibaddiisa, ayaa qoraal kooban uu shalay khadka internet-ka Jamhuuriya ugu soo diray, waxa uu ku sheegay in xukuumadda talada haysaa ku guuldarraysatay inay gudato waajibaadkii ummaddu u igmatay oo ay ugu muhiimsan yihiin doorashooyinku, sidaa darteedna waqtigan lama huraan tahay in la sameeyo dawlad ku-meel-gaadh ah oo dalka gaadhsiiso doorasho. Qoraalka Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale kaga talo-bixiyey xaaladda iyo khilaafaadka siyaasadeed ee xilligan Somaliland dhex dabbaalanayso isagoo faahfaahsan waxa uu dhignaa sidan: “Ciid mubaarik kulu caam wa antum bilkhary, dadka reer Somaliland iyo ummadda muslimiintaba Ilaahay khayr iyo bashbash ku gaadhsiiyo. Reer Somaliland dhaawac iyo dhimasho intaa maanta gaadhay baa ugu filan ee inta kale hala badbaadiyo, dadkii innaga dhintayna Ilaahay ha u naxariisto, ciddii ka masuulka ahaydna waa in maxkamad la soo taagaa sida ugu dhaqsaha badan, haddii kale qaranku jiri maayo. Markaa haddii Madaxweyne Daahir Rayaale danayn waayey dalka iyo dadka toona idinku haddaad Guurtida tihiin wajibaadkiina guta oo ha u qaadanina inuu yahay waajibaadkiinu muddo-kordhin ee wajibaadkiinu waa badbaadada qaran. Haddaba, maanta waxa weeyey Rayaale iyo xukuumaddiisu way ku guuldarraysatay inay dalka dowrasho ka qabataan. Nin hawshii qaban waayey meesha dhaaf mooyee wax kaloo la yidhaadaa ma jiroy. Taas macnaheedu waxa weeye waa inla helaa cid kale oo dalka doorasho gaadhsiisa oo la dhisaa dawlad ku-meel-gaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa. Arrintaasi waa mid adduunka dhan ka dhacda marka dowladi ku guuldarraysato inay qabato wixii shacabku u igmaday, waxana waajib ku ah inay iscasisho, kadibna la dhiso dawlad ku-meel-gaadh ah. Sidaa awgeed, waxa lama huraan ah oo loo baahan yahay in la dhiso dawlad ka kooban labada xisbi mucaarid iyo xukuumadda hadda jirta, wax kale oo mushkiladda maanta ina haysata aynu kaga bixi karnaana ma jirto. Dadka Somaliland ku dhaqan intooda badan bakhtigaa u xalaal ah. Intii ogi way ogtahay, intaan ogayna loo sheegi maayo. Xoolihii ma jiraan, shaqo ma jirto, baayacmushtar socdaa ma jiro, intaasna waxa u dheer abaaro iyo sicir-barar. Intaba dawladda ayaa ka masuul ah oo shaqadeedii gabatay, in la sii eegtaana waa khalad ee ummadda hala badbaadiyo. Wax khasab iyo daruuri ah in dalka loo sameeyo dawlad ku-meel-gaadh ah, ka ku farxaya iyo ka naxayaba sidaas ayey dadka iyo dalkaba dani ugu jirtaa.” “Haddaba, waxaan Golaha Guurtida leeyahay ceebta iska ilaaliya, tashiga badiya oo bulshada qaybaheeda oo dhan la tashada sida; culimada, madax-dhaqameedka, baayacmushtariga, aqoonyahanka, ardayda jaamacadaha, iwm. Wax badan baa ku guulaysateen, tanna waa ku guulaysanaysaan, Ilaahayna waa idinku garab gelayaa. Iska ilaaliya nin-jaclaysi iyo xisbi-jeclaysi iyo dano gaarka ahba, danta gaarka ahna ta caamka ah ayuun bay ku xidhan tahay ee taas ogaada,” ayuu qoraalkiisa ku soo gunaanaday Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale. Jamhuuriya Online
-
Hada maxay qabanayaan. ma meesha rashiin bay ka soo doonten
-
SOL unreported war news... FACE 1 OF SOMALILAND CIVIL WAR
Xaaji Xunjuf replied to djibsomali's topic in Politics
Somaliland still exist and it will its government works its people are real patriots skrimish war between to clans that share the same deegaan. Is not something to be excited about about the death of people? But the government of Somaliland will solve this problem my friend because we the people of Somaliland we have a great culture of solving our problems -
SOL unreported war news... FACE 1 OF SOMALILAND CIVIL WAR
Xaaji Xunjuf replied to djibsomali's topic in Politics
ninkan wuxu la cadhaysanyahay 11 july aya dad laga diilay . boolicka somaliland na way soo qaban laayihin dadkii wax diilay. cuqdad farra baddan ba hayssa maya laakin somaliland wa muqadiis dadka dhintay na ilahay ha uu naxariisto gidigooda ba wa bil ramadan -
a real somalilander
-
After 9 months: What progress has Sharif Hotel achived ?
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Generel duke dawladadii hadana way burburtay loool -
Mansa munsa wa waxanu 1991 uu goossanay anaguba lol
-
looooooooooooooooooo ol ka nur cadde uu eeg but madaxweyne uga dhigta koonfuurta somalia your a funny boy . where is sh hotel
-
Sxb why do you have to add us We are not part of somalia. your faroole uu haysso powerfull. anagu kama miid nihin wixiina
-
Opposition leaders visit victims of Riyaale's folly + Pics
Xaaji Xunjuf replied to Liqaye's topic in Politics
Originally posted by Jacaylbaro: Intay dadkii dab geliyeen bay weliba soo booqanayaan ,,,,,, Daahir riyaale ka danbeyey mar yidhi mafariixda barlamaanka waan idin siinaya marna leh idin ma siinayo marna askar meesha tobbaya Daahir riyaaale doorashadii diib uu dhiigay daahir riyaale hayadi interpiece wadanka ka saaray Daahir riyaale barlamaanki xiidhay Daahir riyaale sharcigi somaliland gees marray mucaradku sxb danbi malaha -
Nur cade future president of somalia
-
Recognising the value of Somaliland Written by The Guardian Sep 12, 2009 at 12:34 PM Recognising the value of Somaliland This brave and resourceful African nation is in trouble. We must offer it our support, if only to build a bulwark against terrorism Gordon Brown, in his speech on the war in Afghanistan last week served up that old truism: failed states are a seedbed for terrorism and establishing democratic elections are the long-term solution. Pity then that this principle is not applied more widely. The violent scenes in Somaliland's parliament on Tuesday, following the third cancellation of the presidential election, showed one country's fragile democracy crumbling before our eyes. One MP even pulled a pistol on his colleagues. Why is no country, such the old colonial power Britain, offering to mediate and prevent an eruption of hostilities? The electoral dispute is relatively simple; it stems from disagreements about the best system of voter registration. A similar impasse in another African country would have elicited an immediate offer of international arbitration. But so far, nothing. It is because the world cannot find the courage to recognise Somaliland, which forms the northern part of Somalia, as a sovereign state. The recent elections in Afghanistan attracted more than £100m in funding from western countries, in addition to hosts of observers and support staff. Somaliland, given the chance, could also form a bulwark against regional Muslim extremism and terrorism. Lord Malloch-Brown, on leaving the Foreign Office in July said Somalia was a bigger potential source for terrorism in the UK than Afghanistan. The threat is not academic. The ultra-extremists of Al-Shabab effectively control south central Somalia and they have made clear their murderous contempt for the "un-Islamic" democracy of Somaliland. A series of multiple bombs in Somaliland's capital, Hergeisa last year killed more than 20. Somaliland's democratic institutions were born of one people's determination to find peaceful resolution to a bitter civil war. Although extremely poor, it has emerged as a brave and resourceful country. Yet the United Nations, the EU and Britain seem content to sit idly by, observing this vulnerable country descend into the familiar chaos of its neighbours in Somalia and Eritrea. Ahmed Yusuf of Somaliland Focus (UK) said: "The involvement of the international community is paramount and desperately needed. Let us not abandon Somaliland ... as they did to Somalia 19 years ago." So far the only country to make any kind of intervention has been Ethiopia. Although assistance should be welcomed from any quarter, the long-standing antagonism between Somalis and Ethiopeans makes this offer of help more problematic than useful. Imagine India offering to negotiate between political parties in Pakistan. Britain and the US's decision not to act to preserve this young African democracy is directly attributable to Somaliland's lack of recognition as a sovereign nation, despite nearly 20 years of stability. The UN still clings to an absurd notion Somaliland should rejoin its wayward cousin, Somalia. The union of the two countries (1960-1991) was an undoubted failure by any measure and referendums in Somaliland have shown immovable resistance to its restoration. It would be about as welcome as telling the Scots they should be part of England. The US maintains a freer role than Britain and pivotal one at that. Hillary Clinton's recent seven country tour of Africa shows the continent has risen much higher on the state department's agenda. But Washington still appears widely divided (between state and defence departments) on the issue of diplomatic recognition. A Foreign Office spokesperson hinted independence was an achievable goal eventually: "Free and fair elections will be vital to Somaliland's democratic credentials." But a former Foreign Office minister described their case as a "no-brainer". So there looks to be a similar conflict of opinion between British officials. But regarding the current crisis, the Foreign Office could offer nothing more than this lethargic response: "A new election timetable should be decided by independent experts and should be agreed by all the parties of Somaliland." Somaliland's situation underlines the international community's unerring ability to show a failure of leadership. While leaders dither about the etiquette of which country should be first to agree Somaliland diplomatic relations, the country risks capitulation. Its continued isolation can only harm all of us - even from an entirely selfish point of view, we should help them. Source The Guardian Submitted by Qarannews
-
Originally posted by GAAROODI: WALAHI WE GOT THREE GUYS TO CHOOSE FROM: 1, dahir riyale a man at helm of the nation for over 6-7 years now with experiance in running a country, built the most powerful army somaliland has had since the somaliland camel corp regiment under the british, expanded somalilands democracy, recaptured las canod, under his leadership somaliland has seen the fastest economic growth in 60 years. 2, Silanyo Somalias former finance minister, was chairmen of the snm under its biggest defeats and loss. SNM nearly destroyed itself under his leadership. founder of the kulmiye party a party that is lead and supported by the leaders of the inter somaliland civil war of the 90's who still have ambitions of getting even. 3. Faisal ali warabe a patriotic religious man, who was the chief architect of mugdisho, built some of Somalia's most famous monuments including baidoba aiport, doesnt have any political experiance other then patriotism and good oracle skills and a connection with the people. Flip flops a lot. from these three men i would choose Riyale...Somaliland aint no joke and we need strong leadership he will never bend. i see your a big udub fan The udub guys where part of the somaliland civil war 2 Abdi waraabe cawil ciiro daahir riyaale selebaan gaal etc so , thats not a good reason sxb
-
Originally posted by General Duke: It's heart breaking that silly politicians like Riyaale are disturbing thr peace of the Somali people in NW Somalia. I thought riyaale was doing the mugging lol
-
Garowe: Puntland President returns after much success in Galkacyu
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Garoodi be a bit nice to mr faroole , he is not a bad lad , he is solving his own problems -
Originally posted by Daaradonle: Xaaji_xundjuf, how you can call traitor some one who believe the unity and the integrity of his nation do you know mr buuba is veteran SNM and that not make him cessionist He is with the koonfurians Buuba there for he did khiyaamo qarran, against his country and against the sovereignty of Somaliland. There for he is a traitor sxb.
-
Ahmed Abdi Xabsade facilitating the Mugging 2.0
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Well xaabsade is part of udub party he will do everthing what is good for his party The same reason why Fuad adan cade is FOr kulmiye and against riyeeles Muddo kordhiing -
Sh. Sharif ... The First President to the White House for 40 years ???
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Sh hotel controlls puntland -
ooh muxu soodoonay ma riyaale dalbaday
-
Darandonle traitors cant become leaders of somaliland
-
Chaos at Somaliland Parliament - Police Interfers
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Waxan oo dhan daahir riyaale ka danbeya uu yidhi buuq ka dhex riida barlamaanka , ileen weynu is ognahay -
Somaliland Parliament Discusses about Government Impeachment
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada iyo Mooshino Xasaasi ah oo iska soo horjeeda oo lagu soo bandhigay Madasha:- Mooshinka hore waxaa soo hordhigay Golaha 38 Mudane oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland oo ubadan xisbiyda mucaaridka ah.. Hargeisa (GNS) Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxamaan maxamed C/laahi (Cirro) oo ay ka soo xaadireen 71 mudane oo ka tirsan golaha wakiilada somalialnd ayaa la soo hordhigay laba mooshin oo mid la doonayo in Maamuus ka xayuubin lagu Sameeyo Xukuumada Madaxwayne Riyaale iyo mid kale oo la doonayo isna in wax lagaga badalo xeerarka baarlamaaniga ah si loo rido Shirgudoonka Golaha wakiilada. Mooshinka hore waxaa soo hordhigay Golaha 38 Mudane oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland oo ubadan xisbiyda mucaaridka ah ku waasi oo doonaya in Madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland la soo gole joojiyo oo maamuus ka xayuubin lagu sameeyo. Mudanayaasha mooshinkani wataa waxay ku eedeeyeen Madaxwayne Daahir Riyaale iyo Ku Xigeenkiis Axmed Yuusuf Yaasiin, Xil Gudasho la,aan iyo Dastuur Jabin ay Distoorkii Somaliland Jabiyeen, Gaar ahaan Qabashada Doorashooyinka Somaliland. Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Mudane C/raxman maxamed C/laahi (Cirro) waxaa uu sheegay in Mooshinkan Maamuus ka xayuubinta Madaxwaynaha iyo ku Xigeenkiisaba ay ugudbiyeen la taliyaha Sharciga ee Golaha wakiilada si uu usoo darso in Mooshinkani Waafaqsanyahay Dastuurka iyo Xeerarka Somaliland, isaga oo baritto-na ku soo celin doona golaha wakiilada, si markaasi Cod loogu qaado, oo ay mudanayaashu Dood ka galaan. Mudaneyaasha ku sexeexan mooshinkankii maanta: 1-Aadan Tarabi Oogle 2-Abubakar C/Raxmaan Good 3-Axmed Cabdi Kijaandhe 4-Axmed Ducaale Bulaale 5-Axmed Ibraahim Daahir 6-Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) 7-Bashiir Xuseen Tukaale 8-C/Casiis Ismaaciil Ducaale 9-C/Raxmaan Cismaan Caalin (C/Raxmaan Dheere) 10-C/Raxmaan Yuusuf Cartan 11-Cali Xasan Maxamed 12-Cali Yuusuf Axmed 13-Maxamed Cismaan Bulqaas 14-Cumar Axmed Sanweyne 15-Faarax Axmed Cabdulle 16-Xaashi Xuseen Caabi 17-Xariir Siciid Bulaale 18-Xamse Maxamed Gaadoweyne 19-Ibraahim Axmed Haybe 20-Ibraahim Jaamac Cali 21-Ibraahim Xuseen (Dhaadheere) 22- Jaamac Xasan Aadan 23- Maxamuud Axmed Obsiiye 24- Maxamuud Dhunkaal Tukaale 25- Prof. Maxamed Cumar Jiir 26- Maxamed Faarax Qabile 27- Maxamed Jaamac Cabdi 28- Maxamed Xuseen X Ciise 29- Maxamed Nuur Caraale (Duur) 30- Maxamed X. Yuusuf Axmed 31- Maxamed Maxamuud Cumar-Xaashi 32- Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) 33- Siciid Cilmi Rooble 34- Maxamed Jaamac Cali 35- C/Raxmaan Maxamed Talyanle 36- Mahdi Xuseen Caddarre Mooshinka labaad Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxman maxamed C/laahi (Cirro) in ay soo hordhigeen Golaha wakiilada 29 xildhibaan oo ah kuwa taageera Xukuumada iyo xisbiga Udub oo doonaya in wax kabadal lagu sameeyo xeer hoosaadka golaha Wakiilada Somaliland. Mudaneyaashaasi waxa ay sheegeen in xeer hoosaadka Golaha Wakiilada in ay ka badelaan Qodobka sheegaya in shirgudoonka Golaha wakiilada lagu ridi karo oo kaliya Seddex meeloodoo laba meelood 3/2. Mudanayaashaasi waxa kale oo ay ku doodeen ina ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan shirgudoonka golaha wakiilada oo ay ku eedeeyeen inuu dhinac noqday. Labadan mooshin ee iska soo horjeeda ayaa waxa uu ku soo beegmay iyada oo fadhiyadii hore ee golaha wakiilada ay saamaysay xurguf labada dhinac ah, dabeedna loo saaray gudi ka kooban Afar iyo toban xubnood oo xalisa khilaafka soo kala dhex galay golaha dhexdiisa oo la filayay inay heshiis soo gaadhaan. Dhinaca kale Fadhigii maanta oo loo Diiday Saxaafada Badankeedu inay ka qayb galaan ayaa waxaa si xad dhaaf ah looga soo buuxiyay Golaha Ciidamo Aad ufaro badan oo hubaysan, kuwaasi oo uu hogaaminayay Taliyaha Ciidanka somalialnd Col: Maxamed Saqadhi Dubad. Siciid Khadar C/laahi Gabiley News Desk Hargeisa /Somaliland muxaafid@gmail.com