Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,089
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Originally posted by qabiildiid#1: Impressive!! Allow yaa ogaada Mele na waa malabsanaayaa, Soomaalidiidka waxa laga kari la yahay waar kaalaya oo nimcaddan waddankiinna qaybtiina ka qaata… nimcadad adigu hayso, ha kugu filnaato sxb maxaad ummada kale ula ordi.
  2. Originally posted by Jacaylbaro: and I've just heard another delegation coming ,,,,, Welcome Welcome Yaa israiil
  3. Everything is clan based if you look it from one point of view, But you don’t see the whole picture let’s say if the clan rebels of Somalia in1991 would have been successful, And could of kept the Somali state intact. Would u still claim their entity was owned to Clan Movements, the same way Our Ethiopian neighbour owe their ethnic Struggle legacy, that’s exactly what shaped Ethiopia And Eritrea, The same way the Somaliland/SNM was the successor of the former British Protectorate
  4. ^^ Somaliland does not exclude clans nor does it discriminate we are not a qabil orientated nation. Unlike Somalia Where the 4.5 Clan Formula dictates the future leaders of Somalis. In Somaliland No Clan exercises power over others., our Government simply does not allow that. It protects the rights of the rightful Citizens of Somaliland
  5. Originally posted by Qudhac: looool even the UN works for somaliland miyaa, TUUG LA QABTAY TALOW MALE.
  6. Originally posted by Qudhac: DALMAR surely you not suggesting leaving faroole and crew duke will be very upset. Not just upset He might just lock up Garaad selebaan
  7. Wasiirka Maaliyada Ee Somaliland Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Kenya Written by Geeska Mar 23, 2010 at 02:24 AM Hargeysa(Qaran News) -Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya Moses Wantengula, ayaa cudur daar ka bixiyay hadal uu dhawaan ku duray Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii uu dalbaday in la baadho safarkii uu dabayaaqadii kal hore Hargeysa ku yimid guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin. Wasiirku, waxa uu hadalkan cudur daarka ah u sheegay Wasiirka maaliyadda Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo hadda safar ku jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, kaas oo ay kulmeen. Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo uu Wargeyska Geeska Afrika, wax ka weydiiyay kulankan ayaa xaqiijiyay inay kulmeen, waxaanu u sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Somaliland iyo Kenya, “Haa kulankaasi wuu jiray, waxaanu ahaa kulan muhiim ah.” ayuu yidhi Wasiir Cawil, oo intaas raaciyay, “Waxaanu ka wada hadalnay xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya iyo sidii loo sii xoojin lahaa Wasiirku, wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo waxyaabaha kale ee uu kala hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya. Laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska u xaqiijiyay in Wasiir Moses, uu kulankaas kaga cudur daartay dalabkii uu dhawaan u jeediyay Baarlamaanka dalkiisa ee la xidhiidhay inay baadhaan safarkii uu guddoomiye Faarax Macalin ku yimid Somaliland, kaas oo uu wasiirku ku eedeeyay inuu dhiiri geliyay madaxbanaanida Somaliland. Wasiir Moses, ayaa sida uu warku sheegay xusay inuu diyaar u yahay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Kenya. Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa la filayaa in mudada uu Kenya joogo uu la kulmo Raysalwasaaraha dalka Kenya Raila Odinga. Source Wargayska Geeska Afrika Last Updated ( Mar 23, 2010 at 10:55 AM )
  8. Xaglajiifiye is a real traveller he is been to Kenya Tanzania Djibouti Ethiopia and now he is in the Regional state called galmudug Viva khusuusi.
  9. Markay ka so noqdeen Berbera, ayaanu diyaradi tusnay waxay yidhaheen wa diyaradi mig eeh anagu anu samayn jirnay waxay no ballanqadeen inay diyaarado naga iibin doonaan casri ah oo loogu deeqo Ciidanka Cirka Eeh Jamhuuriyada Somaliland.
  10. Here is the video of the event http://www.youtube.com/watch?v=jRUhGa3ty90&feature=player_embedded
  11. Here are the pics Madaxweynaha oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefdi Ka Socday Dalka Ruushka , Daawo Written by Qarannews Mar 22, 2010 at 07:46 AM Hargeysa (Qarannews)- Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Siciid Cadaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sida tan "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefdigii ka socday dalka Ruushka. Wefdigaasi oo isugu jiray, saraakiil ka tirsan shirkadaha waaweyn ee dalka Ruushka iyo niman maal qabeeno ah, waxa ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland, booqasho dhawr maalmood ah, iyadoo ujeedada socdaalkooduna uu ahaa in ay soo indho indheeyaan, Mashaariicda u baahan maalgashiga dalalka shisheeyaha. Madaxweynuhu, waxa uu wefdigaasi ugu mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, si ay indhahooda ugu soo arkaan Nabad gelyada iyo Xasiloonida ka jirta dalka ,. Isagoo isla markaana carababaabay inay Somaliland gacmo furan ku soo dhawaynayso cid allaale cidii danaynaysa in ay maal gashi ku samayso dalka, maadaama aanu leenahay dal dihin oo leh khayraad badan oo ku jira Bad iyo Berriba. Madaxweynuhu, waxa kale oo uu soo qaaday , Mashaariicdii ay hore uga fuliyeen Somaliland dalkii la odhan jiray Soviet Union , kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Dekeda iyo Madaarka Magaalada Berbera. Wefdigaasi ka socda Dalka Ruushka, intii ay joogeen dalka , waxa ay la kulmeen, Wasiiro dhawr ah iyo saraakiil ka tirsan kuwii ku soo tababartay dalkii la odhan jiray Soviet Union oo yaqaana Afka Ruushka, waxana wefdigu ay si weyn ugu mahad naqeen dadweynaha reer Somaliland, Xukuumad iyo Shacbiba, sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyay Somaliland intii ay joogeen, iyagoo ballan qaaday in aanu noqon doonin safarkani kii ugu danbeeyay ee ay ku yimaadaan Somaliland, iyagoo marar kale ku soo noqon doona dalka". Last Updated ( Mar 22, 2010 at 08:22 AM )
  12. Qhalib war ma hayo War ki garaad selebaan intu khusuusigu buuro waddal ku dhaariyey ayuu isla habeenki intu garowe tagay ayuu yidhi khusuusigi waxba kama jiraan oo puntland ba na difaacaysa intu garaadadii oo dhan kaxaystey , 2 garaad jamac mooyaane eh ayu garowe iska xaadiiriyey. markasu wax so xar xariiqay , Markasu yidhi dadku wa puntland dalku wa puntland ,khilaafki ugu weyna khuusiigu la dhaariyey iyo garaadii dhaariisay ayaa iska hor yimid imika khusuusigi ayaa iskugu so ururay meesha buuro waddal la yidha iyo labbadi garaad jamac garadadi kale na guryahoodii garowey bey ku laabtteen. waxa inta dheer ciidan Puntland ay leedahay ayaa intay garowe ka so dhaaqaaqday waxay timi buurowadal dadku waxay sheegayeen inay rabbeen inay khuusiga cagta marinayan ciidanka buqland laakin labadii garaad jamac aya khuusigii ilaalinaya, ciidanki dib bu garowe ugu noqday, Ila hadda wax war ah khuusiigu geeri ama nollol kama hayno, Laakin nollol baddan kuma ogin
  13. Waftiga Golayaasha Qaranka Somaliland Ee Marti Qaadka Ku Jooga Dalka Maraykanka Iyo Nuxurka Ay Xambaarsanaayeen Kulamadii Dhexmaray Safiirada UK, USA Iyo Madaxda Dawlada Itoobiya Adis ababa, March 22, 2010 (Haatuf) – Waftigii golayaasha baarlamaanka iyo xukuumada Somaliland iskugu jiray ee marti qaadka rasmiga ah ku jooga dalka maraykanka oo habeen hore ka dagay ayaa maalintii doraad magaalada Adis- ababa ee xarunta Ethiopia kulamo muhiima kula sii yeeshay safiirada dawladaha UK islamrkaana ah ku simaha safiirka John Marshall iyo safiirka dawlada USA John Yates iyo madaxda Itoobiya oo uu ka mid yahay wasiiru dawladaha arrimaha dibada Dr. Tekeda Alemu Waftiga golayaasha baarlamaanka iyo xukuumada Somaliland ayaa la sheegay kulamada ay la yeesheen madaxda dawladaha Ingiriiska, maraykanka iyo Itoobiya inay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha marxalada ay Somaliland wakhtigan xaadirka ah marayso iyo guud ahaanba xaalada guud ee mandaqada geeska Africa, iyagoo kulamadaasina la sheegay inay iskula qaateen sidii Somaliland looga taageeri lahaa doorashada madaxtooyada. Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray shalay galab wasiir ku xigeenka arimaha dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) waxaanu u qornaa sidan: Waxa waftigu kulan quraac ah u sameeyey safiir ku xigeenka UK ee Ethiopia Mr. John Marshal, waxa kulankaa lagu gorfeeyay xidhiidhka dhaw ee ka dhaxeeya labada Dal Somaliland iyo Ingriiska iyada oo nuxurka wadahadalku ku salaysnaa iskaashiga labada dal ee dhinacyadda Nabadgelyadda, Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Horumarka, waxa kale oo la gorfeeyay xaaladda guud ee Gobolka ( sub region) . kulankaas labada dhinac waxa laysla qaatay Somaliland iyo Ingriiska sii xoojinta xidhiidhka labada dal inuu halkaa ka sii socdo iyadoo kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyo jawi saaxiibtinimo. kulankaasi waxa uu qaatay laba saacadood, Kulankaasi dhinaca Safaaradda Ingriiska waxa ku weheliayay John Marshal,Safiirku xigeenka ahna sii hayaha Safaarradda, Shan Sarkaal oo ka mid ah safaaradda laamaheeda kale duwan sidaa ku xigeenka labaad, milartary attachka iyo immigrationka. Sidoo kale waxa waftiga qado sharaf u sameeyay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia Dr. Tekeda Alemu, kaasi oo ay ka wada hadleen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal sida nabadgelyadda, Ganacsiga , Amaanka iyo Guud ahaan xaaladda guud ee gobolka waxa labada dhinac isla qaateen doorka ay somaliland ka ciyaarto Gobolka khaasatan dhinacyadda Amaanka Gedisocodka dimuquraadiyadda iyo dawlad wanaaga. Iyadda oo loo baahan yahay in bulshadda caalamku si gaara u qiimeeyan kaalinta somailanad kaga jirto gobolka lana helo qaabkii Somaliland waxloogala qaban lahaa horumarka, waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa. Kulankaasi oo qaatay laba saacadod iyo badh Kulankaasi wasiiru dawlaha arrimaha dibedda waxa ku weheliyay laba nin oo kale ahaa 1. Safiirka African unionka u fadhiya ethiopia iyo Abdeta dhinaca Somaliland waxa waftigu uu ka koobnaa kulamada oo dhan Wasiirka Arrimaha dibedda Abdillahi Mohamed Duale, Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Abdillahi Ismail Ali, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Ali Ibrahim Mohamed, , gudoomiye Ku xigeenka labad ee golayaasha Baarlamaanka Somaliland guurtida Siciid Jaamac Cali wakiilada Baashe Mohomed Faarax, Mr. Ayaanle salad Diiriye, Safiir Ku xigeenka Safaaradda JSL Addis Ababa, Ethiopia ahna ku simaha Safiirka Safaaradda JSL Addis Ababa sidoo kale waxa waftigaas xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Maraykanka u jooga Ethiopia John Yates kulan kaasi oo lagaga wada hadlay xidhiidhka qotoda dheer ee u dhaxeeya dawladda somailand iyo dawladda Maraykanka iyo u gogol xaadhka weftiga somaliland ee washiton, Kulankaas Safiirka Maraykanka waxa ku weheliyay Sarkaal safaaradda u qaabilsan Siyaasadda iyo Dhaqaalaha. Waftigu waxay xalay ka dhoofeen Bole International Airport iyaga oo u sii jeeday Washinton DC.
  14. Wefdigii Cuslaa ee Ka Socday Dawlada Somaliland oo kulamo ku yeeshay Addis ababa, Daawo Written by Qarannews Mar 21, 2010 at 11:48 AM Addis ababa (Qarannews)-Warsaxaafadeed uu soo saaray Ayaanle Salaad Diiriye oo ah Ku xigeenka Safiirka Somaliland ee Addis ababa, ayaa waxa uu ku yidhi "Waftigii uu hogaaminayay, Wasiirka Arrimaha Dibada JSL, Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale , waxa Magaalada Addis Ababa quraac sharafeed u Sameeyay Mr. John Marshal, ku xigeenka Safiirka safaarradda Ingriiska ee Addis Ababa, Ethiopia ahna kusimaha Safiirka Safaarradda Ingriiska ee Ethiopia. Waxa kulankaa lagu gorfeeyay xidhiidhka dhaw ee ka dhaxeeya labada Dal Somaliland iyo Ingriiska iyada oo nuxurka wadahadalku ku salaysnaa iskaashiga labada dal ee dhinacyadda Nabadgelyadda, Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Horumarka, waxa kale oo la gorfeeyay xaaladda guud ee Gobolka ( sub region) . Kulankaas labada dhinac waxa laysla qaatay Somaliland iyo Ingriiska sii xoojinta xidhiidhka labada dal inuu halkaa ka sii socdo iyadoo kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyo jawi saaxiibtinimo. kulankaasi waxa uu qaatay laba saacadood, Kulankaasi dhinaca Safaaradda Ingriiska waxa ku weheliayay John Marshal,Safiirku xigeenka ahna sii hayaha Safaarradda, Shan Sarkaal oo ka mid ah safaaradda laamaheeda kale duwan sidaa ku xigeenka labaad, milartary attachka iyo immigrationka. Sidoo kale waxa waftiga qado sharaf u sameeyay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia Dr. Tekeda Alemu, kaasi oo ay ka wada hadleen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal sida nabadgelyadda, Ganacsiga , Amaanka iyo Guud ahaan xaaladda guud ee gobolka waxa labada dhinac isla qaateen doorka ay somaliland ka ciyaarto Gobolka khaasatan dhinacyadda Amaanka Gedisocodka dimuquraadiyadda iyo dawlad wanaaga. Iyadda oo loo baahan yahay in bulshadda caalamku si gaara u qiimeeyan kaalinta somailanad kaga jirto gobolka lana helo qaabkii Somaliland waxloogala qaban lahaa horumarka, waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa. Kulankaasi oo qaatay laba saacadod iyo badh Kulankaasi wasiiru dawlaha arrimaha dibedda waxa ku weheliyay laba nin oo kale ahaa 1. Safiirka African unionka u fadhiya ethiopia iyo Abdeta dhinaca Somaliland waxa waftigu uu ka koobnaa kulamada oo dhan Wasiirka Arrimaha dibedda Abdillahi Mohamed Duale, Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Abdillahi Ismail Ali, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Ali Ibrahim Mohamed, Baashe Farah Mohomed, Ku xigeenka labad ee Baarlamaanka Somaliland iyo Said, oo ah ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Somaliland iyo Mr. Ayaanle salad Deria, Safiir Ku xigeenka Safaaradda JSL Addis Ababa, Ethiopia ahna ku simaha Safiirka Safaaradda JSL Addis Ababa sidoo kale waxa waftigaas xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Maraykanka u jooga Ethiopia John Yates kulan kaasi oo lagaga wada hadlay xidhiidhka qotoda dheer ee u dhaxeeya dawladda somailand iyo dawladda Maraykanka iyo u gogol xaadhka weftiga somaliland ee washiton, Kulankaas Safiirka Maraykanka waxa ku weheliyay Sarkaal safaaradda u qaabilsan Siyaasadda iyo Dhaqaalaha. Waftigu waxay xalay ka dhoofeen Bole International Airport iyaga oo u sii jeeday Washinton DC" Last Updated ( Mar 21, 2010 at 11:52 AM )
  15. SOMALILAND: Senior delegation on their way to Washington ADDIS ABABA (Somalilandpress) — A high-ranking Somaliland delegation consisting of senior members of parliament and government ministers have departed the Ethiopian capital and are on their way to Washington on an official visit at the invitation of Obama administration. The delegation is led by the Deputy Speaker of the Somaliland parliament, Mr. Bashe Mohamed Farah and the Deputy Chair of the Somaliland House of Elders, Mr. Saeed Jama Ali. The ministers are minister of Foreign Affairs, Mr. Abdullahi Duale, Minister of Planning, Mr. Ali Ibrahim, Minister of Internal Affairs, Mr. Abdullahi Ismael and minister of Natural Resources, Mr. Osman Sheikh. The Somaliland delegation are expected to hold high-level talks with senior members of the Obama administration, members of Congress and other officials including USAID and democratic organisations, on issues regarding security, development and democratic process in Somaliland. The delegation are also expected to meet with the Somaliland community in the United States. It is the first time a delegation consisting of members of parliament and the Rayale administration have visited the United States. Source: Qarannews, 19th March 2010
  16. Russian delegation arrives in Somaliland HARGEISA (Somalilandpress) — Somaliland’s Ministry of Foreign Affairs yesterday welcomed a high-powered Russian business delegation that is in Somaliland to explore investment opportunities and strengthen relations. The delegation which consists of investors and journalists is in the country for a four-day visit and are expected to meet with different Somaliland ministers and the president. The delegation will travel to number of locations where they will examine investment-related opportunities in a bid to strengthen bilateral economic and commercial relations in the region. According to sources the Russians want to renew their relations with the nations of the Horn of Africa under new foreign policy dubbed ‘Horn of Africa initiative’, similar to that one of the days of the Soviet Union. They added that Somaliland was the first of number of countries the Russians want to develop ties with in the region. They will visit port of Berbera, where they will meet President Dahir Rayale. Berbera’s 12-metre deep-water facility was constructed in 1964 by Russian engineers at a cost of $5.6 million. They have also constructed the longest run way in the region in the 70s. The reports added that the Russians want to invest in oil exploration and other infrastructures. In the final-leg of their visit, the Russian delegation have been invited for a dinner at Mansor Hotel where they will meet with former Somali students who studied in the Soviet Union. Last week, the Russian navy operating the coast of Somalia, turned over seven suspected pirates to Somaliland authorities in the Sanag region. Somalilandpress, 21 March 2010
  17. Why not Xaabsade Wa siyaasi weyn oo caan ah Fahansan Waxa u dan ah Dadka Bariga sool.
  18. Madaxwayne Riyaale oo Qabilay wafdi ka socda dalka Yemen Waftigaasi oo muddo dhoor cisho ah booqosho ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin sidii fiicnayd ee loogu soo dhaweeyay Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Siciid Cadaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sida tan "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Waxaa uu Maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Wafti ka socda jamhuuriyadda Yemen. Waftigaasi oo muddo dhoor cisho ah booqosho ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin sidii fiicnayd ee loogu soo dhaweeyay mudadii koobnayd ee ay dalka joogeen. Madaxweynuhu waxa uu Waftiga ka socda Dawlada yemen uga waramay xidhiidhkii soo jiraynka ahaa ee ka dhexeeyay labada dal Somaliland iyo Yemen, kaas oo ku qotomay xidhiidh ganacsi iyo iskaashi muddo dheer oo taariikhiya u dhaxeeyey labada shacbi. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isagoo arintaasi sii faah-faahinayaa waxa uu xussay kulankii dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Dalka yaman Cali Cabdale Saalax, Sanadkii 2007-dii taas oo ay ka wadda hadleen sidii loo soo celinlahaa xidhiidhkii taariikhda lahaa ee labada wadan Somaliland iyo Yemen, gaar ahaan Ganacsigii wax ku oolka ahaa ee labada dal ka dhexeeyay. Madaxweynuhu waxa kale oo carabaabay in somaliland ay ku noolaayeen dad farabadan oo reer Yemen ah, sidoo kalena in dad iyana reer somaliland ahi ay daganaan jireen dalka Yemen sidaa awgeedna ay tahay mid marag madoon ah Xidhiidhkii iskaashiga taariikhiga ahaa ee u dhexeeyay labada shacbi kaas oo u baahan in boodhka laga tumo lana sii xoojiyo. Waftigaasi ka socday dalka yemen oo uu hogaaminaayo Mudane Maxamed Rawiishaani, waxa ay sheegeen in ay ka furanayaan hada Magalada Hargeysa Caasimadda Somaliland Xafiiska Hay''adda dhaqaalaha ee Dalka Yemen kaas oo si dhekhso ah u hawl geli doonaan. Waftigu intii ay marayeen Somaliland waxay kulamo kala duwan la yeesheen dhawr Wasiir oo ka tirsan Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga, Arrimaha Gudaha, Hidaha iyo Dhaqanka , iyo Hay''addo kale oo ka tirsan Somaliland". Siciid Cadaani Afhayeenka Madaxtooyada
  19. SOMALILAND: President Meets Yemeni Delegation HARGEISA, 20 March 2010 (Somalilandpress) – President Dahir Rayale Kahin met a Yemeni delegation in his office today. According to a press release made my the government spokesman, Mr. Saeed Adani Moge, the meeting took place at the president’s office to discuss several issues concerning the two countries. Mohamed Rawishani, the leader of the delegation said he is delighted to visit Somaliland and observe the stability in the country. They said they will open a trade office before the end of their visit which will start operating as soon as possible. The President welcomed the delegation and said Somailland is ready to build a strong bilateral relationship with the Yemeni government. Mr. Kahin talked about the background of the relationship between Somaliland and Yemen which was mainly based on trade and business between the two countries. He mentioned the meeting he had with the Yemeni President, Ali Abdalla Salah in 2007 where the two agreed on resuming the trade relationship between Hargeisa and San’a. “There are Yemeni family who always lived in Somaliland and there are Somaillanders who lived in Yemen throughout the history” Said the President. “This is the proof that the two countries shared a long history of good relationship” he concluded. The Yemeni delegation arrived Somaliland few days ago and during their stay they had meetings with a senior government officials including ministers, politicians and others. Yemen’s intention to open a new office in Somaliland will strengthen the relationship between the two countries in terms of trade, politics and fight against terrorism.
  20. Hogamiyaha Mamulka Iyo Midaynta SSC Saleebaan Xaglo –Toosiye Oo La Sheegay Inuu Kasoo Degay Bandiira Warkii 20-Mar-2010 iyo Qormadii: Xafiiska Muqdisho Warar aan aan la xaqiijin oo soo baxaya ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Badbaadinta iyo Midaynta maamulka Sool,sanaag iyo Cayn saleebaan axmed kaar (xaglo toosiye ) inuu saacadaha soo socda kazoo degi doono garoonka diyaaradaha ee bandiiradley ee ay gacanta ku hayaan maamulka galmudug state . Hogaamiyaha SSC oo ay u diideen inuu kazoo dego magaalooyinka garoowe ,gaalkacayo iyo weliba boosaaso maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu heshiis la galay maamulka galmudug state islamrkaana la sheegay inuu kazoo degi doono garoonka degmada bandiiradley iyadoo la sheegay in diyaar garoow balaardhan oo looga sameeyey deegaanda ka gacan banana maamulka Somaliland in lagu soo dhoweeyo . Tikniko farabadan oo aan tiradeeda la xaqiijin ayaa la sheegay inay ka baxaday manta magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn taasoo la sheegay inay soo gelbin doonaan hogaamiyaha oo la sheegay inay soo marin doonaan dhinaca howdka . Dhinaca kale madaxweyne c/raxmaan faroole iyo ku xigeenkiisa Col.c/semed cali shire ee maamulka puntland ayaa la sheegay inay warqado ay doonayaan in lagu qaarajiyo hogaamiyaha inay u qaybiyeen sirdoonka iyo weliba ciidamada booliska puntland taasoo dhalisay guux balaaran oo manta laga dareemayo magaalada xarunta u ah puntland ee garoowe . Hogaamiye xaglo- toosiye ayaa la sheegay inuu doonayo siyaasadiisa ku aadan maamulka midaynta iyo badbaadinta SSC inuu ka wadi doono gudaha gobolada sool ,sanaag iyo cayn oo ay iminka qaarkood gacanta ku hayaan maamulka Somaliland Imaatinta hogaamiyaha ayaa kusoo beegmaysa xili ay maamulka puntland inqilaabeen Shirkii uga socday tuulada buurowadal Isimada gobolada SSC islamarkaana u weeciyey dhinaca maamulkooda taasoo dhalisay iska hor imaad siysadeed oo u dhexeeya hogaanka SSC iyo Isimada qaarkood oo Horgal u ah maamulka Puntland islamrkaana la weeray Garaad jaamac garaad cali iyo garaad jaamac garaad islaamciil oo iyagu ku sugan tuulada buuro-wadal Xafiiska Muqdisho Afnugaal News