Koora-Tuunshe

Nomads
  • Content Count

    1,078
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Koora-Tuunshe

  1. Lol... you are truely inferior kid. Janankii buu ku waashay. War jananka wuxuu ku dhashey Hargeysa. Faroole waa aqoonyahan heer waxbarasha iyo qibradna leh. Ma aha raga kasoo baxay school of snitching.
  2. Minneapolis (SPR): Idaacada Somali Public Radio ayaa waxay maanta ku booqatey xafiiska Sheekha reer Minneapolis ee Sh. C/raxmaan Abu-Turaab, isagoo halkaasi ku qabtey muxaadaro oo uu kaga hadlayey hadalkii Sh. Cumar Faaruuq oo dhawaan uu sheegey in ciidamada Amisom iyo joogi taankooda ay banaantahay. Sheekh C/raxmaan Abu Turaab ayaa si qoto dheer uga Hadley sababta ay u banaantahay in ciidamada shisheeye ee gaalada ah ay dowlada federaalka kaashan karto. HALKAAN KA DAAWO
  3. Sakhar: Adeer Atam anigu ma taageerin. Mana oran waa holly man (but Majihan Hero), mana ka dhigin sida aad adiga SSDF nooga dhigto. Waxaan iri waa in as Puntlanders looga tashado, hadii ay wada hadal noqotana lala hadlo, hadii kalena weerar lagu wado qaado. Laakiin hadii la yiraahdo, ninkaasi waa reer hebel, reer hebelna waa Alshabaab sida ay sheegeen wasiirkii hore ee amniga, ama uu odayaal dhaqameedka Puntland hortooda ka yiri Faroole. Waxba kuma hirgali karaan. Anaa personaly kaa jecel in Puntland ay hagaagto, wixii Alshabaab sheeganaayana laga saaro deegaanka. Laakiin waxaa dowlada heysta reer hal dheg wax ka maqla. Caluula ayay ka buuxaan Alshabaab, maxaa maalin looga hadli waaye. Maxaa arintii Gaalkacyo looga hadli waaye, islaamihii lacagta bililiqeystey. Adeer Puntland waxay la hormari weysey waa qabyaalad xaga Administrationka ah. SHacabka ayaa puntland wada, oona dhisey. Iyaga dulqaadkooda ayay Puntland u shaqeysaa. Marwalbana maamul mid walba midkii hore ka liita, oo reer ahaan loogu dhimanaaya ayaa xigta. Atom aniga ayaa ogol in lala dagaalamo. Laakiin marka hore Faroole xor ha noqdo. Nin wax u madax banaan. Sababtoo ah markii heshis la galay oo uu atam hubka soo wareejin lahaa ayaa itoobiya looga yeerey. Deetana wuu terminate gareeyey heshiiskii, odayaal dhaqameedkii Puntlandna ku yiri anigu arinta atam yaan la igala hadlin.
  4. Mr. Somalia, Saaxiib aniga iyo adiga isku dhinac ayaan nahay. Oo runtii ma doonayo Alshabaab in dhulkeena ay gasho, waayo waa dhib soo kordhay oo qudha. Laakiin hadii laga baydho sidii wax loo xalin jirey, iyadoo markii horeba shacabka deegaankan dan aan horey looga lahayn, hadii lagu sii daro in iyagii far lagu godo, oo la yiraahdo beeshaasi waa Alshabaab, miyaan la is oran karin in ay sidaasi noqon karto xalka kaliya oo u furan. Labo, maamuladii Puntland soo marey, maamulka kaliya ee difaaca lahaa wuxuu ahaa kii Mr. Yuusuf. Kaasina wuxuu difaac adag iyo amni ku yeeshey waxay ahayd inuu maalgaliyey amniga gobolada oo dhan, ma aha gobol qaas ah. Taas ayuu gafey maamulkan iyo kii ka horeeyey. Waxay bilaabeen nin jecleysi iyo beel jecleysi. Ma aha niman isu talin kara, lalana tashan kara. Waayo waa rag amar kale ku socda oo aan marna tooda raaci karin. Marka yaanan shacabka la beyl-hoofin. Shacabka deegaanka aad sheegtey iyagaa diyaar u ah in ay dagaal la galaan Alshabaab. Laakiin wax kalsooni ah kuma qabaan maamulka haatan ka jira meesha. Xalkana waxaa lagu heli karaa in Faroole kaashado shacabka deegaanka. Taasina wuu ku gacan seyrey.
  5. Ninka hadalkaan yiri waa taliyaha darwiishta sanaag. Laakiin wuu ku qaldanaa. Waxaa ka daba hadley gudoomiyaha gobolka oo yiri waxaasi ma jiraan. Ninkaasina go'aan ma gaari karo kaligii. Halkaan riix
  6. Wararka ugu doorka roon ee caawa ayaa waxaa ka mid ah: • Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland mudane C/raxmaan Faroole oo sheegay Qatar kasoo socota deegaanka galbeedka Bari. • Nabadoon ka mid ah nabadoonada Haylan iyo Galbeedka Bari oo ka Hadley baaq ay u direen dowlada Puntland iyo madaxweyne Faroole. • Howgalo ka socda magaalada Boosooso oo lagu uruurinayo dadka kasoo jeeda koonfurta SOomaaliya oo jirsadey maalintii sedexaad. • Israsaaseyn oo uu askari ku dhaawacmey oo ka dhacdey magaalada Boosaaso. • Maamulka Galmudug oo sheegay iney soo dhaweynayaan dadka lasoo musaafuriyey magaalada boosaaso. • Qarax ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada Dowlada federaalka oo ka dhacay magaalada Muqdisho. • Askar taba bar loogu soo gabagabeeyey iskuul bolisiya ee magaalada Muqdisho. • Dowlada mareykan oo taageeri doonta howl galada Amisom ee gudaha wadanka Soomaliya. • Xildhibaan ka tirsan aqal Senateka Mareykanka oo sheegay in Eritrea lagu daro liiska Argagixisada. • Madax weynaha Sheekh Shariif oo ka degey wadanka Chad. WARARKII UGU DAMBEEYEY SOMALI PUBLIC RADIO
  7. Mr. Somali.. you know where my allegiance lies. Runta ayaan ka hadley. Badbaadada iyo isku duubnida Puntlandna waa lama huraan. Laakiin sidaada madax caabud ma ahi. Adigoo kale waa lagu yaqaan, Allow yaa nin reer Sanaag ah ama reer Sool ah ka dhigo the head of the state, waxaad noqon lahayd Galmudug hadii aad madaxnimo ka heleysid.
  8. Puntland iyo Atam heshiis ayay galeen. Everything was going fine until Melez Zenawi called Faroole and have him terminate the deal. Atam was ready to turn his weapons to his elders, and have puntland provide him with security. Waxaan aad ula yaabay maanta, in shir ka dhacay xarunta dowlada hoose ee magaalada Boosaaso. Dowladii waxay leedahay beel walba ciidan ha keento oo aan ku duulno Atam. Dagaalkan shisheeyaha hagaaya, hadhow yaan laga shalaynin!
  9. Allpuntland marka ay ka hadlayaan (Galgala, Maraje, Af-urur, Ceeldoofaar, Laag, Bali Khadar, Dameer, Xamur, Jiingada, iyo wixii lamid ah, Xitaa "Baalade" oo ah xaafada Boosaaso ugu weyn waxay ugu yeeraan Sanaag). War Sanaagtu weynaa horta? Allpuntland ma aha dad dalka kala garanaaya. Galmadug News ayaa dhulka uu ka hadlaaya ka badiya. As for galgala being in bari yes it is in bari but we call it sanaag bari. Because they share closer ties to fellow makhiris then the rest of bari. Cawke.... Very cheap and desperate indeed.
  10. Odayaasha Dhahar maxaa ka galay Galgala? Galbeedka Bari way leeyihiin odayaal iyo guurti, iyaga ayay ahayd hadii uu meesha dhib ka dhaco in lagu xaliyo. Laakiin odayaal qol isku soo xirey go'aan ay kasoo saaraan waxyeelo uma noqonayo Galgala. Arinta ah reer Galgala ayaa ka dambeeya dhibkii dhacaba, runtii waa mid loogu gafaaya umada ku dhaqan deegaankaasi. Hadiise ay yiraahdaan maamul ayaan sameysaneynaa oo Puntland baa wax ka qaban weysay, ma argagixisaa?
  11. Gudoomiyaha cusub Maxamed Axmed Taarsan oo wareysgii ugu horeeyey siiyey Idaacada Somali Public Radio kadib markii xilka loo magacaabay
  12. DHAGAYSO------ AFAYEENKA SHABAAB, SH. CALI DHEERE OO SHEEGEY INEY KA DAMBEEYAAN QARAXII
  13. My boy Said Ortega oo halkaa ka qalin jabiyey... Wariye Maxamed Cali Salaad oo xiriirinayey.. Maxamed Minjir oo taariikhda Maakhir ka waramey...
  14. Xaflad ay sameysteen dhalinyarada Maakhir ee dalka India ayaa isugu jirtey graduation ceremony iyo xuska 26 june oo ah maalintii ay Soomaalida Woqooyiga xurnimada qaateen. Waxaa magaalada Hyderabad ka qalin jabiyey ardey reer Maakhir ah oo gaaraya ilaa iyo 32 oo kala bartey tacliinta kala duwan iyo heerarka Bacholors iyo Master digriiga. Daawo sawirada: RUWAAYAD AY SOO BANDHIGEEN DHALINYARADA MAAKHIR EE MAGAALADAASI HYDERABAD
  15. Lol..... you are living in denial.... Hada ma anigaa cid ka hadley. Farta iyo meesha bugta way is ogyihiin... thats all I have to say.
  16. Zack: falaadhi galgalasho kaagama baxdo. Hadii aad wax taageereyso taageer hadii kale sheekada ah qof walba ayaa wax haysta jooji. Maadeey: You should know the difference between "auditor" iyo editor. Salah is Corporate Tax Auditor for the Department of Revenue. Waxaanu leenahay welcome cidii wadanka wax kusoo dareysa xitaa kuntu waareey Allaha ka dhigee. Wixii dalka kusoo darsooma ama puntland ama Soomaaliweyn, waa wax dadkoo dhan anfacaaya. Sababta loo soo dhaweeyey ma aha Saalax in uu wax qori jirey. ee wax qabadka dalka uu ka qeyb qaatey ama boosaaso ama Sanaag. Xitaa koonfurta waa dadkii dib u furey isbitaalka Baardheere. Soomaalinimana leh. Mahadi ha ka gaadho!
  17. Reer Buuhoodle guul ayaan u rajaynayaa. Wiilasha dhinteyna Alla Yarxam. Che-Guavara sidii uu horey mujaahid u ahaa ayuu wali u yahay. Laakiin waxaan la yaabay oo aan weydiinayaa nimankiinaan SNM, why celebrate the bloodshed in Buuhoodle? Reer Buuhoodle waa niman raga, mana aha ragaan ogahay oo victim cardka ku dagaalama.
  18. Originally posted by Thankful: It's not even Puntlands largest industry let alone Somalia. Meel ka ganacsi weyn Puntland miyaa jirta! Hypocrisyga wax badan buu kaa hadalsiiyaa ileen. War ileen qaar aan ogahay hinaasaha ma daayaan
  19. Originally posted by Beer-Gaal: Wait,,Oodhiwayne, horta waa su'aale maxaa dhiigu kuugu kacaa when you heard Reer Maakhir? there must be a reason,,,maya, maya,,Arinkan waa in aan galnaa waxbaa jidha meesha!