Koora-Tuunshe

Nomads
  • Content Count

    1,078
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Koora-Tuunshe

  1. Wareysi aad u dheer oo meela badan taabanaya ay idaacada SPR la yeelatey galinkii dambe ee maanta wasiirka macdanta iyo batroolka dowlada federaalka Dr. C/raxmaan Jaamac Cabdalle kadib markii uu Raysal wasaare Cumar C/rashiid uu is casiley. Wasiirka ayaa sheegay in Raiisul wasaare Cumar C/rashiid rabay in la xisaabtamo laakiin nasiib daro qolo wasiiro iyo isugu jiro xildhibaano ayaa si qaldan u fasirey madaxweynahana uga dhaadhiciyey. Madaxweynaha ayaa ka cagajiidey in la xisaabtamo. Dr. C/raxmaan ayaa ka Hadley sababaha keeney in dowlad walba uu khilaaf ku yimaado, sidoo kale Dr. C/raxmaan ayaa ka jawaabay mar aanu weydiiney in uu isu soo sharaxayo ra’iisul wasaare. Sidoo kale wasiirka ayaa wuxuu ka Hadley arimaha Galgala mar wax laga weydiiyey. Ugu dambeyntii Dr. C/raxmaan ayaa wuxuu ugu baaqey shacabka Sool iyo Sanaag in ay ka shaqeeyaan nabada, iyo hormarka, isla markaana deegaanadooda ka hirgaliyaan maamulo. CLICK HERE TO LISTEN THE INTERVIEW
  2. Sidee Somalia looga ciidey... Codad badan, masuuliyiinta puntland, somalia guud ahaan, culumada iyo shacabka... HALKAAN KA DHAGAYSO
  3. Dabaal dagga Ciidka Iyo Waliba Farxadeeda ayaa laga dareemay deegaanada Gobolka Geeska afrika gaar ahaana deeganada Gobolada Sanaag iyo Haylaan oo aad faraxada looga dareemay. Codad kala duwan, wariyaasha SPR ee Somalia, iyo waliba masuuliyiin ka hadlaaya Ciida la iclaamiyey. Halkan ka dhagayso
  4. Correction: No one ever said it was 700 people. It is over 700 families alone in Galgala evacuated. Nabadoonada waa sida ay bbc da u sheegeen waxaa Galgala ka barakacay in ka badan 700 reer. Sidoo kale wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha iyo sportiga ayaa idaacada u sheegey tiro intaa ka badan. Marka hadii aad xisaab taqaanid Galgala waxaa ku hareereysan ugu yaraan 10 tuulo. Isku darka imisa ayuu noqon karaa?
  5. Originally posted by Thankful: Nassir, I 100% agree! I believe all our attention should be focused towards the goals that you mentioned. All of us have almost no difference between each other and if there are any they can be worked out through dialogue! I second that.
  6. Duke iyo Thankful: I thought SPR is stationed in Somalia. Whats up with this false hype? Adeer warka waa la beeniyaa mise waa la iska daayaa. Hadii uu hadalkaan been noqdo, markaa eeda SPR ayaa iska leh. Mideeda kale Wasiir ku xigeenka amniga C/jamaal ayaa iska leh guriga SPR ay degantahay. Waana masuulka ugu sareeya SPR ee kusugan dalka Soomaaliya. Xafiiska jowharna isagaa leh. Hadii warka beenyahay sow isagu irdaha iskuguma xireen? Maalin walba marka laga wareysto wasiirka amniga Yuusuf axmed kheyr oo si joogta loo wareysto, si uu arimahan uga hadlo waa wax iska caadi ah, laakiin markii dhacdo aysan rabin la qoro ka dagaalamaysaan. Saxaafaduna wixii dhacda ayay soo gudbineysaa, ma aha in ay warna soo deysaa warna qarisaa. SPR way la xiriireen masuuliyiinta Puntland iyagaana diidey in ay arinta ka hadlaan oo halkaa ayaa lagu qaboojiyey maantana. Mideeda kale sidee looga dhaadhiciyaa masuuliyiinta Puntland in saxaafada xor laga dhigo, hadii shacabkiiba ay dictatoryihiin. Ama ha noqdaan kuwa Haylaan jooga oo taageersan Atam oo u hanjaba SPR markii ay dowlada dhinaceeda soo bandhigto, ama ha noqoto nimankiinaan qurba joogta ah oo ay qabyaaladu gubeyso?
  7. Originally posted by General Duke: Garad Cali Ciid, General Ilkajiir, Abdi-Jamaal are all fighting their own clan? Attam is defending his clan from these men? Nonsense Duke has a point. Thanful: roobdoon is not from sanag or w/b. Xaraarad qabiilbaa ku qaadey boowe. Sanagbaad ku qafiiftey. Xudeydi & Naasir: waa ramadaane xaalada naga qaboojiya.
  8. Sheekadii dhinac bey u dhacdey, iyadoo aan ilaah mahadii dad badan ku dhiman. Laakiin wax walba waxay ku xiranyihiin sida ay howsha uga ambaqaado Puntland. Galgala kaliya kuma eka. Maanta wasiir ku xigeenka amniga C/jamaa Cismaan (the man with the green stripe t-shirt) who is from galgala. ayaa idaacada SPR u sheegay in meesha ay ku dagaalameen ciidamada dowlada isla markaana ay ka sifeynayaa qoladii kale. sidoo kale wasiir ku xigeenka sportstiga iyo shaqaalaha siciid daahir qodax oo isna ka hadley ayaa waafaqay hadalkii wasiir ku xigeenka amniga. Siciid daahir waa ninka xiran t-shirt ka cad. Dadku way nala shaqeynayaan ayuu yiri c/jamaal wareysigaa, isagoo sheegay ciidamada ay ku jiraan guuto dhan oo kuwa u dhashey galgala ah oo dhaba walba kala yaqaan oona la gali kara. laakiin xaqiiqdu waxa weeye dadka ayaa dhibka iska leh, waayo iyaga ayaa labada dhinac ka kala shaqeynaaya. waxana rajeynayaa in ay midoobaan.
  9. I heard the meeting between the admin and elders was heated, the elders were disrespected, and humiliated. These elders have two options here: they can support the administration and their ways, OR be against it… straight up.
  10. For those of you who are clapping for the PIS, most people in Puntland will tell you that PIS is the main issue in Puntland and are the actual terrorists in the state. They are the ones who are fueling the clan wars in the past namely Qardho, Caluula, Ufeyn, as well as the one in Galgala. C/risaaq xareed wasiir ku xigeenka amniga hadaladiisa shalay waxaa ka mid ahaa "dilalka inaga dhexdeenaa ka dambeeya ee wax halaga saxo".
  11. Faroole “dadka Galgala ha isaga guuraan, Puntland way weytahaye” As outrageous as it sound, this is a direct quote. Ilmo dhashey dab xitaa way isaga cayaaraan. We shall wait and see what faroole and his militia can do the people of Galgala.
  12. Karin ciidamada la geeyey Karin waa kuwii PIS ta. Waxaad ka garanaysaa raga ku dhintey oo ay ugu caansanyihiin.... Sheekhaal, Axmed saleebaan, iyo Qodhobo oo kasoo jeeda(Maakhir). Shabaab waa caqabad taana waa hubaa. Laakiin Cadeyn ma jirto oo sheegeysa in ay Shabaab joogaan Buurta. Laakiin waxaa hubaal ah in PIS tu ay yihiin cadowga koowaad ee Puntland. Burburkana ay iyaga ugu horeeyeen.
  13. SPR: Barnaamijka Murtida iyo Madadaalada ayaa ah barnaamij xikmadeed oo aan idiin soo deyno todobaad walba. Barnaamijka todobaadkan ayaa waxay ku saabsantahay sheeko cajiib ah oo halku dhigeedu yahay “Xoolo Xiniinyo Manoqdaan”. Barnaamijkan waxaa idiin soo tebinaya oo islamarkaana aan nasiib u yeelanay abwaanka weyn ee Soomaaliyeed C/naasir Cali-Daahir Shabbac “Dhagadheere”. HALKAAN KA DHEGAYSO
  14. Nimanyahow garaadka aflagaadada halaga daayo. Hadii uu taageerey dowlada waa tala wanaagsan...Wax qalad ah kumuu hadlin, waayo dowlada waa mida uu isaga iyo isimo badan ay wax kasoo dhiseen.
  15. Xudeydi: No matter how one slices it, Thankful is opinionated racist and anti-Makhiri, and we all know the reason why. But you should only criticize leaders/ administrations and not portrait Puntland the way you do. Dadkuna waa ehel iyo qaraabadeena oo ha fogeynin, dalkuna waa naga dhexeeyaa, dowladuna waan wada leenahay, ee haloo adeego. Happy anniversary to all Puntlanders.
  16. Calling out load for the tribes to pick up their guns was terrible move, and I wonder if his son wrote them lines for him. C/laahi Yusuf and Cadde Muuse fought bigger forces and yet they did not cry like this man, and I firmly believe that he ordered Mr Jama Ismail (the prisoner) to be tortured based on the hurt and anger he showed in his speech aftermath of the skirmish.
  17. Waxaan raacsanahay hadalka Duke oo ah idaacadu waa la dhaliili karaa laakiin shaqsi ma aha. Fikirkeyga ahaan: wali kuma arkin meel lagu taageerayo Atam markaan aqriyo SPR. Waxa kaliya ay soo tabiyeen iyadoo ay yihiin first hand dhacdooyinka. Ma aha in ay tiraahdaan maxay wax u dhaliili waayeen. Idaacaduhu wax ma dhaliilaan, ee waxay tabiyaan wararka markaa jira. Mana aha fikirkayaga oo qudha waa inaad soo tabisaa. Warku sidiisaba ma aha wariyaha fikirkiisa ee waa dhacdooyinka markaasi jira. Ragana waa siduu sheegay yaan la isku darin. Qaarna qabyaalad baa lafaha ka gashey. Qaarna dhaliishoodu waa daacad. Thanks qoraaladiisa waxaa ka mid ahaa...."dadkan dagaalka wada waa dadkii la dagaalamey maamulkii Cade Muuse".... Hadalkaasi waa hadal caadifadeed. Waxaa goygoysey gocashada Majiyahan. Laakiin waxaan kuu sheegayaa adeer in caqli saliimka ah la isticmaalo. Shacab iyo shaqsiyaadba dadku waa “beer wada dhashiyo baho walaala ahe” iska daaya reerkan baa sidan sameeyey hada ka hor iyo reer hebel ayaa idaacad furtey oo u adeegta beeshooda. Hadii aad daacadtihiin sida Cawke … Maxaa xal ah ayaad oran lahaydeen. Anigu waxaan oran lahaa talada nabada halaga qaato, yaanana la deg degin. Anigu waxaan qabaa sida Beergaal yiri: Alshabaab iyo PIS ta intaba dan uma aha dadka reer Puntland. Labadaba waa in la burburiyaa. Waagii la dhisayey PIS ayaa aabihii Puntland C/laahi Yuusuf markii hore raali kama ahayn inkastoo waqtigiisii la dhisey, ragbaa ku qalqaaliyey. Waxaa laga hayaa "war heedhahaya, hadeynu sameysano argagixiso la dirir, inagoo aanan lahayn wax argagixiso ah, so macnaheedu ma aha in aanu sameyn doono argagixiso, oo aan inagu abuuri doona"... Waxaa kusoo koobayaa hadalka in laga wada tashado colaadan. beel kaliya uma taalo, ee dowlad ahaan ayay noogu taalaa meel. Yeynan cid gaar ahna is oran idinkaa wax la idinka ciideynayaa. Beel ahaan inagaa qasaara ku qabna dagaalka sokeeyaha, ileen dhulka lagu dagaalamaya iyo dadka wax soo gaarayaba inagaa leh.
  18. Codka Afayeenka Xarakada Alshabaab Cali DHeere
  19. Xudeedi Do not use SSDF saaxiib. Maamulka magaciisa isticmaal.
  20. Thankful: Ina Adeer waxaad noqotey habartii wixii ugu dambeeyey oo ay aragto inta aynan indha beelin ahaa libaax. Waxba oo la sheegay libaaxaasi ayay barbar dhigtaa....marka la yiraahdo Kani waa wabi "oo wabigu libaax malaqi karaa"... kani waa Doon "oo doontu libaax ma qaadaa" Kani waa muus "oo libaaxu muus ma cunaa"... Adna sidaasoo kale ayaad ugu waalatey SPR. Ma waxaad leedahay SPR yaynan soo report gareynin mudaaharaad ka dhacay Dhahar? Dhahar waa dhul soomaaliyeed. Ee hanoqonin habartii ceesaanta ku indha beeshey. Codadkii mudaaharaadkana saaka barnaamijka dhacdooyinka ayay dadku ka dhagaysteen.
  21. Adeerayaal marka hore waxa qabyaalad inaad ka dhigtaan ma aha. Aniga qabiilkeyga mooyee mid kale jiri maayo hadii aad tiraahdaan waxba kason maayo. Raga ay qabyaalada ku aruurtey sida Thankful iyo Xudeydi. waa in ay howsha ka dejiyaan sidey tahay. Thankful.. SPR dhexdhexxaad ayay ka noqotey waxa ka socda. Horseedmedia, sbc, allidamaale ma aha saxaafada puntland oo kaliya. Ee seef la bood nimada iyo caadifada iska daaya. Magaca reerka markaad maqashid ayay dacar kugu kacdaa. Waan ogahay inay wax badan kaa ciideeyeen waagii reerku uu talinayay.. Waan arkaa sawirkii Majiyahana inuu xoogaa aad la sastey. Laakiin adeer is daji, isku meel ayaan ka duuleynaaye.
  22. Jaamac Cismaan Ducaale AKA Doonyaale.. waa nin reer Galgala ah kuna barbaarey Boosaaso..... ------------------------------------------------- Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii Karin(Somali Public Radio). SPR: Warar hordhac ah oo kasoo baxaya aaga u dagaalku ka socdo aya sheegay in maanta uu ka dhacay degmada Karin ee gobolka Bari, dagaal aad u xoogweyn oo keenay dhimashada iyo dhaawaca askar badan oo katirsan labada dhinac. Wararka ka imanaya dhinaca saraakiisha Dawlada Puntland oo ay si gaar ah ugu soo dusiyeen Warbahinta SPR ayaa noo xaqiijiyay dhimashada 8 Askari oo ka tirsan ciidamada dowlada iyo waliba dhaawaca 7 askari oo katirsan dhinaca dowlada. Askarta darwiishta ku dhintey ayaa wali magacyadooda aan wada helin ayaa waxaa ka mid ah 3 nin oo kasoo jeeda deegaanka Galbeedka Bari iyo Haylaan. Dhinaca kale, Warar gaar ah oo naga soo garay dhinaca kooxaha ka soo horjeeda Ciidamda dawlada ayaa sheegay in ay geriyooden 3 askari oo katirsan dhinac kasoo horjeday dawlada oo uu kamid ahaa marxum Siciid Saalax Caynab (iyadoo aan helin kuwa kale magacyadooda dhamaystiran) iyo waliba dhaawaca hal askari, iyada oo ay ciidamda dawladu ay qabteen Hal askari oo ku dhaawacmay dagaalka oo lagu magacaabo Jaamac Cismaan Ducaale isagoo dhaawiciisa lasii gudbinayo. Ciidamada taabacsan Sh. Maxamed Siciid Atam oo isla markaana maanta ku dhintey, dhaawacana kasoo gaarey ayaa waxay kasoo jeedaan isla deegaanka galbeedka Bari. Sikastaba ha ahaatee, dagaalkii maanta ayaa wuxuu ka dhacay dhanka Laamiga, iyadoo ay ciidamada weerarka soo qaadey ay ku noqdeen fariisimohooda oo ah dhanka buuraha xiga galbeedka. Wixii warar ah oo kasoo kordha dagalkan dib ayan idin kaga soo tabineynaa. SPR.fm somalipublicradio.com