Koora-Tuunshe

Nomads
  • Content Count

    1,078
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Koora-Tuunshe

  1. Victory shall come to the people OG region. Hadeydaan is taakulin, Tabar yeelan meysaan Ka tashada cadaawuhu, Isku tiirsanaada By Col./Abwaan Maxamuud Cismaan Fooldhuub
  2. Jawaab wanaagsan. Leyla waa fanaanad aad u cod macaan. Her husband is great writer "Miigane".
  3. Originally posted by Muhammed: Watch this space next as Badhan is also brought to its knees much like Las Anod was. Hay’haataa laga arkaa qoorta haajaha ‘e Maja hoolan bey leedihiyo baalal heerya ah’e Maxaynu hubsanaa ileen goronyo waa haade Wiilka sanaag ayuu ku qafiifey
  4. Originally posted by Muhammed: They missed the point... Obviously everyone eats fish Adeer sow ma aadan bilaabin inaad digo rogoto, sidii oday qaadireysan. Marna igu faan, marna igu cay. Sanaag marka la joogo, hay'adaha waxaad ku tiraahdaan hadeynu nahay beelaha Minoritiga waanala duudsiyey gobolka. SomaliaOnlina waad ku faantaan! Sheekada Hargeysa ayay kula gashey. Hargeysa iyo Berberaba anaa wax ka dhisay. Maantana labadaba magaalo ka weyn ayaan leeyahay marka la isku daro. Kana population badan. Boosaaso
  5. ^ Mohamed: Marqaan commentiga ayaa kaa xanaajiyey. Adeer we are proad to be a fisher men and farmers. Geelna lagaa badan, dhul iyo dad iyo xoolana nin kaa badan maalin ma gaartid. Waagii ay mirqaanland ahaayeen jaahiliyada ayaa waxaa jirey nin Maakhiri ah oo la oran jirey Cali Maax... Isagoo la hadlaaya dadka aan aqooni fishka oo qaadka ku wareerey o sheegay una tilmaamaaya faa'idada uu leeyahay ayuu yiri. Kalluunkeenu waa sacoobaan iyo,soddon kunoo jaade Seerseer macaanoo Tebediinku waa, ugu sarreeyaaye Oo sallalaahu Nebigii ayaa, seef ku gowracaye Saxal iyo abaar kuma kacdiyo, sama kaliileede Ma saanyado col duulaa hadduu, sarida kuu deexan Saxar cuduri saymaha adduun, abid ma saysaansho Ninkiise saansaanyaha yaqaan iyo badaha saamkooda Oo subaxdii horeetaba kacoo, seebka taranteersha Waa sahay daleelaha u taal, saacad dabadeede Nin saboola iyo maalqabeen baa,sadho dhextaallaaye Waxse loo simay waa kalluun, sebi un baa mooge Waxa uu nafaqo siinayaa, jiidh solmoo tegaye Badda Saylac Saaxiyo Berbera, tan iyo Seyhaaba Waxa sare iyo hoos ku jira, waa sareedadiisiiye Soomaali baan garan intay, silic ku noolayde. Waa taariiq ka badan 100 sano gabaygaan. Marka maxaa huruufka iyo hinaasaha dumarka keeney? Taas waxaa ka jawaabay Abshir bacadle wuxuu yiri: Qoys dumaya qeyliyo huruuf qaadow adigaa leh Qalbi qooqan iyo qoora aan wax tarin Qaadow adigaa leh
  6. JB... Dubaabka inuu meel xun kula galaaya waan ogaa iyo qaadirada.
  7. Intaad khaadka cuneysaan, anaga fishka ayaan cunaa. Hadhowna waxaad tiraahdaan ragaan kaluunka cuna ayaa naagihii naga dhameeyey. Ileen kaluun cunida macnaheedu waad taqaanaan, the more you eat, the more you.... Back on the topic. Runtii reerku qayaali ha isaga jiraane hala daayo, hala daayo.
  8. Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga... kadib jabkii dagaalkii Dhahar Waqaf "lafahayaga ayaan lasoo orodney, waxaan istaahilaa in la igu abaal mariyo maadaama aan bad baadiyey ciidanka qaranka, oo dhahar lagu raamsan lahaa" Horowo----Wargeyska Ogaal
  9. Inan waalidkeed iibsadey oo guunyo ku ilaawey Oo oday gaboobey u qasbey oo aqalka loo geeyey Oo howl ku aadey iyo shaqada oofin kari waayey Oo eynigeeda iyo bulshada laga idleysiiyey Abshirow usbuucyaba ma ladin elelig mooyaane Cali Gurey Laasqoray, 1998
  10. Paragon: Adeer ha u yimaadaan reerahooda ama yeysan u imaanin. Virus bey keeni lahaayeen kor iyo hoos. In laga hortago muhiimbey ahayd Xaaji xundhuf: Originally posted by Xaaji_xundjuf: Dadka guura Dhulku ma guuro Ninkii dhoof ku yimi bey geeridu dhibeysaa
  11. Abu Salman: Hadeydan dagaal la galaynin hohe difaacooda Hantaaqa xumidiyo hinaasaha qabiil, ha ugu heesin Nin uu ingiriis iyo fransiis gumeystey qalbad la'aanta waan ku ogaaye. Horta xagee lagaaga adimey adigu. Sheeko gaaba: Meesha la yiraahdo buur hakaba ayaa hada ka hor waxaa layiri niman afar jeeblayaal ahbaa yimid, oo beeshii meesha deganeyd ayay u qudbadeeyeen. Waxay yiraahdeen waxaa idiin soo socda gudi dowlada ka socda, iyo gawaari. Waxay guranayaan dahabka buurta dusha iyo gudahaba ceegaaga. Intii ugu aqoonta rooneydbaa kacdey oo tiri buurtaan nin aan reer hebel ahayn ma guran doono. Oday miskiin ah ayaa soo booday, oo wuxuu yiri "war heedhahaya, meeshani aniga iyo awawgey iyo awawgiiba waan ku dhalaney, oo waan ku nooleyn oo xoolaan ku raacayey taniyo markaan wiilka ahaa, waligeyna ma arag wax dahab ah oo hoos iyo korba saaran. Maynu dadkan soo dhaweyno, oo marka hore dahabka aan arki weyney hana tusaan". Marka hore halganka arag, difaaca lasoo gal. Kadib ka dood in dhulka aad u wada dhimanaysaan aad kawada hadashaan magaca in laga badalo. Nin aan xornimada taageereynin, oo aan dhimashada ogoleyn, sideebuu ugu gorgortamaa in magaca la badalo Jabhadii dagaalamaysay! Hadii ay dhab idinka tahay wanaaga iyo Islaanimada aad sheeganeysaan, difaaca ay ku jiraan ayaad kasoo qeyb gali lahaydeen, ama xinka ayaad ka deyn lahaydeen. Halka aad u kala dhuumaneysaan gumaystaha.... Marka saaxiib, ninkii raba inuu dalka la difaaco ****'ska, yaanu kusoo dhuuman marmarsiinyo kale. [ October 30, 2009, 01:29 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  12. I firmly believe that the name should stay the same even when liberated. Those who debate about the name change are just playing Qabiil Card. The name has nothing to do with Tribalism. It is the same thing as the following: -Malaysia was named after the Malay tribe, becouse they are the majority in Malaysia. -The capital of Wyoming “Cheyenne” was named after the Cheyenne Tribe. -Paris- was named after the tribe who found it----Parisii of Gallic tribe. The list can go on and on… Aduunyada waxaa jira xitaa wadamo loogu magac darey shaqsiyaad…. Qabyaalada iska daaya oo taageera the ONLF struggle. Ama marmarsiinyada iska daaya. Shaqsiyaadka waxaa ka mid ah: -Angola was named after a person------Ngola Kiluanje -America was named after-------------Amerigo Vespucci -Musambique was named after-------------Musa Mbiki
  13. Maanta Soomaalida Kenya aadbey uga hormareen Soomaalida kale dhanka aqoonta iyo dhaqaalaha. Mathalan magaalada Gaarisa waa magaalo leh jaamacado, Kuliyado, iyo private schools. Beero iyo dhaqaale kalena leh. Waxay leedahay ilaa iyo 5 laami oo magaalada Dhex maro. Dadka Northeastern faa'ido ayay u ahayd in ay joogaan meeshooda.
  14. Sawiradan waa sawiro collection ah. Itoobiyaanka iyo Ciidankii darwiishta ee Sool. Nin u dhashey Buuhoodle oo ka qowleysta hargeysa ayaa maalin dhaweyd si dhuumasha ah isugu sawirey Garoonka oo howl laga wado, magaalada Buuhoodle. Waxa kale waa iska cantaraboqosh Sawirka hoose:--Shacabkii Buuhoodle oo u tafaxeydanaaya hormarka dalkooda iyo sidii loogu dhisi lahaa Airport degmada Buuhoodle.
  15. War meesha ragbaa ku fashilmey.. Ciyaal hindi iga dheh
  16. Uztaad. Macnaha waxa weeye... cidkale iska daa, dadkii oo dhan markii uu aamini waayey, ayaa libaaxii u qirtey inuu ilmihiisii shabeelkii ka cuney... Markaasuu ka leex leexanaayaa uu leeyahay ninyow waad iska leedahaye, adiga maadan cunin ilmahaygii ee waxaa cuney Daanyeer. Si uu daanyeerka ugu mar marsiyoodo. Ileen daanyeerku meesha maba jooginee... xoogaana libaaxana wey adagtahay sida la isugu taago, dhibbaa ka raacaaya
  17. Mr. Somali: Marka hore mahadsanid... Malaha waxaa kaa maqan oraahdii ahayd Majority Rules. Ma ay jirto meel hal qabiil deganyahay, laakiin codka waxaa iska leh, hadba meesha kii majority ku ah. Taana waxaan u malaynayaa inaan isla garaney. Xaaji Xunduf: Maya waan aqristaa xitaa kuwa mujaahidiinta xitaa waan aqristaa Qaar reer Somaliland ah baa hada yiraahda war mujaahidiinta ha oranina, reer galbeedkiibaa diiday magacaa oo mamnuucey, haloo daayo reer koonfureedka iyo qolyaha Alshabaabka. Dhanka kale Arinta Sanaag iyo dhabta waxaa looga leexleexanayaa waxay tahayna sheeko yar ayaan kusoo gabagabaynayaa oo dhex martey Shabeel iyo Habar dugaag.... Kadib markii uu Libaax cuney Shabeel caruurtii... Shabeel ayaa ilmihiisii waxaa cuney libaax, kadib ayaa shabeelkii yimaadey. Wuu baroortey wuxuu yiri war yaa ilmahaygii cuney? ayuu weydiiyey Waraabihii. Waraabihii ayaa ka jawaabey oo wuxuu yiri waxaa ilmahaagii curey Libaax.... Shabeelkii ayaa yiri maya maya maya ma cunin Libaax. Shabeelkii ayaa misna habar dugaag oo dhan weydiiyey, waxay ugu jawaabeen waxaa ilmahaagii cuney Libaax. SHabeelkii ayaa wuxuu weydiiyey libaaxii, war belo kugu dhacdaye, ma adigaa ilamahaygii cuney... Libaaxii ayaa kusoo jawaabey oo yiri haa anigaa cuney... Shabeel ayaa markaas yiri maya maya maya adiga maadan cunin... Daanyaarkaas geedka saaran ayaa ilmahaygii cuney... Hadaba Sanaag cidaad doonto weydii, they will tell you the same thing. Ama siyaasadee ama si kale u dheh, ama diid. orodoo habar dugaag weydii
  18. Lol@ Xaaji-xunduf Dhulka soo kala baro. S/land waa lagu qaataa fasalada sidey ii sheegeen niman aan gabar ka qabo. Marka iskuulka aad walaal, soo weydii? Dhanka kale, Anigu waxaan soo uruurin karaa inta jeer aad tiraahdeen waanala laayey oo nala kufsadey caalamka sympathy kaga raadiseen. Saxaafada Deyniile ayaa hada ka hor waxaan ka aqriyey iney soo qoreen in ay USC ay idin xoreysay. Ilaa iyo ay USC la dirirtey beelaha D block aysan xornimo helin. Yaa xaaji xunduf... arintaasi maxaa ka jira?
  19. Mr. Somalia... Su'aashaadu ma xuma, laakiin meeshani horta ma aha meel riyaha lagu liso oo detail badan kusiin maayo Gobol sanaag waa shan cirif.... Afar iyo barbay reerkeygu degaan. Marka hal dhinac in aad igu tilmaamto waa kuu aqoon daro. Gobolku waa 6 degmo, hal ayay shankaroon degtaa, 5 kalena anaa dego. Do the math, and let me know your thinking.
  20. Xaaji Xunduf.... In this case, don’t play the victim! Marna I dheh waa la I laayey oo la I fara xumeeyey… Marna dheh anaa wax laayey oo dhiigooda cabey… Caalamka waa inaad hal wax u sheegtaa! Hal af ku hadal, You colonial lover!
  21. Cowke ku garaney Western bari waan isla garaney inuu Maakhiri Dego... Laakiin Maakhirigu wuxuu leeyahay boqolkiiba 89 gobolka Sanaag.... Wuxuu degaa Bariga Sanaag, Central Sanaag, Woqooyiga Sanaag, Koonfur Sanaag,iyo Galbeedka Sanaag. Magaca Bariga Sanaag waxaa bixiyey S/land oo u maleeya in caalamku uu jaahil ka yahay Soomaaliya iyo sida loo kala dego beel ahaan. Waxay dadka ugu sheekeeyaan Sool iyo Sanaag ayaan ugu badanahay.. halka ay degaan Sool 5% Sanaagna in le'eg. Cowke iyo Allpuntland You either with us, or with the terrorist!
  22. Xaajixunduf: Ma waxaa tahay ninkii yiri "Somaliland kaadideydii baan usoo cabay", markaasaa wariyihii ayaa weydiiyey, "oo yaa kaadidaadii ku cabsiiyey? Markaasuu yiri waxaa i cabsiiyey.........
  23. Adeer taliyaha wuxuu ka hadlaaya waa idaacada SBC oo saaka soomaaliya breaking news uga dhigtey in Xingalool ay Soomaaliland timid. Waana qeybta raadiya, markii dambe ayay isa saxeen taliyaha uu ka hadley idaacadaha Boosaaso una xaqiijiyey. Taas ayay dadka ku qalqaliyeen, idinkaba maynan fahmin warka guntiisa. Soomaali oo dhanbaa qabiil ku dhisan... meelwalba. Website walbana magac qabiil ayuu ku hadlaa, sida Allpuntland ay magac qabiil uga hadasho... AllPuntland waxay kaloo qalad ku leedahay mar walba ay wax ka qoreyso sanaag, Ama koonfurta---Fiqi fuliye, Damala xagare, Carmale, Ceelbuh--------Ama woqooyiga Sanaag markey wax ka qorayaan---Geelweyto, laasqoray, haramle, Moon, durduri---- Allpuntland waxay u taqaanaa Bariga Sanaag. Waa waxa ay ka barteen maamulka S/land oo siyaasad ahaan loolan ugu jira gobolka Sanaag.
  24. Warka saxda ah waa kanaa Xingalool: Waxaa maanta warbaahinta qaar ay tibaaxeem in deegaanka Ceelbuh ay xabad isku weydaarsadeen Puntland iyo Somaliland halka ay arintaasi tahay mid xaqiiqda ka fog. Mar aanu qadka tilifoonka kula xiriirney duqa magaalada Xingalool ayaa sheegay in degmadaasi aysan waxba ka dhicin, laakiinse ay is rasaaseyn ka dhacdey dhanka degmada Ceelbuh meel u jirta 40 km, kadib markii ay ciidamo sahan ah oo S/land ka yimi ay isku dayeen iney soo galaan magaalada Ceelbuh. Taliyaha Ciidanka Darwiishta Puntland ee gobolka Sanaag Col. C/raxmaan Maxamed Liibaan “Dabaq”, oo haatan ku sugan Degmada Xingalool ayaa eed dusha kaga ridey saxaafada “SSDF” waa siduu hadalka u dhigayee in ay yihiin kuwa raba in ay deegaankaasi qalqalgaliyaan maadaama ay warbaahinta SBC radio iyo Allpuntland iyo kuwa kale oo ka mid ah warbaahintaas ay tabiyeen warar sheegaya in deegaanka Sanaag Bari dagaal ka dhacay, iyadoo goobta lagu arkey ciidamada Sland ay tahay deegaanka Ceelbuh meel ka xigta 40 km dhanka gobolka Sool,oo ah Koonfurta Gobolka Sanaag. Taliyaha ayaa sheegay in la ciqaabi doono kuwa wararka beenta ah faafiyey oo kusugan dalka gudihiisa, kuwa aanan dalka joogina lagu sugi doono markey yimaadaan dalka gudihiisa. Taliye Dabaq ayaa sheegay in ciidamada ay la sheegay ay yihiin kuwa sahan ah oo ay haatana ku daba jiraan. Magaalooyinka Xingalool iyo Ceelbuh ayaa ah kuwa haatan degan oo aan wax dhib ah ka dhicin. Maxamed Xassan Dhahar.com