Hunguri

Nomads
  • Content Count

    1,740
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Hunguri

  1. LS, waa runtaa oo ninkii NG ahaa wali waaba qoslayaa Waxaa ka daran JB oo isaguna qosol la dhacay. Almuhim, Puntland wadiiqadii wanaagsanyd ayay haysaa. Maalin dhaw Gaalkacayo, Garoowe, Qardho, Badhan, Laascaanood ayaynu waxaynu u diraynaa General-Duke, the Faysal Waraabe of Puntland with his Hangool and bold shinny head waving at old women and butchers Free and Fair ellections
  2. Ngonge once again you are 100 % Correct. I repeat the word of "Copy cut".
  3. Ngonge you are 100% right and have a point here. Oodwayne and JB are driven by mere emotions and repeat every day the same information and the same sentences of Somali land ellections and Cameron's couple of words. Anyhow, Ngonow waxaad ku saxsantahay: (1) Somali land waxay Somalia ka goosatay 1990's (2) Puntland baa ka daba boodoo waxaa lagu sameeyey Garoowe. Copy-Cut : Laakiin, waxay ku kala duwanaayeen "Goosashada". Puntland Somali wayn ayay jaranjarro u ahayd (3) Somali land Hees gaar ah iyo Calan ayay hore u samaysatay. Puntland calankii Somalia waa anfici waayoo, mid kaloo hadda kii Somalia laga jecelyahay ayay samaysatay. Walibana sidii wiil yaroo xalay dhashayna waa loogu heesaa, oo heeso badan ayuu leeyahay (4) Somali land dadkii Koonfur ka yimi, waxay ku sheegtay laajiyiin iyo Ajnabi. Macne kastaba iyo dana kastaba hakala haato, hadda arrinkii Puntland ayaa ku dhaqaaqday, oo maanta dhawr boqoloo Somali ah ayaa Boosaaso laga masaafuriyey. ( Copy-Cut ) (5) Somali land doorashadeedii xummad ayay kicisay, aniga laftigaygan kula hadlayana qandho ayayba igu ridday. Dee waataasoo hadda Puntland ayaanu ka bilaabaynaa ( Copy-Cut ) (6) Somali land 3 Xisbi ayaa ka dhisan. Annaguna, waxaanu soo wadnaa 3 Xisbi oo kala ah: M Block, Dh Block, W Block..... Waa Copy-Cut. Kaasi waa Guuxa iyo reenka soo socda Gunaanad: Puntland, Somali land, Sharif Hotel land, Alshabab land, Qansax Land, Galmudug Land = Madax Land, Garbo Land, Calool land, Bawdyo Land, Lugo Land : Waxaana laysku yidhaahdaa "Xorriyo Land" Waxaana qaba 4 Nin. Melles, Musavini, Osama, Kibaki. Markii aan Xorriyo waraysi gaar ah ka qaaday. Waxay ii sheegtay inay 4-taa nin ku niikiyaan. Nasiibkeediina xumaaday. Markaa yaa u kacaya oo ka ridaya Xorriyo waa inantaas dulman oo dhibaataysane bal halloo kaco dee Qolada Somali land Xorriyo xaggee kaga jiraan ? Suaashaa Ngonge hakka jawaabo
  4. Qofkii dadaalaa waa gaadhaa. No matter, how and what strategy! Congrats
  5. Dear A&T, You have been showing an early syptoms of Oodwayne style of writing. Hence, you are losing large number of your customers. Please, be precise and upto the point Regards, Oodwayne
  6. Waar illeeyn yaabkan iyo ammakkaagan. Waar Cawke ma seexdo miyaa, qofku naf adakkaa. Waa soo kacaa mise waxbuu soo qoray, waa seexdaa mise waxbuu sii qorayaa, waa soo laabtaa mise wali qoraal ayuu kasii lig leeyahay. Naftan halla hubiyo, waxaan filayaa maaha Insi !
  7. lool@ Nuune. No, his first visit will be "Shefeild", where he will meet the sublocal Bureeq family, he will then second to Liverpool and there you go . Odaygu, should at least realise the efforts and energy of mmmmmmmm Hard to say though!
  8. Congratulations to Ahmad Siilaanyo. He deserves to win the presidency chair and lead Somali land. He is a veteran Somali politician who wins by merit. Suldaanka, I just want to ask you a question: SNM ma qabiil ayay ahayd, oo idinkaa lahaa mise waxay ahayd urrur siyaasi ah. Ma waxay ahayd Xisbi siyaasi ah, mise reer gaar ah ayaa samaystay oo waxay u samaysteen inay dano gaar ah oo ay lahaayeen ku fushudaan? Saaxiib bal iiga jawaab!
  9. Mr Rudy, we dont know where Duke is, and I think its polite and wise not to curse him in his absence as this is not a laughing matter. By the way, ina Yuusuf Yeey is no longer into Somali politics, you are obsessed with the old man!
  10. Waar Adhigani uma ekka mid la dhoofinayo. Wuxuu u egyahay mid la khasbayo oo la sawiray. Sababtoo ah, waxaynu arki lahayn Doontii ama Markabkii adhiga la saari lahaa iyo sawirkii oo isku wada dhan Almuhim, Qabrigii Sheekh Isxaaq ayaan halkaa ka arkaaye. Odayga Allah ha u naxariisto. Sanaag waa dhul aad u qurux badan!
  11. Maadeey, waar adigu Xamarta aad ka sheekkaynaysaa waatan aad adigu hadda dhex joogtid. MMA & Tuujiye waxay ka sheekkaynayaan Xamartii horee dhisnayd. Malaha Kaarihii iyo Baroonkii Alshabaab ayaa Shaleemooyin kuula ekkaaday.
  12. Waar wax xun baad sheegaysaaye dadka xajiinta ka daa Hadii kale wallee shaanbad ayay kugu noqqonaysaa...
  13. Waar ninkii Jacaylbro ahaa wuxuu u xuub siibanayaa sidii nin Qabiilkii galay. Waar saaxiib waxaan filayaa waxaa qurux badnaan lahayd inaad arrimahaas Sool iyo Cayn aad ka yara gaabsatid. Laakiin haddaad sidaa kusii waddid waxay kuu noqonaysaa taariikh iyo ma hadho...
  14. Thankful, waxaan moodayay inay cuqdadii kaa baxdaye. Wali ma halkii baad la taagantahay?
  15. MMA, saaxiib hadalka aad soo qortay waa wax jira weeye. Waa wax u baahan in lays waydiiyo maxay "Hargaysa" u noqon wayday "Hadh-gaysa". Maxaa "Baran" loo yidhaahdaa "Badhan" ama waamaxay magaceeda saxda ah. Haddaan ku horreeyo "Baran" ama "Badhan". Magacu labadaba waa yahay. ( Badhan iyo Baran ) labadaba waa la odhan karaa. Magacani wuxuu ka yimi ( Badha ama Bara ) Waxa weeye kala badhka ama kala barka Dhulka ay daganyihiin reerkaa magaaladaas iska lihi. Markaa, Aff-Soomaali waa margiye hadba dhinacaad u rogtaanba waa Ok. Dadka qaarna ( Dh ayay meelaha qaar isticmaalaan, qaarka kalena "R" ayay meelaha qaar isticmaalaan ). Oodis qaadis iyo jiidis waa isla guri gayn. Haddaan usoo laabto Hargaysa. Magacani wuxuu ka yimi ( Harag ama maqqaar ). Magaaladani waxay ahayd meel lagula kala wareego Badeecada Miyyiga ama Baadiyaha iyo lacagta. Somalida ama Qolyaha Hargaisa miyyigeeda daggan ayaa magacan bixiyey. Wuxuuna ka yimi ( Harag-Gays ) ama ( Harga-Gays) kadibna waxay noqotay (Hargaysa). Markaa marnaba ma noqonayso ( Hadhag ama Hadh-gays ). Intaasi, waa intaan anigu ka aqqaano.
  16. Odaygu should come to Liverpool Metropolitan resources and forward his asylum through Refugee action and NAS. He will be inducted and will share a room with a new Somali asylum from Bakaaraha!
  17. Xassan Daahir, Alshabaab & Dagaal oogayaashu intuba waxay isdhaamaan ayaa iska yar. Wuxuu ku leeyahay dagaal ayaan ku jiraa oo dad baan laynayaa xukkuna ma rabo.
  18. Waxaan ku moodayay inaad intan ka fiicantahay. Laakiin waxaad tahay ( Waxba yahay ). Qosol gariir uun baa kaasoo hadhay Gixi !
  19. Maadeey, Soomaalidaa ku maahmaahda "Nin daad qaaday, xunbu cuskay". Waar Suaal baan ku waydiiyee ka jawaab. Anigu, adiga taageero kaagama baahnayan, waxaan soo qorayna hadda waalaga yimi. Almuhim, waxaa iska caddaatay adigu inaad halkaa Habraha luuqa paltalk-ga ku gunti furtid, oo xoogaaga shilimaad-ka ahee Child-benefit-ka ah, isbaaro u dhigatid Ma maqqashay: ( Jiir haan ku waynaaday ). Waxaad tahay Jiir haan ku waynaaday!
  20. Kashafa, Saaxiib waa mahadsantahay. Laakiin runtaan kuu sheegayaa. Aniga Sheekhaygu waa Sheekh Bashiir Salaad. Waana Sheekhaa Garoowe jooga. Aniga iyo nimankaa Alshabaab waxba isu sheegi mayno. Waayo dadka oo dhami Gaalo ayay u yihiin, marka laga reebo iyaga iyo wixii raacsan. Maadeeye, niyow adigu shaqada aad nimankaas Shabaab u haysid maxay tahay ?? Anigu markaan wax baadhay, waxaan u malaynayaa inaad tahay qolada Paltalk-ga Habraha ku gunti furata, oo shilimaad-ka luuqqa kaga qaada ?
  21. lool@ Kashafa. You made me laugh wallaahi. Brother, you posted certain verses from the noble,holly Quran, and let me tell you my position in practicing the two verses. (1) If we look at the meaning of the first verse. Its clearly reflecting the position of the Gaalo by not accepting the message of Allah trhough his messanger, and as our almighty Allah is always mercifull and kind, he always gives chances and windows of opportunities to the mankind, which are: If you accept the message, and beleive in one God, follow his messanger and the right path. Your reward is on me, and you will be successfull. Hadaba intaanan aayada danbe galin, ayaan rabaa inaan Somaligaygii iyo afkii hooyo ee aan jeclaa, aan ku baddasho hangariisidan iyo luqqad Gaaleedan aad adigu jeceshahay. Horaa loo yidhi "Samaan kaa adag" Oo lagaaga caal heli maayo hangariisida. (1) Anigu Muslim ayaan ahay, oo Gaal ma ihi. Aayaduna aniga iyo Muslimiinta Soomaaliyeedba nama khuseeyso. Markaa jawaab ma lihid. (2) Aayada danbe, waxay ka hadlaysaa Quraanka iyo Kitaabka iyo xukkunka Shareecada Islaamka in la raaco. Taasna, anigu waan ku dhaqmaa. Oo wax ma xado, ma sinaysto, dad ma dilo, ma dhibo, kagama dhiijiyo, ma khasbo, ma hatigo, ma huruufo, mana ku hiinraago doolaalo iyo kibir iyo Gardarro aan Geedna looga soo gabban. Sidaas awgeed, ha igu xad gudbin. Oo Xabashi iyo Gaal ha igu tilmaamin. Xikmad: Niyow, bari ayaa waxaa dhacday. Waxaa jiri jiray nin la yidhaahdo ( Dhib la doon ). Dhib-la-doon wuxuu ahaa, nin aad iyo aad u qahar baddan, gardarro badan, wuxuuna caado u lahaa inuu dadka xoolahooda iyo waxay leeyihiin xoog iyo afmiinshaarnimo, xirfad iyo xeeladba ku sheegto. Dhib-la-doon, marka Gole ama Garta raggu goynayo laysugu yimaado, wuxuu ahaan jiray. Nin Geesi ah, Wadnihiisuna Galawda iyo Gabbashada aqqoon, dadkana markuu hor fadhiyo waxaa ka xoog iyo tamar badnaa buruudhkiisa ama burjigiisa. Dhib-la-doon, wuxuu sidaa ahaadaba. Waxaa qabsatay ama haleeshay. Murtidii Soomaaliyeed, ee odhan jirtay: "Ceesaantii Mas iyo Kood, Madax Shabeel ursattay, Malageedii baa galay" Ninkii Dhib-la-doon, ee ragga kaga qaylaalsiiyey. Wuxuu maalin maalmaha ka mid ah yimi Saylada ama Xarunta xoolaha iyo adhiga lagu kala gatto. Kadibna, isagoo deeshaa iyo isha wax ka qooraansanaya ayuu wuxuu arkay, nin wadaad ah oo miskiin ah, oo neef adhi ah Saylada usoo iib geeyey. Kadibna, ninkii ayuu wuxuu ku qabsaday Neefkiisii adhiga ahaa. Wuxuuna isku dayay, inuu isticmaalo xirfadiisii iyo aftahan-nimadii iyo maskaxdii cajiibka ahayd. Ka dibna, sheekadii way waynaatay, waxaana laysugu yimi Gole. Madashii iyo Geedkii hoostiisii ayaa laysla tagay. Waxaana la guda galay Gartii iyo Gorfayntii. Ka dibna, siday caadadu ahaan jirtay, waxaa la yidhi. Waar ninka wax sheeganayoow, waa ( Dhiba-la-doone) Gartaada akhriso, oo bal waxaad sheeganysid caddeey. Waa meel Rabbigeen wax ka wadaaye, ninkii Dhiba-la-doon ahaa, wuxuu yidhi. Nimanyohow, ninkani waa tuug, waa nin Rabbi iyo Rasuul aqqoon, Wadaad iyo Sheekhtoona maaha, Diintana maba raaco, oo Quraanka iyo Sunnadaba war uma hayo. Sidaasoo jirtana, ninkaasi Neefka adhiga ah, ee uu watto anigaa iska leh. Neefkaasina, waa Lax ama Sameen idahaygii meel hebla joogay, uu kasoo xaday. Kadibna, hadalkii ayuu ka baxay. Wadaadkii miskiin-ka ahaa, ayaa hadalkii qaatay. Wuxuuna yidhi: Hadalku ma ii furanyahay. Waxaa la yidhi haa, waakuu furanyahay. Kadibna, intuu kacay oo istaagay ayuu yidhi. Nimanyohow, anigu hadal-ka badin maayo. Waxyar hallay sugo. Intuu xaggii neefka adhiga ahaa u dhaqaaqay. Ayuu neefkiisii adhiga ahaa, wuxuu keenay Golihii iyo meeshu raggu ku shiriyey. Kadibna, intuu Neefkii adhiga ahaa badhida taabtay, oo badhidii Gacanta kor ugu qaaday. Ayuu ( Dhiba-la-doon ) wuxuu ku yidhi. Dhiba-la-doonoow: (Wan ayaa lagaa yidhi, Wan ayaa lagaa yidhi ) Raggii, waa la wada qoslay. Waxaana la yidhi, waar waxan Dhiba-La-doon ku doodayaa ma Wan baa. Waar ninku ma wuxuu kala garan waayay ( Idaha ama Laxaha kooda Dhediga ah iyo kooda Labka ah ). Kadibna, halkii ayaa ninkii Dhiba-la-doon ahaa ku fashilmay, maradiina kaga dhacday, gartiina laga helay. Gardarradii iyo xaqqii ayaa ku addamay. Dulucda Sheekkada: Kashafa, saaxiib haddaba anigu ( Muslim baan ahay ayaa lagaa yidhi, oo kugu leeyahay, anigu Nin Diinta raacda ayaa lagaa yidhi, oo kugu leeyahay, waar anigu Gaal ma ihi ayaan kaa idhi oo lagaa yidhi, oo aan kugu leeyahay ) Ceesaantii Mas iyo kood Madax Shabeel ursattay Malageedii baa galay! Hunguri Hamagsade Hawtaarshe!
  22. Waar Xaaji Xundhufoow, Bishaaro. Niyow, waxaan u malaynayaa Odaygaas Xabashiga ahee caloosha iyo cammanka buurbuuran. Waxaan u malaynayaa, odaygaasaa aqqoonsigii aad waydeen idiin dhalaya. Haduuba fool la socon l'ayahay, waxaadna mooddaa inuu aqqoonsigii doconayo Ku wada salaanta, iyo salaaxa
  23. lol@ the Ethiopian presedinet. Wallaahi, I dont even know the name of the Ethiopian presedint. I thought, Melis was in charge of every affair of the Ethiopian goverment. Waxaan u malaynayaa, Xaajigii Siilaanyo ahaa booskiisu waa diyaar. Waayo, Mar hadii Rayaale odaygaas ay ka dhamaatay loo diray, meeshii waxba ma jiraan . Viva Ahmad Bureeq Siilaanyo
  24. lol@ NG. Waar horta labadiinaba waan salaamay. By the way, I want ask you one question. This question is only for Xiin and NG. Waar horta, waligiin ma is aragteen? Have you ever met in reall live ? Please, waa genuine question iiga jawaaba Only then, will I say something and open the true Somali mediation based on the light of Hangool,Toorreey,Budh, and finally under the tree Please, answer my question !
  25. Kashafa, hadal yar oo kooban ayaan kugu darsanayaa. Marka hore, hadalkaaga iyo haasawahaaga waxa asluubta ama Golaha iyo madasha raggu ku sheekaysanayo ka mamnuuca ah. Waxyaalahaasina waxa weeye, waxan aad hadda soo qortay ee ah. Xaarka, kaadida, shubanka iyo waxyaalaha aan ragga caadada iyo dhaqqanka u ahayn. Intaas haddaan ku dhaafo, edebta iyo naamuuska iyo akhlaaqda Somalida wanaagsani leedahay. Waxaan, usoo gudbayaa Geesinimada iyo Xiniiyaha aad SOL iyo Kambiyuutarka la fadhidid. Niyow, haddaan kuu maahmaaho. Saaxiib, sheekkadan hoose bal akhriso, walaw ay dheertahay. Waase Murti iyo xikmad waayeel: Dabagaale Geel wada ma aragteen: Bari baa waxaa jiri jiray Maroodi Geel faro badan lahaan jiray, Geeliisaasna waxa ka mid ahayd Hal la odhan jiray “CARWO” Maroodiguna geeliisa isaga ayaa raaci jiray oo ma haysan cid iyo ciirsi toona. Maroodigii ayaa Maalin maalmaha ka mid ah geeliisii soo xareystay markii ay qoraxdu dhacday. Kadibna Hashii CARWO oo ahayd hasha Geela ugu caano badneyd, ayaa muskii xerada ka booday, si’ay uga baxsato Maroodiga oo ay nacday qaabka uu u xanaaneeyo, hasayeshee Maroodigii ayaa isna eryaday, waxuu eryadaba hashii CARWO waxay ka kordhacday libaax meel cidla ah miciyaha lisanaya Dabadeedna waxay ku tidhi libaaxii: LIBAAXOOW ANIGOO HAL CARWO AH. MA I DHAQTAA, OO MA I MAASHAA MAROODI CAG WEYNE OON LA CELIN KARIN MA IGA CELISAA? Libaaxii wuu ku jawaabay, MAYA..MAYA. Wey ka gudubtay hadana waxay aragtay dhurwaa, Misna waxay tidhi dhuwraayoow: ANIGOO HAL CARWO AH MA I DHAQATAA OO MA I MASHAA MAROODI CAGWEYNE OON LA CELIN KARINA MA IGA CELISAA? Dhurwaagii wuxuu yidhi, MAYA..MAYA. Hashi hadana Dawaco ayey aragtay iyadoo maroodigu eryanayo. Dawacooy: ANIGOO HAL CARWO AH MA I DHAQATAA OO MA I MASHAA MAROODI CAG WEYNE OON LA CELIN KARINA MA IGA CELISAA Dawacadii waxay ugu jawaabtay maya maya. Hashii-carwo waxey sii carartaba oo marba dugaag iyo bahal magan galyo weydisataba, oo mid kastana yidhahdo maya, waxay ugu danbeyntii aragtay dabagaale Dundumo ku dultaagan. Dabadeedna waxay ku tidhi isagii, Dabagaaloow: ANIGOO HALCARWO AH MA I DHAQATAA OO MA I MASHAA MAROODI CAG WEYNE OON LA CELIN KARIN MA IGA CELISAA?? Dabagalihii oo dudumadisa dul-taagan baa yidhi, haa aniga ayaa kaa celinayaa. Dabagalihii hashii CARWO ahayd ayuu xero u ootay, Dabadeedna xeradii kadinka ayuu ka istaagay, si uu maroodiga uga celiyo. Balse maroodigii oo ordaya ayaa dulyimid, kadibna isagoo yasaya dabagalahan yaree hashiisii CARWO xerada isaga ootay. Ayaa Maroodigii wuxuu damcay, inuu hashii xerada ugu galo oo dhengada kusoo dhufto, si’uu xeradeedii iyo Geeliisii dib ugu celiyo. Dabadeedna D******ihii oo ku hor gudban Maroodiga, ayaa intuu kor u booday oo maroodigii sanka ka galay caloosha u fadhiistay. Maroodigii ayaa intuu xanuunsaday markii Dabagaalihii uur-ku-jirta u dhexfadhiistay, ayaa waxuu yidhi oo ku cataabay waar Dabagaloow iga soo bax. Dabagaalahii oo ku jeesjeesaya ayaa yidhi xagaan kasoo baxaa, Maroodigaa ayaa ku jawaabay afkayga kasoo bax, Dabagalhiihi ayaa ugu jawaabay maya, Anigu afkaaga candhufta badan leh ee huurada weyn kasoo bixi maayo!!!!!. Dabadeedna wuxuu Maroodigii oo xanuun dartiis la dawakhsani hadana yidhi Dhegahayga kasoo bax, Balse Dabagaalahii hadana waxuu ku jawaabay maya, Maroodigii oo talo ku cadaatay waxuu marba meel sheego oo yidhaahdo Dabagaaloow iga soo bax, dabagalihiina ugu jawaabo may, ilaa Dabagaalahii Maroodigii uu mindhiciradii wada googooyey oo Maroodigii uu halkaa ku dhintay. Markuu dilay Maroodigii, ayuu Dabagalihii ka soo baxay asagoo leh: XASANOO XUSEEN DILAY MA'ARAGTEEN NIN YAR OO NIN WEYN DILAY MA'ARAGTEEN. DABAGAALLE GEEL WADA MA ARAGTEEN. Kadibna Dabagaalihii sidaas ayuu hashii CARWO u badbadiyey, Welibana uu hashii Carwo ahayd ku yeeshay oo uu ku dhaqday. MICNAHA SHEEKKADA: Hasha CARWO = Hashii Maandeeq ee Somali weyn Maroodi = Alshabaab Dabagaalle = Puntland Markaa, bal adigu nasoo doono. Wallee adigoo mindhicirku ku hor yaallo ayaad arki doontaa Nabaday, Hunguri Hamagsade Hawtaarshe!