Hunguri

Nomads
  • Content Count

    1,740
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Hunguri

  1. Salaama dhamaan. Nimanyohow, ma rabin inaan kaftanka iyo haasaawaha meesha ka socda soo dhex galo. Laakiin waxaa igu kallifay markaan arkay nimankii aan asxaabta ahayn ee NG, Oodwayne, Xaaji-Xunjuf, Red-Sea malaha waxaa ka maqqan Northner oo kaliya. Waligeey waan ogaa oo nimankani iyagu Durriyada ayay isla wada ahaayeen. Waligoodna isku meel ayay wax u wadeen. Laakiin, waxaa iga yaabiyey markaan arkay Abtigiis, Xiin, Fiqi, Liibaan, Qandala, Naasir. Raggaas markaan arkay oo maanta iyagu Somali land ku qaadaya " Wa shamsi Wa duxaa haa" waxaa ii caddaatay ineey wax fara badani is badaleen. Waxaa ii caddaatay qosolkii iyo suuba salaaxii Ngone uu ku waday ninka Abtigiis la yidhaahdo ineey shaqqeeyn wayday. Waxaa ii cadaatay meesha ineey wax kale kasoo baxeen. Almuhim, Durriyadii waxay garan wayday oo ay is waydiin waayeen. Waar Somali land meeshii ugu barwaaqo badnayd, dhulkii ugu shidaal badnaa, dhulkii ugu nimcada badnaa waa dhulkaa Nimanka Gaagaabani dagaan ee Sool iyo Sanaag. Halkeey halkaas xooga saari lahaayeen, ayaa waxaa la waynaatay oo dhaanto looga tumay Banaankii Buuhoodle iyo Kalshaale oo saxaro ah. Puntland iyo waxay wadatayna Ceelal Shidaal ah ayay fadhayaan . Kaliya, hadeey is waydiin lahaayeen suaasha ah. Waamaxay Waxa kan aad Goosanaysaa? Almuhi, hadda sheekadii waxay maraysaa :) Markaad Geel dhaqatid baa Gaawaha loo soo cushaa Gacmaha yaa idiin ku jira Goor ma Goor maa laga tagay warkaa Ma khasab baa Goobta yaal Good bye jaaw Gacallayaaloow Gees kaad doontaan u qaata oo Gamuuran Gam Gamam oo Gayyaxan Gamuuran Gam Gamam oo Gayaxan ;) Biiiiiiiiiiiib Biiiiiiiiib NB: Saaxiibkeey ama abtigeey Oodwayne waxaan leeyahay. Waniyow, haddaan wax baadhay. Qoftan Bilan ama inanta Bilan waxay u jawaabaysaa qoftii iyadu habaartamaysay ee Gabileey Duqda magaalada ka ahayd. Dee inantii TV-ga ka dhex lahayd Khaatumo ayay la baxayn, maxaanu ku nidhaahnaa Khaatumada waxaas iyo waxaas Allah haynaka dheereeyee :) Almuhim, hawsha inoo wada dee kaartadana badala Durriyadaan la hadlayaa Nabady
  2. What amaze me most is that, the kind of people who pretend to have virtues, moral and principles. Nevertheless, ignore the facts on the ground. In short, I would say blatant hypocrite. Alshabaab devoid the basic values of humanity. Not long ago, they slaughtered and butchered kids in ques testing their potentials to have higher education and win bread their families. On the other-side, they are all bunch of foreign occupiers. So, if your wick so called TFG government can't wipe them out these barbarians, then some one else which their existence pose a real threat would take the gun and shoot them in the head. That's what Kenyans doing, and you pay the price. Beat drums and shout like Zakariya and Samatars with no alternatives or a clear exit strategy on the table. Intaas hadaan ka gudbo, hadda ninkii Abtigiis ahaa fursad ayaa meesha ugasoo baxday. Oo Puntland iyo Somali land wuu ka xoroobi doonaa . Abtigiis, aad ayaan ugu faraxsanahay siyaasadan is qoraysa ee aad moodid ineey Juba-land kusoo laabanayso gacanta dadka deegaanka u badan ee xaqqa uleh ineey maamulaan . Laakiin, suaasho waxa weeye ma leedihiin kartidii iyo aragtidii aad meeshaa kala danbayn iyo maamul wax ku ool ah kaga samaysaan. Si kasta ha ahaatee waxba qaylada dhagaha haw dhigina NB: Dadka wixii iisoo jawaaba, waxaan meesha kusoo laaban doonaa laba bilood ka dib. Waayo, anigu waxaan ku dawakhaa dadka inta daacada iyo wax is daba mariska isku wada. Regards, Nin-Alle ( From the upper hills of Calmadow)
  3. Burn Notice;687795 wrote: Drilling success in Puntland = Oil Infrastructure Development = Jobs for Somali Men who can get up in the morning to go to work = Money into the local Economy = Greater Stability and a future for your children This would surely be a good thing for Somalia, or perhaps that is not what you want? Wolf in sheep's clothing , some people are concealing and hiding their evil intentions and character beneath the greedy Australian oil hungary lunatic fellow. I would advice, don't waste your time and energy with the emposter
  4. Pragon, anigu waxaan aaminsanahay marka labada qof isguursadaan, inay ammaantii badnayd, Haasaawihii badnaa iyo kaftankii Duur-xulka lahaa intuba dhamaadaan. Waxaan filayaa, mar hadii labada qof is guursadaan inay haboontahay inuu ninku wax Alla iyo wixii uu inanta ugu sheekayn jiray intii awoodiisa ah ka dhabeeyo inuu ficil u badalo. Hadii taasi timaado, oo ninka hadalkiisii isu badalo ficil, waxaan filayaa Jacayl-kii dhabta ahaa waala joogtayn karaa. Laakiin, waan ku jeclahay Afka ah, iyo ammaan afka ah , hadhawtana Ciyaalkii waan dayacayaa, oo xaaskaan ku daawanayaa, gurigii waan illaawayaa oo waxba keeni maayo, xaaskii iyo ciyaalkii wax ka farxiya oo Hadiyad ahba loo keeni maayo, la kaxayn maayo oo laga qoslin maayo Dee awoowe Jacaylka la sheegayaaba malaha wuxuu ku jiraa iyadoo Hadalka badan iyo Huu-haada layska dhaafo
  5. Assalamu Alaykum, Dadku Af Hangariisi ayay waxku wada qoraan. Aniguse, Soomaaligaygaa ayaan wax ku xoogsadaa. Waase fahmaa Hangariisida markii wax lasoo mal-malluuqo. Almuhiim, intaasi waa (Affeef). Waxaan, horta marka u horraysa dadka ku salaamayaa Qosol iyo Dhoollo caddayn :) . Waayo hadii kale dadka qaarkii waxay i moodayaan Oday Maakhiri ah, oo xabbad yaroo Kalluun ahi ku qalloocatay. Intaasina, waa (arar ama Hor-udhac). Haddaan usoo laabto, arrinka meesha ka socda. Waxaa iiga muuqata Odaygii Xiin-Faniin ahaa oo Abtigiis iyo NG Jihaad ku qaadeen . Ninkii Ayoub oo aan is idhi, xoogaa dhex-dhexaad ayuu noqonayaana, Odaygii wuxuu kusii sheegay ( P I S ) . Hadaba, anigu inta aan Xiin-Faniin ku aqqaano ayaan sheegayaa. Waana iga daacade, igama aha wax kale . Xiin-Faniin waa Oday Soomaaliyeed, waa nin hadalkiisu miisaan leeyahay, buuxo, oo markuu wax qorayo hadalkiisa huffa, shaandheeya oo Gafka iyo Deel-Qaafka ka dhawra. Waa nin kaftama, oo dood yaqaan ah, Golaha iyo meeshan aynu xubnaha ka nahayna ka dhex muuqda. Uma malaynayo, inuu yahay Nin hadalka iyo Qoraalka ka arradan, ama Af-Garooca. Anigu, intaas ayaan ku aqqaanaa . Waxaanse, rabaa inaan Abtigiis iyo NG suaal waydiiyo. Suaashu waxa weeye, waar horta nimanyohow sidii Xabashidii maxaad dadka isugu tagtaan ? Maxaadse, isugu jiibisaan ? ( Kaftanku waa furanyahay ) .............
  6. First of All, may Allah rest in peace all of those lost their lives and loved ones. What amazes most, is the fact that a brutall, racist, regime who did every evil thing to the very citizens of South Africa who are the Black majority indeginouse of that countery have forgiven and forget what ever the whites did to them, simply to coexist in peace and harmony. What's wrong with Somali people ? Every one was part of the problem in some way or another. Xasuuqii Dawladu ka gaysaty Waqooyi, Gobollada Dhexe iyo Koonfur waxaa la mid ah dad Civilian ah oo Saf inta la galiyey Taayir la mariyey in the North it self. Waxaa la mid ahaa wixii ka dhacay meel walba oo Somali dagto. Markaa (Halaagii dhacay looma kala hadhin ). Waa laba mid uun: (A) In ninkii Ciil qabaa aarsado, oo intuu hadda duulo qof walbaa oo maamulkaa u shaqaynayay uu gacantiisa kaga ciil baxo. (B) Inuu wixii dhacay iska illaawo, iskana caffiyo Wanaaga iyo Ajjar-ka Aakhirona iska sugo, dadkaana u duceeyo. Laakiin, dad dhintay ayaan maalin walba laffahooda soo gurayaa ama sawiradooda SOL soo galinayaa, hadhawtana Qof walba oo wax ma garato ah ayaa ku daacsanaya, aniga waxay ila tahay ma waafaqsana sharafta Muslimiinta iyo Gobanimada Somalida. Arrinkaa Jacaylbro waaku khaldantahay.. Nabady
  7. Waar inta aan Vedeo iyo Photos la gaadhin. Mr Jacaylbro, please bal waxaad na tustaa the source of the news that Adeero Siilaanyo will address to Catham House!
  8. Al-Haji Abtigiis & Tolka. Magacaaga ayaaba wuxuu ku haboonyahay in dood dhan loo qabto .
  9. Hadii laba nin is qabato, ka bacdi wada hadal yimaado oo mid ka mid ah Gacanta ka hadlo ama wax feedho, kan kalena Feedhkii uu isaga ku waday, Qof kale ama Nin kale ku dhaco, kadibna Ninkaasi sidaas ku dhinto. Sidee loogu gar naqqayaa ? ( Xeer Soomaali )
  10. NG,Xiin, Norf waa idin samaalay dhamaan. Waar marka runta laga hadlo, Puntland has taken a good step, which has injected a positive image into the political life scheme of the state, and by far defeated those who were saying Puntland will never achieve the kick start of democracy . Intaas, waxaan ku diffaacayaa Tolka iyo Qaraabada.... Haddaan usoo laabto, dhinaca NG,Norf, JB iyo wixii dhinacaas iyo SL kasoo jeeda . Waaryaadha i dhagaysta, waxba Dimoqraadiyad iyo Barwaaqo cirka kasoo dhacday ma keenin. Let us just have a look the formation of the 3 Somali land Political parties They were all very exclusive to the very main arteries of the Durriyada aan jeclahay (1) Udub ( was founded by Mohamad Ibrahim Egal, may Allah bless him, and its for " Oday Awal and its alliance" ) (2) Kulmiye ( was founded in "Balli-Dhiig, Taalla-Buur, Cood-Alle, and it exclusively for "Oday Jeclo and his alliance" ) (3) UCID ( was founded by mr Bidaarta Al-Xaaj Engineer Faisal A Waraabe, and its exlcusively for "Oday-Gar Xejjis" and their alliance ) Now, the question is, will Puntland beat the norm of exclusiveness and play an inclussive norm which will please people of the land of Punt. Mise toloow waxay soo waddaan sidatan Puntland 3 political parties: (1) Damal ( Exclusive for "Caaqil Maxmuud and its allience" Duke may become the leader) (2)Hangool ( Exlusive for " Casoowe Maxmuud and its alliance " Farxaan Faroole may become the leader") (3) Koore ( Exclusive for "Shaarub Maxmuud and its allience" Ajax CAdde Muuse may become the leader ) We are looking forward to seeing the answer Laakiin uma malaynayo reer tolkeey inay sidaa noqon doonaan lool Affeef: Waar haddaba anigu xumaan kama wado, meelaha aan kala farsameeyey. Waxay iga tahay ( Kaftan aan Turxaan lahayn) Nabady
  11. Norf, waar maxaa Calanka Kurdishka iyo kan SL isku meel ka wada taagay . Waamaxy Durriyadii ma Kurdish yar yar ayay noqotay loool Aniga uun baa idin amaanee illeeyn Kurdish yar yar ayaa tihiin Kurdish and Kurdistan
  12. Gallad , ina adeer nin wanaagsan baa tahay. Laakiin, runtaa wanaagsan ( Gartu nin Alle ayay taqaanaa ) Xoosh waa *****, waa big time *****. Haddaan dhinaca caadifadda iyo tolnimada ka eego, haa waa geesi waana fariid. Laakiin, haddaynu maskax fiyoo oo caafimaad qabta ku hadlayno, ninkani waa nin aad u caqli hooseeya. Waliba, wuxuu ku darsaday jaahilnimo. Bal SSC oo ah ( Sool, Sanaag, Cayn ) ayuu leeyahay waxaa ku midaysnaa ( Qabiil X iyo Y) Wixii ay ku midaysnaayeen ( Reer Awdal, reer Laasqoray iyo reer Laascaanood, waxaa la odhan jiray USP) United Somali party. Waar bal qofkaasaa la leeyahay halla waraysto, oo wax halla waydiiyo. looool Waaba masraxad caadi ah. Mida kale, Dawladii Mogadhisho waa diiday, oo Dawladii Puntland waa diiday, oo tii Somali land wuu diiday. Muxuu doonayaa. Wuxuu hadalkiisa kusoo koobay ( Qabyaalad, Qabyaalad, Qabyaalad). Markaa ha u difaacin waa nin ( reerkayga ah ). Ka fogoow!
  13. LS, Cadami is from an independent clan by birth and blood. There is no doubt about that, and I my self from Maakhir will not even hesitate to agree with you in this notion. However, you got it wrong and deserve to leave with nothing from this argument by saying "Cadami's clan has nothing to do with Ilka-Jiir's clan". Adeer, you are wrong and 100% wrong. Cadam's clan and Ilka-Jiir's clan are like an stick and its skin from a tree in terms of the interest of Maakhir and their people. If there was a threat from any where be in Somalia or else where in the world, that may pose a problem to Maakhir, keep in mind Cadami and Ilko will both come to the table and fire the bullet together to illiminate the threat. Markaa, hanaga dhaadhicin sheekka aan soconayn. Runta haddaad doonaysid, waa sidaa xaqiiqdu. Nabady!
  14. MMA, inay qabyaaladu kugu wayntahay waxaan ka garanayaa, aniga qabiilkayga iyo meeshaan kasoo jeedo iska illoow. Anigu Qabiilkayga ayaa la qadiyey iyo Wasiir baa naloo diiday midna qoraalkayga kuma qorin. Waxaan ka hadlay nidaamka iyo qaaciidada Dawlada Soomaaliyeed ku dhisantahay. Ka dibna, waxaan sheegay wixii jiray oo xaqiiqda ah. Madaxwaynaha laftigiisa ayaa 4.5 ku fadhiya meesha. Raiisal Wasaaraha ayaa ku fadhiya, Af-hayeenka ayaa ku fadhiya. Wax walbaa waxay ku salaysanyihiin Qabiil. Markaa malaha Afsoomaaliga fahamkiisa ayaa kugu yare. Dib u eeg qoraalkayga. Anigu 2-ba wajji ayaan ka hadlay. Waji waakaas Qabyaalada ah, ee dawladu ku dhisantahay, ninkii iska dhex kari waayaana haduu ka hadlo, anigu wax dhib ah uma arko. Wajjina waakan xalaasha ah, oo ah "Xalaal dharaar cad baa la qashaa". In conclusion, "Tulud ama Hal xaaraan ahi, nirig xalaal ah ma dhasho".
  15. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Beel walba hal wasiir ugu yaraan inay yeelato maa dhaqtar u qoray? Beelo badan qadee iska suga toogtiina wey imaanee. Teeda kalena waxaan waa iska magac u yaal, oo dowlad awood leh iyo waxaas ma'ahee maxaa la isku wareerinaa. Just ugu ducee inay shaqeyso, dadkeedana wax u qabato. Ma jeclayn, inaan mawjaddan daciifka ah dhex jibaaxo. Hase ahaatee, markaan ninkan oo kale oo meesha Cimaamada u hayaa, hadallada kor ku qoran ee jilaycu ka muuqo soo qoro, ayaan kambayuutarkayga haa-haabtaa. MMA, saaxiib haa ( Beel walbaa inay wasiir hesho, Diktoor ayaa qoray, waana wax ku dajjisan xeerka dawlada. Haddaad doonaysid, inaad baratidna waxaa la yidhaahdaa ( 4.5 ). Waa hadii aynu ka hadlayno, meesha Sheekh Bishma Casse iyo Armaajo haystaan. Hadii si cadaalad, wanaag, iyo Somalinimo loo hadlayo, waxna lagu dhisayo. Jawaabtu waxa weeye, maaha inay beel walbaa Wasiir hesho. Waayo, mar hadii caddaalad iyo wanaag jiraan, dee saaxiib Wasiir yaroo caantayn ah, waxba sheegi maayo. Saaxiib, markaa wixii 4.5 lagu saleeyay, qof walbaa wixii uu kaga qanci karo, waa inuu ama miiska u garaacdaa, ama bakkooradiisa iyo gacantiisa ku raadsadaa. Taas, haddaan intaa kaga baxo. Zack, ayaan usoo noqqon. Zack , adigu wiil yaroo daacad ah ayaa tahay . Daadax! Nabady!
  16. MMA, you are a part of the problem. You are showing and demonestrating a perfect partialism skills over this heated thread. And let me tell you how, Waar Abdillaahi Yuusuf regardless of what he was, and what he did, its just the age that put him in this state. He seems very commanding in his talk and sense on the Vedeo, but beign skinny, and shrinked is nothing but the signs of an 80 Plus years old human, which of course, we will all go through if live longer. Dont talk like a young girl, by saying! ( Alla waxba odhan maayo haduu sidaas yahay ) Waar you are a moderator and you need to show your strong position, other wise saaxiib dee noo sheeg oo waxaad tidhaahdaa Meesha Sheekh Shariif ayaan ka ahay. Affeef: Xukkun-ka waxaa qofka ka qaada 3: (1) Gar eexo ( beign partial, and this is what you always show) (2) Guddoon Jilicsan ( I dont like personal attack, laakiin waad Guddoon jilicsantahay runtaan ku dhimanayaa ) (3)Gacan-Adayg
  17. Miskiin-Macruuf, saaxiib Somalidu waa Xoolo dhaqqato. Xoolaha aynu dhaqanaana waa (1) Geel (2) Adhi (3) Lo' Geelu, markay Hiddaha & Dhaqqanka timaado, waa laf-dhabartiisa. Sababtoo ah, Inanta ama Gabadha Soomaaliyeed lama guursan jirin, haddaan Geel laga bixin. Sidoo kale, waa Xayawaan aad iyo aad u adkaysi badan, hawshiisa iyo siffooyinkiisana aan lasoo koobi karin. Sidaas awgeed, Geel-Jire taariikhdiisu dhamaan mayso. Buun-Buuniska la buun-buuniyey waamaxy ?
  18. Xiin, wali waad haysaa. Wax maka xusuusataa, Somalidu waxay sannadka ku xisaabsan jirtay. Jiilaal: (1)Todob (2)Diraac (3)Daydo Gu: (1)Seerma-Waydo (2)Dirir Cawleed (3)Dirir Sagaal Xagaa: (1)Samalaho ( Dabshidka) (2)Karan (3)Weer-Weer Deyr: (1) Deyr-Daalalo (2)Dambarsame (3)Gudban PS: Dambarsame (November 15th ) Waa habeenka reer Miyigu, adhiga Wananka iyo Orgida ku sii daayaan. In this way, mating is determined in a way that the lambs, which will be born about 150 days later, are delivered in a season of abundance in the middle of "G" rains ( Spring )around April 15th.
  19. Yaa Geel raaci jiray oo meesha ku jira , yaase wax ku darsanaya erayadan hoos ku qoran. Qofkii macnohooda garanayaana ha inoo sharraxo.. Irmaan Horweyn Dhaqayo Eri-dhaban Ugub Cadeysin Gorey-ciil Doob-dilaacsi Godlasho Dambar Gaagax Qallax Qabaal Ragaadis Maqqaar-Saar Sidig Hoggaan Dabar Heeryo Abjad Qobtol Dhafar Meeyey Abtigiis & Tolka, isagaa Geel jire ahaan jiraye
  20. Boosaaso waxay ahayd meesha Somalia ugu ammaanka badan, oo ugu ammaan-ka wanaagsan. Maanta waxa sidaa ka dhigay waa PIS. Xiin, waakee Wadaadka la xidhay?
  21. Waa Mucjiso iyo yaab. Shucbaale ma makiinad baa, Shuun mar hadii la sheegay, kollayba Shucbaaluhu waa Makiinad. Shooble, Shoobis, Shuqqo, Booraa, Hirrigay, Shood, Sharuursi: Maadeeye, saaxiiboow bal inoo sharrax. Beryahan, dad fara badan ayaa kaa dhex hadlayee..
  22. Maadeeye, wallaahi xaashadaas yaree aad meesha soo galisay, waxay igu reebtay xusuus iyo waayo waayo horeeto. Aduunyooy nin ba maalin kuu tali. Waataasoo, maanta Ciyaalkii Layliskaas ka shaqqayn lahaa, saaxiibadaa ayaa Askar ka wada dhigay, waxaana Laylis looga dhigaa siduu Dadka usoo qarxin lahaa!
  23. why bartying on Fridays? why this barticular time!