Hunguri

Nomads
  • Content Count

    1,740
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Hunguri

  1. And, this is how they shout at each other! Shaati cammal hadaanan kuu feerayn Buskeeti cammal hadaanan kuu shiidin Muuffo cammal hadaanan kuu cunin Moos cammal hadaanan kuu fiiqin Qori cammal hadaanan kuu yuubin Isbarmuuto cammal hadaanan kuu dhuuq dhuuqin Reer Waqqooyi shouts like this! Eeyaahee, dhakhyahay Sandaqadyahay dal dalooshaa Daasadyahay Afka wayni Xunbayahay Doobiluhu tuuray Waraabayahow ama Dhurwaayahow Hadhka taagine Digsiyohow Reerka ka hallaabay Hannaay! Dee waxbayahay maxaad tahay Dee
  2. Xaaji_Xunduf lol hee is he from Somali land ? is that why you support Godane ? Juje, nice post
  3. Xaaji_Xunduf lol hee is he from Somali land ? is that why you support Godane ? Juje, nice post
  4. Mudane, waar waamaxy waxa dabada gaadhayaa. Allaw goormaa rag sidaa u hoogay. Dee waligayba ma maqqal wax dabada gaadha. Malaha islaantu Awrta Geela ayay ka sheekaynaysay. Awrta Geela qalabkooda ayaa Caar la yidhaahdaa oo xaggaa iyo gadaal gadaal u kortee looool Mudane, your saying is something made to sense than it actually is
  5. Kool_Kat, and how old is your daughter ?, there is a chance that we may make you sit the negotiation marriage table and hook up the kids each other. JB, your son is very naughty, he must have peeped you while surfing SOL and may be developing a cyber adolescence syndrome lol although, he is 5 years old and too young to talk about love, yet he is showing the true transitional period signal between puberty and adulthood in his human development. Waar ninkani waa nin Computer-ka si fiican u bartay yarka iska fogeey markaad bahalkaas dul fadhidid lol
  6. Do you know, what Dayuus is. I dont think, you understand the true meaning of Dayuus. If you have no jeoulosy and lack the vigilance in maintaining or guarding your sisters and women against the likes of Kaloe or any Gaal, then call your self one!
  7. Nabigu SCW iyo Allah-ba way caayeen, ninka aan ficil-ka ama Qiirada lahayn. Waxaana la yidhaahdaa "Dayuus" Waa ninka aan ka qiiroon, markuu arko Gabadh Somaliyeed oo Muslim ah, oo madax qaawan, ama nin Gaal ah oo aan gayyine, sidii caagad ku ciyaarayo. Marka, iyadana Allah hasoo hanuuniyo. Ninka Somaliga ahee, waxan wanaaga u arkaana. Waa Dayuus!
  8. Bashir Goth is a double face Somali author, and never stick to one point. I've a close friend of mine, who once told me that he has an archive of a number of articles that he wrote against Somali land in which not only he criticised the administration, but bad mouth certain tribes. All those articles are in an archive and if posted, will for sure make him remain in silence of shock, ironically he supports Somali land. In conclusion, apart from his exageration in his article, he is right of the media suffocation in Puntland.
  9. Assalamu Alaykum , Ngonge,Xiin,Oodwayne,Gheele,Nuune,Jamal. Dhamaan odayaasha iyo Xeer-beegta SOL waad salaamantihiin, waadna ku mahadsantihiin, sida sharafta leh ee aad haasaawaha noogu qaybiseen. Ngonge, saaxiib its over and I dont want to open another debate. For, its come to an end and I'm satisfied with the outcome. 09-Octo-2010:- Waa Qoraal-kaygii, iigu danbeeyey oo aan Thread-kan ku darsado. Wixii intaas, ka danbeeya waxaan uga tagayaa A&T. This is my last contribution and finaly post to this thread. I will leaf the rest to A&T. Kaftan & Haasaawe wanaagsan!
  10. Ngonge. Waaryaahee Ngonge, illeeyn sheekkada oo dhan waxaa kuu fasirayay Jacaylbro lol. Dee waa inaynu Jacaylbro markaa mushahar siinaa. Ducaqabe, Saaxiib, anigu Gar ma dhiggan. Dood ku salaysan dhawr qodob ayaan furay, taasoo u dhaxaysay aniga iyo Saaxiibkeey A&T. Dooda natiijadeeda ayaa Xeer-beegtu goáankeeda gaadhi doontaa. Mida kale, anigu ma cadhoon saaxiib . Laakiin Character-ka doodayda ama debate-ka ayaa wuxuu ahaa, inaanan iska qoslin, ama iska dhikh dhikhlayn. Hadase, adigu waad iga qoslisay Xiin, Oodwayne, Gheelle. Waxaad gooysaanba waan ku kalsoonahay. Gar iyo Gardarraba. Goaankiinana waan sharfayaa!
  11. Ok Jamaal, Adeerkiis aniga wixii igaga kaa beegan. Xaal ka qaado. Anshaxa iyo maamuuskana waad ku saxsantahay. Laakiin, raggu ha isku xiiqqo ayuun baan diiday. Jamaal, 100 kiiba 100 adigu halkaas raali ku ahoow. Mee raggii kale ??
  12. Jamaal, waxba ku darsan maayo iyo raggu ha isku xiiqqaan maaha wax is gala. Ama thread-ka waxba hakkusoo qorin, oo iska akhriso. Ama hadalku meeshuu leeyahay dhig. Jafe, adiga iyo Nassir isku frequency ayaad ka hadlaysaan. Markaa, 2deenu thread cusub waad furan kartaan. Xiin, Hadalku meeshu ka ooyayo ku dhiffo. Sida ninkaa Uztaad hadalka u dhigayna. Gartu laba nin kama wada qosliso. Markaa, wixii fakkarkaaga ah oo aan eex lahayn ka dhiibo. Aniga iyo A&T ayaa iskusoo hadhnay. A&T anigu Garta ma gooyo, laakiin nin Gartiisa iyo hadalkiisa akhrista ayaan ahay. Markaa, Fallaadhi Gilgilasho kaagama hadhee. Waxaad hayso, waaloo joogaaye soo daa. Markastana, waan ku xusuusinayaaye. Hadalku yaanu 2deena dhaafin. Haween, Islaamo, Dameero, Xabashi, waxaasoo dhan meel iska dhig. Suaalahyga ka jawaab, kadibna hadal-kaaga oo xalaal ah, oo huffan soo qoro. Waxaan kaga baxayaa, hadal waa : (1) Dan Waana, kan Xeer-beegta Somaliyeed, ka taliso kana hadasho (2) Dood Waakan, wax Garadka Somaliyeed iyo Dadka caqliga lihi, ama xikmadu ku dheehantahay, ka hadlaan. Hufnaan iyo Haasaawe wanaagsanna ku dhamystaan (3) Idaali ama ijjiid aan ku jiidee Waana, kaas A&T SOL la dhex joogo. Oo hore ayayba rag aniga iga horreeyey isugu xiiqqeen. Waxaan kusoo koobayaa, Hal abuurkii iyo Xikmadii Somalidu lahayd, ee ahayd! (Ceesaantii mas iyo kood, madax shabeel ursattay. Malageedii baa galay ) Xeer-beegta, ayaan sugayaa! Nabaday!
  13. Jafe, waad ku mahadsantahay fekkerkaaga. Ragna, talo kama dhamaato. Oo raggii laxaadkiisii waa hadhsanyahay. Horaan, A&T ugu maahmaahay. Oo waxaan idhi, Rag waxa u liita: (1) Rabbi ma yaqqaan ( Alxamdu lillaah isagu waa nin Muslim ah oo Somali ah ) (2) Rag ma yaqqaan ( Tani waaku caddahay, oo waayo ilaa iyo markii Haasawaha aanu bilawnay, wuxuu ka bixi waayay Haweenka sheekadooda iyo hadallo aan hubsiimo loo dhan (3) Run ma yaqqaan ( Tanina, waaku caddaatay. Oo meesha sida ku qoran ( MSDD ayuu been ka sheegoo yidhi, PM ayay iisoo dirtay. MSDD-na arrinkaa iyadoo sooman oo aan been sheegayn ayay hadalkii isaga kusoo koobtay. Marka, ( Rag ma yaqqaanoow, Run ma yaqqaanoow, 2-deena adigaa hadalka iyo hannaanka caydh ama sabool ka ah) Jabkaaga iska qiro. Adigaa, Hunguri xeradiisii soo galaye :-------- NB:- Markan oo kale ayaan qoslaa Waa dhameeyey !!!!!
  14. Originally posted by Abtigiis & Tolka: Hunguri, Islaamahaan ku soo dhirigalinaya ee ku leh "kac naga celi ninka nacaayey" intaad meel iska dhigtid si raganimo ah u gar qaado. Xabashidaa ku maahmaahda " ka aahiyaa gaar ya waaleech gidher, fas lamdaa timataalech" oo macnaheedu yahay "qaalintii ku lug xidhata dameero, dhuuso ayey soo barataa". Kolkaad ka baxdid SOL, ma islaamaa ayaad warbixin kala qaadataan waa maxay waxanoo habaar iyo hokh ihi?? Fadlan, wax walba ka hadal. Laakiin, Dumarka dhaaf. Aniga, hadaad dameer iigu maahmaahaysid iyo hadaad wax kale igu sheegaysidba waxaa tahay xor. Waxaasina, aniga ima dhibaan. Laakiin, hadii aadan adigu dhinac dumar ka ahayn, fadlan dumarka sheekkada iyo haasaawaha inooka saar. MSDD:, Waad mahadsantahay walaashiis. Naseexada iyo talada aad iisoo jeedisay, waan qaatay. Laakiin, hore ayay u dhacday. Oo ninkan sare iyo hoosba waxbaa loo sheegay. Laakiin waa ( Gar ma qaate ). Anigu, ma cararin nin iska tagana ma ihi. Laakiin, xubnaha ayaan sharfayaa. Oo aan codkooda siinayaa.
  15. Aniga, halkaas ayay igaga egtahay. Wixii hadda ka danbeeya. Waxan sugayaa dadka afkaartooda. Ngonge, saaxiib I rested my case, and can't engage any more debate with A&T for we dont debate in the same frequency. His thoughts and jokes are limitted to the internal affairs of a husband and wife, or a decent woman suffering from the pain of the labor. Hence, all I will remain immune to his Cantara-Baqqash!
  16. Originally posted by Abtigiis & Tolka: Bismilaahi raxmaani raxiim, Asaalamu calaykum, Wa salaatu wa salaamu calaa ashrafil mursaliin, AMA BACDI.... Waxaan ka cudur daaranayaa inaan ka raagay imaanshaha gogosha maadaama aan ku maqnaa hawl culus oo ah nin Afghani ah oo saaxiib nahay oo xaaskiisu diiday in wax nin ah oo gynocologist ah uu eego, dhakhtar naag ahna aanu wayney ilaa shalay! Kolkaa raali hala ahaado. Cabashada walaalkay DHUUNI waxay ku soo ururaysaa laba qodob: 1- Maxaad u habaartya nin aan dhiman 2- Maxaad uga sheekaysay xidid dad ah oo namuus ka dhaxeeyo? W/salaam, marka hore aan kalmada kuu saxee waxa weeye ( Amma bacad, ama wa'bacad). Marka, 2aa inta aanan hadalkaaga ka jawaabin. Maxaa keenay, inaad nin saaxiibkaa ah, oo xaaskiisu ummulaysay. Walibana, loo waayay DR ka ummuliya, ama ruux Haween ah oo sharafleh oo ka ummulisa. Maxaa keenay, inaad sirta iyo anshaxa ruux dummar ah oo ummulaysa aad maxfal ama shir kaga sheekaysid. Haweenku, ama Afghani ha noqdeen ama American ama English ama Somaliba. Dhamaantood, waxay mudanyihiin ixtiraam iyo sharaf siyaado ah. Adiguna, waxaad ogaataa ineey hooyo ku dhashay. Oo waliba sidaa ninkaa Afghani-ga ah xaaskiisu u dhalaysay laguu dhalay. Almuhim, waxaan hadalkayga kusoo koobayaa. Waxaa tahay, nin aan Haasaawena aqqoon, Ragna la xaajoon karin. Sababtoo ah, sheekkooyinkaagu ma dhaafsiisna : (1) Nin iyo naag baa is guursaday oo sidaas ayay u sheekeeystaan ama u macaamilaan. (2) Alla hoogayeey ( Koora-Tuunshe ayaa dhintay, Alla hoogayeey ma isagii baa ) ??????????? Waa sidii aad hadalka u qortay, waayo calaama suaashu way ku jirtay PS:- Somalidu, waxay ku maahmaahdaa "Mayd maxaa u danbeeyey, kaa lasii sido" Maanta, waxaad keentay inaad ka sheekaysid. Marwo sharafleh ummulnimadeedii ama Hooyo sharafleh oo ummulaysay. Walibana, nin saaxiibkaa ah xaaskiisa. Gabo-Gabo: Dhamaan xubnaha SOL waxaan u sheegayaa. Aniga, iyo ninkaas A&T wixii hadda ka danbeeya. Inaanan isku meel joogin, iskuna darajo ahayn. Waayo, nin Dumarka sharafta leh, oo ay ku jiraan ( Hooyooyinka, Walaalaha, Habaryaraha, Eedooyinka, Ayeeyoyin, Dumaashi iyo Xidid ama Gacal) wax u dhimaya, walibana duraya. Kaasoo kale, wallaahi waan dhaartaye inaanu Kaftan iyo haasaawe toona u gayyin amaba u qalmin. Taasoo jirtana, wali si sharafleh ugamaad jawaabin suaalahaan ku waydiiyey. Markaa adeer, Caana Shaahaaga iska cab. Caawa markay cad-ceedu dhacdana iska caga maydho. Waxaadna hubisaa inaad cadaygaaga ama rummaygaagaa gacanta ku haysatid. Nabaday!
  17. Waar Jamaal, anigu xilligan maba soo jeedi jirine, ninkii A&T ayaan sugayaa. MSDD ayaa xittaa caawa soo jeeda lol Odaygii Jacaylbro ahaana Laptop-kiisii ayuu ku dhaganyahay. Almuhim, ninkii waxaan u gartay inaanu suaalahaan waydiiyey ka jawaabi karayn. Balse, cabbaar ayaan sugayaa
  18. MSDD, adigu xagga shaaha iyo luubaanka ama uunsiga ayaad inoo qaabilsantahay Wixii opinion kaaga ahna waalasoo dhawaynayaa. Qof wax badan og ayaad u egtahay. Jamaal lol adigu ma seexan miyaa ?
  19. Jacaylbro, ninkii A&T qofkii waraaqaha u qori jiray ayaa maqqan. Wali kii ayuu sugayaa
  20. Originally posted by xiinfaniin: Gartaan anaa naqayya Ms DD ragi waa shaah. Shaah ina adeer NGONGE please shiishadaadii doono, hana noo imaan adoon dhamaysan Xiin, saaxiib ha fogaan. Waa laguu baahanyahay . Almuhim, ninka A&T anigu wali waa sugayaa inuu suaalahayga ka jawaabo. Sidii rag yeeli jirayna, u gar baxo. Malaha hadda 2 cisho ayay maraysaa!
  21. Jamaal, adiga waxaan kugu nacay. Tageerada dagdaga ah. A&T Dabin ayuu soo galay. Waxaana u furay duluc dhan oo Somali ah. Odaygu hasoo galo, xeer-beegta dhaqqanka Somalida iyo Somaliga wax ka garanaysana. Waan ku casumay (1)Xiin (2)Jacaylbro (3)Libaax-Sankataabte (4)Nuune (5)Che (6)Gheele (7)Qudhac (8)Ayuub (9)Oodwayne (10)Juuje (11)Miskiin-Macruuf (12)Abwaan Iyo intii aanan hadda sheegin. Adigu Jamaaloow, nin naxariis badan ayaa tahaye, aniga iyo ninkaa isku kaaya daa !
  22. Bismillahi Rahmani Rahiim, Waxaan thread-kan u furay, dadka dhaqqan-ka Somaliga ee dhabta ah iyo Dooda huffan iyo kaftankii ama haasaawihii Somalidu dhaqqan u lahayd wax ka garanaya. Waxaay dulucdani ku socotaa ninka la yidhaahdo A&T. Somalidu waxay ku maahmaahdaa. Sadex nin lalama doodo: (1)Rabbi ma yaqqaan (2)Rag ma yaqqaan (3)Run ma yaqqaan A&T waa Rabbi yaqaan, oo waa nin Somali ah oo Muslim ah. Laakiin, waa (Rag ma yaqaan) Taasna, waxaa kuu caddanaysa. Waligay ma arag intaan jiray, nin Qoodh iyo Xeraale ah, ama dhaqqan-ka iyo sharafta Somaliyeed yaqaana, oo intuu Dood ama duluc dhan furto: (1)Rag ku habaara (2)Xididnimo, iyo Kalgacal sharaf iyo naamuus ku dheehan yahay oo Rag iyo Haween u dhexeeya, maxfal ama shir kaga sheekkeeya (3) Haween marwooyin ah, waaba haddeey run tahay siduu hadalka u dhigaye, intuu duluc u furto ka hadla, iyadoon loo dirsan, ragna hadalku halkaa ka joogin. Hadaba, anigu Hunguri ahaan. Hadalkayga iyo Haasawahaygu ma dhaafsiisnayn inaan A&T ku sheegay, nin wax u dhimanyihiin ama waalan ama yare laga fiicanyahay. Somalidu waxay ku maahmaahdaa: "Hadal nin wayn ka dhacay, waa Geed Qolofi ka dhacday" Anigoo, marnaba Hiddaha iyo dhaqqanka Somaliyeed dhaafin. Ayaan, waxaan hadalkayga u yeelay summad. Laakiin, A&T nasiib xumo tuu keenaaba tii kale kasii daran. Waxaan, hadalkayga kusoo koobayaa. A&T 2 suaalood ka jawaab. (1) Maxaa kugu kallifay inaad Thread ama Duluc dhan intaad furitid aad nin Qoodh iyo Xeraale ah oo waliba nool ku habaartid (2) Maxaa kugu kallifay sheeg-sheega ama sheekkada aan laguu dirsan, oo ah xidid ama Gacal uu sharaf iyo naamuus ku dheehanyahay oo 2 Ardaa oo Somali ah u dhexeeyey. Gabgabo:- Waxaan, hadalkayga kusoo koobayaa. Labo ama 2 Geerida ayay ku roontahay: (1) Wanka Wayn ee xerada reerka ugu jira (2)Doqqonta Fiirada taqqaan Hunguri!
  23. Hayaay. Dee sheekkadii waad waasheen. Waar horta suaal ayaan idiin waydiiyey Qoladiina reer Hargaisa iyo Burco Suaashu waxa weeye. (1) Maxaad dadka isugu tagtaan, oo isugu hiilisaan even in a cyber virtual world Anigu shekada Ayuub uun ayaan moodayee, hadda Poker iyo Qudhac oo dhigohoodii iyo udbihii watta ayaa soo galay lool waar adeer kala yaaca oo Duke iyo Dul-Qarnayn ku kala fayla