Hunguri

Nomads
  • Content Count

    1,740
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Hunguri

  1. Any pictures of those ONL Captives, mise wuxu waa sheekko iyo huuhaa lasoo dhoodhoobay?
  2. Norf, don't forget me to include me that lucrative Oil and Gas contract. Ngonge and JB hayska qayliyaan. I know, Adeero likes you and has appointed you as his Shadow Minister of Oil and Gas . Haye, when are we going to start
  3. Where, ma meeshaan ogaa ?? Are you still watching the game in the same place
  4. Haayoo, bahasha ayaan si fiican looga saffayn.... lool Odayga waxbaa la tusay!
  5. You mean ( Snooker World ). If Norf is still watching games in Snooker World, than I would propably say, he is ( Bakhayl no 1 ) looool. waar World Snooker iyo Shiihadeeduba waa Expired I'm sure, waxaa loo keenayaa Shiishadii aad in 2008 ku cabtay ( the Grapes Flavour )
  6. loooooooool@ This reminds me of the funny Drama on Universal TV. The title was "ii wad sheekkada, hadana ii wad sheekkada".
  7. By the way, I have not seen Norf for ages. I think he is in communication with the president to get some reinforcement SOL Nomads against you and JB. I know, he is alone and needs a back up from Balli-Dhiig or Taalla-Buur
  8. looool Waar hadda Habar Xabuusheedu, xagga suugaanta iyo Gabayga idinka badiyeen. Waar nimmankaas ha isku cadhayn. Wacad Alla, Salaan Carrabeey ayaa kugusoo kacaya Adigu waxaan Cali Jaamac Haabiil ahayn, miyaad haysaa ?
  9. Odaygii Siilaanyo ahaa iyo reer Barigii waxbaa haysta. Xukkun baa loo dhiibtay, wuxuu ku waashay (Agaasime, Wasiir, Waardiye, Xaqiiqa Raadiye ) Waar bahasha reer Galbeedkii hallagu celiyo Waaxid ( Ciise-Muuse, Sacad-Muuse ) Ama dee Kaba Shaaggaba
  10. NG , imtixaan iyo badh. Waar did you copy all the way from the other thread.... NG, I'm on my way to London next month, I want you to arrange a hard talk debate of me and Mr x over the Shiisha table
  11. Mr Somalia, Galgala is not the back yard of your family house, where you call the help line of a gardener on summer time to trim the grass in order you and your likes to have fun on. Galgala is a city in Puntland, and the troops you encourage to burn the farms are loyal to their Citizens and Land. Ilka-Jiir, Abdi Jamal, Xareed, Doonyaale, they are from Sanaag and Galgala. Its a conflict between Atam and the goverment, and soon it will be dealt with. Adigu aad iyo aad ayaad u xanuusanysaa, waxa kaliyee ku dawayn karaana waa ( Paltalk ). Waar orodoo Paltalk gal, meeshani maaha meeshaadi. Kan yari, waa inakkusoo qaldamay !
  12. 26-July-2010 Assalamu Alaykum, Galgala Galgala, waxay ka tirsantahay Gobolka Bari. Waxayna ka xigtaa dhinaca xagga Gacmeed. Galgala, waxaa joogay Wadaado aan hal Qabiil kasoo wada jeedin. Xaqiidadana waxaa u madax ah, nin assalkiisu kasoo jeedo magaalada Garoowe. Wadaadka Atam ama Atom, waxaa magaciisu u baxay, wuxuu dhalasho ahaan kasoo jeedaa magaalada Galgala. Waxaa sidoo kale ku weheliya inankii maanta la qabtay, ee Jaama Ismail Ducaale oo aan si gaar ah u garanayo. Maakhir maaha Waziristan, Sanaag maaha Waziristan, Haylaan maaha Wasiristan, Bari maaha Waziristan. Mana noqqon doonto meel adduunka ka faqquuqan oo lagu sheego Argagixiso iyo Dad wax qarxiya. Dagaalkii maanta dhacay, anigoon caadiffad Qabiil ku maldahayn, waxaan aaminsanahay inuu ahaa Dagaal aan ahayn mid Qabiil ama reer Gaar ah shaqqo ku leeyahay. Dagaalkan, waxaa soo qaaday Ciidan gaadhaya 800-1000 Askari. Waxayna kusoo qaadeen dagaalka Ciidanka Puntland oo Cid walba isugu jira. Khasaarihii iyo dhibtii maanta dhacay, waxaa inteeda baddan masuul ka noqqonaya Qoladii markii hore Xabbada bilawday. Oo ah Ciidankii Duulaanka soo qaaday. This was my take on Galgala issue. If Attam and his Group lost Galgala, which I personally welcome. Then, let Faroole accept his critics and handle the mess of PIS. PIS should either be an organ of Puntland Goverment, whose orders and commands abide by the Chain of command of the Ministery of Security od Puntland not Meles or USA. Otherwise, mark my words, Puntland will never win the hearts and minds of its own Civilians. Security, will always be an issue which remains grief. Affeef: Waxaan ogahay, dhallinyaro yar yaroo Caadifad badani hayso, oo meesha ku jira, inay hab qabiil u diffaacaan PIS. (1) Mr Somalia (2) Peace action (3) Duke (4) Iyo qaar kaloo aanan hadda xusuusan Caruureey marka haddaba walaaqa! Xiin,Gheele, Che, Libaax Innagu wexeena wada hadal iyo walaalnimo aan ku dhamysano! Somali land, hawshan Puntland ayaa iska leh, idinku ka nasta idinkoo raalli ah Salama!
  13. loool@ A&T. Waniyow waxaan ka yaabanahay Dhuxushan meesha aad ka keentay. Waar bahashu 2-3 sannadood ayay socotay, ka bacdina waa laga gudbay. Arrimaha kale ha isku galin, hadii kale waynu dagaalamaynaa. JB, waar ninka xagaa iyo Meles hakka marin. Ma waxaad rabtaa inuu PC-ga kasoo dhex baxo...
  14. A&T, Qaraabadaadu ma dhamaato sxb. Waxaan u malaynayaa Libaax Sanka Taabtena waa Kuraanta
  15. He is not Garaad, he is a member of the PIS, a job that he used to do in Siyad Barre's administration. The only difference is, in Barre's admin he was an active cell of the CID, where as of now he reports to young Faroole and Diana of Qardho. Very sad!
  16. Xiinoow, marka waxaad moodaa inaynaan wax badan isku diidanayn. Mar haddaad tidhi ninka Buurta dheer saaran soo roga. Ninkaas war waa laga keenayaa. Odayaashii maanta waakuwa Baaqqa soo saaray. Markaa Odayaashaa ayaynu dhawrnaa sida Dawladu Baaqooda u tix geliso, iyo sida ay ula macaamili doonaan Qoladan Gal-Gala ku jirta. Waxaan leeyahay " Nabadaa Naas la nuugo leh" Caffis iyo Musaamax!
  17. Siilaanyo is a wise-man , he knows that Awdal has already gotten its Lion share, for the possition of the Vice-president is nearly equal to president. Plus, Siilaanyo knows that Saylici is much younger than him, and may one day turn to be the Rayaale of ina Ibraahim Cigaal, because Siilaanyo will soon run out of the stumna to administer as he is nearly 80 years of age. Anyway, I think he is smart and he knows what he is doing.
  18. Xiinoow, waad mahadsantahay. Suaashaadana, waan kaaga jawaabayaa. Marka u horraysa, reerku Dhalashana waa meesha aad garanaysid, dheef iyo maamul wadaagna waa Puntland. Taasi waa suaashaada hore, arrinka Ilka-jiir haddaan usoo laabto, niyohow runtaa wanaagsane waa shaqaale Dawladeed, talada & masiirka ummadana waxaa mar walba leh Issimadii Garoowe heshiiskii Puntlan ku saxiixay. Taas macneheedu maaha, waxba inakkama dhexeeyaan. Farta aad arrinka Faroole ka taagatay, haddaan usoo laabto. Niyohow, ninkaasi meel daran ayuu Maamulkaas ku wadaa. Sababtuna waxa weeye, (1) Budhcad badeed juffidiisu bilawday, oo maaro loo waayay (2) Islaamo lacago soo daabacday, oo Maamulkiisii xoog wax kaga qaaday (3) Unugyada amniga Maamulkiisa iyo Sirdoonka, oo aanu isagu xor u ahayn ( Waa Dullinimo tan ugu wayn aduunka ) (4) Qabiil dadkii iyo shacabkii naafeeyey, oo waxba laga qaban kari waayay. Qabiilka ayaa wuxuu ka horreeyaa Wadaniyada. Tusaale: Reer hebel ayaa Wasiir laga qaaday, waa mudaaharaadayaan. Reer hebel ayaa wax laga dilay, oo kuwii dilay Jeelka ayay ku jiraan, waa lagala soo baxayaa. Reer hebel & Reer hebel waa inay hub isu urursadaan. Waamaxay dawadeedu ? wali lama hayo! (5) Siyaasad xumo ku wajjahan ( SSC ). Taasina, waxay gaadhsiisay, iyadoo hadda xaalad kala Guur ah lagu jiro, ayuu wuxuuba bilaabay inuu Ugaadhsado Xildhibaanadoodii. Waar ninku inan Gumeedsanaa! Hoga-Tusaalayn: Somali land, markii Dhahar laga caabbiyey, markii Laascaanood intaasoo jeer laga celiyey, markii maalin walba dhallinyarada Sool, Sanaag, Cayn, Haylaan kasoo jeedaa Gawaadhida iyo xittaa Agabka Ciidankooda lasoo baxsan jireen, wali may dhicin inay Wasiir ama Askari xilka ka qaadaan. Iskaba daa, nin Xildhibaan ah oo la eryo. Somali land, waxay ku hana qaadaa ama ku kobocdaa marka ay aduunka tusaan dhibaatada Somalia ka taagan. Meeshii kali ahayd, ee lala bar bar dhigi jiray, hadday kuwii wax la dhisay ( Raacdayn iyo Eris ugu dhaqaaqday ). Walaaloow, haddee xaggee horu mar iyo maamul wanaag ka imanayaa???? Gunaanad: Waxaan kusoo Gunaanadayaa. Murti Soomaaliyeed, ayaa waxay tidhaahdaa. Nin baa Geel badan lahaa, Geelaasna Geel-Jire wanaagsan iyo Ciidan wanaagsan ayaa u ilaalin jiray. Caanihiisana waa loo maali jirayoo aad iyo aad ayuu u jeclaa. Maalinkii danbe ayaa ninkii Sakkaraadkii u yimi. Naftii ayaa markaa isku duubtay. Qiiq, Qiiq, Qiiq. Ka dibna, waxaa la yidhi, waar ninka Geeliisii uu Caanihiisa jeclaa, hallagu Dhuunyo oo Dhuuni hallooga dhigo. Waayo waxkale kama dagayaan. Ninkii markii Caanihii loo keenay, oo la rabo inuu Dhuuni ahaan u cabbo, ayaa Caanihiiba ka dagi waayeen. Kadibna, ninkii intuu dadkii oo dhan wada eegay, ayuu ku yidhi. Waar nimanyohow: "Geelayga Caanihiisa layma diidi jirine, bal hadda Dhinaca kale ii rog roga" Maxaa la rog-rogaa naftii baaba kasii baxaysee. Hadda, waxaan kasoo wadaa. Waar bahashan maanta Sakkaraadka kaga jiro, adeeroow iska dhiiba. Oo idinku askartii iyo Qawsaarkii noqda Hadii kale, sida ninkaa aan sheegayo noqda. Oo Geelii iyo Xoolihii badnaa Qawsaariinta iyo Raggaa u raaci jiray ha u hadhaan PS: Dambarsame, saaxiib adiga waxba ku odhan maayo. Warankaygu adiga oo kale ma Gayo.... Nabaday [ July 30, 2010, 11:02 AM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]
  19. Xiin-Faniin sidaada kale waad u fiicantahay, laakiin Siyaasadaadii iyo xariifnimadii ayaad waxaad rabtaa inaad Duubkii reerka iyo Saldanadiiba ku maldahdid. Ilka-Jiir waa shakhsi weeye, haddana wuxuu u shaqeeyaa maamulka Puntland ee Faroole. Mustaqbalka iyo masiirka reerkuna kuma xidhna Wasaarada Arrimaha Gudaha . Waxay ku xidhantahay Issimada reerka ee uu madaxa ka yahay Suldaan Siciid Suldaan Cabdi-Salaam, Madax duubka kale iyo Sama taliyaasha. Aan kuugu daree iyo Shuyuukhda ama Culimada Intaa haddaan kaftanka ku dhaafo, niyohow aan waxyar kuu sheego. Puntland, waxa Ragaadiyey ama naaffeeyey ayaan kuu sheegayaa. Waxaa Puntland naafeeyey waa 3 Arrimood. 3-daas arrimoodna waxay yimaadeen markii Abdillaahi Yuusuf Yeeye ka tagay. Saddexda arrimood waxa weeye : (A) Sahan Xumo (B) Ciidan Xumo © Talo xumo Murti yar ayaa waxay tidhaahdaa. Nin aad u hunguri waynaa, ayaa wuxuu arkay Dooxo aad iyo aad nabaadka iyo baadka xooluhu cunaan Eebe ku mannaystay. Kadibna, isagoo Yagleel ah oo reerkii Geedi yahay ayuu wuxuu is yidhi, waar bal Dooxadan Barwaaqada ah, oo cidlada ah marnaba ha dhaafin. Ninkii Reerkiisii iyo xoolihiisii ayuu wuxuu ku furay Dooxadii Doogada iyo Baadka badnayd. Laba ama Saddex habeen markuu daganaa, Xooluhuna ay cassar Gaabkii iyagoo Xif la dharag ah soo ekkaadaan amaba dhinaca guriga usoo carraabaan, ayaa waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah, waxaa u yimi Nin socoto ah. Ninkii ayaa wuxuu ku yidhi, waar reer Islaameed bal iska warrama. Kadibna, waxay yidhaahdeen belo ma sheegin. Waxyar hadii la sheekaystay, ninkii wuxuu ku yidhi odaygii reerka. Waar niyohow, waan kula talinayaaye Dooxadatan iskaga guur. Dooxadan niyohow reerka ka rar, oo waad aragtaa, waa seero ama ximan aan cidina dagine orodoo dhulkaa kale dag. Odaygii reerku intuu ninkii la yaabay, ayuu yidhi waar orodoo shaqqa kale yeelo. Anigo seero iyo dhul la xaydaanto ma aqqaane, adeeroow shaqqa kale yeelo. Almuhim, ninkii reerkii waaka tagay. Ka dibna dariiqiisii ayuu iska qabsaday. Nasiib darro habeen badhkii markay ahayd, ayaa reerkii waxaa kusoo dhacay Weerar iyo Hujuum cir iyo dhul ah. Weerarkii qabsaday, waxaa halkaas lagu qaatay, wiil Odaygii dhalay oo kuray ah. Ka dibna Odaygii qaylo ayuu qabsaday, balas-balastiisii iyo dhawaaqiisii, iyo Hayooydiisii cirka iyo dhulka ayaa is qabsaday. Nasiib darro, waxba way u qaban wayday. Wiilkiina halkii ayaa lagula tagay. Aroortii danbe, ayaa ninkii reerkii kusoo laabtay. Wuxuuna ku yidhi, waar hebeloow bal hadda ka warran. Dooxadan, ma iskaga guuraysaa. Odaygii wuxuu Ninkii ku yidhi, maya kama guurayo. Ninkii ayaa markaa wuxuu ku yidhi, waar horta niyohow 3 arrimood oo xun xun ayaad samaysay. 3-daas arrimood ayaa maanta reerkaaga duminaya. Wuxuu ku yidhi: (1) Waad sahan xumaysatay, oo markaad reerka Dooxadatan dajisay, waad sahan xumayd. Sababtoo ah Dooxadan waxaa jooga nin Dad qal ah oo dadka cuna. (2) Waad Ciidan xumaysatay, oo niyohow xalayto balas-balastaadii, hayooydii, hoogii iyo socod xumadaadii ayaan xalayto markii Wiilka lagaa qaatay arkayay. (3) Waad Talo xumaysatay, oo indha-adaygaaga wali waxaadba rabtaa inaad Dooxadatan iska daganaatid, oo aad sidaa ku nabad gashid. Macnaha Murtida: Niyohow Xiinoow, Puntland way Sahan xumaysatay markay PIS samaysatay, USA lacagta ay bixisana ay Dooxadaas nimcadu jiifto moodeen. Niyohow Xiinoow, Puntland way Ciidan xumaysatay markay waxay lahadyba Cabdillaahi Yuusuf iyo meeshii la ogaa marisay. Niyohow Xiinoow, Puntland hadda way tala xuntahay markay Faroole wax u dhiibatay. Walibana, waaba sidaasoo hadda uu Xildhibaanadiina shaqqa ka fadhiisin ku sameeyey. Gunaanad: Awoowe, haddaba maxaad Xudeedi ka maagaysaa ?????? maxaadse Warsaaangali ku haysataa hadii meeshiiba sidaa tahay ????? Caffis & Musaamax!
  20. Assalamu Alaykum, Dadka wixii Af Soomaali ku hadlaa, ha ila socdeen. Wixii Hangariisi ku hadlaana Af-ka hooyo ha barteen. Almuhim, warka xaqiiqda ah: Galgala Galgala, waxay ka tirsantahay Gobolka Bari. Waxayna ka xigtaa dhinaca xagga Gacmeed. Galgala, waxaa joogay Wadaado aan hal Qabiil kasoo wada jeedin. Xaqiidadana waxaa u madax ah, nin assalkiisu kasoo jeedo magaalada Garoowe. Wadaadka Atam ama Atom, waxaa magaciisu u baxay, wuxuu dhalasho ahaan kasoo jeedaa magaalada Galgala. Waxaa sidoo kale ku weheliya inankii maanta la qabtay, ee Jaama Ismail Ducaale oo aan si gaar ah u garanayo. Maakhir maaha Waziristan, Sanaag maaha Waziristan, Haylaan maaha Wasiristan, Bari maaha Waziristan. Mana noqqon doonto meel adduunka ka faqquuqan oo lagu sheego Argagixiso iyo Dad wax qarxiya. Dagaalkii maanta dhacay, anigoon caadiffad Qabiil ku maldahayn, waxaan aaminsanahay inuu ahaa Dagaal aan ahayn mid Qabiil ama reer Gaar ah shaqqo ku leeyahay. Dagaalkan, waxaa soo qaaday Ciidan gaadhaya 800-1000 Askari. Waxayna kusoo qaadeen dagaalka Ciidanka Puntland oo Cid walba isugu jira. Khasaarihii iyo dhibtii maanta dhacay, waxaa inteeda baddan masuul ka noqqonaya Qoladii markii hore Xabbada bilawday. Oo ah Ciidankii Duulaanka soo qaaday. Sababta iyo arrinka waxakani ku samaysmeen. Waxaa masuuliyadeeda iska leh ( PIS Puntland Intellegence Service ). Waxa dadka walaalaha ah isku diray, waxa Puntland amnigeeda wax yeelleeyey, waxa ummada kala faquuqay, waa PIS iyo Wiilasha Qardho ka yimi. Sababtoo ah, umay shaqaynayn Danta iyo Danaha guud ee Puntland. Waxaa ku shaqaysanayay Dawlada Mareekanka iyo Dad Ajnabi ah. Puntland, waxay u egtahay meel aan wali ka ilbixin waxyeellada Qabiilku leeyahay. Taasna waxaa kuu caddaynaysa, Madaxywanaha hadalkiisa waxaa ku jirtay ( Qabiilku hubka ha qaateen, hana joojiyeen hubka ay iyagu ku daggaallamayaan, oo Waddanka haku difaaceen ). Qabiilka uu ka hadlayaa, waa gaar ahaan labada Juffo ee walaalaha ah, ee Muddada dheer isku haystay Gobolka Bari. Wuxuuna u sheegayaa, inay hubkaas iyagu Waddanka ku diffaacaan. Qabiilku waa kii Jeelasha Garoowe, madaxwaynaha Juffidiisu, maxaabiista reer Sool kala soo baxeen, kana aar gutteen. Iyadoon aan la marin wax sharci ah. Qabiilku, waakan kuwo hadda inakka mid ah, ay ka hor marinayaan Danta guud iyo tan ay leedahay wanaaga Wadanimadu. Qabiilku waakan Habrihii reer Gaalkacayo, Lacagtii Dawladu faraha ku haysay, ay u adeegsadeen wiilal Tolkooda ah. Qabiilku waakkaas, Qabiilku waakkaas, Qabiilku X Y Z...... Maanta, xaalada ka jirta Puntland waa mid saamanysa qof walba oo Wadani ah. Waa mid hadii sidaa lagu daayo, ku fidaysa ( Laasqoray, Dhahar, Badhan, Garoowe, Gaalkacayo, Qardho ). Ninkii meel dheer ka fekkeraya, Mawqifkiisu ha noqdo, inuu ogaado inuu isagu Boosaaso leeyahay. Boosaasana tahay meel la wadaago. Waa inuu ogaado, hadii Puntland waxyeello gaadho, inaanu isaguna Gurigiisa ku nabad galayn. Waa inuu ogaado, waxakkan meesha ka socdaa inuu yahay dagaal aad u rassan, oo u siffooyin eg, kii Laasqoray, Saliid, Dabra, Meermeerka, Rabaable I.W.M..... Gunaanad Wixii dhacay dhace, wixii dhintay Alla haw naxariisto. Inta nool wixii Doonaya nabad hasoo dhawaadeen. Wixii Doonaya fidmo iyo Dagaalna Alla ha inakka qabto ( Aamiin )
  21. lool Wallaahi mar marka qaarkood ayaan u qoslaa. Waar Suldaanka iyo JB xaggee baa nakhlaynaysa. Waar xaggee ayaa idin taamaysa. Somalia xaalad adag ayay ku jirtaa. Laba miduun weeye: (1) Inaad u ducaysaan, waayo waa Dalkiinii & Dadkiinii (2) Haddii aanay ahayn, oo aanay duco idinka helayn. Fadlan dee kadaaya Digashada iyo Hadallada Daaca Qudhunka ah. Bal Ammaan uun ha idinka hesho, illeeyn waad goosateene!
  22. MM, maxaa hadda lagasoo saari karaa Qoraalkan Amiin Caamir. Xaggee ayaad khaladka ama qaladka ku aragtaa? mise waad iska kaftamaysaa? Gabar miyaa mise wiil Dr. Culayskiisaan ka yaabay ----> Right Gabar miyaa mise wiil. (Dr Culayskiisaan ka yaabay)-----> Wrong Bisinka...... Waa Shabaab... Waa Shabaab.... Illaahow na dhaafi -----> Right (Ilaahoow, ilaa-hoow )----> Wrong! Allahayow ayaa kaga wanaagsanyd (Illaahoow) Laakiin waxba aniga fakkarkayga kuma jabna
  23. Wax badan ayaa kasoo gaadhay kolay waa hubaa Tusbax iyo kiiloo Fooxa lol odaygu falaloow ayuu ahaa
  24. JB waxaan maqlay UDUB bililiqo ayay ku dhaqaaqeen markii doorashadii laga helay. Odaygii adeerkaa ee Ahmad Yasin ahaa maxaa kaasoo gaadhay waxaan u malaynayaa Gaadhi Surf ah meelahaas ku qarsaty!