-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
DAWLADNIMADA IYO MAAMULKA WANAAGSAN WAXA BOQONTA HAYA DAALLIN IS MAHADIYAY. Waddanka s. Land sheeko beri ka dhacday meel ka mida, ninbaa nin dilay dabadeed ninkii wuu GUDAALAY gudaashu waxa weeye markuu qofku godoboobo ee uu habeen madaw ka guureeyo degaankii uu ku noolaa si uu u baxsado. Ninkii 25 sano ka dib ayuu ku soo noqday degaankii uu ninka ku dilay, wuxuu la kulmay ninkii uu dilay inan uu dhalay, markay is haybsadeen, ninkii Inankii wuxuu ku yidhi waxaan ahay ninkii aabbahaa dilay, maalintii aan DILAYAY aabbahaa dakharkhaas wejiga igaga yaal ayuu igu dhuftay intaanay naftu ka bixin, iminka waxaan kaa rabaa magtii dakharka inaad I siisid. Dhaqamada gurracan ee aynu bur burkii ka dhaxalay waa noocaas denbiilihii ayaa abaal marin doonaya,sidaas awgeed dawladdu waa inay sharciga ku mintiddaa oo daalinka ay geed ku xidhaa. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan miro-dhal ah magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta. Kulanka ayaa ka dhacay xilli uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku sugan yahay dalka Algeria si uu uga qeyb galo Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Wadamada Carabta. Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa, isagoo uga mahadceliyay ka qeybgalka shirka iyo xoojinta xiriirka labada baarlamaan. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan lagu xoojin karo iskaashiga baarlamaannada labada dal, isaga oo sidoo kale bogaadiyay doorka firfircoon ee Soomaaliya ka qaadato arrimaha xasiloonida iyo horumarka dalalka Carabta. Dhinaciisa, Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Algeria martigelinta shirka iyo soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. Wuxuu muujiyay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Algeria, gaar ahaan dhanka baarlamaannada. Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah u amaanay doorka Algeria ee taageerada ay siiso arrimaha Carabta, isagoo xusay in iskaashiga labada baarlamaan uu fure u yahay isdhaafsiga waayo-aragnimada, aqoonta sharci-dejinta iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab. Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada baarlamaan, iyadoo lagu saleynayo danaha guud iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Algeria. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay in aysan beesha caalamka wax taageero maaliyadeed ah uga helin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, ee tan iyo bilowgii sannadkan ka soconaya buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta hadal ka jeediyay shir ka dhacay magaalada Garoowe ayaa sheegay in beesha caalamku aysan wax taageero maaliyadeed ah ku bixin dagaalka Calmiskaad, islamarkaana taageerada keliya oo ay dalalka qaar siiyeen ay ku kooban tahay dhinaca duqeymaha cirka ee lagu beegsanayo argagixisada Daacish. “Caalamku dal Dollar kuma bixin dagaalka aan kula jirno argagixisada Daacish. Waxaan aaminsannahay in dagaalka Daacish uu yahay kii ugu adkaa ee Soomaaliya iyo Afrikaba ka dhaca marka la eego la dagaallanka kooxaha argagixisada ee Caalamiga ah” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta hadal ka jeediyay shir ka dhacay Garoowe. Ilyaas Lugatoor waxa uu tilmaamay in Puntland qeyb ka mid ah miisaaniyaddeeda ay ku bixisay dagaalka ka dhanka ah Daacish, taasi oo sida uu sheegay muujinaysa sida ay Puntland isugu miisaamtay dagaalka ka dhanka ah argigixisada iyo bixinta adeegyada dowliga ah, oo ay ku jiraan mushaaraadka iyo adeegga kale. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in aysan Beesha Caalamka hal dollar uga helin dagaalka ay kula jirto argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Beeraha Oo Guddoomiyey Shir Khuseeya Mashaariicda Baanka Adduunku Ku Taageero Somaliland Oo Ka Dhacay Xafiiskiisa. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Maxamuud Cige Yuusuf oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Cumar Shucayb, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda deeganka iyo la-taliyaha Madaxweynaha JSL ee dhaqaalaha Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa shir ka yeeshay mashaariicda horumarineed ee baanka Adduunku ka taageero JSL. Si gaar ah, waxay madaxdu uga wada-hadleen mashruuca FSRP oo uu baanka Adduunku ka taageeray Somaliland, waxaana sida hawshiisu u socoto u faahfaahiyey xidhiidhiyaha Mashruuca FSRP Kayse Axmed Maxamed (Jeelle). Mashruuca FSRP oo baanka Adduunku ka taageeray Somaliland, ayaa waxa ka wada shaqeeya Wasaaradaha beeraha, xanaanada xoolaha & deegaanka. Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Qaran News
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo wax laga waydiiyay xaaladaha dalku ku jiro iyo sida ay ula muuqdaan ayaa baaq u diray bulshada qaybaheeda kala duwan. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed oo warbaahintu wax ka waydiisay sida ay ula muuqato xaaladda guud ee dalka, kadib markii uu jeediyay warbixintii sannadkii 2024 iyo bilaha hore sannadka, ayaa ugu horayn ka warramay marxaladdii adkayd ee doorashada ee dalku soo maray, taasi oo uu ku tilmaamay in wadajir lagaga soo gudbay haddii ay tahay Madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi oo dedaal galiyay sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinkii isasaarka ahaa, ururradii siyaasadda, mucaaradkii, doorkii wanaagsanaa ee garsoorka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo si xadaarad leh uga qayb qaatay qabsoomida doorashooyinkii miisaanka lahaa. Waxanna uu hoga-tusaaleeyay in ay tartan ahayd oo cid uun ku guulaysan lahayd, madaxweynaha horrena dedaalo qiimo badan uu sameeyay. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in cabsida ugu weyn ee xilligaa la qabay ay salka ku haysay faragalin cadaw shisheeye oo qaranka naafeeya, taasina lagaga soo gudbay isku duubni. Hase yeeshee ay wali jiraan caqabado iyo duruufo adag oo u baahan in wadajir looga gudbo, waxa uu xusay in dedaadalada uu samaynayo Madaxweynaha cusub ee muddada kooban joogay lagu barbar istaago. Geesta kale guddoomiyaha oo wax laga waydiiyay sida ay ula muuqato madax-dhaqameedka hawada isku marinaya haddalada bulshada kala kaxaynaya ee naca abuuraya ayaa sharaxaad ka bixiyay sooyaalka madax-dhaqameedka dalka tan iyo 1991 kuwaasi oo uu sheegay saxeexii lagu aasaasayay dalka ay ku jireen 9 suldaan oo dalka kasoo saaray marxaladdo adag halka uu xusay in muddo kooban oo dhawr iyo soddon sanno ah ay ku samaysmeen boqolaal suldaan oo jufo kasta ay samaysatay suldaan iyo caaqil, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay caqabad isku noqdeen. Guddoomiyuhu wuxuu soo jeediyay in madax-dhaqameedku aanay siyaasadda ku milmin ee cid walba hawsheeda loo daayo haddii ay tahay madax-dhaqameedka, haddii ay tahay siyaasiyiinta iyo haldoorka kale ee bulshada, gaar ahaan beesha dhexe oo uu sheegay in hadda buuqu ka taagan yahay dhexdooda, muddana uu soo jiitamayay, waxanna uu xusay isaga oo ka duulaya masuuliyadda qaran ee saaran iyo damiirkiisa qofnimo in ay ula muuqato in wada-tashi iyo shir ay iskugu yimaadaan dhammaan madax-dhaqameedka Somaliland, kaasi oo lagu saxayo arrinka qaloocday ee abuuraya in jiilasha ay is nacaan oo kala irdhoobaan. Guddoomiyuhu waxa uu xusay in shirkii Boorama ee madax-dhaqameedku isugu yimaadeen horumar iyo wanaag uu horseeday, sidaa awgeed beesha reer sheekh isxaaq ay u baahan yihiin shir iyo wada-tashi in ay isugu yimaadaan isagoo xusay in mashkiladdu hadda iyaga ka taagan tahay haddii ay tahay is dhaleecayn, isku jawaabid iyo is barbar yaac. Waxa uu sheegay in guud ahaan Soomaalida iyo beelaha kale ee Somaliland la degan wax sidooda u dhaqmayaa aanu jirin. waxana uu soo jeediyay in beelaha is ridinaya maahee kuwa kale ee reer sheekh isaxaaq ee Ayuub iyo Tol-jecle ay gogol fidiyaan la isku laab-xaadhanayo oo kuwii wax kala tirsanayaana ay halka ku heshiiyaan, oo madal dhaqan ay samaystaan. Guddoomiyuhu waxa uu xusay in muddo dheer aanay shirin oo shir iyo wada-tashi ay isugu yimaadaan ay ugu danbaysay kii Madaweyn ee dhawr iyo siddeetamaadkii. Shirkan haddeerna ay kasoo qayb galiyaan dhammaan beelaha kale ee walaalahood ee dalka la leh. Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu warbaahinta iyo madalaha kale ee lagu wada-xidhiidho ugu baaqay in ay wanaaga ka shaqeeyaan, oo hadalada xanafta leh ay ka baaqsadaan. Guud ahaana dadka waxa uu ugu baaqay in ay ogaadaan in haddaladoodu kaydka galayaan oo haddii uu wanaag yahayna isagoo dhintay dib loo isticmaali karo haddii uu fitno yahayna isagoo dhintay balaayo loo adeegsan karo. Allaa mahad leh Qaran News
-
Maanta oo ah 5-ta bisha May waxaa lagu wadaa inuu magaala-madaxda dalka ee Muqdisho ka furmo shirka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyadu, inkastoo masuuliyiinta qaarkood aysan weli caasimadda soo gaarin. Shirkan oo lagu magacaabo shirka Madasha wada-tashiga qaranka ayaa soo maray heerarka kala duwan, ayadoo looga arrinsado xalaadda dalka iyo go’aan ka gaaridda arrimaha taagan ee wada-xoojoodka u baahan. Shirkan waxaa markii ugu horraysay la billaabay sanadkii 2015-kii, isagoo looga gol lahaa in la helo madal siyaasadeed oo ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada si ay uga wada tashadaan arrimaha masiiriga ah ee dalka. Ujeeddooyinkii ugu waaweyn ee Madasha loo aas-aasay waxaa kamid ahaa: • Dejinta habraaca doorashooyinka. • Wadaagista awoodda iyo kheyraadka. • Dhismaha hay’adaha dastuuriga ah. • Xoojinta wada shaqeynta dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe. • Iyo qodobo kale 2. Marxaladihii ay soo mareen Shirarka Madashu a) Marxaladda koobaad (2015–2016) Shirarkii ugu horreeyay ee Madasha waxaa diiradda lagu saaray sidii doorasho loo dhanyahay ay dalka uga dhici lahayd 2016-kii, waxaana is jiid jiid badan ka dib lagu heshiiyay in la qabto doorasho dadban oo lagu saleynayo hanaanka 4.5 ee lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka. 2) Marxaladdii Labaad Xilliga Doorashada (2016–2017) Madashu waxay kaalin muhiim ah ka ciyaartay diyaarinta doorashooyinkii 2016–17, waxayna heshiis ku gaareen madaxdii xilligaasi in la dhiso Aqalka Sare iyo nidaamka federaalka oo dhameystiran. 3) Marxaladda Seddaxaad Doodaha Dastuurka iyo Federalka (2018–2020) Intii u dhexaysay 2018-2020 arrimaha Siyaasadda iyo awood qeybsiga ka sokow Shirarkii madashu waxay u wareegeen arrimo la xiriira dib-u-eegista Dastuurka KMG. Waxaa sidoo kale laga hadlay maqaamka Muqdisho, qaabka awood qeybsiga, iyo dhismaha ciidamada qaranka. 4) Marxaladda Khilaafaadka Siyaasadeed (2020–2022) Waqtigani wuxuu ahaa mid lagu muransanaa doorashada 2020/2021, iyadoo shirarku noqdeen kuwo isdaba joog ah, inkastoo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay kulamada qaar ka maqnaayeen. Marxaladdaasi oo lagu tilmaamay karo mid kamida xilliyadii ugu adkaa ee dalku uu soo maray waxay ku soo gaba-gabawday in 2022-dii doorasho dadban lagu qabtay xerada Afisyoone. 5) Marxaladda shanaad Dib-u-heshiisiinta iyo Isbeddelka (2022–2024) Wixii ka dambeeyay doorashadii sanadkii 2022-kii shirarka Madasha waxaa diiradda lagu saarayay dhammaystirka dastuurka, arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka kooxaha Daacish iyo Alshabaab, iyo dhacdooyinkii taagnaa sida deynta cafintii, jaan-goynta qaab dhismeedka ammaanka qaranka, iyo arrimo kale. Marxaladdan oo ku billaabatay xasillooni siyaasadeed iyo wada-shaqayn u dhexaysa laba heer dowladeed, waxaa markii dambe hareeyay khilaaf ku saabsan hannaanka wax ka badelka Dastuurka, nooca doorashada soo socata, iyo wadaagga mashaariicda. Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo maamulka SSC-Khaatumo oo dhowaan ku soo biiray waxay xoogga saarayaan qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, halka Puntland iyo Jubbaland ay sheegeen inay diidanyihiin hannaankii loo maray wax ka badelka 4 cutub oo kamid ah dastuurka, sidoo kale ay dalbanayaan in si dhab ah looga wada-hadlo tabashooyin ay sheegeen inay si gaar ah u qabaan. Qodobada aan weli xalka loo helin Qodobada weli aan xalka loo helin waxaa kamid ah 1) dhammaystirka dastuurka 2) mideynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka 3) isku dhafka ciidamada 4) awoodaha dowladda iyo dowlad goboleedyada. 5) Maqaamka caasimadda. Iyo Qodobo kale, kuwaas oo ah layli weli horyaalla madaxda Soomaalida. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa xaqiijiyey in laamaha amniga ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo labo eedeysane oo loo haysto dil ka dhacay magaalada Garoowe habeen hore. Falkaan dilka ah ayaa dhacay abbaare 2:00 habeenimo, bannaanka hore ee Hotel ku yaala Garoowe, waxaana lagu dilay laba ruux oo midkood uu ahaa waardiye ka tirsanaa shaqaalaha hotelka. Dabley hubeysan ayaa falkan geystay kadibna ka baxsaday goobta. Ciidanka Booliska oo kaashanaya Laanta Dambi-baarista (CID) ee Gobolka Nugaal ayaa isla markiiba bilaabay howlgallo baaris iyo raadraac ah. Natiijada baaritaankaasi ayaa keentay in la qabto labo ruux oo hadda loo haysto falkaasi, kuwaas oo ku jira gacanta CID-da, iyadoo baaritaanka rasmiga ah uu ku socdo. Ciidanka Booliska Puntland wuxuu shacabka ugu baaqay in ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha amniga, gaar ahaan marka ay jiraan dhacdooyin culus oo sidaan oo kale ah, si loo sugo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Iran ayaa soo bandhigtay Gantaal cusub oo balaastig ah, kaas oo gaari kara masaafo dhan 1,200 oo KM, islamarkaana awood u leh inuu ka baxsado qalabka lidka gantaallada Gantaalkan oo lagu magacaabo Qasem Basir ayuu Wasiirka Difaaca ee Iran ku tilmaamay mid u adkeysanaya dagaalka Elektrooniga ah, isla markaana dhaafi karo habka gantaalada lidka ku ah, isagoo ku daray in aanu isticmaalin habka GPS-ka, isla markaana uu awood wayn u leeyahay in uu dhaqdhaqaaqo oo uu bartilmaameedsado goobaha loogu talo-galay. Soo bandhigidda gantaalka ayaa ku soo beegmaysa xilli xasradda Bariga dhexe ay cirka isku sii shareerayso, islamarkaana Iran iyo kooxaha ay taageertaahi ay kaalin weyn ku leeyihiin hardanka aan dhammaan ee gobolka. Source: goobjoog.com
-
Somalia finds major offshore gas reserves in Turkish survey
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU, Somalia — Somalia is approaching the final stages of its first-ever offshore oil and gas exploration, conducted in partnership with Turkey, with early results pointing to potentially significant natural gas discoveries. Two of the three wells drilled in Somali waters have been completed, and initial results, according to sources familiar with the exploration, indicate the presence of commercially viable natural gas. A third well remains under assessment, and the entire exploration phase is expected to wrap up by August 2025. Preliminary estimates suggest that the two completed wells could contain up to 10 billion barrels of extractable natural gas. Laboratory analysis in Turkey will confirm the volume and quality of the reserves. Turkey-Somalia energy pact The exploration stems from a landmark energy cooperation agreement signed on March 7, 2024, in Istanbul by Somalia’s then-Petroleum Minister Abdirizak Omar Mohamed and Turkish Energy Minister Alparslan Bayraktar. The deal grants the Turkish Petroleum Corporation (TPAO) rights to explore and develop hydrocarbon resources off Somalia’s coast. Under the agreement, Turkey enjoys preferential terms. According to official documents, Ankara can claim up to 90% of the extracted petroleum as “cost recovery,” enabling it to recoup expenses before profit-sharing begins. Turkey is also exempt from standard payments such as signature bonuses and administrative fees, and it retains exclusive rights to export its share of production at global market rates. President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the deal as a milestone in Somalia’s development. “This marks the first time in our history that Somalia is officially exploring its oil and gas potential,” he said. “With Turkey’s support, Somalia is on course to transform its economy and global standing.” Officials in Mogadishu view the energy sector as a crucial pillar for economic growth, employment, and infrastructure development. However, analysts and civil society groups have voiced concerns over the agreement’s generous terms for Turkey and Somalia’s limited immediate financial return. Ali Omar, Somalia’s Minister of State for Foreign Affairs, described the deal as a gateway to broader economic opportunities. He noted that the current exploration covers only three of the 216 offshore blocks believed to contain hydrocarbons, leaving room for future expansion. Turkey Expands Influence in the HoA Turkey’s deepening involvement in Somalia goes beyond energy. The two nations have forged close ties over the past decade through development, education, and defense partnerships. Turkey operates its most extensive overseas military base in Mogadishu, opened in 2017, and has invested in hospitals, roads, and schools nationwide. The growing partnership positions Turkey as a key player in the Horn of Africa, a region of strategic importance due to its location along critical maritime trade routes. Analysts say Ankara’s influence could shape regional dynamics, especially amid Somalia’s tense relations with neighboring Ethiopia over the breakaway region of Somaliland. Once exploration activities conclude and lab results confirm the reserves, Somalia plans to enter the production phase by late 2025. The government aims to leverage energy revenues to rebuild the war-torn nation’s economy while ensuring transparency and equitable benefit-sharing. If successful, the project could mark a turning point for Somalia, positioning it as a new entrant in the East African energy landscape — and a test case for how fragile states manage newfound natural wealth. -
Twenty-five detainees were released from Laascaanood prison as a goodwill gesture to help resolve the conflict in northern Somalia, following efforts led by the Prime Minister, Hamza Abdi Barre. Mogadishu (PP News Desk) — The Prime Minister of Somalia, Hamza Abdi Barre, lauded efforts to exchange war detainees following the 2023 conflict in northern Somalia. “I thank all those who played a role in the release of detainees. Even in times of inter-clan conflict, taking fighters prisoner was not the norm. I call for the release of all remaining detainees,” said Barre. In 2023, more than 300 soldiers from the Somaliland administration were captured after the storming of Goja’adda barracks on the outskirts of Laascaanood. It marked the largest number of detainees ever taken in an inter-clan conflict in Somalia. Meanwhile, the Grand Mufti of Somalia, Sheikh Bashir Salad, welcomed the release of the detainees but condemned the continued detention of Somalis by various authorities due to internal conflict. “There was no conflict between Somalia and another country. It is morally and religiously unacceptable to keep Somali detainees in their own homeland to the point that a third party, such as the Red Cross, must facilitate their release,” said Sheikh Salad. The Federal Government of Somalia is working to secure the release of detainees held in Laascaanood. Somaliland administration initially rejected the 25 detainees whose release had been secured by the Prime Minister as a goodwill gesture to resolve the conflict in northern Somalia. This conflict involves Sool, Sanaag, Cayn & Khatumo (SSCK), a federal member state, and the Somaliland administration, a secessionist entity. Abdulkadir Aw Ali, the leader of the SSCK administration, reportedly stated that his government is committed to a peaceful resolution as the path to releasing all Somaliland detainees who waged war against SSCK administration. © Puntland Post, 2025 The post Somali PM Urges Full Release of War Detainees appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray kaydka badeecooyinka laga keeno dibadda oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Booqashada ayaa timid xilli sii kordhaya walaaca laga qabo saameynta badeecooyinka dibadda ku leeyihiin wax-soo-saarka gudaha iyo nolosha beeraleyda Soomaaliyeed. Wasiirrada ayaa sheegay in dalagyada la keenayo ay yihiin kuwo dalka gudihiisa ka baxa, sidaas darteedna aan loo baahnayn in dibadda laga keeno, maadaama ay si toos ah u dhaawacayaan dhaqaalaha beeraleyda iyo kobaca warshadaha gudaha. “Waa arrin qaran ah in aan ilaalino wax-soo-saarkeena, ganacsatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed. Dalagyada dalka ka baxa in laga keeno dibadda, waa dhaawac dhaqaale iyo dhaawac wadaninimo,” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Dhanka kale, Wasiirrada ayaa fariin adag u diray Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, iyagoo xasuusiyay waajibaadkeeda ilaalinta tayada badeecooyinka dalka soo galaya. Waxay sheegeen in aysan jiri karin badeecooyin aan tayo lahayn oo si sahlan ku soo gala dalka, iyagoo dhaawacaya caafimaadka bulshada iyo suuqyada maxalliga ah. “Waa in la joojiyaa badeeco kasta oo aan waafaqsanayn heerarka tayada, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dibadda ee la tartamaya wax-soo-saarka gudaha. Tani waa masuuliyad qaran iyo mid bulsho,” ayuu yiri Wasiir Geesood. Wasiirrada ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada, in ay dhiirrigeliyaan wax-soo-saarka gudaha si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale, loona xoojiyo waddaniyadda iyo horumarka dalka. Booqashadan ayaa noqonaysa tallaabo muhiim ah oo lagu muujinayo is-garab taagga dowladda u muujisay beeraleyda Soomaaliyeed iyo horumarinta wax-soo-saarka gudaha, iyadoo ay muuqato in dowladda federaalku u jeedsatay qorsheyaal lagu xakameynayo badeecooyinka aan lagama maarmaanka ahayn ee dibadda laga keeno. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ku taliyey in wadahadal lala furo kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in dagaalka Al-Shabaab uu ka soo gaaray dhaawac uu weli ka soo kabsa la’yahay, balse nimanku ay yihiin wiilal Soomaaliyeed. Xildhibaan Dhabancad ayaa ku dhaawacmay deegaanka Laasgacamey oo u dhow magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, halkaas oo qarax lagu weeraray isaga, Qoor Qoor iyo Cabdi Qeybdiid, waxaana ayaga dhan ka soo gaaray dhaawacyo fudud. “Dad badan ayaa yiraahda Al-Shabaab waxaa hoggaamiya xubno ajanebi ah, meelo badana ajanebiga waa lagu arkay, laakiin waxaan qabaa hadii kuwa talinaya ay Soomaali yihiin in loo yeero oo wadahadal lala furo, kuwa ajanebiga ah waa in la dilo, laakiin kuwa Soomaalida ah waxaan jeclaan lahaa in Ilaahey soo hanuuniyo oo la wadahadlo,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad. Xildhibaanka oo wareysigaan siiyey TV-ga Shabelle ayaa la weydiiyey sida uu u arko fashilka dowladda ka heysta dagaalka Al-Shabaab iyo deegaanada muhiimka ah ee dib ay u qabsadeen. “Waxaan maqlayaa in dadka qaar ay deegaanadoodii uga soo carareen cadowga, kuwa Kalena weli waa hortaagan yihiin oo waa la dagaalamayaan, laakiin waxaan qabaa in siyaasad ay soo dhexgashay dagaalka,” ayuu yiri. Sidoo kale, Xildhibaan Dhabancad ayaa sheegay inuu maqlay in dadka qaar ay diidan yihiin dowladda, isla markaana ay door bideen inay Shabaab-ka wax la farsameystaan oo la noolaadaan, sida uu hadalkiis u dhigay. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa wareysigaan uga hadlay dhul boobkii ay maalmo ka kor ku eedeeyeen dowladda federaalka iyo shaqada baarlamaanka oo kulamadii ugu dambeeyey uu buuq hareeyey. Hoos ka daawo
-
Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa xaqiijiyey in laamaha amniga ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo labo eedeysane oo loo haysto dil ka dhacay magaalada Garoowe habeenkii xalay. Falkaan dilka ah ayaa dhacay abbaare 2:00 habeenimo, bannaanka hore ee Hotel ku yaala Garoowe, waxaana lagu dilay laba ruux oo midkood uu ahaa waardiye ka tirsanaa shaqaalaha hotelka. Dabley hubeysan ayaa falkan geystay kadibna ka baxsaday goobta. Ciidanka Booliska oo kaashanaya Laanta Dambi-baarista (CID) ee Gobolka Nugaal ayaa isla markiiba bilaabay howlgallo baaris iyo raadraac ah. Natiijada baaritaankaasi ayaa keentay in la qabto labo ruux oo hadda loo haysto falkaasi, kuwaas oo ku jira gacanta CID-da, iyadoo baaritaanka rasmiga ah uu ku socdo. Ciidanka Booliska Puntland wuxuu shacabka ugu baaqayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha amniga, gaar ahaan marka ay jiraan dhacdooyin culus oo sidaan oo kale ah, si loo sugo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka. Warbixin dhameystiran oo ku saabsan natiijada baaritaanka ayaa laga soo saari doonaa marka la dhammeeyo hawlaha baarista. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo laba eedaysane u qabtay dil xalay ka dhacay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Ciid oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyey in dagaalka Al-Shabaab laga ganacsado, taasina ay cadowga u fududeysay inay dib u qabsadaan dhul muhiim ah. Xildhibaanka ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay sababta ganacsatada qaadka ay u joogaan furimaha dagaalka iyo sababta saraakiisha aan loogu xisaabin jabka ciidamada. “Dagaalka waxaa cuuryaaminaya siyaasadda, maxaa nin qaadka ka ganacsada dhex geeyey ciidanka iyo furimaha dagaalka, muxuu ku soo kordhinayaa?” ayuu yiri. Xildhibaan Ciid ayaa sheegay in Shabaab aysan wax tiro ah ku soo kordhin, balse ay ka faa’iideysteen dayaca iyo maamul xumada dowladda, isagoo tusaale u soo qaatay weerarkii ay kula wareegeen Aadan-yabaal. “Wiilal baahan oo kaba la’aan socda ayaa ciidankeenii u jebinaya si aysan u qalmin, tusaale Aadan-yabaal iyagoo inta gees ah ka soo degay ayaa loo gurma waayey ciidankii joogay, awood yari kama ahan dowladda ee waa dayac jira,” ayuu yiri. Xildhibaanka ayaa sheegay in goobihii lagu jebiyey ciidamada qaranka ay maanta difaac uga jiraan Ciidamada Macawiisleyda gobolka Hiiraan, oo maalin ka hor halkaas ku laayey Khawaarijtii soo weerartay. “Anigu waxaan qabaa jabka ciidamadeena soo gaaray laga soo bilaabo Cawsweyne, in dad loo dilo, dad loo xiro, dad shaqada looga eryo, dadna loo maxkamadeeyo, madax, saraakiil ama wasiir waa in la helaa qof qaata masuuliyadda jabka dhacaya,” ayuu yiri Xildhibaan Ciid. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa beeniyey in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay si gaar ah u taageerto macawiisleyda reer Hiiraan. “Dadka reer Hiiraan waa lagu hagraday dagaalka, xitaa Madaxweynuhu wuxuu naga diiday in ciidanka macawiisleyda ah uu noo qarameeyo, wax kale oo la siiyo ma jiraan, ilaa hadda dadka Kalena ee Shabaab hortaagan waa ayaga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid. Hoos ka daawo wareysiga oo dheer
-
Xuutiyiinta Yemen, ayaa weerarkii ugu tayada sarreeyay ku qaaday Telaabiib Weerarkan ma wuxuu albaabka u furi kara dagaal gobolleed? Mise waa farrin ka timid Iran? Warbixintan ayaa ku siinaysa wax kasta oo ku saabsan weerarka Xuutiga; Israa’iil, ma aysan qarin inay Axadda maanta la kullantay weerar fadeexad ah oo dhaliyay dhaawaca 8 qof oo shan ka mid ah la sheegay inay ku jiraan xaalad dhimasho dhalin karta, kaddib markii gantaal nooca ballistic-ga oo ay kooxda Xuutiyiinta ka soo tureen Yemen, uu ku dhacay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion. Raadiyaha ciidamada Israa’iil oo soo xiganaya ilo militari ayaa sheegay in nidaamka difaaca Mareykanka ee THAAD iyo nidaamyada difaac ee Israa’iil ay isku dayeen in ay ka hortagaan gantaalka Xuutiyiinta,balse ay ku guuldareysteen, iyadoo in ka badan 3 milyan oo Israa’iiliyiin oo ay ku jiraan saraakiisha sare ee Israa’iil ay gabbaad galeen. Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel-ka 12 , ayaa sheegay in gantaalka Yemen uu ka gudbay afar lakab oo ah hababka difaaca hawada, wuxuuna ku dhacay wadnaha garoonka diyaaradaha Ben Gurion ,waxa la arkay waa in goobta uu ku dhacay uu ka sameeyay god 25 mitir ah. Warbixinta Channel 12, ayaa shaaca ka qaaday in madaxa gantaalku uu ahaa mid aad u weyn, oo sababay mowjad qarax weyn oo laga maqlay xaafadaha Telaabiib, taa oo ka dhigan in Xuutiga ay wax ka beddel ku sameeyeen madaxyada qarxa ee gantaallada ay ku weerarrayaan Israa’iil. Booliiska Israa’iil ayaa amray in la mamnuuco in loo safro garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, halka Channel 12 ee Israa’iil uu sheegay in la hakiyay duullimaadyadii imanayey iyo kuwii dhoofayey. Wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth ayaa sidoo kale ka soo xigatay madaxa guddiga shaqaalaha hay’adda duulista rayidka ee Israa’iil , in dadka ku dhaawacmay gantaalka uu mid ka mid ah ku sugnaa gudaha garoonka gaar ahaanna Terminal 3, taa oo ka dhigan qaraxyada gantaalka inay gudaha u galeen garoonka, taa oo noqonaysa markii u horreysay oo Xuutiga ay khasaare dhab ah gaarsiiyeen garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion. Weerarka wuxuu dhaliyay si deg deg ah in loo joojiyo duulimaadyo ay Telaabiib ku imaan lahaayeen diyaaradaha Swiss, Austria, Australia , Lufthansa iyo tobannaan diyaaradood oo kale oo maanta la qorsheeyay inay duulimaad ku yimaadaan garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion. Iyadoo warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in hoggaanka ammaanka Israa’iil ay si weyn uga walaacsan yahay fashilinka ay kala kulmeen inay ka hortagi waayeen gantaalka Xuutiyiinta ee lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, ayaa weerarka sidoo kale wuxuu dhaliyay in la baajiyay shirkii ugu muhiimsanaa ee golaha amniga israa’iil oo maanta la qorsheeyay inuu qabsoomo, sabab la xiriirta weerarka Xuutiyiinta, sida uu ku warramay wargeyska Walla. Wargeyska kale ee ka soo baxa israa’iil ee Yedioth Ahronoth ayaa sheegay, in shirkii golaha wasiirada amniga uu dib u dhacay ilaa 7-da fiidnimo ee caawa. Halka wargeyska Maariv uu sheegay in Netanyahu uu wada tashiyo dhanka ammaanka la yeeshay saraakiisha sare ee amniga , kaddib guul-darrada ay Israa’iil kala kullantay inay ka hortagto weerarka Xuutiyiinta. Warbixinta wargeyska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Netanyahu uu qaban doono caawa kulan deg deg ah la xiriira habka ay Israa’iil uga jawaabi karto weerarka khasaaraha dhaliyay ee Israa’iil ay kala kulantay Xuutiyiinta Yemen. Muxuu yahay ujeeddada weerarkan? Afhayeenka dhinaca milatariga ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, Yaxye Sariic ayaa saacado kaddib marka uu dhacay weerarka , warsaxaafadeed muuqaal ah oo uu baahiyay, wuxuu ku sheegay inay Xuutiyiinta fuliyeen weerar ay u adeegsadeen gantaal ballistic, si guul leh ugu dhacay bartilmaameedkiisa Sariic , ayaa xaqiijiyay in nidaamka difaaca Mareykanka iyo Israa’iil ay ku guul-darraysteen inay ka hortagaan gantaalka ay Xuutiga ku weerarreen garoonka diyaaradaha Ben Gurion, oo ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee Israa’iil ay si weyn u ilaaliso amnigiisa, isagoo sharraxaya ujeeddada weerarka wuxuu ku sheegay afhayeenka milatariga ee Xuutiyiinta; in weerarka uu daba socdo go’aankii ay horey usoo saareen ee la xiriira inuu si rasmi ah u xiranyahay garoonka diyaaradaha Israa’iil ee Ben Gurion, wuxuuna uga digay shirkadaha diyaaradaha inay sii adeegsadaan garoonkan oo uu sheegay inay kala kulmi doonaan khasaare iyo burbur haddii ay ku adkeystaan inay adeegsadaan, wuxuuna markaa caddeeyay in weerarrada ay noqon doonaan kuwa joogta ah oo ay ku joojinayaan shaqada garoonkan oo ah midka kaliya ee diyaaradaha caalamiga ay ka degaan kana duulaan ee Israa’iil, si meesha looga saaro go’doomintooda dhul, cir iyo badba ee ay geliyeen Israa’iil, kaddib markii ay Xuutiga horey u xireen dekedaha Israa’iil, xiritaankaa oo ka dhashay inay ka hortageen in wax maraakiiba ah ay soo gaareen, wuxuu sheegay in looga baahanyahay Israa’iil inay go’doominta ka qaado marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta. “Waan sii wadi doonnaa ka hortagga gardarrada Mareykanka iyo taageeridda shacabka Falastiin, iyadoo aan loo eegin cawaaqib xumada ka dhalan karta”.ayuu yiri Sariic. Hadalkan oo ujeedkiisu noqonayo ‘si kasta oo aah cawaaqib xun iyo dhibaato aan u wajaheyno, haddana waan taageerri doonaa dadka reer Qasa.” Maxay doonaysa Israa’iil inay sameyso kaddib weerarkan? Israa’iil oo aragta in mar kale ay Xuutiyiinta dunidda horteeda ku fadeexeeyaan, ayaa si caro leh waxaa weerarkan garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ka dhacay uga falceliyay wasiirka difaaca israa’iil, Yisrael Katz oo ku hanjabay inay si adag uga jawaabi doonaan weerarkan, isagoo intaa ku daray ; “ Cid kasta oo hal weerar nagu soo qaadaa, waxaan weerarri doonaan toddobo jeer.. si adag ayaanna uga jawaabi doonaan Xuutiyiinta.” Sidee weerarkan u dhalin karaa dagaal gobolleed? Weerarkan kaddib, waxaa gudaha Israa’iil laga maqlay codadka doonaya in weerarkan jawaabtiisa aan lagu koobin dhulka Yemen ee sidoo kale loo baahanyahay inay Israa’iil qaado weerarro ballaaraan. Benny Gantz, oo ah xubin hore oo ka tirsanaa golaha dagaalka ee Israa’iil , isla markaana ah hoggaamiya xisbiga mucaarad ah , ayaa soo baxay weerarkan kaddib, isagoo warbaahinta u sheegay ; “Iran waa tan bixisay gantaalaha ballistic-ga ee lagu weerarrayo Israa’iil, waana inay qaadato mas’uuliyadda iyaga.” Gantz waxa uu intaa ku daray in “Gantaallada lagu soo riday dhulka Israa’iil waa inay yeeshaan cawaaqibka adag oo ay tahay inay wajahdo Iran… waa inay Tehran noqotaa goobta sida adag weerarkan jawaabtiisa looga arkayo.” Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 12, ayaa dhankiisa ka soo xigtay taliyaha ciidanka kaydka Israa’iil , jen. Amir Avivi oo yiri ; “ Marka waddan si isdaba joog ah gantaallo ugu soo rido Israa’iil, tani waa dagaal.” Waxa uu intaasi ku daray “Casharkeenu waa inuu noqdaa in la dilo hoggaanka Xuutiyiinta, sidii ku dhacday Xisbullah.” Warbixinta telefishinkan ayaa sidoo kale, lagu sheegay inay saraakiisha amniga israa’iil diyaarinayaan nooc weerar adag oo ay uga jawaabayaan weerarka Xuutiga, waxaana lagu go’aamin doonaa kullamo la filayo hoggaanka Israa’iil iyo kuwa amniga inay yeeshaan caawa iyo galabta. Balse, iskuday kasta oo lagu soo daro jawaabta weerarkan in lagu weerarro Iran, ayaa ah midda dhalinaysa in weerarkan uu sababo dagaal gobolleed. Weerarka wuxuu yimid , maalmo kaddib markii Mareykanka uu dib u dhigay wada-hadalladii la xiriiray barnaamijka nukliyeerka ee uu kula jiray Iran, waxaa xigtay in la maqlay suragalnimada ay Israa’iil ku weerarri karto Iran, tan ayaa ka dhigaysa inan laga tagi karin surtagalnimada in weerarka uu yahay iskuduba ridka Iran, oo farriin u diraysa Israa’iil, si dib loogu soo celiyo wada-hadallada, ama iskuday kasta oo weerar oo ka dhan ah Iran, wuxuu noqon doonaa mid ay ka dhalan karto jawaabta weerarro goobo kale duwan ay ka wajihi karto Israa’iil. Xuutiga muxuu uga dhigan yahay weerarkan? Xuutiyiinta Yemen, wuxuu weerarka maanta u noqonayaa, mid ay dunidda ku ogeysiinayaan awoodooda dagaal. Weerarka kaliya looma eegayo inuu dhaawac iyo burbur dhaliyay, laakin macnaha wuxuu ku jiraa weerarka inuu ka gudbay nidaamkii difaac ee ugu xooggan Mareykanka oo ay sidoo kale howlgelintiisa ay u joogaan Israa’iil, ciidan ka tirsan guutooyinka difaac ee Mareykanka, balse awood uma aysan yeelan inay Israa’iil difaacaan oo gantaalka Xuutiga oo ku socday goob ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee Israa’iil inuu ku dhaco, horey Xuutiga waxay dhaliyeen inuu fashilmo oo la xareeyo nidaamyadii difaac ee Israa’iil oo ay mar usoo muujinaysay kuwa la isku haleyn karo iyo nidaamka ugu sarreeya ee gobolka bariga dhexe. Xuutiga waxaa kaloo ay dusha u saareen Mareykanka iyo Israa’iil weerarrada ay ku qaadayaan Yemen inay noqdeen kuwa aan waxtar ahayn, wuxuu Mareykanka weerarro ka fulinayaa Yemen, tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2023, muddada laguma gaarin in la dhimo awoodda Xuutiyiinta ama la gaara saldhigyadooda milatari iyo goobaha ay ku suganyihiin hoggaankooda, mar kastana waxa la arkayo waa in kooxdan ay awoodooda weerar sare u qaadayaan. Weerarka maanta, sidoo kale wuxuu tusay xulafada Israa’iil ee Carabta , iskuday kasta oo ay uga hor yimaadaan Xuutiga inay wajihi karaan cawaaqib u darran. Mar kale, sidee bay Mareykanka iyo Israa’iil u weerarrayaan Xuutiyiinta? Mise waxay aadi doonaan Tehran, haddii ay lumiyaan bartilmaameedyo sirdoon oo ay khasaare ku gaarsiin karaan Xuutiga? Waxay jawaabaha ku jiraan saacadaha iyo maalmaha ina soo aaddan..! Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee Maamulka Gobalka Banaadir Cisman Muriidi Cali ayaa madaxda gobalka ku eedeyay takoor, faquuqid iyo cadaalad darro ay kula kaceen degmada Xamarweyne. Mashruuc uu bixiyey Bangiga Adduunka oo dhismaha waddooyinka degmada Xamarweyne ahaa ayaa loo leexiyay degmada Dayniile, halkaas oo maanta laga dhagax dhigay laami cusub. Caasimada Online, waxay heshay farriimo cabasho ah oo Guddoomiyaha degmada Xamarweyne uu ku qoray Group WhatsApp ay ku wadajiraan masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Xamarweyne ayaa arrintaas toos ugu eedeeyey waaxda howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, balse waxaa u jawaabay guddoomiye ku xigeenka waaxdaas oo u sheegay in amarka lagu leexiyey mashruucaas uu iyaga ka sareeyo. Isla qoraalkaas Guddoomiye Howlaha Guud ee Gobalka Banaadir wuxuu Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ku amray in uu raali gelin bixiyo, isagoo sheegay in mashruucaas ay Dayniile u leexiyeen madax ka sarreysa iyaga. Eedeynta waaxda howlaha guud ayaa toos ugu socota Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo bulshada reer Xamarweyne dhaafiyey mashruucii ay ka heleen dhismaha laamiyada Muqdisho. Mashruuca uu duqa Muqdisho ka dhax dhigay Dayniile waxaa soo diyaariyay Guddoomiye Madaale, waxaana loo diyaariyay degmada Xamarweyne, wuxuu qorshuhu ahaa in lagu dhiso ilaa 4 waddo, balse waxaa loo weeciyay Dayniile. Maamul xumada ka jirta Gobalka Banaadir ayaa gaartay ilaa heer ay masuuliyiinta gobolka isugu jawaabaan Group-yada shaqada iyo in loo hanjabo Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo raali gelin lagu qasbayo, iyadoo mashruuc muhiim u ahaa degmadiisa laga dhacay. Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa qoraalkiisa cabashada ah ku sheegay inuu u dacwoonayo madaxda sare ee dalka, isla markaana uusan aqbali doonin waxa dhacay, sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku sharaxay muhiimada ay degmadiisa wadadaasi u laheyd. Hoos ka eeg farriimaha la isku dhaafsaday Group-yada maamulka gobolka Banaadir
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaaran, Faarax Cadaani oo galabta shir jaraa’id ku qatay xafiiskiisa ayaa mar kale ka hadlay khudbad carro xooggan dhaliyay oo uu maanta jeediyay, isaga oo bixiyay raallgelin buuxda. Guddoomiye Cadaani ayaa goor sii horreysay si toos ah weerar ugu qaaday xubnaha mucaaradka, isaga oo amar ku bixiyay in lagu weeraryo guryahooda, taas oo abuurtay xasaasiyad wayn. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay u adeegaan argagixisada, ayna kasoo horjeedaan horumarka iyo dowladnimada dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Qofka mucaarad ku ah Dowladda Gurigiisa ku weerara, Dila maqaro u qaata waad u fasaxan tihiin, argagexiso ayaa soo dirtay, lafaha ka tuma, Degmada Karaan ma degna ruux sidaas oo kale ah hadii ay dhacdadana waa inaad soo xirtaan oo saldhiga keentaan aadna garaacdaan” ayuu goor sii horeysay yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan. Intaas kadib guddoomiyaha oo mar kale soo hadlay ayaa raalligelin rasmi ah ka bixiyay hadalkiisa, wuxuuna ka cudur daartay khaladka maanta ka dhacay. “Waxaan rabaa inaan ka hadlo oo maanta waddo xarig jar ah oo khudbad aan ka jeediyay oo si kale loo dhigay waxaan caddeynaa haddii ay khaladaad ahayd inaan raalligelin ka bixiyo dhammaan wax allaale iyo wixii dhib loo arkay” ayuu yiri Cadaani. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Cid aan ula jeeday ma jirto cid gooni aan u dulminaayana ma jirto waxaan mar labaad iyo mar saddexaad leeyahay in hadalkaas oo dhibka loo arkay inaan raalligeli ka bixshay”. Cadaani ayaa horay qayb uga ahaa doorashadii hoore ee May, 2022-kii, waxaana lagu xasuustaa in isaga oo ahaa taliyaha saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid inuu ku biiray ciidankii Badbaado Qaran, kadibna uu kasoo jeestay aagga Miranaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo badan oo xilligaas kasoo horjeestay madaxweynihii hore Farmaajo. Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa dhaliyay hadal-heyn iyo carro xooggan, maadaama uu ku baaqay in la weeraro xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqa ka wada Muqdisho, kana soo horjeedo hannaanka loo wado doorashada.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa haatan wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan xal u helidda muranka siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka. Beesha Caalamka ayaa si gaar ah cadaadis ugu haysa qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, si ay u yimaadaan magaalada Muqdisho, uguna qayb-galaan shirka uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee looga hadlayo xaaladda dalka. Dadaallada socda ayaa waxaa hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maalmihii u dambeeyay booqashooyin ku tegay magaalooyinka Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Boosaaso, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxda maamulada, si uu uga dhageysto aragtiyadooda ku aaddan amniga iyo doorashooyinka. Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda maqan, kuwaas oo uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Villa Soomaaliya, iyada oo meeshii uu ka baxay xiriirkii kala dhexeeyay Dowadda federaalka. Sidoo kale dadaallada Beesha Caalamka ayaa waxaa qayb ka ah xal u helidda xiisadda taagan, si looga gudbo khilaafaadka hareeyay doorashooyinka dalka ee 2026. Dhankooda siyaasiyiinta mucaaradka ayaa iyaguna si weyn u diiday qorshaha madaxda dowladda ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah oo haatan diiwaanlgelintooda ay ka socoto magaalada Muqdisho, taas oo lasoo gabagabeynayo dhammaadka Juun, 2025. Si kastaba ha’ahaatee berri oo ay ku beegan tahay 5-ta May ayaa qorshuhuu yahay inuu Muqdisho ka furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana markii ugu horreysay ka qayb-galay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo oo shalay soo gaaray caasimada. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana usii dheer halista Al-Shabaab oo haatan culeys soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada Muqdisho. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda shirka haatan loo ballansan yahay oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in duqeyn ay iska kaashadeen iyada iyo Mareykanka ay ka dhacday aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo culus ka dhan ah kooxda Daacish. Wasaaradda Gaashaandhigga dalka ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lala beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen maleesshiyaadka Daacish,iyada oo sheegtay in la gaarsiiyay jab culus. Sidoo kale waxa ay Wasaaraddu intaasi ku dartay in xubno badan lagu laayay, laguna dhaawacay weerarka cirka ah ee ka dhacay buuraha gobolka Bari ee Puntland. “Subixii hore annaga oo kaashaneyno taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, waxaan duqeymo ka fulinay Puntland, goob ay ku sugnaayeen Daacish, khasaare ayaa ka dhashay weerarka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga. Waxaa kale oo ay Dowladda Federaalka boggaadiyay iskaashiga milatari ee haatan kala dhexeeya Mareykanka, iyada oo ballan qaaday inay sii ballaarin doonto, si ay usii socdaan howlgallada wadajirka ah ee ay ugu qaadaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. “Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa iskaashigan, waxayna xaqiijinaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka adkaano argagixisada” ayaa mar kale lagu yiri. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, saacado uun, kadib markii shalay ciidamada Puntland ay ka hortageen weerar ismiidaamin ah oo ay kooxda Daacish ku qaaday fariisimo ay ku leeyihiin aagga aagga Ceelka GuryoSamo oo aad ugu dhow deegaanka Dhasaan, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa qaarkood waxa ay isku qarxiyeen bannaanka xerada, halka kuwii kale ay toogteen ciidamada, sida uu sheegay sarkaal sare oo u hadlay Daraawiishta Puntland. “Tiro kamid ah argagixisada ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaacyadii hore ee ciidamada, waxaana ciidamadu toogasho ku dileen dhammaan intii soo hartay oo isku dayay in ay weerar toosa fuliyaan, kuwaasi oo meydadkooda la soo bandhigay markii waagu baryo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Dhasaan. Horay sidaan oo kale Puntland ayaa uga hortegtay weerar is-miidaamin ah oo ay soo abaabushay kooxda Daacish, kaas oo ay la damacsaneyd ciidamadii la wareegay Togga Miraale, waxaana la fashiliyay weerarkaas,, iyada oo la laayay xubnihii abaabulayay/
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir oo maanta hadal kulul jeediyay ayaa soo saaray amar culus oo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Faarax Cadaani ayaa shacabka degmada Kaaraan faray inay beegsadaan dadka mucaaradka ah ee degmadaas ku sugan, isaga oo kula taliyay inay tallaabo ka qaadaan. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkaasi ay u adeegaan argagixisada, ayna kasoo horjeedaan horumarka iyo dowladnimada dalka, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka ay u fasaxan yihiin inay weeraraan oo ay guryaha ugu daataan, ama ay kusoo xiraan saldhigga degmada. “Qofka mucaarad ku ah Dowladda Gurigiisa ku weerara, Dila maqaro u qaata waad u fasaxan tihiin, argagexiso ayaa soo dirtay, lafaha ka tuma, Degmada Karaan ma degna ruux sidaas oo kale ah hadii ay dhacdadana waa inaad soo xirtaan oo saldhiga keentaan aadna garaacdaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Faarax Caddaani. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Degmada Kaaraan nin dowladda mucaaradaayo oo been sheegaayo haddii uu deganaado mas’uuliyadda idinka ayaa qaadaayo shacabka,”. Dhinaca kale, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in la diido diiwaan-gelinta ka socda degmooyinka gobolka oo uu xusay inay tahay fursad muhiim ah oo awoodda loogu soo celinayo shacabka Soomaaliyeed, si ay usoo doortaan dadka berri hoggaaminaya. Cadaani ayaa horay qayb uga ahaa doorashadii hoore ee May, 2022-kii, waxaana lagu xasuustaa in isaga oo ahaa taliyaha saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid inuu ku biiray ciidankii Badbaado Qaran, kadibna uu kasoo jeestay aagga Miranaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo badan oo xilligaas kasoo horjeestay madaxweynihii hore Farmaajo. Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa dhaliyay hadal-heyn iyo carro xooggan, maadaama uu ku baaqay in la weeraro xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqa ka wada Muqdisho, kana soo horjeedo hannaanka loo wado doorashada.