-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — The Somali Salvation Forum, a coalition of key opposition figures, expressed skepticism Monday about upcoming political meetings scheduled for June 15 and 22, warning that President Hassan Sheikh Mohamud may be seeking support for unilateral decisions on elections and national security. Source: Hiiraan Online
-
Madasha Mucaaradka ee Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa weli saluugsan gogsaha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 15-ka June 2025. Madashu waxay ku sheegtay in inkasta oo ay soo dhaweysay dadaalka Madaxweynaha, haddana aysan oggolaan karin in gogoshaasi noqoto mid aan loo dhamayn. Waxay Madashu ku baaqday in la helo madal siyaasadeed oo dhab ah, oo ay si siman uga qaybgalaan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo horseedi karta xal waara oo lagu wajaho xaaladda cakiran ee dalka. Sidoo kale, Madashu waxay muujisay in kulammada uu Madaxweynaha qabanayo 15-ka iyo 22-ka June ay yihiin kuwa aan u muuqan mid daacad laga yahay. Madashu waxay mar kale ku adkeysatay in ay u taagan tahay danaha shacabka Soomaaliyeed, ayna diyaar u tahay wada-xaajood dhab ah oo lagu gaari karo is-afgarad siyaasadeed oo waxtar leh. Source: goobjoog.com

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay nin Soomaali ah lagu dilay Xaafadda Hillbrow ee magalada Johannesburg. Muwaadinka la dilay muwaadin ayaa lagu magacaabi jiray Kamaal Xasan oo loo yaqiinay Cabdi Taajir, kaasoo ka mid dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas uga dhex shaqeysta gawaarida dadweynaha qaada ee Uber. Marxuumka ayaa la tilmaamay in burcada hubeeysan ay ku dhax toogteen, isagoo ku jiray gaarigiisa xili uu ku guda jiray howlahiisa shaqo, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday burcada dilka geysatay. Ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas oo gaaray goobta ayaa sameeyay baaritaano la xariira dilka, hayeshee wax natiijo ah kama soo bixin baaritaanka ay samyeen. Dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan si joogta ah loogu dilay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqo tagay dalkaas, mana jirto cid wax ka qabata dhibaatada lagu haayo ee ah dilka, dhaawaca, iyo boobka loo geysto hantidooda. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan siyaasiyiinta mucaaadka ayaa soo saartay bayaan culus oo ay uga hadashay xaaladda dalka, gaar ahaan qorshaha muranka badan dhaliyay ee ay waddo Villa Somalia. Mucaaradka ayaa warsaxaafadeedka ay soo saareen waxa ay uga horyimaadeen kulamada uu qabanayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee loo ballansan yahay, iyaga oo shuruud adag ku xigay ka qayb-galka gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaki wayn ka muujiyay shirka uu qabanayo Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inuu taageero ugu raadinayo qorshihiisa, laakiin waxa ay taasi beddalkeeda dalbadeen in shirka uu noqdo mid xal looga gaaro khilaafka ka taagan dalka. “Madashu waxa ay u aragtaa kulmada uu Madaxweynuhu qabanaayo 15-ka iyo 22-ka bishaan inay yihiin kuwa oo uu taageero ugu raadinaayo jidkii uu horay ugu joogay ee sababay khilaafka iyo kala aaminbaxa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka mucaaradka. Sidoo kale, Madasha ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay dhaawaceyso niyad wanaagii ay markii hore kusoo dhaweysay gogosha uu dhigay Madaxweynaha, ayna niyad-jabineyso shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ee rajada ka qabay gogosha taalla. Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale farriin culus u dirtay Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ka dabatay inuu qabto wada xaajood dhab ah oo lagu wajahayo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Waxaa kale oo ay intaas kusii dartay in Madashu ay u taagan tahay sidii loo ilaalin ahaa midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, looguna gudbi laaha xaaladda taagan “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay mar walba u taagan tahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka mucaaradka. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan Villa Somalia ay waddo qaban qaabadii ugu dambeysay gogosha uu dhigay Madaxweynaha, iyada oo kulamo gaar gaar ah lasii bilaabay kuwaas oo uu Xasan Sheekh la qaatay ururadii is diiwaan-geliyay iyo bulshada rayidka ah. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad adag, waxaana taaan khilaaf culus oo u dhexeeya dowladda fedeeraalka, qaar kamid maamul goboleedyada dalka iyo xubnaha mucaaradka.
-
Xeerbeegtida Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa nin Pakistani ah ku kusoo oogtay Dacwad ah inuu hub uu kasoo raro Iraan uu u gudbin jiray Xuutiyiinta kadib markii lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada badda Mareykanka ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya. Mohammed Bahlawan ayaa ka mid ahaa afar qof oo ay ciidamada Mareykanka ku qabteen howlgal ay bishii Janaayo ee sanadkii 2024-kii ku qaadeen markab marayay xeebaha Soomaaliya, kaasoo sababay dhimashada labo askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka. Waxaa la xukumi doonaa ninkaan 22-ka September wuxuuna wajihi doonaa ugu badnaan 20 sano oo xarig ah. Sida laga soo xigtay dukumentiyada maxkamada, Bahlawan wuxuu la shaqeeyay laba nin oo Iranian ah oo walaalo ah oo lala xidhiidhiyay ciidanka Ilaalada Kacaanka si ay hub uga soo tahriibiyaan Iran una gudbiyaan Xuutiyiinta, Waxa uuna ahaa kabtankii markabka oo ay u daateen ciidamada gaarka ah ee Maraykanka. Xeerbeegti heer federaal ah ayaa Bahlawan ku eedeeysay inuu maleegayay inuu taageero agab ah u fidiyo argagixisada, caawinta barnaamijka hubka wax gumaada ee Iran, iyo inuu diyaariyay qorshaha qaadista walxaha qarxa, iyo eedo kale. Gantaalada ballistic-ga ah ee Iran iyo gantaalada lidka maraakiibta ayaa laga helay markabkii uu saarnaa dushiisa, kuwaas oo la mid ah hubkii ay Xuutiyiintu ku weerareen maraakiibta ganacsiga iyo kuwa Maraykanka. Source
-
Nin askari ah ayaa Axaddii xaafadda Faluuja ee magaalada Hargeysa ku dilay xaaskiisii iyo gabadh uu dhalay, isaga oo sidoo kale dhaawac culus u geystay gabadh kale oo ay dumaashi yihiin. Askariga dilka geystay, oo aan magaciisa warbaahinta lala wadaagin, ayaa rasaas ku furay qoyskiisa, isaga oo dilay xaaskiisii iyo inantiisii. “Subaxnimadii saaka abbaara 8:00 ayuu aabbo naga tagay, qorigana meel ayuu kasoo qaatay, Markaas ayuu hooyo oo kadinka fadhiday toogtay,” ayay mid kamid ah caruurta askarigu u sheegtay Bulsho TV. Aamina, oo ay dumaashi yihiin askariga, ayaa iyaduna u sheegtay Bulsho TV in askarigu uu guriga kusoo laabtay isaga oo qori sida, isla markaana aanu hadlayn markii la salaamay, kadibna uu dilka gaystay. “Markuu kadinka kasoo galay, walaalkay baa salaamay, wuuna u jawaabi waayay. Markuu ku yidhi, ‘Walaal maanta qori ayaad sidataa,’ ayuu isasoo kala celiyay oo si toos ah inanta ugu dhuftay. Wuu ku celceliyay oo wuu la dul tagay, anigana markiiba miyir iigu dambeysay,” ayay tidhi Aamina. Waxay intaa ku dartay in markii toogashadu dhacday ay dadka xaafaddu iskugu soo baxeen, muddo badanna lagu dadaalay in la qabto askariga, balse uu dadka ku waabinayay qoriga, taas oo keentay in lala rafaado. Labada qof ayaa isla goobta ku naf waayay, marka laga reebo gabadha dhaawaca ah oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla Hargeysa. Eheladu waxay sheegeen in aanay garan karin sababta askariga ku dhalisay in uu qoyskiisa laayo, sidoo kalena aanay ku ogayn wax xanuun maskaxeed ah oo uu qabay. Weli booliiska iyo hay’adaha amnigu kamay hadal dhacdadan, lamana hubo in eedaysanaha la qabtay iyo in kale. Source
-
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa sheegay in ay qorsheeyeen in dalka horaanta sannadka 2026ka laga bilaabo shiidaal qodistii taas oo ay wadeen laba shirkadood oo caalami ah kuwaas oo kala ah Genel Energy (UK) iyo RAK Gas (UAE). Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la sameeyay sahanno rejo fiican leh oo xaqiijinaya in Somaliland uu ku jiro Shiidaal, Waxaanu xusay in la xoojiyay nidaamka Sharciyada Batroolka, Heshiiska Qaabka Wadaagga Wax-soo-saarka (PSA), iyo siyaasadaha taageeraya hawlgallada shiidaalka. Wasiirka ayaa intaa ku daray in shirkadda Genel Energy ay haysato laba aag (blocks) oo ku yaalla bariga dalka. Isla markaana ay dhammaystireen daraasado farsamo oo ballaadhan, oo ay ku jiraan sahanno casri ah oo muujinaya fursado badan oo saliid iyo gaas ah. Wasiir Axmed Jaamac Barre ayaa sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo ay daabacday warbaahinta St.Vincent Times. Source
-
Las Vegas (Caasimada Online) – Wakiillada waaxda socdaalka Mareykanka ayaa qabtay Khaby Lame – qofka ugu taageerada badan TikTok caalamka – kadib markii uu muddo dhaaf ku noqday dal-ku-galkiisii, sida ay saraakiisha sheegeen Sabtidii, waxaana loo oggolaaday inuu si iskiis ah uga baxo dalka. “Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ayaa xirtay Seringe Khabane Lame, 25 jir ah, oo ah muwaadin Talyaani ah, Juun 6, garoonka caalamiga ah ee Harry Reid ee magaalada Las Vegas, Nevada, isagoo lagu eedeeyay inuu jebiyay shuruucda socdaalka,” ayay hay’addu ku sheegtay war qoraal ah oo ay u dirtay AFP. Lame ayaa galay Mareykanka 30-kii Abriil, balse wuxuu ku nagaaday waqti ka badan intii uu dal-ku-galkiisu u oggolaanayay, sida lagu sheegay bayaanka oo tilmaamay in la xiray Jimcihii balse isla maalintaas la sii daayay. Lame, oo safiir samafal u ah UNICEF, sidoo kalena leh in ka badan 162 milyan oo taageerayaal ah barta bulshada ee TikTok, “wuxuu haatan ka dhoofay Mareykanka.” Lame illaa hadda ugama uusan hadlin arrintan si shaacsan Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fuliyay ballanqaadyadii ol’olihiisa ee ahaa adkeynta xakameynta socdaalka iyo bilaabista olole ballaaran oo masaafurin ah – arrimo qaarkood ay maxkamadaha dalkaasi diideen ama hakad geliyeen. Lame ayaa hadda ah qofka ugu taageerada badan TikTok, isagoo leh 162.2 milyan oo raacsan. Wuxuu caan ku noqday muuqaallo aamusan oo gaaban oo uu kaga faaloodo casharro adag iyo tabaha aan waxtar badan lahayn ee lagu arko internet-ka. Muuqaalladiisa waxaa lagu yaqaanaa calaamadda uu kusoo afmeero – isagoo labadiisa gacmood kala furan kor u jeedinaya, wejigiisuna muujinayo gacan-haad garasho leh iyo dhoolla-caddayn, isaga oo bixinaya xalal sahlan oo toos ah. Fikradda muuqaalladiisa ayaa kusoo dhacday intii uu ku sugnaa deegaanka guryaha bulshada ee qoyskiisu deggenaa ee Chivasso, meel u dhow magaalada Turin, kadib markii uu waayay shaqadiisii makaanik ee warshadda bishii Maarso 2020. Muuqaaladiisa si degdeg ah ayay u faafeen, waxaana lagu qiyaasay inuu kasbaday illaa $16.5 milyan oo doolar intii u dhaxeysay Juun 2022 iyo Sebtembar 2023, taasoo ka timid heshiisyo xayeysiin iyo suuq-geyn oo uu la galay shirkado waaweyn, sida lagu sheegay warbixin ay qortay Forbes.
-
12-ka qof ee saarnaa doonta Madleen ee saaka Israa’iil ka qabsatay biyaha badda Mediterranean-ka waxaa ku jirta Rima Hassan oo ah xildhibaanad Faransiiska ku matasha Baarlamaanka Yurub. Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah baaqyada aqoonsiga loogu raadinayo dowlad ay yeelato Falastiin. Wuxuuna wax ka guddoomin doonaa shir looga hadlayo qaddiyadda Falastiin oo bishan dabayaaqadeeda ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobey ee New York. Shirkan oo ay wada guddoominayaan dalalka Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu baadi goobo xalka labo dowladood oo ay yeeshaan Falastiin iyo Israa’iil. Hindisahaas oo Israa’iil ay si adag u diiddan tahay. “Waa in aan hadalka ficil ku darnaa. Waana in aan qaadnaa tillaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Qasa iyo colaadda guud ee u dhexeysa,” ayey tiri Anne-Claire Legendre oo ah la taliyaha Madaxweyne Emmanuel Macron ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika. Macron ayaa dhawaan Qaramada Midoobey u sheegay in „daruufaha ka jira Qasa ay qasbayaan in la soo nooleeyo rajada dowlad Falastiin ay yeelato”. Source
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka socdaan gobolka kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Macawiisleyda iyo Al-Shabaab. Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan laga dareemayaa xadka labada gobol, iyada oo sidoo kale Al-Shabaabkii ugu badnaa ay isugu tageen aagga degmada Yabaal, sida uu shaaciyay Maxamed Cabdi Macow oo ah guddoomiyaha degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Macow ayaa sheegay in ay ka war qabaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab iyo abaabulka ay ka wadaan degmada Aadan Yabaal, waxaase uu tilmaamay inay ka jareen waddada, sida uu hadalka u dhigay “Shabaab Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe waxa uu u haayay ma leh dhammaantood Aadan Yabaal ayay isugu keeneen, halkaas ayayna ku socdeen waddadii ayaana ka jarnay” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay soo geli waayeen Hiiraan, haddana ujeedkooda uu yahay inay xoogga soo saaraan gobolkaas, si ay uga taqalusaan Macawiisleyda beesha Xawaadle ee difaaca adag uga jira xadka labada gobol. “Waxaa lagu fasiri karaa in Hiiraan ay madaxa geli waayeen ayna horta dhammaantood go’aan ah qaateen inay ka taqalusaan ciddaan maahinee inayna meel kale qabsan karin, taasina uma suuragelyso haddii uu Ilaahey yiraahdo” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Khawaarijta waan iska celineynaa wax isxaan ah uma sameyneyno, waana baabi’ineynaa”. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay mar kale dagaal qaraar uu ka dhacay aagga Ceelhareeri, kadib markii ciidamada huwanta ay weerar gaadmo ah ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey halkaasi, waxaana kadib la gaarsiiyay khasaare culus. Dagaalka ka socda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sii xoogeysanaya, waxaana labada dhinac ay weli sii wadaan dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ciidan oo iska soo horjeedo, taas oo uga sii dareysa xaaladda kacsan ee haatan laga dareemayo deegaannada HirShabeelle.
-
Waxaa maanta si rasmi ah looga bilaabay gobolka Banaadir Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe, iyada oo guud ahaan 41,639 arday ay u fariisteen imtixaanka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, ayaa sheegay in tiradaasi ay muujinayso horumar muuqda oo dhanka waxbarashada ah. Sidoo kale, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ka mid ah ardayda imtixaanka u fariisatay ay 22,778 yihiin wiilal halka 18,860 ay yihiin gabdho. Mas’uuliyiinta waxbarashada ayaa xusay in imtixaanku si habsami leh ku bilowday, iyadoo la adkeeyay ammaanka goobaha imtixaanka si loo hubiyo jawi deggan oo ardaydu ku galayaan imtixaanka. Source: goobjoog.com

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanimada uu ku soo lugo’ay, isla markaana uusan hadda kadib kursi xildhibaan raadsa doonin. Xaadoole wyaa sheegay in cid ka amar qaadaneysa xildhibaanka aysan jirin, isla markaana uu rabi lahaa inuu u taliyo dad ka amar qaata oo wax bedeli kara. Isagoo shacab badan la hadlaayey maanta ayuu yiri, “Aniga ha i dooranina hadda kadib, xildhibaan dambe ma rabo, xildhibaanimo wax aan madax-xanuun aheyn kama helin.” Xaadoole ayaa sheegay in dhaqaale badan uusan ku heysan kursigaan, “aniga waxaan rabaa inaan go’aan qaada karo oo wax qaban karo subaxdii markii aan sariirteyda ka soo kaco maxaan qabanaa? War xildhibaanimadu shaqo fiican maaha,” ayuu yiri. Sidoo kale, Xildhibaan Xaadoole ayaa sheegay in wasiirrada lasoo magacaabay xitaa ay yasaan xildhibaanada oo aysan waqti siinin, taas oo bahdil ku ah, sida auu hadalkiisa u dhigay. “Xildhibaan waxaan ku soo qaba karay waan ku qabtay, hadda kadibna ma rabo, waxaan u soo jeesanaa dagaalka, Kabakutukade dadkeena ma gumeysa karo, waan iska dhicineynaa, waana geleynaa dagaalka, iska fadhi meyno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Xaadoole. Xildhibaanka ayaa aad uga hadlay dhibaatooyin ay Al-Shabaab ku hayaan dadkiisa reer Shabeellaha Dhexe, “dagaalka hala galo ciidan naguma yaree,” ayuu yiri isagoo xisaabinaya sida beelaha Abgaal ay u kala degan yihiin. Halkaan ka daawo
-
Ciidamada badda Israa’iil ayaa saaka si buuxda ula wareegay doonta samafalka ee lagu magacaabo Madeleine, taasoo safar bini’aadantinimo ka soo bilowday dalka Talyaaniga, kuna wajahneyd Marinka Qasa si ay gargaar iyo farriin caalami ah ugu gudbiso dadka halkaa ku go’doonsan. Doontan waxaa la socday samafalayaal caalami ah, dad caan ah, iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub, kuwaasoo doonayay in dunida ay u muujiyaan dhibaatada ba’an ee ay wajahayaan shacabka reer Qasa oo ku nool go’doon adag oo ay Israa’iil saartay muddo ku dhow 19 bilood. Ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay inay si kedis ah u weerareen doonta xilli ay ku sugnayd badda u dhow Qasa, kaddibna waxay si khasab ah ugu jiideen dekedda Ashdood oo ku taalla Israa’iil. Halkaas ayay hadda su’aallo ku waydiinayaan dhammaan dadka la socday doonta, sida uu xaqiijiyay raadiyaha ciidamada Israa’iil. Doonta Madeleine waxay ahayd rajo cusub oo laga qabay in la jebiyo go’doonka naxariis darrada ah ee ka jira Qasa, waxaana la filayay in ay si toos ah u gaarsiiso gargaar bini’aadanimo sida cunto, dawo, iyo agab kale oo muhiim ah. Hase yeeshee, weerarka lagu qabtay doonta ayaa noqonaya mid kale oo lagu fashilay dadaalladii lagu doonayay in laga dulqaado cadaadiska ka jira Qasa. Xaaladda bani’aadantinimo ee Qasa ayaa sii xumaanaysa, iyadoo lagu soo warramayo in caruur iyo dad badan ay u dhinteen gaajo iyo dawo la’aan, taasoo sabab u ah go’doominta xun ee la saaray marinkaas. Dad badan ayaa Israa’iil ku eedeeyay inuu u isticmaalayso gaajada sidii hub siyaasadeed, halka dalal badan oo reer galbeed ah lagu dhaleeceeyay inay indhaha ka laabteen dhibaatadaas. Source: goobjoog.com

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ayaa la filayaa inuu dhowaan safar rasmi ah ku tago magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kulan heer sare ah kula yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in kulankaas diiradda lagu saari doonaa heshiiskii muranka dhaliyay ee Badda (MoU) ee la saxiixay 1-dii Janaayo 2024, balse aan illaa iyo hadda la dhaqan gelin. Ilo-wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu doonayo “wadahadal toos ah” oo uu la yeesho Ra’iisul Wasaare Abiy si ay uga arrinsadaan heshiiskaasi, kaasoo la saxiixay xilligii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Heshiiska MoU-ga, oo ay hore u kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, wuxuu Itoobiya siinayaa kiro 50 sano oo ah qaybo ka mid ah xeebta Somaliland ee ku taal Gacanka Cadmeed, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsi siiso madax-bannaanida Somaliland — tallaabo ay si adag uga hor timid dowladda federaalka Soomaaliya. “La’aanta aqoonsi buuxa oo caalami ah, madaxweynuhu ma aqbali doono wax ka hooseeya,” ayuu yiri la-taliye madaxweynaha ka tirsan oo codsaday in aan la magacaabin. “Wuxuu doonayaa in arrimaha la kala caddeeyo oo uu si toos ah ula hadlo hoggaanka Itoobiya kahor inta uusan tallaabo dambe qaadin.” Heshiiska MoU-da oo aan wali dhaqan gelin, ayaa noqday udub-dhexaadka dadaallada diblomaasiyadeed ee Cirro tan iyo markii uu xafiiska la wareegay. Bishii hore, intii uu ku sugnaa safar rasmi ah oo uu ku tagay dalka Jabuuti, Madaxweyne Cirro waxa uu wadahadallo la yeeshay diblomaasiyiin Itoobiyaan ah oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka Safiirka Itoobiya ee Jabuuti, Kebede Abera Ido. Wadahadalladooda waxa ay diiradda saareen arrimaha amniga gobolka, marin-biyoodka Badda Cas, xoojinta ganacsiga, iyo fursadaha maalgashi ee labada dhinac. “Waxa uu madaxweynuhu la falanqeeyay safiirrada horumarinta dhaqaalaha gobolka, fursadaha maalgashi, fududeynta ganacsiga, horumarinta kaabeyaasha, iyo kordhinta gargaarka bani’aadannimo,” ayuu yiri Xuseen Aadan Cige, afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, war-saxaafadeed uu soo saaray bishii May. Ku-xigeenka safiirka Itoobiya, Kebede, ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Itoobiya ay xiisaynayso xoojinta iskaashiga ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo amniga. Itoobiya oo aan lahayn marin badeed ayaa muddo dheer raadineysay waddooyin kale oo badeed si ay u horumariso awooddeeda dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha. Madaxweyne Cirro, oo xoojinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, ayaa sidoo kale toddobaadkii hore kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye magaalada Nairobi. Kulankaas ayuu mar kale ku adkeeyay baaqii Somaliland ee ahaa in la helo aqoonsi caalami ah. “Ma nihin dad u yimid Nairobi si ay u baryaan,” ayuu Cirro u sheegay ka qaybgalayaashii kulanka. “Ma raadinayno deeq; waxaan halkaan u nimid inaan dhisno iskaashi dhab ah oo aan la yeelanno dowlado, maalgashadayaal, iyo hay’ado fahamsan qiimaha ay leedahay faa’iido wadaag.” Dadka Somaliland badankood waxay weli rajo weyn ka qabaan in wada-shaqaynta Itoobiya ay horseedi karto aqoonsi caalami ah — himilo Somaliland ay ku taamaysay tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda 1991.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay goorta rasmiga ah ee ay bilaabeyso shidaal qodista deegaannadeeda, kadib muddo ay soo waday sahmin lagu xaqiijiyay in Somaliland uu ku jiro shidaal. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland Injineer Axmed Jaamac Barre oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta St.Vincent Times ayaa sheegay in shidaal qodista ay bilaabi doonaan horraanta sanadka soo socda ee 2026-ka, ayna sameyn doonaan laba shirkadood oo caalami ah, kuwaas oo kala ah Genel Energy (UK) iyo RAK Gas (UAE). Injineer Axmed Jaamac ayaa sidoo kale tilmaamay in rajo wayn ay ka qabaan in Somaliland ay ku guuleysato shidaal qodisteeda, isla markaana sahanka la sameeyay uu muujinayo in Somaliland uu ku jiro shidaal ay ka faa’iideysan karto, kulana baayac tami karto caalamka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan lasoo dhammeeyay daraasado farsamo oo ballaaran, oo ay ku jiraan sahanno casri ah oo muujinaya fursado badan oo saliid iyo gaas ah oo ay leedahay Somaliland. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in la xoojiyay nidaamka sharciyada batroolka, heshiiska qaabka wadaagga wax-soo-saarka (PSA) iyo siyaasadaha taageeraya howlgallada shiidaalka. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay haatan diyaar u tahay maalgashi caalami ah iyo inay la macaamisho aduun weynaha. Dhinaca kale, Somaliland ayaa hadda wadda qorshe kale oo dib loogu sii amba qaadayo heshiiskii Itoobiya ee muranka dhaliyay ee la saxiixaay 1-dii Janaayo 2024, balse aan illaa iyo hadda la dhaqan gelin. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro uu qorsheynayo inuu u safro magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kulan heer sare ah kula yeelan doono Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, si uu ugala hadlo heshiiska badda. Heshiiska MoU-ga, oo ay hore u kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, wuxuu Itoobiya siinayaa kiro 50 sano oo ah qaybo ka mid ah xeebta Somaliland ee ku taal Gacanka Cadmeed, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsi siiso madax-bannaanida Somaliland — tallaabo ay si adag uga hor timid dowladda federaalka Soomaaliya.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal qorshaysan oo ciidanka si gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka shabeellaha Hoose. War saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyay tuulada Gaalware oo 4 km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalkan ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 25 ka tirsanaa Al-Shabaab, oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare, Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay Kooxdu adeegsanayeen, kuwaasoo ay kamid yihiin; lix qori oo nooca PKM ah, labo RPG iyo 17 AK-47, waxaana halkaas lagu burburiyey dhagartii ay abaabulayeen kooxdaas. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay had iyo goor ka go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo sugidda amniga guud ee dalka, iyadoo kaashaneysa Ciidanka Qalabka Sida iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com

Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisu uu wajahayo cadaalad darro deked la’aan, asagoo intaa ku daray in 30-kii sanoo la soo dhaafay ay culays ku noqatay waayitaanka deked ay leedahay Itoobiya. Qoraal ay baahisay warbaahinta dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu walaac xooggan ka qabo bad la’aanta ay 30-kii sano ee la soo dhaafay wajahayeen dadkiisu, asagoo intaa raaciyay dadaal walba la geliyay sidii caqabaddaas looga gudbi lahaa, Itoobiya aysan cidna dhibaato u geysan. “Waan ka xumahay sida Itoobiya ay deked la’aan u ahayd 30-kii sano ee la soo dhaafay, Itoobiya waxaa soo gaaray burbur badan oo ka dhashay deked la’aan, cadaalad daraddaas aan taariikhda ku lahayn dalalka aan deked lahayn waa in hadal lagu dhammeeyaa” ayuu yir Abiy Axmed. Xukuumadda Addis Ababa ee hoggaamiyo ayaa billowgii sanadkii tagey isku dayday inay si sharci darro ah ku qaadato qeyb kamid ah badda ummadda Soomaaliyeed, balse ugu dambeyn arrintaas waxay kala kulantay waji gabax siyaasadeed iyo natiijo la’aan. Source: goobjoog.com

Xaawo Sokor Cali, oo ah guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in aan si sax ah loo marin habraaca sharciyeed ee lagu xulayo xubnaha Guddiga Madax-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka. Guddoomiye Xaawo Sokor ayaa tilmaamtay in guddiga baarlamaanka ee ay hoggaamiso uusan helin wax wargelin ah ama talo la-tashi ah oo la xiriira xulista guddiga cusub, taas oo ay sheegtay inay tahay mid ka hor imaaneysa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla. Waxay sidoo kale sheegtay in wareysi ay bixisay ay uga hadashay arrimo dhowr ah oo ku saabsan talaabooyin sharci-darro ah oo ay sheegtay inay hareeyeen hannaanka xulista, iyadoo ugu baaqday hay’adaha kale ee dowladda inay ixtiraamaan doorka baarlamaanka iyo shuruucda dalka. Ugu dambeyn, guddoomiye Xaawo Sokor Cali waxay carrabka ku adkaysay in la ilaaliyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kala dambeynta dowladnimada, si loo helo guddi madax-bannaan oo sharciyad buuxda leh una adeega shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com