Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa soo baxaya su’aalo ku saabsan jidka u furan dalalka Carabta kaddib markii Israel iyo Mareykanka ay diideen natiijada shirka Carabta ee lagu raadinayay qorshe ka duwan kan Trump ee Gaza. Intii Qaahira uu ka socday shirka Carabta ee aan cadiga aheyn afartii bishan Maarso, waxay hoggaamiyayaasha ogolaadeen qorshaha Masar ee ah in $53 bilyan oo doolar dib loogu dhiso Gaza si 2.1 milyan ee Falastiiniyiinta ah ay dhulkooda u sii joogaan. Qaahira waxay soo jeedisay qorshe lagu wiiqayo kan Marekanka ee ah in la barakciyo dadka ku nool daanta galbeed kaas oo lagu dhisayo mashruuc dalxiis. Trump wuxuu ugu yeeray qorshahaas “Riviera-da Bariga Dhexe”. Taasina waxay muujineysaa in Mareykanka uu ka laabtay siyaasadiisa aheyd xal labo dal ah. Qorshaha Carabta waxaa toos u diday Israel halka Washington ay ku tilmaantay wax aan dhaceyn. Aqalka cad waxay xaqiijiyeen in maamulka Trump ay ka go’an tahay in Gaza dib loo dhiso iyadoo Xamaas aysan joogin. Dowlada Falastiin iyo Xamaas way soo dhaweeyeen qorshaha Carabta kaas oo ku baaqayay in Gaza ay maamulaan gudi madaxbannaan iyo ciidamo nabad ilaaliyayaal caalami ah oo halkaas la geeyo. “Qorshaha Trump ma shaqeynayo” Xigashada Sawirka,EPA Qoraalka sawirka,Qorshaha Masar waxaa aqbalay ururka Jaamacada Carabta Wasiirkii hore warfaafinta Urdun, hadana ka faalooda siyaasada, Samih Maaytah, wuxuu aaminsan yahay in qorshaha Carabta uu suuragal yahay si kasta oo caqabada u horyaalaan. Wuxuu sheegay in hadii Gaza dadkeeda la barakciyo in ay khatar ku tahay ammaanka gobolka, wuxuuna sheegay in ay halis ku tahay Urdun iyo Masar. Al-Maaytah wuxuu intaas ku daray in Trump uu soo bandhigay qorshe balse uusan awood u laheyn in uu fuliyo. “Trump wuxuu ka hadlay qorshe iyo fikrado isagoo ku soo darin aragtida hal dhinac xitaa. Hadii wadaxaajoodyada guuleystaan, hore ayaan u sii socon karnaa. Wax ugu xun ee dhici kara waa in qorshaha Trump uusan hirgalin, kan Carabtana uusan shaqeyn. Taasna waxay ka dhigan tahay in Gaza ay xaaladaas ku sii jirto”. Muxuu noqonayaa mustaqbalka Xamaas? Xigashada Sawirka,Getty Images Hoggaamiyayaasha Carabta waxay isku dayayaan in ay ka dhaadhicyaan Trump qorshahooda kaas oo ka jawaabaya waxa laysku hayo. Tan ugu muhiimsan waa, muxuu noqonayaa mustaqbalka Xamaas? Yaase maamulaya Gaza? Hindisaha Masar ayaa ka jawabaya qaar ka mid ah su’aalahan sida uu dhigayo gudiga madaxabannaan ee maamulaya Gaza muddo lix bilood ah ka hor inta aysan dowalda Falastiin halkaas ku soo laaban. Mas’uuliyiinta maamulaya Gaza waxaa horyaal caqabad weyn oo ah mustaqbalka Xamaas kuwaas oo Gaza xukumayay ilaa iyo 2007-dii. Qorshaha Masar waxaa qaatay ururka Jaamacada Carabta kaas oo aan ka hadal in hubka la dhigayo Xamaas. Xamaas way ogolaatay qorshaha kaddib shirka inkastoo ay diiday hub ka dhigista. Siyaasi iyo cilmibaare u dhashay Masar oo lagu magacaabo, Imad Gad, ayaa aaminsan in hindisaha Carabta uu leeyahay waji wanaagsan balse uusan laheyn waxyaabaha aasaasiga u ah xalka sida in Xamaas hubka laga dhigo. Waa arin adag Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Amiir Mohammed bin Salman and iyo madaxweynaha UAE Mohammed bin Zayed Dalalka Carabta way isku khilaafeen sida loola dhaqmayo joogista Xamaas ee Gaza. Qorshaha Masar wuxuu ku baaqayaa xabad joojin dheer taas oo xal u ah hub ka dhigista. Sacuudiga waxay qaban in si tartiib ah loola dhaqmo oo marka hore madaxdooda Gaza laga saaro halka Imaaraatka ay diideen qorshe kasta oo Xamaas ay ku joogeyso Gaza. Imaaraatka waxay dalbadeen in degdeg hubka looga dhigo Xamaas. Waxay u muuqata in dhaqaalaha lagu dhisayo Gaza in uu ku xiran yahay helista taageerada caalamka gaar ahaan dalalka hodanka ee khaliijka kuwaas oo doonaya siyaasad cad oo ku wajahan halka ay ku dambeynayaan hubka Xamaas. Khubaradu waxay qabaan in arrinta hubka Xamaas ay tahay mid adag oo u baahan aragti guud oo ku xiran dagaalka iyo xalka laba dal. “Gaza nabad ma heleyso Xamaas la’aanteed” Xigashada Sawirka,Getty Images Dhanka kale, Moshe Elad oo ah khabiir militeri oo Israel u dhashay ayaa soo dhaweeyay qorshe kasta oo lagu gaarayo xal iyo nabad dhexmarta dalalka Carabta iyo Israel. Wuxuu tilmaamay sida Israel ay diyaar ugu tahay in ay kala hadasho qorshe kasta ay nabad ku heleyso, gaar ahaan xadka Gaza. Wuxuu sheegay in ujeedka ugu weyn Israel uusan aheyn barakicin ee uu yahay in ay xal u hesho hubka Gaza yaal iyo in la joojiyo argagixisada. Wasiirka arrimaha dibadda Israel oo ka hadlay qorshaha Masar ayaa ku tilmaamay mid jilicsan oo xambaarsan fikrado duugoobay kaas oo iska indhatirayo wixii keenay weerarkii 7-dii Oktoobar oo ula jeeday in xal laba dal ah uusan dhaceyn. Intee ayuu la egyahay cadaadiska Carabtu haystaan? Xigashada Sawirka,Getty Images Kenneth Roth oo ah madaxii hore ee hay’ada xuquuqda aadanaha HRW ayaa aaminsan in dalalka Carabta ay leeyihiin awoodo ay wax ku cadaadiyaan oo ay kaga horyimaadaan qorshaha maamulka Trump. Wuxuu sheegay hadii labada milyan ee reer Falastiin Gaza xoog looga saaro, in ay ka dhigan tahay dambi dagaal sida u qabo qodobka 49-aad ee xeerka Geneva iyo sidoo kale in uu ka dhigan yahay dambi aadanaha laga galay. Wuxuu kaloo sheegay in Sucuudiga uu leeyahay awood uu ku diido caadiyeenta xirirka Israel, shuruudna uu kaga dhigo in la damaanad qaado dhismaha dal Falastiin ah. Hadii maamulka Trump ay ku dhaqaaqaan qorshahooda in khatarta aysan ku koobnaan doonin Gaza oo ay u sii gudbeyso Daanta Galbeed oo iyagana sidoo kale la barakicin doono sidaa darteed waxaa muhiim ah in dalalka Carabta ay diideen tallaabo kasta oo qorshahaas lagu fududeynayo. Bbcsomali Qaran News
  2. A Lakeville man who was jailed over suspected witness tampering during the trial of Feeding Our Future co-defendants Aimee Bock and Salim Said has now pleaded guilty to his role in the $250 million fraud scheme. Source: Hiiraan Online
  3. MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — Aimee Bock, the founder of Feeding Our Future, took the witness stand late Friday afternoon in what has been described as one of the largest pandemic-related fraud trials in the United States. The trial, which has been unfolding for four weeks, centers around an alleged $250 million scheme that prosecutors say involved fraudulent reimbursement claims for meals never served to children. Bock, facing seven felony charges including wire fraud and bribery, has consistently denied any wrongdoing. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has issued a warning that both air and ground strikes will target Al-Shabaab militants wherever they are located in the country. He also dismissed foreign security concerns as "propaganda," asserting that Somalia is not facing a crisis. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — A senior Al-Shabaab leader, Yusuf Dhegnaas, was killed in a targeted airstrike in the El Ba'ad area of the Middle Shabelle region on March 5, Somali officials confirmed. The operation, carried out by Somali forces with international support, is part of ongoing efforts to weaken the militant group. Source: Hiiraan Online
  6. Ankara (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo wareysi bixiyey ayaa ka hadlay hagar-daamada ay dalkeena ku hayso dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in Imaaraadka uu dalka ka qabto. Fahad Yaasiin ayaa sheegay in uusan garaneyn wax uu ku cabiro qorshaha Imaaraadku uu ka damacsan yahay Soomaaliya, isagoo la yaab ku tilmaamay sababta uu Xasan Sheekh indhaha uga fiirsanayo farogelinta ay arrimaha Soomaaliya ku hayaan. “Markii Farmaajo joogay waxaa la dhihi jiray Imaaraadka waa laga qaldan yahay in lala macaamilo ayey aheyd, laakiin hadda oo dib loo soo celiyey Imaaraad waxa uu ka shaqeynayo iyo qorshaha uu Soomaaliya ka leeyahay ma aqaano,” ayuu yiri. Fahad Yaasiin ayaa sheegay in hadda ay Xasan Sheekh la shaqeeyaan, hadana ay ka daba shaqeeyaan, isagoo hab-dhaqankooda ku sifeeyey kii Tigraygii jooji jiray xukunka Itoobiya uu kula macaamili jiray Soomaalida. “Imaaraad waxay gooni u wataan Axmed Madoobe, dhinac kale waxay u wataan Cabdiraxmaan Cirro iyo Saciid Deni, hadana Xasan Sheekh dhib kuma qabo sida aan aragno, marka waxaan is weydiiyaa, Xasan ma danbuu ku qabaa, mise wax aanaan anagu ogeyn buu ogyahay?” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Wuxuu sheegay in cidda maanta fashilineysa xukunka Xasan Sheekh ay tahay Imaaraadka oo kaliya, wuxuu tusaale u soo qaatay in ragga ay isku hayaan siyaasadda, sida Axmed Madoobe ay toos ugu xiran yihiin Imaaraadka. “Sababta aan u leeyahay ma aqaan waxa ay Imaaraadku ka rabaan Soomaaliya waa hal arrin, qiblada ay isugu tagaan oo la macaamilaan Axmed Madoobe, Saciid Dani, Cabdiraxmaan Cirro iyo kuwo kaleba waa Imaaraadka, in kastoo Cirro qiimeyn u baahan yahay, hadana Muuse intii uu joogay saaxiib ayey la ahaayeen, ragga aan soo tiriyey ee Imaaraadka qiblada ka wada dhigtay, mid midka kale salaama kuma jiro,” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Fahad ayaa su’aal geliyey sababta Imaaraadka ay rabitaankooda u cadeysa la’yihiin, maadaama dowladda Soomaaliya ay hadda awood leedahay wax kastana loo fulin karo. “Xasan Sheekh waxaan leyahay Madaxweyne nimanku kuma rabaa, teeramkaagii horena kuma rebin, hadda markii aad ka xalisay dagaalkii Farmaajo la galay unbay kula saaxiibeene nimankaan kuma rabaan, ma garanaayo sababta aad ugu samreyso,” ayuu yiri. Wareysigaan oo dheeraa qeybta uu uga hadlay arrinta Imaaraadka wuxuu ku soo gabagabeeyey Fahad Yaasiin, “Hadii qorshaha Imaaraadka uu yahay in Soomaalida la kala qeybiyo, waa uu hayaa wadadaas, hadii uu damacsan yahay qorshe kale, anigu ma ogi, waana fahmi la’ahay.” Hoos ka daawo. The post Daawo: Fahad oo si yaab leh u qeexay ‘hagarta Imaaraadku ku hayo’ Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in la dilay ku xigeenkii Horjoogaha Khawaarijta ee gobolka Sh/Dhexe, kaas oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Dhegnaas, kadib duqeymo culus oo ka dhacay aagga Ruun-nirgood. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Sheekh Abuukar Maxamed Xasan, oo caawa shir jaraa’id ku qabtay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa shaaciyey in ninkaas lagu dilay duqeyn caawa laga fuliyey deegaanka Ceelbacad oo hoos taga degmada Ruun-nirgood. Horjoogaha caawa la dilay ayaa hoggaaminayey weerarrada Al-Shabaab ay ka wadaan Shabeellaha Dhexe, wuxuuna markii la beegsaday aagga Ruunnirgood ka waday abaabul weerar. Sidoo kale NISA oo war ka soo saartay duqeymaha lagu dilay horjoogahaas ayaa sheegtay in lala dilay in ka badan 20 maleeshiyaad ah, sidoo kalena lagu gubay gaadiid dagaal oo Shabaab lahaa. Afhayeenka Gaashaandhigga ayaa sheegay in horjoogaha la dilay uu ka hooseeyey Kabakutukade oo ah horjoogaha guud ee Khawaarijta u qaabilsan gobolka Sh/Dhexe. “Dilka dhagarqabe Yuusuf Dhegnaas oo ka hooseeyey Kabakutukade ayaan caawa ugu bishaareynayaa umadda Soomaaliyeed, xitaa waxay isku dayeen inay dhaawaciisa badbaadiyaan oo gaari ayaa lagula cararay dhinaca Galcad, balse mar kale ayaa la duqeeyey, waana la dhameystiray,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan aad loo qorsheeyey isla markaana la doonayo in maalmaha soo socda lagu soo afjaro khatarta kooxda Al-Shabaab ee ka jirta qeybo kamid ah Sh/Dhexe. “Waxaan idinkugu bishaareynayaa in cadowga jab xoog leh uu gaaray, waxaa bilowday howlgal loogu magac daray ‘Dhameystirka Eeyaha Naarta’ maalmo kooban ayaan shacabkeena uga dul-qaadi doonaa dhagarta cadowgaan,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar oo caawa shir jaraa’id qabtay. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: DF oo caawa dishay ku xigeenkii Kabo-kutukade – Maxaa ka dhacay Sh/Dhexe? appeared first on Caasimada Online.
  8. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sooamaliya ayaa magacaabay Guddi ka soo warbixiya Safaradda loo diiday qaar ka mid ah Xildhibaannada. Guddigaan ayaa la faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib ugu soo celiyaan warbixinta ku saabsan sababaha loogu diiday Xildhibaannada Safarada ay ku aadi lahaayeen Gobolada Dalka. Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka si ay uga soo warbixiyaan arrinta safarrada loo diiday Xildhibaannada waa: Xil. Abdi Ibrahim Warsame – Guddoomiye Xil. Ilyaas Sheikh Ahmed Ibrahim – Xubin Xil. Omar Ali Isak – Xubin Xil. Asho kos Mohamud Omar – Xubin Xil. Abdirazak Adam Warsame – Xubin Xil. Omar Yusuf Gaaladiid – Xubin Xil. Dahabo Susow Maxamud – Xubin Xil. Mohamed Harun Abdillahi – Xubin Xil. Jawahir Addawe Abdi – Xubin Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dabagal ku hayso saraakiil xogta dagaalka siiya kooxda Al-Shabaab. Wasiirka ayaa sheegay in saraakiisha la tuhunsan yahay oo darajooyin haysta laga fariisiyey shaqada, isla markaana ay ka sheekeeyaan maqaayadaha, iyagoo ka shaqeeya qalqal gelinta bulshada. Wuxuu si cad u sheegay in saraakiishaas ay xogta toos ula wadaagaan Al-Shabaab, iyagoo u sheegaya deegaanada laga soo baxay, khasaaraha dhacay iyo dhinacyada ay ka jilicsan tahay dowladdu, sida uu hadalkiisa u dhigay. “Saraakiisha la fadhiisiyey ee Al-Shabaab xogaha siiya ee dhahaayo meel hebel ayaa laga soo dhaqaaqay ee maqaayadaha fadhiya waa daba galeynaa, darajadooda ayeyna waayi doonaan,” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi. Sidoo kale, wasiirka ayaa farriin u diray siyaasiyiin uu sheegay inay shacabka niyad jabiyaan Shabaab-na si dadban ugu muujiyaan taageero, iyagoo ku xumeynaya madaxda dowladda. “Siyaasiyiinta qaar ayaa liidnaasho dhanka dowladda ah ka raadiya dagaalka Khawaarijta, waxaa jira meelo kale oo gaabis ka jiro oo dowladda lagu dhaliili karo, laakiin amnigu waa muhiim, Al-Shabaab maanta waa u simanahay ninka mucaaradka ah ee guul daradeena ku raaxeysanaya iyo aniga oo dagaalka toos ugu jira, qof kasta dil ayuu ugu xukuman yahay kooxdaas,” ayuu yiri. Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali, ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah weydiiyey “Hadii dagaalkaan aad dhex dhexaad ka noqoto halkee rabtaa berri inaad xukunto, walaalayaal aan u midowno dagaalka cadowgeena” ayuu yiri. Sidoo kale wasiirka ayaa aad u amaanay ciidamada daraawiishta Puntland iyo shacabkooda ku garab istaagay dagaalka, wuxuuna u rajeeyey inay ka guuleystaan kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad ay ka xoreynayaan. Dhinaca kale, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa digniin u diray shacabka ku nool deegaanada ay Shabaab joogaan, isagoo u sheegay in duqeyn culus lagu bilaabayo kooxda, kana dalbaday inay ka fogaadaan. Hoos ka daawo. The post Daawo: DF oo ku daba-jirta saraakiil xogta dagaalka u gudbisay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  10. Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in duqayn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday xarun ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Ceel-Bacad lagu dilay Yuusuf Dhignaas, oo ka mid ahaa xubnaha kooxda. Sida wararku sheegayaan, duqaynta ayaa ka dhacday xilli ay kooxda Al-Shabaab si khasab ah ugu yeertay dad shacab ah, si ay uga qaadaan lacago ay ugu yeeraan “sakawaat.” Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa sheegaya in diyaarad dagaal ay si toos ah u beegsatay goobtii uu joogay Yuusuf Dhignaas, taasoo sababtay dhimashadiisa iyo khasaare kale oo aan weli la caddeyn. Ceel-Bacad waa deegaan muhiim ah oo ku yaalla xuduudka kala qaybiya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Waa meel istiraatiiji ah oo ay Al-Shabaab muddooyinkii dambe ku xoogeysanayeen iyagoo halkaas ka fulin jiray qorshahooda ururinta lacagaha baadda ah iyo dhaqdhaqaaqooda militari. Duqayntan ayaa qeyb ka ah howlgallada ballaaran ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, kuwaas oo ay fuliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah. Source: goobjoog.com
  11. Glad to join H.E. President Abdullahi in awarding the 2025 Taiwan Security Scholarship today. The Taiwan Security Scholarship to Somaliland is a national security capacity building initiative endorsed by USA and other like-minded partner countries. Since its inception in 2023, the program has offered acclaimed professional training to Somaliland military officers, including the Military Chief of Staff, Niman Yusuf Osman, and Head of Military Operation, Mustafe Abdi Hassan. This year, SEVEN military and police officers, recommended by the Somaliland government, are joining the growing family of Team Taiwan, who will be studying in associated military academies in Taiwan, hosted by Taiwan’s Ministry of National Defense. We have no doubt these young professionals all deserve the honor to receive the certificates from their Commander in Chief. Qaran News
  12. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQOuXf4a4DZdIbxFlO1FLxAhjPajc-gtjT1UDPPj6pjxgCpTu3EvfQfecgiSnpUqOH4IbrB0_bpeNojufZx205Bz.mp4 Qaran News
  13. Egyptian Minister of Foreign Affairs and Emigration, Badr Abdelatty, held a series of meetings with his counterparts from Somalia, Palestine, Iran and Uzbekistan, on Friday, March 7, on the sidelines of the extraordinary meeting of the Foreign Ministers of the member states of the Organization of Islamic Cooperation (OIC). Source: Hiiraan Online
  14. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa beeniyay wararka sheegaya in la-taliyihiisa sare, bilyaneerka Elon Musk, ay isku dhaceen Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, kulan ka dhacay Aqalka Cad. Wargeyska The New York Times ayaa sheegay in Musk uu muran la galay Rubio, sidoo kalena ay dood adag dhex martay isaga iyo Xoghayaha Gaadiidka, Sean Duffy, intii lagu jiray shir golaha wasiirrada ah oo uu Trump guddoominayay Khamiistii. Elon Musk ayaa madax ka ah Waaxda Waxtarka Dowladda (DOGE), isagoo horseed ka ah qorshe lagu dhimayo kharashaadka iyo shaqaalaha dowladda, arrintaas oo sida la sheegay abuurtay xiisad dhex-martay isaga iyo madaxda kale ee waaxyaha dowladda. Kulanka kadib, Trump ayaa ku dhawaaqay in dhimista kharashaadku sii socon doonto, balse loo adeegsan doono “middi qalliin” halkii “faas” laga adeegsan lahaa, taas oo loo fahmay inuu ka digay tallaabooyinka adag ee Musk. Si kastaba ha ahaatee, markii suxufiyiintu Jimcihii weydiiyeen muranka la sheegay, Trump ayaa meesha ka saaray, isagoo yiri: “Ma jirin wax muran ah. Aniga ayaa goob joog ka ahaa.” Wuxuu sii raaciyay inuu ku kalsoon yahay Musk iyo Rubio labadaba, isagoo sheegay inay “shaqo aad u wanaagsan qabanayaan” isla markaana ay “si aad ah isugu fiican yihiin.” Sida warbixinta The New York Times lagu sheegay, Musk ayaa dhaliilay waxqabadka Rubio ee dhimista kharashaadka Waaxda Arrimaha Dibadda, isaga oo ku eedeeyay inuusan si fiican ugu guulaysan inuu kharashaadka yareeyo. Rubio ayaa ku jawaabay in 1,500 oo shaqaale ah ay hore uga baxeen shaqada si iskood ah, isaga oo si kaftan ah u weydiiyay Musk haddii uu doonayo in shaqaalahaas dib loo soo celiyo si mar kale shaqada looga eryo. Dhinaca kale, Sean Duffy ayaa ku eedeeyay waaxda DOGE inay isku dayday inay shaqada ka ceyriso hawl-wadeennada muhiimka ah ee hagidda diyaaradaha xilli ay dalka ka jiraan cawaaqibka shilal diyaaradeed oo dhowaan dhacay, taas oo keentay in Musk uu Duffy ku tilmaamo inuu “been sheegay,” sida uu weriyey The New York Times. Trump ayaa sida la sheegay soo dhexgalay muranka si uu u joojiyo doodda, isagoo soo jeediyay in hadda kaddib hawl-wadeennada duulista laga soo xusho “khubarada sare” ee wax ka barata jaamacadaha caanka ah sida MIT. Warbaahinta kala duwan ee Maraykanka ayaa dhanka kale tebisay in xiisado ay jiraan u dhexeeya Musk iyo saraakiil sare oo dowladda ka tirsan, kuwaas oo kooxdiisa dhalinyarada ah ee DOGE—oo laga soo qoray Silicon Valley—ku eedeeyay inay dhaafeen xuduudda awooddooda. The post Elon Musk iyo Rubio oo isku dhacay iyo Trump oo ka hadlay appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah darawallada Bajaajleyda ayaa maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyaga oo ka cabanayo Taliska Taraafikada ee gobolka Banaadir. Darawallada oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay ujeedka banaan-baxooda, waxayna sheegeen in iyaga iyo Taraafikada ay isku hayaan arrimo la xiriira Leesinka. Oday kamid ah Bajaajleyda ayaa sheegay in Leesinkiisa uu ku maqan yahay wasaaradda gaadiidka, welina aanu soo bixin, haddana ay dhib ku hayaan ciidamada Taraafikada. “Leesinkeyga aniga waxaa iga qabto wasaaradda gaadiidka welina imtaxaanka ma helin inaan baasay iyo in kale, ninkii aan ka rabayna wuu i fasixi la’ahay” ayuu yiri mid kamid darawallada dhigay dibad-baxa. Sidoo kale darawal kale ayaa goobta ka sheegay in xittaa lacago ay ka qaadaan ciidanka Taraafikada marka ay ku qabtaan waddooyinka, taasina ay tahay caqabad soo korortay. “Maalin kasta marka laga reebo jimcaha waxaa nagala qaadaa 5 dollar, annagana inteena badan mootooyinka waxaan ku wadnaa kiro marka Soona waa lagu jiraa Taraafikana dhib wayn ayay nagu haysaa” ayuu yiri darawal kale oo Bajaajle ah. Intaas kadib waxaa dibad-baxayaasha u tegay taliye ku xigeenka Taraafikada Najiib Carab, isaga oo u ballan qaaday in cabashadooda si deg deg ah wax looga qaban doono. “Dad aad ku qanacsan tihiin oo guddi ah soo dira go’aan annaga ayaa soo siineyno” ayuu yiri Taliye Najiib Carab oo goobta kula hadlay dibadbaxayaasha. Bajaajleyda Muqdisho ayaa marar badan dibad-baxyo cabasho ah ka dhigay wadooyinka caasimada, waxayna arrintooda noqotay mid soo laa laabatay oo loo la’yahay xal waara. The post Daawo: Bajaajleyda iyo Taraafikada oo ay ka dhex-tafatay – Maxaa la’isku hayaa? appeared first on Caasimada Online.
  16. Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ciidamo ka tirsan kuwa dadka deegaanka lagula eegtay aagga deegaanka Xawaaley oo u dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay bar-kontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Macawiisleyda, taas oo ku taalla halka loo yaqaanno Jameeco Misro-yarey, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan qaraxa ah ku dhintay ugu yaraan laba qof oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen laba askari oo kamid ah ciidanka Macawiisleyda. Dhaawacyada askarta oo xaaladooda liidato ayaa lagu soo warramayaa in deg-deg ah loogu soo qaaday magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad. Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana isku fidiyay ciidamada deegaanka oo howlgal lagu baadi goobayo raggii falka ka dambeeyay ka wada halkaas. Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii maleeshiyaadka argagixisada ah ay soo galeen deegaannada gobolkaasi, iyaga oo kasoo tallaabay deegaanada dhaca jinka wabiga Shabelle. Balcad ayaa kamid ah meelaha lagu arkay xubnaha Khawaarijta oo saacado kooban kadib dib uga baxay, waxaana haatan halkaas ku sugan ciidanka Xoogga dalka. Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashaaneyso dadka deegaanka ayaa haatan gobolka ka wadda howlgallo looga difaacayo inay Al-Shabaab dib ugu soo laabtaan deegaanadii horay looga saaray. Dagaalka ayaa sidoo kale weji cusub yeeshay, waxaana kusoo biiray Itoobiya oo ciidamadii ugu badnaa soo gelisay xadka Soomaaliya, kuwaas oo haatan ay gaareen deegaanka Feerfeer, iyaga oo kadib usii gudbaya furinta hore ee Shabeelaha Dhexe. The post Ciidamo Macawiisley ah oo maanta lala beegsaday qarax culus + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) – The Ethiopian government has deployed a large number of Ethiopian National Defense Forces (ENDF) near the border town of Feerfeer, which lies along the Ethiopia-Somalia border, Ethiopian media reported on Saturday. Source: Hiiraan Online
  18. Jeddah (Caasimada Online) – Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si rasmi ah Sabtida maanta ah u ansixiyay soo-jeedin kasoo baxday Jaamacadda Carabta oo looga soo horjeedo qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee la wareegidda Gaza iyo barakicinta dadka halkaasi ku nool, waxaana ururku bulshada caalamka ugu baaqay inay taageeraan hindisaha gobolka. Go’aankan, oo ay qaateen 57-ka dal ee xubnaha ka ah OIC, ayaa yimid kadib shir degdeg ah oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee Sacuudiga, saddex maalmood un kadib markii Jaamacadda Carabtu qorshahaas ku meel marisay shir madaxeed lagu qabtay magaalada Qaahira. Hindisaha ay soo diyaarisay dalka Masar, oo ah mid looga jawaabayo qorshaha Trump oo si ballaaran loo cambaareeyay, ayaa soo jeedinaya in dib loo dhiso Marinka Gaza iyadoo maamulka mustaqbalka ee deegaanka lagu wareejinayo Maamulka Falastiin ee kooxda Fatax ay hogaamiso. “OIC waxay si rasmi ah u qaadatay qorshaha dib u soo kabashada iyo dib-u-dhiska degdegga ah ee Gaza,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka. Ururkan oo matala dalalka Islaamka ayaa sidoo kale ku boorriyey bulshada caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee maalgelinta inay si dhaqso ah u bixiyaan taageerada dhaqaale iyo midda farsamo ee loo baahan yahay. Trump ayaa caro weyn oo caalami ah kiciyay markii uu sheegay inuu doonayo in Maraykanku uu “la wareego” Gaza, uuna ka dhigo “Riviera-da Bariga Dhexe,” isagoo isla markaana soo jeediyay in dadka Falastiiniyiinta lagu qasbo inay u guuraan Masar ama Jordan. Masar oo fileysa taageero caalami ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa soo dhoweeyay taageerada OIC, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in qorshahan uu heli doono taageero caalami ah, gaar ahaan Midowga Yurub iyo quwadaha kale ee waaweyn sida Japan, Ruushka, Shiinaha iyo Maraykanka. “Tallaabada xigta waa in qorshuhu noqdo mid caalami ah oo ay ansixiyaan Midowga Yurub iyo dhinacyo kale oo muhiim ah,” ayuu yiri Abdelatty, isagoo intaa ku daray inay xiriir joogto ah la leeyihiin dhammaan dhinacyada muhiimka ah, oo uu ku jiro Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, hindisaha Masar, oo aan wax door ah u qoondaynin ururka Hamas oo hadda gacanta ku haya Gaza, ayaa horey waxaa u diiday dalalka Maraykanka iyo Israa’iil labaduba. “Qorshaha Masar ma buuxinayo filashada Washington,” ayay Khamiistii weriyayaasha u sheegtay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Tammy Bruce. Wakiilka Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa isagu muujiyay aragti ka dabacsan, isagoo ku tilmaamay soojeedinta Masar inay tahay “tallaabo wanaagsan oo ay Masaaridu qaadayaan niyad wanaag.” Rabha Seif Allam oo ka tirsan Xarunta Al-Ahram ee Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda ee Qaahira ayaa sheegtay in qorshaha Trump uu mideeyay dalalka Carabta oo hadda ku mideysan diidmada qorshahaasi. “Masar waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay isbahaysi ballaaran uga abuuri lahayd taageerada qorshaheeda, iyadoo si adag uga soo horjeedda barakicinta dadka Falastiiniyiinta ee Gaza,” ayay tiri. The post Qorshaha dalalka Islaamka ee Gaza oo la shaaciyey (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  19. Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Syria oo fadhigeedu yahay dalka UK ayaa sheegtay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad ay ku dhinteen dad ka badan 200 oo qof. Iska horimaadyadan oo ka socda deeganada xeebaha ee Suuriya ayaa ah kuwii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo markii kooxaha fallaagada ah ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Taxriir al-Sham ay xukunka ka xayuubiyeen Bashaar Al-Asad horaantii bishii December ee sanadkii hore. Subaxnimadii Jimcihii shalay , ciidamo badan oo Suuriyaan ah oo hoos taga maamulka cusub ee Islaamiyiinta ayaa la geeyay ,magaalada Latakia, halkaas oo bandow lagu soo roggay, dadka rayidka ah lagu amray inay guryahooda ku ekaadaan. Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Syria oo fadhigeedu yahay Britain ayaa ku warameysa in duleedka magaalooyinka xeebaha ay weli gacanta ku hayaan ciidamada daacadda u ah Asad. Ciidamadan waxaa kaloo ay weli gacanta ku hayaan magaalada Qardah ee ku taal buuraleyda ku teedsan xeebaha, oo ah halkii uu ku dhashay Bashaar Al-asad. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhex qarxay Ciidamo taabacsan Bashaar Al-Asad iyo Ciidamada Ammaanka Suuriya appeared first on Puntland Post.
  20. FILE – Puntland security forces parade newly trained soldiers and equipment to combat Islamic State in Bosasso, Puntland region, Somalia, on Jan. 30, 2025. WASHINGTON — One month ago, on the morning of Feb. 4, forces from Somalia’s Puntland region attacked Islamic State terror group fighters, who responded with drones, suicide attacks and infantry charges. Regional officials said 15 soldiers were killed in the fighting near the village of Qurac. But hours later, the terrorist fighters were forced to vacate their positions, leaving behind at least 57 of their dead. The following week, the Islamic State, also known as IS, ISIS or Daesh, carried out a major counterattack, sending multiple suicide bombers and a wave of fighters against Somali forces in the Togjaceel valley, in Puntland’s Cal Miskaad mountains. Regional officials say the gun battle resulted in some 100 fatalities — 28 soldiers and more than 70 militants. But again, IS fighters had to retreat, and soon lost three bases to the Puntland forces. BREAKING: ISIS militants reportedly carried out a dawn attack involving multiple suicide bombers in Cal-Miskaat mountains early Tuesday. Early reports indicate Somalia’s Puntland forces held their ground, repelling the attack. Puntland counterterrorism platforms posted images… https://t.co/YWWULE4mpr — Harun Maruf (@HarunMaruf) February 11, 2025 The battles are part of a recent offensive against Islamic State fighters holed up in the mountains of semi-autonomous Puntland. Observers say the success, while most certainly welcome, came somewhat as a surprise. Military commanders had expected that as they got closer to the area’s main IS strongholds of Shebaab, Dhaadaar and Dhasaan, that the terror group would fight hard and launch frequent counterattacks. But that has not been the case. The Puntland forces have been capturing caves and small villages one after the other, and they have routed IS from the strategic 40-kilometer-long Togjaceel Valley, from Turmasaale to Dhasaan. Somali officials told VOA it appears that the IS fighters, rather than trying to hold their positions, have fled, breaking into three groups, all headed in different directions. About 100 IS fighters, along with some family members, have sought to escape to Karinka Qandala, another mountainous area to the north of the group’s former stronghold in the Togjaceel Valley. Two larger groups fled to Tog Miraale and Tog Curaar, to the west and northwest. The group that went northwest, according to officials, was hit by airstrikes in the vicinity of Miraale Village. “Intelligence assessments indicate a high likelihood of attempts to establish new safe havens following their retreat,” according to Brigadier General Ahmed Abdullahi Sheikh, the former commander of Somalia’s U.S.-trained Danab forces. “The offensive, though appearing conventional, has consistently involved guerilla tactics,” said Sheikh, who has been closely following the offensive in his home region. “The Togjaceel Valley defeat will likely drive ISIS to intensify asymmetric warfare, launching an attempt on irregular campaign against Puntland.” Sheikh said he believes Puntland’s counterterrorism force has the numbers and the resources to carry out a protracted conflict with IS. FILE – Puntland security forces celebrate in Balidhidin village, Puntland region, Somalia, on Jan. 26, 2025. The United Arab Emirates has been providing air support, including airstrikes against the militants. The United States also carried out two rounds of airstrikes targeting IS last month. The U.S. strikes are thought to have killed 16 militants, including Ahmed Maeleninine, described by U.S. officials as a “recruiter, financier and external operations leader responsible for the deployment of jihadists into the United States and across Europe.” The Pentagon declined comment when asked about the apparent IS retreat. But a U.S. defense official, speaking on the condition of anonymity in order to discuss an ongoing operation, indicated Washington is prepared to potentially lend additional help. “The Department remains committed to supporting our partners in our shared efforts to disrupt, degrade and defeat terrorist organizations in the Horn of Africa,” the official told VOA. Other observers said the “persistent” pressure by the Somali forces, along with help from the U.S. and UAE, appears to be paying off. “Indications [are] that the Puntland forces are making real progress against ISIS in Somalia’s hideouts,” a former senior Western counterterrorism official told VOA, requesting anonymity to discuss the ongoing developments. “The question is whether they [the Puntland forces] will be able to continue to hold the captured hideouts, or whether ISIS will be able to return in the coming weeks and months,” the official said. FILE – Puntland security forces walk in formation in Balidhidin village, Puntland region, Somalia, on Jan. 26, 2025. If the Somali forces are able to hold the captured territory, though, the damage to the terror group could extend well beyond Somalia’s borders. “Given the central role of the al-Karrar office in financing the wider ISIS network, there could be some knock-on impact,” said the former Western counterterrorism official. Al-Karrar is one of nine regional Islamic State offices established to help sustain the terror group’s capabilities. Since 2022, the office has been a key cog in the terror group’s financial network, funneling money to affiliates in Afghanistan and elsewhere in Africa. Concerns, however, remain. Regional security analysts warn IS could regroup if Puntland’s counterterrorism forces are unable to maintain their pursuit. “Their mobile special forces have been the pointed end of the spear,” said Samira Gaid, a Horn of Africa security analyst. “For the moment, it appears that the Puntland forces are committed and well resourced,” she told VOA. “However, much will depend on the Puntland forces then securing and manning the territories it will liberate to ensure the group does not make a comeback.” As for IS, the terror group is “attempting to melt into the population, though this is difficult,” said Gaid. “It’s the natural progression when faced by a force that is superior.” The tactic also may have bought IS time to hide some of its most prominent and most important leaders. Somali forces have found no trace of Abdul Qadir Mumin, thought to lead not just IS-Somalia but the entire IS terror operation. IS-Somalia operational commander Abdirahman Fahiye Isse and IS-Somalia finance chief Abdiweli Mohamed Yusuf are also in hiding. Somali officials have nonetheless appealed to them, and to Fahiye in particular, to surrender. “The people whom you think will give you a sanctuary are guiding the army,” Puntland military commander General Adan Abdihashi said after capturing Mumin’s headquarters on March 1. “Don’t put young people in harm’s way,” Abdihashi said. “I swear to God, you will get the punishment you deserve.” Said Abdullahi Deni, Puntland region’s leader, has also offered IS members in Somalia, including women and children, a chance to surrender and for foreign fighters to possibly even return to their countries of origin. “They [IS] envisioned it as a place where they cannot be seen, strategically a tough place, and gives them access to the Indian Ocean and Gulf of Aden and the Arabian Gulf,” he said. But he has warned Puntland’s forces are prepared to hunt and eliminate remnants of the terror group “until all terrorists, their movement and their bases are eliminated.” Various estimates from Somali and Western counterterrorism officials put the number of IS fighters in Somalia at up to 1,600, bolstered by an influx of fighters from Ethiopia, Morocco, Sudan, Syria, Tanzania and Yemen. Experts such as Samira Gaid said IS-Somalia’s growing numbers combined with the difficult terrain in Puntland’s mountains may have led to overconfidence. “The miscalculation to face the Puntland forces seemed to have been their folly,” she said, adding that about 500 IS fighters have been killed in the recent fighting. IS-Somalia has suffered “grave losses,” Gaid said, “and will most likely not be recovering in the short to medium term.” This story is a collaboration between VOA’s Africa Division and the News Center. Source VOA The post Islamic State in retreat after offensive in Somalia’s Puntland appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo qoraal soo saaray ayaa bogaadiyay tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ee ku aadan dib u fasixidda duulimaadyada diyaaradaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Saacid ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo go’aanka dowladda, wuxuuna tilmaamay inuu yahay tallaabo loo qaaday dhanka wanaaga. Sidoo kale wuxuu cadeeyay in Dowladda laga fadhiyo inay qaado xayiraadaha kale ee saaran magaalooyin kale ee Jubaland, si loo xaliyo dhibaatada ka taagan halkaasi. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka ay Dowladda Federaalka uga qaaday xayiraaddii duulimaadyada magaalada Baardheere, waa tallaabo loo qaaday dhanka saxda ah” ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe inay ka fiirsato go’aanada xayiraadda ah, maadaama ay ka dhalaneyso dhibaato xooggan oo dhaqaale iyo dhibaato soo gaareysa dadka shacabka ah ee aan siyaasadda ku jirin. “Sidoo kale, waxaan mar kale ugu baaqayaa Dowladda Federaalka inay si degdeg ah u fasaxdo duulimaadyada magaalooyinka kale ee Jubaland. Mar dambe in xayiraad la saaro qeyb kamid ah dalka waa in laga fogaadaa” ayuu sii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo toddobaadkii lasoo dhaafay ay Baardheere ku geeriyootay hooyo umul ahayd laguna magacaabi jiray Farxiyo Xuseen, taas oo xaaladeeda wax looga qaban waayey degmada, kadibna la waayay diyaarad soo qaada. The post R/W Saacid oo bogaadiyay tallaabo ay qaaday DF appeared first on Caasimada Online.
  22. Xukuumadda Somaliland ayaa saaka aroortii hore fulisay xukun qisaas ah oo dil toogasho ah, kaas oo lagu fuliyay laba gacan-ku-dhiigle oo hore u geystay dilal ka dhacay magaalada Hargeysa. Xukunka qisaasta ah ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo ku taalla duleedka Xabsiga Mandheera. Labada gacan-ku-dhiigle ee la qisaasay ayaa kala ahaa: Askarigii dilay Taliyihii Saldhigga Maxamed Mooge: Askarigan, ayaa 18-kii Febraayo 2025 middi ku dilay Taliyihii Saldhigga Booliiska Xaafadda Maxamed Mooge ee Hargeysa, Gaashaanle Cabdi Cali Nuur. Dilka ayaa dhacay xilli uu taliyuhu ku guda jiray shaqadiisa maalinlaha ah. Askarigii dilay sarkaal kale oo ka tirsan Ciidanka Booliiska: Askarigan ayaa sidoo kale middi ku dilay sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland, falkaas oo ka dhacay magaalada Gibiley. Maxkamadda Ciidamada Somaliland ayaa hore xukun dil toogasho ah ugu ridday labada askari ee geystay dilalkan, waxaana saaka xukunkaas la fuliyay. Fulinta xukunnada qisaasta ah ee noocan oo kale ah ayaa ah markii labaad oo ay xukuumadda haatan talada haysaa ee Somaliland fuliso, waxaana la filayaa in tallaabadani ay qayb weyn ka qaadato sugidda ammaanka iyo hirgelinta cadaaladda dalka. Source: goobjoog.com
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada mid ka mid ah kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo lasoo buuxiyay kursigaasi. Kursigan oo tirsigiisu ahaa HOP#049 una horay ugu fadhiyay Mustaf Sheekh Cali Dhuxlow ayaa waxaa saaka loo doortay Maxamed Cabdi Cali Faarax, kaas oo sidaas uga mid noqonaya mudaneyaasha Golaha Shacabka. Mustaf Dhuxulow ayaa lumiyay xubinnimadii Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib markii loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Xildhibaanka soo baxay Maxamed Cabdi Cali Faarax ayaa loo xiray kursigan, waxaana lasii ogaa natiijada, maadaama ay la tartamay gabar malxiis ahaan loo soo diyaariyay. Sidoo kale xildhibaanka cusub ee lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhalay ganacsadaha caanka ah Cabdi Cali Faarax ee kasoo jeeda Galmudug. Dhinaca kale waxaa weli jira kuraas kale oo ka banaan baarlamaanka Soomaaliya, waana illaa 3 kursi oo kala ah kursigii uu ka tegay agaasimaha hay’adda NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo laba kuraas kale oo ay ka geeriyoodeen AUN xildhibaanada kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Maxamed Seeseey. Si kastaba, tallaabadaan uu qaaday guddiga doorashada ayaa ka dambeysay, kadib markii 25-kii Bishii lasoo dhaafay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu warqad uu u diray guddiga doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday inay si dhaqso leh kusoo buuxiyaan kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya. The post Yaa kusoo baxay doorashada kursigii Mustaf Dhuxulow? appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cilad lama filaan ah ay ku timid qadka internet-ka Soomaaliya, taas oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho iyo dalka intiisa kale. Ciladda ayaa la xiriirta culeys ku yimid guud ahaan adeegga internet-ka, waxaana hoos u dhacay xawaarihiisa oo si weyn ay u dareemeen dadweynaha isticmaala. Wararka ayaa sheegaya in cilad ay ku timid mid kamid ah xargaha xambaara internet-ka ee mara gacanka Cadmeed, waxayna taas sababtay in hoos u dhac uu ku yimaado xawaaraha internet-ka. Soomaaliya oo kaliya ma ahan, waxaana sidoo kale ciladda internet-ka ay gaartay waddamada Masar, Pakistan iyo Kenya, maadaama ay iyaguna isticmaalaan xargaha mara badda hoosteeda. Dhinaca kale shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa xaqiijisay ciladda soo korortay oo si weyn loo dareemay maalmihii lasoo dhaafay, waxaya macaamiisha la wadaagtay farrriin wargelin ah. “Waxaa cillad ku timid mid ka mid ah xargaha xambaara internet-ka ee badda hoosteeda mara, gaar ahaan aagga Badda Cas. Arrintan waxay saameyn ku yeelatay adeegyada internet-ka ee Soomaaliya, Kenya, Masar, iyo Pakistan, taasoo keentay hoos u dhac xawaare” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom. Sidoo kale farriin kale oo ay goordhow soo saartay shirkadda ayaa waxa ay ku sheegtay in la xalliyay ciladdii ku timid internet-ka, ayna ka howlgaleen kooxda farsamada ee shirkadda Hormuud oo kaashanaya khubaro caalami ah. “Macaamiilkeena sharafta leh, Waxaan kuugu bishaaraynaynaa in aan xallinnay culeyskii internet-ka ee ka dhashay cillad soo gaartay mid kamid ah xargaha internet-ka xambaara ee mara badda hoosteeda” ayay mar kale qoraal ay soo saartay ku tiri Hormuud. Marar kala duwan ayay cilad weyn ku timid adeegga internet-ka ee guud ahaan dalka, waxaana ka dhasha saameyn ballaaran, maadaama ay aad ugu xiran yihiin dadka Soomaaliyeed. The post Maxay tahay ciladda ku timid Internet-ka Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  25. Xukuumadda Somaliland ayaa saaka subaxdii hore deegaanka Mandhwera ku fulisay qisaas labada nin ee saaka la qisaasay ayaa dilal fool xun ka gala geysyay magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiilay. Qaran News