Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Nabadoon laga soo badbaadiyay weerarkii saaka ay Al-Shabaab ku qaadeen hotel ku yaalla magaalada Beledweyne ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in muddo dheer uu dagaallamay, ugu dambeyntiina uu naftiisa badbaadsaday isagoo dhaawac fudud qaba. “Salaaddii subax annaga oo cibaado ku jirna ayay nagu dhufteen gaari nooca Leylo ah oo qarax ay ku soo rareen. Kadibna, waxaa gudaha hotelka soo galay rag hubeysan oo aan ku qiyaasay 6 ilaa 7 qof. Aniga iyo rag kale aad ayaan u dagaallannay,” ayuu yiri. Nabadoonkan ayaa sheegay in markii hore ay iska caabiyeen kooxda, balse uu jiro qof kale oo is qarxiyay markii ay cabbaar dagaallamayeen. Wixii qaraxa labaad ka dambeeyay ayay u suurtagashay inay rag badan ka dilaan kooxdii weerarka soo qaaday. “Aniga dadkii soo jeeday ayaan ka mid ahaa, kitaab ayaan akhrisanayay, wax yar kadibna waxaan rabay inaan baxo, balse waxaa billowday weerarkan. Waxaan ka mid ahaa raggii dagaallamay, dhibaato badan iyo dagaal culus ayaa ka dhacay hotelka. Markii ciidanka dowladda ay howlgalka soo galeen ayaan isaga baxay goobta,” ayuu yiri. Odaygan ayaa sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray weerarka, isagoo intaas ku daray in rag badan dhinteen, inkastoo uusan sheegin tiro rasmi ah. Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhammaan dagaalyahannadii Shabaab ee weerarka soo qaaday la laayay, balse ay weli nool yihiin labo ka mid ah oo gudaha hotelka ku dagaallamaya, kuwaas oo ciidamada ammaanka ay ku howlan yihiin sidii loo afjari lahaa. “Weli howlgalka waa socda. Labo kamid ah ragga weerarka soo qaaday ayaa weli dagaallamaya. Markii lasoo afjaro ayaan warbaahinta xog rasmi ah siin doonaa,” ayuu yiri mid ka mid ah nabadoonnadii hotelka deganaa oo maqribkii la hadlay warbaahinta. Ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah Galbeedka Beledweyne, ayaa ku dhintay, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen weerar qarax ku billowday oo rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay saaka aroortii ku qaadeen hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne. Wararka ka imanaya magaalada ayaa sheegaya in ilaa iyo caawa rasaas goos-goos ah laga maqlayay gudaha hotelka, halkaas oo ay hareereysan yihiin ciidamada dowladda, kuwa Jabuuti ee Hiil-Walaal, iyo ciidamo Itoobiyaan ah. Hoos ka daawo The post Nabadoon la dagaalamay Shabaab-kii Hotelka galay oo xog culus bixiyey (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  2. Ciidanka Booliska Puntland oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay maanta xabsiga dhigeen eedaysane Cabdifitaax Cabdinuur Faarax loo haysto in uu jir-dil ku sameeyay wiil yar oo Yemeni kaasi oo uu ku dhex garaacay suuqa INJ ee magaalada Garoowe. “Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay eedaysane lagu arkay muuqaal baraha bulshada lagu faafiyey, isagoo si xun u jirdilaya ilmo yar suuqa magaalada Garoowe. Eedeysanaha ayaa magaciisu yahay Cabdifitaax Cabdinuur Faarax” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland. Taliska Booliska ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanka hordhaca ah oo ay sameeyeeen uu caddeeyey in eedaysanuhu uusan ka tirsanayn Ciidanka Booliska Puntland ama hay’adaha kale ee amniga, Sidaas darteed waxay sheegeen in uu fal-dambiyeed ku galay isticmaalka dharka Ciidanka iyo xadgudubka xuquuqda ilmaha yar. “Baaritaanka hordhaca ah ee Boolisku sameeyey ayaa caddeeyey in eedaysanuhu uusan ka tirsanayn Ciidanka Booliska Puntland ama hay’adaha kale ee amniga. Sidaas darteed, wuxuu fal-dambiyeed ku galay isticmaalka dharka Ciidanka iyo xadgudubka xuquuqda ilmaha yar. Eedeysanaha ayaa ka mid ah waardiyeyaasha Suuqa Inji ee Garoowe.” “Ciidanka Boolisku, iyagoo fulinaya waajibaadkooda sugidda amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, ayaa degdeg uga falceliyey dhacdadan, waxaana eedaysanaha loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka si sharciga loola tiigsado” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland. Ciidanka Booliska ayaa caddeeyay in dhammaan sharciga la marsiin doono cid kasta oo ku lug leh falal ka hor imaanaya xeerarka iyo anshaxa Ciidanka, kana dhan ah ilaalinta xuquuqda shacabka. Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in uu xoojiyey dadaallada la dagaallanka cid kasta oo si khaldan u adeegsaneysa dharka iyo magaca Ciidanka. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo xabsiga dhigay eedaysane loo haysto in uu suuqa Garoowe ku dhex jirdilay wiil yar oo Yemeni ah appeared first on Puntland Post.
  3. Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa maanta socdaal muhiim ah ku tagay Gobalka Saaxil si uu u hubiyo hawlaha nabadgelyo ee Gobalka. Taliyaha ayaa Taliska Qaybta Saaxil kulan kula qaatay Taliyaha Qaybta iyo saraakiisha ciidanka ee gobolka, isagoo ugu horreyn warbixin ka dhagaystay Taliyaha Qaybta iyo Taliye ku xigeenka gobolka, isla markaana waxay uga warbixiyeen xaaladda nabadgelyo ee ka jirta Gobalka. Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan Taliyaha Ciidanka Booliska JSL ayaa sidoo kale ciidamadu ku dardaaray in ay si buuxda uga shaqeeyaan xoojinta xaaladda nabadgelyo ee gobolka Saaxil, sidoo kalena dardar geliyan hawlaha amniga ee Gobalka. Ugu dambeyntii, Taliyaha ayaa kormeer ku tagay saldhigyada Booliska ee muhiimka ah sida Saldhiga Dhexe iyo Saldhiga Dekeda, Saldhiga Wadajir iyo Kayd Haamaha shidaalka ee Magaalada Berbera , si uu u hubiyo shaqada Ciidanka iyo sidii loo adkeyn lahaa ammaanka guud ee gobolka Saaxil. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hortagay qaar ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku soo dhaawacmay dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa Allaah uga baryay inuu caafimaad taam ah siiyo geesiyaasha dhaawaca ah ee habeen iyo maalin u taagan difaaca diinta, dadka, iyo dalkeenna hooyo. Sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya madaxweynaha oo mid mid u salaamaya, una xog-waraynaya askarta dhaawaca ah. Markii uu goobta booqday madaxweynuhu, waxaa ciidamada dhaawacyada qaba laga soo dejinayay diyaarad milateri. Goobta waxaa taagnaa gaadiidka ambalaasta oo loogu qaaday isbitaallada Muqdisho. Askarta uu madaxweynuhu dhaawacyadooda ku sugay kuna arkay gudaha garoonka waxay ku soo dhaawacmeen dagaallo culus oo maanta ay Shabaab kula galeen deegaanada Bursa-Sheekh iyo Labo-Garas oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe. Askartan ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidankii kasoo goostay Jubbaland, kuwaas oo dhowaan laga qaaday Muqdisho, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerarro rogaal-celis ah ku soo qaaday gobolka Shabeellaha Dhexe. Dowladdu waxay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu garoonka uga hortagay dhaawacyada askarta, balse wararka qaar waxay sheegayaan in Xasan Sheekh oo ka yimid Imaaraadka uu garoonka kula kulmay askartan dhaawaca ah oo laga keenay Shabeellaha Dhexe. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada dagaal cirka iyo dhulka ah oo lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dalka qaarkood. Si gaar ah, gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka socda dagaal aan kala joogsi lahayn. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo sameeyey arrin aad loo amaanay appeared first on Caasimada Online.
  5. (ERGO) – Conflict between Puntland forces and the terrorist group Islamic State, or Daesh, is preventing local farmers in Bari region from accessing their frankincense trees, whose harvests they depend on for a living. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) — The National Intelligence and Security Agency (NISA) said it carried out a successful operation in the Basro region of Lower Shabelle late last night, targeting Al-Shabaab militants. The operation, which followed careful planning, resulted in the deaths of at least 16 militants, including key leaders and fighters. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hor tagey qaar ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku soo dhaawacmey dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab. Madaxweynaha ayaa Allah uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo geesiyaasha dhaawaca ah ee habeen iyo maalin u taagan difaaca diinta, dadka iyo dalkeenna hooyo. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto Daryeelka Ciidanka kusoo dhaawacma dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada dagaal cirka iyo dhulka ah oo lagu ciribtirayo haraadiga kooxda AS ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dalka qaarkood. Source: goobjoog.com
  8. Mogadishu (HOL) — African Union forces in Beledweyne, specifically troops from Djibouti participating in the new AUSSOM operation, have joined efforts to end a violent Al-Shabaab attack on the Cairo Hotel. The assault, which began early this morning, has led to extensive casualties and damage. Source: Hiiraan Online
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQM-L_PgIB6Xv7yVXVdLHAZ8FNMAPi5DSsQmYRl5OOh22JOLO3snJduAQmQxRkYaCONYUUzDguwyILGuqAuWn51l.mp4 Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay aagga deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda. “Howlgalkan oo labo jeer oo kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta, waxa uu guuleystay in lagu soo afjaro nolosha 16 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad,” ayaa lagu yiri bayaanka NISA. Sida ay hay’addu sheegtay, xubnahaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku go’doonsanaa dhul hawd ah oo ku dhow deegaanka Basro. Sidoo kale, howlgalka ayaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen xubnaha la beegsaday, taasoo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda kooxaha Khawaarijta, sida ay shaacisay NISA. Warkaan kasoo baxay hay’adda ayaa lagu xustay in wada-shaqeynta ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay sii socon doonto, iyagoo ku hanjabay in la beegsan doono goob kasta oo ay ku dhuumanayaan kooxaha argagixisada ah. “Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, waxay sii wadi doonaan howlgallada lagu beegsanayo cadawga, si looga takhaluso khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka NISA. Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tegay ka sii xoogeysanayey gobolka Shabeellaha Dhexe oo deris la ah Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, halkaasi oo kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen duullaan xooggan. Dagaallo ciidamada dowladda, oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab ku dhex-maray Shabeellaha Dhexe, ayaa dhaliyey khasaare naf oo xooggan, welina waxaa lagu dagaalamayaa deegaanada fog ee gobolkaas. Deegaanka uu howlgalkaani ka dhacay ee Basra ayaa aad ugu dhow magaalada Muqdisho, balse waa deegaan ku yaalla dhul howd ah oo beeraley ah, waxaana marar badan dowladda ku adkaatay in aagga ay ka sifeyso kooxda Al-Shabaab. The post DF oo Al-Shabaab badan ku dishay deegaan muhiim ah oo ku dhow Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  11. On 13th December 2024, Somalia reached the Highly Indebted Poor Countries Initiative (HIPC) Completion Point to attain debt relief from the major creditors including the World Bank, African Development Bank and International Monetary Fund (IMF) Source: Hiiraan Online
  12. Armed Islamists have stormed a hotel in the city of Beledweyne in central Somalia, and a siege is ongoing, police and witnesses have said. Source: Hiiraan Online
  13. Ankara (Caasimada Online) – Turkigu waxa uu hor istaagi doonaa wax iskaashi cusub ah, oo ay ku jiraan dhoola-tusyada militari, oo dhexmara Israa’iil iyo NATO illaa laga xaqiijiyo xabbad-joojin rasmi ah oo Gaza ka hirgasha, sida ay ilo-wareedyo rasmi ah oo Turkshi ah u sheegeen shabakadda Middle East Eye, Isniintii. Wargeyska Israa’iil ah ee Yedioth Ahronoth ayaa dhammaadkii asbuucan ku warramay in Turkigu uu hor istaagay Israa’iil inay ka qayb qaadato dhoola-tuska sanadlaha ah ee NATO ee ku saabsan “adkeysiga iyo diyaar garowga xaaladaha deg-degga ah” oo ka dhici doona Bulgaria, bisha September. Ilo-wareedyo laba ah oo Israa’iili ah ayaa u xaqiijiyay Middle East Eye in Ankara ay hor istaagtay ka qayb qaadashada dalkooda ee dhoola-tuska. Hal ilowareed ayaa sheegay in tallaabadan danbe ay macquul tahay in ay la xiriirto hadallo kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaasoo ballan qaaday inuu ilaalin doono bulshooyinka Druze iyo Kurdida ee Suuriya. Hadalladan iyo joogitaanka militari ee Israa’iil ee Suuriya ayaa ka careysiiyay Ankara, oo aaminsan in Netanyahu uu rabo inuu kala qaybiyo dalka. Jawaabta Turkey Hase yeeshee, ilowareed rasmi ah oo Turkish ah ayaa inkiray in tallaabadan ay wax lug ah ku leedahay arrinta Suuriya. “Waxaan hor istaagaynay Israa’iil iskaashiyo cusub oo ay la yeelato NATO muddo ka badan sannad,” ayuu yiri ilo-wareedka. “Si kastaba ha ahaatee, howlaha ka dhashay xaaladda Israa’iil ee NATO waa ay socdaan.” Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in marka laga reebo hawlihii horey loogu heshiiyay dagaalka ka hor, Ankara ay awood u leedahay inay diidmo (veto) ku sameyso go’aan kasta oo NATO dhexdeeda ah, taasoo ku shaqeysa go’aanno midaysan. “Ilaa laga xaqiijiyo xabbad-joojin rasmi ah oo Gaza ka hirgasha, caqabadahana laga qaado gargaarka bani’aadannimo, ma ogolaaneyno go’aanno cusub ama kuwo dheeraad ah in la gaaro ama dhaq-dhaqaaqyo o cusub lagu abaabulo NATO oo ku saabsan Israa’iil,” ayuu yiri ilo-wareedka. Ankara ayaa horey u hor istaagtay Israa’iil inay hesho heerka indha-indheeye ee NATO, mowqifkaas oo ay meesha ka saartay intii lagu guda jiray hannaankii dib-u-heshiisiinta ee dhexmaray labada dal sannadkii 2023. Xiriirka Israel iyo Turkey Xiriirka Turkiga iyo Israa’iil ayaa si ba’an u xumaaday tan iyo markii kulan u uku dhexmaray Erdogan iyo Netanyahu magaalada New York bishii September 2023, kaasoo ujeedkiisu ahaa inuu noqdo astaan dib-u-heshiisiin. Si kastaba ha ahaatee, kadib weerarkii ay Hamas hoggaaminaysay 7 October 2023 iyo dagaalkii xigay ee Israa’iil ay ku qaaday Gaza, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 48,000 oo Falastiiniyiin ah, Ankara ayaa xoojisay dhaleeceynteeda dowladda Netanyahu. Tani waxay horseedday taxane tallaabooyin ah, oo ay ku jiraan tallaabooyin sharci ah iyo cunaqabatayn ganacsi, gaar ahaan ka dib doorashooyinkii deegaanka ee Turkiga, halkaasoo Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ee Erdogan uu waayay taageero sababo la xiriira jawaab celin daciif ah oo laga bixiyay dagaalka Gaza. Tan iyo bishii September, ganacsiga socda ee Turkiga ee Israa’iil iyada oo loo marayo dhinacyo saddexaad ah iyo Falastiin ayaa kiciyay olole cadaadis dadweyne ah oo ay wadaan mucaaradka, kuwaasoo ku eedeeyay Erdogan inuu ku guuldareystay inuu xannibo dal-daloolada. Ankara sidoo kale waxay ku biirtay dacwad ka dhan ah Israa’iil oo taal Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, taasoo ku eedeynaysa dalkaas inuu xasuuq ka wado Gaza. The post Turkiga oo Israel ka xanibay barnaamij muhiim ah oo ay ka rabtay NATO appeared first on Caasimada Online.
  14. Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ay maanta kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Hoteel ku yaalla magaalada Beledweyne. Madaxweyne Guudlaawe ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid fuleynimo “oo ay geeysteen Khawaarij ku dhiiran weysay furimaha dagaalka inay yimaadaan, taas beddelkeedana doortay inay xasuuqaan shacab sooman.” “Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay,” ayuu yiri Cali Guudlaawe. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab, si loo soo afjaro kooxda, “Aan u midoowno dhammeystirka Khawaarijta arxanka daran.” Howl-galka Shabaab oo ay iska kaashanayaan Daraawiishta Hirshabeelle, ciidanka xoogga dalka iyo xaq-u-dirirka deegaanka ayaa guud ahaan ka socdo Hirshabeelle, waxaana uu madaxweynaha sheegay in si weyn u naafeeyay damaca argagaxisada ee ahaa inay gumaadaan dadka shacabka ah. Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada amniga maamulka Hirshabeelle sida ay u toogteen maleeshiyaadka khawaarijta ee gudaha u galay Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne. Weerarka maanta oo kooxda Al-Shabaab ay ku beegsadeen hoteel ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne oo lagu magacaabo Qaahira, ayaa marka hore ku bilowday qarax. Dhismaha la weeraray ayaa la sheegay inuu ka socday abaabul xoog leh oo ku aaddan dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi. Hoteelka la beegsaday ayaa waxaa ku sugnaa odayaal dhaqameed iyo saraakiil qeyb ka ahaa abaabulka howl-gallada ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ku dhintay weerarkaas Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle iyo Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax oo kamid ahaa odayaashii kulanka uga socday halkaas. Sidoo kale waxa weerarka ku geeriyooday Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa. Tiro kale oo dad ahna ayaa ku dhaawacmay. The post Cali Guudlaawe oo war kasoo saaray weerarkii Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Hirshabeelle Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ay kooxda Alshabaab ka geysteen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, asagoo Alle naxariis uga baryay dadkii ku geeriyooday. “Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay aanu u midowno dhammeystirka Alshabaab.”ayuu yir Madaxweynaha Hirshabeelle. Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacay qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday huteel lagu magacaabo Qaahira, kaas oo dad badani ay ku dhinteen. Source: goobjoog.com
  16. Al-Shabab gunmen have stormed and laid siege to a hotel in central Somalia as government officials and tribal elders met to discuss action against the outfit. Source: Hiiraan Online
  17. Beledweyne (HOL) – At least six people, including traditional elders, were killed on Tuesday morning when the Al-Shabaab militant group stormed a hotel in Beledweyne, central Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ah ee ururnimo guddoonsiiyay ururka Midowga Soomaaliya. Guddigu wuxuu sheegay in ururkan uu soo buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa, iyadoo munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka lagu guddoonsiiyay shahaadada ururnimo. Kulankii shahaadada lagu guddoonsiiyay ururka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka, Saadiq Abshir Garaad, iyo qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Diiwaan-hayaha Guddiga, Maxamed Cumar Axmed Xaydara, oo ugu horreyn ka hadlay kulanka, ayaa faahfaahin ka bixiyay ururka maanta qaatay shahaadada iyo hab-raacyadii uu soo maray. Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Midowga Soomaaliya, Dr. Maxamed Deeq Sh. Maxamed, oo shahaadada guddoomay, ayaa ammaanay guddiga, isagoo sheegay in ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed shaqo wanaagsan. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, oo shahaadada guddoonsiiyay ururka, ayaa sheegay in ururka Midowga Soomaaliya maanta la guddoonsiiyay shahaadada rasmiga ah ee ururnimo, taasoo ka dhigan in uu yahay urur la aqoonsan yahay oo soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa. Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in ay jiraan ururro kale oo soo dhameystiraya shuruudaha looga baahan yahay, kuwaasoo hadda ku jira marxaladdii ugu dambeysay. Guddoomiye Cabdikariim ayaa sidoo kale sheegay in dalka uu u socda doorasho qof iyo cod ah, taasoo si xor iyo xalaal ah loogu tartami doono. Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo mucaaradku si adag uga horyimid habka loo xulay iyo howlaha doorasho ee ay wadaan, ayaa weli wajahaya caqabado siyaasadeed. Diidmada mucaaradka Guddigan oo la dhisay bishii November ee sannadkii hore, ayaa tan iyo markaas la kulmay diidmo xooggan oo kaga timid xisbiyada mucaaradka, kuwaasoo qaarkood ay hoggaaminayaan madaxdii hore ee dalka. Ujeedka guddigan ayaa lagu sheegay in ay dalka ku hagaan doorasho ku saleysan axsaab iyo qof iyo cod, balse mucaaradku waxay ka biyo diideen hanaanka loo maray dhismaha guddigan iyo doorashada la qorsheynayo. Mucaaradka ayaa u arka qorshaha doorashada qof iyo cod mid uu hoggaanka hadda jira ku doonayo inuu xukunka ku dheereysto, iyagoo ku eedeeyay in wax ka beddelka dastuurka lagu meel mariyay si juujuub ah, arrintaasna ay qeyb ka tahay muranka doorashooyinka. Dhankooda, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa ayaa si weyn ugu adkeysanaya hirgelinta doorashada qof iyo cod, hase yeeshee weli lama oga sida uu qorshahan u shaqeyn doono, maadaama ay dalka ka dhici karto oo keliya doorasho wadar ogol ah sida ku xusan sooyaalka dambe ee siyaasadda Soomaaliya. The post Guddiga doorashada oo shahaado siiyay ururkii u horeeyay xilli mucaaradku diiday appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya siinayso in ka badan $40 milyan oo doollar. Lacagtan ayaa loogu talagalay gargaarka bani’aadannimo iyo caafimaadka, si wax looga qabto baahiyaha degdegga ah ee haysta bulshooyinka ugu nugul. Maalgelintan cusub, ayay safaaraddu sheegtay in ay ka jawaabi doonto saameynta ka dhalatay roobabkii hooseeyey ee dhawaan da’ay dalka. Sidoo kale, waxaa lagu xoojinayaa dadaallada muddada dheer ee lagu dhisayo adkeysiga bulshooyinka, si ay uga hortagaan dhibaatooyinka ay keenaan colaadaha, abaaraha, iyo isbeddelka cimilada. “Lacagtan ayaa lagu maalgelin doonaa adeegyo badbaadin nololeed, oo ay ka mid yihiin raashin degdeg ah, biyo nadiif ah, iyo adeegyada caafimaadka, iyadoo sidoo kale la taageeri doono barakacayaasha, si ay u helaan hoy iyo adeegyada lagama maarmaanka ah,” ayey war-saxaafadeed ku tiri safaaradda. Sidoo kale, maalgelintan ayaa qayb ka noqon doonta barnaamijyada dhismaha adkeysiga, oo ay ka mid yihiin nidaamyada digniinta hore, diyaarinta masiibooyinka, iyo taageeridda hab-nololeedka bulshooyinka halista ugu jira dhibaatooyinka cimilada iyo colaadaha dalka oo dhan, sida ay sheegtay safaaradda. Safiirka Britain ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa isagoo ka hadlaya maalgelintan cusub yiri: “Maalgelintani waxay muujineysaa sida ay UK uga go’an tahay taageerada Soomaaliya iyo dadkeeda.” “Annaga oo la shaqeynayna la-hawlgalayaal lagu kalsoon yahay, waxaan hubinaynaa in adeegyada aasaasiga ah ay gaaraan kuwa ugu baahi badan, isla markaana aan dhisno mustaqbal adkeysi leh oo waara. Waxaan meel fog gaari karnaa, haddii aan si wadajir ah u socono.” The post Soomaaliya oo heshay malaayiin dollar xilli ay wajahayso xaalad adag appeared first on Caasimada Online.
  20. BELEDWEYNE, Somalia – Armed militants attacked a hotel in the central Somali city of Beledweyne on Monday, killing at least four people, including two elders, officials and witnesses said. The Al-Qaeda-linked group Al-Shabaab claimed responsibility for the assault, targeting a location where traditional elders and government officials were meeting. The attack, which began with powerful explosions followed by gunfire, targeted the Hotel Cairo, a known gathering point for local leaders. “We are still counting the casualties,” said Dahir Amin Jesow, a member of the federal parliament from Beledweyne, adding that the death toll may rise. Al-Shabaab, in a statement, claimed to have killed more than 10 people. “First, we heard a powerful explosion, then heavy gunfire, followed by another explosion,” said Ali Suleiman, a local businessman and eyewitness. Parts of the hotel were damaged during the firefight between government forces and the attackers, he said. Targeting elders and officials The traditional elders and military officials were meeting at the hotel to discuss efforts to support the Somali government’s ongoing fight against Al-Shabaab. “They were meeting to discuss supporting the government’s fight against Al-Shabaab.” Said a police officer named Ali Mahad. “The security forces have managed to rescue most of the people inside the hotel,” said police officer Ali Mahad. “Security forces are currently dealing with several militants trapped in a part of the building.” Traditional elder Abdirahman Hassan confirmed that among the dead were two elders, a civilian and a security officer. “The bodies of the four people were recovered from the ground floor of the hotel,” he said. Al-Shabaab’s persistent threat Al-Shabaab regularly carries out bombings and direct attacks across Somalia, seeking to overthrow the government and establish its strict interpretation of Islamic law. Despite ongoing efforts by government and international forces, the group’s continued presence underscores the security challenges facing Somalia. The city of Beledweyne is strategically important, being the capital of the Hiran region. The region has seen increased military activity as the Somali government and allied forces have intensified operations against Al-Shabaab. The importance of traditional elders in Somali society means that they are often targets for Al-Shabaab, who seek to weaken the government’s hold and destabilize the region. The attack highlights the group’s ability to strike in seemingly secure areas, posing a significant threat to stability in the region. Security forces are continuing to conduct operations in the area to ensure the safety of residents and to apprehend any remaining militants. The attack comes amidst heightened security measures in Somalia as the government intensifies its campaign against Al-Shabaab. The international community has condemned the attack, reiterating its support for the Somali government’s efforts to combat terrorism. Al-Shabaab claims a deadly hotel attack in Baladweyne, Somalia, killing elders and officials. Security forces respond. Ongoing operations and regional instability detailed. The post Somalia: Al-Shabaab storms hotel, several killed appeared first on Caasimada Online.
  21. Hargeysa: Labo Askari Oo Loo Xidhay Rasaas ay Xalay Ka dhex rideen Xarunta Sirdoonka Qaranka. Maamulka Xarunta Sirdoonka Qaranka Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabay Labo askari Oo Ka Tirsan Ciidamaddaas Ka dib markii ay Rasaas Ka dhex rideen Xalay Xarunta. Waxa ay ku doodeen labadaasi Askari in ay Rasaasta ku rideen dad ay garan Waayeen oo soo Galay xarunta, waxaase loo Badinayaa in ay ka dambaysay Warqad Xalay lagu baahiyay Baraha Bulshada. Waxa socota baadhis lagu ogaanayo Sababta keentay rasaasta. Dhinaca kale Isla Xalay ayay Dibada u soo baxday Liiska magacyada dad badan oo Bulshada iskaga dhex jiray, dadkuna aanay kolnaba ka qabin dareen balse ku Xoolo qaadan jiray Sirdoonka leexsan. Qaran News
  22. Saamiyada suuqyada dunida ayaa hoos u dhac ku yimid, ka dib markii ay soo baxday saadaal muujineysa, in dhaqaalaha Mareykanka uu qarka u saaran yahay in uu ragaado. Walaacan dhaqaalaha Mareykanka ayaa loo aaneynayaa, dagaalka dhanka canshuuraha ee uu madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku qaaday dalal qaarkood. Waxaa haatan lagu soo warramayaa in saamiyada suuqyada Mareykanka iyo Aasiya ay hoos ugu dhaceen, kadib walaaca laga muujiyay dhaqaalaha Mareykanka. Tani ayaa daba socotay iyadoo madaxweynaha oo wareysi uu siiyay TV ku sheegay ,in dhaqaalaha adduunka ugu weyn uu ku jiro “xilli kala guur ah”, markii wax laga weydiiyay uurtagalnimada hoos u dhac ku yimaada ganacsiga. Tan iyo markii hadalladaas la baahiyay Axaddii, saraakiisha ugu sarreysa maamulka Trump iyo la-taliyeyaashu, waxay damceen inay dejiyaan cabsida soo food saartay dadka maalgashadeyaasha ah. Qodobo kale oo dheeri ah: Shiinaha: ‘nuuc walba oo dagaal Maraykanka ka dhan ah ayaan diyaar u ahay’ Waa kuma Mark Carney, raysal wasaaraha xiga ee Canada ee wacadka ku maray inuu iska dhicin doono Trump? Dagaalka Ganacsi ee Maraykanka iyo Shiinaha: Sidee ayuu u saamaynayaa Afrika? Qaran News
  23. Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ee (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay nawaaxiga degaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay NISA. “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fuliyeen aagga deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxa ay ku dileen Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo sidoo kale, la burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen.” “Howlgalkan, oo labo mar oo kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta, ayaa lagu guuleystay in lagu soo afjaro nolosha ilaa 16 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay go’doon ku ahaa dhul hawd ah oo u dhaw deegaanka Basro” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA. NISA ayaa sheegtay in ay sii wadayso Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab laguna beegsan doono goob kasta oo ay ku dhuumanayaan kooxaha argagixisada ah”Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa weli sii wada howlgallada lagu beegsanayo goob kasta oo ay ku dhuumanayaan Argagixisada.” PUNTLAND POST The post Sirdoonka Soomaaliya oo warbixin ka soo saaray hawlgal lagu laayay mileeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn iyo hadalheyn xooggan ayaa ka dhalatay dhaqdhaqaaq ay haatan magaalada Nairobi ka bilaabeen ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre iyo taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin oo shalay kulmay. Labada mas’uul ayaa xalay afurkii is arkay, waxaana wehlinayay Xildhibaan Aadan Qoryooley oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida uu muujinayo sawir lagu baahiyay baraha bulshada. Khayre ayaa horey u joogay magaalada Nairobi, halka Fahad Yaasiin uu Isniintii tegay, isagoo qorsheynaya inuu halkaas ku soo bandhigo buug uu dhowaan qoray. Fahad Yaasiin, Xasan Cali Khayre, iyo Xildhibaan Aadan Qoryooley ayaa kulankan kaga wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo marxaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo dagaalka kooxaha argagixisada. Fahad iyo Khayre ayaa muddo saddex sano ah wada shaqeynayay xilligii Farmaajo, iyadoo ugu dambeyn xilka laga tuuray kadib markii uu isku dhacay Farmaajo iyo Khayre. Kulankooda ayaa kusoo aaday, iyada oo haatan xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka taagan tahay dalka, taas oo ka dhalatay is qabqabsiga hareeyay doorashooyinka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka, qaar kamid ah maamullada iyo mucaaradka. Haddaba sidee looga falceliyay dhaqdhaqaaqa Fahad iyo Khayre ee Nairobi? Cabdiweli Nuur: “Miisaanka culus baa wada kulmay, rag fahan weyn ka heysto dhan walba”. Saadaam Cabdi: “Waa miisan culus oo 2026 Somalia wax ka goyn kara Fahad baa raba inuu helo miraha iyo maanka khayre, Khayrane waxuu rabaa taagerada iyo dhisida Fahad” Cali Zaki oo kamid ah dadka ka falceliyay kulankaan ayaa yiri “Waa garabkii ugu waynay siyaasada Soomaaliya.” Axmed Faratooyo: “Xaalada dalka kamaysan shirine waxay ka shireen sidii xaglada bandhiga buugga ay u qabsoomi lahayd”. Cabdiqani Cadaysey: “Khayre iyo Fahad odayaal soo wada shaqeeyey, hadana shaqo diyaar u ah hore usocda.” Maxamed Yuusuf: “Fahad Yaasiin markale Xasan Cali Khayre ma aaminayee maxaa kaloo haysaan?”. The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay dhaq-dhaqaaqa Fahad iyo Kheyre ee Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  25. Ugu yaraan 10 ruux oo ay ku jiraan Nabadoono, Saraakiil Ciidan iyo Shacab ayaa ku dhintay qaraxii maanta lagu weeraray Guriga Nabadoonada ee maagaalada Beledweyne. Ciidanka Ammaanka dowladda ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan Kooxdii gudaha u gashay guriga. Kooxda weerarka soo qaaday oo ahaa Shan ruux ayaa dhammaantood la toogtay. Waxaa sidoo kale la geeyay isbitaallada Beledweyne Shacab badan kuwaasoo ku dhaawacmay qaraxyada Beledweyne. Ciidanka Ammaanka ayaa hadda baaritaano ka wadda Gudaha guriga. Kooxda ayaa ku qaaday guriga weerar qorsheysan. waxaana Ciidanka ammaanka ay sheegeen in laba qarax ay goobta ka dhaceen. Magaalada Beledweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jirtid xaalad deganaan ah markii lagu wareejiyay amniga Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya. Source: goobjoog.com