-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xukuumadda Somaliland ayaa mamnuucday soo dejinta weelka madhan, sida bacaha, karaatoonta iyo caagadaha wax lagu shubo, ee iyaga oo madhan dibadda laga soo iibiyo. Tallaabadan oo ay qaaday Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, ayaa timid kadib markii dhawaan la qabtay raashin dhacay oo inta kiishashkii hore laga beddelay lagu shubay kiishash cusub, isla markaana loo sameeyay taariikh cusub. “Waxay cabasho kasoo noqnoqotay weelka madhan ee lala soo dago mararka qaarna si qaldan loo isticmaalo,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay hay’adda. “Waxa la joojiyay in waddanka lasoo galiyo weel madhan, sida jowaanada, bacaha, karaantoonta iyo caagagga.” Hay’addu waxa ay sheegtay in xaddiga weelka madhan ee lasoo dajin karo uu yahay uun 2% oo keliya, kaasi oo ay ganacsatadu soo raacin karaan alaabada ay soo dajinayaan, si haddii dhibaato soo gaadho alaabada lagaga beddelo galka ama kiishka. Amarka kasoo baxay Hay’adda Dhawrista Tayada ayaa intaa ku daray in ganacsatada ama shirkaduhu aanay dib u moorin karin alaab ama raashin ilaa ay oggolaansho ka helaan hay’adda. Dhawaanahan waxa soo noqnoqday in qaybo kamid ah ganacsatada raashinka keena ay galka ka beddelaan isla markaana dib ugu shubaan kiishash cusub marka uu raashinku dhaco, taasi oo khatar ku ah caafimaadka bulshada. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo ay soo wajahday dhaqaale-yari baahsan ayaa maalmo ka hor kaalmo lacageed weydiisatay dowladda Imaaraadka Carabta, iyadoo weliba codsigeeda ku dartay in degdeg looga soo jawaabo. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Imaaraadka ayaa la soo daahay jawaabtii, waxaana maanta safar qarsoodi ah ku baxay Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka aaday, si toos ahna u soo weydiisto waxa ay Soomaaliya ka rabto Imaaraadka. Dowladda Soomaaliya ayaa Imaaraadka ka codsatay kaalmo dhaqaale oo degdeg ah iyo taageero militari oo duqeymo u badan, maadaama Khawaarijta Al-Shabaab ay soo qaaday weerar rogaal-celis ah. Lacagta ay Soomaaliya Imaaraadka ka codsatay waa mid badan, waxaana baahiyaha ay qoratay ka mid ah dhaqaale ay u rabto ciidamada Danab oo Mareykanku taageeradii ka jartay iyo kab miisaaniyadeed; sidoo kale duqeymo iyo saanad militari ayey Soomaaliya weydiisatay Imaaraadka. Ilo wareedyada xogtan siiyey Caasimada Online waxay xaqiijiyeen in Imaaraadku ka cagajiiday inuu ka soo jawaabo codsigii Soomaaliya, taasina ay sababtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar degdeg ah ugu baxo Abu Dhabi. Dowladda Imaaraadka ayaa si weyn u taageertay Xasan Sheekh bilowgii muddo-xileedkiisa labaad, waxayna dhaqaale badan ku bixiyeen baahiyihii jiray Soomaaliya, balse waxay mar dhexe ka caroodeen daah-furnaan la’aan ay ka dareemeen habka loo maamulo lacagihii ay ku bixin jireen dhinacyo badan oo amniga Soomaaliya ah. Ciidamo badan oo kuwa suga amniga Caasimadda Muqdisho ay ugu horreeyaan ayuu Imaaraadku Soomaaliya u tababaray. Markii ay shaki ka muujiyeen qaabka loo maamulo dhaqaalaha ay bixiyaan, waxay saraakiil muhiim ah oo Imaaraati ah u xilsaareen baaritaan, balse waxaa lagu dilay xerada Jeneraal Gordan, waxaana dilay askari la aaminsan yahay in markii hore uu Shabaab ka yimid, kana mid ahaa ciidankii xeradaas tababarka ku qaadanayey. Wixii ka dambeeyay markii shilkaasi dhacay, Imaaraadka ayaa hoos u dhigay taageeradii xad-dhaafka ahayd ee xukuumadda Xasan Sheekh, waxayna bilaabeen inay kor u soo qaadaan maamul-goboleedyada, heer ay gaareen in toddobaadyo ka hor ay waddan ahaan u casuumaan Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro. Dowladda Soomaaliya ayaa iska indhatiraysa daandaansiga Imaaraadka iyo xadgudubka ay mararka qaar kula kacayaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya. Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda, Cali Balcad, ayaa maalin ka hor SNTV ka sheegay in wax dhib ah aysan ku qabin hab-dhaqanka Imaaraadka. The post Xog: Imaaraadka oo ka soo jawaabi diiday codsiga DF iyo Xasan oo aaday Abu Dhabi appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta soo qabanqaabiyay kulan afur ah oo uu la yeeshay Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, iyo Xildhibaan Aadan Qoryooley oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kaasoo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kheyre ayaa horey u joogay Nairobi, halka Fahad Yaasiin uu maanta tegay, isagoo qorsheynaya inuu halkaas ku soo bandhigo buug uu dhowaan qoray. Fahad Yaasiin, Xasan Cali Kheyre, iyo Xildhibaan Aadan Qoryooley ayaa kulankan kaga wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo marxaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo dagaalka Khawaarijta. Fahad iyo Kheyre ayaa muddo saddex sano ah wada shaqeynayay xilligii Farmaajo, iyadoo ugu dambeyn xilka laga tuuray kadib markii uu isku dhacay Farmaajo iyo Kheyre. Sida ay ilo-wareedyo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, kulankii galabta ay xubnahani ku yeesheen Nairobi wuxuu ku koobnaa is xogwareysi, iyadoo uusan jirin qorshe siyaasadeed oo weyn oo dhinacyadu isku garteen inay wada fuliyaan. Dhowaan, Fahad Yaasiin oo bixiyay wareysi dheer ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo si weyn u dhaliilay hoggaaminta Xasan Sheekh, kana sheekeeyay arrimo dhowr ah oo uu ra’yigiisa ku cabiray. Fahad ayaa hadda Nairobi u jooga inuu soo bandhigo buug uu ka qoray taariikhda wanaagsan ee Nabi Muxamed (NNKH), kaasoo uu dhowaan gabagabeeyay qormadiisa. The post Xog: Fahad iyo Kheyre oo ku kulmay Nairobi – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in inta badan sahmintii shidaalka ee Turkigu uu Soomaaliya ka wadday ay soo gabagabowday, islamarkaana boqolkiiba 70 la ogaaday xogtii la raadinayay. Wasiirka Shidaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed oo laanta Af-soomaaliga ee VOA-da la hadlay ayaa sheegay in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa intaas ku daray in dabayaaqada bisha April ee soo socata la soo gabagebeyn doono sahdinta, ka dibna loo gudbi doono heerka labaad oo ah qodista. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan howlgalka ka socda Shabeellaha Dhexe iyo xubnaha Shabaab-ka ah ee soo galay deegaannada ay degto beeshiisa. Sheekh Shariif ayaa caddeeyey in uu door ka qaadan doono dagaalka, isaga oo dowladda federaalka ku dhaliilay in aysan wax fursad ah u oggolaan mucaaradka si ay uga qeyb galaan dagaalka. Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa dhaliilay dowladda federaalka, isagoo sheegay in aysan diyaarin qorshe ciidan oo looga hortegi karo weerarrada kooxda. “Dalkan ciidan kuma yara, laakiin hoggaan kuma jiro,” ayuu yiri. “Ciidamada dowladda maanta tiro iyo hub kuma yara, laakiin haddii dagaalku dheeraado oo qaladaadka dhacaya aan la sixin, ciidanku waa daalaa, cadowguna wuxuu ka faa’iidaysanayaa dulduleelka jira. Waxaan aaminsanahay in ciidankeennu yihiin geesiyaal waayey garabkii ay u baahnaayeen,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sheekh Shariif ayaa su’aal ka keenay sababta ay dowladda u ogaan weysay maalmaha ay Shabaab ka dhisayeen buundada deegaanka Oobaale oo hoos taga degmada Mahadaay, halkaas oo NISA xalay shaacisay in duqeyn lagu burburiyey. Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif, ayaa madaxda dowladda federaalka kula taliyey in dib loo abaabulo ciidamada, lana magacaabo saraakiil karti leh oo hoggaanka la wareega. “Haddii aan dowladda talo siino waa nala dhibsadaa, haddii aan ka aamusnana waa nala dhibsadaa. Annaga iska daaye, dowladihii waaweynaa ee ciidankeena wax ka dhisay ayaa xogaha amni ee ay bixinayaan la dhibsaday oo aan la tixgelin kaalintooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shariif. Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in caburinta ay dowladda federaalku waddo ay gaartay heer ay kala fogaadaan dowladihii taageerayay dhismaha dowladnimada iyo qalabeynta ciidamada qaranka. “Farriimaha amniga ee ay soo gudbiyaan dowladaha saaxiibadeen ah waa in lagu dhaqmaa, yaana dhinacyo kale loo fasirin. Wixii laga digayana waa in la iska ilaaliyo in ay dhacaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda ay ka gaabisay waxyaabo badan oo lagama maarmaan u ahaa dagaalka Khawaarijta, sida in loo gurmado ciidamo u baahnaa gurmad, in hub la siiyo ciidamada dagaalka ku jira, iyo in laga hortago Shabaab-ka ka gudbaya webiga oo buundo sameysanaya. Hoos ka daawo The post Daawo: Sheekh Shariif oo shaaciyey arrin DF diiday in ay u ogolaato oo la xiriirta… appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Former Deputy Director of Somalia's National Intelligence and Security Agency (NISA), Abdisalam Guled, is sounding the alarm over Al-Shabaab's growing threat, calling on the Somali government to take decisive action to counter the militant group's evolving tactics. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in inta badan sahmintii shidaalka ee shirkadda Turkiga ay ka wadday Soomaaliya ay soo gabagabowday. Wasiirka Shidaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya, taasoo ka dhigan in badankeedu soo idlaatay. Wasiir Daahir Shire oo la hadlay VOA-da, ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqon karto mustaqbalka dhow dal helay shidaal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay sahminta ay badankeeda soo idlaatay. “Baaritaan ayaa lagu jiraa, illaa hadda xogtii la raadinayay ee 3D ahayd waxay maraysaa 70%, waana markii ugu horreysay ee geyiga Soomaaliyeed laga sameeyo baaritaan noocaan ah,” ayuu yiri Wasiirka Shidaalka Soomaaliya. Wuxuu intaas ku daray: “Hadda warbixinnada hordhaca ah ee aan hayno waxay sheegayaan in Soomaaliya noqon karto mustaqbalka dhow dal helay shidaal.” Marka laga soo tago Turkiga, Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhawaan heshiis dhinaca shidaalka iyo macdanta ah la gashay dalka Azerbaijan. Goorta la soo gabagabeynayo sahminta shidaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan shaacisay in bisha April ee 2025 ay noqon doonto waqtiga kama dambaysta ah ee la soo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya, taasoo uu haatan wado dalka Turkiga oo soo diray markab sameynaya baarista. “April ayaan la soo gabagabeyn doonaa sahminta shidaalka haddii aysan imaan caqabado dib u dhac keeni kara,” sida uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Aadan. Wuxuu intaas ku daray: “Sida aan isku afgaranay Turkiga sahminta wada, haddii aysan caqabado imaan, waxaan dejinay qorshaha ah inaan Abriil soo gabagabeyno. Waa in la ogaadaa dabayaaqada bisha goobta saxda ah ee la qodi doono shidaalka.” Kadib sahminta shidaalka maxaa xiga? Marka ay soo dhammaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Badda Soomaaliya waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, kuwaas oo aan badankood sahmin lagu sameyn sababo la xiriira walaaca dhanka amniga iyo khilaafaadka ka jira dalka. Horraantii sanadkii tegay ee 2024 ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta. Dabayaaqadii isla sanadkaas, markabka baaritaanka ee Turkiga, Oruç Reis, ayaa soo gaaray dekedda Muqdisho, wuxuuna ruqaansaday goobaha loo arko inay ku habboon yihiin baarista, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko kheyraadka la qorsheynayo in la soo saaro. Marka la helo natiijo la isku halleyn karo, kadib ayaa la guda geli doonaa soo saarista shidaalka, sida uu dhigayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga. The post Xog ka cusub shidaalka laga sahminayo Soomaaliya iyo halka ay wax marayaan appeared first on Caasimada Online.
-
Erigavo, Somalia – At least 12 people were killed and several others injured in heavy clan fighting that erupted on Monday in the Dooxada Dureere area of Somalia’s Sanaag region, local sources reported. The clashes, involving two rival clan militias, have intensified tensions in a region already strained by recurring tribal disputes and political rivalries. The violence occurred in Dooxada Dureere, a valley within the Ceerigaabo district of Sanaag, according to Caasimada Online sources. The two militias reportedly used various weapons during the confrontation, affecting both fighters and civilians nearby. Local authorities confirmed a death toll of at least 12, with injuries exceeding that number, though exact figures remain under verification. Regional officials and a delegation led by Sultan Said Sultan Abdisalam, a traditional elder, arrived at the scene to mediate and prevent further escalation. “Efforts are ongoing to halt the conflict,” a Sanaag administration official stated, speaking anonymously due to the ongoing situation. The clashes have raised concerns of potential reprisals in the area. History of clan violence in Sanaag In recent years, Sanaag has experienced frequent clan-based conflicts, often centered in and around Erigavo, the regional capital. These disputes typically stem from competition over land and resources, disrupting local communities. The latest incident follows a series of similar clashes in the region, with historical tensions periodically flaring into violence. The Somali term “maleeshiyo-beeleed” refers to clan militias, armed groups loyal to specific tribal affiliations rather than a centralized authority. Such militias have long played a role in local power dynamics across Somalia, particularly in areas with limited government presence. Sanaag lies within a contested zone claimed by Somaliland, a self-declared independent state since 1991, and the SSC-Khatumo administration, established in 2023 after splitting from Somaliland. Somaliland maintains administrative control over much of Sanaag, including Erigavo. At the same time, SSC-Khatumo seeks to assert authority over parts of Sanaag and neighboring Sool, aligning itself with the Federal Government of Somalia (FGS). The political rivalry has complicated security in the region. In 2023, fighting in Las Anod, a city in Sool, between Somaliland forces and SSC-Khatumo militias resulted in significant casualties. It displaced over 150,000 people, according to a UN report. While there is no direct link between Monday’s clan clash and this broader conflict, the overlapping tensions contribute to Sanaag’s instability. Geographical context of Sanaag Sanaag is located in northern Somalia, bordered by the Gulf of Aden to the north and Sool to the south. Dooxada Dureere, a remote valley, connects rural areas to Erigavo, the region’s administrative hub, making it a focal point for local disputes. The region’s rugged terrain and strategic position have historically shaped its role in territorial struggles. Sultan Said Sultan Abdisalam, a respected figure among the East Sanaag Clan clan, leads the traditional delegation tasked with brokering peace. Regional authorities from Somaliland’s Sanaag administration are also involved, aiming to stabilize the situation. Their presence reflects a combined approach of customary and formal governance to address the violence. The clashes underscore the challenges facing Sanaag, where clan militias operate with significant autonomy. The Sanaag administration has struggled to prevent such incidents, with past efforts yielding temporary truces rather than lasting solutions. The latest violence adds to a pattern of unrest that has disrupted civilian life in Ceerigaabo and surrounding areas. Data from the Armed Conflict Location & Event Data Project (ACLED) indicates that clan-related violence in northern Somalia has persisted into 2025, with Sanaag among the affected regions. Humanitarian agencies have noted disruptions to local populations, though specific impacts from Monday’s clash are still being assessed. A BBC report from February 2025 highlighted the FGS’s ongoing efforts to mediate between Somaliland and SSC-Khatumo, though progress remains slow. As of March 10, 2025, the situation in Dooxada Dureere remains fluid, with mediation efforts ongoing to avert further bloodshed in Sanaag. The post Clan clashes kill 12 in Somalia’s Sanaag region appeared first on Caasimada Online.
-
Somali Parliament passes income tax and youth justice bills
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — The Somali Parliament's House of the People has approved two key pieces of legislation, the Youth Justice Bill and the Income Tax Bill. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib xadgudubkii ay dowladda Imaaraadka Carabta kula kacday qarannimada Soomaaliya, waxaa soo ifbaxay khilaafka ka dhex jira madaxda dowladda federaalka ee ku saabsan sida looga falcelinayo arrintaas. Labada masuul ee ugu sarreeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Cali Balcad, ayaa si kala duwan uga hadlay arrintan. Balcad wuxuu hoos u dhigay saameynta xadgudubka Imaaraadka, halka Fiqi uu ku gooddiyay in la qaadi doono tallaabooyin jawaab ah. Labada nin, oo mid walba muujinaya in uu hadalkiisa ku metelayo dowladda federaalka, ayaa qayb ka ah jahawareerka siyaasadda dibadda Soomaaliya. Dhanka kale, waxa ay arrintani muujinaysaa sida madaxda sare ee dowladda ugu kala aragti duwan yihiin in tallaabo adag laga qaado Imaaraadka, kaas oo dhawaan sidii dal madax-bannaan ugu casuumay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, shir ka dhacay Dubai. Fiqi iyo qaadista tallaabo jawaab ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa caddeeyay in aysan oggolaan doonin faragelin, kadib xadgudubkii qarannimo ee bartamihii Febraayo ka dhacay Dubai, halkaas oo Somaliland loogu yeeray “Dal iyo Jamhuuriyad,” iyada oo ay tahay maamul-goboleed ka mid ah Soomaaliya. Inkasta oo Fiqi hoos u dhigay maqaamka la siiyay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro — oo uu ku tilmaamay mid la mid ah hoggaanka dowlad-goboleedyada kale — haddana wuxuu muujiyay in lagama maarmaan tahay qaadista tallaabooyin looga hortagayo faragelinta Imaaraadka. “Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya oo tabasho qaba, waxaana naga go’an in aan is faham ku xallino. Tegista Cirro ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta waa iska socodka dowlad-goboleedyada oo kale,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wuxuu intaas ku sii daray: “Xidhiidhka Imaaraadka Carabta se tallaabooyin ayaan qaadaynnaa, mana oggolin faragelin.” Balcad: Looma baahna wax tallaabo ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in casuumaaddii Cirro aysan waxba u dhimi doonin xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in Imaaraadka uu yahay mid ka mid ah dalalka sida weyn Soomaaliya uga taageera dhismaha ciidamada. “Anaga iyo Imaaraadka xiriir taariikhi ah baa naga dhexeeya. Waa dal ay Soomaalidu u badbaadeen xilligii dagaallada, halkaas ayeyna ganacsigooda kasii wateen. Ganacsiga caalamiga ah ee ugu weyn ayuu ku xiran yahay Imaaraadka, shirkadaha ugu badan ee Soomaalida halkaas ayey kasoo faracmeen. Marka dhanka ganacsiga, xiriir aad u weyn baa naga dhaxeeya,” ayuu yiri Cali Balcad. Wuxuu intaas ku sii daray: “Dhanka siyaasadana, Imaaraadka wuxuu ka mid yahay dalalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka taageeray dhismaha amniga.” Balcad wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay soo dhoweynayso ka-qaybgalka maamul-goboleedyada, oo ay ku jirto Somaliland, shirarka lagu horumarinayo ganacsiga iyo dhaqaalaha. Si kastaba ha ahaatee, Balcad wuxuu gebi ahaanba iska indho tiray culeyska tallaabada Imaaraadka, taas oo lagu macneeyay in ay “garab-siineyso kala-go’a Soomaaliya,” maadaama Somaliland la siiyay maqaam aan caalamku u aqoonsaneyn, xadgudubna ku ah qarannimada Soomaaliya. Soomaaliya ayaa hore ula dagaashay Itoobiya kaddib markii Somaliland ay la gashay is-afgarad dhanka badda ah, kaas oo madaxweynihii hore ee Somaliland sheegay in ay ku beddesheen aqoonsi. Tallaabada Imaaraadka Carabta ayaa, sida muuqata, wax badan ka duwaneed wixii hore loola dagaallamay Addis Ababa, oo iyadu ku xadgudubtay qarannimada Soomaaliya, inkasta oo ay markii dambe dib uga joogsatay is-afgaradka Somaliland. The post Madaxda DF oo isku khilaafsan xadgudubka uu ku kacay Imaaraadka – Sidee? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ka soo jeeda Puntland ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Siciid Deni in uu yahay keligii-talis aysan jirin wax dabraa islamarkaana uu hurinayo colaad hubaysan. “Haddii ay xilkasnimo masuuliyadeed jiri lahayd khatarta Daacish maanta heerkaas inaguma gaarteen, qiimahaas sareeyana inagagama baxdeen. Difaaca khatartii la dayacey toddobadii sano ee la soo dhaafey, reer Puntland waxay ku bixiyeen qiime aad u sareeya ciidan iyo shacabba, iyadoo weli lagu guddo jiro halgankii, waxaa foolxumo ah in MW Deni libintii halganka keli iskaga dhigo iskuna xardho taalooyin iyo munaasabaddo lagu amaanayo.” “Waxaa kale oo wax la yaable ah in doorkii Garsoorka uu meesha ka saarey, isago oo si shaqsi ah meel fagaare ah uga go’aamiyey qofka danbiilaha ah iyo kan aan danbiilaha aheyn” ayuu yiri wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xoosh oo bayaan soo saaray. “Waa u caqli darro in uu marlabaad ku goodiyo hurinta colaad hor leh iyadoo boogihii hore iyo dhibkuu geystay ay weli damqanayaan, wuxuuna guulo u arkey khaladaadkiisi hore ee boobka iyo dhiig daadinta ahaa kuwaas oo dhaxal siiyey dhaqamadda keligitlisnimadda aan wax dabraa jirin” ayuu sii raaciyay bayaanka Cali Xoosh. PUNTLAND POST The post Wasiir Cali Xoosh oo Madaxweyne Deni ku tilmaamay Keligii-taliye aan wax dabraa jirin oo colaad hurinaya appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Somalia on Sunday dismissed suggestions that President Hassan Sheikh Mohamud’s speech on national security was a rebuttal to a recent US warning of potential Al-Shabaab attacks in Mogadishu, calling it a routine address amid escalating efforts to counter the Islamist insurgency. The statement aims to clarify public speculation linking the US alert, issued earlier this month, to Mohamud’s subsequent Friday sermon, as the Horn of Africa nation faces mounting pressure from the Al-Qaeda-linked group. Somali Ambassador to the United States, Dahir Arab, told VOA Somali that Mohamud’s address on March 7 was a general update on Somalia’s security gains, not a response to the US Embassy’s warning. The embassy had cautioned American citizens about intelligence pointing to imminent Al-Shabaab attacks in Mogadishu, including possible targets like Aden Abdulle International Airport. “The president’s remarks were not directed at the US warning,” Arab said. “It was a planned speech on our ongoing fight for stability, nothing more.” In his Friday sermon at a Mogadishu mosque, Mohamud downplayed immediate threats. “Somalia stands stronger today. No new dangers loom, and Al-Shabaab has not reclaimed liberated zones,” he said, urging citizens to support security efforts during Ramadan—a period often exploited by militants for attacks. US-Somalia security collaboration Arab reaffirmed the deep security ties between Somalia and the United States, a key partner in combating Al-Shabaab. “The US provides invaluable intelligence and training,” he said, noting American support for the Somali National Army (SNA) and elite Danab forces in recent operations. The US warning, issued days before Mohamud’s speech, followed reports of Al-Shabaab regaining ground, including the El-Baraf area in Middle Shabelle on March 6, despite government claims of control. Posts on X on March 8 suggested a worsening crisis, with unverified claims of SNA desertions due to unpaid salaries and Al-Shabaab advancing within 30 kilometers of Mogadishu—assertions lacking official confirmation. Al-Shabaab continues to defy Somalia’s military offensive, launched in August 2022 under Mohamud’s “total war” pledge. The group, active since 2007, holds rural enclaves and targets Mogadishu with sophisticated attacks, including a February 2024 infiltration of an Emirati-run base that killed 18 soldiers. Mohamud’s campaign, backed by the new African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) since January 2025, has reclaimed territory but struggles to hold it. The transition from ATMIS, completed in December 2024, has exposed gaps in SNA readiness, with experts warning of a potential security vacuum. Call for unity amid transition Mohamud used his speech to rally Somalis against foreign reliance. “This is our nation to secure and build,” he said, as AUSSOM’s 11,900 troops assist in stabilizing liberated areas. The address coincided with Ramadan’s start, a time when Al-Shabaab historically intensifies operations. Somalia’s strategic position on the Horn of Africa, bordering key shipping lanes, amplifies its security stakes. Decades of instability since 1991 have left Mogadishu, a city of over two million, vulnerable yet resilient. Tensions with Ethiopia over a Somaliland deal further complicate regional dynamics. The government’s clarification follows the US Embassy’s tightened security measures in Mogadishu, including staff movement restrictions. Arab sought to dispel rumors: “Our US partnership remains firm, but Somalia’s path forward depends on its people.” Mohamud’s upbeat tone contrasts with the US alert, reflecting a delicate balance between projecting confidence and acknowledging threats. As Ramadan unfolds, Somalia braces for potential Al-Shabaab strikes, with the SNA and AUSSOM on high alert to safeguard the capital’s fragile gains. The post Somalia denies President’s speech rebutted US warning appeared first on Caasimada Online.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen aagga degmada Afgooye ee gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday horjooge ka tirsanaa Shabaab. Howlgalka oo ay qaadeen ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, ayaa lagu khaarijiyay sarkaalka la weeraray oo magaciisa lagu sheegay Daa’uud Maxamed Maleele, kaas oo dhibaato weyn ku hayay dadka deegaanka. Daa’uud Maleele ayaa kooxda argagixisada ah u qaabilsanaa waxa ay Khawaarijta ugu yeeraan Zakawaatka iyo sidoo kale sahanka deegaanka Beledul-Amiin oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo toogasho lagu soo dilay. Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay dilka horjoogahan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa nin halis badan oo dadka dhibi jiray aagga deegaanka Beledul-Amiin, balse haatan laga hor leexiyay shacabka, lana soo khaarijiyay. “Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhagarqabe Daa’uud shartiisa ka hor leexiyay shacabka Soomaaliyeed, kuna khaarijiyay deegaanka Beledul-Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aaddan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegteen Guutada 14-ka October ee maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka sii wadaan duleedka degmada Afgooye, kuwaas oo looga hortegayo Al-Shabaab. Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana badanaa ay kasoo abaabushaa weerarada ay ku qaado fariisimaha ciidamada. Waxaa sidoo kale Al-Shabaab ay gobolkan kusoo diyaariyaan inta badan qaraxyada iyo weerarada tooska ah ee ay ka fuliso gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. The post Xogta howlgal qorsheysan oo ciidanka dowladda ay ku dileen Daa’uud Maleele appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud traveled to the United Arab Emirates on Monday in an unannounced visit, just days after his government protested the UAE’s invitation of Somaliland leader Abdirahman Irro to the World Government Summit in Dubai. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u safray dalka Imaaraadka Carabta, kadib martiqaad uu ka helay dowladdaasi. Madaxweynaha, inta uu ku sugan yahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi, inkastoo aysan weli wax war ah safarkan kasoo saarin Madaxtooyada Soomaaliya, oo inta badan baahisa safarrada madaxweynaha. Safarkan ayaa imanaya xilli uu dagaal culus ka socdo qeybo kamid ah dalka, kaasi oo dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, oo muddooyinkii dambe dib usoo rogaal celisay kadib markii jab xooggan lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaalka. Safarkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ay dhawaan dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku kacday xadgudub ka dhan ah midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed, kadib markii ay hab-maamuus dal siiyeen maamulka Somaliland. Waa socdaalkii u horreeyay ee Xasan Sheekh uu ku tegayo Abu Dhabi kadib shir-madaxeedkii dunida ee UAE ay ku martiqaadday Madaxweynaha Somaliland, taasi oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ku tilmaantay xadgudub qaranimo. Xadgudubka Imaaraadka Bartamihii Febraayo 2025, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Jamhuuriyad ugu yeertay maamulka Somaliland, xilli Abu Dhabi ay sii waddo xadgudubyada ay ku hayso madax-bannaanida, qarannimada, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Imaaraadka, oo markaas madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ku casuumay Shirka Dowladaha Adduunka, ayaa siiyay darajada madaxweyne dal, iyada oo kadib wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka (WAM) ay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Dhowr maalmood ka hor, markii shirka uu furmay, qaar ka mid ah dadka ayaa u arkay in laga yaabo in qoraalka uu ahaa qalad farsamo. Balse kadib waxaa caddaatay in Imaaraadku qaadayo tallaabooyin ula kac ah. Wareysiga uu Cirro siiyay WAM, oo ay baahisay wakaaladda, ayaa si soo noqnoqosho leh ugu sheegay Somaliland “Dal.” Cabdiraxmaan Cirro, oo wareysigaas uga mahadceliyay Imaaraadka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Somaliland, ayaa muujiyay rajadiisa ku aaddan xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhaqaalaha iyo horumarka. Heshiisyada Imaaraadka iyo Somaliland Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ayaa xoojiyay iskaashiga dhanka milatariga iyo amniga, xilli Abu Dhabi ay ballaarineyso saameynteeda Geeska Afrika. Warbixinno kala duwan ayaa muujinaya in Imaaraadka uu doonayo in uu saldhig milatari ka sameysto gobolka, taasoo xoojin karta joogitaankiisa istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Dhinaca Somaliland, xoojinta xiriirka milatari ee Imaaraadka waa mid la xiriira ammaanka iyo dadaalkeeda ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah. Tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991, Somaliland waxay raadineysay iskaashi dibadeed si ay u xoojiso sheegashadeeda qaranimo. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeedda heshiisyada milatari ee ay Somaliland la gasho dalal shisheeye, iyada oo ku doodeysa in heshiisyadaasi ay khatar ku yihiin midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Saameynta Imaaraadka ee Somaliland ayaa muran dhalisay tan iyo 2017, markaas oo shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai ay heshiis la gashay Somaliland si ay u horumariso dekedda Berbera. The post Xasan Sheekh oo u safray Imaaraadka xilli Abu Dhabi ay waddo falal xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Kismayo is developing and flourishing in unexpected ways. Once a small town, it has expanded into areas never intended for residential use, let alone graveyards. Bar Alen, the sole recognized graveyard today, is located between the town and the airport—an entrance designed to welcome visitors rather than serve as a cemetery for the deceased. Source: Hiiraan Online
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Sanaag, kaas oo dhexmaray laba maleeshiyo-beeleed. Inta la xaqiijiyay, dagaalka ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 12 qof, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay, dadka dhaawacmay ayaana isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah oo goobta ka ag dhowaa. Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo xaaladdu weli kacsan tahay. Dagaalkan ayaa ka dhacay aagga loo yaqaano Dooxada Dureere, waxaana goobta hadda ka socda dadaallo lagu doonayo in colaadda lagu joojiyo oo ay wadaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo wafdi dhaqan oo uu hoggaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sanaag ayaa sidoo kale gaaray goobta uu dagaalku ka dhacay, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaalku dib u soo cusboonaado. Dhimashada ilaa hadda la xaqiijiyay ayaa gaartay ugu yaraan 12 qof, iyadoo dhaawaca uu intaas ka badan yahay. Dagaal beeleedyo soo noqnoqday Gobolka Sanaag ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo laalaabtay dagaallo salka ku haya colaadaha beelaha, kuwaas oo saameeyay magaalooyin badan oo ay ku jirto xarunta gobolka ee Ceerigaabo. Dhanka kale, wafdi ka socda odayaasha dhaqanka ayaa ku wajahan goobta lagu dagaalamay, waxaana wafdigaas hoggaaminaya Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam, oo dadaal ugu jira sidii xaaladda loo dejin lahaa. Dhanka kale, gobolka Sanaag ayaa sidoo kale ka jirta xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Somaliland iyo maamulka SSC, iyadoo dhinacyadani ay ku loollamayaan gacan ku haynta deegaanno dhowr ah oo gobollada Sanaag iyo Sool ah. SSC ayaa ku doodeysa inay dib u qabsato deegaanno ay sheegtay inay ka maqan yihiin, halka Somaliland ay dhankeeda qorsheyneyso inay isku fidiso labada gobol ee Sool iyo Sanaag. Xiisadaha colaadeed ee gobolka Sanaag ayaa noqday kuwo soo noq-noqda, iyadoo dagaallo hore ay ka dhaceen magaalooyin kala duwan oo gobolka ka tirsan, oo ay ugu horreyso Ceerigaabo. The post Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Sanaag + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Xubin ka tirsan baarlamaanka ismaamulka Wajeer oo lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Axmed, oo la waayay Sebtembar 2024 ayaa dib ula midoobay qoyskiisa sida ay xaqiijisay warbaahinta gudaha Kenya. Xildhibaanad laga soo doorto oo lagu magacaabo Wajeer Fatuma Jehow ayaa xaqiijisay in qaraabada iyo asaxaabtiisu ay masuulkan ku soo dhaweeyeen gurigiisa oo ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi. “Tani waa mawjad nasasho ah oo aad u weyn, mowjad farxadeed, waxaan dareemi karaa murugada wadajirka ah ee qof walba oo reer Wajeer ah, gaar ahaan dadka aan jecelnahay ee Eldas, oo culeyskan nala qaaday,” ayay ku soo qortay Facebook, Xildhibaannad Fatuma Jehow. Ninkan ayaa la sheegay in la afduubay bishii Sebtembar ee sanadkii 2024-kii, balse 8-dii bishan Maarso ayuu qoyskiisa dib ula midoobay, ayadoo aan faahfaahin laga bixin sida loo soo daayay. Source: goobjoog.com
-
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah sharci muhiim u ah xuquuqda carruurta iyo dhalinyarada dalka. Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa ogolaaday 139 xildhibaan, halka labo xildhibaan ay diideen, mana jirin cid ka aamustay. Ansixinta sharcigan ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo horay loo qaaday si loo xoojiyo nidaamka caddaaladda ee da’yarta Soomaaliyeed, loogana hortago dhibaatooyinka ay la kulmaan carruurta iyo dhallinyarada dalka. Sharcigan waxa uu diiradda saarayaa dhowrista xuquuqda da’yarta, helitaanka caddaalad sugan, iyo xeerar nidaaminaya daryeelka iyo ilaalinta carruurta la ildaran duruufaha adag. Waxaa sidoo kale la filayaa in uu xoojiyo habraacyada sharciyeed ee la xiriira ilaalinta xuquuqda carruurta ee la xiriirta dambiyada iyo arrimaha caddaaladda. Source: goobjoog.com