-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dr Barre’s thoughtful criticisms could prompt wider public debate on constitutional reform and inclusive governance, crucial steps towards addressing Puntland’s political and economic stagnation. Garowe (PP Editorial) — Dr Guled Salah Barre, a vocal critic of the President of Puntland, formerly served as Chairman of the Puntland Electoral Commission (PEC). Shortly after his resignation from the PEC, he publicly accused President Said Abdullahi Deni of manipulating the 2021 pilot local government elections to benefit Kaah, then a political association. He alleged that Deni used his position to bolster Kaah’s performance, undermining the credibility of the process. Dr Barre further criticised President Deni for unilaterally selecting Puntland’s 2022 Federal Members of Parliament and Senators. Many believed President Deni had a strong chance of winning the Somalia presidency, having influenced the 2022 electoral model which granted Federal Member State parliaments the power to select MPs and Senators for the bicameral legislature in Mogadishu. His defeat, however, contributed to the deterioration of Puntland’s relations with the Federal Government of Somalia. Dr Barre is a prominent scholar, founder of SIDRA, a Garowe-based think tank, and an alumnus of the United Nations University for Peace (UPEACE), where he earned his PhD. His book, Federalism Imperative in Post-Conflict Africa: The Case of Somalia, draws from his doctoral research and explores federalism in the Somali context. The 1998 Puntland State Charter upheld Somali national symbols such as the flag and anthem. Puntland, long a proponent of federalism since its formation in 1998, initially upheld Somali national symbols such as the flag and anthem. However, its current Constitution, amended and ratified in 2012, omits any reference to the sovereignty of the Federal Republic of Somalia. Dr Barre has consistently campaigned against Puntland’s political structure, which concentrates unchecked authority in the executive. He argues this system allows the President to dominate the legislature, judiciary, and oversight institutions such as the Auditor General’s Office. The amended Constitution has effectively transformed the state into a personal fiefdom of any incumbent president. President Deni’s decision to sever ties with the Federal Government of Somalia, regardless of its consequences for people in Puntland, demonstrates the overreach enabled by the current constitutional arrangement. Former Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke recently said that former Puntland President, Abdiweli Mohamed Ali, rejected the inclusion of Puntland’s maritime territory in a federal offshore oil exploration deal. Every Puntland President has invoked sub-article 7 of Article 80 of the Puntland Constitution, which states: “The President shall negotiate the terms of participation of Puntland State in the Somalia Federal Republic and sign agreements with the federal authorities, which shall require ratification by the Council of Ministers and the House of Representatives.” A timely book on the Somali federal system. In 2022, during an official visit to Garowe by President Hassan Sheikh Mohamud, concerns resurfaced about the growing centralisation of power in Puntland. The amended Constitution has effectively transformed the state into a personal fiefdom of any incumbent president. Puntland now operates well below the standards of a centralised polity, let alone a functional federal entity. Despite being a Federal Member State, Puntland’s Constitution fails to recognise the sovereignty of the Federal Republic of Somalia, raising questions about its commitment to federalism and democratic governance. Dr Barre’s well-reasoned criticisms have the potential to spark a broader public dialogue on constitutional reform and inclusive governance, essential steps to overcoming political and economic stagnation in Puntland. © Puntland Post, 2025 The post Dr Guled Salah Barre Urges Public Debate on Governance and Federalism in Puntland appeared first on Puntland Post.
-
CLICK HERE TO READ MORE ABOUT THIS Qaran News
-
MINNEAPOLIS, Minnesota (HOL) — A 20-year-old man has been charged after allegedly shooting two people outside Wayzata High School’s graduation ceremony at the University of Minnesota’s Mariucci Arena, including a Somali-American father who was attending to celebrate his child’s milestone. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s military court on Tuesday sentenced a key Al-Shabaab operative to life in prison for manufacturing vehicle-borne explosive devices as part of a broader crackdown on militant support networks. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa horudhac u ah gogosha uu Madaxweynuhu ku baaqay 15ka Juun 2025. Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada rayidka, ay door muuqda ku yeeshaan qaabaynta mustaqbalka dalka. “Haddii aan rabno in Soomaaliya ay hore u socoto, waa in aan ka dhaqaaqnaa meesha aan taaganahay oo aan ku raagaynay muddada dheer. Dimuqraadiyeynta dalka waa tiir muhiim u ah dowladnimada, waana in shacabka Soomaaliyeed siinaa fursad buuxda oo ay qeyb uga noqon karaan go’aan-qaadashada masiirkooda.” Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay leedahay wadatashi dhab ah oo ku dhisan xeerinta danta guud, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu sii wadi doono kulammada isdaba-joogga ah ee uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo sii xoojiyo isu diyaarinta gogosha. Kulammadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhiska dalka, sida hannaanka federaalka, dastuurka, doorashooyinka, iyo amniga. Source: goobjoog.com
-
LONDON, United Kingdom (HOL) — British police have launched a murder investigation after 26-year-old Marjama Osman, a Somali-British woman, was fatally stabbed in Croydon on Saturday morning—a killing that has reignited concern over rising knife violence affecting Somali youth in the UK. Source: Hiiraan Online
-
Fadhigii 22-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Ajendaha lagaga wada hadlay Fadhigii 22-aad ee Shirka Golaha Wasiirada ayaa ka koobnaa saddex qodob: 1. Warbixinta Xaaladaha Amniga ee Dalka, 2. Warbixinta Xaaladda Dhaqaalaha Dalka, 3. Warbixinta Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Kenya. (𝟏) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa Golaha warbixin guud ka siiyeyXaaladda Amniga dalka, isaga oo holaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay isla markaana aanay jirin wax shaqaaqooyin ah ama xiisad ah oo ka taagan dhammaan Gobollada dalka, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka. (𝟐) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha xaaladaha dhaqaalaha dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha Berriga, gaar ahaan Cashuurta loo yaqaan GST. Wasiirku waxa uu sheegay in dhammaan Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalku laga bilaabo 01.07.2025 ay hirgelin doonaan in Cashuurta GTS-ta ee ku waajibtay ay si toos ah ugu dhacdo nidaamka Maaliyadda iyo Khasnadda dalka. Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in Guddida Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka (Xubno Golaha Wasiirrada ah iyo Guddoomiyaha Baanka Somaliland) ay dhammaadka bisha 6-aad Golaha Wasiirrada u soo gudbin doonaan daraasaad aqooneed oo khuseeya hababka ugu habboon ee loo kobcin karo dhaqaalaha. (𝟑) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐊𝐞𝐧𝐲𝐚: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Safarradkii uu ku tagay Wadanka Kenya. Madaxweynuhu waxa uu si guud uga xog-warramay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay safarkii Nairobi, isaga oo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay dal ahaan innoo leedahay xoojinta iyo tayeynta xidhiidhka iskaashi, ka dhaqaale iyo ka dublamaasiyadeed ee ay Somaliland la leedahay Waddama Gobolka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in muddadii ay isaga iyo weftigiisu ku sugnaayeen Kenya ay wax badani u dhaqaaqeen. Kenya waa dal laga hago siyaasadda iyo dhaqaalaha Gobolka Geeska Afrika. Madaxweynaha JSL waxa uu sheegay in uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto oo hoggaamiya Xukuumad wadaag ah. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu kulan la qaatay Siyaasiga Caanka ah ee reer Kenya Mudane Raila Odinga, maadaama uu xisbigiisu qayb ka yahay Xukuumadda wadaaga ah ee haatan ka talisa dalka Kenya. Sida oo kale, Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay kulan la qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Dalka Kenya Mudane Moses Wetang’ula iyo Xildhibaanno iyaga oo kala hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka JSL. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in safarkii Nairobi ay inooga soo kordheen saaxiibo door ah oo diyaar u ah in ay innagala shaqeeyaan qaddiyadda Somaliland. Guntii iyo gabagabadii, Golaha Wasiirradu waxa ay bogaadiyeen dedaalka uu Madaxweynuhu ugu jiro xoojinta iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo kor u qaadidda mawqifkeeda istiraatijiyadeed ee gobolka. Booqashada Kenya waxa ay astaan u tahay tallaabooyinka muhiimka ah ee Somaliland ku raadinayso iskaashiga gobolka, kobaca dhaqaalaha, iyo aqoonsiga diblomaasiyadeed. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Cabdi Saciid Dheere ayaa si adag u difaacay eedayn loo soo jeediyay qoyska madaxweynaha Puntland oo ku saabsan in ay degaamaysteen dooxo daaqsimeed dhacda duleedka magaalada Qardho. Dad xoolo dhaqato ah ayaa dhawaan ku eedeeyay marwada madaxweynaha Puntland, Ijaabo Yuusuf Maxamuud in ay degaameysi ku samaysay dooxo daaqsimeed dhacda duleedka degmada Qardho, kaddib markii ay cagaf gelisay, oo ay dhigatay dhul ay leedahay oo aanay cid lale manaafacsan karin. Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo maanta warbaahinta ka hadlayay ayaa sheegay in aysan jiri karin cid danbe oo ka hadli karta arrinta dooxada. Waxa uu sheegay meesha ay dhisatay marwada madaxweynuhu in aysan ahayn Dooxo, balse uu yahay xero kamid ah xeryaha laga dhistay duleedka magaalada Qardho. “Holwgal ballaaran baa dowladdu qaadi doontaa. Dhulkaan odeyna masuul kama ahan, cid damboo ka hadli karta ma jirto.” ayuu yiri guddoomiyaha Karkaar oo u muuqday mid habjabaad u diraya dadka dhawaaan ka horyimid xirmaysiga lagu eedeeyay qoyska madaxweynaha dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Gobolka Karkaar oo si adag uga difaacay eedeyn loo jeediyay Marwada Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
-
GENEVA, June 3 (Reuters) – The number of people who have fled Sudan since the beginning of its civil war in 2023 has surpassed four million, U.N. refugee agency officials said on Tuesday, adding that many survivors faced inadequate shelter due to funding shortages. “Now in its third year, the 4 million people is a devastating milestone in what is the world’s most damaging displacement crisis at the moment,” U.N. refugee agency spokesperson Eujin Byun told a Geneva press briefing. If the conflict continues in Sudan, thousands more people, we expect thousands more people will continue to flee, putting regional and global stability at stake,” she said. Sudan, which erupted in violence in April 2023, shares borders with seven countries: Chad, South Sudan, Egypt, Eritrea, Ethiopia, Central African Republic and Libya. More than 800,000 of the refugees have arrived in Chad, where their shelter conditions are dire due to funding shortages, with only 14% of funding appeals met, UNHCR’s Dossou Patrice Ahouansou told the same briefing. My News More than 4 million refugees have fled Sudan civil war, UN says By Emma Farge June 3, 20251:28 PM GMT+3Updated 2 hours ago Fleeing Sudanese seek refuge in Chad A Sudanese woman, who fled the conflict in Geneina in Sudan’s Darfur region, talks to her relative through a fence next to makeshift shelters, in Adre, Chad August 5, 2023. REUTERS/Zohra… Purchase Licensing Rights, opens new tab Read more Summary UN refugee agencies warns of impact for stability Refugees survive violence, humiliation during escape Only 14% of funding needs met in neighbouring Chad GENEVA, June 3 (Reuters) – The number of people who have fled Sudan since the beginning of its civil war in 2023 has surpassed four million, U.N. refugee agency officials said on Tuesday, adding that many survivors faced inadequate shelter due to funding shortages. “Now in its third year, the 4 million people is a devastating milestone in what is the world’s most damaging displacement crisis at the moment,” U.N. refugee agency spokesperson Eujin Byun told a Geneva press briefing. The Reuters Tariff Watch newsletter is your daily guide to the latest global trade and tariff news. Sign up here. “If the conflict continues in Sudan, thousands more people, we expect thousands more people will continue to flee, putting regional and global stability at stake,” she said. Sudan, which erupted in violence in April 2023, shares borders with seven countries: Chad, South Sudan, Egypt, Eritrea, Ethiopia, Central African Republic and Libya. More than 800,000 of the refugees have arrived in Chad, where their shelter conditions are dire due to funding shortages, with only 14% of funding appeals met, UNHCR’s Dossou Patrice Ahouansou told the same briefing. Advertisement · Scroll to continue Report This Ad “This is an unprecedented crisis that we are facing. This is a crisis of humanity. This is a crisis of … protection based on the violence that refugees are reporting,” he said. Many of those fleeing reported surviving terror and violence, he added, describing meeting a seven-year-old girl in Chad who was hurt in an attack on her home in Sudan’s Zamzam displacement camp that killed her father and two brothers and had to have her leg amputated during her escape. Her mother had been killed in an earlier attack, he said. Other refugees told stories of armed groups taking their horses and donkeys and forcing adults to draw their own family members by cart as they fled, he said. Qaran News
-
Cameroon is now the world’s most neglected displacement crisis. The report argues that displacement isn’t a distant crisis; it’s a shared responsibility which cannot be ignored and calls for a reversal of brutal aid cuts which are costing more lives by the day. We have spokespeople available for interview around the globe as well as photos and b-roll available for use. Please get in touch if you would like to arrange an interview. Best regards, Jess Cameroon: the world’s most neglected displacement crisis Cameroon is now the world’s most neglected displacement crisis, according to a new report from the Norwegian Refugee Council (NRC). Decision makers must recognise that displacement isn’t a distant crisis; it’s a shared responsibility which cannot be ignored. The annual list of neglected displacement crises is based on three criteria: lack of humanitarian funding, lack of media attention, and a lack of effective political engagement to end conflict and improve conditions for displaced people. The crisis in Ethiopia ranks second, its highest-ever placement on the list, while Mozambique, in third, features for the first time. Burkina Faso, which topped the list for the previous two years, ranks fourth. The Democratic Republic of Congo features eighth after ranking in the top three since this report’s inception. These shifts do not reflect meaningful improvements but instead they highlight a harsh reality: nearly all protracted humanitarian crises are now being neglected. “International solidarity is being overtaken by increasingly introverted and nationalistic policies in previously generous donor nations. This is deepening the neglect of people affected by crisis and displacement at a time when a record number of people have been forced from their homes. Across Europe, the United States and elsewhere we have seen donors turn their backs on people in their hour of need,” said Jan Egeland, Secretary General of NRC. “It is critical that we do not accept donors’ abandonment of aid as a foregone conclusion. Displacement isn’t a distant crisis: it’s a shared responsibility. We must stand up and demand a reversal of brutal aid cuts which are costing more lives by the day.” The shortfall between what was required to meet humanitarian needs in 2024 and what was delivered was a staggering USD 25 billion, meaning over half of all needs went unmet. This figure is large but also roughly one per cent of what the world spent on defence in 2024. “Adequate funding is essential. But funding alone cannot halt the suffering. Without effective conflict resolution, disaster prevention and diplomatic engagement, these protracted crises will go on and on. More people will be displaced, and more lives will be shattered,” said Egeland. Cameroon has repeatedly featured high on this list and continues to grapple with three distinct and protracted crises that have displaced hundreds of thousands. It is a case study in global neglect: little diplomacy, underfunded and under-reported. The displacement crisis in the country was seldom mentioned in most media outlets around the world, leaving the realities for displaced and conflict-affected people invisible to many. “Life is very difficult at times, and we get by with a little farming and working in small businesses to try and find enough to eat. We worry about the future of our children. They need to go to school. We have been forgotten here in Cameroon and it’s very difficult for us to even think about the future of our families,” said Djeinabou, 32, a refugee from the Central African Republic living in Cameroon. “The world cannot plead ignorance when it comes to overlooking crises that feature in this report. Each year we warn that things will get worse, and each year that warning becomes a reality. This year I fear that more than ever. With aid budgets being slashed it is down to each and every one of us to stand up and tell global, regional and national politicians to change course, that we will not stand by and let those forced to flee be left behind. What we do this year will be remembered,” said Egeland. Facts and figures: Each year, the Norwegian Refugee Council (NRC) publishes a list of the ten most neglected displacement crises in the world. The purpose is to focus on the plight of people whose suffering rarely makes international headlines, who receive no or inadequate assistance, and who rarely become the centre of attention for international diplomacy efforts. The report is available here. The neglected displacement crises list for 2024 analyses 34 displacement crises based on three criteria: lack of funding, lack of media attention, and lack of effective international political and diplomatic initiatives. Full details of the methodology can be found here. The full list in order this year is: Cameroon, Ethiopia, Mozambique, Burkina Faso, Mali, Uganda, Iran, Democratic Republic of Congo, Honduras, and lastly Somalia. Cameroon ranked 2nd in 2023, 7th in 2022, 3rd in 2021, 2nd in 2020 and topped the list in 2019 and 2018. Ethiopia last featured on the list in 2021 when it ranked 10th. Mozambique appears on this list for the first time. Burkina Faso has appeared on this list for the previous six years. It ranked 1st in 2023 and 2022, 2nd in 2021, 7th in 2020, and 3rd in 2019. DR Congo topped the list three times (2021, 2020 and 2017). It ranked 2nd on the list in 2022, 2019, 2018 and 2016. It ranked 3rd in 2023. The 2024 humanitarian response plan for Cameroon was 45% funded with USD 168.2 million of the USD 371 million required meaning the funding gap was USD 202.8m [data pulled March 2025] (OCHA). Globally in 2024, USD 24.2 billion in funding was received against a total of USD 49.5 billion in requirements. This left a global funding gap of USD 25.3 billion (51.1%) [data pulled March 2025] (OCHA). Total military spending for 2024 was USD 2.46 trillion – equal to USD 6.74 billion per day. With the global humanitarian funding gap at USD 25.29 billion, this is equal to 3.7 days, or 1.03%, of global miliary spending in 2024 (IISS). The displacement crisis in Cameroon was mentioned in 28,800 articles in English, Spanish, French and Arabic in 2024. This is 15 times fewer than the crisis in Ukraine which was mentioned in 451,000 articles (Meltwater). Many major donors are cutting foreign aid budgets, which include both humanitarian and development funding. In January, the United States (US) suspended ongoing aid projects to conduct a foreign assistance review, forcing the majority of US-funded humanitarian work to be put on hold or, eventually, to cease (Devex). In February, the United Kingdom announced it would be cutting Overseas Development Assistance (ODA) from 0.5% to 0.3% of Gross National Income (UK Government). In February, the Dutch government also announced a EUR 2.4 billion cut in development aid from 2027 (Government of the Netherlands). The French government announced it would reduce public development assistance by more than EUR 2 billion – close to 40% of its annual funding (RFI). Swiss, Swedish, German and Belgian governments have also announced cuts in aid assistance budgets (Devex, Devex, SwissInfo, Development Today). Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — In a modest classroom on the edge of Baidoa, 13-year-old Ifrah Mohamed stands confidently before the chalkboard, solving math problems with ease. Her transformation from a struggling student to a budding mentor is one example of how tailored instruction is reshaping education for displaced children across Somalia. Source: Hiiraan Online
-
In ka badan 30 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish ayaa lagu dilay weerar cir iyo dhul ah oo ay maanta ciidamada difaaca Puntland ka fuliyeen inta u dhexaysa Miraale iyo Baalade. Cutubyo gaashaaman oo kamid ah ciidamada difaaca Puntland, oo ay weheliyaan diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca ayaa maanta godadka ugu daatay haraadigii firxadka Daacish, waxaana ay halkaasi ku dileen in ka badan 30 dagaallame oo ka tirsan kooxdaasi. Saraakiisha ciidamada ayaa isu ururiyay meydadka argagixisadii saaka lagu laayay hawlgalkan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ciidamadu soo bandhigaan meydadka kooxda iyo hubkii laga furtay, sidaan ka soo xigannay sarkaal ku sugan furinta hore ee Miraale. “Saaka subaxnimadii hore ayay ciidanku godadka ugu daateen haraadigii Daacish ee ka firxaday Miraale, waxaan ku qaadnay weerar cir iyo dhul ah, oo ay is barbar socdeen duqeynta cirka iyo dagaalka dhulka, taasi oo keentay in aysan wax naf leh ka baxsan intii meeshaasi joogtay.” “ilaa iyo hadda waxaan ururinay meydadka ilaa 30 xubnood oo kamid ahaa haraadigii Daacish ee saaka ciidanku laayay, waxaana soo bandhigi doonaa saacadaha soo socda oo aad indhihiina ku arki doontaan insha Allah” ayuu yiri sarkaal ku sugan jiidda Miraale oo aan warkan ka xigannay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo maanta weerar qorshaysan ku dilay in ka badan 30 xubnood oo Daacish ah appeared first on Puntland Post.
-
Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) wuxuu xaqiijiyay in ciidamada Burundi ee ku sugnaa saldhigga hore ee Xawaadley, waqooyi-bari ee caasimadda Muqdisho, laga daadgureeyay kadib fatahaado ba’an oo ka dhacay deegaankaas. Daadgureynta oo dhacday Isniintii ayaa wajahday caqabado farsamo, iyadoo mid ka mid ah helikobtarrada ay cilad farsamo la kulantay. Si kastaba ha ahaatee, duuliyeyaasha ayaa si xirfad iyo taxaddar leh diyaarada u dejiyay si nabad ah. Dhammaan ciidamada iyo shaqaalaha kale ee la socday waxaa si nabad ah loogu wareejiyay saldhig milatari oo u dhow Xawaadley. Hawlgalka AUSSOM wuxuu ammaan u jeediyay ciidamada Burundi dadaalkooda iyo feejignaantooda, taasoo sahashay in hawlgalku u qabsoomo si habsami leh. Sida uu sheegay Kareem Adebayo, wakiilka ku meel gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya: “Waxaan bogaadinaynaa falcelinta degdegga ah ee ciidamada AUSSOM ee Burundi intii uu socday hawlgalkan khatarta lahaa, waxaana mar kale xaqiijinaynaa taageeradayada shacabka iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si loo yareeyo saameynta fatahaadaha.” Si kastaba ha ahaatee, isla maalintaas oo ay ciidamada Burundi ka baxeen deegaanka, wararka laga helay dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay gudaha u galeen tuulada Xawaadley. Tuuladan oo leh buundo istiraatiiji ah oo xiriirisa waqooyiga iyo koonfurta dalka, ayaa hadda u muuqata mid si buuxda gacanta ugu gashay kooxda Al-Shabaab. Source: goobjoog.com
-
Booliiska Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa faahfaahin ka bixiyay kiiska haweeney Soomaali ah oo lagu dilay toorrey, ayadoo falkaasi uu ka dhacday xaafadda Croydon. Gabadhan oo lagu magacaabi jirey Maryama Osman, da’deeduna ahayd 26 jir ayay Booliisku sheegeen in 31-kii May, lagu weeraray toorrey, ka dibna ay geeriyootay. Qeybta dembiyada culus ee booliiska Ingiriiska ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaanno dheeri ah, ayagoo xaqiijiyay in goobta uu falku ka dhacay laga soo qabtay nin 33 jir oo ku luglahaanshaha dhacdadan la xariirinayo. Sidoo kale booliisku waxay 1-dii bishan June xireen nin kale oo 32 jir ah, kaas oo asagana loo haysta falkaas, waxaana Labada ninba hadda lagu sii daayay dammaanad ay dibedda ku joogi karaan inta uu socdo baaritaanku. Dhallinyarada Soomaaliyeed ee toorreyda lagu dilayo ayaa ku soo badanayay dalka Ingiriiska muddooyinkii la soo dhaafay, ayadoo waalidiinta iyo bulshada halkaas ku nooli ay arrintaas walaac xoogan ka muujinayeen. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Mareykanka ayaa xalay weerar ku qaaday godad dhaca togga Baalade, oo ay ku dhuumanayeen firxadkii Daacish, kuwaasi oo ay ku jiraan xubno sare oo la raadinayay. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo hawlgalkan fuliyay ayaa duqeymo xoog badan ku garaacay afar goobood oo dhaca afka togga Baalade, halkaasi oo ay u baxsadeen firxadkii laga saaray Miraale, islamarkaana la rumaysan yahay in ay horay u joogeen xubno sare oo kamid ah kooxdaasi. Jug culus oo is daba joog ah iyo iftiin sida hillaacii uga baxay dhinaca togga Baalade ayay xalay soo sheegeen saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Taliska Miraale, kaddib markii Mareykanku duqeyn xooggan ku garaacay godadkii ay ku dhuumanayeen xubno sare oo kamid ah argagixisada. Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee Puntland oo war kooban soo saaray ayaa sidoo kale xaqiijiyay duqeymaha Mareykanku xalay ka fuliyay togga Baalade, waxaana uu sheegay in lagu beegsaday godadkii ay ku dhuumanayeen firxadkii mileeshiyaadka Daacish. “Saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ayaa duqeeyay 4 meelood oo ku yaalla inta u dhexeysa Togagga Baalade iyo Miiraale, waxaa la beegsaday firxadkii Argagixisada oo sii gelaya Godad ay ku dhuumanayeen” ayuu warkiisa ku sheegay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland: Dowladda Mareykanka oo xalay weerar ku qaaday godad ay ku dhuumanayeen xubno sare oo Daacish ah appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxay dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay noqotay gabbaad muhiim ah oo ay siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya shirarkooda, dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed iyo is baheysiyadooda ka abaabulaan. Sidoo kale dhinacyada is diidan ama horay xurguftu uga dhexaysay ayay u noqatay madal ay ku wada hadlaan, islamarkaana dib ugu qaabeeyaan xariirkooda iyo sida ay dan wadaag cusub u noqan karaan. Haddaba arrintan ayaa loo arkaa inay sababeen dhawr qodob oo kamid ah duruufaha xilligan ay Soomaaliya wajahayso, kuwaas oo kala ah: 1. Ammaanka Soomaaliya weli waxay la tacaaleysaa amni xumo ay sabab u yihiin kooxaha hubeysan sida Al-Shabaab iyo loollanka siyaasadeed ee gudaha, Siyaasiyiinta mucaaradka ah, gaar ahaan marka ay dowladda talada haysa ka hortagto dhaqdhaqaaqyadooda ama ay cadaadis kala kulmayaan ayayna Nairobi u arkaan meel ammaan ah oo ay howlahooda ku fushan karaan. 2. Xorriyadda hadalka iyo shirarka siyaasadeed: Nairobi waxay siyaasiyiinta mucaaradka ahi ku dareemayaan xorriyad dheeraad ah oo ay ku abaabulaan shirar, warbaahin kula hadlaan, ama kulamo qabsadaan, ayagoo aan wajahayn wax cadaadis ah. 3. La wajiilaynta Kenya Dowladda Kenya waxay mararka qaar dowlad goboleedyada iyo Soomaaliland ula dhaqantaa sida dalal madax-bannaan, ayadoo xariirro gaar ah la yeelata, heshiisyo kala duwanna la gasha, taas oo keentay in siyaasiyiinta qaarkood ay Kenya u arkaan dal ay saaxiibnimo gaar ahi kala dhexayso oo danohooda laba geesoodka ay ka wada shaqayn karaan. 4. Meel dhexe u ah danaha caalamiga ah: Nairobi waxay xarun u tahay hay’ado badan oo caalami ah, sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, iyo ururro kale oo deeq bixiyaal ah, Tanina waxay u sahashaa siyaasiyiinta mucaaradka inay helaan dhagaystayaal caalami ah si ay u gudbiyaan cabashooyinkooda ama taageero uga helaan beesha caalamka. 5. Qabyaalad iyo is aamin la’aan gudaha Soomaaliya: Siyaasadda Soomaaliya waxaa si weyn u saameeya qabyaalad iyo loollan beeleed, Marka siyaasiyiin gaar ah dareemaan in aysan dalka gudihiisa ka helayn garab ama fursad cadaalad ah, waxay doortaan inay dibadda kaga sii wataan dhaq-dhaqaaqooda siyaasadeed. Haddaba Nairobi waxay noqotay meel ay ku kulmaan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliyeed maadaama ay ka helayaan amniga, xorriyadda, fursado caalami ah, iyo xiriirro bulsho iyo dhaqaale oo sahla in mucaaradku si xor ah isu abaabulaan, balse tani dhanka kale waxay sawir fool xun ka bixinaysaa dowladnimada Soomaaliya, ayadoo xoojinaysa faragelinta shisheeye oo ka mid ah waxyaabaha uu dalku ka dhis la’yahay. Source: goobjoog.com
-
Cataash oo urur siyaasadeedkiisii Waaberi uga ololaynaya Caynaba 2022kii. Laascaanood ( Faallo) — Cabdirisaaq Ibraahim (oo loo yaqaanno Cataash) ayaa toddobaadkan bixiyay waraysi uu ku difaacay kaalintiisii siyaasadeed markuu ka tirsanaa maamulka Somaliland oo ka horjeeda qarannimada Soomaaliya. Cataash waraysiga uu bixiyay wuu dheer yahay hase ahaatee dhowr arrimmood oo uu ka hadlay ayaa mudan in la dul istaago. Kaalintiisii Siyaasadda ee maamulka goosasho-doonka ee Somaliland Cataash wuxuu sheegay inuu siyaasadda ku jiray isaga oo leh wax uu ku tilmaamay “falsafad” dhaafsiisan “mushaar la qaato”. Markii la su’aalay sababta uu maamul dadkiisu aysan taageersanayn ugu biiray, Cataash wuxuu ku jawaabay: “Dadkaygu ma mideysnayn.” Wariyuhu ma su’aalin sababta uu Cataash ugu arkayay maamulka aamminsan kala goynta Soomaaliya, ahaana maamul dhibaato ku hayay dadka Sool (dil iyo xarig), mid dadkiisa meteli kara. Cataash dano ganacsi ayuu ku lahaa Hargeysa. Waddada uu danahaas ganacsiga u maray waxay ahayd xil wasiirnimo muddo kooban, iyo kaddib in loo dhoodhoobay urur siyaasadeed la odhan jiray Waaberi. Cataash wuxuu sheegay in ka badan 140 qof lagu dilay Laascaanood, hase haatee ay taasi horseedday in dagaal uu dhaco kaddibna uu maamul la aqoonsan yahay dhismo (maamulka Sool, Sanaag, Cayn, iyo Khaatumo.) Intii maamulka Somaliland uu ka talinayay Laascaanood wuxuu ku tiirsanaa caaglayaashii uu hoggaamin jiray Mahad Cambaashe oo dambiyo badan galay. Cataash iyo Cabdirisaaq Khaliif, oo ahaa afhayeenka baarlamaanka maamulka Somaliland, waxay ka mid ahaayeen raggii difaaci jiray siyaasaddii maamulka Somaliland uu sanadkii 2021kii dad Soomaaliyeed si qasab ah uga barakiciyay Laascaanood iyo dagaalkii maamulka Somaliland 2012kii ku qaaday Kalshaale. Cataash, Xaglatoosiye iyo Cabdirissaq Khaliif waxay ahaayeen dadka loo yiqiin horgalayaal, inkastoo ay kala xilal duwanaayeen oo siyaasadda goosasho-doonka ku kala biireen muddooyin kala duduwan. Cataash wuxuu iskaga baxay siyaasadda goosasho-doonka Febraayo 2023kii intii uu socday dagaalkii Laascaanood; Xaglatoosiye iyo Cabdirisaaq Khaliid, sidoo kale. Midnimada Soomaaliya Cataash wuxuu ku dooday in dadka maamulka Sool, Sanaag, Cayn iyo Khaatumo ay ku khasaareen inay difaacaan midnimada Soomaaliya. Sababta maamulka goosasho-doonka ee Somaliland u duqaynayay Laascaaood 2023kii oo u laayay in ka badan 800 oo qof una dhaawacay ku dhowaad 3000 oo qof waa Muuse Biixi oo ku doodayay in Laascaanood aysan ka mid ahayn Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Cataash si dadban ayuu difaacay mabda’a Muuse Biixi ku duqeeyay Laascaanood 2023kii. Cataash wuxuu meel kaga dhacay jamaahiirtii u dhimatay halganka iyo jamaahiirtii dhaawacu soo gaaray, dadkii barakacay iyo dadkii ku hanti beelay duqeyntii ciidammadii goosasho-doonku u geysteen Laascaanood. Sida Wadahadal u dhexmari karo maamulka SSCK iyo maamulka Somaliland Cataash wuxuu is weyddiiyay haddii lala hadlayo maamulka goosasho-doonka ee Somaliland si colaadda loo soo afjaro, ma waxaa lagula hadlayaa magaca maamulkii Khaatumo oo 2017kii heshiiska la galay AUN Silaanyo, mise magaca maamulka hadda jira ee SSCK? Waxaa xusid mudan in “maamulkii Khaatumo” uu hoggaaminayay AUN Cali Khaliif Galaydh uu taageeray in la weeraro Puntland 2018kii dagaalkii Tukaraq, mana ahayn maamul dadka SSCK metelayay. Sanadkii 2018kii kulan dhexmaray Galaydh iyo Muuse Biixi wuxuu ku dhammaaday fashil kaddib markii Biixi ku dooday in Galaydh uusan metelin dadka Khaatumo iyo inuu si shaqsi ah heshiis ula galay xukuumaddii Siilaanyo 2017kii. Kulankaas kaddib Galadyh wuxuu u leexday wax loo bixiyay tabliiq siyaasadeed, oo isaga iyo Axmed Ismaaciil Samatar ay ku booqan jireen Boorame iyo Burco si ay uga qeybgalaan doodo siyaasadeed. Hanka siyaasadeed ee horgale Cataash wuxuu miiska soo saary dhibaato haysata maamulka SSCK oo ah: sida loola dhaqmayo horgalayaasha leh han siyaasadeed si ay ugu soo biiraan mamaulka SSCK. Dadkii ehelada ku waayay dagaalkii Laascaanood iyo dadkii dhibaatadu soo gaaray intii taliskii caagle sare Mahad Canbaashe ka amar-ku-taaglaynay Laascaanood waxay aamminsan yihiin in horgale uusan marnaba kaalin siyaasadeed ku yeelanin maamulka SSCK. Cataash waa siyaasi qarinaya gaboodfalka maamulka goosasho-doonku kula kacay dadka SSCK maadaama uu Cataash ku dooday in ay khasaare tahay in dadka SSCK u dhinteen midnimada Soomaaliya. Ilaalinta midnimada Soomaaliya waxaa looga soo gurmaday Caluula ilaa Gaalkacyo. Dadku waxay kale oo difaacayeen sharaftooda iyo xaqooda siyasadeed ku salaysan Soomaaliya midaysan siyaasad iyo dhul ahaan. Waraysiga uu bixiyay Cataash waa mid dadka baray wejiga dhabta ah ee horgale han siyaasadeed iyo dano ganacsi weli leh. © Siciid M. Sheekh Cali The post Cabdirisaaq Cataash: “Waa khasaare in Reer SSCK u dhintaan qarannimada Soomaaliya” appeared first on Puntland Post.
-
Al-Shabaab ayaa la wareegay tuulada muhiimka ah ee Xawaadley oo ku taalla gobolka Shabeellaha Dhexe, qiyaastii 50 kiiloomitir waqooyi ka xigta magaalada Muqdisho. Tuuladan ayaa ah meel istiraatiiji ah maadaama ay ku taallo buundo muhiim ah oo xiriirisa Jowhar iyo Balcad gaar ahaan isu socodka ganacsiga, dadka safarka ah, iyo ciidamada dowladda. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa bilaabay in muddo saddex maalmood ah ay si ula kac ah u fatahinaayeen Wabiga Shabeelle ee Xawaadley, iyaga oo biyaha ka sii daayay kaydka weyn ee Balcad. Fatahaaddaasi ayaa burburisay difaacyadii ciidanka Burundi iyo maleeshiyaadkii deegaanka, kuwaasoo ugu dambeyn lagu qasbay inay halkaas isaga baxaan. Wararka la helayo waxay sheegayaan in maanta la arkay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo dhex socda gudaha Xawaadley, taasoo muujinaysa in kooxdaasi hadda gacanta ku hayso buundadii muhiimka ahayd. Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda ama ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, balse xaaladda ayaa weli ah mid cakiran oo laga cabsi qabo in ay sababto dhibaatooyin hor leh. La wareegidda Al-Shabaab ee Xawaadley waxay halis gelinaysaa amniga guud ee gobolka, waxayna si gaar ah u saameyn kartaa isu socodka gaadiidka, dhaqaalaha, iyo howlgallada militari ee dowladda. Source: goobjoog.com
