-
Content Count
213,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in la qaaday xayiraaddii saarneyd duulimaadyada tegi jiray magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Tallaabadan ayaa timid kadib muddo uu hakad ku jiray socdaalka diyaaradaha sababo lagu sheegay mid amni, waxaana laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 11-ka May 2025, si buuxda loo fasaxay in diyaaradaha ay mar kale isticmaalaan garoonka degmadaasi. Warqadda kasoo baxday Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Fartaag ayaa si cad u tilmaantay sababtii horay loo xiray garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow. Waxaa lagu xusay in 23-kii December 2024, diyaaradda Halla Airlines oo lahayd duulimaad u dhaxeeyay Muqdisho iyo Kismaayo la afduubay iyadoo ku sugnayd garoonka magaalada Kismaayo, taas oo si sharci darro ah looga dajiyay garoonka Doolow. Arrintaasi ayaa keentay in Dowladda Federaalka ay si ku-meelgaar ah u hakiso duulimaadyadii tagi jiray magaalada Doolow, si loo xaqiijiyo nabadgelyada garoomada dalka. Wasiir Fartaag ayaa sheegay in xaaladdaas ay baalmarsaneyd sharciga duulista hawada Soomaaliyeed, isla markaana ay qasab ka dhigtay in la sameeyo qiimeyn amni oo lagu hubinayo xasiloonida garoonka. Si kastaba, dowladda ayaa sheegtay in markale dib u eegis ku samaysay xaaladda, iyadoo la tixgelinayo baahida ay dadka reer Gedo u qabaan isticmaalka garoonka, gaar ahaan iyadoo lagu jiro xilli ay dad badani u socdaan gudashada acmaasha Xajka. Wasiirka ayaa sheegay in maamulka degmada Doolow, oo kaashanaya laamaha amniga gobolka ay ballan-qaadeen in ay si buuxda u ilaalin doonaan ammaanka iyo xorriyadda dadka safarka ah. Dib u furista garoonka ayaa muhiimad gaar ah u leh dadka deegaanka, kuwaas oo qaarkood u socday adeegyo caafimaad iyo arrimo ganacsi. Dadkaasi ayaa mudadaas waayay marin rasmi ah oo ay caasimadda Muqdisho kaga dhoofaan ama ugu yimaadaan. Xukuumadda Federaalka ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha amniga iyo maamulka degmada Doolow in ay si dhow ula socdaan xaaladda garoonka, si loo ilaaliyo amniga guud, loogana hortago wax kasta oo khatar ku keeni kara isku socodka dalka iyo haykalka dowladnimada. Si kastaba, Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa horay si cad uga soo horjeesatay xayiraadda, iyada oo ku eedeysay Dowladda Federaalka in ay tallaabadaasi u adeegsatay cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah shacabka degmada Doolow. Labada dhinac ayaa kala furtay kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha maamul-goboleedka Puntland ayaa qaaday tallaabo kale oo lagu xoojinayo xiriirka tooska ah ee ay dhowaan la yeesheen Somaliland, isaga oo difaacay iskaashiga cusub ee labada maamul. Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo si faah-faahsan uga hadlay arrimaha soo kordhay ayaa qiray in Puntland iyo Somaliland uu muddo dheer soo jiray xiriirkooda, isla-markaana uu salka ku hayo iskaashi dhanka amniga oo labada dhinac ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wadashaqeynta ay sii xoogeystay kadib markii la is dhaafsaday maxaabiis ay horay u kala qabsadeen labada dhinac, kuwaas oo hadda dib isku waydaarsaday, kadib heshiis hoose oo ay ka gaareen arrinta maxaabiista, kaas oo fulay. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in hadda meesha ay ka baxeen xaalado ka taagnaa qaybo kamid ah Sool iyo Sanaag oo marar kala duwan ay ku wada dagaalameen labada maamul. “Puntland iyo Somaliland waxay wadaagaan tabasho taariikheed, Dowladdii Kacaanka ayaa wax-wada yeeshay; markastana xidhiidhkeennu wuu jiray, haddana wuu socdaa; inkastoo caqabado ka jireen Sool & Sanaag; haddana waxa naga dhexeeya; deris, ganacsi, amni iyo iskaashi.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta SSC-Khaatumo, oo iyada loo aqoonsaday maamul-goboleed rasmi ah, wuxuuna sheegay in reer SSC ay xaq u leeyihiin inay go’aan ka gaaraan masiirka mustaqbalkooda. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in shalay ay iyagu garteen inay wax ku darsadaan Puntland, maantana ay ku bixi karaan taladooda iyo go’aankooda. “Khaatumo rabitaan kooda ayaan ku go’naa waana xaqooda; 1998 iyaga oo miyir-qaba ayey Puntland kamid noqdeen, haddana waxaa la rabaa talo in lagu kala tago ama lagu wada-joogo” ayuu mar kale yiri wasiir Cabdi Faarax Saciid oo loo yaqaanno (Juxa). Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo hadal xooggan uu ka dhashay xiriirka iskaashi ee u bilaabmay Somaliland iyo Puntland oo ah mud ugub ah, kuna soo aaday, xilli xasaasi ah oo ay jiraan isbeddallo ka dhacay gobollo waqooyi, kadib markii la aqoonsaday SSC.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaddib markii gabar iska soo tuurtay dabaq. Gabadha oo lagu magacaabo Maryam Xuseen Xasan ayaa si kas ah iskaga soo tuurtay dabaq saddex biyaano ah. Maryam oo uu ka muuqdo dhaawac culus ayaa maanta la hadashay warbaahinta. Maryam oo xaas ahayd ayaa sheegtay inay dabaqa iskaga soo tuurtay ciil ay ka qaaday saygeeda oo ah askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Maryam oo haysata cunug yar ayaa sheegtay in ninkeeda iyo ehelkiisa ay ku deyriyeen, isla markaana uu guursaday naag kale. “Naag kale ayuu guursaday, kaddibna waa isku fahmi waynay, markaas ayuu i furay. Cunuggii ayuu iga reebay. Markaas kaddib degmada Shibis ayaan ka dacweeyay, cunuggii waa la iga qaaday. Hadda deyntii ayaa la iga rabaa uu dhiibay tukaanka,” ayay tiri Maryam. Waxay intaas ku dartay: “Dabaqa waxaa iskaga soo tuuray stress iyo cayda uu isoo caayayo, inta aan usoo samrayay waa arki waayay, buuq ayuu igu furay, aniguna madaxa ayaa ka xanuusanaa.” Maryam ayaa sheegtay in culeyskii ka hayay ninkeeda ay kala tageen darteed ay go’aansatay inay is disho, sidaas darteedna ay iska soo tuurtay dabaqa. Balse saacaddu waa xilligeede, waxaa dhacdadaas kasoo gaaray dhaawac culus. “Biyaannada u koreysa ayaa kas iskaga soo tuuray si aan isku dilo, waxaan isku soo tuuray caburiska iyo cayda, iyo inta aan u samraayay,” ayey hadalkeeda sii raacisay Maryam Xuseen Xasan. Hoos ka daawo muuqaalka
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, waxana laga wada hadlay hab-sami-u-socodka hawlaha muhiimka ah ee ay KDQ u hayaan Qaranka. Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha KDQ ku bogaadiyey qaabka ay u maamuleen una suurto geliyeen qabsoomidda doorashooyinkii isku sidkanaa (Madaxtooyada iyo tii Axsaabta Siyaasiga ah) ee ka qabsoomay dalka, 13-kii November 2024. Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha KDQ u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, hagar-bax iyo masuuliyad dheeraad ah, taasoo ay Beesha Caalamku si weyn inoogu bogaadiyeen doorashooyinka hufan ee ka hirgalay dalkeena. Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Komishanka Doorashooyinka Qaranka uga mahad celiyey doorka farsamo iyo ka aqooneed ee ay ku lahaayeen suurto gelinta Diwaangelinta Biometric-ga ah ee Qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka JSL. Madaxweynuhu waxa uu KDQ u xaqiijiyey in Xukuumaddu ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso wixii arrimo ah ee kaga xidhma xaggeeda. Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyaguna dhinacooda waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad celiyeen la kulankooda, waxa aanay uga xog warrameen hab-sami-u-socodka hawlaha ay u xilsaaran yihiin. KDQ waxa ay sheegeen in ay sameeyeen cilmi baadhis qoto dheer oo la xidhiidha caqabadaha ka soo baxay doorashooyinkii ina dhaafay, casharrada laga bartay iyo arrimaha u baahan in la saxo, si aanay mar kale u dhicin. Kulanku waxa uu ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad iyo in laga wada shaqeeyo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka JSL. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Garowe (Commentary) — In Puntland, the line between a government spokesman and a celebrity promoting a product is increasingly blurred. I watched a video clip of Jama Yusuf (aka Deparani) the Spokesman of the Puntland State Presidency, promoting a shop that sells fitness diets. That is a job he could do if he were not on the government payroll. It constitutes a conflict of interest to use the prestige of a public office to promote private businesses. This lapse in judgement may not bother many people in Puntland, who have become indifferent to embezzlement and political corruption resulting from the concentration of power in the presidency of the Puntland State. Like other civil servants, Jama Deparani is bound by Article 77 of the Puntland Constitution: “The President, Vice President, Ministers, Vice Ministers and all public officials shall not engage in private business while in office.” He should also adhere to Article 128 on good governance: “Any private interest shall be declared, and steps shall be taken to resolve any conflicts of interest that result from his/her decisions.” A cynic might point to Article 77 again, which also states: “The President, Vice President, Ministers, Vice Ministers and all public officials shall declare their assets to the Auditor General in the first month of taking office,” and ask: Did President Deni declare his business interests upon becoming President of Puntland in 2019, or again in 2024 when he was re-elected? Senior officials have reportedly used government authority to buy shares in certain public notaries, whose services received favourable official recognition to sideline other less-connected notaries and denying them opportunities in both public and private sectors. Political accountability is absent in Puntland. It is a one-man political spectacle. Civil society organisations, dependent on government handouts, are too timid to advocate for the enforcement of constitutional provisions on conflicts of interest in public life. The political system in Puntland is rotten to the core. A government spokesman moonlighting as a celebrity promoting private businesses is merely the tip of the iceberg. Ali M. F. Hassan is a law undergraduate at a university in Garowe © Puntland Post, 2025 The post Conflict of Interest at the Heart of Puntland Politics appeared first on Puntland Post.
-
Islamabad (Caasimada Online) – Xabbad-joojin jilicsan oo u dhexaysa Hindiya iyo Pakistan ayaa weli jirta Axadda maanta ah, kadib saacado dagaal ah oo habeenkii dhexmaray labada waddan ee leh awoodda nukliyeerka, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu ka shaqeyn doono xal u helidda arrinta Kashmir. Labada dal ee xafiiltamaya ayaa afar maalmood ku jiray dagaal culus, kii ugu xumaa muddo ku dhow soddon sano, iyagoo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn isku garaacay xarumaha militari ee labada dhinac, halkaas oo ay dad badani ku dhinteen. Heshiis xabbad-joojin ah ayaa la gaaray kadib dadaallo diblomaasiyadeed iyo cadaadis ka yimid Mareykanka, hase yeeshee dhowr saacadood gudahood waxaa mar kale la maqlay madaafiic ka dhacday Kashmir-ta Hindiya, oo ah halka uu dagaalku intiisa badan ka socday. Goobjoogeyaal, saraakiil iyo dad deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxyo ay ka dhaceen magaalooyinka xuduudda ku dhow, iyadoo la isticmaalayay nidaamyada difaaca cirka, iyadoo magaalada ay saameysay muggii habeenkii, sidii habeenadii hore. Dabayaaqadii Sabtidii, Hindiya ayaa ku eedeysay Pakistan inay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta, iyadoo ciidamada Hindiya la faray inay “si xooggan uga jawaabaan” haddii lagu celiyo jebinta heshiiska. Pakistan ayaa dhankeeda sheegtay inay u hoggaansan tahay xabbad-joojinta, islamarkaana ay Hindiya mas’uul ka tahay xadgudubyada. Waaberigii Axadda maanta ah, dagaalkii iyo qaraxyadii habeenkii dhacay ayaa istaagay labada dhinac ee xuduudda, sida ay sheegeen markhaatiyaasha Reuters. Korontada ayaa dib ugu soo laabatay inta badan magaalooyinka ku dhow xuduudda Hindiya, kadib markii habeen hore uu mugdi hareeyay. Trump ayaa ammaanay hoggaamiyeyaasha labada dal ee oggolaaday joojinta colaadda. “Inkasta oo aanan si rasmi ah uga wada hadlin, haddana waxaan si weyn u kordhin doonaa ganacsiga labada dal ee waaweyn. Sidoo kale, waxaan idinla shaqeyn doonaa si xal looga gaaro arrinta Kashmir,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay barta Truth Social. Magaalada xuduudda ee Amritsar, oo ah goobta uu ku yaallo Golden Temple ee ay Sikh-yadu qaddariyaan, ayaa subaxnimadii laga qaaday siren, taasoo calaamad u ahayd in noloshii caadiga ahayd dib loo bilaabo, waxaana waddooyinka lagu arkayay dad dibadda usoo baxay. Dagaalka ayaa billowday Arbacadii, laba toddobaad kadib markii 26 qof lagu dilay weerar lagu qaaday Hinduuga ku nool magaalada Pahalgam ee Kashmir-ta Hindiya. “Tan iyo markii argagixisadu weerartay dadka Pahalgam, waxaan si hore ah u xireynay dukaamada, waxaana jiray cabsi weyn. Aad ayaan ugu faraxsanahay in ugu yaraan aanan arki doonin dhiig daata labada dhinac,” ayuu Satvir Singh Alhuwalia, oo ah dukaane 48 jir ah oo ku sugan Amritsar, u sheegay Reuters. Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa sheegay in rasaas laga maqlay magaalada Bhimber ee Kashmir-ta Pakistan habeenkii xalay, balse meel kale oo dagaal ka dhacay aysan jirin, sidoo kalena aysan jirin wax khasaare ah. Labada dal ee ka dhashay kala-galkii gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1947 ayaa saddex jeer dagaalamay – labo jeerna waxaa sabab u ahaa muranka Kashmir. Hindiya oo Hinduugu u badan yahay iyo Pakistan oo Muslimiintu u badan yihiin ayaa mid walba gacanta ku haysa qaybo ka mid ah Kashmir, iyagoo mid walba sheeganaya lahaanshaha gobolka oo dhan. Hindiya waxay ku eedeysay Pakistan inay taageerto kacdoonka hubeysan ee ka socda Kashmir-ta ay maamusho, kacdoonkan oo billowday sanadkii 1989 oo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof. Sidoo kale, waxay Pakistan ku eedeysay in kooxaha Islaamiyiinta ee fadhigoodu yahay Pakistan ay ka geysteen weerarro gudaha Hindiya. Pakistan ayaa dhankeeda sheegtay inay siiso taageero moral, siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed kooxaha Kashmiri-ta u ololaynaya. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tirada guud ee dadka ku dhintay iska horimaadyadii ugu dambeeyay ay gaartay ku dhowaad 70 qof. “Aniga iga sii badan, qoyskayga ayaa aad u faraxsan, maadaama carruurteyda iyo xaaskeyga ay igu wici jireen saacad walba si ay xaaladayda u ogaadaan. Ilaahay baa mahad leh in xabbad-joojin la gaaray,” ayuu Guruman Singh, oo ah waardiye ka shaqeeya Amritsar, u sheegay Reuters.
-
The Somaliland House of Representatives has received a motion calling for the official suspension of dialogue with Somalia. The move follows an earlier proposal by the Somaliland government to end the talks, primarily driven by Somalia’s interference in Somaliland’s sovereignty and internal affairs. The motion, introduced by members of the House, has been referred to the House’s legal advisor for review. The advisor will assess its compliance with legal and procedural standards before any further action is taken. Somaliland’s accusations against Somalia include attempts to influence its internal governance, with particular concern over Somalia’s support for militias in the eastern Sool region. Somaliland views these actions as part of a broader effort by Somalia to undermine its authority and hinder its pursuit of international recognition as an independent state. The situation escalated recently when Somaliland Armed Forces seized a large cache of weapons following a clash with militias in the eastern Sanaag region. The weapons, including wooden ammunition containers, were marked with Somalia’s Ministry of Defense labeling, raising questions about the diversion of foreign military aid intended for counter-terrorism purposes to fuel the conflict in Somaliland. Further inflaming tensions, Somalia’s Prime Minister visited Eastern Sool region in Somaliland, prompting strong condemnation from Hargeisa. Somaliland views this visit as a provocative act, challenging its sovereignty and territorial integrity. The motion, now under legal review, underscores Somaliland’s ongoing efforts to assert its sovereignty. The international community is being urged to take note of Somalia’s actions, which continue to destabilize the Horn of Africa. As the motion progresses, the outcome could play a pivotal role in shaping the Horn of Africa’s future relations. Somaliland, despite lacking formal international recognition, has maintained stability, governance, and peace in its territory. This motion serves as a clear message that Somaliland will not tolerate external interference in its affairs as it continues its path toward self-determination and sovereignty. SOURCE:HORNDIPLOMAT Qaran News
-
Dawladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa si rasmi ah u fasaxday in dib loo furo garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow, gobolka Gedo. Go’aankan ayaa lagu shaaciyey warqad rasmi ah oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Amniga Gudaha Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), taariikhduna tahay 11-ka May 2025. Garoonka degmada Doolow ayaa xirnaa tan iyo 23-kii December 2024, kadib markii ay dhacday dhacdo amni oo la xiriirtay diyaarad laga leeyahay shirkadda Halla Airlines oo isku dayday inay si aan sharciga waafaqsanayn uga degto garoonka Doolow, iyadoo aan la socodsiin hay’adaha duulista Soomaaliya, balse ay si toos ah uga timid Kismaayo kuna wajahneyd Muqdisho. Tani waxay keentay in la xiro garoonka si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo ilaalinta sharciga. Go’aanka lagu furayo garoonka ayaa yimid kadib markii ay maamulka degmada Doolow iyo laamaha amniga gobolka ay ballan qaadeen in ay ka shaqeyn doonaan ilaalinta ammaanka, kana hortagi doonaan wax kasta oo keeni kara khatar ku timaadda nidaamka dastuuriga ah iyo midka socdaalka dalka. Sidoo kale, fasaxa dib u furista garoonka ayaa yimid iyadoo laga jawaabayo baahi weyn oo ay qabaan shacabka gobolka Gedo ee doonaya inay si nabad ah ugu safraan gobollada kale ee dalka, gaar ahaan xilliyada barakeysan sida gudashada acmaasha Xajka. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Ku xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska, Dhismaha Xarunta cusub ee Booliiska Puntland iyo Dhismaha Saldhiga dhexe. Madaxweyne ku xigeenka waxaa Taliska Guud kusoo dhoweeyey Taliye Ku-xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliiska Gen. Caydiid Axmed Nuur, Taliye Ku-xigeenka 2-aad Gen. Cismaan Maxamuud Cige iyo Saraakiisha Taliska, isaga oo ka dhegaystay warbixin ku aadan shaqada Ciidanku u hayo bulshada. Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenka ayaa kormeeray Dhismaha Taliska cusub ee Ciidanka Booliiska oo meel wanaagsan maraya. Kormeerka ayaa u jeedkiisu yahay dardargelinta shaqooyinka socda ee adeega Dowladnimo ee loo hayo bulshada Puntland. Kormeerka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyey Wasiirka Degaanka Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeen Ilyaas Lugatoor oo warbixin amni ka dhegeystay Saraakiisha Booliska Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee ku mideysan Madasha Maanshiil oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan natiijada kasoo baxday shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, iyaga oo soo dhoweeyay go’aannada diidmada ee ka yimid Mareykanka. Bayaanka kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad loogu diiday qodobada ay soo saareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna ku taliyay in lagu soo noqdo sharciga, lana aado doorasho wada ogol ah. Mucaaradka Koonfur Galbeed oo ka falceliyay tallaabada Mareykanka ayaa tilmaamay in bogaadin ay mudan tahay, ayna soo dhaweynayaan. Sidoo kale, waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada beesha caalamka ee la xiriira xaaladda Soomaaliya, si xal looga gaaro muranka taagan ee ka dhashay hanaanka doorashooyinka dalka. “Madashu waxay aqoonsan tahay taageerada muhiimka ah iyo taageerada joogtada ah ee beesha caalamka, gaar ahaan Dowladda Maraykanka, ee ku aaddan dib u soo kabashada iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maanshiil. Waxaa kale oo ay soo jeediyeen in khilaafka siyaasadeed ee taagan lagu xalliyo wadahadal, ayna dowladda federaalka fursad siiso dhinacyada kasoo horjeedo. Madasha ayaa ugu dambeyn madaxda qaranka ka dalbatay inay ilaaliyaan sharciga, ayna kusoo noqdaan xeyndaabka dastuurka, si looga gudbo xaaladda adag ee lagu jiro. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeer, waxaana kasii daray khilaafka gudaha, kadib qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa dhaliyay sii kala fogaasho xoogleh, waxaana ka maqnaa Jubbalanad iyo Puntland, halka xubnaha mucaaradkana ay qaadaceen go’aannada soo baxay iyo guud ahaan qorshaha dowladda ee la xiriira doorashooyinka dalka.
-
Hindiya iyo Pakistan ayaa midba midka kale ku eedeeyay “xadgudub” saacado ka dib markii labada waddan ay sheegeen inay ku heshiiyeen xabbad-joojin ka dib maalmo ay socdeen weerarro millatari oo xudduudaha ka gudbaya. Kadib dhawaaqyo qaraxyo ah oo laga maqlay gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya Vikram Misri ayaa sheegay inay jireen “xadgudubyo soo noqnoqday oo ku saabsan fahamkii aan gaarnay”. Wax yar ka dib, wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay “ay ka go’an tahay dhaqangelinta daacadda ah ee xabbad-joojinta…inkastoo ay jiraan xad-gudubyada ay Hindiya ka geysanayso meelaha qaarkood”. Dagaalka u dhaxeeyay Hindiya iyo Pakistan afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ahaa iska horimaadkii ugu xumaa ee militari oo dhexmara labada dhinac ee iska soo horjeeda muddo tobanaan sano ah. Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU, Somalia – The warning issued by the United States to Somalia’s Federal Government was a profound political message, signaling strong concern over recent developments, particularly President Hassan Sheikh Mohamud’s approach to federalization, a process based on an agreed constitution and a consensual electoral framework. The statement, released by the US State Department’s Bureau of African Affairs, carried several intertwined messages: a warning, an accusation, and a rejection. This report examines the content of the US statement, the political pressure facing President Hassan Sheikh, and the potential solutions identified. Content of the statement The statement conveyed three key messages: Warning: The first message clearly warned against unilateral decisions by Somalia’s leadership that could weaken national inclusivity and cohesion. Accusation: The United States accused President Hassan Sheikh of transforming the National Consultative Council into a partisan body, signaling an attempt to monopolize power. This accusation refers to commitments he had previously made to US and UK ambassadors to convene an inclusive national consultation. Rejection: Beyond the warning and accusation, the statement explicitly rejected any political outcome that excludes Puntland, Jubaland, opposition parties, or civil society. The United States reminded President Hassan Sheikh that authoritarianism will not be tolerated. Reasons behind the US warning Reliable sources confirmed that US dissatisfaction stemmed from broken promises by President Hassan Sheikh. Several direct messages were sent urging him to reconsider. However, he evaded them and ultimately planned to establish a major political party, the Justice and Unity Party (Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka). The US statement followed reports from the American Embassy in Mogadishu, warning that the president could no longer be allowed to act unilaterally. A US diplomatic official who contacted opposition leaders indicated that the message was intended to pressure President Hassan Sheikh to halt his party’s formation and preserve the national consultative process. Puntland’s complaint regarding SSC The statement also stressed that the federalization framework cannot be altered without broad agreement. This concern is linked to a complaint submitted by the President of Puntland, objecting to the Federal Government’s recognition of SSC-Khaatumo. Puntland argued that the decision concerning SSC-Khaatumo, which affects its constitution and territorial boundaries, was made without consultation. Puntland maintains that any separation or union must be decided legally and through mutual agreement between Puntland and the SSC-Khaatumo community. Potential next steps by the US Initially, US diplomats responsible for Somalia, particularly Ambassador Richard H. Riley, closely monitored the situation. However, after President Hassan Sheikh resisted the latest diplomatic advice, the issue was escalated to Washington and is now under review by the Assistant Secretary of State for African Affairs. If the president refuses to change course, US diplomats have told opposition figures that decisions will be made in Washington. This could potentially result in measures against President Hassan Sheikh and other Somali leaders seen as obstacles to state-building efforts. Potential steps include economic sanctions, travel bans, downgrading or relocating the US Embassy in Mogadishu, and imposing political isolation on individuals who undermine security and the electoral process. Options available to president Hassan To avoid escalating conflict and international pressure that could jeopardize Somalia’s stability, President Hassan Sheikh has a narrow path forward: He must reopen the suspended National Consultative Conference, engage with opposition groups and dissenting federal member states, and abandon efforts to formalize his new political party. Failure to do so could subject him to mounting political pressure that may prove challenging to withstand. The direct warnings already issued by the United States, now reaching the level of the Assistant Secretary of State for African Affairs, are seen as a sign that Washington anticipates the potential collapse of the president’s political project, which it views as rooted in instability, unilateralism, and deteriorating security.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Aabe Cabdicasiis Maxamed oo dhalay marxuumad Luul oo horay uu u gubay seygeeda ayaa ka hadlay warar lagu baahiyay barahah bulshada oo sheegayay in la sii daayay xukunsane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo horay loogu helay inuu gubay marxmuuddda oo xaaskiisa ahayd. Aabe Cabdicasiis oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa beeniyay wararka la faafiyay, wuxuuna sheegay inay ka dambeeyeen dadl dano gaar ah leh oo uu tilmaamay in beenta ay lacago ka helaan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in weli uu xiran yahay Sayid-Cali, ayna xukumeen saddexda heer maxkamadeed ee dalka, wuxuuna mar kale ku celiyay inay go,’aankooda uu weli sidiisii yahay, ayna rabaan toogasho oo kaliya. waxaa kale oo uu meesha ka saaray in ehellada labada dhinac ay si hoose uga wada-hada-hadleen kiiska. “Media-yaha waa lagu yaqaanaa beenta iyo borobagaandada in Sayid Cali lasoo deeyay ma jirto maxkamadaa xukuntay saddex jeer bey xukuntay, anigane waan sheegay inaan qaadaneynin diyo”ayuu yiri Aabe Cabdicasiis. Waxaa kale oo uu tilmaamay inay ka war sugayaan dowladda Soomaaliyeed oo uu gacanteeda ku jiro Sayid-Cali, wuxuuna ku baaqay inay shaqeyso cadaaladda. “Annaga dowladda gacanteeda ayaan ku ognahay fulinta xukunka ayaana sugeynaa, taas oo kaliya ayaan ku qanceynaa” ayuu mar kale yiri Aabe Cabdicasiis. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ay arrinta ay u taalla Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna sugayaan saxiixiisa si loo fuliyo qisaasta marxuumad Luul Cabdicasiis. Hadalkan ayaa meesha ka saaraya warar aad u faafay oo ku aadanaa in lasii daayay Sayid-Cali, kaas oo hadda beenoobay, waxaana ka dhashay hadal-heyn xooggan. Kiiska Luul Cabdicasiis ayaa ahaa mid xasaasi ah oo dhaliyay saameyn aad u wayn, kadib markii uu saygeeda oo hadda xiran uu nolosha ku gubay, kaas oo isna dil lagu xukumay. Si kastaba, waxaa hadda kaliya la sugayaa fulinta xukunka oo aad u daahday, maadaama maxkamadaha dalka ay horay go’aan kama dambeys ah uga gaareen arrinta Sayid Cali.
-
Hindiya iyo Pakistan ayaa midba midka kale ku eedeeyay “xadgudub” saacado ka dib markii labada waddan ay sheegeen inay ku heshiiyeen xabbad-joojin ka dib maalmo ay socdeen weerarro millatari oo xudduudaha ka gudbaya. Kadib dhawaaqyo qaraxyo ah oo laga maqlay gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya Vikram Misri ayaa sheegay inay jireen “xadgudubyo soo noqnoqday oo ku saabsan fahamkii aan gaarnay”. Wax yar ka dib, wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay “ay ka go’an tahay dhaqangelinta daacadda ah ee xabbad-joojinta…inkastoo ay jiraan xad-gudubyada ay Hindiya ka geysanayso meelaha qaarkood”. Dagaalka u dhaxeeyay Hindiya iyo Pakistan afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ahaa iska horimaadkii ugu xumaa ee militari oo dhexmara labada dhinac ee iska soo horjeeda muddo tobanaan sano ah. Source bbcsomali Qaran News
-
Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland oo shir ku saabsan Amniga ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay shirkaas uga hadleen dhawr qodob oo lagu xoojinayo Nabadda Gobolka. Qoraal ka soo baxay Shirka Guddiga Amniga Gobolka Mudug ayay ku sheegeen in ay Shirkooda uga hadleen qodoba ay kamid yihiin Xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, Sugidda amniga guud ee gobolka, Dadaallada lagu xoojinayo nabadaynta beelihii horey u diriray, Joojinta rarista bir-qalaxda iyo waxyaabaha la midka ah. “Intii uu socday shirku ayaa waxaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amni ee gobolka iyo qorsheyaasha wadajirka ah ee lagula tacaalayo falalka amni-darro. Waxaa kaloo la is dhaafsaday fikrado la xiriira xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi. Shirka Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ugu danbayn kusoo dhammaaday jawi is afgarad ah, iyadoo la isku raacay in si dhab ah looga shaqeeyo sugidda amniga lana dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo daganaansho iyo wada noolaansho buuxda oo bulshada gobolku helaan. PUNTLAND POST The post Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland oo shir ka yeeshay Xoojinta Amniga Gobolka appeared first on Puntland Post.
-
Khasaaraha ka dhashay roobabkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa sii kordhaya, waxaana isi soo taraya xogaha ku saabsan tirada dhimasho iyo burburka uu roobku sababay. Meydadka dad ay daadku qaadeen ayaa laga soo saaray qaar kamid ah biya dageenada magaalada, sidoo kale guryo dumay ayaa sababay waxyeello dhimasho iyo dhaawacba len. Jidadka qaar ee caasimadda biya ku rogmaday ayaa isku socodka dadka iyo gaadiidka hakad geliyay, ayadoo xaafadaha qaar ay bulshadu ay miciin biday baabuurta cagaf cagafta, ka dib markii ay waayeen si kale oo ay biyaha hor ceegaaga uga gudbaan. Si kastaba ha ahaatee dadka reer Muqdisho waxay la daalaadhacayaan mid kamid ah musiibooyinka dabiiciga ah ee soo noq noqda, balse ma muuqdaan baraarug iyo birmad dadka waxyeelladu gaartay lagu taageerayaahi. Source: goobjoog.com
-
Taliska Booliska qaybta gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku guulaystey inay gacanta ku dhigaan xukume Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) Qabashada xukumanaha ayaa waxaa gacan wayn ka gaystay ciidamada Macawisleyda iyo dadka shacabka ah ee deeggaanada Wisil iyo Bacaadwayne. Xukumanaha ayaa ka tirsanaa shabakad dad badan ku dishay gobolka Mudug, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo iyada oo horey garsoorka dowladda Puntland ay dil toogasho ku xukuntay, balse uu ka baxsadey gacanta dowlada. Taliska qaybta Mudug iyo guud ahaanba laamaha ammaanka dowladda Puntland oo baadi goobayay xukumanahan isla markaana madaxiisa lacag dul saartey ayaa lagu qabtey deegaanka Bacaadwayne ee gobolka Mudug, Galmudug. Xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe ee gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland: Xukmane ku eedaysan argagixiso oo horay xabsi uga baxsaday oo dib loo qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Dalalka Hindiya iyo Pakistan oo maalmihii la soo dhaafay ay xiisad xooggani ka dhex aloosnayd, islamarkaana dhawr duqeymo iyo weerarro toos ah iswaydaarsaday ayaa ugu dambeyn gaaray heshiis xabbad-joojin ah. Wada-hadal uu Mareykanku dhexdhaxaadiyay ayaa lagu gaaray is afgaradka hordhaca ah ee heshiiska xabbad-joojinta ah, sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Donald Trump. Trump oo heshiiskan shaacinaya ayaa yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in India iyo Pakistan ay ku heshiiyeen xabbad joojin dhamaystiran oo degdeg ah, Waxaan u hambalyeynayaa labada dal ee muujiyay masuuliyadda sare, waxaanan uga mahadcelinayaa xiisaha ay arrintan u qabaan arrintan”. Xiisadda labadan dal ee awoodda Nuclear-ka ku hubaysan ayaa dib u qaraxday 22-dii bishii hore ee Abriil, ka dib markii gobolka Kashmir qeybta Hindiya lagu 26 qof oo dalxiiseyaal ah, waxayna Xukuumadda New Delhi falkaas ku eedeysay Pakistan iyo kooxaha ay taageerto. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa,(Qaran news)-Shilinka Somaliland ayaa dhowrkii cishe ina soo dhaafayba kor u soo kacaayay marka la isku sarifaayo dollar’ka Maraykanka. Boqolka dollar ayaa hore u gaadhay Hal milyan iyo 80 kun oo shilinka Somaliland ah xaga uu maanta ku soo dhacay Hal milyan iyo 10 kun oo shilinka Somaliland. Dadaalkani kor loogu soo qaadaayo qiimaha shilinka Somaliland ayaa waxa qaaday xukuumadda Somaliland iyada oo Banka Somalilandna uu si fiican uga hawlgalay dib u soo celinta qiimaha shilinka iyada oo Baanku uu suuqa ku soo daayay lacag dollar ah oo aad u faro badan. Waxana la filayaa in ayaamaha soo socda uu shilinka Somaliland uu sameeyo isbedel aad u balaadhan. Sidoo kale waxa maanta hoos u dhacay shiidaalka siiba Badroolka iyada oo la filaayo in maceeshada iyo alaabooyinka kale ay iyana hoos u dhici doonaan. Qaran News
-
Hindiya iyo Pakistan oo wada-hadal yeelanaya. Hindiya iyo Pakistan ayaa ka wada hadli doona arrimo dhowr ah, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio. Wuxuu sheegay in labada dal “ay isku raaceen xabbad-joojin degdeg ah ayna bilaabaan ka wada hadalka arrimo dhowr ah kuwaasoo lagu qabanayo goob dhexdhexaad ah”. Qoraal uu soo dhigay barta X, wuxuu intaa raaciyay: “Waxaan ku bogaadineynaa raysal wasaareyaasha Modi iyo Sharif xikmaddooda, digtoonaan, iyo dawladnimo lagu dooranayo waddada nabadda.” Wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ay 48 saac ee lasoo dhaafay la qaateen saraakiisha Hindiya iyo Pakistan, oo ay ku jiraan raysal wasaareyaasha Narendra Modi iyo Shehbaz Sharif. Bbcsomali Qaran News
-
Golaha Wakiilada ayaa loo gudbiyay Mooshin lagu dalbanayo in la joojiyo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii Xukuumaddu hore u soo jeedisay arrintaasi. Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa lagu wareejiyay la taliyaha sharciga ee Golaha si uu eego in uu waafaqsan yahay shuruucda iyo nidaamka mooshinada loo soo gudbiyo. Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay in ay joojinayso wadahadalada Soomaaliya oo ay ku eedaysay in ay faro galin ku hayso arimaha khuseeya qaranimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Saab Qaran News
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa ka hadlay xaaladda degdegga ah ee ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo si daran uga da’ay magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda. Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu qaaday tallaabo kasta oo suuragal ah si loo yareeyo saameynta daadadka iyo roobabka dabaasha wata ee sababay waxyeelo ballaaran oo gaaray waddooyin, guryo, iyo xaafado ka mid ah Caasimadda. “Howl adag ayaan ka wadnaa maareynta saameynta roobka. Waxaan diyaarinay matoorro waaweyn oo tuura biyaha iyo booyado dhaqaajinaya biyaha fadhiya meelaha muhiimka ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in warbixin dhamaystiran oo ku saabsan saameynta roobka la soo saari doono goor dhow, si loo ogaado baaxadda khasaare ee dhacay. Waxa uu intaa ku daray in gargaar degdeg ah la gaarsiinayo dadka ay waxyeellada ka soo gaartay roobabka, gaar ahaan kuwa ku barakacay daadadka ama guryahooda ay galeen biyo. “Waddooyinkii uu roobku burburiyay si degdeg ah ayaa loo dhisi doonaa, waxaana fareynaa shirkadihii hore u dhisay waddooyinkaasi in ay markale dib u dhisaan laamiyo tayo leh oo ka adkaysan kara roobabka iyo daadadka,” ayuu yiri Maxamed Axmed Amiir. Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka Caasimadda in ay la shaqeeyaan maamulka, ayna muujiyaan dulqaad iyo feejignaan inta laga maareynayo xaaladda degdegga ah. Source: goobjoog.com
-
Geesigii Galbaday ! Ganacsade Maxamed Xaaji Cabdilaahi Abu-Zite Rabbi Naxariistii Janno ha ugu deeqee waxaa maanta oo Jimce ah magaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Maxamed Cabdillaahi X. Abu-Zite. Marxuumkan oo ka soo jeeda Reer Magac iyo Maamuus weyn ku dhex leh Ummada Reer Somaliland iyo Ummada Soomaaliyeedba, waxa uu ahaa Halyeey garasho dheer, oo dadnimo iyo sharaf Allah u dhaliyay oo naxariis badan, ummadana aad u caawiya. Arrimaha Gobonimada leh ee aan Kaysar ahaan uga soo joogay waxaan ka xusi karaa in maalin aniga oo ku sugan Xaafada Southall ee Galbeedka London oo qiyaas ahaan ahayd sanadkii 2003, ayaa Marxuum Maxamed Abu-site nin ku yidhi Xaaji Cabdi Waraabe ayaa lasoo sheegay inuu Hargeisa ku xanuunsanayo. Markiiba Marxuum Maxamed intuu Taleefan diray ayuu qof Qoyskiisa reer Abu-site ka mid ah oo Hargeysa jooga uu la hadlay, wuxuu ku amrray inay degdeg Xaaji Cabdiwraabe ugu tagaan oo ay soo eegaan xaalkiisa, safar Caafimaad oo Dubai ahna ay u diyaariyaan. Xiligaas Maxamed wuxuu maamuli jiray diyaarada Daallo Airlines oo ka bixi jirtay Madaarka Gatwick Airport. Isla wakhtiyadaa 2003 aniga oo Olole ugu jiray sidii Dalka Ciraaq loo soo daad-gurayn lahaa Arday badan oo reer Somaliland ahaa oo Dalkaas ku xanibnaa oo weerar ay ku qaadayeen Ingiriiska iyo Maraykanu, ayaan dedaal xooggan u galay in Ardaydaasi Ciraaq ka soo baxaan. Allah ha u Naxariistee Marxuumka oo aan arrinkaas ula tegay wuxuu igu yidhi Ciraaq cunoqabatayn ayaa saaran oo diyaarad uma diri karno, laakiin haddii ay meel kale ama Imaaraadka soo gaadhaan inay wax u tari karaan. Si kale ayaanu ardaydaas ku soo saarnay intoodii badnayd oo qaadhaano ayaanu ururinay. Shakhsi Gob ah oo wax tar ah ayuu Allah ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Abu-site. Waxa uu ahaa Nin lagu xisaabtamo oo naxariis badan, dad aad u tiro badana si joogto ah u caawin jiray. Allah Naxariistii Janno ha ugu deeqo, Qoyskii balaadhnaa ee uu ka baxay iyo dhamaanteenba Samir iyo Iimaan haka siiyo. Aamiin. Kaysar Qaran News
-
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo dhowaan safar ku tagi doona Sucuudiga iyo qaar kamid ah dalalka kale ee Khaliijka Carabta ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqi doono aqoonsiga dowlad madax-bannaan oo falastiiniyiintu leeyihiin, sida ay qorayso Warbaahinta Bariga Dhexe. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa bishan dhexdeeda martigelin doonta shir-madaxeedka Mareykanka iyo dalalka Khaliijka,waxaana la isla dhexmarayaa ku dhawaaqis weyn oo ku saabsan dawlad Falastiini ah, iyo iskaashiga nukliyeerka ee Maraykanka iyo Sucuudiga u dhexeeya. Booqashada Trump oo ah tii ugu horreysay ee uu ku tago dal shisheeye taniyo markii uu Xaafiiska la wareegay horraantii sanadkan ayaa isha lagu wada hayaa, ayadoo Mareykanka uu dalalka gobolka la geli doono heshiisyo waaweyn oo balaayiin doollar ku kacaya. Shir madaxeedka Mareykanka iyo dowladaha Khaliijka oo Sucuudigu marti galinayo ayaa waxaa ka horeeyay saadaalo badan oo la xariira ku dhawaaqis uu Trump ku tilmaamay oo mid muhiim, xilli Talaadadii uu kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Canada, taas oo lagu wado inuu ku aqoonsado falastiin. Tillaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka Trump la sheegay inuu xariirka u jaray Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, islamarkaana uu heshiis la galay kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen oo si joogto ah weerarro gantaallo ah uga geysta dhulka la haysto. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (PP Editorial) — The US Department of State, commenting on the National Consultative Council summit recently concluded in Mogadishu, has called for consensus on the Somali electoral model, just one year before the term of the incumbent administration ends. It made no mention of the recent amendments to the draft constitution. Groups opposed to the constitutional changes focused on the statement’s emphasis on elections. Like its predecessor, the current Federal Government of Somalia aims to hold one person, one vote elections in 2026 or 2027. The Federal Government also plans to conduct district-level elections in Mogadishu this year. If successful, it would mark the first time since 1969 that elections have been held in the capital under a non-dictatorial regime. During his first term (2012–2017), President Hassan Sheikh Mohamud oversaw the creation of three federal member states and introduced a bicameral legislature. In his second term, he is seeking to reform the prime ministerial system and hold universal suffrage elections based on political parties. Puntland State has opposed the constitutional amendments passed by the bicameral legislature last year. Both Puntland and Jubaland have amended their own constitutions through their respective parliaments. This leaves little room for renegotiating constitutional changes at the federal level. If Federal Member States can override decisions made by the bicameral legislature in Mogadishu by simply opposing any amendment, the executive branch may be tempted to capture the legislature. If a Federal Member State president can unilaterally appoint MPs and Senators to increase his re-election chances or strengthen ties with a future federal administration, the bicameral legislature risks being bought off by the highest bidder. Puntland has expressed concern over Somaliland MPs and Senators in Mogadishu, viewing them as natural allies of any incoming federal administration, often at the expense of Federal Member States that frequently clash with Mogadishu over constitutional and electoral issues. In 2023, Puntland President Said Abdullahi Deni justified downgrading ties with the Federal Government of Somalia on several grounds, including the continued federal representation of Somaliland in the bicameral legislature, despite Somaliland’s claim to sovereignty based on unilateral secession. He described this as a distortion of the federal model and a violation of good governance. No Federal Member State consulted its MPs and Senators on the constitutional amendments prior to their passage in the bicameral legislature. While not legally required, this absence of input highlights the risk that the legislature is highly vulnerable to executive capture. How MPs and Senators are selected directly affects the quality of representation and the level of accountability expected from the bicameral legislature. The burning question remains: Who bears the responsibility for setting an example of good governance: the Federal Government of Somalia or the Federal Member States? Answers on a postcard, please. © Puntland Post, 2025 The post Call for Electoral Unity as Somali Federal Government’s Term Winds Down appeared first on Puntland Post.