Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo suurta-galnimada ay kooxda kula wareegi karto Muqdisho. Roobow, oo ka hadlay shir jaraa’id oo isaga iyo qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ay qabteen, ayaa si weyn ugu boggaadiyey guulaha ay gaareen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ka hortagay damaca Al-Shabaab ee dib ula wareegidda deegaannadii hore looga saaray ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Roobow ayaa sidoo kale soo hadal qaaday qorshaha la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku rabto qabsashada magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in Muqdisho aysan la mid ahayn caasimadaha Kabul iyo Dimishiq, sida uu hadalka u dhigay. “Al-Shabaab waxaan leeyahay: Muqdisho Kabul iyo Dimishiq oo kale ma aha, Axmedkiinnana ma aha Axmed Al-Sharac ee Suuriya,” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Roobow. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrin qabsatay qoyskiisa, isaga oo tilmaamay in bishii lasoo dhaafay ay maleeshiyaadka Al-Shabaab afduubteen xaaska walaalkiis, ayna waddada ku tureen wiil yar oo uu adeer u yahay, laguna magacaabo Saaciid Aadan Roobow. “Xaaska walaalkay ayay bishii Shacbaan afduubteen Al-Shabaab, wiil yar oo ay dhashay oo la yiraahdo Saaciid Aadan Roobow waddada ayaa la dhigay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiir Roobow. Wasiirka ayaa sidoo kale farriin u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, si looga guuleysto argagixisada Al-Shabaab. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo kooxda Al-Shabaab ay dib ugu soo laabatay gobolka Shabeellaha Dhexe, kadibna ay qabsatay deegaanno hore looga saaray. Haatanna, waxay is hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo mar kale dib loo abaabulay si ay uga hortagaan kooxda. The post Muxuu Roobow ka yiri suurta-galnimada ay Al-Shabaab kula wareegi karto Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay qaar kamid ah, cuqaasha, waxgaradka iyo isimada beelaha kala duwan ee kunool gobolka Bari, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xaaladda ammaan ee gobolka iyo dagaalka ciribtirka Daacish. Madaxweyne Deni, wuxuu uga mahadceliyey dhammaan bulshada Puntland gaar ahaan gobolka Bari doorkii ay ka qaateen dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, wuxuuna balan qaaday inuusan khasaari doonin dhiigga askarta Puntland ee u shahiidaya difaaca dalka iyo dadka. “ Dhiiga shuhaadada Puntland meel cidlo ah dhici maayo, Insha’allaah magaalooyinka Puntland ayaa laga arki doonnaa, Allaah ha u naxariisto inta geeriyootay inta dhaawacantayna Allah ha u booga dhayo”, Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland oo garawsaday in uu jirey dayac ammaan oo Puntland ka dhacay ayaa balanqaaday in muddada uu xafiiska joogo uu balan qaadayo in uusan cidna uga haybaysan amniga iyo kala dambaynta Puntland, wuxuuna digniin u diray cidkasta oo arrintaasi dib isugu dayi doonta. “Intaan xilka joogo Hadii Alle idmo, dayac danbe in uusan dhicin baan ballan qaadayaa. Amni daro cid aan ku xurmeyn doono majirto, ninkuu doono ha ahaado, mid dhow iyo mid dheerba”, Ayuu markale yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni: Intaan xilka hayo dayac danbe kuma imaan doono Amniga Puntland appeared first on Puntland Post.
  3. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa shaacisay in xarigga internet-ka ee Fiber-ka badda hoosteeda mara, ee isku xira Pakistan, Bariga Afrika, iyo Yurub (PEACE Cable), uu ka go’ay Badda Cas. Dhacdadan lama filaanka ah ayaa saameyn ku yeelatay adeegyada internet-ka ee Soomaaliya iyo dalal kale oo Bariga Afrika ah, taasoo sababtay hoos u dhac ku yimid xawaaraha iyo tayada adeegyada qulqulka (streaming). Si looga falceliyo arrintan, shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta ee dalka ayaa si degdeg ah ugu wareegay khadad kale oo kayd ah, taasoo suurtagal ka dhigtay in internet-ka dalka uu dib ugu soo noqdo sidii caadiga ahayd. Sida ay sheegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, dib-u-habaynta iyo dayactirka xarigga Fiber-ka PEACE waxaa la filayaa in ay qaadato ilaa bartamaha Abriil 2025. Inta lagu jiro muddadan, hay’addu waxay si dhow ula shaqeyn doontaa shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka si loo hubiyo tayada adeegyada loona xalliyo caqabadaha dhici kara. Source: goobjoog.com
  4. 𝗧𝗵𝗲 𝗟𝗲𝗴𝗮𝗹 𝗖𝗮𝘀𝗲 𝗳𝗼𝗿 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗥𝗲𝗰𝗼𝗴𝗻𝗶𝘁𝗶𝗼𝗻: 𝗔 𝗨𝗻𝗶𝗾𝘂𝗲 𝗤𝘂𝗲𝘀𝘁 𝗥𝗼𝗼𝘁𝗲𝗱 𝗶𝗻 𝗛𝗶𝘀𝘁𝗼𝗿𝘆 𝗮𝗻𝗱 𝗟𝗮𝘄 Somaliland’s pursuit of international recognition is not just another bid for statehood. Unlike many self-determination movements, Somaliland’s claim to sovereignty is grounded in a distinctive blend of historical legitimacy, legal precedent, and proven governance. In an era where global stability often hinges on respecting both historical contexts and international law, acknowledging Somaliland’s unique situation is not only a matter of justice but also a strategic move toward fostering peace in the volatile Horn of Africa. 𝗛𝗶𝘀𝘁𝗼𝗿𝗶𝗰𝗮𝗹 𝗣𝗿𝗲𝗰𝗲𝗱𝗲𝗻𝘁𝘀 𝗮𝗻𝗱 𝘁𝗵𝗲 𝗙𝗹𝗮𝘄𝗲𝗱 𝗨𝗻𝗶𝗼𝗻 On June 26, 1960, the British Somaliland protectorate achieved independence and was briefly recognized internationally as the State of Somaliland. Merely five days later, it voluntarily merged with the Trust Territory of Somalia (formerly Italian Somaliland) to establish the Somali Republic on July 1, 1960. While this union was meant to symbolize a Pan-Somali dream, it was fraught with serious legal and procedural flaws. The Act of Union, which was supposed to formalize the merger, failed to meet essential international legal standards. It lacked proper ratification and procedural clarity. These legal deficiencies were starkly highlighted in a 1961 constitutional referendum where over 60% of voters in the north rejected the proposed constitution. This overwhelming dissent reflected deep-rooted discontent with the union, particularly among Somalilanders who felt marginalized by the new political arrangement. 𝗧𝗵𝗲 𝟭𝟵𝟲𝟭 𝗖𝗼𝘂𝗽 𝗔𝘁𝘁𝗲𝗺𝗽𝘁: 𝗡𝗼𝗿𝘁𝗵𝗲𝗿𝗻 𝗚𝗿𝗶𝗲𝘃𝗮𝗻𝗰𝗲𝘀 𝗼𝗻 𝗗𝗶𝘀𝗽𝗹𝗮𝘆 The dissatisfaction in Somaliland reached a critical point in December 1961, when a group of at least 24 British-trained junior officers launched a coup in an effort to restore Somaliland’s independence. Frustrated by the dominance of Italian-trained southern officers in the new Somali military, these officers took control of strategic locations, including Radio Hargeisa, where they declared their intention to end the union. Despite the coup’s swift suppression by loyalist forces, its legal aftermath proved significant. During the trial, a British judge acquitted the coup plotters, ruling that the union lacked a valid legal foundation. This judgment not only underscored the union’s shaky legal basis but also provided a crucial precedent supporting Somaliland’s argument that the merger with Somalia was never legitimate under either domestic or international law. 𝗟𝗲𝗴𝗮𝗹 𝗙𝗼𝘂𝗻𝗱𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀 𝗳𝗼𝗿 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗦𝘁𝗮𝘁𝗲𝗵𝗼𝗼𝗱 Somaliland’s claim to independence is not merely political but is strongly anchored in international legal principles. The 1933 Montevideo Convention outlines four key criteria for statehood: 1. A Permanent Population: Somaliland has a stable and identifiable population, maintaining its distinct cultural and social identity. 2. A Defined Territory: Its borders correspond with those established during the British colonial era, offering a clear territorial framework 3. Effective Government: Since its self-declared independence in 1991, Somaliland has built robust democratic institutions, ensuring peace and stability in contrast to the turbulence in Somalia. 4. Capacity for International Relations: Despite lacking formal recognition, Somaliland engages in diplomacy, hosts international delegations, and maintains informal relations with various countries and organizations. The legal ambiguity surrounding the 1960 union further strengthens Somaliland’s case. The absence of a binding legal instrument to formalize the merger into the Somali Republic implies that Somaliland’s sovereignty was never lawfully dissolved. This argument is reinforced by the 1961 court ruling that essentially invalidated the union’s legal framework. 𝗠𝗼𝗿𝗲 𝘁𝗵𝗮𝗻 𝗮 𝗦𝗲𝗰𝗲𝘀𝘀𝗶𝗼𝗻: 𝗔 𝗥𝗲𝘀𝘁𝗼𝗿𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗼𝗳 𝗦𝗼𝘃𝗲𝗿𝗲𝗶𝗴𝗻𝘁𝘆 What sets Somaliland apart from conventional secessionist movements is its quest to restore, rather than establish, sovereignty. While most separatist groups aim to break away from an existing, functional state, Somaliland’s struggle is about reversing an ill-conceived and legally questionable union. It is not seeking to fracture a stable nation but to reclaim its rightful status as a sovereign state—a critical distinction that supports its legitimacy under international law. 𝗥𝗲𝗴𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗮𝗻𝗱 𝗗𝗶𝗽𝗹𝗼𝗺𝗮𝘁𝗶𝗰 𝗗𝗲𝘃𝗲𝗹𝗼𝗽𝗺𝗲𝗻𝘁𝘀 In recent years, geopolitical shifts have only bolstered Somaliland’s case for recognition. The region’s strategic importance, including its control of key maritime routes in the Gulf of Aden, makes its stability a valuable asset. Somaliland’s consistent engagement in regional dialogues—such as high-level meetings involving Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and discussions facilitated by Turkey—illustrates its potential as a reliable partner in regional security. Economically, Somaliland’s stability could also unlock new opportunities for trade and development in the Horn of Africa. Its commitment to democracy, human rights, and effective governance presents a stark contrast to the ongoing chaos in Somalia. Recognizing Somaliland would enable it to contribute meaningfully to international institutions and participate in initiatives that promote security and development. 𝗧𝗵𝗲 𝗕𝗿𝗼𝗮𝗱𝗲𝗿 𝗜𝗺𝗽𝗹𝗶𝗰𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀 𝗼𝗳 𝗥𝗲𝗰𝗼𝗴𝗻𝗶𝘁𝗶𝗼𝗻 Formal recognition of Somaliland would set an important legal precedent affirming the right of peoples to reclaim sovereignty when a union is founded on flawed legal grounds. This move could stabilize a historically volatile region by promoting a governance model based on legality, democracy, and respect for historical boundaries. For the international community, welcoming Somaliland into the fold would also be a pragmatic step. It would introduce a stable and democratic entity into the international system—one with valuable insights into post-conflict reconstruction and state-building. Moreover, it could help reshape approaches to self-determination and state legitimacy in a way that aligns with both historical realities and contemporary geopolitical needs. 𝗖𝗼𝗻𝗰𝗹𝘂𝘀𝗶𝗼𝗻: 𝗔 𝗖𝗼𝗺𝗽𝗲𝗹𝗹𝗶𝗻𝗴 𝗖𝗮𝘀𝗲 𝗳𝗼𝗿 𝗝𝘂𝘀𝘁𝗶𝗰𝗲 𝗮𝗻𝗱 𝗦𝘁𝗮𝗯𝗶𝗹𝗶𝘁𝘆 Somaliland’s journey is a powerful testament to resilience, legal legitimacy, and democratic governance. The union of 1960, marred by legal oversights, the 1961 coup attempt, and the subsequent legal ruling that highlighted the union’s invalidity, collectively present a strong argument for Somaliland’s sovereignty. By recognizing Somaliland, the international community would not only address a historical injustice but also reinforce principles of self-determination and legitimate governance. In a world often challenged by instability and conflict, Somaliland’s story offers a rare example of how historical truth, legal principles, and democratic values can come together to support both justice and regional stability. 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗛𝗮𝗹𝗶𝗺 𝗠. 𝗠𝘂𝘀𝗮 E-mail: halimusa4@gmail.com 𝗗𝗮𝘁𝗲 : 𝗦𝘂𝗻𝗱𝗮𝘆, 𝟵 𝗠𝗮𝗿𝗰𝗵 𝟮𝟬𝟮𝟱 Qaran News
  5. Dalalka ugu horreeya Midowga Yurub ayaa sheegay inay taageerayaan qorshaha Carabta ee dib u dhiska Gaza oo ay ku kici doonto $53 bilyan (£41 billion) loogana fogaanayo in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda. Qorshahan, oo ay la timid Masar ayna soo gudbiyeen hoggaamiyeyaasha Carabta, ayaa waxaa diiday Israa’iil iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Wasiirrada arrimaha dibadda Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Britain ayaa soo dhoweeyay qorshahay, oo lagu doonayo in Gaza dib loogu dhiso muddo shan sano gudahood. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay doorashooyinka dalka ee uu weli muranka ka taagan yahay, isaga oo ku dhawaaqay arrin ka cusub qorshaha uu wado ee qof iyo codka ah. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tilmaamay in la beddalay fikirkii hore ee ahaa in dalka uu yeesho laba xisbi, isaga oo hoosta ka xariiqay in haatan laga dhigay saddex xisbi oo uu tilmaamay in loo baahan yahay inay ku biiraan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xusay in arrintan ay keeneyso in xisbiga uu ku qasbanaanayo inuu cod ka raadsado magaallo kasta oo Soomaaliyeed, maadaama waxa codeynaya ay yihiin shacabka oo soo dooranayo hoggaankooda. “Fikirkii ahaa dalka laba xisbi ha yeesho hadda saddex ayaa laga dhigay, weli waa fiicanahay ogow marka aan aniga xisbi leeyahay cod aan u baahanahay waxaan ku qasbanahay kan Kismaayo joogo kan Baydhaba jooga, kan Garoowe joogo iyo kan jooga Dhuusamareeb inaan wada raadsado” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud. Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinka dadban ee lasoo maray ay dhaawac weyn u gaysteen kalsoonida Soomaaliya, haddana lagama maarmaan ay tahay in laga gudbo, si loo aado doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah. Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in sidoo kale beesha caalamka aysan xilligan diyaar u ahayn inay la shaqeyso dowlad ku timaada nidaam doorasho dadban oo lagu celiyo dalka. “25 sano doorasho dadban ayaan joognaa, masii joogi karno, macquulna ma ahan, mana nala aqbalayo. Caalamku nama aqbalayo inaan sidaas dowlad ku ahaano oo nagula macaamilo. Waxay na leeyihiin, ma naqaano waxay ka shaqeynayaan,” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu. Hadalkan ayaa xalay madaxweynaha waxa uu ka sheegay kulan ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, kaas oo ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer u sharraxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ee ku aadan siyaasadda, doorashooyinka iyo dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, isaga oo qiray in haweenku ay udub-dhexaad u yihiin bulshada. Waxaa kale oo uu xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan hannaanka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah, oo dowladda Soomaaliya ay dhexda u xiratay inay hirgeliso. Xasan ayaa sheegay in doorashada dadweynaha ay fursad u siinayso bulshada inay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, ayna door muuqda oo wayn ku yeeshaan hoggaanka dalka. The post XASAN oo ku dhawaaqay arrin ka cusub doorashada qof iyo codka ah appeared first on Caasimada Online.
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Madxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo war cusub soo saaray ayaa qaaday tallaabo la xiriirta dagaalkii maalin kahor ay SSC-Khaatumo kula galeen deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool. Ugu horreyn Cirro ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaasi oo dhacay iyada oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna tilmaamay inay ka dambeysay SSC-Khaatumo. “Waan ka xumahay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday deegaan nabad u jooga. Sidaanu ballanqaadnay qaranka waanu difaacaynaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka jawaabi doonaan gardarro kasta iyo haddii weerar lagu soo qaado, ayna difaaci doonaan Somaliland iyo dadkeeda. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale ku celiyay inay dhinaca kale baadi goobi doonaan nabadda, isla markaana ay sii wadi doonaan wada-hadallada xal raadinta ah. “Sidaanu ballanqaadnay, qaranka waanu difaacaynaa, balse dagaal meel lagu soo qaaday naga leexinmayo in aanu nabadda doonnno. Nabadda waanu wadaynaa, difaacana waanu adkaynaynaa” ayuu markale yirhi Madaxweynuhu. Dhankeeda SSC-Khaatumo ayaa horay sidaan oo kale uga hadashay dagaalka, waxayna mas’uuliyadda dhabarka u saartay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Cirro. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo labada maamul ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan aagga Buqdharkayn oo ah halka uu dagaalka ka dhacay. Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan ka qarxay Ceerigaabo oo ay isku fara saareen labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac. Si kastaba, SSC ayaa dooneyso sidii ay u qabsan lahayd deegaanno ay sheegtay inay ka maqan yihiin, halka Somaliland ay iyana rabto inay isku fidiso Sool & Sanaag oo ay isku hayaan labada maamul, waxaana dagaalkan uu kasoo bilowday magaalada Laascaanood oo hadda fadhi u ah maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ee uu hoggaamiyo Firdhiye. The post CIRRO oo tallaabo culus qaaday kadib dagaalkii Buqdharkayn appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, wuxuuna ka hadlay dagaalka Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharraxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Xasan Sheekh ayaa sheegay in haweenku ay yihiin udub-dhexaadka bulshada, isla markaana ay si toos ah uga qayb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka. Wuxuu sheegay inay ka shaqeeyaan wacyi-gelinta, taageerada ciidamada, iyo dhisidda bulshada deegaannada laga xoreeyey argagixisada, isagoo aad ugu mahadceliyey. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xoreynta dalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan hannaanka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah, oo dowladda Soomaaliya ay dhexda u xiratay inay hirgeliso. Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada dadweynaha ay fursad u siinayso bulshada inay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka. Hadalka Madaxweynaha wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Al-Shabaab ay soo qaadeen weerarro rogaal-celis ah, kuwaas oo culeys badan soo saaray gobolka Shabeellaha Dhexe, lana wareegay deegaanno muhiim ah. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo mar kale xalay qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud reiterated that the country’s ongoing indirect elections have severely undermined Somalia’s international credibility. Source: Hiiraan Online
  10. Hargeisa (HOL) – Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro condemned the fighting that broke out on Friday between Somaliland and SSC-Khatumo forces in the Buqdharkayn district. Source: Hiiraan Online
  11. Kismayo (HOL) – The Jubbaland military court has sentenced two former members of the Jubbaland army to five years in military prison for selling weapons to the Al-Shabaab militant group. Source: Hiiraan Online
  12. Dimishiq (Caasimada Online) – Tirada dhimashada laba maalmood oo iska horimaadyo ay dhex marayeen ciidamada ammaanka ee Suuriya iyo maleeshiyaadka daacadda u ah madaxweynihii xilka laga tuuray ee Bashar Assad, iyo dilal aargoosi ahaa oo ka dambeeyay ayaa dhaaftay in ka badan 1,000 qof, sida uu Sabtidii sheegay urur la socda colaadda dalkaas. Dhacdadan ayaa kamid ah kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii dagaalka Suuriya billowday 14 sano kahor. Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya (Syrian Observatory for Human Rights), oo xarunteedu tahay Britain, ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan 745 qof oo rayid ah oo badankoodu si dhow loo toogtay, 125 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka dowladda iyo 148 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha hubeysan ee taabacsan Assad. Waxaa kale oo ay sheegtay in adeegyada korontada iyo biyaha la cabbo laga jaray qeybo badan oo ka tirsan magaalada Latakia iyo nawaaxigeeda. Iska horimaadyada oo Khamiistii qarxay ayaa tilmaamaya heer cusub oo xasaradeed oo soo wajahay dowladda cusub ee Dimishiq, saddex bilood kadib markii fallaagooyinku ay xilka ka tuureen Madaxweyne Assad. Dowladda ayaa sheegtay inay jawaab ka bixineysay weerarro ay ku eedeeyeen ciidamadii hore ee Assad, iyadoo xustay in rabshadahaasi ay ahaayeen falal shakhsiyeed oo aan nidaamsaneyn. Dilalka aargoosiga ah ee Sunniga iyo Calawiyiinta Dilalka aargoosiga ah oo Jimcihii ay bilaabeen maleeshiyaadka Sunniga ah ee daacadda u ah dowladda cusub, laguna bartilmaameedsaday xubnaha qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta ee taabacsan Assad, ayaa dhabarjab weyn ku ah kooxda Hayat Tahrir al-Sham, oo hoggaamisay afgembigii lagu riday xukuumaddii hore. Calawiyiinta ayaa muddo tobannaan sano ahaa saldhigga ugu weyn ee taageerada Assad. Dadka ku nool tuulooyinka iyo magaalooyinka ay deggan yihiin Calawiyiintu ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in maleeshiyaadka Sunniga ahi ay dilal u geysteen dad badan oo Calawiyiin ah, intooda badan rag ah, kuwaas oo lagu toogtay waddooyinka iyo iridda guryahooda hortooda. Laba qof oo ka tirsan dadka deegaanka gobolka xeebta ayaa sidoo kale AP u sheegay in guryo badan oo Calawiyiin leeyihiin la dhacay kadibna dab la qabadsiiyay. Waxay codsadeen inaan magacyadooda la shaacin iyagoo ka baqaya in maleeshiyaadku ay dilaan. Waxay sheegeen in kumannaan qof ay u qaxeen buuraha si ay badbaado u helaan. Dadka deegaanka oo ka hadlay tacaddiyo dhacay Dadka magaalada Baniyas, oo kamid ahayd meelihii ugu darnaa ee rabshaduhu ka dhaceen, ayaa sheegay in meydadku ay yaalleen waddooyinka, qaarkoodna laga tagay gudaha guryaha iyo saqafyada dhismayaasha iyadoon la aasin karin. Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay dadka deegaanka ka horjoogsadeen inay qaadaan meydadka shan qof oo deriskooda ahaa oo Jimcihii la dilay. Ali Sheha, oo 57 jir ah kana mid ah dadka ka qaxay magaalada Baniyas isaga iyo qoyskiisa saacado un kadib markii rabshaduhu qarxeen Jimcihii, ayaa sheegay in ugu yaraan 20 kamid ah deriskiisa iyo asxaabtiisa xaafadda ay ku badan yihiin Calawiyiinta lagu dilay dukaamadooda ama guryahooda. Sheha ayaa dilalkaas ku tilmaamay “dilal aargoosi ah” oo looga aar-gudanayo dambiyadii ay galeen maamulka Assad. Dad kale oo deegaanka ah ayaa sheegay in maleeshiyaadka weerarrada fuliyay ay kamid ahaayeen dagaalyahanno ajaanib ah iyo kuwa ka yimid tuulooyin iyo magaalooyin ku dhow. “Xaaladdu aad ayay u xumayd. Meydadku waddooyinka ayay daadsanaayeen,” ayuu yiri Sheha oo telefoon kaga hadlay meel 20 kiiloomitir (12 mayl) u jirta magaalada. Wuxuu sheegay in maleeshiyaadku ay gurigiisa u jireen wax ka yar 100 mitir, iyagoo si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furayay dadka deegaanka. Waxa uu sheegay dhacdooyin uu arkay oo ay maleeshiyaadku dadka ka codsadeen aqoonsigooda si loo hubiyo diinta iyo qabiilka qofka kahor inta aysan dilin. Guryo badan ayaa sidoo kale la dhacay lana gubay, halka gaadiid iyo hanti kalena la dhacay, ayuu intaa ku daray. Tirada dhimashada oo sii korortay Rami Abdurrahman, madaxa Hay’adda la socodka Xuquuqda Aadanaha, ayaa sheegay in dilalkii aargoosiga ahaa ay joogsanayeen aroornimadii hore ee Sabtida. “Tani waxay ahayd mid kamid ah xasuuqyadii ugu xumaa intii uu socday dagaalka Suuriya,” ayuu yiri Abdurrahman, isagoo ka hadlayay dadka rayidka ah ee Calawiyiinta ah ee la dilay. Sabtidii ayaa sidoo kale meydadka 31 qof lagu aasay xabaal-wadareed, kuwaas oo lagu dilay rabshadaha magaalada Baniyas. Waxaa la sheegay in meydadka ay ahaayeen 31 qof oo u badan Calawiyiin. Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa soo xigatay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo sheegay in ciidamada ammaanku ay dib u qabteen inta badan goobihii maleeshiyaadku qabsadeen. Waxaa sidoo kale la xiray dhammaan waddooyinka soo gala gobolka xeebta si looga hortago rabshadaha iyo in si tartiib-tartiib ah loo soo celiyo xasilloonida. Xildhibaan Lubnaani ah oo lagu magacaabo Haidar Nasser ayaa sheegay in dad badan oo reer Suuriya ahi ay u qaxeen Lubnaan si ay nabadgelyo u helaan. Waxa uu sheegay inuusan haynin tiro sax ah oo dadka qaxay ah. Faransiiska ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan rabshadaha ka socda Suuriya, isagoo si adag u cambaareeyay xasuuqa shacabka loo geystay, wuxuuna ugu baaqay maamulka cusub ee Dimishiq inay fuliyaan baaris madax bannaan oo degdeg ah. The post Sawirro: Dagaal Calawiyiinta lagu xasuuqay oo ka dhacay Syria – Dhimashada 1,000 qof appeared first on Caasimada Online.
  13. Marco Rubio was incensed. Here he was in the Cabinet Room of the White House, the secretary of state, seated beside the president and listening to a litany of attacks from the richest man in the world. Source: Hiiraan Online
  14. Fighting between government forces and Al-Shabaab in southeastern Mudug, central Somalia, has caused havoc for civilian populations over the past two months, causing hundreds to flee to camps lacking basic services. Source: Hiiraan Online
  15. The UPDF has officially concluded a post-mission ideological training course for Battle Group (BG) 40 and the United Nations Guard Unit (UNGU) X following their year-long deployment in Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Liverpool’s lead in the Premier League has grown to 16 points. Source: Hiiraan Online
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Xisbiga talada haya ee Kenya iyo kan mucaaradka ugu weyn ayaa kala saxiixday heshiis labada dhinacba qayb uga noqon doonaan go’aan-qaadashada siyaasadaha muhiimka ah ee dowladda, tallaabo ay dadka dhaliilayaa ku tilmaameen isku day lagu aamusinayo mucaaradka. Madaxweyne William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn Raila Odinga ayaa heshiiska saxiixay Jimcihii, iyadoo taageerayaashoodu dibadbax ku sameeyeen caasimadda Nairobi. Odinga, oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Orange Democratic Movement, ayaa sheegay in heshiiska Jimcaha uusan ahayn “isbahaysi siyaasadeed cusub,” balse uu yahay heshiis gacan ka geysanaya “dhismaha dalka.” Ruto, oo hoggaamiya xisbiga talada haya ee United Democratic Alliance, ayaa sheegay in hoggaamiyayaashu had iyo jeer qaataan go’aanno “siyaasad ahaan sax ah,” balse aan faa’iido u lahayn dadka Kenya. Waxa uu ammaanay Odinga oo uu sheegay inuu had iyo jeer qaato “go’aanno adag” oo danta dadka kale ee Kenya laga leeyahay. “Marka asal ahaan ma jiro mucaarad baarlamaanka Kenya ku jira?” ayay siyaasiga falanqeysa arrimaha siyaasadda Nanjala Nyabola ku soo qortay X. Hoggaamiyaha mucaaradka ee xisbiga Wiper Democratic Party, Kalonzo Musyoka, ayaa bartiisa X ku soo qoray in heshiiska Jimcuhu yahay “khiyaanadii ugu weynayd ee loo geysto shacabka Kenya.” Waa markii afaraad ee Odinga—oo shan jeer looga guuleystay doorashada—uu heshiis la galo madaxweyne talada haya. Odinga iyo Ruto ayaa sheegay in heshiiskoodu aanu ahayn mid xilalka dowladda lagu qaybsanayo, balse uu yahay hannaan loogu talo galay wada-tashiga arrimaha taabanaya dadka Kenya. Odinga ayaa sheegay in heshiisku uu “ka caawin doono in xiisadda ka jirta dalka la qaboojiyo,” isagoo intaas ku daray in mucaaradku fahmeen inaan ku filneyn “in dhinac laga istaago oo la dhaliilo oo keli ah.” “Waxaan ballanqaadnay inaan si joogto ah uga wadahadallo arrimaha taagan,” ayuu yiri Odinga. Mucaaradka Kenya ayaa lagu dhaliilay inay aamuseen xilli dowladdu kordhisay canshuuraha isla markaana ay si xoog leh ula dhaqantay dhallinyaro mudaaharaad ku dhigayay dowladda bishii Juun 2024. Bishii Febraayo, Odinga ayaa isku soo taagay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, balse waxaa ka guuleystay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Mahmoud Ali Youssouf, tallaabo shaki gelisay mustaqbalka siyaasadeed ee Odinga. The post Ruto iyo Odinga oo saxiixday heshiis ka yaabiyey reer Kenya appeared first on Caasimada Online.
  18. Maamulka Trump ayaa qorshaynaya inuu meesha ka saaro cunaqabateynadii uu Mareykanku horay u saaray dalka Ruushka sida laga soo xigtay saraakiil ka ag dhow aqalka cad. Shabakadda Bloomberg oosoo xigatay ilo xog ogaal ah ayaa sheegtay in la-taliyayaasha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay dejinayaan qorsheyaal lagu qaadayo ama wax looga beddelayo cunaqabateynta Ruushka saaran haddii ay nabad ka dhalato Ukraine, iyagoo intaa ku daray in tallaabadan suurtagalka ahi ay keeni karto khilaaf saameyn kara xiriirka ka dhexeeya Washington iyo xulafadeeda London iyo Brussels. Maamulka Trump ayaa aad ugu dhow dhinaca Ruushka markii la barbar dhigo hoggaamiyaashii ka horreeyay, waxaana labada dal u socda wada-xaajood ku aaddan soo afjaridda dagaalka Ukraine oo sanadkii 4-aad socda. Source: goobjoog.com
  19. Taliska ciidamada difaaca dowladda Puntland oo faahfaahin ka bixiyay hawlgalladii u danbeeyay ee buuraha Calmiskaad ayaa shaaciyay in ay ilaa lix talis ka saareen dagaallamayaasha Argagixisada ISIS. Taliyaha ciidanka Kumaandada ee PMPF G/dhexe Maxamuud Shire Maxamed oo ka warbixiyay hawlgalladaasi ayaa sheegay in ciidamada oo hawlgal qorshaysan ka sameeyay togga Geel-lagu-qal ay gacanta ku dhigeen ilaa lix talis, oo ay si qarsoodi ah halkaasi uga samaysteen mileeshiyaadka ISIS. “Ciidamadu waxay maanta hawlgal ka sameeyeen meesha la yiraahdo Geel-lagu-qal, waxaana laga helay talisyo ballaaran oo ay ku dhuumaaleysan jireen Argagixisadu, oo ay ku keydsan yihiin rasaas, agab militari iyo raashin badan oo dhawr gaari qaadi karto, kuwaasi oo meelo qarsoon ay ku laabteen, waana ka soo saarnay dhammaantood geed walba oo ay galiyeen wax ciidanka ka qarsoomaya ma jiraan.” “Ilaa lix talis baan maanta helnay meesha lagu magacaabo Geel-lagu-qal, waana nadiifinay dhammaantood wixii agab millitari iyo raashin ugu keydsanaa, waxaan kale oo helnay goof dab-rid oo ay mileeshiyaadkooda ku tababari jireen. Argagixisadu waa fulayo waxay ka carareen agabkoodii, biyihii iyo raashinkoodii” ayuu yiri G/dhexe Maxamuud Shire. Taliyaha ciidanka Kumaandada ee PMPF G/dhexe Maxamuud Shire Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in uu dardar xooggan ku socdo wejiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ISIS, waxaana uu si weyn ugu mahadceliyay ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland oo godadka ugu daatay firxadkii dagaallamayaasha Argagixisada ee baxsadka ah, kaddib markii ay ku soo jabeen wejigii hore ee hawlgalka oo ka dhacay togga Jeceel. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo ku dhawaaqay in ay ilaa lix talis ka saareen Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan afur ah ku maamuusay qaar kamida haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed ayaa ku bogaadiyey kaalinta firfircoon ee ay haweenku ku leeyihiin. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharaxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah, kaas oo haweenku ay yihiin udub-dhexaadka u yihiin, sida uu sheegay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale haweenka ku ammaanay in ay si toos ah uga qeyb qaataan dadaallada dib u dhiska dalka,geeddi-socodka dimuqraadiyadda, difaacadalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qeyb qaataan hanaanka doorashooyinka tooska ah oo fursad u siinaya in ay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka. Source: goobjoog.com
  21. Mogadishu, Somalia – Somalia’s former intelligence chief, Fahad Yasin, has accused the United Arab Emirates (UAE) of exerting undue influence over the Horn of Africa nation, urging President Hassan Sheikh Mohamud to curb the Gulf state’s interference in Somali affairs. In an interview with Risaala TV, Yasin expressed alarm over what he described as the UAE’s opaque agenda, warning that it risks destabilizing Somalia’s fragile political landscape. Yasin, who previously headed the National Intelligence and Security Agency (NISA) under former President Mohamed Abdullahi Mohamed, known as Farmaajo, claimed the UAE is simultaneously supporting rival political figures while collaborating with Mohamud’s administration. “I don’t know what the UAE wants from Somalia or what its plans are,” he said, questioning why Mohamud appears unperturbed by this dynamic. A web of political alliances The UAE’s growing footprint in Somalia has long been a point of contention. During Farmaajo’s tenure from 2017 to 2022, relations with the UAE soured over Mogadishu’s neutral stance in the Gulf diplomatic crisis between Qatar and a Saudi-led bloc, which included the UAE. The Emirates subsequently scaled back direct engagement with Somalia’s federal government, instead fostering ties with semi-autonomous regions like Jubaland and Puntland. Yasin pointed to these regional alliances as evidence of a broader strategy. He alleged that the UAE directly backs Jubaland leader Ahmed Madobe, Puntland’s Said Deni, and Somaliland president Abdurahman Cirro, creating a network of influence that undermines national unity. “The UAE is the common denominator for these men, yet they don’t even greet each other,” Yasin remarked, suggesting a deliberate effort to fragment Somalia’s leadership. Ahmed Madobe, a key UAE ally, has led Jubaland since 2012, often clashing with the federal government over autonomy and resource control. Similarly, Said Deni, Puntland’s president since 2019, has maintained a tense relationship with Mogadishu, bolstered by external support. Mohamud’s balancing act President Mohamud, who returned to power in May 2022 after defeating Farmaajo, has sought to mend ties with the UAE. The rapprochement has included renewed cooperation in security and development, a shift from the frosty relations of the previous administration. However, Yasin criticized Mohamud for tolerating the UAE’s dual-track approach—working with his government while allegedly empowering his rivals. “During Farmaajo’s time, it was said dealing with the UAE was a mistake,” Yasin recalled. “Now they’re back, and I don’t understand what they’re working toward.” He likened the UAE’s tactics to those historically employed by Ethiopia’s Tigray leadership, which he said manipulated Somali factions to maintain regional dominance. Yasin’s sharpest rebuke was reserved for Mohamud’s apparent inaction. “Hassan Sheikh, I say this as president: these men don’t want you. They didn’t support you in your first term, and now that you’ve ended the conflict with Farmaajo, they’re cozying up—but they still don’t want you,” he said. “I don’t know why you’re allowing this.” A history of tension The UAE’s involvement in Somalia extends beyond politics into economic and military spheres. Since 2014, Emirati companies like DP World have managed key ports, such as Bosaso in Puntland, while the UAE has trained security forces in Jubaland and Puntland, often independently of Mogadishu’s oversight. This decentralized approach has fueled accusations of meddling, particularly after a 2018 diplomatic spat when Somalia seized millions in cash from a UAE plane, suspecting it was intended to sway local actors. Analysts suggest the UAE’s interest in Somalia stems from its strategic location along the Gulf of Aden, a vital shipping route, and its rivalry with Turkey and Qatar, which have deepened ties with Mogadishu. The Emirates’ support for regional leaders like Madobe and Deni is widely seen as a counterweight to federal authority, though Abu Dhabi has denied any intent to destabilize Somalia. Yasin concluded his remarks with a stark warning: “If the UAE’s plan is to divide Somalis, it’s already on that path. I don’t know if it has another goal—and I can’t understand it.” He urged Mohamud to demand transparency from the UAE, arguing that Somalia’s government now has the capacity to assert control over its affairs. Somalia, still recovering from decades of civil war and battling the Al-Shabaab insurgency, faces mounting challenges in unifying its fragmented political landscape. The UAE’s role, Yasin contends, could either bolster or unravel these efforts, depending on its true intentions. The post Ex-Somali intel chief accuses UAE of destabilization appeared first on Caasimada Online.
  22. Mogadishu, Somalia — Somali government forces struck a lethal blow against Al-Shabaab on Saturday, killing Yusuf Dhegnaas, a senior commander in the Middle Shabelle region, in a targeted airstrike. The operation, executed in the El-Ba’ad area near the Ruun-Nirgood district, also wiped out over 20 militants and destroyed three of the group’s vehicles, dealing a significant setback to the extremists’ leadership. During a late-night press conference in Mogadishu, the Somali Ministry of Defense confirmed the strike. Spokesperson Sheikh Abukar Mohamed Hassan announced that Dhegnaas, second-in-command to Al-Shabaab’s regional leader Kabakutukade, was killed while planning attacks from a base in Ruun-Nirgood. “Tonight, we eliminated Yusuf Dhegnaas, a key figure in their operations,” Hassan said. “After a failed attempt to flee toward Galcad, a second strike finished him.” The National Intelligence and Security Agency (NISA) reported that the airstrike torched militant vehicles loaded with weapons. Dubbed “Dhameystirka Eeyaha Naarta” (Completing the Dogs of Hell), the operation underscores Somalia’s escalating campaign to dismantle Al-Shabaab’s network in the country’s heartland. A pivotal blow in Middle Shabelle Middle Shabelle stretches north of Mogadishu, its fertile plains a lifeline for farmers and a longtime stronghold for Al-Shabaab. The Al-Qaeda-linked group has waged a relentless insurgency against Somalia’s federal government since 2007, taxing locals and launching attacks from rural bases. Dhegnaas’ death marks a critical hit to the militants’ grip on the region. Hassan described the operation as a carefully planned strike aimed at crippling Al-Shabaab’s command. “This sends a clear message: the enemy is weakening,” he told reporters. “In the days ahead, we’ll rid Shabeellaha Dhexe of this threat and free our people.” For nearly two decades, Somalia has grappled with Al-Shabaab’s violent campaign to overthrow the government and impose strict Islamist rule. Despite losing ground in major cities, the group retains control over parts of the countryside, striking at will against civilians, officials, and African Union troops, bolstering the fragile administration. Saturday’s strike fits a broader pattern of success in 2025, with Somali forces—often backed by U.S. drone support—targeting high-ranking militants. The U.S. Africa Command (AFRICOM), a frequent partner in such operations, has yet to confirm its role in the El-Ba’ad attack. Analysts say these strikes disrupt Al-Shabaab’s operations, though the group’s ability to regroup remains a challenge. Residents expressed cautious relief in Ruun-Nirgood, a dusty district dotted with farms. “We’re tired of war,” said a local farmer, who asked to remain unnamed for safety. “They take our crops, our sons—maybe this strike brings some calm.” The operation’s toll on civilians, if any, wasn’t addressed by officials, a recurring concern in areas where Al-Shabaab blends into communities. The human cost of victory The government framed Dhegnaas’ death as a triumph, yet the broader conflict continues to scar Somalia. Middle Shabelle, a breadbasket region, has seen its people uprooted by years of fighting, their livelihoods shattered. Saturday’s strike may weaken Al-Shabaab locally, but for residents, peace feels distant. Hassan remained resolute, vowing to build on the momentum. “The ‘Dhameystirka Eeyaha Naarta’ campaign has begun, and we won’t stop until our citizens are safe,” he said. The killing of Yusuf Dhegnaas hands Somalia a tactical edge, but the war’s outcome hinges on sustained pressure. With Kabakutukade still at large, the government and its allies face a formidable foe. For now, the strike is a hard-won step in a conflict that has defined a generation. The post Somalia: Airstrike kills Al-Shabaab leader Yusuf Dhegnaas appeared first on Caasimada Online.
  23. Political bromance: President Hassan Sheikh Mohamud (right) has rehabilitated Abiy Ahmed, whom he described as Somalia’s enemy just a year ago. Mogadishu (PP Editorial) — What a difference a year makes to the political outlooks of two formerly antagonistic leaders. One year ago, at a Villa Somalia Mosque, President Hassan Sheikh Mohamud described Ethiopia as the second enemy of Somalia after Al-Shabaab. In 2025 he sought Ethiopia’s help to bombard Al-Shabaab bases in Hirshabelle State. In December 2024, President Mohamud and Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, signed an agreement that commits Ethiopia to respect the territorial integrity of Somalia. Diplomatic pressure forced Ethiopia to abide by International Law, thanks to a relentless diplomatic campaign by Somalia against the illegal maritime MoU that Abiy Ahmed signed with the former Somaliland administration President Muse Bihi Abdi. President Mohamud proposed the relocation of the African Union headquarters from Addis Ababa on grounds that Ethiopia does not respect the AU charter. He also formed defence pacts with Türkiye, Egypt and Eritrea. For the first time in history, Somalia has diplomatically defeated Ethiopia. The Ankara Agreement committed Somalia to reverse the decision to exclude Ethiopia from the new peacekeeping force in Somalia. Ethiopian and Egyptian peacekeepers will be operating in Somalia. Egypt has greatly benefited from the diplomatic missteps of Abiy Ahmed, who can no longer use the Grand Renaissance Dam (GERD) as a means to divert Nile water flowing to Egypt. Pressure from multilateral organisations such as IMF, the World Bank and donor countries on Ethiopia forced Abiy Ahmed to abandon his dream to emulate Russia to violate the Westphalian system from which Ethiopia has benefited before and after the creation of the United Nations. Ethiopia’s standing in world opinion will be judged by how it abides by the rules-based system, particularly the laws governing the sovereignty of United Nations member states. “Afrika waa ilma adeer (Africans are cousins)” sang the Barbaarta Gaashaaman in Mogadishu when Abiy Ahmed was visiting Somalia two weeks ago. Before leaving Somalia for Addis Ababa, he reviewed a guard of honour and a band that played the popular Somali song “Soomaaliya Soomaali baa leh” (Somalia belongs to Somalis). © Puntland Post, 2025 The post International Pressure Forces Ethiopia to Respect Somalia’s Sovereignty appeared first on Puntland Post.
  24. A Somalian soldier takes a picture of himself with his mobile phone (Alamy) While the UK government struggles to deliver reliable mobile coverage across some rural communities, Somalia – a country that hasn’t had a functioning central government for three decades – has built one of Africa’s most resilient telecommunications networks. As a British researcher who conducts fieldwork in Somalia, I’m often struck by an ironic reality: I can find more reliable mobile coverage in hard-to-reach Somali villages than in certain parts of Manchester, where I’m from. This connectivity paradox highlights how necessity can drive innovation in unexpected places. Read more here Source: Spectator The post Why Mogadishu has better mobile phone reception than Manchester appeared first on Puntland Post.