-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cirbixiyeennada adduunka ayaa shalay subax ku waabariistay dayax-madoobaad laga arki karay qeybo ka mid ah adduunka, oo ay ku jiraan Galbeedka Afrika, oo dalal Carbeed ay ka mid yihiin. Dayax-madoobaadka, oo markii ugu horreysay sanadkan la arkay, ayaa si buuxda looga dareemay Waqooyiga iyo Koofurta Ameerika, balse lagama arkin Aasiya iyo Bariga Afrika. Markii hore waxaa laga arkay Galbeedka Afrika, oo ay ku jiraan Mauritania, Morocco, Algeria, Tunisia, iyo galbeedka Libya, sida ay sheegtay Xarunta Caalamiga ah ee Cirbixiyeenka. Arrintan ayaa dhacday markii ugu horreysay tan iyo bishii May 2022, markaas oo midabka dayaxu isku beddelay casaan tiq ah. Dayaxa ayaa midabkan casaanka ka hela fallaaraha cadceedda oo soo gaara dayaxa marka dayax-madoobaad dhaco, wuxuuna usii gudbiyaa dhulka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan golaha, kaas oo horay laf dhuun-gashay ugu noqday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaankan oo marar badan fadeexo iyo musuq-maasuq ku eedeeyay dowladda, isla markaana warbixino u gudbiyay hay’ado caalami ah ayaa ugu dambeyn maanta laga eryay baarlamaanka, kadib go’aan uu soo saaray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Go’aanka oo lagu caddeeyay warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in xildhibaan Abiib uu lumiyay xubinimadiisii golaha shacabka, sababo la xiriira inuu soo xaadiri waayay laba fadhi oo uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya. “Hadaba Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ma uusan soo xaadirin golaha shacabka in ka badan laba fadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidaas daraadeed wuxuu lumiyay xubininimadiisii golaha shacabka si waafaqsan qodobka 59-aad, faqradiisa (d) iyo qodobka 8-aad faqradiisa (4) ee xeer hoosaadka golaha shacabka”. Dhanka kale, guddoomiye Aadan Madoobe ayaa faray in si deg deg ah loo soo buuxiyo kursigan oo uu tirsigiisu yahay HOP#201, deegaan doorashadiisuna tahay gobollada waqooyi ama Somaliland. “Guddoomiyaha Golaha Shacabka isagoo dhaqangelinaayo qodobka kor ku xusan wuxuu ku wargelinayaa hay’adaha ay quseyso inay soo buuxiyaan kursiga banaanaaday iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan dastuurka” ayaa mar kale lagu yiri warqadda. Gaba-gabadii waxaa warqadda lagu yiri “Go’aankan wuxuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo guddoomiyaha golaha shacabka BJFS, wuuna saxiixay”. Xildhibaanka la eryay ee Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa xilligii doorashada kusoo baxay kursigan oo uu horay ugu fadhiyay wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo isna gebi ahaan ka baxay siyaasadda Soomaaliya, dibna ugu laabtay Somaliland. The post Xildhibaan laf dhuun-gashay ku noqday DF oo laga saaray xubinimadii BF + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Digniin kooban oo ka soo baxday Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayuu ugu baaqay dhammaan dadweynaha Puntland in ay taxaddar ka muujiyaan dhaq dhaqaaqa firxadka dagaallamayaasha ISIL ee baxsadka ah, kuwaasi oo isku dayay in ay bulshada ku soo dhex dhuuntaan. “Shacabka Puntland waxaan ugu baaqaynaa in ay feejignaadaan, maadaama ay suurtagal tahay in firxadka argagixisadu isku dayaan in ay bulshada ku dhex dhuuntaan” ayuu yiri Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo digniin kooban ka soo saaray dhaq dhaqaaqa firxadka argagixisada ISIL ee baxsadka ah. Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo dadweynaha la wadaagay number gaaban(999) ayaa ka dalbaday in ay ku soo gudbiyaan xogaha ku saabsan dhaq dhaqaaqa kasta oo laga shakiyo, si aysan firxadka argagixisada ee baxsadka ah ugu dhex dhuuman shacabka, waxaana uu Boolisku codsaday in mas’uuliyad wadareed la iska saaro sugidda ammaanka guud. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo digniin amni ka soo saartay dhaq dhaqaaqa firxadka ISIL oo ku milmaya dadweynaha appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimadda Online) – Sida uu maanta baahiyay Wargeyska Financial Times, dowladda Mareykanka iyo Somaliland ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya aqoonsiga ay Hargeysa ka dooneyso maamulka madaxweyne Donald Trump. Wargeyska ayaa ku warramay in saraakiil ka tirsan Maraykanka ay bixiyeen xogta wada-hadallo dhexmaray labada dhinac oo ku aaddan arrinta aqoonsiga oo indhowaanahan aad loo hadal hayay, kadib doorashadii Trump. Saraakiisha ayaa bixiyay warbixin ku saabsan heshiis cusub oo uu Mareykanka la galayo Somaliland, kuna aqoonsanayo, isaga oo ku beddelanaya saldhig milatari oo uu ku yeelanayo magaalo xeebeedka Berbera ee maamulkaasi. Macluumaadkaa la helayo ayaa intaasi kusii daraya in madaxweyne Trump aanu weli tallaabo rasmi ah qaadin, isla markaana wada-hadalladu ay yihiin kuwo hoose, iyada oo xittaa aan lala wadaagin madaxda xafiiska Maraykanka ee Afrika, si ay uga howlgalaan. Arrinta aqoonsiga waxaa sidoo kale si weyn u kar-karinayo saaxibo ay Somaliland ku leedahay xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyada oo dhowr jeer Koongareeska Maraykanka la horgeeyay sharciyo ku saabsan aqoonsiga Somaliland. Tan iyo markii uu xilka la wareegay Donald Trump, waxaa isa soo taraya wararka la xiriira in Mareykanka uu aqoonsi siin doono Somaliland, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan. Waxaa sidoo kale jirta in Mareykanka uu qorsheynayo in shacabka Falastiin ee uu doonayo in laga soo barakacayo Gaza uu geeyo Somaliland, inkastoo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa uu meesha ka saaray in Mareykan ay kala hadleen arrintaasi. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa Reuters u sheegay: “Ma jiro wax wadahadal ah oo aan la leenahay cidna oo ku saabsan Falastiiniyiinta.” Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna si weyn u diiday arrinta aqoonsiga, waxaa dhowaan ka hadlay safiirka u jooga magaalada Washington Daahir Carab oo sheegay in aanay hadda u muuqan qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ay kireysatay shirkad Mareykan ah oo uu xusay inay ka caawin doonto xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya. “Ma aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland, waxaan shaqeyliisiiney shirkad naga caawisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayuu horay u yiri Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka. Si kastaba, Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Mareykanku uu u baahan yahay inuu si taxaddar leh u maareeyo danahiisa Geeska Afrika. Soomaaliya waxay weli tahay saaxiib istaraatiiji ah, muhiimaddeeda juqraafi-siyaasadeedna waxaa sii xoojiyay iyadoo Shiinaha iyo Ruushka ay muujinayaan xiisaha sii kordhaya ee gobolka. The post Arrin cusub oo kasoo korortay aqoonsiga Mareykanka ee maamulka Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — In Niger, where livestock farming sustains nearly nine out of ten workers, women remain the backbone of the industry—yet their contributions are often overlooked. Wouro Habsatou Aboubacar is changing that. She has built a thriving business from an unlikely source—camel milk—transforming what was once a traditionally shared product into a high-demand commodity that challenges cultural norms and strengthens the local economy. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland u qaabilsan gobollada Sool iyo Nugaal ayaa saaka oo Sabti ah la hor-keenay saddex eedaysane loo haysto kiis ku saabsan mooral-siin iyo taageeridda kooxo argagixiso. Saddexda eedaysane oo kala ah; Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad, Fahad Maxamed Abshir iyo Caamir Cabdi Muuse ayaa la hor-keenay fadhigii maxkamadda ee saaka, kaddib markii xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee (Sool&Nugaal) ku soo eedaysay eed ku saabsan in ay mooral iyo taageero siinayeen kooxaha Argagixisada ah. Garsooraha maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland u qaabilsan gobollada Sool iyo Nugaal, Cabdiraxmaan Ciise Xuseen ayaa fadhiga maxkamadda ee saaka ka sheegay in aysan wax danbi ah ku helin saddexda eedaysane, maadaama maxkamaddu maalmo ka hor dhegeysatay eedda loo haysto, islamarkaana wax caddayn ah loo waayay. Garsooraha ayaa sidoo kale go’aan ka soo saaray kiiska saddexda eedaysane, waxaana uu amray in dib xorriyadooda loogu celiyo, balse intaasi kaddib waxa hadalka qaaatay taliyaha waaxda danbi baarista gobolka Nugaal sidoo kalena ah xeer ilaaliyaha maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka (Sool&Nugaal), Mahad Cabdi Falow, waxaana uu sheegay in uu go’aanka soo baxay rafcaan uga qaatay maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland PUNTLAND POST The post Maxaa saaka ka dhacay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Young man in Berbera sets himself on fire over love dispute
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — A young man in Berbera set himself on fire Friday after an apparent romantic dispute, suffering severe burns before emergency responders put out the flames, authorities and witnesses said. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa Jimcihii shaaca ka qaaday inaysan wax codsi ah ka helin Mareykanka ama Israa’iil oo la xiriira qorshaha dib u dajinta Falastiiniyiinta laga barakicinayo Gaza, iyadoo Muqdisho ay si cad u diiday suurtagalnimada tallaabo noocaas ah. Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ayaa werisay in saraakiil Mareykan iyo Israa’iili ah ay la xiriireen mas’uuliyiin ka kala socda Suudaan, Soomaaliya, iyo Somaliland si ay ugala hadlaan suurta-galnimada in dhulkooda loo adeegsado dib u dajinta Falastiiniyiinta ka soo qaxay dagaalka Qaza. Mas’uuliyiinta Suudaan ayaa si cad u diiday dalabka Mareykanka, halka madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay sheegeen inaysan wax wada-xiriir ah arrintan la xiriira ka helin Mareykanka ama Israa’iil, sida ay AP ku warrantay. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xusay in dalkiisu si aan shuruud lahayn u diidayo “wax kasta oo hindise ama qorshe ah oo ka yimaada dhinac kasta, kaasoo wax u dhimaya xuquuqda shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool dhulkooda hooyo.” Fiqi, oo la hadlay Reuters, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya aysan helin wax codsi ah oo la xiriira arrintan, isagoo xusay in Muqdisho ay si adag uga soo horjeeddo qorshe kasta oo dhul Soomaaliyeed loogu adeegsado dib u dajinta dadka kale. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa Reuters u sheegay: “Ma jiro wax wadahadal ah oo aan la leenahay cidna oo ku saabsan Falastiiniyiinta.” Xaaladda Soomaaliya iyo Somaliland Soomaaliya, oo muddo ka badan 17 sano dagaal kula jirtay kooxaha Islaamiga ah ee hubaysan, ayaa weli la daalaa-dhacaysa rabshado amni. Si ka duwan, Somaliland—oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991—ayaa inta badan xasilloonayd. Inkasta oo aysan helin wax aqoonsi caalami ah, haddana xukuumaddeedu waxay rajaynaysaa in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu taageero dadaalladooda aqoonsi raadinta. Soomaaliya, dhankeeda, waxay si adag u diidday sheegashada Somaliland ee ah in laga aqoonsado dal madax-bannaan, iyadoo ku adkaysatay in midnimada iyo gobannimada dhuleed ee Soomaaliya aysan waxba iska beddeli karin. Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo Reuters u dirtay oo ku saabsanaa arrintan. Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan, oo hadda la daalaa-dhacaysa dagaal sokeeye oo ba’an, ayaan sidoo kale si rasmi ah uga falcelin codsi Reuters uga yimid oo la xiriiray suurtagalnimada dib u dajinta Falastiiniyiinta. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Suudaan ayaa Reuters u sheegay in Suudaan aysan helin wax codsi ah oo arrintan la xiriira, isla markaana aysan marnaba aqbali doonin qorshahan. Qorshayaasha dhismaha Gaza Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa meel mariyey qorshe dib-u-dhis ah oo ay hormuud u tahay Masar, kaasoo ku kacaya $53 bilyan, looguna talagalay dib u dhiska Qaza, iyagoo si cad u diiday in Falastiiniyiinta laga raro dhulkooda. Tani waxay si toos ah uga hor imaanaysaa fikradda uu Trump hore u soo jeediyey ee ahaa in Gaza laga dhigo “Riviera cusub oo Bariga Dhexe ah.” Trump ayaa soo jeediyey in Mareykanka uu si toos ah gacanta ugu dhigo Gaza si dib loogu dhiso, kaddib dagaalladii billowday Oktoobar 2023. Waxa kale oo uu horey u soo jeediyey in Falastiiniyiinta si rasmi ah dib loogu dajiyo meel ka baxsan dhulkooda, taasoo sii xoojisay cabsi ay muddo dheer qabeen oo ah in si joogto ah looga masaafuriyo dhulkooda hooyo. Qorshaha Trump ayaa si weyn looga soo horjeestay caalamka, iyada oo laga digay cawaaqibka uu ku yeelan karo mustaqbalka Falastiiniyiinta. Markii wax laga weydiiyey warbixinta AP, afhayeenka Qaramada Midoobay ee Geneva, Michele Zaccheo, ayaa yiri: “Qorshe kasta oo horseedi kara barakicin khasab ah ama sifeyn qowmiyadeed waa arrin aan si cad uga soo horjeedno, waayo waxay ka hor imaanaysaa sharciga caalamiga ah.” Dhinaca kale, Taher Al-Nono, oo ah la-taliye sare oo u dhow hoggaanka Xamaas, ayaa Reuters u sheegay in fikradda dib u dajinta Falastiiniyiinta ee Afrika ay tahay “arrin aan macquul ahayn”, taasoo ay si adag uga soo horjeesteen Falastiiniyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Carabta. “Falastiiniyiintu kama tagayaan dhulkooda,” ayuu yiri. Dhanka Israa’iil, wasiirro ka tirsan xukuumadda Tel Aviv ayaa sheegay inay sahminayaan siyaabo ay ku fududayn karaan in Falastiiniyiinta ay iskood uga baxaan Gaza, balse aysan qorsheynayn in si khasab ah loo masaafuriyo. The post DF iyo Somaliland oo jawaab rasmi ah ka bixiyey qorshaha loogu soo rarayo dadka Gaza appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in Mudane Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka, maadaama uu ka maqnaaday laba (2) kal-fadhi oo caadi ah, kuwaasoo isku xiga, iyada oo aan jirin sabab macquul ah. Sidaas darteed, waxa la faray hay’adaha ku shaqada leh inay buuxiyaan kursiga bannaan ee lambarkiisu yahay HOP#201, iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan Dastuurka. Xildhibaanka ayaa kasoo jeedda gobolka Awdal. Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada gobolada Waqooyi ee Muqdisho lagu doortay. Waxaa uu billihii lasoo dhaafay soo saarayay warqado ka dhan ah dowladda Soomaaliya. Qodobada kasoo baxday Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa siddaan u qornaa: Qodobka 59aad, farqadiisa 1aad, xarafkiisa (d) ee Dastuurka KMG wuxuu qeexayaa in xubinimada Baarlamaanka la lumi karo haddii xildhibaan ka maqnaado laba (2) kal-fadhi oo caadi ah oo isku xiga, iyada oo aan jirin sabab macquul ah. Qodobka 8aad, farqadiisa (4) ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka wuxuu xoojinayaa qodobka kore, isagoo qeexaya in xubinimada Golaha Shacabka la lumin karo haddii xildhibaan ka maqnaado laba (2) kal-fadhi oo isku xiga iyada oo aan jirin sabab macquul ah. Qodobka 66aad, farqadiisa 2aad ee DKG wuxuu farayaa in Golaha Shacabka uu yeesho ugu yaraan laba (2) kal-fadhi oo caadi ah sanad kasta, midkiibana uu socdo afar (4) bilood. Qodobkan wuxuu caddaynayaa muhiimadda ay leedahay joogitaanka xildhibaanada kulamada Golaha. Qodobka 14aad, farqadiisa (1) ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka wuxuu siinayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka awoodda ah inuu ilaaliyo, fuliya, iyo dhoofiyo xeer-hoosaadka Golaha, taasoo siinaysa masuuliyadda go’aaminta arrimaha la xiriira maqnaanshaha xubnaha Golaha. Warqad kasoo baxday Xafiiska Habdhowrka Golaha Shacabka waxay caddeysay in Mudane Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib uusan soo xaadirin laba (2) kal-fadhi oo xiriir ah, taasoo keentay in la go’aamiyo luminta xubinimadiisa. Go’aanka Ugu Dambeeya Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu go’aamiyay in: Mudane Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib uu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka, maadaama uusan xaadirin laba (2) kal-fadhi oo isku xiga, isagoo aan sabab macquul ah soo gudbin. Hay’adaha ay quseyso la faray inay buuxiyaan kursiga bannaan, iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan Dastuurka. Source: goobjoog.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta ciidamada badda ee Itoobiya iyo Ruushka ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga militari, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo dhismaha awoodda badda, xilli Itoobiya ay dadaal ugu jirto in ay dhisto ciidan badeed, inkasta oo aysan lahayn xeeb. Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Badda ee Ruushka, Admiral Vladimir Vorobiev, iyo Ku-xigeenka Howlgalada Ciidanka Badda ee Itoobiya, Commodore Jemal Tufisa, ayaa Jimcihii ku kulmay Addis Ababa si ay u sahmiyaan fursadaha iskaashi ee suurtagalka ah. Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Ciidanka Difaaca Qaranka ee Itoobiya, wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray tababarada militari, dhismaha awoodda badda, iyo iskaashiga farsamo si loo taageero qorshaha Itoobiya ee ku aaddan dhismaha ciidankeeda badda. Intii uu socday booqashada, wafdiga Ruushka ayaa kormeeray xarumaha ciidamada badda ee Itoobiya, oo ay ku jirto Xarunta Tababarka Ciidanka Badda ee Itoobiya ee Bishoftu, halkaas oo ay ku qiimeeyeen dadaallada socda ee lagu dhisayo awoodda badda ee dalka. Qorshaha Itoobiya ee awoodda badda Commodore Jemal Tufisa ayaa xusay in Itoobiya ay si gaar ah diiradda u saarayso tababarka iyo dhismaha awoodda hawlgalka si ay u dhisto ciidan badeed oo dhammaystiran. Wuxuu tilmaamay in iskaashi la ballaariyo oo lala yeesho Ruushka uu xoojin karo diyaarinta Itoobiya si ay u xaqiijiso danaha qarankeeda ee biyaha gobolka. Dadaalka Itoobiya ee lagu dhisayo ciidan badeed wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka, gaar ahaan ku saabsan qorshaheeda ay kaga gol leedahay inay hesho marin badeed rasmi ah. Bishii Janaayo 2024, Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) muran dhaliyay, kaas oo Itoobiya u ogolaanaya in ay hesho 20-kiloomitir oo xeebaha Somaliland ah oo ku dhow Berbera. Beddelkeeda, Itoobiya waxay ballanqaadday inay aqoonsanayso madaxbannaanida Somaliland, taasoo ka dhigi lahayd dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan Qaramada Midoobay ee Somaliland si rasmi ah u aqoonsada. Dowladda Soomaaliya, oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa si adag uga hortimid heshiiskaas, waxayna dib ugu yeertay safiirkeedii Addis Ababa, iyadoo ku dhawaaqday in heshiisku yahay “waxba kama jiraan.” Heshiiskii Ankara Declaration Xiisadda ka dhalatay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ayaa horseeday dadaallo diblomaasiyadeed, kuwaas oo ugu dambeyn keenay Ankara Declaration bishii Diseembar 2024. Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd Turkiga, ayaa diiradda saaray sidii Itoobiya ay u heli lahayd xuquuq badeed, iyada oo la tixgalinayo madaxbannaanida iyo gobannimada dhuleed ee Soomaaliya. Heshiiska ayaa meesha ka saaray heshiisyo toos ah oo Itoobiya la gasho Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, su’aalo badan ayaa weli ka taagan sida heshiiskan loo dhaqan gelin doono. Itoobiya iyo Ruushka oo xoojinaya iskaashiga militari, halka xiisadaha gobolka sii xoogeysanayaan Horumarinta ciidamada badda ee Itoobiya iyo xiriirka militari ee sii xoogeysanaya ee ay la leedahay Ruushka ayaa walaac ka dhaliyay gobolka iyo beesha caalamka. Soomaaliya, si ay uga falceliso tallaabooyinkan, waxay xoojisay iskaashiga ay la leedahay Masar, taasoo siisa hub iyo taageero militari, waxaana la filayaa in Masar ay Soomaaliya siiso ciidan si ay uga qeyb qaataan loolanka istiraatiijiga ah ee kala dhaxeeya Itoobiya. Sidoo kale, joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolka Gedo, halkaas oo ay dhowaan la wareegeen garoomo diyaaradeed oo muhiim ah, ayaa xiisadda sii huriyay. Talaabadan ayaa loo arkay mid ay Itoobiya uga hortagayso suuragalnimada taageerada militari ee Masar ay siiso Soomaaliya. Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa isku dayday in ay ka faa’iidaysato khilaafaadka gobolka, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in murannada diblomaasiyadeed ay wiiqaan dadaallada lagu xakameynayo argagixisada. Ruushka wuxuu iskaashiga militari ee uu la yeelanayo Itoobiya ku waafajinayaa istiraatiijiyaddiisa ballaarinta saameynta militari ee Afrika. Tan iyo markii uu si rasmi ah u joogsaday hawlgalkii Wagner Group kadib geeridii Yevgeny Prigozhin, Ruushka wuxuu hoos geeyay dhammaan hawlgalladii uu ka waday Afrika Wasaaradda Difaaca, wuxuuna dhisay “Africa Corps,” oo ah unug militari oo sii wadi doona shaqooyinkii ay Wagner horay uga waday qaaradda. Iskaashiga uu Ruushku la yeelanayo dalalka Afrika, oo ay kamid tahay wadahadallada uu la yeeshay Itoobiya, wuxuu muujinayaa dadaalkiisa ah in uu xoojiyo xiriirka difaaca ee uu la leeyahay qaaradda Afrika. Inkasta oo wadahadallada u dhexeeya Itoobiya iyo Ruushka ay muujinayaan dadaallada Itoobiya ee lagu dhisayo ciidanka badda, haddana wax heshiis difaac rasmi ah lama shaacin. The post Ruushka oo xoojiyey qorshaha Itoobiya ee ciidanka badda ka hor in aysan Soomaaliya…. appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Bishii Febraayo, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) wuxuu si weyn u xoojiyay howlgalladiisa militari ee Soomaaliya, taasoo muujisay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu si rasmi ah ugu wareegay qaaradda Afrika. Febraayo 1-dii, AFRICOM waxay duqeymo cirka ka fulisay Buuraleyda Golis, oo ah dhul fog oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, bartilmaameedkooduna wuxuu ahaa laan ka tirsan Daacish-Soomaaliya. S ida lagu sheegay war rasmi ah oo AFRICOM soo saartay, weerarkaas waxaa lagu dilay Axmed Maeleninine, oo ahaa shaqsi si firfircoon uga shaqeyn jiray qorista dagaalyahannada, maalgelinta ISIS, iyo fududeynta safarka jihaadiyiinta ee Yurub iyo Mareykanka. Weerarkaas kaddib, AFRICOM waxay sii waday duqeymo kale oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo ISIS-Soomaaliya, taasoo Soomaaliya ka dhigtay mid kamid ah meelaha ugu firfircoon ee Mareykanku ka fulinayo hawlgallo militari. Mareykanka oo dardar geliyay joogitaankiisa Soomaaliya Iyadoo doodaha caalamiga ah ee la xiriira ciidamada Mareykanka ay u badan yihiin sidii loo dhimilahaa joogitaankooda, haddana Soomaaliya waxay mar kale noqotay mid Mareykanku uu xoogga saarayo. Arrintan ayaa dad badan ku noqotay lama filaan, maadaama Madaxweyne Donald Trump uu muddadii hore ee xilkiisa Soomaaliya kala baxay 700 askari oo Mareykan ah. Si kastaba ha ahaatee, isbeddelka la arkay ma ahan mid layaab leh, balse wuxuu muujinayaa faham ballaaran oo ku aaddan xaqiiqada cusub: Dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah wuxuu si toos ah ugu wareegay Afrika. Qaaradda Afrika ayaa hadda ah goobta ugu weyn ee dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah. Warbixin uu daabacay Midowga Afrika waxay muujisay in sanadka 2024 kaliya, qaaradda ay la kulantay in ka badan 3,400 weerar argagixiso, kuwaasoo sababay dhimashada 13,900 qof. Soomaaliya ayaa tusaale u ah sida kooxaha argagixisada ay si qoto dheer ugu dhex milmeen qaaradda. Daacish-Soomaaliya: Khatar soo kordhaysa Daacish-Soomaaliya waxay muujisay sida kooxaha argagixisada ay si qoto dheer ugu fidayaan Afrika. Tan iyo markii ay kasoo go’day Al-Shabaab sannadkii 2015, kooxdaan si xawli ah ayey u koraysay. Warbixin kasoo baxday AFRICOM waxay xustay in sanadkii hore tirada dagaalyahannada Daacish-Soomaaliya ay laba laabmeen. Sidoo kale, waxaa jirta cabsi ah in hoggaamiyaha ISIS-Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, uu noqday hoggaamiyaha guud ee ISIS bishii 2023, kaddib weerar Mareykanku la beegsaday oo aan la xaqiijin in lagu dilay. Haddii arrintan la xaqiijiyo, waxay muujinaysaa in ISIS aysan hadda kaliya ahayn koox laga aaminsan yahay Bariga Dhexe, balse ay si qoto dheer ugu fidayso Afrika, ayna halis ku tahay amniga caalamka. Kooxaha argagixisada ma ahan kuwo ku kooban Soomaaliya. Laga soo bilaabo Harada Weyn ee Afrika ilaa Mozambique, kooxaha xagjirka ah waxay si weyn ugu baahsan yihiin, halka maalgeliyeyaashooda ay joogaan gobollo kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, meel kasta oo kale way ka sii daran tahay xaaladda Saaxil, halkaas oo argagixisada ay sannado badan si xowli ah ugu xoogaysanayeen. Kooxo kala duwan oo ay kamid yihiin: Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin ISIS-Greater Sahara ISIS-West Africa Province Boko Haram …ayaa halkaa saldhigyo ka sameystay, waxayna xitaa isku dagaallamayaan si ay awood u helaan. Bishii la soo dhaafay, koox ka tirsan Al-Qaeda waxay si kooban u qabsatay garoonka diyaaradaha ee Bamako ee Mali, halkaasoo ay sawirro kula galeen diyaarad rasmi ah oo ay leedahay dowladda Mali. Dhowr sano ka hor, inqilaabyo dhacay ayaa xukunka ka tuuray dowlado dimuqraadi ah oo ka jiray Saaxil, kuwaasoo markaas dib ugu leexday inay taageero militari ka helaan Ruushka, halkii ay sii wadan lahaayeen xiriirka Mareykanka iyo Midowga Yurub. Balse, sida la arkay, taageerada Ruushku waa mid xadidan. Tusaale ahaan: Mali: Ruushku wuxuu ciidamo u diray si ay uga hortagaan kooxaha jihaadiga ah, balse taasi ma joojin weeraradii Al-Qaeda. Mozambique: Wagner Group, oo Ruushku adeegsado, waxay si degdeg ah uga baxday dagaalkii ay kula jireen Al-Shabaab, kadib markii 12 askari oo Ruush ah la dilay. Inta ay kooxaha jihaadiga ahi sii xoojinayaan awooddooda, waxaa muuqata in xulafada kala duwan ee gobolku ay waajahayaan xaalad adag. Mareykanka oo sare u qaadaya feejignaanta Afrika Muuqaalka argagixisada Afrika wuxuu sababay in Mareykanka uu kordhiyo feejignaantiisa. Ma cadda in Mareykanku dib u hagaajin doono xiriirkiisa jabhadaha Saaxil ee xukunka la wareegay, balse maamulka Trump wuxuu xasuusan doonaa casharadii laga bartay weerarkii Tongo Tongo ee Niger sanadkii 2017, markaasoo dagaalyahanno ka tirsan ISIS-Greater Sahara ay dileen afar askari oo Mareykan ah. Wuxuu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ciidamada Mareykanka ay ka la kulmaan Afrika muddo tobannaan sano ah. Sanadihii la soo dhaafay, indhaha caalamka waxay u badnaayeen Bariga Yurub iyo Bariga Dhexe, halkaas oo dagaallo waaweyn ay socdaan. Laakiin hadda, iyadoo kooxaha argagixisada ay Afrika ka dhigteen xarumo laga beegsado dunida inteeda kale, khatarta ay ku hayaan Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa sii kordheysa. Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth, oo safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah uu kusoo booqday xarunta AFRICOM ee Jarmalka, wuxuu si cad u yiri: “Afrika waa safka hore ee dagaalka lagula jiro Islaamiyiinta. Ma ogolaanayno inay sii xoojiyaan saldhigyadooda, gaar ahaan haddii ay doonayaan inay beegsadaan Mareykanka.” Sidoo kale, kulan uu la qaatay hoggaanka AFRICOM ayuu ku saxiixay amar fududeynaya duqeymaha cirka iyo hawlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka. Duqeymihii Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya bishii la soo dhaafay waxay u badan tahay inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee silsilad weerarro militari oo sii soconaya. Dagaalka casriga ah ee ka dhanka ah argagixisada wuxuu si rasmi ah ugu wareegay Afrika, Mareykankuna wuu ku lug yeelan doonaa. Alexander Tripp waa ku-xigeenka agaasimaha xarunta Afrika ee the Atlantic Council. The post Tallaabooyinkii uu qaaday Mareykanka oo muujiyey qorshihiisa cusub ee Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Cadale (Caasimadda Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal iyo howlgallo tan xalay illaa maanta ka socda qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Howlgallada oo ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ka dhacay aagga deegaanka Sumadaale, waxaana xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Dagaalka oo 4 jeer la’isku soo laabtay ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday fariisimo ay ciidamada huwanta ku leeyihiin deegaankaas oo u dhow Bursha Sheekh. Wararka ayaa sheegaya in xubno badan looga dilay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale ciidamada dowladda ayaa iyaguna uu khasaare kasoo gaaray dagaalka oo xoogganaa. Sidoo kale duqeymo ayaa ka dhacay halkaas oo lagu taageerayay ciidamada huwanta ee weerarka ku qaaday maleeshiyaadka argagixisada ee ku sugan aagga Bursha Sheekh. Waraxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkan waxaana lagu sheegay in weerarka ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo beegsaday xarumihii kooxaha Khawaarijta ee deegaanka. Sidoo kale, dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaaday in jab culus la gaarsiiyay kooxaha argagixisada, isla markaana cagta la mariyay xarumo ay ku lahaayeen halkaasi. “Howlgalka waxaa lagu burburiyay goobo ay kooxda Khawaarijtu ku lahayd deegaanka, halkaas oo ay ka wadeen falal argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa kale lagu sheegay in la dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, balse qoraalka laguma shaacin tirada rasmiga ah ee laga khaarijiyay Al-Shabaab. “Waxaa howlgalka lagu dilay tiro ka mid ah Khawaarijta ku sugnayd degaanka halka goobihii gabaadka u ahaa Argagixisada laburburiyay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weli xaaladda ay kacsan tahay, isla markaana labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan agagaarka deegaanka Bursha Sheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ah meesha lagu dagaalamay. HirShabeelle ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo aad u culus, iyada oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta iyo dadka deegaanka oo qorshahoodu yahay inay ka hortagaan Al-Shabaabka soo galay Shabeellaha Dhexe. Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale taageero ka helaya saaxibada caalamiga ah oo iyana duqeymo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliya deegaannada ay ka socdaan howlgallada ee gobolkaasi. The post Xogta dagaal lagu jabiyay Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.