Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayaa si adag uga jawaabay diidmada ka imaanaysa madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee doorashada qof iyo cod. Madaxweynaha ayaa marka hore sii adkeeyay in ay ka go’an tahay in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, isagoo xusay in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ay caasimadda uga socoto si habsami leh. Mucaaradka ayuu ku eedeeyay inay diidan yihiin hore u socdka dalka, isla markaana la aado nidaamka axsaabta, si dib loogu celiyo bulshada waxa ay xaqa u leeyihiin ee ah inay soo doortaan hoggaankooda. “Xildhibaannadii labada saacadood jeebka lagu soo ridanayey kuwii soo xushay kama faa’iidin, bal maxay mar kale ku falayaan! Waa laysku dilayaa markaan, dadkii la boobay mar kale lama boobi karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay in la isku dilayo haddii doorasha dadban la aado markale, uuna xalku ku jiro doorasho qof iyo cod. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo aragtiyahooda ku aaddan qarannimada iyo dowlad-dhiska, halka ay ku mashquulsan yihiin dhaliisha guulaha dowladda iyo barnaamijyada hortabinta u leh dalka, sida uu hadalka u dhigay Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay iyagu leeyihiin talada, lagana gudbay xilligii kooxo gaar ah ay isku jaangooyn jireen masiirka iyo mustaqbalka dalka. “Siyaasiga dhahaya hal guuto oo ciidan dagaalami karto majirto ma Al-Shabaab ayuu taageerayaa, wuxuuse sii leeyahay Shabaab ayaa Muqdisho qabsan rabto, balaayo ayaa soo socota, anaga ma fahmin ula jeedkiisa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha. Hadalka madaxweynaha ayaa jawaab u ah bayaan ay shalay soo saareen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ka biyo diiday sida uu madaxweynaha wax u wado iyo hanaanka doorasho ee aan loo dhameyn. Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa iyagu ku baaqay in la isugu yimaado wadatashi deg-deg ah oo laga soo qayb-gelinayo bulshada, kaas oo ay sheegeen in lagu samata-bixinayo dalka.
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska ee gobolka Nugaal ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu kufsi u gaystay laba gabdhood oo walaalo ah, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaalada Garoowe. Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Sharmaake Xuseen Yuusuf, oo ah 31 jir ayaa haatan lagu xiray saldhigga galbeed ee Garoowe, waxaana ku socda baaritaanno dheeraad ah. Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in kufsiga uu dhacay habeenkii 11-ka May 2025, isla markaana labada gabdhood oo lagu xadgudbay laga helay bannaanka agagaarka xaafadda Booray ee magaaladaasi. “Falka kufsiga ayaa dhacay habeenkii 11-ka May 2025, abaare 4:00 habeenimo, agagaarka xaafadda Booray ee magaalada Garoowe. Labada gabdhood ee dhibbanayaasha ah ayaa laga helay bannaanka xaafaddaas iyadoo lagu xadgudbay, waxaana markiiba bilaabmay baaritaanno ay fuliyeen Qeybta Baarista Dembiyadda ee CID-da Gobolka Nugaal” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska. Sidoo kale Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay gaari uu watay eedeysanahayoo lagu raad-jooga, maadaama la tuhunsanaa in falka lagu gaystay.. Waxaa sidoo kale la qabtay labo gaari oo kale oo la tuhunsan yahay inay qayb ka ahaayeen falkaas isla markaasna uu adeegsaday. Puntland ayaa sidoo kale si adag u cambaareysay falkan kufsiga ah ee lagula kacay labada gabdhood oo kasoo jeedo qoys dan-yar ah, waxayna sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono dambiilayaasha. “Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareyneysaa falalka arxan darrada ah ee lagu beegsado carruurta iyo dadka nugul, waxayna caddeyneysaa in eedaysanayaashu ay wajihi doonaan caddaalada iyadoo loo marayo nidaamka garsoorka ee dalka” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka. Horay deegaannada Puntland, waxaa sidaan oo kale uga dhacay falal kufsi iyo dil isugu jiro, waxaana qaarkood go’aanno kasoo saaray maxkamadaha maamulkaasi, iyada oo weli ay muuqato in dhibaatada iyo tacaddiyada loo gaysanayo dumarka ay kasii socoto Puntland.
  3. Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo ka hadlay mudaharaadkii maanta ka dhacay magaalada Burco, ayaa sheegay in dadweynaha la gaadhsiiyey war been-abuura oo la xidhiidha in maxaabiis dagaal lagu soo daray liiska maxaabiista Madaxweynuhu cafinayo munaasibadda xuska 18 May awgeed. “Maxaabiista la sii daayo 18 May waa kuwo la isla yaqaano oo sannad walba waa la sii daayaa, waxaana munaasibadaasi lagu sii daaya dadka xadhigoodu soo gaabto, kuwa aan sannado badan ku xukunayn iyo maxaabiista u xidhan dambiyada fudud oo qudha, markaa munaasibad walba, 18 May ha ahaato ama ramadaan ha ahaatee maxbuus dagaal lagu sii dayn maayo cafis Madaxweyne, qof walibana taas wuu garanayaa oo xiitaa ilaa carruurta ayaa garanaysa,” ayuu Wasiir Xasan Macallin oo Hargeysa kula hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland. “Taayir la gubo waxba u tari maayo maxaabiista ku xidhan Laascaanood, xilkooduna Xukuumadda ayuu saaran yahay, sidii ay u soo dayn lahaayeen ee guryahoodii loogu soo celin lahaana anaga oo Ilaahay la kaashanayna waa hawl u taala Xukuumadda talada haysaa ee aan ka midka ahay. Qof shicib ah iyo ehelkooda midna uma taalo ee waxa aan leeyahay dadka ehelka ahi ha isdejiyaan,waxaana laga yaabaa inay dadka mudaharaadaya ay kicinayaan dad aan dan ka lahayn ehelka iyo maxaabiista xidhan oo aan weligood ku fikirin sidii loo soo dayn lahaa,” ayuu yidhi Wasiir Xasan Macallin. Saab Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga iyo amniga. Heshiiskan ayaa waxay horey dowladda Soomaaliya ula gashay Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana maanta heshiiskan golaha usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda guud ee amniga dalka. Sidoo kale waxaa golaha looga warbixiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, arrimaha la xiriira xajka, iyo sidoo kale warbixin la xiriirta hawlaha Guddiga Taakuleynta Dagaalka Khawaarijta. Si kastaba, heshiiskan uu maanta ansixiyay Golaha Wasiirrada ayaa xoogga saaraya horumarinta iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga, wax ka qabashada dhinacyada muhiimka ah sida la dagaalanka argagixisada, wadaagga sirdoonka iyo tayeynta ciidamada Soomaalida. Heshiiskan ayey ujeedadiisu tahay in la xoojiyo qaab dhismeedka amniga labada dal, taasoo u ogolaanaysa habab isku xiran oo wax looga qabanayo caqabadaha amniga ee gobolka. Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo wanaagsan, iyadoo xukuumadda Riyad ay dhinacyo badan ka taageerto xukuumadda Muqdisho, oo haatan dagaal adag kula jirta kooxaha argagixisada.
  5. Three years ago, on 15 May 2022, Hassan Sheikh Mohamud was elected as the President of Somalia after a protracted indirect electoral process. This was his non-consecutive second period in office—he had first served between September 2012 and February 2017. His return was hailed as a positive sign. He was seen as an experienced president who had gained valuable insights from his nearly five years in office, had spent another five years in the opposition, and was likely to have drawn lessons from the mistakes of his first term. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15ka May, taasoo lagu xusayay 81 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xoreynta, dowladnimada iyo horumarka dalka, isagoo sheegay in dhallinyaradii SYL ay horseedeen midnimo iyo xornimo, halka dhallinyarada maanta laga sugayo inay kaalin mug leh ka qaataan dib-u-dhiska dalka iyo la dagaallanka argagixisada. “13 dhallin yaro ah oo gumeysi ku hoos nool, oo aan haysan fursadaha maanta jira ayaa inoo horseeday gobanimo iyo dowladnimo. Maatna dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa horyaalla door la mid ah kaas oo kaga aaddan in ay codkooda ku doortaan hoggaanka dalka, dhexdana u xirtaan difaaca iyo xoreynta”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey in ay ka go’an tahay dowladda in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, waxa uuna xusay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay haatan si rasmi ah uga socoto caasimadda Muqdisho, lagana shaqeeyey shuruucdii iyo nidmaadyadii doorashada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda qabyo-tirka Dastuurka, waxa uuna ku bogaadiyey Guddiyada Dastuurka dadaalkooda ku aaddan dhameystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo midnimada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo aragtiyahooda ku aaddan qarannimada iyo dowlad-dhiska, halka ay ku mashquulsan yihiin dhaliisha guulaha dowladda iyo barnaamijyada hortabinta u leh dalka, waxa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay iyagu leeyihiin talada, lagana gudbay xilligii kooxo gaar ah ay isku jaangooyn jireen masiirka iyo mustaqbalka dalka. Munaasabadda waxaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali, Taliyaha Booliska Federaalka Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Amiir. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay u ambabaxaan magaalada Baqdaad ee caasimada Ciraaq, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaas, isla markaana uu dhowaan u duulayo Baqdaad. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale la xiriira ka qayb-galka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo dalkaasi ka furmi doona bilowga todobaadka soo socda, isla markaana ay martigelineyso dowladda Ciraaq. Sidoo kale waxaa haatan wafdi u hordhac u ah booqashada madaxweynaha ay gaareen dalka Ciraaq, waxaana hoggaaminayo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo kulamo ka bilaabaya halkaasi. Wasiirka ayaa sidoo kale kasii qayb-galaya shirka heer wasiir ee Jaamacadda Carabta ee loogu gogol-xaarayo shir-madaxeedka Carbeed ee loo tegayo dalka Ciraaq, kaas oo furmi doono May 17, 2025. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxda Carbeed ay ka wada-hadli doonaan arrimo xasaasi oo qeyb ka ah arrinta Qasa iyo xaaladaha kasoo kordhay gobolka. Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa sidoo kale qorshuhu yahay inuu khudbad ka jeediyo shirka, taas oo uu uga hadli doono xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha Carabta. Waxaa kale oo uu kulamo duceedyo la yeelan doonaa madaxda dowladda Ciraaq iyo kuwa Jaamacadda Carabta ee ka qayb-galaya shirka ka dhacaya Baqdaad oo ah, kalkiisa 34-aad. Soomaaliya ayaa xubin firfircoon ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, iyada oo door wayn ka qaadato go’aannada xasaasiga ah ee uu ururka ka gaarayo gobolka iyo xaaladaha taagan.
  8. State-building is never easy, even in the best of times. It demands patience, compromise, and above all, a shared understanding among citizens of what government is, what it is not, and what it is meant to serve. In Somalia, however, pervasive lack of understanding of civics has made the task nearly impossible. After decades of conflict, fragmentation, and lawlessness, too many Somalis have been left without the basic civic foundations that any stable political order needs Source: Hiiraan Online
  9. Trans-Saharan human trafficking syndicates are deceiving Somali refugees living in Kenyan camps. The Magafe – a Libyan-based criminal group – is reportedly leading a kidnapping and trafficking network that exploits Somali refugees, appealing to their aspirations with false promises of relocation to Europe. Mostly young refugees are drawn into dangerous journeys that often result in severe abuse, hardship and can even be fatal. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — Somalia’s cabinet has approved a new security agreement on Thursday with Saudi Arabia to boost military cooperation, enhance intelligence sharing, and jointly combat terrorism across the Horn of Africa and the Gulf region. Source: Hiiraan Online
  11. Hargeisa (HOL) — Somaliland’s government has denied reports that it intends to release prisoners captured during last year’s fighting in Las Anod, following public protests and a wave of speculation online. Source: Hiiraan Online
  12. Burco (Caasimada Online) – Banaanbaxa ballaaran oo lagaga soo horjeedo maxaabiis la sheegay inay sii deynayso xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco. Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa la sheegay inay si weyn uga caroodeen wararka sheegaya in Somaliland sii deynayso maxaabiis, iyadoo weli SSC ay gacanta ugu jiraan saraakiil iyo askar reer Somaliland ah. Banaanbaxayaasha ayaa codkooda si cad u muujiyay iyaga oo dalbanaya in marka hore la soo daayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood, ka hor inta aan wax maxaabiis ah laga sii daynin dhinaca kale. Waxay sheegeen in tallaabo kasta oo lagu sii daayo maxaabiista SSC-Khaatumo aanay caddaalad ku fadhiyin haddii aan la helin isla tallaabo lamid ah oo maxaabiista Somaliland loogu soo celinayo. Banaanbaxan ayaa sababay in la xiro waddooyin muhiim ah oo magaalada Burco ah, iyadoo dadku ay gubeen taayirro, kana hor yimaadeen ciidamada ammaanka oo isku dayay in ay kala dareeriyaan dadka. Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin wararka sheegaya in maxaabiista la sii daynayo, haddana baraha bulshada ayaa si ballaaran loogu baahiyay arrimahaasi. Wararkaasi waxay ahaayeen kuwo ka yimid dad madax-bannaan, mana jiraan wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda, taas oo su’aalo badan ka dhalisay saxnimada iyo ujeedada wararkaasi. Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhawaan soo jeediyay in xukuumaddu ay sii dayso dhammaan maxaabiista ay hayso, isagoo caddeeyay in aan la aqbali karin wada-hadal lagu saleeyo maxaabiista, kuna dooday in taasi ay wax u dhimayso jiritaanka Somaliland. Wuxuu sidoo kale ku taliyay in salaadiin ka socda Deegaanka Soomaalida loo adeegsado sidii loo heli lahaa xal lagu soo daayo maxaabiista Somaliland ee ku jira gacanta SSC Khaatumo. Si kastaba, maamulka SSC Khaatumo ayaa dhankooda ku cel-celiyay in xal kasta oo ku saabsan maxaabiista uu ku iman karo oo keliya iyada oo labada dhinac ay u arkaan is-dhaafsi rasmi ah oo u dhexeeya laba maamul oo siman. Waxa kale oo ay shuruud uga dhigeen in Somaliland ay ka tanaasusho dhulka lagu muransan yahay, taas oo xoojinaysa xiisadda taagan.
  13. Hargeisa (HOL) — A fast-spreading measles outbreak is sweeping across Somaliland, with more than 220 confirmed cases prompting urgent calls for vaccination and heightened public health surveillance. Source: Hiiraan Online
  14. Garowe (HOL) —Jubaland’s regional government has accused Somali President Hassan Sheikh Mohamud of violating the country’s federal constitution and steering the nation toward one-party rule, warning the move could destabilize Somalia at a time of deepening insecurity. Source: Hiiraan Online
  15. Garowe (HOL) — Puntland police have arrested a man accused of abducting and raping two young sisters in a case that has triggered public outrage and renewed scrutiny of Somalia’s weak judicial protections for survivors of sexual violence. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadal kulul ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta dhallinyarada 15-ka May, isagoo si cad uga digay in dalka dib loogu celiyo doorasho dadban. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in xal waara uu yahay doorashada qof iyo cod ah, taasoo uu sheegay in ay tahay waddada kaliya ee lagu gaari karo cadaalad iyo deganaansho siyaasadeed. Madaxweynaha ayaa yiri: “Xildhibaannadii labada saacadood jeebka lagu soo ridanayey, kuwii soo xushay kama faa’iidin. Bal maxay mar kale ku falayaan! Waa laysku dilayaa markaan, dadkii la boobay mar kale lama boobi karo.” Hadalkan ayaa imaanaya xilli siyaasadda dalka ay mar kale wajahayso dood adag oo la xiriirta habka doorasho ee sanadaha soo socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in nidaamkii hore ee doorashada dadban uu ahaa mid sababay khilaaf, kalsooni-darro iyo cabasho ka dhalatay qaabka loo xulay xildhibaannada. Isagoo la hadlayay dhallinyarada, ayuu sidoo kale xusay in da’yartu ay yihiin hormuudka isbeddelka, islamarkaana ay yihiin kuwa laga rabo in ay taageeraan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee salka ku haya codka shacabka. Source: goobjoog.com
  17. Dowladda Mareykanka ayaa digniin culus oo heerkeedu yahay “Level 4: Ha u safrin” ka soo saartay xaaladda amni ee Soomaaliya, iyada oo si cad ugu digtay muwaadiniinteeda in aysan u safrin dalkaasi sababo la xiriira khataro badan oo amni iyo caafimaad ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in go’aankan cusub lagu saleynayo khataraha sii kordhaya ee la xiriira: denbiyada hubeysan, weerarada argagixisada, colaadaha gudaha, afduubyada, budhcad-badeeda, caafimaad-darrada, iyo sidoo kale adeeg la’aanta howlaha qunsuliyadeed ee joogtada ah. Bayaan kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay: “Shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya waxaa si buuxda looga mamnuucay in ay ka baxaan aagga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo safaaradda Mareykanku ku taallo.” Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in xaaladda caafimaad ee dalka ay tahay mid liidata, iyadoo la’aanta adeegyada caafimaad, gar-gaarka degdegga ah iyo daryeelka bukaannada ay qayb ka tahay sababaha keenay in muwaadiniinta Mareykanka laga waaniyo socdaalka. Source: goobjoog.com
  18. 15-ka may waxay kamid tahay maalmaha qaran ee dowladnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya qeymaha weyn ku leh, waxaana maalintan si gaar ah loo xusaa ururkii SYL oo ahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo sanadkii 1943-dii dhexda u xirtay halgan gobonimo doon ah oo ay sharafta dadkooda iyo dalkooda ku xoojinayaan. SYL oo markii hore ahaa 13 dhallinyaro ah, markii dambe wuxuu noqday xisbi weyn oo doorashooyinkii dalka ka dhacay dhawr mar ku guuleystay xilligii dowlaha Rayidka, balse xubnihii ururkaas aasaasay intoodii badnaa way dhinteen inkastoo dhaxalkoodii uu weli noolyahay. Cali Xasan Maslax(Berdura), waxaa uu ka mid ahaa 13-kii dhallinyaro ee aasaastay ururkii SYL, isagoo 80 jir ah ayuu 2002-dii Cabdi Caziz Gurbiye ugu waramay magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose, asagoo ka sheekeeyay sidii ay ururka ku sameeyeen iyo mabaadi’dii ay ka duulayeen. Haddaba maxaan ka naqannaa Taariikhda SYL ? Dhallinyaro Kala Fikir ah: Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro da’doodu u dhxeeya 15-21 jir, koox Suufiyo oo Aways iyo Qaadiriya ahayd sida {Dahir Xaji Cusman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi. Koox kale oo aqoon yahan ayaa ku jiray aasaasayaashii SYL sida {Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo koox 3-aad oo aad u yaraa sida Cali Verdura, Dahir Dhagaweyne iyo iyo Maxamed Hilowle, sidaa waxaa xaqiijiyay Cali Verdura. Dalka Sidee Buu Ahaa: Xilliga la dhisayo SYL, Soomaaliya waxaa ay ku jirtay gumeysi ba’an gaadiidka gadaal ayaa laga raaci jiray, shaneemooyinka gadaal ayaa laga fariisan jiray, si looga hortago gumeystaha ayaa waxaa la dhisay naadigii SYC oo loola jeeday in lagu qaldo gumeystaha. Habeenkii la dhisayey Leegada ma wada joogin 13-ka dhallinyaro, balse nasiib wanaag Cali Verdura waxaa uu ka mid ahaa kooxdii joogtay, Waxaa SYL lagu dhisay guri ku yaalla Wadada Via Roma ee magaalada Muqdisho. Dastuurkii SYL: Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa dhallinyarada soo hor dhigay barnaamijka xisbiga, qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa: -In Soomaaliwayn la isu raadiyo, -Qaabyaaladda iyo Dariiqooyinka laga fogaado. -In dadka wax la baro. Waxaa halkaas lagu doortay 3 qof oo aqoon lahayd, kuwaas oo kala ahaa: -Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye -Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen -Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xoghayaha guud ee ururka SYL Geesiyaddii SYL: Magacyadii 13-kii Dhallinyaro waa: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin,. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax ,Maxamed Cali Nuur ,Maxamed Faarax Hilowle , Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} ,Huudoow Macalin Cabdulle ,. Maxamed Cusmaan Baarbe . Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil, waxaa batay taageerayaashiisii qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu sameeyo magaca Xisbiga, sanadkaas ayaa laga dhigay SYL,waxaana xusid mudan in uu xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan kadibna uu xanuunkaas u geeriyooday, Waxaa uu ka dardaarmay sida la sheegay in jagadiisii lagu bedelo Cabdullaahi Ciise Maxamud. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Ha noolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysi diidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintaas waxay adeegsadeen dadka daba-dhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibay hal hogaamiye , labo calanka sida iyo afar ilaalo ah…Cali Berduda oo taariikhdan aan ka qornay waxaa uu sheegay in isaga callamada uu qeybiyay. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruuriyay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu u cabbiro Mawqifka Leegada . October 5, 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. Labadaas dhacdo ee taariikhiga ah kadib, November 21, 1949 ayey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: April 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Philibin iyo Colombia oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani: Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. SYL, Waxaa ay ku guuleysatay dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay intii u dhaxeysay 1954-1969-kii, waxaa ay dhiseen dhamaan xukuumadihii rayidka ahaa sida Xukuumadii Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdirisaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal, waxaa xilligaas dhacday doorasho dimoqoraadi ah tii ugu horeysay Afrika, waa markii uu Sharma’arke xilka kala wareegay Aden Cadde June 10, 1967-dii. SYL iyo Afgambigii Jaalle Siyaad: SYL 9 sano oo xukun Madani ah iyo doorashooyin xor ah ay wadeen waxaa afgambiyay Maxamed Siyaad Barre isagoo xiray madaxdii xisbiga uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Xisbigii SYL siyaasadda ayaa laga mamnuucay wixii maalintaa ka dambeeyay. Cali Berdura oo Inqilaabkaas uga sheekeeyay waxaa uu yiri“- Haa, waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax xil inaan qabto waligeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan ku soo gaaray adeer. SYL waxaa soo afjaray Maxamed Siyaad, waxaa uu mamnuucay xisbiga iyo dhamaan axsaabta kale, hogaamiyeyaasha SYL waxaa la dhigay kuwa la xiro, koox dalka isaga cararay iyo in kaloo tacab iyo Beeraley iska noqday sida Berdura. 82 kadib aasaaskii SYL, maanta da’da ugu badan Soomaalida waa inta ka yar 35 sano oo waxaa lagu qiyaasaa 75%, malaha hogaamiyeyaal, malahan ururo siyaasadeed, qabiil iyo kooxo kale ayaa kala jiitay, Waddaniyaddii ayaa meesha ka baxday, waxaana baahi loo qabaa dhallinyaro dalka ka bixisa qabyaaladda, 4.5-ka, kooxeysiga, shisheeye kalkaalnimada iyo dhamaan afkaarta dib u dhaca u keentay dalka…….Dalka waxaa uu u baahan yahay in la soo celiyo eraygii caanka ahaa “Soomaaliya, Soomaalibaa leh” iyo Dhallinyaro ku midowda danta guud ee dalka, dadka iyo diinta. W/D: C/casiis Gurbiye Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. U.S. Department of State SealTravel.State.GovU.S. DEPARTMENT of STATE — BUREAU of CONSULAR AFFAIRS Travel.State.Gov > Travel Advisories > Somalia Travel Advisory Share this page: Somalia Travel Advisory Travel Advisory May 14, 2025Somalia – Level 4: Do Not Travel OKHUTC Updated with changes to security information. Do not travel to Somalia due to crime, terrorism, civil unrest, health, kidnapping, piracy, and lack of availability of routine consular services. Country Summary Due to security risks, U.S. government employees working in Somalia are prohibited from traveling outside the Mogadishu International Airport complex where the U.S. Embassy is located. The U.S. Embassy in Mogadishu maintains normal staffing. Crime Violent crime is common throughout Somalia, including kidnapping and murder. Illegal roadblocks are widespread. Terrorism Terrorists continue to plot kidnappings, bombings, and other attacks in Somalia. They may attack with little or no warning and target: Airports Seaports Government buildings Hotels and restaurants Shopping areas Public places that attract large crowds and tourists Government, military, and other convoys Attack methods can include car bombs, suicide bombers, individual attackers, and rocket fire. Some areas, like the Somaliland region, have seen less terrorist activity. However, violence and explosive attacks can happen anywhere in Somalia, at any time. Civil Unrest Protests and demonstrations occur throughout Somalia. They can sometimes turn violent. Check local media for breaking events. Be prepared to adjust your plans. Keep travel documents up to date and easily accessible. Have evacuation plans that do not rely on U.S. government assistance. Health Medical facilities in Somalia have limited capacity. They are often absent in rural areas. The health care system lacks sufficient pharmaceuticals, medical supplies, and medical professionals. Hospitals do not meet U.S. standards. Bring enough supply of over the counter and prescription medicines, along with copies of their prescriptions, including the generic name for the medicines. Piracy Pirates are active in the waters off the Horn of Africa, specifically off the coast of Puntland. Kidnapping Violent crime, including kidnapping, is common throughout Somalia. Illegal roadblocks are widespread. Lack of availability of consular services The U.S. government has extremely limited ability to help U.S. citizens in Somalia. There is no permanent consular officer in Somalia, not even the Somaliland region. If a traveler’s passport is lost, stolen, expires, or if they become destitute, the U.S. government may not be able to help. Other issues Some schools and other facilities act as “rehabilitation” centers. These facilities exist throughout Somalia with little or no licensing and oversight. Reports of physical abuse are common. People also report being held against their will in these facilities. There are frequent reports of U.S. citizens who have their passports taken by family members, leaving them unable to leave Somalia. This often occurs when U.S. citizens travel to Somalia to visit family or attend an event. Some adult U.S. citizens cannot leave the international airport because they need explicit consent from their family. Due to risks to civil aviation from extremist and military activity, the Federal Aviation Administration has issued a Special Federal Aviation Regulation that bans certain U.S. flights within or near Somalia. For more information, U.S. citizens should consult the Federal Aviation Administration’s Prohibitions, Restrictions, and Notices. Read the Country Information Page for additional information on travel to Somalia. If you decide to travel to Somalia: Review your personal security plan and visit our page on Travel to High-Risk Areas. Make a plan to exit Somalia rapidly if the situation gets worse. Identify multiple options for leaving Somalia and know the entry requirements for U.S. citizens in to neighboring countries. Avoid sailing near the coast of Somalia and review the Live Piracy Report published by the International Maritime Bureau. Draft a will and designate appropriate insurance beneficiaries and/or power of attorney. Discuss a plan with loved ones regarding care/custody of children, pets, property, belongings, non-liquid assets (collections, artwork, etc.), funeral wishes, etc. Share important documents, login information, and points of contact with loved ones so that they can manage your affairs if you are unable to return as planned to the United States. Find a suggested list of such documents here. Make your own personal security plan with your employer or host organization (if you are traveling on business) or consider consulting with a professional security organization. Develop a communication plan with family and/or your employer or host organization (if you are traveling on business), so that they can monitor your safety and location as you travel through high-risk areas. This plan should specify whom you would contact first, and how that person should share the information. Identify key sources of possible assistance for you and your family in case of emergency, such as your employer (if traveling on business), and local friends/family as well as friends/family outside Somalia. Appoint one family member to be the point of contact with hostage-takers and media. Appoint a family member to be the contact for the U.S. and host country government agencies, and members of Congress if you are taken hostage or detained. Discuss a proof of life protocol with your loved ones, so that if you are taken hostage, your loved ones can know specific questions (and answers) to ask the hostage-takers to be sure that you are alive (and to rule out a scam). Leave DNA samples with your medical provider in case it is necessary for your family to access them. Erase any sensitive photos, comments, or other materials from your social media pages, cameras, laptops, and other electronic devices. These could be considered controversial or provocative by local groups. Do not bring your sentimental belongings to Somalia. Enroll your trip in the State Department’s Smart Traveler Enrollment Program (STEP). Review the Country Security Report for Somalia. Prepare a backup plan for emergency situations. Review the Traveler’s Checklist. Update vaccinations to include all up-to-date standard vaccinations, plus Cholera, Hepatitis A, Hepatitis B, rabies, and a Polio booster. All visitors should take Malaria prophylaxis. Somalia is high risk for Malaria. Visit the CDC page for the latest Travel Health Information related Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xuska munasaabadda halgankii gobanimodoonka ee SYL awgeed ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay dhallinyarada Soomaaliyeed kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta dalka iyo halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta. Xasan Sheekh ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka. Sidoo kale wuxuu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL. Dhinaca kale, Madaxwaynaha ayaa iyada oo lagu gudajiro munaasabadda xuska Maalinka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, waxa uu dhagax-dhigay dhismaha cusub ee ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS. Dhagax-dhigga waxaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ku wehliyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqdishu, Maxamed Axmed Amiir iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, Maxamed Cabdulqaadir Cali.
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, kadib dhismaha xisbigiisa Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP). Ugu horreyn Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Xasan uu muujiyay xilkasnimio darro wayn, isla markaana uu ku fashilmay hoggaaminta dalka. Jubbaland ayaa sidoo kale sheegtay in dalka uu galay xaalad halis ah, isla markaana madaxweynaha uu qaaday dhabihii kalitalisnimada, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh ayay Jubaland ku tilmaamtay mid liddi ku ah dastuurka, ayna dhaawacweyso midnimada dalka. Maamulka Axmed Madoobe ayaa intaasi kusii daray in la maroorsaday awooddii baarlamaanka, isla markaana ay fadhiid noqdeen xildhibaannada labada gole. “Waxaa si cad loo baalmaray doorkii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, oo markii la maroorsaday dhammaan awoodihii uu lahaa, noqday fadhiid aan sidii la rabay u gudan waajibaadka ka saaran ilaalinta Dastuurka iyo korjoogtaynta Xukuumadda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Jubaland. Waxaa kale oo ay Jubbaland ku baaqday in la qabto shir deg-deg ah oo wadatashi ah, iyada oo ka dalbatay saamileyda siyaasadda iyo bulshada rayidka inay u istaagaan badbaadinta dalka. “Dowladda Jubbaland waxay ugu baaqeysaa dhammaan saamileyda siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in loo istaago bad-baadinta dowladnimada curdunka ah ee aan haysano” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Jubaland. Ugu dambeyn waxa ay farriin culus u dirtay beesha caalamka oo ay ugu baaqday in ay qaado tallaabo deg-deg ah, si wax looga qabto xaaladda murugsan ee Soomaaliya.
  22. Ilaa 29 qof oo loo haysto eedaymo kala duwan ayaa Garoowe mudda dheer ugu xiran si baalmarsan xeerarka iyo dastuurka Puntland tan oo xaqiijinaysa hadal uu horay u sheegay wasiirka Caddaaladda Puntland. Wasiir Maxamed Cabdiwahaab oo hadal ka jeediyay shir ku saabsan Caddaaladda oo 28 December 2024 lagu qabtay Garoowe ayaa xaqiijiyay in saldhigyada Booliska ay sannado badan isaga jiraan dad la iska xirtay, aan wax caddaalada helin, taasi oo ka baxsan xaquuqda insaanka. Haddaba, Puntland Post ayaa heshay magacyada ilaa 29 qof oo sannado lagu hilmaamay xabsiga Garoowe, kuwaasi oo aan weli helin fursad maxkamadeed oo caddaalad ku dhisan, si ka baxsan xeerarka iy dastuurka Puntland, taasi oo fadeexad ku ah waaxda danbi-baarista C.I.D Garoowe iyo hay’adaha Garsoorka. Qoysaskooda iyo sharci-yaqaanno madaxbannaan ayaa ku eedeeyay hay’adaha garsoorka iyo kuwa amniga ee Puntland in ay dayaceen waajibaadkooda sharciga ah ee ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta. “Waxaan ogaanay in dadkaasi lagu hayo hab xad-gudub ku ah dastuurka iyo xeerarka dalka,” ayaa laga soo xigtay qareen u dooda xuquuqda maxaabiista oo intaasi raaciyay “Waxaa muhiim ah in si degdeg ah loo eegaa kiiskooda, maxkamadaha awoodda ulehna ay kiiskooda furaan.” Hoos ka akhriso 29ka qof magacyadooda PUNTLAND POST The post Puntland: ku dhawaad 30 qof oo sannado badan ku xiran xabsiyada magaalada Garoowe maxkamad la’aan appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska munasaabadda halgankii gobanimodoonka ee SYL awgeed ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku bogaadiyay kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta dalka iyo halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL. Source: goobjoog.com
  24. Washington (Caasimada Online) — Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shalay soo saartay digniin safar heerka ugu sarreeya (Heer 4) oo ka dhan ah Soomaaliya, iyada oo sheegtay khataro isa soo taraya oo ay ka mid yihiin dambiyada hubeysan, argagixisada, qalalaasaha siyaasadeed, halista caafimaad, afduubka, burcad-badeedda, iyo adeegyada qunsuliyadeed ee aadka u xaddidan. Digniinta oo ay cusbooneysiiyay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka 14-kii May waxay muujineysaa in dambiyada rabshadaha wata — oo ay ku jiraan afduubka iyo dilalka — ay si baahsan uga dhacaan guud ahaan Soomaaliya, iyadoo jidadka waaweyn laga helayo koontaroollo sharci-darro ah. “Kooxaha argagixisada ayaa weli qorsheynaya weerarro ku wajahan garoomada diyaaradaha, dekedaha, dhismayaasha dowladda, hoteellada, makhaayadaha, goobaha ganacsiga, iyo meelaha dadku ku badan yahay, iyagoo adeegsanaya weerarro qaraxyo ah, weerarro ismiidaamin ah, rasaas toos ah, iyo gantaallo,” ayey tiri digniinta. Shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu koobay gudaha xerada garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, halkaas oo ay ku taallo safaaradda Mareykanka. Inkastoo safaaraddu ay si caadi ah u shaqeyso, awoodda ay dowladda Mareykanku ugu caawiso muwaadiniinteeda gaarka ah gudaha Soomaaliya waa mid aad u xaddidan sababo la xiriira xaaladda amni, ayey tiri waaxda arrimaha dibedda. Inkastoo deegaanno sida Somaliland ay mararka qaar ay ka jiraan xaalado ka deggan dhanka argagixisada, digniintu waxay caddeyneysaa in rabshado iyo weerarro ay ka dhici karaan meel kasta Soomaaliya waqti kasta. Muwaadiniinta Mareykanka ayaa lagu dhiirrigeliyey inay si dhow ula socdaan warbaahinta maxalliga ah, cusbooneysiiyaan dukumentiyadooda safarka, isla markaana diyaar u ahaadaan qorshayaal degdeg ah oo aan ku tiirsaneyn gargaarka dowladda Mareykanka. Wasaaraddu waxay sidoo kale ka digtay caqabadaha caafimaad ee Soomaaliya. Xarumo caafimaad oo tayo liidata iyo adeegyo caafimaad oo aad u kooban, ayey tiri, in ay ka jiraan Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn. “Safrayaashu waa in ay wataan dawooyin ku filan, la socdaan tallaalka lagama maarmaanka ah — oo ay ku jiraan kuwa jadeecada, jadeecada cagaaran, cudurka xiiqda, cudurka shuban biyoodka, cudurka rabies-ka, iyo qaadashada daawooyinka kahortagga duumada,” ayey tiri “Burcad-badeeddu wali waa halis weyn xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan nawaaxiga Puntland, halka afduubkuna uu si baahsan u faafay guud ahaan dalka. Waxaa sidoo kale jira warbixino isdaba joog ah oo sheegaya in muwaadiniinta Mareykanka lagu hayo xarumo loogu yeero “xarumaha dhaqan-celinta” oo aan la daadejin, ama in xigtadooda ay ka qaataan baasaboorrada, taasoo ka hor istaagaysa inay dib ugu laabtaan dalka.” Iyadoo loo marayo khataraha ka imaanaya hawlaha kooxaha xagjirka ah, Hay’adda Duulista Hawada Mareykanka (FAA) waxay mamnuucday qaar ka mid ah duulimaadyada Mareykanka ee ku socda ama dul mara hawada Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay si xoog leh ugu boorisay dadka safar u qorsheynaya Soomaaliya inay qaataan taxadarrro dhammaystiran, oo ay ku jiraan samaynta wasiyadda, magacaabidda wakiil sharciyeed, la wadaagista dukumentiyada muhiimka ah qoysaska, ka diiwaangelinta safarkooda barnaamijka STEP (Smart Traveler Enrollment Program), iyo diyaarinta qorsheyaal amni iyo isgaarsiin oo dhameystiran ka hor safarka. Faahfaahin dheeraad ah waxaa laga heli karaa Bogga Xogta Dalka Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Click here.