Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay hadal kasoo yeeray Itoobiya oo shaacisay go’aan la xiriira aqoonsiga Somaliland oo ay horay ula gashay heshiis la xiriira badda, kaas oo ay ka carootay Soomaaliya. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland. “Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya. Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo isna qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna riyo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Itoobiya. Jaamac ayaa sheegay in Itoobiya aysan qaadan karin taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed, isla markaana la yaqaano halka ay ku dhamaan doono damaceeda gurracan. “Ethopia way ogtahay taako dhul Soomaaliyeed ka mid ah in aysan qaadan karin, qof soo jeeda oo riyooda waa la arki jiray, natiijada riyooyinka noocaas ahna waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaadaan!” ayuu sii raaciyay wasiirku. Somaliland ayaa dhawaan calaamadisay dhul badeedka ay siinayso Itoobiya, ayada oo madaxweyne Muuse Biixi uu The Economist u sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in baahida weyn ee ay u qabaan aqoonsi ay ku qasabtay in ay dhulkaas bixiyaan. “Waxa aanu u halgamaynaa sidii aanu u heli lahayn madax-banaanideena, sida dalalka kale ee qaaradda ay sameeyeen. Waxay u baahan yihiin bad sida aan ugu baahanahay aqoonsi. Diyaar ayaan u nahay.” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi. Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xillobiabada dhinac ay weli diyaarinayaan heshiiska rasmiga ah iyo dhaqangalkiisa, ayada oo Soomaaliya ay weli halkeeda tahay diidmadeeda ku aadan damaca Itoobiya. The post DF oo jawaab ka bixisay tallaabo ay qaaday Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  2. Mogadishu (HOL) - Somali Minister of Defense Abdukhadir Mohamed Noor has reaffirmed that Ethiopia cannot take an inch of Somali territory, describing Addis Ababa's MoU with the Somaliland region as a daydream. Source: Hiiraan Online
  3. Duqayn uu Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii May ayaa la beegsaday hoggaamiyaha ugu sarreeya Kooxda Daacish ee Soomaaliya, balse ma cadda in hoggaamiyahaasi lagu dilay duqayntaas, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah. Cabdulqaadir Muumin ayay Mareykanku u aqoonsadeen inuu yahay madaxa kooxda Daacish ee Soomaaliya, oo xiriir la leh kooxda argagixisada ah ee Daacish. Bayaan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu shaaciyay in 31-kii May ay duqeyn cirka ka fuliyeen gobolka Bari duqeyntaasi oo lagu dilay Saddex Maleeshiyaad ah oo gacan saar la leh Kooxda Daacish. War saxaafadeedka laguma sheegin xog dhab ah oo ku saabsan cidda sida gaarka ah loogu bartilmaameedsaday duqeynta. Saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa ABC News u xaqiijiyey in bartilmaameedka duqaynta uu ahaa hoggaamiyaha ugu sareya kooxda Daacish ee Soomaaliya oo ay xarunta qaran ee la dagaalanka argagixisada (NCTC) ku sheegtay Muumin. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in aysan kala cadeyn in Muumin lagu dilay duqeynta. Sarkaal kale oo mareykan ah ayaa xaqiijiyay in u badan tahay in howlgalka uu guul kusoo dhamaaday. Sida ay sheegeen Saraakiisha Mareykanka wali waxaa socda xaqiijinta warka ku saabsan waxyeelada soo gaartay hoggaamiyaha Daacish. NBC News ayaa markii ugu horeysay sheegtay in Muumin uu ahaa bartilmaameedka duqeynta 31-kii May, isla markaana uu noqday hogaamiyaha caalamiga ah ee Daacish. Source: goobjoog.com
  4. Ciiddu waxay guud ahaan Muslimiinta meel walboo ay joogaan ugu suntantahay amin farxadeed, oo ay damaashaad iyo niyaayar ku qaataan, balse waxaa jira caadooyin la yaab leh ama waxyaabo cajiib ah oo dharaarahan sameeyaan bulshooyinka islaamka ee dalalka kala duwan ku nooli. Masar daqiiqaha ugu horreeya ee subaxda ciidda dadku waxay aadaan xabaalaha ama qabuuraha, ayagoo u soo duceeya dadka ku aasan, ka dibna waxay oogaan salaadda iyo gowraca xoolaha udxiyada ah, ayadoo gobollada qaar dhiigga neefka. La qalay darbiga guriga la mariyo, si loo muujiyo in qoysku xoola udxiyo ah gowracay. Liibiya neefka udxiyada ah ama maalmaha ciidda la qalayo dharaaro ka hor ayaa la sii qurxiyaa oo indha kuul ayaa loo sameeyaa, ayadoo maadadka ama sunniyaha loo marinayo Cillaan madow, taas oo ka qeyb ka ah u diyaar garowga ciidda. Aljeeriya waxaa subaxda ciidda intaan salaadda la oogin dadweynuhu waxay u daawasho tagaan cayaar hardin ah oo dhex marta laba wan oo xog leh. Bakistaan bil ka hor ciidda ayaa la sii diyaariyaaa neefka udxiyada oo inta badan geel ah, waxaana dhogortiisa lagu mariimaa ama lagu xardhaa naqshado qurux badan. Yamen waxaa maalmaha ciidda jidadka iyo fagaareyaasha waaweyn lagu qabtaa cayaar qoob ka cayaar leh oo kooxda dheelaysaahi ay midiyo kor u baacinayaan. Baxrayn maalmaha ciidda dadku waxay aadaan xeebta, halkaas oo ay ku dabaashaan, sidoo kalena lagu soo bandhigo nashiidooyin kala duwan. Kuwait dharaarta ciidda markii salaada la soo dukado, raggu waxay ku aruuraan guryo waaweyn, halkaas oo ay ku wada cunaan hilibka xoolaha udxiyada, farxaddana ku wadaagaan. Sucuudiga dhammaan xigtadu waxay iskugu tagaan guriga odayga ugu weyn qaraabada, halkaas ayayna waqtigooda ku qaataan maalmaha ciidda oo dhan. Soomaaliya dadku maalmaha ciidda waxay badiyaan booqashooyinka qaraabada iyo hadiyadaha, sidoo kale waxay aadaan oo ay ku soo indha doogsadaan goobaha dalxiiska. Source: goobjoog.com
  5. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka soo horjeeda qorshayaasha uu ku dhawaaqay militariga oo ah in maalin kasta la joojiyo dagaalka xeeladaysan ee lagu dagaallamayo waddooyinka muhiimka ah ee soo gala marinka Gaza ee iyo duqeymaha si ay u fududaato in gargaar la gaarsiiyo halkaas. Milateriga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay hakad maalinle ah oo saacado kamid ah dharaar walba la joojinayo dagaalka tooska ah iyo duqeymaha si fursad loo siiyo gargaarka bini’aadantinimo ee la geynayo marinka Qaza. Netanyahu ayaa go’aankan ka soo baxay hoggaanka ciidanka ku tilmaamay wax aan la aqbali karin, asagoo doonaya in ciidamadu ay sii wadaan weerarka aan kala joogsiga lahayn ee marinka Qasa. “Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu markuu uu maqlay hakad bani’aadanimo oo 11-saacadood ah, wuxuu xoghayihiisa milateriga u caddeeyay in tani ay tahay mid aan la aqbali karin” ayuu yiri sarkaal Israa’iil ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Milatariga ayaa caddeeyay in howlgallada caadiga ah ay ka sii socon doonaan magaalada Rafah, oo ah bartilmaameedka ugu weyn ee weerarrada ay ka wadaan koonfurta Qaza, halkaasoo Sabtidii looga dilay sideed askari. Dadka ku sugan Marinka Qaza oo dhibbane u ah dagaalka iyo duqeymaha aan joogsiga lahayn ee 9-ka bilood oo xariirka ku socda ayaa ku jira xaalad bini’aadantinimo tii ugu xumayd, madaxduna indhaha ayay ku daawanayaan xasuuq maalinlaha ah ee ku socda. Source: goobjoog.com
  6. Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Soomaalida in ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee dalka aysan u horseedi doonin qalqal amni, xilli lagu wado sanadkaan dabayaaqadiisa ay ka baxayaan. Maxamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uusan ka tagi doonin Soomaaliya, iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu isku diyaarinayo inuu la baxo 4,000 oo askari oo dheeraad ah dhammaadka bisha June. “Xitaa iyadoo ciidamada ATMIS-ka ay sii yaraanayaan, waxaan xaqiijin doonnaa in aysan jirin wax ammaan-darro ah,” ayuu yiri Souef ka dib booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay magaalada Jowhar. Wuxuu sheegay in kala guurka ay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka (FMS), dowladda Soomaaliya, iyo saaxiibada caalamka. Souef ayaa intii uu booqashada ku guda jiray ku ammaanay ciidamada Burundi dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo hoos u dhigidda Al-shabaab, isagoo kula dar-daarmay inay feejignaadaan oo ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo bulshada deegaanka. Booqashadan ayaa qayb ka ah socdaalka uu ergayga Midowga Afrika ku marayo maamul goboleedyadda si uu u qiimeeyo diyaargarowga howlgallada, daryeelka iyo niyadda ciidamada iyadoo ururka Afrika uu diyaarinayo howlgal dabagal ah kaddib bixitaanka ATMIS. “Waxaanu u nimid in aanu qiimayno shaqada ay hayaan ciidankayaga, cid kasta oo aanu la kulanayna aad bay uga hadashay ciidamadayada oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha, wakiilada bulshada rayidka ah, odayaasha iyo masuuliyiinta dawladda hoose, waxaanay xuseen dedaalka, khibradda iyo rabitaanka ciidankayaga. in la taageero oo laga caawiyo dhinaca iskaashiga rayidka iyo militariga iyo amniga,” ayuu yiri Souef. Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2710 (2023), ATMIS waxaa loo igmaday in 4,000 oo askari ay kala baxdo wejiga saddexaad ee ka bixitaanka ciidamada, laguna beddelo ciidamada ammaanka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay doorashadii dhawaan Soomaaliya ka dhacday ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oggolaanshaha ay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika, iyo qaadista cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya oo sheegay in ay calaamad wanaagsan u tahay mustaqbalka dalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. ATMIS ayaa Soomaaliya kala baxday 5,000 oo askari, waxaana ay 17 saldhig oo ciidan ku wareejisay hay’adaha amniga Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii 1-aad iyo 2-aad ee dhimista ciidamada ee sanadkii 2023-ka. Marius Ngendabanka oo ah Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS u qaabilsan dhanka howlgalada iyo qorshayaasha ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay howlgalka Midowga Afrika ee lagu xoojinayo dadaallada nabadeed ee ka socda gobolka iyo kala shaqeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si loo sugo ammaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle. “Waxaan halkan u joognaa inaan Soomaaliya ka caawinno soo celinta nabadda iyo xasilloonida, waxaana sii wadi doonnaa ka shaqeynta gaarista yoolkan wanaagsan,” ayuu yiri Ngendabanka. Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu wadaa in dalka ay isaga baxaan marka la gaaro December 2024, waxaana lagu wadaa in ay bedelaan ciidamo kale, dowladda Soomaaliya ayaa la wareegi doonto ammaanka guud ee dalka. Source: goobjoog.com
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howlgal ka sameeyay magaalada Garoowe ayaa maanta gacanta kusoo dhigay xubin kamid ah burcad badeedda Soomaalida oo horay uga qayb qaatay afduubyo ka dhacay xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed. Qoraal kasoo baxay taliska booliska Puntland ayaa lagu faah-faahiyay qaabka uu u dhacay howlgalka iyo sida lagu soo qabtay ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Suufi Rasaas. Ninkan ayaa lagu soo qabtay howlgal saacado badan qaatay oo uu hoggaamiyay taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Nugaal, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. “Maxamed Suufi Rasaas oo kamid ah burcad badeedii Markabkii MV Abdalla,kana mid ahaa ragii lagacta madaxfurashada ka qaatay ayaa manta ciidanka booliska G.Nugaal ku guulaysteen iney gacanta ku dhigaan kadib howlgal qaatay saacado oo uu hogaaminaayey Taliyaha Qaybta Booliska G.Nugaal G/Sare Maxamed Ali Axmed(Marduuf)” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliska Puntland. Sidoo kale booliska ayaa sheegay in Maxamed Suufi uu ku dhuumaaleysanayay gudaha Garoowe, balse ay hayeen xogtiisa, kadibna ay gacanta kusoo dhigeen. Waxaa kale oo ninkan lagu eedeeyay inuu ka qayb-qaatay afduubka Markabka MV Room, balse uu mar dambe usoo wareegay Markabkii MV Abdalla oo malaayiin dollar ka qaateen kooxaha burcad badeedda Soomaalida. “Waxa uu kamid ahaa afduubashaayshii markabkii MV Room isaga oo markii dambe usoo wareegay markabkii MV Abdalle oo uu kamid ahaa burcadii lagacta madax furashada ka qaadatay markabkaas” ayaa lasii raaciyay. Puntland ayaa sidoo kale digniin adag u dirtay kooxaha kale burcad badeedda, waxayna ugu baaqday inay isa soo dhiibaan, haddii kale ay soo qab qaban doonaan. Ciidamada Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedda ah, kuwaas oo dhibaato ku hay maraakiibta shishiiye ee isticmaala biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah. The post Mid kamid ah raggii 5 milyan ka qaatay Markabka MV Abdalla oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  8. Millatariga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal qorshaysan iyo duqaymo lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-shabaab. Idaacadda ku hadasha afka ciidamada millatariga Soomaaliya ee SNA Radio ayaa ku warrantay in hawlgalkaasi ay fuliyeen Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibadooda Caalamiga ah. SNA Radio ayaa sheegtay in duqaynta laga fuliyay hawdka kala qeybiya gobollada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud gaar ahaanna tuulooyinka Xuseen Cagay Hilowla Gaab oo ka tirsan degmada Ruun-nirgood. Idaacadda ayaa intaasi ku dartay in hawlgalkaasi lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab islamarkaan ay dib ka faahfaahin doonto. PUNTLAND POST The post Millatariga Soomaaliya oo sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad Shabaab ah appeared first on Puntland Post.
  9. Garowe (HOL) - The mayor of Garowe, Abdikhadir Mohamed Mohamud Geddi, has ordered all illegal Ethiopian residents to leave the town immediately, threatening deportation if they do not comply. Source: Hiiraan Online
  10. Piles of firewood surrounded Jane Muthoni in her kitchen made of iron sheets. The roof, walls and wooden pillars were covered in soot. As she blew on the flame for tea, the 65-year-old was engulfed in smoke. Source: Hiiraan Online
  11. Ra’iisulwasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa booqasho rasmi ah uga billaabatay dalka Australia. Li Qiang wuxu la kulmay ra’iisulwasaaraha Ausrtalia Anthony Albanese, iyaga oo wada hadlay xiriirka ganacsi, ammaanka gobolka iyo qoraa u dhashay Australia oo ku xiran Shiinaha. Li, oo ah shakhsiga labaad ee ugu sarreeya Shiinaha marka laga yimaado madaxweyne Xi Jinping, ayaa booqashadiisa Australia loo arkaa mid calaamad u ah xasilinta xiriirka labada dhinac. Mad-madow ayaa hore uga jiray xiriirka labada dhinac, kaas oo ku qotomay xannibaad ay Beijing saartay badeecad lagu qiyaasay ilaa $20 bilyan oo dollar oo ay Australia u dirto Shiinaha iyo sidoo kale khilaaf ku saleysnaa arrimaha difaaca. Ra’iisulwasaaraha Australia ayaa wariyaasha u sheegay in ay ay soo dhaweynayaan xasilinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee sii socda. PUNTLAND POST The post Shiinaha iyo Australia oo dib u hagaajinaya xiriirkooda diblomaasiyadeed appeared first on Puntland Post.
  12. Warbixin uu qoray Brian Bloom oo lagu daabacay wargeyska ka soo baxa Israel ee “The Jerusalem Post” ayaa cinwanaan looga dhigay “Rajada kaliya ee u hartay Israel waa Sacuudiga”. Qoraalka waxaa uu ku bilowday guul buuxda oo Israel ka gaarto Gaza waa wax aan sahal lagu gaari karin Qoraaga waxa uu sheegay Israel waa in ay sameysaa wax ay “Wajiga ku ilaalsan karto”. Dagaalka Israel iyo Xamaas ee socday 8-da bilood laga soo bilaabo Oktoobar 7, waxaa la dhihi karaa Israel kuma guuleysan maadama guutooyinka Xamaas ah ay weli dhulka joogaan, ayna awood u leeyihiin in ay Tel Aviv duqeeyaan iyo sidoo kale in dadka la haysto ay ku jiraan xaalad bani’aadannimada ka baxsan. Ra’yi ururin uu sameeyay Machadka Dimuqraadiyadda Israel ka hor howlgalkii sideedii June ee Nuseirat, waxay muujineysaa in 34 boqolkiiba dadkii ka qeybqaatay ay rajo fiican ka qabaan mustaqbalka ammaanka qaranka. Bishii May, 38 boqolkiiba dadweynaha Israel waxay sheegeen in ay kalsooni weyn u qabaan suurgalnimada in ay guuleystaan halka tiro badan oo 41 boqolkiiba ay sheegeen in ay kalsooni yar ku qabanaan in Israel guuleysaneyso Qoraaga waxa uu isweydiiyay isbeddelka hadii aan la guuleysan ama hadii dadweynaha kalsoonidooda lumiyaan. Bloom waxa uu aaminsan yahay in si weyn looga fakaro arrinta. Waxa uu sheegay in jawaabta ay hortaalo Sacuudiga iyo Imaaraatka. Qoraaga waxa uu sheegay in Sacuudiga uu si weyn u doonayo in uu caadi ka dhigo xiriirka uu la leeyahay Israel taasna waxaa daliil u ah madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo soo bandhigay xabad joojin saddex heer ah iyo siideynta la haystayaasha iyadoo la eeegayo rabitaanka Netanyahu ee ah in aanu ogolaan maamul Falastiin oo halkaa jooga. Sacuudiga iyo Imaaraatka way sameyn karaan qorshahaas. Sacuudiga waxyaabo waa weyn ayuu ka doonayaa Israel oo ay ku jiraan jid laysku haleyn karo oo lagu dhiso dowladda Falastiin ah taas ah oo wax ay Israeliyiin badan iyo maamulka hadda jira ay ka horjeedaan. Hadii Israel ay ku guuleysan weyso dagaalka ay kula jirto Xamaas waa in hab kale la maraa. Qoraaga waxa uu rumeysan yahay hadii Netanyahu uu caadi ka dhigo xiriirka Sacuudiga waxay taasi bedelysaa gobolka oo dhan. Israel waxay gobolka ka helysaa boos ay isbahaysi kula noqoto Carabta Sunniyiinta ee ka horjeeda Iran iyo xulufadeeda. Sidoo kale waxay taasi hogaajineysaa wajiga xumaaday ee Netanyahu. Dhabtii taasi ma dhawa, isbahaysigiisa ma sii jirayo. Marka la gaaro heshiis in badan waxay noqon doonaan howlgab, waana wax aysan marna qiyaasin Carabtii hore. Qoraaga waxa uu qabaa hadii heshiis lala galo Sacuudiga oo dagaalka Gaza la soo afjaro in taasi ay fududeynso culeyska Maxkamadda dambiyada Caalamiga ee ku hayaan Israel iyo hoggaamiyayaasheeda. Dagaalka labada dhinac ee Netanyahu Qorraal uu ku qoray Peter Beaumont wargeyska ka soo baxa UK “The Guardian” ayaa cinwaan uga dhigay “Netanyahu labo dagaal ayuu ku jiraa” mana muuqata in midkoodna uu dhamaanayo. Qoraaga waxa uu muujiyay in dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas iyo kan Xisbullah ee Lubanaan ay yihiin dagaallo iska soconayo oo aan la ogeyn xilliga ay dhammaanayaan. Israel labo dhinac ayey dagaal ugu jirtaa. Si kasta oo ay ugu adeegsato awood iyo hub culus Gaza, hadana in la gaaro guul weyn ma cadda, waana khiyaali. Aragtida hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar ee ah waxyeelada rayidka Gaza in ay tahay huris lagama maarmaan ah waa mid ay Xamaas u aragto horumarka dagaalka si ka duwan Israel. Qoraaga waa sheegay in hoggaanka siyaasadeed iyo kan militeri ee Israel ay sanado aaminsanaayeen in ay awood u leeyihiin xakameynta dagaalka Xamas ama kan Xisbullah ee Waqooyiga. Waxay iska indho-tireen qodobka siyaasadeed ee hurin kara dagaalka. Falastiin waxay dooneysa dal iyo aayo-katalin Links Xamaas iyo Xisbuulah waxay doonayaan qorshe fog. Xamaas waxay u aragta in aysan jid kale haysan oo aan ka aheyn in ay dagaalka sii wadaan. Qoraaga waxa uu rumeysan yahay in arintu aheyn oo kaliya dagaalka Gaza. Dagaalka Xisbullah ayaa qeyb ka ah colaadda. Fakarka Israel ee ah in dagaalka ay xakameyn karto ayaa la fahmay. Xadka Lubnaan dagaalka ka socda waxa uu noqday mid weyn. Waxyaabaha laga tagay ee dhibaatada keenaya Wargeyska ka soo baxa Lubanaan ee ““Asharq Al-Awsat” maqaal uu ku qoray Maxamed Al-rumayhi kaas oo cinwana uu uga dhigay “Faraqa u dhexeysa carrada iyo fakarka” ayuu kaga hadlay go’aanka Golaha Ammaanka ee ah in dagaalka la joojiyo. Jidka waa dheeryahay maadama aan waxyaabo badan xisaabta lagu darin. Qoraaga waa uu aaminsan yahay in labada dhinaca Israel iyo Falastiin ay haystaan midba rayi’ u gaar ah. Falastiin waxay u aragtaa dhulkooda oo laga qaatay halka Israel-na ay aaminsan yihiin in ay iyaga leeyihiin. Dhibatada waxay bilaabatay marka labada dhinac loo sheegay in ay hal dhul ku heshiiyaan. Labo dal ama hal dal ay wada leeyihiin. Qoraaga waxa uu aaminsan yahay Gaza oo dib loo qabsado in ay tahay in lagu soo laabtay halkii hore loo joogay. Xamaas oo maamulka Gaza ku soo laabatana waxay ka la mid tahay in halkii hore lagu soo laabtay. Bulshada caalamka labada dhinac waxay ugu baaqeen xalka Labo dal ah. Taasi waxay u baahan tahay in si wadajir ah loo aqoonsado dowladda Falastiin. Xamas waxay furtay albaab taariikhi ah. Qoraaga waxa uu ku soo afjaray maqaalkiisa isagoo tilmaamay in bulshada caalamka aysan fulin halku-dhigyadooda xamaasadeysan maadama uu Mareykanku yahay awoodda ugu firfircoon. In kuwa qaar la aflagaadeeyana ma soo dedejineyso calka bbcsomali Qaran News
  13. The African Union (AU) Transition Mission in Somalia (ATMIS) said on Sunday that it has handed over the Barire military base to the Somali security forces, marking the start of the third phase of the troop drawdown. Source: Hiiraan Online
  14. WATCH: Serbia vs England 0-1: Euro 2024 Source: Hiiraan Online
  15. Makkah (Caasimada Online) – Ugu yaraan 14-qof oo u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay kuleyl xooggan oo ka dhacay dalka Sacuudiga, xilli ay ku guda jireen gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa sheegtay in 14 ka mid ah muwaadiniinteeda ay dhinteen “kadib markii ay la soo darseen xanuunno ka dhashay kulaylka ba’an” waxaana la sheegay in 17 kale la la’yahay. Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP, hay’adda bisha cas ee Iran ayaa xaqiijisay in 5 xujey Iraniyiin ah ay sidoo kale naftooda ku waayeen, balse ma aysan cadeyn sida ay u dhinteen. Saraakiisha Urdun ayaa sheegay in ay socdaan baadigoobka dadka la la’yahay. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa lagu sheegay in ay maamulka Sacuudiga kala shaqeyneyso habraaca loo aaso ama loo daabulo meydka dadka dhintay iyada oo la raacayo rabitaanka qoysaskooda. Baraha bulshada ayaa lagu arkayay muuqallada tiro xujey ah oo sanadkan ku geeriyooday xaramka iyaga oo la maamusayo isla markaana si nidaamsan loogu aasayo gudaha Sacuudiga. Xajku waa mid ka mid ah gudashada acmaasha ugu waaweyn iyo isu imaatinka ugu weyn ee adduunka. In ka badan 1.8 milyan oo xujey ah ayaa sanadkan ka qeyb qaadanaya sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sacuudiga. Laakiin mararka qaar waxaa dhaca dhibaatooyin sababa khasaare kala duwan oo ay ka mid yihiin is buurasho iyo dab ka kaca meelaha teendhooyinka ah ee ay xujeydu ku nastaan. Laakiin sannadaha badankood, caqabada ugu weyni ayaa waxaa ka mid ahaa kulaylka daran ee Sacuudiga ka jira. Heerkulka ayaa ka sarreeyay 46C (114.8F) usbuucan, taasoo ka dhigaysa qaar badan oo ka mid ah gudashada acmaasha lagu sameeyo bannaanka mid adag iyo in socodku uu yaraado gaar ahaan dadka waayeelka ah. Madaxa xarunta saadaasha hawada qaranka Sucuudiga, Ayman Ghulam, ayaa todobaadkii hore ka digay isaga oo yiri: “Cimilada la filayo ee Xajka sanadkan waxa ay muujin doontaa kororka heerku sarreeya oo ka sarreeya heerka caadiga ah ee Makka iyo Madiina.” Sannadkii hore, ugu yaraan 240 qof ayaa dhintay. Musiibadii ugu xumayd ee ka dhacday Xajka, burburkii dhacay 2015-kii ayey ahayd iyada oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 2,000 oo qof. Xajka oo ka mid ah isu imaatinka ugu waaweyn Muslimiinta, waa mid ka mid ah Shanta Tiir ee Islaamka. Dhammaan Muslimiinta ayaa laga doonayaa inay sanadkiiba mar gutaan haddii ay jir ahaan iyo dhaqaale ahaanba awoodaan. BBC The post Tirada dadka sanadkan ku dhintay Xajka oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
  16. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ku dhiiratay inay si shaacsan u sheegto inay aqoonsaneyso Somaliland, xilli uu socdo qorshe lagu dhaqan-gelinayo heshiiskii Addis Ababa. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland. “Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya. Somaliland ayaa dhawaan calaamadisay dhul badeedka ay siinayso Itoobiya, ayada oo madaxweyne Muuse Biixi uu The Economist u sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in baahida weyn ee ay u qabaan aqoonsi ay ku qasabtay in ay dhulkaas bixiyaan. “Waxa aanu u halgamaynaa sidii aanu u heli lahayn madax-banaanideena, sida dalalka kale ee qaaradda ay sameeyeen,” ayuu yiri madaxweynd Muuse Biixi. Waxa uu intaas kusii daray “Waxay u baahan yihiin bad sida aan ugu baahanahay aqoonsi. Diyaar ayaan u nahay.” Arrimahan ayaa imanaya xilliabada dhinac ay weli diyaarinayaan heshiiska rasmiga ah. Xitaa haddii ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, lama mid ahan in dalal kale ee qaaradda ay ku dayan doonaan. Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey, kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xad-gudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda. The post Itoobiya oo shaacisay go’aan aqoonsiga Somaliland la xiriira – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  17. Gaza (Caasimada Online) – Warbixin uu qoray Brian Bloom oo lagu daabacay wargeyska ka soo baxa Israel ee “The Jerusalem Post” ayaa cinwanaan looga dhigay “Rajada kaliya ee u hartay Israel waa Sacuudiga”. Qoraalka waxaa uu ku bilowday guul buuxda oo Israel ka gaarto Gaza waa wax aan sahal lagu gaari karin Qoraaga waxa uu sheegay Israel waa in ay sameysaa wax ay “Wajiga ku ilaalsan karto”. Dagaalka Israel iyo Xamaas ee socday 8-da bilood laga soo bilaabo Oktoobar 7, waxaa la dhihi karaa Israel kuma guuleysan maadama guutooyinka Xamaas ah ay weli dhulka joogaan, ayna awood u leeyihiin in ay Tel Aviv duqeeyaan iyo sidoo kale in dadka la haysto ay ku jiraan xaalad bani’aadannimada ka baxsan. Ra’yi ururin uu sameeyay Machadka Dimuqraadiyadda Israel ka hor howlgalkii sideedii June ee Nuseirat, waxay muujineysaa in 34 boqolkiiba dadkii ka qeybqaatay ay rajo fiican ka qabaan mustaqbalka ammaanka qaranka. Bishii May, 38 boqolkiiba dadweynaha Israel waxay sheegeen in ay kalsooni weyn u qabaan suurgalnimada in ay guuleystaan halka tiro badan oo 41 boqolkiiba ay sheegeen in ay kalsooni yar ku qabanaan in Israel guuleysaneyso. Qoraaga waxa uu isweydiiyay isbeddelka hadii aan la guuleysan ama hadii dadweynaha kalsoonidooda lumiyaan. Bloom waxa uu aaminsan yahay in si weyn looga fakaro arrinta. Waxa uu sheegay in jawaabta ay hortaalo Sacuudiga iyo Imaaraatka. Qoraaga waxa uu sheegay in Sacuudiga uu si weyn u doonayo in uu caadi ka dhigo xiriirka uu la leeyahay Israel taasna waxaa daliil u ah madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo soo bandhigay xabad joojin saddex heer ah iyo siideynta la haystayaasha iyadoo la eeegayo rabitaanka Netanyahu ee ah in aanu ogolaan maamul Falastiin oo halkaa jooga. Sacuudiga iyo Imaaraatka way sameyn karaan qorshahaas. Sacuudiga waxyaabo waa weyn ayuu ka doonayaa Israel oo ay ku jiraan jid laysku haleyn karo oo lagu dhiso dowladda Falastiin ah taas ah oo wax ay Israeliyiin badan iyo maamulka hadda jira ay ka horjeedaan. Hadii Israel ay ku guuleysan weyso dagaalka ay kula jirto Xamaas waa in hab kale la maraa. Qoraaga waxa uu rumeysan yahay hadii Netanyahu uu caadi ka dhigo xiriirka Sacuudiga waxay taasi bedelysaa gobolka oo dhan. Israel waxay gobolka ka helysaa boos ay isbahaysi kula noqoto Carabta Sunniyiinta ee ka horjeeda Iran iyo xulufadeeda. Sidoo kale waxay taasi hogaajineysaa wajiga xumaaday ee Netanyahu. Dhabtii taasi ma dhawa, isbahaysigiisa ma sii jirayo. Marka la gaaro heshiis in badan waxay noqon doonaan howlgab, waana wax aysan marna qiyaasin Carabtii hore. Qoraaga waxa uu qabaa hadii heshiis lala galo Sacuudiga oo dagaalka Gaza la soo afjaro in taasi ay fududeynso culeyska Maxkamadda dambiyada Caalamiga ee ku hayaan Israel iyo hoggaamiyayaasheeda. Dagaalka labada dhinac ee Netanyahu Qoraal uu ku qoray Peter Beaumont wargeyska ka soo baxa UK “The Guardian” ayaa cinwaan uga dhigay “Netanyahu labo dagaal ayuu ku jiraa” mana muuqata in midkoodna uu dhamaanayo. Qoraaga waxa uu muujiyay in dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas iyo kan Xisbullah ee Lubanaan ay yihiin dagaallo iska soconayo oo aan la ogeyn xilliga ay dhammaanayaan. Israel labo dhinac ayey dagaal ugu jirtaa. Si kasta oo ay ugu adeegsato awood iyo hub culus Gaza, hadana in la gaaro guul weyn ma cadda, waana khiyaali. Aragtida hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar ee ah waxyeelada rayidka Gaza in ay tahay huris lagama maarmaan ah waa mid ay Xamaas u aragto horumarka dagaalka si ka duwan Israel. Qoraaga waa sheegay in hoggaanka siyaasadeed iyo kan militeri ee Israel ay sanado aaminsanaayeen in ay awood u leeyihiin xakameynta dagaalka Xamas ama kan Xisbullah ee Waqooyiga. Waxay iska indho-tireen qodobka siyaasadeed ee hurin kara dagaalka. Falastiin waxay dooneysa dal iyo aayo-katalin Xamaas iyo Xisbuulah waxay doonayaan qorshe fog. Xamaas waxay u aragta in aysan jid kale haysan oo aan ka aheyn in ay dagaalka sii wadaan. Qoraaga waxa uu rumeysan yahay in arintu aheyn oo kaliya dagaalka Gaza. Dagaalka Xisbullah ayaa qeyb ka ah colaadda. Fakarka Israel ee ah in dagaalka ay xakameyn karto ayaa la fahmay. Xadka Lubnaan dagaalka ka socda waxa uu noqday mid weyn. Waxyaabaha laga tagay ee dhibaatada keenaya Wargeyska ka soo baxa Lubanaan ee ““Asharq Al-Awsat” maqaal uu ku qoray Maxamed Al-rumayhi kaas oo cinwana uu uga dhigay “Faraqa u dhexeysa carrada iyo fakarka” ayuu kaga hadlay go’aanka Golaha Ammaanka ee ah in dagaalka la joojiyo. Jidka waa dheeryahay maadama aan waxyaabo badan xisaabta lagu darin. Qoraaga waa uu aaminsan yahay in labada dhinaca Israel iyo Falastiin ay haystaan midba rayi’ u gaar ah. Falastiin waxay u aragtaa dhulkooda oo laga qaatay halka Israel-na ay aaminsan yihiin in ay iyaga leeyihiin. Dhibatada waxay bilaabatay marka labada dhinac loo sheegay in ay hal dhul ku heshiiyaan. Labo dal ama hal dal ay wada leeyihiin. Qoraaga waxa uu aaminsan yahay Gaza oo dib loo qabsado in ay tahay in lagu soo laabtay halkii hore loo joogay. Xamaas oo maamulka Gaza ku soo laabatana waxay ka la mid tahay in halkii hore lagu soo laabtay. Bulshada caalamka labada dhinac waxay ugu baaqeen xalka Labo dal ah. Taasi waxay u baahan tahay in si wadajir ah loo aqoonsado dowladda Falastiin. Xamas waxay furtay albaab taariikhi ah. Qoraaga waxa uu ku soo afjaray maqaalkiisa isagoo tilmaamay in bulshada caalamka aysan fulin halku-dhigyadooda xamaasadeysan maadama uu Mareykanku yahay awoodda ugu firfircoon. In kuwa qaar la aflagaadeeyana ma soo dedejineyso calka Isha: BBC The post Wargeys Israa’iili ah oo qoray warbixin si weyn u kashiftay fashilka Israel ku haysta Gaza appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inay jiraan dad fiirsanaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo dacaayad la dabajooga dowladda iyo maauuliyiinta dalka. Sidaan oo kale xalay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa uga jawaabay weerarrada loo mariyo baraha bulshada, isagoo codsaday in la iska dhaafo been abuurka iyo hadallada damqinaya boogaha. “Dadka faafinaya beenta raqiiska ah ee raba in danahooda kaliya loo fuliyo waa qaldan yihiin ee dadka Soomaaliyeed ha ogaadaan,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Guddoomiyaha oo hadda dalka ka ah kusime madaxweyne ayaa hadalkaan maanta ka sheegay Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka oo boqolaal shacab ah uu kula tukaday salaadii ciidda. Aadan Madoobe ayaa sheegay dalku uu ku socdo jihadii ugu fiicneed, isagoo tusaale u soo qaatay guulo ay ku jirto deyn cafintii, kuwaas oo la gaaray intii ay xukunka joogeen isaga iyo Xasan Sheekh. “Dhamaan bulshada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in dowladda iyo madaxda ay u nasteexeeyaan oo garab istaagaan oo dowladnimada xafitaan, sidaas ayaa lagu wada guuleysanayaa,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in maauuliyadda uu marba qof heynayo oo dadka dhan aysan masuul halmar wada noqon karin. “Umadda Soomaaliyeed waxay maanta u baahan tahay oo ka maqan in iftiinka dowladnimo ee maanta baxaya ay gacanta ku qabsadaan oo khilaafaadka dhan meel la iska dhigo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Aadan Madoobe. The post Aadan Madoobe oo farta ku fiiqay ‘dad dowladnimada u burburinaya danahooda gaarka ah’ appeared first on Caasimada Online.
  19. Garowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo shalay furay kalfadhiga 54-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay arrimaha ay isku hayaan ee sababay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe. Sidoo kale Saciid Deni ayaa si cad baarlamaanka maamulkiisa uga hor sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wadahadal rasmi ah ay arrimaha masiiriga ah kala yeelato dowladda federaalka Soomaaliya. “Puntland waxay diyaar u tahay inay dowladda federaalka wadaxaajood toos ah kala gasho arrimaha masiiriga ah ee hortebinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Deni ayaa hoosta ka xariiqay in aysan waxaba iska bedelin mowqifkii ay Puntland qaadatay markii dowladda federaalka ay bilowday inay wax ka bedesho dastuurkii KMG ahaa ee Soomaalidu ku heshiisay. “Sidoo kale Puntland waxay qabtaa in khilaafaadka siyaasiga ah iyo midka khilaafiga ah looga gudbi karo wadahadal, iyadoo la ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga,” ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay qorsheyneyso in iskaashi hormarineed ay la yeelato dowlad goboleedyada kale ee dalka, Puntland waxay horay juhdi badan ugu bixisay sidii loo xaqiijin lahaa dowladnimo Soomaaliyeed,” ayuu yiri Saciid Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa ku taliyey in awooda dalka aysan marooqsan qolo gaar ah, isla markaana lagu dhaqmo sharciga iyo dimoqoraadiyadda, “Suurtagal maaha in lagu dhaqmo siyaasadaha guracan oo koox gaar ah ay afduubato dalka iyo dastuurka,” ayuu yiri Saciid Deni. Sidoo kale Maxxaweynaha Puntland ayaa ku goodiyey in Puntland ay ku sii dhaqmo doonto awoodaha uu siinayo dastuurka maamulkaas iyo kan federaalka, ilaa inta ay xeyndaabka sharciga ku soo laabanayaan masuuliyiinta dowladda federaalka, sida uu hadalkiisa u dhigay. Madaxweyne Deni ayaa markii ugu horeysay cadeeyey qodobada ay isku hayaan dowladda federaalka iyo Puntland, kuwaasi oo kala ah: 1-Hirgelinta nidaamka federaaliga ah, 2-Awood wlqeybsiga 3-Nidaamka maaliyadeed ee federaalka, 4-Qaab-dhismeedka amniga qaranka, 5-Wadaagga kheyraadka, 6-Iyo Hanaanka Cadaaladda dalka. Qodobadaan ayuu sheegay Saciid Cabdullahi Deni inay isku hayaan Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. The post Deni oo shaaciyey 6 qodob oo Puntland iyo DF ay isku hayaan kuna baaqay wadahadal appeared first on Caasimada Online.
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa shaaciyay inuu dhex-dhexaad ka yahay doorashada Somaliland, taasi oo ka dhigan in Saylici uu dhabarka u jeediyay Muuse Biixi, xilli doorasho la galayo bisha Novermber ee sanadkaan. Saylici oo maanta la hadlay dad isugu soo baxay inay oogaan Salaadda Ciidul-Adxaa ayaa shacabka ugu baaqay inay codkooda ku aaminaan qofka ay u arkaan in uu awood u leeyahay xoojinta isku duubnidooda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la kala fogeeyo doorashada iyo qabyaaladda, xilli dhowr bilood ka harsan yihiin doorashada madaxtinimada Somailand, oo ay ku loolamayaan saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid. “Shacabka Somaliland waxa aan leeyahay doorashada ciddii aad doontaan u codeeya, waa in la kala fogeeyo doorasho iyo qabyaalad,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici. Waxa uu intaas kusii daray “In ummadda kala dhimato waxa ay ku imaan kartaa in aan loo fakirin si aan wanaagsanayn.” Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa imanaya xilli Muuse Biixi uu wajahayo loollan adag oo uga imaanaya mucaaradka, oo ku eedeynaya Biixi inay siyaasad xumaddiisa keentay in Somaliland ay lumiso deegaanada gobolka Sool. Si kastaba, Saylici oo xilligaan aheyd inuu dhiso Muuse Biixi oo uu ku-xigeen u ahaa sanado badan, ayna ka wada tirsan yihiin xisbul xaakimka ayaa sida muuqata garabkiisa ka baxay. Waxaana xilligaan musharax madaxweyne ku-xigeen u ah Muuse Biixi wasiirkiisa ganacsiga Mr. Saajin. The post SAYLICI oo dhabarka u jeediyay Muuse Biixi xilli xasaasi ah – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
  21. Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la filayaa inuu booqdo Kuuriyada Waqooyi horraanta toddobaadka soo socda. Bartamaha Bishan, Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa kula kulmay Wariyeyaasha goobtii uu Madaxweyne Yoon Seok-yool ka joogay Kazakhstan, wuxuuna si rasmi ah u sheegay qorshaha Madaxweyne Putin uu ku tagayo Waqooyiga Kuuriya. Waxaa sidoo kale jira xog sheegeysa in Pyongyang ay durba bilowday isu diyaarinta booqashada Madaxweyne Putin ee Kuuriyada Waqooyi. Haddii booqashadan Kuuriyada Waqooyi ay dhab ahaantii dhacdo, Madaxweyne Putin waxa uu booqan doonaa Pyongyang markii ugu horreysay muddo 24 sano ah tan iyo 2000, markaasoo uu xukunka hayay hogaamiyaha Difaaca Qaranka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-il. Bishii Sebtember ee sanadkii hore, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo madaxweyne Putin ayaa kulan gaara ku yeesha xarunta Vostochny Cosmodrome ee Bariga Fog ee Ruushka, ayuu Putin ku aqbalay martiqaadkii Kim ee booqashada Kuuriyada Waqooyi. Haddii kulankii sanadkii hore dhexmaray Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu ahaa mid lagu gogol xaarayey xiriirka labada dal, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in kulankan uu noqon doono mid muujinaya xiriirka si weyn u horumaray. Waxaa diiradda lagu saarayaa heerka uu marayo iskaashiga ciidan ee labada dhinac ee kulankaan, waxaana la filayaa inuu noqdo fursad lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, beeraha iyo dalxiiska. Waxa xiiso gaar ah leh in la xuso inta uu madaxweyne Putin ka xusi doono is-weydaarsiga hubka casriga ah iyo haysashada hubka Nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta aragti ah in shirkan Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu noqon karo ‘kulan dhacdo ahaan’ halkii laga wada hadli lahaa natiijooyinka dhabta ah. Iskaashiga Milatari: Ruushka wuxuu u baahan yahay hub, Kuuriyada Waqooyi waxay u baahan tahay taageero farsamo Iyadoo duulaanka Ruushka ee Ukraine uu socday in ka badan laba sano iyo bar, isku xirnaanta Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka ee bixinta sahayda muhiimka ah, ayaa sii xoogeysaneysa. Bare sare oo ka tirsan jaamacadda Kuuriya qaybteeda midaynta iyo dublamaasiyadda, Nam Sung-wook, ayaa sheegay in marxaladdan, uu ajandaha ugu muhiimsan ee kulankan uu yahay “intee in le’eg oo hubka ah oo Waqooyiga Kuuriya la siinayo mustaqbalka Ruushka.” Qaar kale ayaa sheegaya in kulankaan, ay u badan tahay inay ka gudbi doonaan heshiisyada muddada gaaban ee ku saabsan bixinta hubka caadiga ah ee Kuuriyada Waqooyi, ayna ku heshiiyaan iskaashi ciidan oo aad u dhow, sida horumarinta wadajirka ah ee hababka hubka. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Kuuriyada Waqooyi ay rabto in ka badan cunno iyo saliid ay ugu beddesho hubka Ruushka. Professor Nam, ayaa si gaar ah u saadaaliyay in Kuuriyada Waqooyi, oo ku guuldareysatay inay hawada sare u dirto dayax gacmeedka kormeerka hawada bishii May ee la soo dhaafay, ay kulankaan kaga hadli doonto taageerada Ruushka ee tignoolajiyada hawada sare. Sharaxaada ayaa ah in Kuuriyada Waqooyi ay u baahan doonto caawinaad ka timaada Ruushka, oo wadan awood badan dhanka tignoolajiyada hawada sare, si ay ugu guuleysato hawada sare ee dayax gacmeedyada. Waxa kale oo jirtay saadaal ah in Kuuriyada Waqooyi ay isku dayi doonto in ay Ruushka ka caawiso dhinaca tignoolajiyada si ay u kordhiso xallinta dayax gacmeedyada indho-indhaynta iyo maraakiibta Nukliyeerka ah. Putin iyo Kim, ayaa kulankoodii kal hore waxay sheegeen inay xoojinayaan xiriirka labadooda dal ka dhaxeeya. Isha: BBC The post Maxaad ka ogtahay qorshaha cusub ee madaxweyne PUTIN iyo Kim Jong Un appeared first on Caasimada Online.
  22. Professor Samatar: “People said, ‘Samatar brings recognition [for Somaliland], welcome him.’ However, Somaliland has not earned the right to be recognised. Its case has yet to be cogently fleshed out.” Hargeisa (PP News Desk)— Professor Ahmed Ismail Samatar criticised the Somaliland Administration’s approach to seeking recognition for its unilateral secession, which marked its 33rd anniversary in May. As Chairman of the political association Hillaac, Professor Samatar dismissed the pursuit of recognition as quixotic. “People said, ‘Samatar brings recognition [for Somaliland], welcome him.’ However, Somaliland has not earned the right to be recognised. Its case has yet to be cogently fleshed out,” Professor Samatar stated at a political meeting in Hargeisa. His remarks sparked a flood of tweets accusing him of “arrogance” and “collaborating with the Federal Government of Somalia.” Last week, Professor Samatar met with the President of the Somaliland Administration Muse Bihi Abdi to discuss the implications of the illegal maritime Memorandum of Understanding that the Somaliland President signed with the Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed in January 2024. Professor Samatar informed President Bihi that Ethiopia would be violating both the African Union Charter and the United Nations Charter if it were to recognise Somaliland as a country that seceded from the Federal Republic of Somalia. According to a senior member of Hillaac, Professor Samatar warned President Bihi that “Ethiopia will be classified as an anti-Somalia entity, on par with Al-Shabaab, if the Ethiopian government, in its search for sea access, promotes secession in Somalia.” In an interview with The Economist, President Bihi commented on the illegal maritime MoU, stating, “They [Ethiopia] need the sea as we need recognition.” Some influential politicians in Hargeisa believe that Somaliland’s secession is evolving into a territorial dispute between Somalia and Ethiopia. “Ethiopia understands that its actions could be construed as destabilising and as providing support to Al-Shabaab, a militant, proscribed organisation that opposes the territorial in and political unity of the Federal Republic of Somalia,” said an academic in Hargeisa. © Puntland Post, 2024 The post Professor Samatar Describes Somaliland Administration’s Quest for Recognition as “Quixotic” appeared first on Puntland Post.
  23. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448488111_490229410021912_3869417120594614233_n.mp4 Qaran News
  24. Iyadoo ay maanta Muslimiin dunida u tahay dharaarta koobaad ee ciiddu adxaha ayaa madaxda iyo hoggaamiyaasha dalalka Islaamku waxay salaadda ciidda la oogeen kumaan dadweyne ah, ayagoo shucuubta Islaamka ugu hambalyeeyay maalintan farxadda iyo niyaayarka huwan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa salaadda Ciidda Carafo kula tukaday Masjid ku yaala magaalada Ankara Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi mudane Cevdet Yılmaz iyo qaar ka mid ah bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalka Turkiga. Madaxweynaha ayaa sidoo muuqaal laga soo duubay ugu hambeeyay shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan, asagoo ugu baaqay inay is kaalmeeyaan oo qoysaska dan’yarta ah ka farxiyaan. Dhanka kale dhallinyarada kooxda Alshabaab ka tirsan ayuu ugu baaqay inay isi soo dhiibaan, islamarkaana ay dowladdu soo dhowayn doonto oo nolol wanaagsan u abuuri doonto, haddii ay fikradda ururkaas ka laabtaan. Madaxda Soomaalida ayaa caan ku ah inay maalmaha ciidda cafis u fidiyaan maxaabiista dembiyada fudud u xiran, sidoo kalena ay isi soo dhiibis muddaysan u soo bandhigaan kooxaha hubaysan ee nadaamka dowliga ah ka soo horjeeda. Source: goobjoog.com
  25. Oslo (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud has reiterated that his government is ready to engage in dialogue and negotiations with the al-Shabab militant group. Source: Hiiraan Online