Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Markii laga hadlo dhismaha qoys wanaagsan oo isfaham iyo gacaltooyo ku naalooda waxaa jira waxyaabo badan oo gundhig u ah, kuwaas oo ay kamid tahay in labada qof ay wax walba heshiis ka yihiin, ama ugu yaraan isla meeli dhigaan aragti is qaddarintu udub-dhaxaad u atahay oo ay ku wada joogaan. Runta oo laysku sheego iyo dhabta oo laga wada hadlo marka haasaawaha lagu jiro ayaa sidoo kale la rumaysanyahay inay yareyn karaan ismaandhaafka dambe ee nolosha lamaanenimo caqabadda ku noqan kara, haddii’se aan Kolka hore xaqiiqda laysla oggolaan waxaa dhallan karta xurguf waaritaanka qoyska halis ku noqata, sida ay qabaan xeeldheerayaasha arrimaha qoysku. Raxma Maxamuud oo lagu garan ogyahay “Abwaanad Beello” ayaa Goobjoog uga warantahay waxyaabaha dhismaha qoyska aas-aaska u ah, ayadoo sheegtay in marka horeba halbeeg quman oo Kartika qofka ka turjumaya laysku doorto, balse aan la fiirin lacagta iyo dabaqadda nololeed uu qofku ku jiro. Waxay sheegtay in haasaawihii hore uu ahaa dhab ka hadal ku qotoma yoolka ay labada qof nolosha ka leeyihiin, balse jeerkan uu noqday ku danaysi iyo maalin joog raadin aan mabda’ fog iyo mustaqbal odoros midna ku dhisnayn. Si kasta ha ahaatee xeeldheereyaasha arrimaha qoyska ayaa qaba in burburka qoyska laga sii gaashaaman karo, haddii shukaansiga ama haasaawaha laga dhigo mid iyo isku xog waran dhab ah ku salaysan oo been iyo wax kala qarsi ka maran. Source: goobjoog.com
  2. Mogadishu (HOL) – The signing of a controversial MoU between Ethiopia and the self-declared Republic of Somaliland on January 1, 2024, has prompted Somalia to embark on a vigorous diplomatic campaign to oppose the agreement. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed criticized Somalia this week for avoiding direct talks, stating, "If the Somali government has grievances with us, one flight and a one-hour meeting would suffice. We harbor no ill will towards Somalia. Instead of talking to us directly, the Somali government chose to go around and file complaints against us. I advise against wasting money. Every country we visit costs us money. It is better to build one kilometer of road or a school in Mogadishu that people can benefit from." Source: Hiiraan Online
  3. Dowladda Iran ayaa yeelatay madaxweyne cusub kadib doorashadii soo gabagabowday kuna soo baxay Mascuud Bezeshkiyaan, ninkaan ayaa ah quyar socod aan magac weyn ku laheyn Iran, xilli codad gaaraya 16.3 milyan uu helay , halka Jalili uu keenay 13.5 milyan oo cod 30 Milyan ee ruux. Wasaaradda arrimaha gudaha Iran ayaa aroornimadi hore ee Sabtidi saakay shaacisay, in Pezeshkian doorashada kaga guuleystay Saciid Jalili oo ah murashax taageero buuxda ka heystay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Aayatullah, doorashada dhacday ayaa u muuqatay in aad loogu kala horeeyay. Mascuud Pezeshkian oo ah dhaqtar 69 jir ayaa sheegay in Iran uu u furi doono dunida inteeda kale oo ay ka xirxiran tahay, waxaana uu sheegay in madaxweynihii hore ee geeriyooday shaqadiisa uu shaqo adag soo qabtay, waxaana uu intaas raaciyay in la jogo xilligii Iran dunida ay wax la qeybsan laheyd. Wuxuu sidoo kale horay u ballan qaaday inuu horumarin doono siyaasad dibadeed oo dhab ah, si uu u yareeyo xiisadaha wada-xaajoodyada hadda hakadka ku jira ee quwadaha waaweyn ee khuseeya soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka ee 2015, dhaqtarkaan ayaa siyaasad ahaan ku dhow Aayatullahi. Doorashadan ka dhacday Iran ayaa aheyd mid waqtigeeda laga soo hormariyay, kaddib marki uu shil helikobtar ku geeriyooday madaxweynihi hore ee Iran Ibrahim Ra’iisi May 19, 2024, waxaana lagu dhawaaqay qabashada doorasho deg deg ah si dalka u yeesho madaxweyne Rasmi sidaas u dhacday. Source: goobjoog.com
  4. Attacks by Iran-backed Houthi militants on the Red Sea have reinvigorated piracy networks in Somalia, with criminal groups growing in both number and force, a European naval commander said. Source: Hiiraan Online
  5. Sir Keir Starmer's new cabinet will meet for the first time on Saturday - the first full day of Labour being in power. Source: Hiiraan Online
  6. Gumaadka joogtada ah ee maamulka Israa’iil uu ku hayo dadka reer Falastiin ee marinka Qasa ayaa socda bishii 10-aad oo xariir ah, ayadoo tirada dhimashada ee ka dhalatay ay gaartay in ka badan 37,925 qof, halka dhaawacyaduna ay 87,141 sare u dhaaftay. Sidoo kale waxaa waxaa jira daaraasiin dad ah oo aan raq iyo ruux midna lagu hayn, kuwaas oo la rumaysanyahay inay ku qur bexeen dhismeyaasha burburay hoostooda, islamarkaana halkaasi ay xabaal rasmi ah u noqatay. dadka nool ee duqeymaha iyo dilalka tooska ah ee Israa’iil ka nabad-galay ayaa ayaguna hadda ku jira xaalad cakiran, waxayna u muuqdaan sida xayn ari ah oo nin kawaanle ah xayndaab ugu jiri, maalin walbana uu tiro kamid ah gowracayo. Waxay ku jiraan duruufo nololeed kuwii ugu adkaa, waxayna wajahayaan barakac maalin leh maadaama ay duqeymuhu hadda jiho cusub uga imaanayso, islamarkaana aanay jirin goob nabad-galyo ah ama gabaad ah oo ay diyaaradaha rushaynaya iyo rasaasta tooska ah kaga badbaadi karaan. Sidoo kale cunto yari baahsan ayay wajahayaan, ayadoo safaf dhaadheer u gala goobo kookooban oo rootiga iyo cuntooyin kaloo fudud laga helo, waxaanay xaaladdu gaartay heer lagu tilmaami karo cadaabta dunida. Midda layaabka leh inay madaxdii dunida islaamka iyo warbaahintiiba ay ka sii caajisayaan soo hadal qaadidda dadkan tarab tarabta loo laynayo, qaarkood ay gaajada iyo daawo la’aanta u dhimanayaan ee xasuuqa martida ah. Dadka damiirka iyo garaadka quman leh ayaa is weydiinaya ma xaquuq ayaanay lahayn oo xaydaabka bini’aadantinimo kuma jiraan, dhiiggooduna xurmo ma leh, mise xaquuqooda ayaa dabiica iska noqday oo in la sheego xiiso looma qabo. Source: goobjoog.com
  7. Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiga 5-aad ee labada gole Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib fasax ay xildhibaannadu ku maqnaayeen, Baarlamaanka ayaa waxaa horyaallo shaqooyin badan. Waxaa la filayaa in furitaanka Kalfadhigan ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin dhowr ah, iyadoo munaasabadda furitaanka uu khudbad ka jeedin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, xildhibaannada Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla shaqooyin aad u badan, soo laabashadooda kadib oo ay ku jiraan sharciyo iyo arrimaha Dastuurka oo doodiisu socotay. Khudbadda Dastuuriga ah ee Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu kaga hadlo xaaladaha guud ee dalka, iyo arrimaha gobolka ka taagan, waxaana siweyn uu kaga hadli doonaa dastuurka iyo dagaalka Al-shabaab iyo qorsheyaasha dowladda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Source: goobjoog.com
  8. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud attended the graduation ceremony of the sixth batch of non-commissioned Somali officers from the Turkish-Somalia military training facility in Mogadishu on Friday. Source: Hiiraan Online
  9. France progress on penalties after converting all five shots from the spot to eliminate Portugal 5-3 (0-0) in the Euro 2024 quarterfinals of in Hamburg's Volkspark stadium on Friday. Source: Hiiraan Online
  10. Kenyan President William Ruto on Friday ordered significant cuts in the federal budget along with other government reforms to pay off a crushing debt burden in a move seen as a concession to popular disapproval of a tax bill that sparked violent protests. Source: Hiiraan Online
  11. An EU Naval Force boarding team approaches the MT Aris 13 after it was released by Somali pirates four days after being hijacked off the coast of Somalia. Photo: EU EUNAVFOR Source: Hiiraan Online
  12. Mikel Merino's 119th minute winner sent tournament host Germany packing and booked Spain a semifinal ticket at the Euro 2024 in Stuttgart's MHP-Arena on Friday. Source: Hiiraan Online
  13. Ururka Midowga Koonfurta Ameerika (USAN) ayaa ku dhawaaqay in uu dowlad rasmi ah u aqoonsaday Falastiin. USAN ayaa ku daray Falastiin dalalka ganacsiga xor ah uu la yeelanayo ururka oo ay xubno ka yihiin 12 dal ay ku jiraan Brazil, Chile, Colombia,Ecuador iyo Bolivia oo ka mid ah dalalka leh wax-soosaarka dhaqaale iyo warshadaha ee ugu sarreeya Ameerika. Dalalka koonfurta iyo bartamaha Ameerika ayaa taageerrada ugu sarreysa ee diblomaasiyadeed siiyay Falastiiniyiinta , kuwaaso si adag u cambaareeya duulaanka Israa’iil, wax ku dhow kala bar ayaanna dalalkan xiriirka u jaray Israa’iil. Halka ay qaarkood ku biireen dacwada xasuuqa ee ka dhanka ah Israa’iil oo koonfur Afrika ay geysay maxkamadda dambiyada caalamiga ah, iyadoo go’aamada dalalkan ee ka dhanka ah Israa’iil ay yihiin kuwa diblomaasiyad ahaan ka sarreeya mowqifka dagaalka Qasa ee waddamada Carabta oo Falastiiniyiinta ay ka dhasheen. PUNTLAND POST The post Urur ay ku midaysan yihiin 12 dal oo dowlad rasmi ah u aqoonsaday Falastiin appeared first on Puntland Post.
  14. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa xalay daah-furay Ololaha Xisbiyada Puntland ee Doorashada Goleyaasha Deegaanka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan oo si rasmi u bilowmaya 06 July 2024 isla markaana socon doona illaa 22 July 2024, iyadoo Doorashada Saddexda Degmo ay dhici doonto 23 July 2024. Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa bulshada degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godob-jiiraan ugu baaqay in ay isu diyaariyaan tartan doorasho oo caafimaad qaba, iyadoo Xisbiyada laga rabo inay ololeeyaan iyagoo illaalinaya shuruucda iyo qawaaniinta ay dejisay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC). Munaasabadda oo ay soo diyaarisay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC), waxaa ka qeybgalay 8-da Xisbi Siyaasadeed ee Puntland kuwaasi oo kala ah HORSEED, MIDEEYE, KAAH, MUSTAQBAL, RUNCAD, SINCAD , SHAQAALAHA IYO IFIYE. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Munaasabadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Dimuqraadiyadda Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland: Ololaha Doorashada qof iyo cod ee saddexda degmo oo la daah-furay appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Wadamada Reer Galbeedka waa in ay ku cadaadiyaan Israel in ay aqbasho soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta Gaza. “Kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu taleefoon kula hadlay (Ra’iisul wasaaraha Israa’iil) Benjamin Netanyahu, waxaan rajeynayaa in xabad joojin kama dambeys ah lagu xaqiijiyo dhowr maalmood gudahood si xasuuqa Israel uu u soo dhamaado” ayuu yiri Erdogan. Dhinaca kale, dadaallda lagu xaqiijinayo xabbad-joojinta iyo sii deynta la haystayaasha ee Gaza ayaa isa soo tarayay ka dib markii Xamaas ay soo jeedisay hindise dib loo eegay oo ku saabsan qodobbada heshiiska, Israa’iilna ay sheegtay inay dib u billaabi doonto wada-xaajoodyadii hakadka galay. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in uu soo diri doono wefdi si ay dib ugu billaabaan wadahadallada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Erdogan oo Reer Galbeedka ugu baaqay in Israel lagu cadaadiyo xabbad-joojinta Gaza appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xisbigiisa Kulmiye waxa deegaanada bariga, koonfurta Hargeysa Oodweyne,Togdheer, Saaxil iyo Ceerigaabo loogu soo dhaweeyaa sida boqorada. Waxana lagu qaabilaa caleemonqoyan iyo calanka Somaliland, waxana la dul qaadaa Dalaayad iyada oo cadcweda loo diidaayo waana la sii wadayaa sii wadayaa soo dhawayntaasi Ma kuu dhacday? La soco qaybta labaad Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Sabtiga berri waxaa xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa ka furmaya kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal. Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya kalfadhigga, isagoo ka jeedi doona khudbad la wada sugayo. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in kulanka berri uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah, wuxuu mar kale si adag uga hadli doonaa damaca Itoobiya uga jira badda Soomaaliya iyo arrimo kale oo masiiri ah, sida dastuurka. Maalmaha soo socda waxaa dib u bilaabaneysa doodii dastuurka, baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay meel mariyaan cutubyo hor leh, ilaa 5 cutub ayaa hadda diyaarsan, kuwaas oo golaha la marsii doono maalmaha soo socda, sida ay ogaatay Caasimada Online. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in kalfdhiyada soo socda ee baarlamaanka lagu dhameystiri doono arrimaha dastuurka, xilli ay xiisad xooggan ka dhalatey 4-tii cutub ee baarlamaanku horey u meel-mariyay. Aadan Madoobe oo ka gaabsaday inuu shaaciyo qodobadda sida gaarka ah loo horgeynayo baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay inay yihiin kuwo muhiim ah oo qeyb ka ah dhameystirka dastuurka. “Mudaneyaasha waxay xilliyada soo socda ka doodi doonaan hindise sharciyeedyo wax ku ool ah oo gaaraya illaa 14,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kal-fadhiyadii hore lagu ansixiyay shuruuc badan oo ay kamid ahaayeen la-dagaalanka argagixisada, kuwo khuseeyay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo kuwo kale. Guddoomiyaha ayaa uu ugu dambeyntiina wuxuu faray shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan cadowgooda, isla markaana ay gacan wax ku ool ah ka geystaan horumarka dalka. The post Kalfadhiga BF oo berri furmaya iyo Xasan Sheekh oo khudbad xasaasi ah ka jeedinaya appeared first on Caasimada Online.
  18. London (Caasimada Online) – Boqorka UK, Charles III ayaa Jimcaha maanta ah si rasmi ah ugu magacaabay hoggaamiyaha Xisbiga Labor-ka Keir Starmer ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain. Sawirro laga sii daayey qasriga Buckingham Palace ayaa muujiyey Starmer oo gacan qaaday Boqorka, kadib markii xisbigiisa ay guul aqlabiyad xooggan leh ka gaareen doorashooyinkii dhacay Khamiistii. Boqorka ayaa goor sii horeysay aqbalay is-casilaadda hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka ra’iisul wasaare Rishi Sunak. “Boqorku waxa uu maanta qaabilay mudane xildhibaan Sir Keir Starmer, wuxuuna ka codsaday in uu dowlad cusub soo dhiso,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay qasriga. “Sir Keir wuu aqbalay soo jeedinta boqorka, wuxuuna dhunkaday gacmahiisa kadib markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha iyo Sayidka Koowaad ee Maaliyadda.” Keir Starmer ayaa Jimcihii maanta balan qaaday in xukuumadiisa Labour-ka ay laga billaabo maalinta koowaad ka shaqeyn doonaan dib u cusboonaysiinta qaranka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ka hor inta uusan xafiiska la waareegin uu jeedi doono khudbaddii ugu horaysay isaga oo ra’iisal wasaare ah. “Shaqada isbedelka si degdeg ah ayey u billaabmaysa. Laakiin shaki ha ka qabin, waxaan dib u dhisi doonnaa Britain,” ayuu yiri, ka dib markii Labour-ka uu soo afjaray 14 sano oo xukunkii Conservative-ka. Ra’iisul Wasaare kasta oo dalka UK uu yeesho waa iska casilaa xilka, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Britain ay ka baxday ururka Midowga Yurub, macada sababtu, laakiin waa caqabado soo wajaha nidaamka xukunka dalkaas. The post Britain oo yeelatay ra’iisul wasaare cusub – Maxay isku casilaan R/Wasaarayaasha UK? appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dabaal-degii 1-da Luulyo kusoo bandhigtay hubkii ugu cuslaa oo ay qeyb ka yihiin gadiid gaashaman, taasi oo lagu muujinayay isbeddelka awoodeeda ee ciidanka Soomaaliya. Ciidamada ayaa maalintaas sameeyay bandhig cajiib ah oo lagu muujinayo qiimaha maalinta xoriyadda dalka, kaasi oo lagu soo bandhigay gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u diyaarsan oo dhuulatus sameynaya. Gaadiidka gaashaman iyo hubka maalintaas lagu soo bandhigay dabaal-degga ayaa waxaa inta badan dowladda Soomaaliya ku taageeray dalka Turkiga oo kasoo dejiyay magaalada Muqdisho, sida uu maanta shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda xiritaanka qalin-jabinta dufcadda 6-aad ee leyliga saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu tababaray dugsiga Turksom, ayaa dowladda Turkiga ku ammaanay kaalmada ay siiso dalkeenna. Waxa uu sheegay in Turkiga uusan dano gaar ah ka laheyn kaalmada ballaaran ee uu la garab joogo dowladda Soomaaliya, ayna mar uun u abaal-gudi doonto Soomaalida. “Waxay nagu garab istaageen qalab oo furimaha la joogno oo maalin dhaweydna soo bandhigeynay, sidoo kale Turkiga wuxuu nagu garab istaagay goobta dagaalka. Waa walaalo naga mudan mahad-celin, oo sharaf iyo karaamo u hayno. Maalin maalmaha kamid ah Ilaahay idinkii umadda Soomaaliyeed waa u abaal-gudi doonta dalka Turkiga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa xusay in dalalka qaar ee kaalmeeya dalkeenna ay ka leeyihiin dano gaar ah, halka uu middaasi ka duway Turkiga oo uu ku tilmaamay “walaalka dhabta ah ee Soomaaliya leedahay”. “Kaalmo badan xargo badan ayaa gadaal uga xiran oo mar walba dhinac loo jiidayo, laakiin midda Turkiga sharaf iyo karaamo ayaa la jirta. Xargo gaar ah iyo dano gaar ah oo diblomaasiyadeenna iyo dowladnimadeenna lagu kala dhantaalayo ama lagu hagayo kuma jirto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. The post Yaa Muqdisho kasoo dejiyay hubkii cuslaa ee ay soo bandhigtay dowladda? appeared first on Caasimada Online.
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo ka hadashay wada-hadallada maalmihii lasoo dhaafay Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya ee natiijo la’aanta kusoo idlaaday ayaa sheegay in wadadaas aan wax looga qaban karin xaaladda taagan. Wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Barwaani ayaa sheegay in Itoobiya aysan aheyn cidda wax bixisay ee ay tahay Somaliland, sidaas darteedna lagama maarman tahay in lala hadlo Somaliland haddii walaac laga qabo heshiiska badda. “Waxaanu u aragnaa in xalka meel aanu ku jirin laga dayayo, hadii xalka meel aanu ku jirin laga dayana waligeed lama gaarayo,” ayuu yiri Barwaani oo la hadlay idaacadda BBC. Waxa uu intaas kusii daray “Somaliland iyada ayaa Itoobiya heshiis la gashay, iyada ayaa degan oo maamusha badda cas iyo gacanka. Marka inta Soomaaliya ay Itoobiya la hadlayso waa in ay Somaliland la hadasha, waayo anaga ayaa heshiiska galnay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay heshiis ka gaari karin ama wax is-fahan ah arrimaha gacanka cadmeed iyo badda Cas, oo uu ku dooday inay si toos ah u maamusho Somaliland, una madax-banaan tahay, wallow uu taasi caalamka u aqoonsaneyn. Barwaani oo wax laga weydiiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Jabuuti ku dhex-maray daba-yaaqadda sanadkii hore ayaa eedda dusha ka saaray dowladda dhexe, oo uu sheegay inay ka been abuuratay heshiiskaasi, ayna sheegtay in midnimo lagu heshiiyay, sida uu hadalka u dhigay. “Dowladda Soomaaliya iyadaa ka baxday heshiiska oo sheegtay in midnimo lagu heshiyya, sida si lamid ahna horey waxay Soomaaliya uga baxday dhamaan heshiisyadii la gaaray wada-hadalladdii hore ee labada dhinac.” Wasiiradda arrimaha dibada ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhawaan isugu tegay dalka Turkiga ayaa wada-hadallo ay Ankara ku yeesheen ku kala kacay, ayada oo dowladda Turkiga sheegtay in markale la isugu soo laaban doono bisha September ee sanadkaan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagay qadiyadda madax-banaanida dalka, iyada oo diiday in dabac ka muujiso go’aankeeddii ahaa in marka hore ay Itoobiya ka laabato is-afgaradka Somaliland, taasi oo weli xukuumadda Abiy ay ka meer-maareyso. The post Somaliland oo sheegtay in natiijo laga gaareyn wada-hadalka DF iyo Itoobiya + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee Layli Saraakiil ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha gashay kaalmaha hore. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Saraakiisha maanta qalinjabiyey in ay hormuud u noqdaan halganka Qaran ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka iyo qorshaha dib dhiska ciidamada Xoogga dalla Soomaaliyeed. “Waxaad soo gaarteen marxaladdii ugu muhiimsanayd ee taariikhdiinna ka mid noqoshada CXDS. Waxaad hibeyseen wixii ugu qaalisanaa ee aad haysateen oo ah naftiina, waxaana la idinka sugayaa in aad dadkiina ka kor qaaddaan argagixisada nolosha u diidan”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn. Source: goobjoog.com
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee Layli Saraakiil ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha gashay kaalmaha hore. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Saraakiisha maanta qalinjabiyey in ay hormuud u noqdaan halganka Qaran ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka iyo qorshaha dib dhiska ciidamada Xoogga dalla Soomaaliyeed. “Waxaad soo gaarteen marxaladdii ugu muhiimsanayd ee taariikhdiinna ka mid noqoshada CXDS. Waxaad hibeyseen wixii ugu qaalisanaa ee aad haysateen oo ah naftiina, waxaana la idinka sugayaa in aad dadkiina ka kor qaaddaan argagixisada nolosha u diidan”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeenno cusub oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Saraakiishan ayaa muddo saddex sanno ah lagu diyaarinayey dugsiga tababarka ciidamada ee TurkSom ee magaalada Muqdisho. Saraakiisha iyo xiggeenada maanta loo soo xiray tababar ayaa ku soo biiray hoggaanka ciidanka dalka, iyada oo shahaadooyin iyo abbaal-marrinno kale guddoonsiiyay madaxweynuhu. Saraakiishan ayaa noqonaya dufcaddii 6-aad ee muddo sanado ah qaata tababar aqoon kororsi ah. Madaxweynaha oo saraakiisha kala hadlay xaaladda dalka ee lagu jiro iyo howlaha muhiimka ah ee sugaya, isaggoo ku adkeeyay in ay si daacadnimo ah oo ay ku dheehan tahay Soomaalinimo u gutaan waajibaadka culus ee horyaalla. “Qofku haddiyadda uu bixiyo waxaa ugu qaalisan naftiisa waxaadna dalkiina iyo dadkiina u hurteen noloshiina, sidaa daraadeed ogaada cadow aad u caqli liita ayaan dagaal kula jirnaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay saraakiisha tababarka dhameystay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay dowladda Turkiga iyo madaxweynahooda, isaggoo ku ammaanay in ay gacan weyn ka geysteen yagleelidda dhismaha dowlad Soomaaliyeed. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee maanta qallin-jabiyay ayaa isugu jira kuwo ka yimid ciidanka badda, dhulka iyo cirka. The post Sawirro: Xasan oo tababar usoo xiray saraakiil sanado lagu diyaarinayay TURKSOM appeared first on Caasimada Online.
  24. Adam Kaboole Nin la odhan jirey oo suufi caan ahaa oo reer Hargeisa ahaa. Ayaanu Meydh geyney isagoo Sheekh Isixaaq soo siyaaranaaya. Waxuna ahaa nin lugeeya. Markaasu AHN aabe ku yidhi duriyadaba halkan baan isugu keenaya ee qaarbaanse weli fahmin xikmadda rabaaniga Hadda Reer Somaliland oo dhami. XISBIGA WADDANI bey isugu imanayaan. Rag waaweyn oo kulmiye oo dowladdyahana ayaa maalin dhow Xisbiga Waddani ku dhawaaqaya in isbedelkuu wadaa yahey Badbaado Qaran. Dalkuna u baahan yahey. Madaamo ey arkeen. Labadda odey shaqadoodu iney tahey mid aan dalkana lagu sii hogaamin kareyn mustaqvalka. Xisbiga Kulmiye aanu sii jiri kareyn. Ragaasi waa amusan yihiin. Waxeyna fahamsan yihiin. In xukumaddan cimrigeeddu dhamaadey. Isbedelku wuu guuleysana Somaliland Guul Xisbiga Waddani Guul. Musharax Cabdiraxmaan Cirro Waa Madaxweynaha #13DEC2024 Lagu dhaarin doono. Hambalyo Guushu waa Muuqata Ninba Aashi Buu Wax U eegaya Waxna Wuu Arkaa Waxna Wuu Ogyahey Hon-Envoy Abdirizak Diinaari diinaari1960@gmail.com Qaran News