-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Luzern (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Switzerland uga qeyb galay shirka nabadda iyo ganacsiga oo muhiim ah Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Nabadda Adduunka Interpeace iyo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO). Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya, taas oo ku salaysan aragtidiisa “Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah” waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibedda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay xoojiso dib u heshiisiinta iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaanada laga xoreeyey argagixisada, kuwaas oo baahi weyn u qaba adeegyada aas-aasiga iyo isdhexgalka bulsho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iyo ururrada ka soo qayb galay kulankan, doorka ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Sidoo kale Madaxweynahaa ayaa la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, daris-wanaagga iyo horumarka gobolka. The post Ujeedka Xasan Sheekh u tegay Switzerland + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
A blurred photo of the suspect arrested by Nugaal Police in Yabaayil. Garowe (PP News) — Puntland Police announced today the arrest of a man suspected of involvement in the recent hijacking of the MV Abdullah, a ship owned in Bangladesh. The press release issued by Puntland Police identified the suspect as Mohamed Ali Adam. Adam is believed to be one of the pirates responsible for the hijacking. The operation leading to the arrest was overseen by Chief Police of Nugaal, Mohamed Ali Marduf. Mohamed Ali Adam was apprehended in Yabayil village of Dangorayo district, where he was hiding. The MV Abdullah was seized by pirates on March 12, 2024, in waters off Nugaal coast of Somalia. Following negotiations, the ship and its crew were released on April 13, 2024, after a ransom of 5 million dollars was paid to the kidnappers. Puntland authorities have intensified efforts to combat piracy in the region. The arrest of Mohamed Ali Adam sends a clear message to pirates intent on resuming piracy. © Puntland Post, 2024 The post Puntland State Police Arrest a Suspected Pirate appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa dib u furtay dhegeysiga kiiska Axmed Rashiid oo ahaa sarkaal ka tirsan booliska Kenya, ninkaan ayaa loo heystaa in 7 sano kahor uu maalin cad dilay labo wiil oo yaryar oo aan hubeysneyn. Axmed Rashiid ayaa muuqaal laga duubay isagoo tooganaya labada wiil, iyagoo dhulka jiifa, goobta ay toogashadaaai ka dhacday ayaa aheyd waddo mashquul badan oo ku taalla caasimadda Nairobi, March 31, 2017 ayuu dhacay dilkaas. Dilka uu dhalinyaradaas u geystay Axmed Rashiid waxaa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay gudaha dalka Kenya, waxaana booliska Kenya lagu eedeeyey dilal aan sharci ahayn. Shacabka Kenya ayaa dalbanayey in maxkamad lasoo taago Axmed Rashiid iyo Booliska kale ee dilalka bareerka ah geysanaya, intaas kadib dowladda ayaa tallaabo qaaday waxaana bilaabatay maxkamadeynta Axmed Rashiid. Axmed Rashiid ayaa hadda mar kale kasoo muuqday maxkamadda, iyadoo fadhiga lagu dhageysanayey kiiskaan ay soo buux dhaafiyeen dad badan, iyadoo sidoo kale la hor keenay maxakamadda qof marqaati ah. Maxkamadda ayaa sheegtay in weli ay socoto dhegeysiga kiiska. Ugu yaraan toddobo kale oo marqaati ah ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ka soo muuqdaan maxakamadda. Qaraabada ugu yaraan 41 qof oo la rumeysan yahay inay dhibbane u yihiin eedeymaha loo heysto Axmed Rashiid ayaa joogay maxkamadda oo ku taalla deegaanka isku raranka Kibera ee magaalada Nairobi. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa booliska Kenya ku eedeeya inay awood adeegsadaan, dilal sharci darro ahna u geystaan shacabka, dilalka lagu eedeeyo booliska ayaa intooda badan ka dhaca deegaannada ay dadka saboolka ah deggan yihiin. Waxaa sidoo kale lagu eedeyn jiray inay beegsadaan dadka xuquuqda aadanaha ka shaqeeya iyo qareennada baaraya tacaddiyada la sheegay inay booliska geystaan. The post Axmed Rashiid oo mar kale ka soo muuqday maxkamad iyo dilka 41 qof oo loo heysto appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay aroornimadii hore ee maanta (June 14, 2024) qabteen nin ku eedeysan inuu ka mid ahaa burcad-badeedii afduubtay markabka MV Abdullah ee laga lahaa dalka Bangladesh. Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in taliska qeybta gobolka Nugaal ay gacanta ku dhigeen eedeysane Maxamed Cali Aadan oo ka mid ahaa burcad-badeedii afduubtay markabka MV Abdullah. Howlgalka lagu qabtay eedeysanaha oo uu hoggaaminayay taliyaha qeybta Nugaal Maxamed Cali Marduuf ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Yibaayil oo ka tirsan degmada Dangorayo. Markabka MV Abdullah oo la afduubay 12 March 2024 ayaa la siidayay 13 April, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 malyan oo doolar. PUNTLAND POST The post Puntland oo qabatay nin ku eedeysan afduubkii markabka MV Abdullah appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Cuba ayaa ugu gacan sayrtay in aysan ku filneyn bayaan ay Mareykanka dhowaan ka soo saareen xaaladda laba dhaqtar oo Cuban ah oo kooxaha Jihaadiyiinta Soomaaliya ay ka soo afduubteen Kenya shan sano ka hor. Kooxda Al-Shabaab ayaa bishii Febraayo sheegtay in dhaqaatiirtaas oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez isla bishaas lagu dilay duqeyn ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen magaalada Jilib. Hase yeeshaa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa warbixin uu dhowaan soo saaray ku sheegay in dib u qiimeyn lagu sameeyey xogta la hayo lagu go’aamiyey in in duqeynta Mareykanka uu fuliyey Febraayo 15, 2024 aysan waxyeelo ka soo gaarin rayid. Wargeyska ku hadla afka dowladda Cuba ee Granma ayaa maqaal uu qoray ku sheegay in qoraalka AFRICOM “uusan si cad u qeexin dhaqaatiirta Cuba.” Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibedda Cuba, Bruno Rodriguez ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in warbixinta Mareykanka “aysan wax cusub soo kordhin,” islamarkaana Havana ay tan iyo April sugeysay “baaritaan ay Cuba si rasmi ah u codsatay oo ku saabsan weerarada AFRICOM” ee meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya. Dhaqaatiirta ayaa ka mid ahaa 100 xubnood oo shaqaale caafimaad oo Cuban ah oo gudaha Kenya uga shaqeynayey heshiis dhex-maray labada dal, markii la qafaashay April 2019. PUNTLAND POST The post Dowladda Cuba oo ku gacan sayrtay warkii Mareykanku ka soo saaray dhaqaatiirtii lagu haystay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Musharraxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa hoygiisa kulan kula yeeshay waxgaradka, Salaadiinta, aqoonyahanka, xildhibaannada,Siyaasiyiinta iyo haweenka Beesha Danwadaago ee beelweynta Ciidagale. Waxgaradka Iyo haldoorka Beesha Danwadaago waxay sheegeen In dadka deegaankaasi ay si weyn oo culus codka u siin doonaan murrashax Cirro, islamarkaana isbedelka Waddani wado qayb weyn ka qaadanayaan. Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi Cirro iyo masuuliyiinta xisbiga ee wehelinayay ayaa dadka deegaanka Danwadaag uga mahadceliyey taageeridda wakhtiga badan ay dhisayeen Murashaxnimadiisa iyo Xisbigaba isagoo Ku Booriyey Inay u diyaar garoobaan doorashooyinka Qaran News
-
According to a recent report by the Office of the UN High Commissioner for Human Rights, 594 incidents of human rights violations and abuses affecting 8,253 victims occurred in 2023. The report indicated that government forces were allegedly responsible for 70% of these violations, impacting 7,103 victims. (Photo: China Daily) Addis Abeba – A recent United Nations report has highlighted the troubling human rights situation in Ethiopia throughout 2023. Despite notable improvements in the Tigray region following the implementation of the Cessation of Hostilities Agreement (CoHA), the report expresses grave concerns regarding the repercussions of violent clashes, particularly in the Amhara and Oromia regions. The Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR) released a 24-page report today, documenting 594 incidents of human rights violations and abuses affecting 8,253 victims over the past year. This represents a significant 55.9% increase compared to the previous year. Defense Force (ENDF), federal and regional police forces, as well as state-affiliated militia groups, were allegedly responsible for 70% of these violations, impacting 7,103 victims. On the other hand, non-state armed groups accounted for 22.3% of the incidents, with 25 incidents specifically attributed to the Eritrean Defense Forces operating in the Tigray region. The situation in the Amhara region was particularly concerning, according to the report. total of 740 civilian deaths were recorded in the region during 2023, with the majority attributed to government security forces engaged in fighting against the Fano militia group. The report additionally documented 366 civilian deaths in the Oromia region, where clashes between government forces and the Oromo Liberation Army (OLA) persisted throughout the year. Among those killed in Oromia, 46 were women. Besides the ongoing conflict between government forces and the OLA, the report also highlighted inter-ethnic clashes between Amhara and Oromia militias, as well as between Oromia and Somali groups, which resulted in further casualties. Addis Standard Qaran News
-
26 Daqiiqadood ka hor Soomaalida qurbaha ku nool gaar ahaan kuwa dalalka Yurub, ayaa fursad u helay in ay carruurtooda waxbarasho bilaash ah helaan, iyada oo inta badan dalalkaasi ay qasab tahay waxbaridda dhallaanku. Dalka Ingiriisku waxa uu ka mid yahay dalalka ay carruurta Soomaalida sida wanaagsan wax uga bartaan inta badan, walow la sheegayo in waalidka Soomaalida ah qaar ka mid ah si wanaagsan ula soconin waxbarashada carruurtooda taasi oo keenta in dib u dhac dhan walba ahi ku yimaado . Arrintaasi ayaa loo aaneeyaa iyada oo waalidka qaaarkood aanay wax badan ka aqoon dhaqanka iyo sharciga dalkaasi. Dr Nuur Xasan, oo ah bare sare oo magaalada London ka hawlgala ayaa qoray laba buug oo arrimahaasi uu cilmi-baaris ku sameeyey isagoo PHD waxbarashada ah ka diyaariyey hannaankaas ayaa BBC-da u sheegay in tani tahay caqabad u baahan in wadajir wax looga qabto. “Sanadii 2010 kii anigoo macallin cusub ka ah kolleej ku yaal koonfurta bari ee London ayaan waxaan ka bilaabay PHD ku saabsan mujtamaca iyo wax barashada- bulshada jaamacad of Greenwhich la yiraahdo, kadib labo sano kadib waxaa ii soo baxday in baahi badan ay ka jirto in wax laga ogaado baahida waxbarasho ee caruurtaSomalida iyo taageerada ay ka helaan waalidkood. 2015 kiiayaan PhD dii dhameeyay. Buuggan waa maxsuulkii ka soo baxay shantaa sano ee cilmi baadhista ah,” ayuu yiri. Caqabado badan ayay carruurta iyo waalidkuba la kulmaan” Dr Nuur, oo ka jawaabayey su’aal ay BBC-du waydiisay oo ku saabsanayd caqabadaha ugu waaweyn ee uu arkay intuu cilmibaarista waday waxaanu yidhi, “Ardayda dhibta ugu weyn ee haysataa waa dhanka macalimiinta oon si buuxda ugu hagar bixin ardayda una arka ardayga Soomaaliga ah midaan meel sare u socon tan oo abuurta in ardayga la geeyo fasallo hooseeya,” “Xagga waalidkana xiriirka iskuullada iyo waalidka oo inta badan aan joogto ahayn, inta badana iskuullada xaggooda ayuu dhibka ka jiraa. Waalidaka oon helin macluumaad joogta ah oo ku saabsan meesha ay waxbarasha carruurtooda marayso, iskuullada oo u arka waalidiinta Soomaalida ah inay yihiin dad waqti badan aanan gelin waxbarashada carruurtooda- waana feker aanan run ahayn” Waalidiinta Soomaalida qaarkood ayaa iyaguna nooga wareamay bal siday caqabadaha u arkaan iyo xalkooda. Khadra Maxamuud waa hooyo afar carruur ah ku korisay magaalada Bristol Uk, waxaanay tiri “Caqabaduhu waa badan yahiin, anigu afar carruur ah ayaan dhalay nasiib wanaag aabbahood ayaa ila koriyey oo aan wada joognay, halkan Ingiriiska carruurtu waa sida xoolaha waa la raaca subaxii galabtiina waa la soo celiyaa, markay qaan-gaadhaanna waxaa habboon in dugsiyo gaara la geeyo sida kuwa diinta iyo tacliinta kale oo ciyaaraha iyo safarrada loo badiyo si aanay waqti ugu helin dadka duufsan lahaa. Waxaan arkaa hooyooyin badan oo kaligood korinaya carruur badan oo aan aabbe la joogin, way ku adagtahay inay kaligood hawshaa ballaaran qabtaan waxaanay badanaa noqonaysaa in carruurtaasi halis gali karaan oo waxbarashada dib uga dhici karaan.” Ayay tiri. Mowliid Sheekh Maxamed, isaguna waa aabbe wuxuu dhalay siddeed carruur ah oo deggan dalka Ingiriiska, isagoo ka hadlaya waxbarashada carruurta qurbaha iyo sida loo hagaajin karo ayaa wuxuu yiri “Soomaaliya waxaa dadku inta badan ku nool yihiin guryo waaweyn oo qoys tiro bdan loogu talo galay. Halkan siddeed carruur ah ayaa laba qol laysugu soo xaraynayaa ama saddex qol, guryo yaraan ayaa ka jirta Ingiriiska markaa sameeyn bay ku yeelanysaa waxbarashadii carruurta. Halkee bay wax ku akhrisan, halkee bay ku nasan? Taasi oo keenaysa dib u dhac, waxaa kaloo muhiima in dugsiyada lagu xidhmo oo carruurta loo raadiyo meelo ay shaqo guriga kaga shaqeeyaan oo jawi deggan ah wax ugu akhristaan.” Ayuu yiri. Xalku maxuu yahay? Cilmi baarista uu sameeyey Dr. Nuur ayuu ku tusaaleyey qoddobbo ay muhiim tahay inay fuliyaan si meesha looga saaro caqabaha jira. “Xalka ugu horreeya waa in xiriirka ka dhaxeeya iskuullada iyo waalidiinta la hagaajiyaa, waa inuu jira xiriir joogta ah oo macluumaadka waxbarashada ilmaha iyo hadba meesha uu marayo laga wada hadlo. Waa in waalidku carrruurtooda ay si joogta ah uga wada sheekaystaan waxa ay iskuullada kala kulmaan. Waa in waalidku isku dayaa inuu ka qayb galo kulanka iskuulka iyo waalidka, haduu kaas kari waayo waa inay ballan ka samaystaan macallimiinta si goonni goonni ah oo joogta ah. Waalidku waa inuu abuuro waqti munaasib ah oo carruurtoodu layliga kaga shaqeeyaan ama wax ku akhriyo. Waalidku haddaysan luuqadda iyo aqoontiisa ku filnayn waa inuu xiriir la sameeyaa Soomaalida ka aqoon roon waxna waydiiyaa. Waxaa muhiim ah in waalidku ogaado in ilmaha iskool la geeyo keliya in aanay mustaqbalkiisa hagaajin karin, waayo waxaa jira wax badan oo ilmuhu aanu iskuulka kaga bogan karin waxaan ka mid ah waxyaabahaas edebta. Guriga ayaa ugu horreeya meesha ay tahay in waalidku wax ka qabto si uu uga dhigo meel ilmuhu edeb iyo aqoon ka kororsan karo khaas ahaan inta ilmuhu yar yahay ee uu guriga u badan yahay. Hadalada ay waalidiintu ku hadlayaan raad ayey ku yeeshaan caruurta korriimadooda oo haddii, tusaale ahaan, guriga laysku caayo oo lagu dagaallamo ogow in ilmuhu meeshaas duruus ka qaadanayo hadhowna ay dhici karto inuu wixii uu maqlayey uu waalidkii ama walaalihiisa ka weyn kula hadlo. Dadka ka shaqeeya waxbarashadu waxay caddeeyeen si qofku wax u barto waa inuu yaqaan waxa uu yahay, kadibna waa inuu yeeshaa qof ama dad uu tiigsado oo uu ku daydo oo uu jeclaado inuu iyaga oo kale noqdo mustaqbalka.” Ayuu intaa ku daray Dr Nuur. bbcsomali Qaran News
-
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa daah furay qorshaha istiraatiijiyadda hay’adda ee 5-ta sano ee soo socota. Agaasimaha oo ka hadlay munaasabadda daah furka ayaa uga mahad celiyay dhammaan madaxda iyo qaybaha kala duwan ee HSJ iyo bahwadaagta hey’adda, sida mugga leh oo ay uga qayb qaateen dhammeystirka diyaarinta qorshahan, isagoo goobta uga dhawaaqay in la dhaqan gelin doono istirastiijiyaddan, loona isticmaali doono hagidda dhammaan howlaha horumarinta iyo adeeg bixinta ee HSJ, si la jaanqaadaysa halbeegga caalamiga ah. Istiraatiijiyadda la daah furay waxa ay HSJ adeegsan doontaa muddo 5 sano ah oo ka billabata 2024. Diyaarinta istiraatiijiyadda ayaa qaadatay muddo ku dhaw 5 billood, mudadaas oo diyaarintu soo martay heerar kala duwan sida kulamo wadatashi ahaa, talo gelin lala yeeshay madaxda iyo qaybaha kale duwan ee ay ka kooban tahay HSJ, kulamadaas ayaa ka kala dhacay xarumaha laamaha iyo Gobolka Benaadir. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (HOL) — The murder trial of former Pangani police officer Ahmed Rashid, accused of killing two teenagers, Jamal Mohamed and Mohammed Dahir, resumed this week at the Kibera Law Courts. The case has drawn significant public attention due to Rashid's controversial reputation and the emotional testimonies from the victims' families. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) —The Somali government has ordered the removal of bodies from the Bulusiya School cemetery in Mogadishu to repurpose the land as a training center for the Somali Navy. This directive has forced many families to exhume and reinter their loved ones, causing significant emotional distress and public protest. Source: Hiiraan Online
-
Rituals expected to draw more than two million pilgrims this year, praying for peace in Gaza, Yemen and Sudan. Source: Hiiraan Online
-
Dacwad oogayaasha Ruushka ayaa sheegay in saxafiga Mareykanka ee Evan Gershkovich la horgeyn doono maxkamad magaalada Ural, kadib markii lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka. Gershkovich oo 32 jir ah ayaa lagu eedeeyay ururinta macluumaadka sirta ah ee amarrada CIA-da ee ku saabsan Uralvagonzavod, oo ah xarun soo saarta oo dayactiraysa qalabka milatariga Ruushka sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Xaafiiska dacwad-oogaha guud ee dalkaasi. wariyahan oo ka tirsan wargeyska Wall Street Journal, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii lagu xiray magaalada Yekaterinburg, oo qiyaastii 1,400 kilomitir u jirta caasimadda Moscow, kana xegta dhanka bari 29-kii March sanadkii 2023, waxaana lagu eedeeyay basaasnimo. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyada oo laga duulayo dib u habeynta iyo dardargalinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray Talisyo cusub oo lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka. kuwaas oo kala ah, Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, Taliska Tababarada CXDS, Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS, iyo Taliska Taakulada Guud ee CXD. Talisyadan ayaa waxaa loo kala magacaabay S/Guuto Axmed Cadullaahi Sheikh (Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah) G/Sare Axmed Ciise Axmed (Taliyaha Taliska Tababaradda), G/Dhexe Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare (Taliyaha Taliska Sahanka & Wardoonka), G/Dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud (Taliska Taakulada Guud ee CXDS). Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay in ay halkaas ka sii amba-qaadaan dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, isagoo xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada H.E Fardowsa Osman Egal oo uu wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Bashir Moallim Ali Hassan ayaa kullan miro dhal ah la qaadtay Mudane Jean Todt, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badqabka Wadooyinka. Kulanka oo ahaa mid fogaan arag ah (Zoom Meeting) ayeey uga wada hadaleen iskashi iyo wada shaqeyn dhaw ay yeeshaan Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada XFS Iyo Hay’ahada UN-ka ee ka shaqeeya horumarinta Gaadiidka iyadoo la isla qaatay taabba-gelinta qorshaha yareynta shilalka wadooyinka, iyo dhameystirka shuruucda Nabad-gelyada wadooyinka si loo xaqiijiyo badqabka shacabka Soomaaliyeed. Wasiir Fardowsa Osman Egal ayaa uga mahadcelisay Ergeyga Gaarka, iyadoo hoosta ka xariiqday iskaadhiga dhaw ee ka dhaxeya Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobe Source: goobjoog.com
-
Hargeysa,(Qaran news)-Warar la isla dhex maraayo magaaladda Hargeisa ayaa sheegaaya in ganacsato badan oo ka soo jeeda magaalooyinka Hargiyo Djibouti isla markaasina qoys ahaan ka soo jeeda qoyska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay xidhiidh hoose la sameeyeen musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo la saadaalinaayo in uu noqon doono madaxweynaha Somaliland ee mustaqbalka dhow, waxana aad loo hadal hayaa in uu dhawaan shaaca ka qaadi doono gana sade Maxamed Aw Siciid Geedi in uu taageersanyahaymushara a xisbiga Waddani Mr Cabdiraxmaan Cirro oo uu dhisi doono, mana jiraan wax war ah oo arinkaasi ku saabsan oo ka soo baxay xaga ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi. Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in ay jiraan ganacsato kale oo reer Somaliland ah oo iyana dhawaan taageero u muujin doona musharaxa xisbiga Waddani Mr Cirro. Waxa ayaamahii ugu dambeeyay soo xoogaysanaayay taageerayaasha musharaxa xisbiga Waddani ee deegaanada uu ka soo jeedo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Musharraxa xisbiga Waddani ayaa haysta amba kasbaday dhamaan quluubta iyo shucuubta dhamaan gobollada dalka oo dhan isaga oo horey taageerida ugu badan ka haystay gobolada Togdheer, Sanaag, Awdal,Saaxil Galbeedka gobolka Sool, iyo gobolka Maroodijeex oo uu hada ku soo awoodaysanaayo Qaran News
-
Turkiga iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday qandaraas Ankara looga iibinayo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka dib markii Washington ay aqbashey heshiiskan oo ku kacaya 23 bilyan oo dollar. Heshiiska ayaa yimid ka dib bilo wada xaajood ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga. “Qandaraaska waa la saxiixay, wufuud ka kala socota labada dhinac ayaa ka wada xaajoonaya faah-faahintiisa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda. Sida ku cad heshiiska, Turkigu wuxuu heli doonaa 40 diyaaradood oo cusub oo ah F-16 iyo in loo casriyeeyo ilaa 79 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee hadda jira. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo saxiixay heshiis uu Turkiga kaga iibinayo diyaaradaha dagaalka ee F-16 appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Israel oo ku hubeysan diyaaradaha dagaalka ayaa weerar ku qaaday marinka Rafah, iyadoo dagaalyahanada Falastiiniyiinta ay la dagaalamayaan ciidamada lugta Israel oo ku guda jira dagaallo dhanka waddooyinka ah. Ugu yaraan 14 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaza. Kooxda Hezbollah ayaa soo bandhigtay diyaarad weyn oo aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo ay ku bartilmaameedsatay saldhigyo milatari oo ku yaala waqooyiga Israel. Waxaa jira cabsi laga qabo in isku dhacyada xudduudaha ay keenaan dagaal dhan walba ah,kadib markii ciidanka Israel ay fuliyeen duqeymo lagu hoobtay oo ka dhacay koonfurta Lubnaan . Dhanka kale, Madaxweyne Biden oo ka jawaabaya su’aallo ay weydiiyeen saxaafiyiinta ayaa u sheegay in aanu filaynin in uu arko heshiis xabbad-joojin ah oo mustaqbalka dhow ka hirgasha marinka Gaza. Ugu yaraan 37,232 qof ayaa la dilay, 85,037-na waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7. PUNTLAND POST The post GAZA: Israel oo duqaymo ka wada marinka Rafah oo raja xumo laga muujinayo Xabbad-joojinta appeared first on Puntland Post.
-
Dhusamareb (HOL) - Galmudug President Ahmed Abdi Kariye Qorqor announced that he will present evidence exposing those responsible for instigating the recent conflict in North Galgaduud, which resulted in nearly 100 deaths. His statement follows a meeting held Wednesday afternoon with elders from the Marehan and Dir clans, who were involved in the deadly clash last Saturday. Source: Hiiraan Online