-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee G/le Maxamed Nuur Sheegow (Mad Dheere), Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha kula shahiiday qaraxa miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Aw-diinle iyo Berdaale ee Koonfur Galbeed, xili ay ku jireen gudashada waajibaadkooda Qaran. “Qoyska, ehelada, Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan uga tacsiyeynaynaa Geerida shahiid Maxamed Nuur Sheegow, Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad iyo saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee inaga shahiiday, waxaana Alle uga baryeynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu alle caafiyo,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya. Allaha u naxariistee Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Maxamed Nuur Sheegow iyo saraakiisha kale ee la socotay iyo guud ahaan naftood hurayaasha CXDS ee horay inooga Shahiiday waxa ay naftooda u hureen in Dalka, Dadka iyo Diinteenna suuban. Source: goobjoog.com
-
Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa dallacsiiyay qaar kamida ciidan oo xafiday Kitaabka Alle ee Qur’aanka Kariimka ah, taasoo ah dhiirigelin la xariirta tillaabada wanaagsan ee ay qaadeen. Arrintan ayaa sidoo kale ah abaal-marin shaqo wanaag xagga waajibaadka ah oo ay ciidanka la dallacsiin sameeyeen, ayadoo shahaadooyin la guddoonsiisay, lana dalacsiiyay darajooyinkooda ciidannimo. Taliyaha hoggaanka Kormeerka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ahna Ku simaha Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Axmed Dayib Axmed (Dhagacaleen) ayaa dhiirigalin ugu Tagay Ciidankan Dhawaan uu dallacsiiyey Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed dhowaan sheegay in askariga Qur’aanka Kariimka xafidsani uu lamid yahay mid shahaado dugsi sare haysta. Source: goobjoog.com
-
Nin badmaax ayaa si xun loo dhaawacay ka dib markii markab xamuul ah oo marayey gacanka cadmeed lagu weeraray laba gantaal oo nooca loo yaqaano Cruise-ga ah oo ay Xuutiyiinta Yemen ku garaaceen, sida lagu sheegay war ka soo baxay militariga Maraykanka. Badmaaxa dhaawaca ah ayaa loo duuliyay markab kale si loo dabiibo, iyadoo shaqaalihii la socday markabka MV Verbena ay ka qayb qaateen daminta dabkii qabsaday kaas oo ka soo baxayay sagxadda kore a natiijada weerarka. Markabka ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Ukraine ayaa waxaa ka dul babanayay calanka Palau waxaana maamusho shirkad laga leeyahay dalka Poland. Ka dib, Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inay burburiyeen laba doonyood oo ay wateen Xuutiyiintu, diyaarad aan duuliye lahayn dul maraysay Badda Cas 24-kii saac ee la soo dhaafay. War ka soo baxay Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa lagu yiri: “Waxaa la go’aamiyay in nidaamyadan ay khatar ku yihiin Mareykanka iyo ciidamada isbaheysiga iyo sidoo kale maraakiibta ganacsiga ee gobolka.” Kooxda Ansar Allah ee Xuuthiyiinta ayaa horay u sheegtay in 24 saac gudahood ay weeraro ku qaadeen saddex markab oo uu ku jiro MV Verbena, “si ay uga jawabno dambiyada ka dhanka ah dadkeena Marinka Gaza, isla markaana ay jawaab u yihiin duulaanka gardarada ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay nagu hayaan.” Arrintan ayaa ku soo beegantay maalin kadib weerar ay Xuutiyiinta ay taageerto Iran ay ku bartilmaameedsadeen markab laga leeyahay dalka Giriiga oo marayey badda cas, waxaana weerarkan uu sababay in biyo badan ay gudaha u galaan markabka Kooxda Ansar Allah ee Xuuthiyiinta ayaa arintan u arka in ay qayb ka tahay iska caabinta ee ay Iran hormuudka ka tahay ee ka dhanka ah Israa’iil, Maraykanka, iyo guud ahaan reer galbeedka. Tan iyo bishii November ee la soo dhaafay, Xuuthiyiintu waxay wadeen weeraro ka dhan ah maraakiib ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil oo ku sugan badda cas iyo gacanka cadmeed, iyagoo xusay in weeraradooda ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta ku sugan Gaza. Nin badmaax ayaa si xun loo dhaawacay ka dib markii markab xamuul ah oo marayey gacanka cadmeed lagu weeraray laba gantaal oo nooca loo yaqaano Cruise-ga ah oo ay Xuutiyiinta Yemen ku garaaceen, sida lagu sheegay war ka soo baxay militariga Maraykanka. Badmaaxa dhaawaca ah ayaa loo duuliyay markab kale si loo dabiibo, iyadoo shaqaalihii la socday markabka MV Verbena ay ka qayb qaateen daminta dabkii qabsaday kaas oo ka soo baxayay sagxadda kore a natiijada weerarka. Markabka ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Ukraine ayaa waxaa ka dul babanayay calanka Palau waxaana maamusho shirkad laga leeyahay dalka Poland. Ka dib, Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inay burburiyeen laba doonyood oo ay wateen Xuutiyiintu, diyaarad aan duuliye lahayn dul maraysay Badda Cas 24-kii saac ee la soo dhaafay. War ka soo baxay Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa lagu yiri: “Waxaa la go’aamiyay in nidaamyadan ay khatar ku yihiin Mareykanka iyo ciidamada isbaheysiga iyo sidoo kale maraakiibta ganacsiga ee gobolka.” Kooxda Ansar Allah ee Xuuthiyiinta ayaa horay u sheegtay in 24 saac gudahood ay weeraro ku qaadeen saddex markab oo uu ku jiro MV Verbena, “si ay uga jawabno dambiyada ka dhanka ah dadkeena Marinka Gaza, isla markaana ay jawaab u yihiin duulaanka gardarada ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay nagu hayaan.” Arrintan ayaa ku soo beegantay maalin kadib weerar ay Xuutiyiinta ay taageerto Iran ay ku bartilmaameedsadeen markab laga leeyahay dalka Giriiga oo marayey badda cas, waxaana weerarkan uu sababay in biyo badan ay gudaha u galaan markabka. Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka jawaabaya weerarro isdaba joog ah oo ka dhan ah bartilmaameedyo ay Xuutiyiinta Yemen ku leeyihiin gudaha dalka Yemen, ayaa waxay taasi keentay inay markooda ka jawaabaan oo ay beegsadaan maraakiib la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin Mareykanka iyo Ingiriiska. Weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta ganacsiga ee badda cas ayaa keenay in shirkado badan oo maraakiibta ay joojiyaan isticmaalka marin-biyoodkan – kaas oo ay maraan qiyaastii 12 boqolkiiba shixnadaha ganacsiga badda ee caalamiga ah. Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada. Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik . Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta. Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray “Dhallinyarada Mu’miniinta ah”, taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go’doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen. Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda. Waxay la koreen nacaybka Israa’iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah. Maamulka Yemen ayaa dhalinyaradan wax ka qabtay iyagoo xiray kadibna lasii daayay mudo kooban kadibna ay dib ugu laabteen howlahoodii hore. Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee xarakada Xuseen Badar al-Diin al-Xuuti oo uu dhalay wadaad caan ah, waxa uu horraantii siyaasaddiisa ku xidhnaa xisbi yar oo loo yaqaannay “Al-Xaq” Xisbigani waxa uu laba kursi ka helay baarlamaanka Yemen doorashooyinkii 1993, Xuseen waxa uu ku guulaystay mid ka mid ah kuraastaas intii u dhaxaysay 1993 iyo 1997kii. Intaas ka dibna, bishii sebtembar 11, 2001 iyo dhacdooyinkii xigay, sida duullaankii Ciraaq, Xuseen Al-Xuuti wuxuu raacay waddo cusub oo ay ka mid yihiin soo noolaynta fikradaha soo noolaynta iimaanka ama “Imperialism-ka,” waxaana saamayn ku yeeshay afkaaraha guud ee Kacaanka Islaamigaa ee Iiraan. Dhaqdhaqaada dhalinyaradii Mu’miniinta waxay markii hore ku ekaayeen difaacidda xaquuqda dadka ku nool magaalada Sacda oo ah halka ay ka soo jeedaan dadka haysta madhabta Shiidada ee Yemen. Hase yeeshee waxay sii ballaariyeen kooxdan dhalinyarada bixinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo siyaasadda oo ay ku jiraan mucaaradnimada nidaamkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax. bbcsomali Qaran News
-
Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo lala eegtay Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka waday deegaanka Goofgaduud ee duleedka Baydhabo, Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa Saraakiishan. 1- Taliye Mad Dheere Taliyihii Guutada 8aad, 2- Taliye Afcadeey, 3- Taliye Ciise Kusow oo la sheegay inuu dhaawac culus qabo. 4- Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor Abdisalan Xaaji. ku dhawaad 10 Askari ayaa sidoo kale ku dhaawacmay Qaraxa miino. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow (Maad Dheere) oo ahaa Taliyaha Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Iyo saraakiisha kale. Guddoomiyaha ayaa Gaashaanle Maad Dheere iyo sariikiishii kale ee qaraxaasi ku Shahiidey Alle uga baryay Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, dhamaan qoysaska Iyo ehelada ay kabaxeena uu samir Iyo iimaan ka siiyo, sidoo kale intii ku dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah siiyo. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ehelka, qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Tacsiyadeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashanle Maxamed Dheere, Guddoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor Abdisalaan Xaaji Siidow iyo askartii kale ee la socotay. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Taliyihii guutada 8-aad qeybta 60-aad ee CXD iyo saraakiil kale oo shahiiday iyagoo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horreysay ka hadlay qeyla-dhaanta ka soo yeeraysa dadka Muqdisho ee ku aaddan qabuurihii dowladda Federaalku ku dhawaaqday in la banneeyo si looga dhigo xero ciidanka badda lagu tababaro. “Iyadoo aan ognahay in aanay baahi dhuleed loo qabin in qabuuro la faago, dhulka Soomaaliya, 70% waa bannaan yahay, meel kasta iyo goob kasta ayaa haddii loo baahdo laga fulin karaa arrimo ku saabsan baahiyaha dowladda”. “Waxaa sidoo kale ognahay in xarumihii iyo xeryihii dowladda in la yiri waa laga maarmay oo la iibinayo, haddana la leeyahay qabuuro laga maarmi waayay waa la faagayaa, waa arrimo aan is qaban karin” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Mudane Siciid Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu u naxariisto shacabka dhibaataysan islamarkaana joojiyo faagista qubuuraha. PUNTLAND POST The post Siciid Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqay in uu joojiyo faagista qubuuraha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qarax miino uu Maanta ka dhacay duleedka Magaalada. Qaraxa miino waxaa ku geeriyoodey Taliyahii Guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXDS G/le Maxamed Nuur Mad-Dheere iyo ciidamo kale la socday. Sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Qaraxa ayaa haleelay gaari ciidan oo uu saarnaa taliyaha. Sarkaalka dhintay ayaa ka mid ahaa Saraakiisha ugu firfircoon qeybta 60 ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed. Dhaawaca askarta ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo soo qaaday magaalada Baydhabo Source: goobjoog.com
-
Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku soo xadgudubtay hawada dalka Sweden, waxaana ka hortagay diyaarad dagaal oo laga leeyahay Sweden oo lagu magacaabo Gripen. Xaaladdan ayaa dhacday Jimcihii shalay , sida maanta lagu sheegay warbixin ay baahiyeen ciidanka Sweden. Afhayeen u hadlay ciidamada Sweden ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada Sweden ay isku dayeen in ay la xiriiraan diyaarada Ruushka balse aysan wax jawaab ah ka helin. Arrintan waxay ku aadaysa xilli dhowaan ay Sweden ku biirtay NATO, taa oo ka dhigtay waddankii 32 -aad ee isbahaysiga ka mid noqda. Sida uu dhigayo Axdiga NATO, xubnaha isbahaysiga milaterigu waxay isku raaceen in haddii mid iyaga ka mid ah la weerarro, ay tahay in dalalka kale ay gacan ka geystaan sidii loo difaaci lahaa. PUNTLAND POST The post Diyaarad laga leeyahay Ruushka oo ku xad-gudubtay hawada dalka Sweden appeared first on Puntland Post.
-
Furitaanka Kal-fadhiga 54-aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa si rasmi ah u furmay Maanta oo Sabti ah kuna beegan 15 bisha Juun 2024. Kal-fadhiga waxa furay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka DPL Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilladda Mudane, Maxamed Baarri Shire, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise. Sidoo kale waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Xubno kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukumadda, Golaha Garsoorka, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Guddiga Doorashada Puntland (PEC), Duqa Degmada Garoowe, Isimo, Cullimo, Hay’adaha Caalamiga ah, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada, Hawl-wadeennada Madaxtooyada, iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray waxqabadka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada Metelaadda, Xeer-dejinta, Korjoogtaynta hay’adaha Dawladda iyo kobcinta Awoodda Xafiis ee Golaha Wakiillada. Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Denni oo Kalfadhiga furay ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 54-aad ee Golaha Wakiillada, isagoona si rasmi ah u furay Kalfadhiga sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. PUNTLAND POST The post Furitaanka Kal-fadhiga 54-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Maanta Furmay appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Awdiinleh iyo degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Maxamed Nuur oo loo yaqiinay (Mad Dheere) iyo ciidamo kale oo la socdey. Marxuumka ayaa hadda ahaa taliyahii guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka, waxaana xilliga la dilayay uu kasoo laabtay howlgal ka dhacay halkaasi. Allaha u naxariistee Mahad Dheere ayaa hoggaaminayay howlgallo waddo furis ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka wadaan halkaasi, kuwaas oo uu ujeedkoodu yahay in la’isugu furo gobollada Baay, Balool iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxa lagu dilay taliye Mahad Dheere. Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus ka fuliya gobolladaas oo haatan ay howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo QARAX ku dishay taliye Mahad Dheere appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Xarardheere waxay 500 oo KM fogaan ahaan u jirtaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxeyna kaalimaha hore kaga jirtaa magaalooyinka caanka ku ah xadaaradda oo ay ku noolyihiin bulsho ilbax ah, xaafadaha ay magaaladu ka kooban tahay waxaa ugu waa wayn sida sooyaalkeeda ku qoran xaafadda Howlwadaag iyo Wadajir. Xarardheere waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu waa wayn goabalka Galmudug, ka dib magaalada Hobyo. Bulshada deggan magaalada qaddiimiga ah ee Xarardheere waxay u badan yihiin dad ay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool, beeraha iyo kalluumeysiga. Xarardheere waa degmo dhacda deexda gobolka Mudug, waxay xigta dhanka xeebta iyo dhinaca qorrax ka soo bax bari ee gobolka Mudug. Waa degmo barwaaqaysan kana heli kartid waxyaabaha ay naftu jamato, waxaana u sii dheer in ay tahay degmo dalxiiseed qaboow, xagga nulosha waxay ka mid tahay degmooyinka maanta ugu qaalisan marka ay noqoto dhinaca nolosha degmooyinka Soomaaliya, maaddaama ay xeeb dhacdo, dhul bannaan oo hawo iyo neecaaw qabow lehna ay ku taallo. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Shacabka ee xaq u diriarka ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay kalana wareegay kooxaha Araggaxsiida 16-kii Jannaayo 2023. Kooxaha argaxisada waxey gacantooda ku jirtay in ka badan 14 sano, waxeyna la wareegayn sannadkii 2010, ka horna waxaa gacanta ku hayay kooxihii burcad badeedka ee xeebaha Soomaaliya iyo badweynta ka fogba maraakiibta ka afduuban jiray. Duruufahaas ay magaaladu muddo la dhaalaa-dhacaysay ee isugu jira gummaadka argaggixisada, kooxihii burcadda ahaa ee ka horreeyay, horumar la’aanta magaalada ku habsatay iyo in ay inta badan ka soo hayaameen dadkii deegaan ahaan ka soo jeeday waxay sababeen in magaaladu ay kobac iyo horumar ahaan ka harto magaalooyinka kale ee asaaggeeda ah. Bulshada magaaladaa qadiimiga ah waxey wehal u ahaayeen aragtiyada qaldan iyo dhaqamada aan sal iyo raad ku laahayn diinteenna suubban iyo dhaqankeena wanaagsan, waxayna ku cadaadiyeen bulshooyinkii udub dhaxaadka u ahaa magaalada si xoog ah ayay ugu qasbeen afkaartooda qarriban, sida waxbarashada carruurta qofka diidana ay dhibaato u geystaan taasi ayaana horseedday in dadku ay ka cararaan magaaladii oo ay isku baddasho meel lama degaan ah. Maxaa ka muuqda dhinacyada kala duwan ee bulshada Waxaayabaha la taaban-karo ee magaaladaasi ku soo kordhay waxaa ka mid ah;- sida dowladda iyo shacabkii oo si wadajir ah ugu sugan, nolosha oo si caadi ah ku soo laabanaysa mar-ba marka ka dambeysa, horumarrada kale bulshada oo soo kabanaya, sida; Waxbarahada dowliga ah, tan gaargaarka, ganacsiga oo furmay, xarumaha caafimaadka, iyo nidmaaka dowliga oo laga hirgaliyay Sidoo kale, adeegyada bulshada aas-aasiga u ah gargaarka bani’aadinnimada, Maxkamadaha iyo saldhiggii Police-ka ayaa dib loo howlgeliyay, kaas oo ah astaanta ilaalinta nidaamka iyo kalsooni dhiska nabadda magaalada iyo Amnigeeda si loo dar-dargeliyo, dhan kale waxaa socdaalo kala duwan ku tegay qaar ka mid ah madaxda sare dalka sida; Madaxweynaha JFS Soomaaliya Mudane Dr. Xasan sheikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmuud Mudane Axmed Cabdir Kaariye Qoor Qoor iyo xubna ka tirsan golayaasha dowladda heer fedraal iyo mid maamul. Caqabadaha jira maxaey yahiin? Tan iyo markii magaalada laga wareegay kooxaha nabad-diidka, waxaa mararka qaar ka dhaco isku da’ayaan dagaal ay kusoo qaadaan Khawaariijta, si ay gacanta ugu dhigaan balse taasi ay gaashaanka ku dhuftaan Ciidamada Dowladda iyo shacabka xaq-u-dirarka deegganka. Sidoo kale caqadaha kale ee jira adeega dowladda oo heerkii loogu talagalay oo aan gaarin sida barnaamijka xasilinta oo laf-dhabar u ah nolasha caadiga deegganka. Wacyiga bulshadaa oo wali aan la qabsan nidaamka dowliga ah, waxaa kale ka xusi karaa magaalada oo qaadi ladahay barkaca ugu yimid tuulloyinka hoos yimaada magaalada oo kasoo barkacay kooxaha nabbadiidka iyo hanaanka Dib-u- heshiisiinta bulshooyinka deggan magaalada Xarardheere. 14-kii sanno ee ganacta ugu jireen magalaadan kooxahaasi waxaa ka muuqado raadad fara badan oo aan ka xusi karno bilicada magaalada, sida Wadooyinka la, aan, bururu xooggan xarumaha dowladda iyo kuwa bulshooyinka degganaa ka cararay dulmiga kooxahaasi. Maxay tahay rejada ka bidhimaayso Xarardheere? Waa magaalo u diyaarsan horumar qeyb walbo sida dhameyntirka heykalka dowladnimada sida dhismaha Golayaasha deeggaanka, daadajinta adeegyada dowladda, maalgashiga Soomaalida qurbajoogta iyo mid caalami ah intaba, haddii si buuxda loo xaqiijiyo inta yer ee ka hartay, sidoo kale mabaadii’da adkeynaya jiritaanka dowladnimada iyo tiirar kale oo udub dhaxaadka u ah rejada soo noolaynta Xaradheere. Si kastaba waxayaabaha saldhiga u ah nabad iyo horumarka la gaari karo waxaa kow u ah wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha Amniga oo si buuxda ugu wada shaqeeyo nabaddooda, bulshada oo dhinac walbo uga soo horjeesato wax walbo oo dhaawac u keeni kara nabadgalyadooda iyo hagaajinta nidaamka wadajirka ah. Abdirashid Nur Ibrahim. Senior Journalist, Communication and Media Expert. Email: Cabdirashiid88@gmail.com Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal beeleedka lagu hoobtay ee kasoo cusboonaaday waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.. Macallin Maxamuud ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay inay is laayaan dad walaalo ah oo haddana muslimiin ah, ayna iska dilaan dad badan oo aan waxba galabsan. “War Maxaa la’isku leynayaa maxaa dadka loo dilayaa maxaa dhibaatadaas loo gaysanayaa hadda wax aan cid ka xanuunsaneyo la arag ugu yaraana dhowr boqol oo qof ay ku dhimanayaan waa dhibaato xaqiiqi ah” ayuu yiri Macallin Maxamuud Sheekh Xasan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in culimada Soomaaliyeed ay ka gaabiyeen doorkii ay ka qaadan lahaayeen colaadaasi, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan xalka. “Dhibaatada jirto ayaa waxa ay tahay doorkii culimada ayaa meesha laga waayay, waxaana leeyahay culimada doorkoodii hasoo celiyaan” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu yiri “Waxaan leeyahay qaddiyooyinka noocaas oo kala ah waxaan waydiisaneynaa mar dambe in aysan ka dhicin dadka muslimiinta ah waa dad aan meel kala aadeyn”. Hoggaamiyaha Ahlu-sunna ayaa ugu dambeyntii baaq culus u diray beelaha dagaalamaya, wuxuuna ka dalbaday inay ka waantoobaan dagaalka ay isku laynayaan. “Waxaan soo jeedineynaa oo magaca Ahlu-sunna Waljamaaca kusoo jeedineynaa ummaddu inay ka waantowdo waxaan oo kale, dib dambana aysan uga dhicin” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay socdaan dadaallada lagu heshiisiinayo beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamayaa agga deegaanka Laadheer oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga gobolka Galgaduud. The post Daawo: Hoggaamiyaha Ahlu-sunna oo war culus kasoo saaray dagaalka Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (HOL) — The Ethiopian Human Rights Commission (EHRC) has called for an immediate ceasefire in response to renewed armed clashes, civilian casualties, and displacement in the Afar and Somali regions. Despite a ceasefire agreement reached in April, tensions have escalated since June 6, 2024, leading to sporadic clashes confirmed by regional authorities. Source: Hiiraan Online
-
Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galayay shir ka dhacay dalka Norway oo uu booqasho ku tegay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan kooxda Al-Shabaab. Xasan Sheekh oo wax laga waydiiyay in dowladdiisa ay wada-hadal la fureyso Al-Shabaab ayaa ku jawaabay inay diyaar u yihiin, si wax kasta loogu dhameeo miiska wada-hadalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, isla markaana dowladda Soomaaliyeed ay ku dadaali doonto, sidii loo wada-hadli lahaa. “Waxaan rumeysanahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, goormee ayay diyaar yihiin? dowladda Soomaaliya waa diyaar” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalkaas uu waqti dheer qaadan karo, balse ay ku dadaalayaan sidii loo abuuri lahaa wada xaajoodkaas, kadibna looga miro dhaliyo. “Waxaan rajeyneynaa inay arrintaasi diyaar u noqdaan, marka ay diyaar noqdaan waan wada-hadli doonaa, wada xaajoodkaas wuxuu qaadan karaa waqti, laakiin ugu yaraan waxaan abuuri doonaa waddo cusub” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda dhexe ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda. Dagaalkan ayaa sii xoogeystay kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May ee sanadkii 2022-kii, waxaana Al-Shabaab lagu qaaday dagaal saddex jiho ah. Si kastaba, dagaalka ayaa hadda yare istaagay marka loo eego dardarkii uu billowday, waxaase weli socda qorshaha wajiga labaad oo ay kusoo biiri doonaan ciidamo cusub. The post Daawo: Xasan oo ogolaaday arrin uu muddo diidanaa oo la xiriirta Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
It was a lively Friday afternoon as students, parents and teachers gathered together in the gymnasium for the last quarterly awards ceremony at East African Magnet School in St. Paul. East African Magnet School, located on the corner of Edmund Ave. and Arundel St. in Frogtown, is the nation’s first school dedicated to educating children of East African origin. Source: Hiiraan Online
-
KIGALI (Xinhua) -- Rwanda said it received 113 asylum seekers evacuated from Libya late Thursday, the government announced. Source: Hiiraan Online
-
US says Houthis seek allies in bid to upend global shipping
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
US officials believe that the Houthi rebels in Yemen are pursuing international partnerships with other militant groups as part of their campaign to disrupt global shipping and protest the Israel-Hamas war. Source: Hiiraan Online