Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ten years ago, I had the profound privilege of attending the Somali Diaspora Conference in Istanbul, an event that symbolized the beginning of a deep and enduring partnership between Turkey and Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khodbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka, khudbadda madaxweynaha ayaa taabanaysay dhinacyo badan, xilli si adag uga hadlay dagaalka Al-shabaab iyo xadgudubka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa furitaankii Khudbaddiisa tacsi u diray qoyska iyo dhammaan shacabka geeridii ku timid Allah unaxariistee guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dhowaan ku geeriyooday Muqdisho, isagoo Allah naxariistiisa u weydiiyay. “Waxa aan sidoo kale uga tacsiyeynayaa Barlamaanka Somaaliyeed, anigoo horaanba ugu tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, geeridii waayeelkii Soomaaliyeed, AUN Maxamaed Sh. Cismaan Jawaari, Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka BFS. Waxuu ahaa qof ummadda Soomaaliyeed ay tabi doonto aqoontiisii, kartidiisii, xikmaddiisii iyo wadaninimadiisii. Dhammaanteen Sammir Allaha naga siiyo” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay howlhii baaxadda lahaa ee Baarlamaanka 11-aad uu soo qabtay kalfadhigii 4-aad oo lagu meelmariyay sharciyo iyo cutubyo ka tirsan Dastuurka KMG ah, waxaana uu tilmamay inuu rajo weyn ka qabo inuu soo dhamaado Dastuurka oo la gabagabeeyo sanadkaan. “Waxaan halkan ka bogaadinayaa howlaha baaxadda leh ee uu qabtay Barlamaanka afartii kalfadhi ee la soo dhaafay guuud ahaan, gaar ahaan kalfadhigii afaraad ee uu Barlamaanka 11-aad ku guulaystay ansaxinta afarta cutub ee ugu horreysa Dastuurkeenna KMG ah. Waa howl ina sugaysay in ka badan 12 sano, oo ay u suurtagali waysay Baarlamaanadii 9-aad iyo 10-aad ee aannu lahayn” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweynaha ayaa xusay inaan wali uusan dhammaan xadgudubka dowladda Itoobiya, waxaana Baarlamaanka uu u bogaadiyay qaraarkii laga soo saaray heshiiskii is afgarad ee ka dhacay Addis Ababa sanadkaan bilowgiisii, kaas oo xumeeyay cilaaqaadka labada dowladood ee dariska ah. “Waxaan si gaar ah u xusayaa qaraarkii Barlaamaanka ee ilaalinta gobnimada, midnimada iyo wadajirka dalka, oo jawaab u ahaa xadgudubkii ay dowladda Itoobiya ku samaysay qarannimadaiyo midnimada dadeed iyo dhuleedba ee dalkeenna” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda. “Haddii aan u soo noqdo qaddiyaddii noogu muhimsanayd oo ah dibu-xoraynta, soo celinta nabadda, xasilinta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida. Waxaa marag ma doonto ah guulaha ay gaareen ciidamadeenna xoogga dalka iyo ciidamada Difaaca dadweynaha ee loo yaqaan MACWISLEYDA”. Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Al-shabaab “Waxaan soo booqday maalmo ka hor mid ka mid ah goobahii la xoreeyay sannad ka hor, iyadoo uu isbeddel ka muuqdo dhanka nolosha, dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah” ayuu yiri madaxweynaha Madaxweynaha oo dagaalka ka sii hadlaya ayaa yiri” In ka badan dhowr iyo toban sano ka dib, waxaa imtixaankii dugsiyada sare laga galay degmooyin ay mid yihiin Xaradheere iyo Ceel dheer. Ilaahey mahadi ha ka gaartee, waxaan gaarnay guulo waaweyn. Waana ku sii socon doonnaa la dagaallanka argagixisada ila uu dalkenna xor ka noqonayo. Ma jiro qorshe aan wadanno oo wadahadal nagu dhexmarayo argagixsada aan aqoonsanayn dowladnimada Soomaaliya”. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha laga gaaray sharciyadii sanadkii tagay meelmaray, waxaana uu xusay in la gaaray riyooyin muddo qaranku kusoo taamayay waxaana uu bogaadiyay Baarlamaanka” Laga soo billaabo furitaanka kalfadhigii afraad oo ku beegnaa 24-kii Nofeember 2023; waxaa inoo rumoobay riyooyin ay muddo dheer Soomaaliya ku taamaysay. Maanta Soomaaliya waxay ku guuleysatay: 1. Iney ka mid noqoto iskaashiga dowaldaha Bariga Afrika ee (EAC). 2. Iney dhammaystirto Geeddi socodka dayn cafinta. Lagana cafiyey balaayiin doollar 3. In laga qaado cunaqabateyntii hubka, taasoo saarnayd muddo ka badan 30 sano. 4. In loo doorto xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026. Guulahaas waxa ay astaan u yihiin inaan ka gudubnay marxalado adag oo ka dhashay dagaalladii sokeeye iyo geeddisocodka dowladnimadeenna oo gaabis ahaa sannad badan. Waa guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo wax badan u soo huray si ay ugu noolaadan siyaabaha bulshooyinka kale ee caalamka u nool yihiin. Guulahaas waxay ina saarayaan waajib kale oo ah inaan diiradda saarno sidii aan uga faa’iidaysan lahayn ama aan u xajisan lahayn si aanan dib ugu noqon halkii aan ka soo hayaannay. Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday damaca Itoobiya “Anigoo cuskanayo qaraarkii Barlamaanka ee ilaalinta gobanimada, midnimada iyo wadajirka dalka, waxaan aniga, xukuumadda iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan Gole kasta iyo goob kasta u tagnay, si aan u muujinno mowqifkeenna cad ee ku aadan qaddiyaddeenna” ayuu yiri. “Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto. Shalay iyadaa jabisay daris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamkamaantana iyadaa wali diidan. Itoobiya waligeed inta si darisnimo ah noogu timid marna nagalama hadlin arrimaha maanta taagan. Nasiib darro iyadaa wareegaaleysaneysa meel kasta oo leh ha nala heshiisiiyo Soomaaliya. Soomaaliya ma aha midda xadgudubtay ama diidan heshiis. Xaalka dowladda Etoobiya waa HASHA IYADAA CUNEYSA OO CABAADEYSA. Soomaaliya waxay diyaar u tahay heshiis, nabad iyo deris wanaag. Laakin sida dowladda Itoobiya wax ku waddo ma aha waddo tagto meel nabad ah. Waxaan rabaa inaan caddeeyo wax Cadaawad ah uma qabno Shacabka Etoobiya. Waxaana la jecelnahahy nabad deggenaansho iyo iney ka gudbaan caqabadaha haysta manta” ayuu sii raaciyay. “Toddobaadkii la soo dhaafay walalaheen Turkida ayaa noogu yeeray inaan aqbalno Gogol ay Itoobiya codsatay. Nasiib darro Itoobiya mowqifkeedii waxba iska badalin. Waana middaas sababta keentay in gogosha la madlo, annagoo aanan kulmin. Annagu ma madlin gogosha ee Itoobiya ayaa sidaas codsatay. Waxay horay u codsatay in dib loo dhigo gogol billaw ahayd oo Nairobi ka furantay dibna uguma soo noqon. Waxaan rajeyneynaa tanne in aaney sidii tii hore oo kale ka baxin ballanta aan la soo galnay walaalaheen TURKIYE” ayuu kusoo gabagabeeyay xaaladda Itoobiya. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn dul istaagay dagaallada Ahliga a ee ka dhacaya gobollada dalka waxaana u uku baaqay in laga waantoobo”Waxaan sidoo kale baaqayga mar kale u dirayaa walaalaha Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi, inay walaaltinimada, xilkasnimada iyo taariikhda kaashadaan, una noqdaan jidkii aan isla jeexnay laba maalmood ka hor, saxiixa is afgarad ku sheegga lala saxiixday Itoobiya. Jidkasi waa kii walaaltinimada iyo garawshiyaha oo wali inoofuran, aanna aaminsanahay inuu badbaado u yahay jiritaankeenna ummadnimo, iyo soocelinta karaamadeenna iyo sharafteenna. Haddii aan wadajireyno iyo haddii kala tageyno waa howl u gaar ah oo quseysa dadka Soomaaliyeed oo kaliya. “DFS iyo DG waxay sammeeyeen daallo lagu kala dhexgalayo laguna nabadeynayo degaannada colaadduhu ka jiraan. Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood. Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashada iyo nuuca la aadayo” Waxaan wada xusuusannaa, in 2012kii barlamaankeenna ay soo xuleen odayaal dhaqameed (135) ah oo badankood degganaa hoteello ku yaal caasimadda, halka 2016 kii aan u daadejinnay in lagu soo doorto dowlad gobolledyada. Tiro ka badan 14 kun ay codeeysay. Arrinkaas wuxuu u muuqday isbeddel weyn. 2022kiina in ku dhaw 30kun ayaa codeysay. Manta waxaa nalaga sugayaa inaan dalka u horseedno doorasho toos ah oo guud ahaan shacabka qeybahiisa kala duwan siisa fursad ay ku codeeyaan iyagoo xor ah. Waana siineynaa shacabkeenna fursaddaas insha Allah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gabagabadii hadalkiisa yiri “Waxa aan ku soo gunaanadayaa hadal-jeedinteydakalfadhiga 5aad ee BFS, in anagoo Alle kaashaneyno oo aan ka mshquuleyn inaan wada aragno, Soomaaliya oo ku guuleysatay xoreynta deegaanada wali ku jira gacanta Khawaarijta, dejinta shuruucda aan ku horumarinayno dalka, dhameystirka hey’adaha Qaran ee muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo balaarinta adeegyada bulshada sida ballaarinta waxabarashada ubadka Soomaaliyeed ee gaaray da’da waxbarashada”. Source: goobjoog.com
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ku aadan dagaal beeleedka haatan ka socda gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo. Axmed Madoobe ayaa ugu horreyntii baaq nabadeed u diray beelaha ku diriraya oo uu dagaalkoodu sababay dhimasho, dhaawac iyo in la gubo suuqii weynaa ee degmadaasi. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in xilligan aan loo baahneyn dagaal dhex mara beelaha walaalaha ah, ayada oo xaalad ag markii hore ka jirtay gobolka. “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay tahay wax aan loo baahnayn dagaalka u dhexeeya dadka walaalaha ah ee ku nool degmada luuq iyadoo dadka deegaanka ay kasoo kabanayaan saamaynta fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay sanadkii hore walina ay jirto saamaynta ay xaaladaas ku reebtay nolosha bulshada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhibaatada ka dhalatay colaaddan ay saameyneyo dhinacyada dagaalamaya iyo dadka rayidka ah ee degan magaalada. “Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee naf iyo maalba leh ay taabanayso dhammaan dhinacyada loona baahan yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dagaalka” ayaa lasii raaciyay. Axmed Madoobe ayaa dhinac kale digniin u diray ciidamada ku sugan Gedo ee ku biiraya dagaalka, isaga oo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono. “Madaxweynahu wuxuu digniin adag u diray askarta ku milmaysa shaqaaqadan isagoo xusay in askariga ku lug yeesha dagaalkan talaabo adag laga qaadi doono” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Ugu danbayn madaxweynaha Jubbaland ayaa faray maamulka gobolka Gedo, kan Degmada luuq iyo hay’adaha amniga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagan sidii shaqaaqadan loo joojin lahaa. Dagaalka Luuq oo shalay soo bilowday ayaa u dhexeeyo labada beelood oo wada dega degmadaasi, wuxuuna sababay khasaare xoogan iyo barakaca dadka deegaanka. The post Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka ka socda degmada LUUQ appeared first on Caasimada Online.
  4. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud revealed that Ethiopia requested international facilitation for talks with Somalia regarding the controversial agreement between Ethiopia and Somaliland. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (PP Comment) — The latest editorial on Somali politics by Matt Bryden of Sahan Research, an organisation owned by Matt Bryden, highlights what is wrong with the pontifications of wannabe modern buccaneers in Africa. What constitutes knowledge about Somali politics is now up for grabs, given the emergence of outfits such as Sahan that claim to have expertise on the countries they write about. Their claim to expert knowledge is often based on a previous stint of working in Somalia as a UN worker or as a field researcher contracted by a development agency affiliated with the EU, USA, or UK. Sahan serves to portray Somalia as an existential threat to the interests of the West by publishing unfounded information. Its latest editorial on reports that Somalia is open for talks with Al-Shabaab, Bryden recycles his 2021 essay entitled “Fake Fight: The Quiet Jihadist Takeover of Somalia.” It is an open secret that Bryden dismissed the sovereignty rights of Somalia earlier this year when he was interviewed by Al Jazeera about the illegal maritime Memorandum of Understanding between Ethiopia and the secessionist administration in Northern Somalia. Sahan equates proposed talks with Al-Shabaab and the rejectionist ideology of secessionists when it opines thus: “With negotiations, the future of electoral democracy in Somalia would be forfeit. Al-Shabaab rubbishes the very concept of popular sovereignty and with it, the notion of political alternation.” Any talks with Al-Shabaab will have preconditions, such as full respect for the territorial and political sovereignty of Somalia. This basic principle closes the door to any anti-sovereignty ideology and the forces of transnational terror organisations intent on turning Somalia into ungoverned spaces. In her essay “How to Write About Somalia,” Professor Safia Aidid offered pointers for those who want to write about Somalis stereotypically : “Always use the words ‘crisis,’ ‘instability,’ ‘conflict,’ ‘anarchy,’ or ‘terror’ in your title. Subtitles may include the words ‘refugee,’ ‘militant,’ ‘warlord,’ ‘failure,’ ‘collapse,’ ‘clan,’ ‘radical,’ ‘terrorist,’ ‘extremist,’ or ‘pirate.’ Also useful are words such as ’nomadic,’ ‘pastoral,’ and ‘tribal,’ as well as made-up verbs combined with these other words, like the ‘Somalization of the crisis.’ Sahan Research took this advice to heart. © Puntland Post, 2024 The post Sahan Research and the Art of Writing about Somalia appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad u jeediyay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag ugu jawaabay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo dhowaan ka hadlay xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska uu la galay Somaliland. Abiy Axmed ayaa markale ku celiyay muhiimada ay Itoobiyaanka u leedahay helitaanka bad, isaggoo xusay in xitaa Soomaaliya ay badda kaga beddelan karto wax soo saarkooda khudaarta. “in qarashka dowladda Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1KM oo Muqdisho laga dhiso oo ay ka faa’iideystaan shacabka waxaad imaan kartaan Addis Ababa, diyaar ayaa u nahay in aan idinla hadalno, mana rabno in Soomaaliya burburto ama kala qeybsanto,” ayuu horay u yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay hadalkaas ayaa sheegay in waxa wareegaya caalamka ay tahay Itoobiya oo khaladka gashay, wuxuuna ku eedeeyay inay jebisay darisnimadii iyo xeerarka caalamiga ah ee looga dhaqmo adduunka. “Dowladda Itoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyada oo ka carareysaa qaladkii ay shalay gashay ee diblumaasiyadeed iyo kii xeerarka caalamiga ahaa ee dunida ilbaxa ah ay ku dhaqanto maanta” ayuu ku jawaabay madaxweynaha. Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Itoobiya aanay weligeed Soomaaliya ugu imaanin darisnimo iyo wanaag, isla markaana ay weli diidan tahay waddada saxda ah. “Shalay iyada ayaa jebisay darisnimadii iyo ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah, maantana iyada ayaa weli diidan inaan u noqono waddada saxda ah. Itoobiya weligeed inta darisnimo noogu timaaday nagalama hadlin arrimaha maanta taagan nasiib darro iyadaa wareegeyso oo leh hanala heshiisiiyo Soomaaliya” ayuu kusii daray madaxweynuhu. Sidoo kale waxa uu yiri “Soomaaliya ma’aha midda xadgudubtay ama diidan heshiis, xaalka Itoobiya waa hasha iyadaa cuneyso oo cabaadeyso., Soomaaliya waxay diyaar u tahay nabad iyo heshiis”. Madaxweynaha oo soo hadal qaaday wada-hadalladii ka dhacay dalka Turkiga ayaa sheegay in ay ku yimaadeen dalab ka yimid Itoobiya, isla markaana ay isla iyada fashilisay, isaga oo sheegay inay diiday inay ka laabato mowqifkeeda ku aadan heshiiska badda. Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay u diyaar u tahay heshiis, nabad iyo darisnimo, si loogu wada noolaado xasilooni waarta. The post Madaxweyne Xasan oo u jawaabay Abiy: Itoobiya iyadaa cuneysa oo cabaadeysa appeared first on Caasimada Online.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo ku jooga dalka Ciraaq ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Labada Ra’iisul Wasaare kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed AlMakhzoumi, iyo Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Source: goobjoog.com
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khodbad ka jeediyay furitaanka kal fadhiga baarlamaanka ayaa si kulul uga warceliyay hadal uu dhowaan yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa in Soomaaliya ay dalalka caalamka dacwad ayaga ka dhan ah la wareegayso. Madaxweynaha ayaa sheegay inay Itoobiya ayadu dunida wareegayso, ayadoo ku calaacalaysa Soomaaliya ha nala heshiisiiyo, balse ay ayadu gefka gaysatay ayna mid tahay hashii ayadu geela cunaysay, haddana cabaadaysay ee murti lagu xusi jiray. Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkii magaalada Ankara ee dalka Turkigu uu guuldarraystay, ka dibna mar kale la hadlay, asagoo xusay in Itoobiya ay weli ku taagantahay mowqifkeedii xadgudubka ahaa ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dhanka ahaa. Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu hoggaanka iyo waxgaradka Soomaalilanda ugu baaqay inay garaadkooda iyo ilbaxnimadooda kaashadaan, kana fiirsadaan go’aanka guracan ee ay badda xabashida ugu gacan galinayaan. ” haddii aan wadajirayno iyo haddii aan kala tageyno waa howl u taalla dadka Soomaaliyeed oo keliya ee meelo kale iyo shisheeye ma qusayso” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, asagoo khodbad u jeedinayay labada gole ee Baarlamaanka. Itoobiya ayaan weli ka tanaasulin go’aankeedii xadgudubka ahaa, balse waxay garan la’dahay sidii ay fulintiisa ugu dhiiran lahayd sida ficilladeeda ka muuqata, balse dowladda Soomaaliya iyo dadweyneheeda oo kaashanaya saaxiibadooda dunida ayaa arrintaas geeri ka xega. Source: goobjoog.com
  9. Luuq (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xaaladda kacsan ee degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana mar kale dib uga qarxay goordhow dagaal culus oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleed ku wada sugan halkaasi. Dagaalka ayaa sii weynaanayo, waxaana uu ku sii fidayaa goobo horleh ayada oo la’isku adeegsanayo hub culus, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Luuq ay ka billowdeen isku dhacyo qabiil isla markaana dad badan oo ay ku jiraan haween lagu dilay shaqaaqooyin ka dhacay halkaasi. “Xaaladda gobolka Gedo xoogaa isku dhac qabiil ayaa ka jiro laba beelood oo dadkii meesha daganaa ah ayaa isku dhacay dadna waa la laayay illaa 4 qof meelahaas, guryo badana waa la gubay” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka uu yeeshay weji cusub, ayna ku biireen ciidamadii joogay degmada Luuq, kadib markii ay lasoo safteen dhinacyada dagaalamaya. “Dhibaatada ugu wayn ee meesha ka jirto waxaa weeye ciidamo dowladeed ayaa joogo oo milatari u badan oo meesha fariisin ku lahayn oo fasax ku jooga iyagaa shidada daraf ka ah oo qabiilka la socda haddii lasoo duu duubo intaas ayaa meesha ka jirta” ayuu raaciyay. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dambiga dadka kama wada dhexeeyo dadbaa gaystay waana la garanayaa, iyaga ayaana qaadayo mas’uuliyadda”. Guddoomiye Cabdullahi Shimbir ayaa ugu dambeyn baaq nabadeed u diray dhinacyada dagaalamaya, wuxuuna ka codsaday inay ilaaliyaan nabadda iyo darisnimada. Waxaa ugu baaqayaa shacabka xasiloonida iyo deganaashaha inay ilaaliyaan dagaal waxba micno ma sameynaayo, waxaana dhihi lahaa nabadda ilaaliya” ayuu mar kale yiri. Dagaalkan sii xoogeysanaya ayaa ka bilowday laba askari oo kamid ahaa ciidamada jooga halkaas, kuwaas oo murmay ayada oo mid kamid ah goobta lagu dilay, sida ay sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Kadib xaaladda ayaa kasii dartay waxaana la gubay suuqii weynaa ee degmada iyo kaam barakac oo ku yaalla halkaasi, taas oo keentay in dagaalku uu yeesho saameyn xoogan. Si kastaba, xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana gurmadyo helayo dhinacyada dagaalamaya oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada qaybo kamid ah gobolka Gedo. The post Ciidamada dowladda oo ku biiray dagaalka LUUQ iyo xaalada oo faraha ka baxday appeared first on Caasimada Online.
  10. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani. Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal. Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi, iyo Taliyaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Ciraaq oo si maqaam sare leh u qaabilay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtomadaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka 1446-ka awgii. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149; Markaan Tixgaliyey: War-bixinta Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/233/2024, kuna taariikhaysan 01/07/2024; Markaan Arkay: Qoraalka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ujeeddadiisu tahay Soo-jeedin Cafis Guud, summaddiisuna tahay XIG/JSL/265/2024, kuna taariikhaysan 06/07/2024; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 377 (Saddex Boqol iyo Toddoba iyo Toddobaatan) maxbuus, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka ee 1446 awgeed. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
  12. The first Somali Diaspora Conference was held in Istanbul 21 and 22 June, 2014. Shamso Sheego ( first on the left in the front row (seated). Ten years ago, I had the privilege of attending the Somali Diaspora Conference in Istanbul, an event that symbolized the beginning of a deep and enduring partnership between Turkey and Somalia. As I arrived in Istanbul, the warmth and hospitality of Turkey enveloped me. From the moment I landed at Sabiha Gökçen Airport, the beauty of Istanbul and the kindness of its people made huge impression on me. The conference was opened by Turkish Ambassador to Somalia, Mr. Cemalettin Kani Torun, with a heartfelt greeting: “Ladies and Gentlemen, brothers and sisters; Welcome to Istanbul. Soo dhowaada!” These words set the tone for an event characterized by solidarity and hope. Turkey’s engagement with Somalia had been growing since President Recep Tayyip Erdoğan’s landmark visit to Somalia in 2011—a visit that marked the behing of a special relationship between the countries. President Erdoğa was not the first leader to visit Somalia since the civil war erupted, but his visit was profoundly different. Accompanied by his family and key members of his cabinet, President Erdoğan’s visit to Somalia boosted the momentum to consolidate the state-building initiatives that culminated in the end of the transitional period (2000-2012). Unlike other foreign dignitaries who remained in highly protected zones, he walked through the city, touching the hearts of many by visiting internally displaced persons (IDPs) camps and empathizing with Somali children. Images of these moments, capturing Erdoğan and his wife comforting children, resonated deeply with the Somali community worldwide. Moved by these acts of compassion, the Somali diaspora, including myself, organized gratitude campaigns and visited Turkish embassies with flowers to express our heartfelt appreciation. Personally, I had the honor of meeting President Erdoğan during that conference, a memory I cherish deeply. Meeting him and witnessing his genuine concern and commitment to Somalia was transformative. Erdoğan’s humility and dedication were evident when he met with a delegation of blind Quran Hafids, reminding us all that true blindness is of the soul, not the eyes. A decade later, Turkey’s commitment to Somalia remains unwavering. Turkey continues to be a critical ally in Somalia’s journey towards stability and prosperity. Recently, this partnership took a significant step forward with the signing of a defense pact aimed at protecting Somali waters. This agreement is crucial for safeguarding Somalia’s maritime sovereignty and ensuring the security of its vital resources. In addition to defense cooperation, Turkey has been instrumental in mediating regional tensions. Amidst Ethiopia’s attempts to sign a Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland Administration (secessionist administration) in northern Somalia, Turkey has been striving to mediate between Somalia and Ethiopia. This diplomatic effort underscores Turkey’s role as a peacemaker, committed to maintaining a rules-based global order and well as the territorial integrity of Federal Republic of Somalia and promoting regional stability. Reflecting on the past ten years, it is evident that Turkey’s support has been a beacon of hope for Somalia. The bonds forged through shared hardships and mutual respect have strengthened over time, creating a partnership that is both strategic and genuine. President Erdoğan’s words a decade ago still resonate with me: “Wa itasimuu bihablillahi jamee’ an walaa tafaraqoo” (And hold firmly to the rope of Allah all together and do not become divided). As I look to the future, I remain deeply grateful for Turkey’s unwavering support. The journey towards peace and stability is ongoing, but with allies like Turkey, there is confidence that Somalia will continue to rise. Tüm yardımlarınız için teşekkür ederiz (Thank you for all your help)! May the bond between Turkey and Somalia continue to flourish, bringing about a brighter, more prosperous future for both nations. Shamsa Sheegow is Somali social and climate activist, is the founder of Badbaado Deegaan (Save The Environment). A tree planting organization with focus on Somalia. She is also the Author of the novel Geeltoosiye. Connect with her on X @SpotOnSomalia. Link to the book: How to buy :: shamsasheegow (webnode.se) The post A Decade of Partnership: The First Somali Diaspora Conference in Istanbul appeared first on Puntland Post.
  13. Baqdaad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo haatan ku sugan dalka Ciraaq ayaa maanta soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad, wuxuuna kadib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa wadkdanaasi Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani. Labada ra’iisul wasaare kulankooda waxa ay kaga wada-hadleen afar qodob oo ka ah xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal. Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa dhiggiisa la wadaagay horumarada ay gaartay dowladda Soomaaliyeed ee ku aadan amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada oo halis ku haya labada dowladda. Kulamada ayaa sii socon doonaan ayada oo diiradda lagu saari doono sii xoojinta iskaashiga ka dhexeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Baqdaad, si ay u yeesheen xiriir ballaaran. Wafdiga ra’iisul wasaaraha waxaa ka mid ah wasiirrada arrimaha dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cig Isbeddelka Cimillada Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi iyo taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Wasiirada ayaa sidoo kale kulamo duceedyo la yeelan doono wasiirada dhiggooda ah ee Ciraaq, si ay uga wada-hadleen arrimaha quseeya wasaaradahooda iyo wada shaqeyn dhex marta labada dhinac. Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay safaro ku bixinayay qaar kamid ah waddamada saaxibka la ah Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka dariska ah ee Kenya. Waxaa sidoo kale oo uu ubaxay safaro kale oo dibadeed, isaga oo ka qayb-galayay shirar caalami ah oo uu ku metalay dowladda federaalka aha ee Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan diiradda saartay horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayada oo door muuqda ku leh fagaareyaasha caalamka, si ay wax ula qaybsato dalalka lamid ah ee dhiggeeda. The post Ra’iisul wasaare Xamza oo 4 qodob kala hadlay dhiggiisa dalka Ciraaq + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  14. Wararka naga soo gaarayo degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya laba beelood uu ka dhacay degmadaas, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, xilli la gubay suuqa degmada. Dadka geeriyooday ayaa gaaraya ilaa 5 ruux, waxaana wararku sheegayaan in sedex kamid ah ay yihiin dumar, dagaalka ayaa ka bilowday dil ay isku geysteen laba nin oo ka kala tirsanaa labada maleeshiyo beeleed. Marka laga soo tago geerida dadka waxaa sidoo kale oo jira dhaawaca sedex ruux, sida uu sheegay laanta VOA-da Cabdirashid Ugas Bilow Ugas Xandulle oo ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada oo manta shaqaaqo ka dhacday. Ugaaska ayaa sheegay in arrintaan ay salka ku heyso dhul ku yaallo degmada, kaas oo dhowr jeer la isku qabsaday, waxaana intaas uu raaciyay in maamulka degmada dhowr jeer isku dayay inuu kala dhexgalo laakiin ku guuldareystay. Dagaalka ka dhacay magaalada Luuq ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer dagaallo sidaan uga dhaceen aan lagu guuleysan in xal laga gaaro, dagaallada dhacaya ayaa inta badan salka ku haya dhul la isku hayo in la deegaameeyo. Source: goobjoog.com
  15. Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu xiray suxufi Siciid Nadaara oo wax ka qora arrimaha bulshada. Waaxda danbi-baarista u qaabilsan Booliska Puntland ee C.I.D ayaa saaka su’aalo weydiin ugu yeertay suxufi Siciid Nadaaro kadibna xabsiga u taxaabay sida ay wararku tilmaamayaan. Weriye Siciid Nadaara oo soo gudbiya wararka ku saabsan arrimaha bulshada ayaa la sheegaya in uu hadda ku xiran yahay xarunta waaxda danbi baarista C.I.D ee magaalada Gaalkacyo. Suxufigan ayaa maalmihii u danbeeyay soo gudbinayay warar la xiriira Canshuuro la kordhiyay, adeegyada dowladda oo lacago lagu kordhiyay iyo lacago ka baxsan canshuurta oo gaadiidka looga qaado kontoroolka waqooyi ee Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Puntland oo xabsiga u taxaabtay suxufi Siciid Nadaara oo wax ka qora arrimaha bulshada appeared first on Puntland Post.
  16. Mascuud Bezeshkiyaan oo ah qunyar-socod ah aanan magac weyn ku laheyn siyaasadda Iran, ayaa ku guuleystay doorashadi ku celiska aheyd ee Jimcihi shalay ka dhacday dalka Iran. Wasaaradda arrimaha gudaha Iran ayaa aroornimadi hore ee Sabtidi saakay shaacisay, in Pezeshkian doorashada kaga guuleystay Saciid Jalili oo ah murashax taageero buuxda ka heystay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran. Madaxweynaha la doortay ayaa helay codad dhan 16.3 milyan, halka Jalili uu keenay 13.5 milyan oo cod. Wasaaradda gudaha Iran waxay sheegtay, in guud ahaan ay codadkooda dhiibteen ilaa 30 milyan oo ruux. Pezeshkian oo ballan qaaday inuu Iran u furi doono dunida inteeda kale isla markaana gaarsiin doono shacabka xorriyadda ay in badan ku taamayeen, ayaa ah dhaqtar 69 jir ah oo ku taqasusay qalliinka wadnaha. Wuxuu sidoo kale horay u ballan qaaday inuu horumarin doono siyaasad dibadeed oo dhab ah, si uu u yareeyo xiisadaha wada-xaajoodyada hadda hakadka ku jira ee quwadaha waaweyn ee khuseeya soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka ee 2015. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay taageerayaasha Pezeshkian oo waddooyinka ku qoob-ciyaaraha halka qaarkoodna ay yeerinayeen hoonka baabuurta dhowr magaalo oo waddanka ka tirsan. Magaalada uu kasoo jeedo ee Urmia ee dhacda waqooyigalbeed ee Iran, dadweynaha ayaa qeybinayay macmacaan si ay u muujiyaan farxadda doorasho u muuqato inuu ku guuleystay wiilka degmadooda. Doorashadan ayaa aheyd mid waqtigeeda laga soo hormariyay, kaddib marki uu shil helikobtar ku geeriyooday madaxweynihi hore ee I Source
  17. Dooni xoolo siday oo xalay ka dhaqaaqdey dekada magaalada Berbera ayaa la sheegay inay saaka ku degtay Badweynta. Suldaan Ayaanle Suldaan Maxamuud oo ah suldaanka guud ee Awal Bari ayaa saab Tv u xaqiijiyey In doontan oo magaceedu yahay SK Marwah oo siday xoolo tiradoodu dhan tahay 1780 neef oo isugu jiray adhi iyo lo’ una rarnayd ganacsato reer Somaliland xoolaha dhoofisa, kuna socotay dalka Yemen ay ku degtay meel u dhaw marin biyodka Baabul Mandab ee badweynta. Sidoo kale waxa doontan degtay saarnaa shaqaale dhan 10 qof baxaari ah iyo naakhuudihii doonta waday, kuwaasi oo aan ila hadda raq iyo ruux midna aan laga haynin. Ilaa hadda lama oga sababaha keenay inay doontan siday xooluhu ee ka baxday dekedda Berbera ay ku degto xeebaha dalka Yemen. Suldaanka ayaa Ilaahay uga baryey ganacsatada xooluhu ka khasaareen inuu cawil naq khayr qaba siiyo, isagoo sidoo kale Ilahaay ka baryey in shaqaalaha doonta la socday la soo samata bixiyo iyagoo nool. Source
  18. Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ugu dhintay magaalada Boorama roob dabeylo watay oo shalay ka da’ay magaalada iyo hareeraheeda. Dabeylaha ayaa sidoo kale waxyeello gaadhsiiyay meelo ay ka mid tahay xarunta Jaamacadda Camuud. Source
  19. Boqorka UK, Charles III ayaa shalay Jimcihii ah si rasmi ah ugu magacaabay hoggaamiyaha Xisbiga Labor-ka Keir Starmer raysal wasaaraha cusub ee Britain. Sawirro laga sii daayey qasriga Buckingham Palace ayaa muujiyey Starmer oo gacan qaaday Boqorka, kadib markii xisbigiisa ay guul aqlabiyad xooggan leh ka gaadheen doorashooyinkii dhacay Khamiistii. Boqorka ayaa goor sii horreysay aqbaly is-casilaadda hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka ra’iisul wasaare Rishi Sunak. “Boqorku waxa uu maanta qaabilay mudane xildhibaan Sir Keir Starmer, wuxuuna ka codsaday in uu dowlad cusub soo dhiso,” ayaa lagu yidh bayaan ka soo baxay qasriga. “Sir Keir wuu aqbalay soo jeedinta boqorka, wuxuuna dhunkaday gacmahiisa kadib markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha iyo Sayidka Koowaad ee Maaliyadda.” Keir Starmer ayaa Jimcihii balan qaaday in xukuumadiisa Labour-ka ay laga billaabo maalinta koowaad ka shaqeyn doonaan dib u cusboonaysiinta qaranka, isaga oo xafiiska 10 Downing Streat ka hor jeediyey khudbaddii ugu horaysay ee isaga oo ra’iisal wasaare ah. “Shaqada isbedelka si degdeg ah ayey u billaabmaysa. Laakiin shaki ha ka qabin, waxaan dib u dhisi doonnaa Britain,” ayuu yidhi, ka dib markii Labour-ka uu soo afjaray 14 sano oo xukunkii Conservative-ka. Source
  20. Korontadu waa arrin nolol iyo geeri u ah wiilka Tetiana. Wuxuu dhashay isagoo naafo ah, wuxuuna u baahan yahay qalab koronto ku shaqeeya si uu u sii noolaado, wax u cuno, iyo inuu dawo helo. “Aad ayaan ugu tiirsanahay korontada, haddii uusan ahayn dagaalkan dhiigga badan ku daatay, noloshu wey ka duwananaan lahayd sidan, laakiin waan la qabsan karnaa,” Tetiana ayaa u sheegtay BBC. Ukrainiyiintu waxa ay baranayaan in ay ku noolaadaan mugsiga, iyada oo Ruushku uu sii wado in uu garaaco xarumaha tamarta ee dalka oo dhan. Tetiana, oo ku nool magaalada dekedda leh ee Odesa, ayaa sheegtay in korontada aan la’isku halleyn karin ay nolosha ka dhigayso mid aad u adag sababtoo ah waxay u baahan tahay inay hubiso in korontadu ay joogto tahay. Waxa ay haysataa matoor shidaal ku shaqeeya oo u baahan in mar walba lagu shubo, laakiin waa in la damiyo lixdii saacadoodba mar si loo qaboojiyo. Korontadu waxay sidoo kale saamaysaa taleefanka gacanta, sidaa darteed u helidda adeegga ambalaasta ee wiilkeeda waxay noqon kartaa halgan iyo dhibaato kale. “Mararka qaar waxay qaadataa nus saac, mararka qaarkood waa saacad ka hor inta aysan ambalaasku imaan,” ayay tiri. “Wiilkeyga wuu dhiman karaa haddii uusan helin Ogsajiinta.” waxana muuqata in dadka reer Ukraine ay baahi badan u qabaan isticmaalka qaboojiye-yaasha. Caasimadda Ukraine ee Kyiv ayaa muddo dheer laga dareemayay koronto la’aan. Roksolana waxaa doortay dadka deggan gurigeeda oo ka kooban 24 dabaq si ay gacan uga geysato socodsiinta qalabka korontada ee dhismaha. IsbitaalladaXIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Waxay sheegtay in ku noolaanshaha dhismooyinka qaar aanay ahayn mid sahlan sababtoo ah korontadu waxay sidoo kale ka dhigan tahay in haddii ay maqan tahay aysan biyo jirin. “Wiishashka sidoo kale ma shaqeeyaan, markaa hooyooyinka caruurta leh iyo dadka naafada ah waa inay sugaan. Waxay qorsheynayaan in ay bannaanka u baxaan kaliya xilliga ay koronto jirto, waxa ay raacisay. “Waa inay gudaha ku jiraan lix saacadood, haweenkeena waayeelka ah uma soo bixi karaan dukaamada si ay u helaan rootigooda.” Magaalada Zaporizhzhia, dhakhtarka ilkaha Volodymyr Stefaniv ayaa sheegay in ballamaha dib loo dhigo waqtiga ugu dambeeya, waxaana jiray marar koronto la waayay intii lagu jiray qalliimo adag. “Haddii ay tani dhacdo, waxaanu bilownaa in aan ku howlgalno matoorradeenna si aan u dhamaystirno wixii aan bilownay. Ma jirto waddo kale, uma sheegi karno bukaanka inuu soo noqdo berri,” ayuu yiri. “Run ahaantii dhowr toddobaad ka hor korontadu waxay noqotay mid marar badan la waayay. Dabcan aad bay u adag tahay carqaladeyntan.” Si loo sameeyo hawlgallo deg-deg ah inta lagu jiro mugdiga iyo qalliinka, Mr Stefaniv wuxuu isticmaalaa tooshka madaxa. Tani waa xirfad uu kasbaday oo uu hagaajiyay markii uu daweynayay askarta jiidda hore, shirkaddiisuna waxay wali siisaa adeegyo bilaash ah ama qiimo dhimis ah xubnaha ciidamada Ukraine. “Waxaan daweyn karaa koronto la’aan. Waxaan barannay inaan qalliinno fulinno koronto la’aan,” ayuu yiri. bbcsomali Qaran News
  21. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Friday congratulated Britain's new Prime Minister Keir Starmer after his Labour Party came to power after 14 years. Source: Hiiraan Online