-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Cabdiraxmaan SH. Maxamed Xasan Gablax oo katirsan Barlamaanka Puntland degaan doorashadiisuna tahay gobolka Mudug ayaa ka digey heshiis ay guddiga gacanta ku haya dekedda Garacad la galaan shirkad laga lee yahay waddanka Imaaraadka Carabta. Gablax ayaa uga digey guddiga Wadaagsin ee dekedda maamula in ay galaan heshiis aan la shaacin, wuxuuna xusay in heshiis aan lagala tashan waxgaradka iyo bulshada gobolkaasi uu wiiqi doono xiriirka ka dhexeeya Imaaraadka iyo bulshada Soomaaliyeed. “Anigoo ku hadlaya xilka xildhibaanimo ee laga soo doortay degmada Jarriiban, waxaan halkaan uga digayaa Guddida Shirkadda Wadagsan inay ku degdegaan heshiis aan la shaacin oo khuseeya Dekedda Garacad oo ay la galaan shirkad ay dawladda Imaaraadka Carabtu leedahay. “Shirkada Wadagsan keligeed iskama leh dekedda Garacad. Odoyaasha iyo dadka aan kasoo jeedo ee Mudug lagalama tashan hantidooda ay maalgashadeen, waxayna ka walaacsan yihiin hubanti la’aanta uu heshiiskani ka dhex abuuri karo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta” ayuu yiri Xildhibaan Gablax. PUNTLAND POST The post Digniin laga soo saaray in Imaaraadku la wareego dekedda magaalada Garacad appeared first on Puntland Post.
-
Ciiddu guud ahaan dadyowga islaamka ee daafaha dunida ku kala nool iyo bulshooyinka deriska la ahba waxay u tahay ammin ama xilli farxad iyo rayn rayn leh oo dabbaaldeg iyo niyaayar astaan u ah, islamarkaana dareen wanaagsan iyo baraare mariiman. Inta lagu jiro dharaaraha labada ciidood Soomaalidu waxay caan ku yihiin is booqashooyinka qaraabada, tagista goobaha dalxiiska, iyo is guddoonsiin hadiyada gacaltooyada iyo farxad wadaagga xambaarsan. Wanaag wax kaama dhimo ee lur u toog hay waa oraahda Soomaalidii horee damaashaadka iyo socdaalka qoysaska ee maalmahan waxaa ka dhasha waxyaabo halis ah oo aanay dadku ku baraarugsanayn. Halistaas waxaa qeyb ka ah lumidda carruurta ee goobaha dalxiiska iyo raacidda gaadiidka ayadoo aan qof weyni la socan, taas oo sababi karta in ubad badani ay guryohooda ka ambadaan, islamarkaana baadigoobkoodu dharaaro idil lagula dhibtoodo. Jidadka iyo meelaha mashquulka badan ayaa mararka qaar lagu arkayaa carruur yar yar oo aan cidana la socan, kuwaas oo dadka weydiinaya goob magaalada kamid ah oo aanay dhinaca ay ka jirto garanayn, balse uu socdaalkoodu ku jeedo. Sidoo kale waxaa kamid ah qalabka ay carruurtu ku cayaaraan, gaar ahaan kuwa hubka u eg oo nabad-galyada lid ku noqan kara, islamarkaana kooxo ma naxayaal ihi ay dadka ku qalqal-gelin karaan, ama ciidanku intay qoryo iyo bastoolada run ah moodaan ay ilmaha wata waxyeello aan ku talo-gal ahayn u geystaan. Goobaha dalxiiska qaarkood ayaa ayagana dhib lagala kulmi karaa, gaar ahaan ku damaashaadka doomaha oo dadka aan dabaasha aqoon naftooda halis gelin karta, islamarkaana loo baahanyahay in laga foojignaado. Si kastaba ha ahaatee dadweynaha waxaa la gudboon inay ka foojignaadaan saameynta taban ee ka dhalin karta dharaarahan farxad leh, balse dammanaanta iyo dareen la’aanta aan ku feecnayn oo taxadarku uu lama huraanka yahay Source: goobjoog.com
-
Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa kala diray Golihii Wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa, kaasi oo u xil saarnaa inuu hago dagaalka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Israa’iil. Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii xubin muhiim ah oo ka tirsanaa golaha uu ka baxay dowladda, sababo la xidhiidha niyad jabka ka dhashay qaabka uu hogaamiyaha Israa’iil u maareeyay dagaalka. Tallaabada uu maanta qaaday Netanyahu ayaa si weyn loo filayey ka dib ka bixitaankii Benny Gantz ee dowladda ee horaantii bishaan, taasi oo uu sheegay inay timid ka dib markii ay sii kordheen niyad jabka ka dhashay sida Netanyahu uu u maareeyay dagaalka. Maqnaanshaha Gantz ayaa ka dhigtay Netanyahu inuu ku tiirsanaado xulafadiisa xagjirka ah, si u xukunka usii wado, waxaana kala dirida Golaha Wasiirada ee dagaalka ay hoosta ka xariiqaysaa in isbedel uu socdo iyadoo Israa’iil ay sii wado dagaalka sideedda bilood ka badan socda ee Gaza. Saraakiishan, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo la xidhiidha in aan loo ogolayn in ay warbaahinta kala hadlaan isbadalka dhacay, ayaa sheegay in hadda kadib Netanyahu uu madal kooban oo ka mid ah xubnaha dowladdiisa kala hadli doono arrimaha xasaasiga ah ee ku hareereysan dagaalka Gaza. Waxaa kuwaas ka mid ah golaha amniga, halkaasi oo xulufadiisa midigta fog ee ka soo horjeeda heshiis xabad-joojoin, islamarkaana taageersan in dib loo qabsado Gaza, ay xubno ka yihiin. Golaha Wasiirada ee dagaalka ayaa la dhisay maalmo kadib bilowgii dagaalka Gaza, markii Gantz oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee siyaasadda dhexe uu ku biiray xulufada, si loo muujiyo midnimo kadib weerarkii ay Xamas ku qaaday Israa’iil 7-dii October. Gantz ayaa dalbaday gole kooban oo yar in ay hagaan dagaalka, isaga oo isku dayaya inuu dhinac u riixo xubnaha midigta-fog ee dowladda Netanyahu. Waxa ay ka koobnaayeen saddex xubnood oo kala ah Gantz, Netanyahu iyo wasiirka difaaa Yoav Gallant, waxayna si wadajir ah u qaadan jireen go’aanada intii uu socdal dagaalka. Is-casilaadda Gantz, ayaa in kasta oo aysan halis ah toos ah ku hayn xukunka Netanyahu, waxay haddana ruxday siyaasadda Israa’iil xilli xasaasi ah. Madaxii hore ee militariga Israa’iil ayaa loo arkay mas’uul xoojiyey muuqaalka Israa’iil ee saaxiibada caalamka, xilli Israa’iil ay ku jirto xilligeedii loogu go’doominta badnaa. Dowladda Netanyahu ayaa ah tii ugu diin ay garab midigsaneyd abid. Hanaanka baarlamanka Israa’iil ee kala qeybsanaanta badan, ayaa Netanyahu ku qasbay in uu caawimaad ka raadiyo xisbiyada yar yar ee midigta. Islamarkaana ayada oo aysan jirin taageerada xisbiga Gantz, Netanyahu ayaa waxaa qasab ku noqon kara in uu usii durqo dhanka xulufadiisa midigta, kuwaas oo marar badan ballan-qaaday inay ridi doonaan dowladda haddii aan la fulin dalabyadooda. Dadka dhaliila ayaa sheegaya in go’aanada Netanyahu ee dagaalka ay si weyn u saameeyeen xagjiriinta ku jira dowladdiisa. Netayahu ayaa beeniyey eedeymahaas, wuxuuna sheegay inuu maanka ku hayo waxa ugu wanaagsan dalka. Source
-
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa uga digay xujayda inay qaadaan tallaabooyin ay iskaga ilaalinayaan kuleylka daran, kaddib markii dowlada Urdun ay sheegtay in 14 ka mid ah muwaadiniinteeda ay u dhinteen kuley intii lagu jiray cibaadada gudashada waajibaadka xajka. Fahad bin Abdurrahman Al-Jalaajel, oo ah wasiirka caafimaadka Sacuudiga, ayaa ugu baaqay xujeyda in ayay iska ilaaliyaan fuuq baxaan ayna isticmaalaan dallad si ay kaga hortagaan qorraxda kana fogaadaan meelaha kulul. Wasiirka ayaa wuxuu intaas ku daray in dhakhaatiirtu ay daweeyeen 2,764 xujey ah kulayl dartii Axadii, taasoo ku asteysan maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ee Muslimiinta. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jordan ayaa sheegtay Axadii in 14 xujey ah ay u dhinteen qorraxdu halka 17 kalena la la’yahay. Waxay sheegtay in dadka dhintay aysan ka mid ahayn wafdiga rasmiga ah ee Xajka ee Jordan iyadoo aan la sheegin meesha iyo goorta ay dhinteen. Dhinaca kale, Hay’adda Bisha Cas ee Iiraan ayaa sheegtay in shan Xujey oo u dhashay dalkaasi ay dhinteen iyadoo aan faahfaahin laga bixinin sababta ay u geeriyoodeen. Heerkulka ayaa gaaray 52C (125F) Masjidka weyn ee Makka isniintii, sida ay sheegtay Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada Sacuudiga. Laakiin roob da’ay ayaa wuxuu keenay inay xujaydu ka nastaan kuleylka. Xajka sanadkan ayaa la soo gabagabeyn doonaa Arbacada. Source
-
Booliiska dalka Israaiil ayaa xidhay wiil yar oo aan qaan-gaadhin oo kasoo jeeda dalkaas, kaasoo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya, si uu weeraro uga geysto Israa’iil iyo dibadda. Warbixin uu booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay, in wiilkan yar uu damacsanaa inuu weeraro argagaxiso ka geysto gudaha dalka Israa’iil iyo dalalka kale ee dibadda, isagoo ku biiraya safka ururka Daacish ee Soomaaliya. Baadhitaan ay si wadajir ah u sameeyeen hay’adaha amniga ee dalkaas, ayaa lagu ogaaday in eedeysanaha uu qorsheynayay inuu u ambabaxo Soomaaliya, kuna biiro kooxda Daacish. Kahor inta aan la xidhin. Booliisku waxay sheegeen inuu wiilkaan yar uu qaaday dhowr tillaabo si uu u fuliyo qorshayaashiisa, kuwaas oo ay ku jiraan qorista dardaaran, aruurin dhaqaale, qaadashada baasaboor ajnabi ah, iyo inuu xidhiidh la sameeyo Daacish isagoo adeegsanaya internetka. Source
-
Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sababay dhimashada tobonaan muhaajiriin ah oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka muddo saddex sano ah sida ay goob joogayaal sheegeen. Muhaajiriintan baddda lagu tuuray ayaa la sheegay inay ku jiraan sagaal qof oo si ula kac ah loogu tuuray biyaha. Sagaalkan qof ayaa ka mid ah in ka badan 40 qof oo lagu eedeeyay in ay dhinteen iyadoo lagu qasbay in laga saaro biyaha Giriiga, ama dib loogu celiyay badda ka dib markii ay gaadheen jasiiradaha Giriiga, sida lagu ogaaday baaritaanka BBC-da. Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa baaritaankeena ku sheegay in eedeymaha falalka sharci darrada ah ay yihiin kuwo sal iyo raad toona lahayn. Waxaan tusnay muuqaalka 12 qof oo la soo saaray doon ay leeyihiin ilaalada xeebaha Giriiga, ka dibna loogaga tagay doonida, taas oo loo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ilaalada xeebaha Giriigga. Markii uu ka kacay kursigiisii, ee uu weli makarafoonkiisu shidnaa, waxa uu sheegay in ay “sida iska cad sharci-darro tahay” iyo “dambi caalami ah”. Dowladda Giriiga ayaa muddo dheer lagu eedeyay inay dib ugu celinayso dadka si qasab ah – iyadoo dadka dib ugu celinaysa Turkiga, halkaasoo ay ka soo gudbeen, taasoo sharci darro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah. Laakiin tani waa markii ugu horreysay oo BBC ay tiriso dhacdooyinka oo sheegaya in dhimasho ay ka dhalatay falka ilaalada xeebaha Giriigga. 15-kii dhacdo ee aan falanqeynay – ee ku taariikhaysan May 2020-23 – ayaa sababay dhimashada 43. Ilaha waxay ahaayeen warbaahinta maxaliga ah, NGO-yada iyo ilaalada xeebaha Turkiga. Xaqiijinta tiarada noocaan ah aad ayay u adag tahay – marqaatiyadu inta badan waa la waayaa, ama aad ayay uga baqayaan inay hadlaan. Laakiin afar ka mid ah kiisaskan waxaan awoodnay inaan xaqiijinno tiarada annagoo la hadalnay markhaatiyaal goob-joogeyaal ah. Baaristeenna, oo lagu baahiyay dukumiinti cusub oo la yirahdo Dead Calm: Killing in the Med?, ayaa soo jeedisay qaab cad. “Cunuggii ugu horreeyay ee dhintay wuxuu ahaa wiil uu dhalay adeerkay…ka dib mid mid ayay u dhinteen. Ilmo kale, ilmo kale, ka dibna ina-adeerkay laftiisa ayaa la waayay. Subaxdii markii la gaaray waxaa dhintay toddoba ama siddeed carruur ah. “Carruurteyda ma dhiman ilaa subaxdii… ka hor intaysan iman ilaalada xeebaha Turkiga.” Sharciga Giriigga ayaa u oggolaanaya dhammaan soogalootiga magangelyo doonka ah inay iska diiwaan geliyaan dhowr jasiiradood oo ku yaal xarumaha diiwaangelinta gaarka ah. Laakiin dadka aan waraysanay – oo aanu la xidhiidhnay iyaga oo gacan ka helaya ururka taakulaynta muhaajiriinta ee Consolidated Rescue Group – ayaa sheegay in la qabtay ka hor inta aanay tagin xarumahan. Waxay yiraahdeen nimankan sida muuqata waxay ku shaqeyaan si qarsoodi ah – waa kuwa aan ku labis nayn dharka askart, intooda badan wejiyada ayaa u duuban. Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa ku andacoonaya in kumanaan qof oo magangalyo doon ah Yurub si sharci darro ah looga soo celiyay Giriiga, loona diiday inay magangelyo weydiistaan, taasoo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo Midowga Yurub. Fayad Mulla oo ah dhaq-dhaqaaqe reer Australia ah ayaa noo sheegay in uu naftiisa ogaaday sida ay u qarsoon yihiin hawlgalladan oo kale bishii February ee sannadkii hore, gaar ahaan jasiiradda Lesbos ee Giriigga. Isaga oo u sii socda goob la sheegay in lagu soo celiyey si qasab ah xog-waraysi ka dib, ayaa waxa istaajiyey nin aan dareys ku labisnayn – kaas oo markii dambe la ogaaday inuu u shaqaynayo booliska. Waxa uu sheegay in booliisku ay dabadeed damceen in ay tirtiraan muuqaallada isaga oo laga joojinayo kaamamkiisa oo ay ku eedeeyeen in uu iska caabiyay askari boolis ah. Ugu dambayntii, ma jirin tallaabo kale oo la qaaday Laba bilood ka dib, meel taas la mid ah, Mr Mulla waxa u suurtagashay in uu muuqaal ka dabuubo dhacdo qof si qasab loo celinaya, oo uu daabacay wargeyska The New York Times. Koox ay ku jiraan haween iyo caruur ayaa laga soo dajiyay qeybta dambe ee gaari yar oo aan la garaneyn, waxaana ay ku socdeen dooni yar oo la saaray. Ka dib waxaa lagu soo wareejiyay markab ay leeyihiin ilaalada xeebaha Giriiga oo ka fogaa xeebta, waxaana loo qaaday badda, ka dibna la saaray buufin ay ku socdaalaan oo looga tagay. Waxaan tusnay muuqaalkan – oo ay BBC-du xaqiijisay – Dimitris Baltakos, madaxii hore ee hawlgallada gaarka ah ee ilaalada xeebaha Giriigga. Intii lagu guda jiray wareysiga, wuxuu diiday inuu ka jawaabo waxa muuqaaladu muujinayaan – wuuna dafiray, horraantii wareysiga, in ilaalada xeebaha Giriigga looga baahan doono inay sameeyaan wax sharci darro ah. Laakiin intii lagu jiray nasashada, waxa la duubay isaga oo u sheegaya qof Giriigga: “Wax badan uma sheegin, sax? Aad bay u caddahay, miyaanay ahayn. Waa dambi caalami ah.” Wasaaradda arrimaha badaha ee Giriigga iyo siyaasadda ciribtirka dhibaatooyinka ayaa BBC-da u sheegtay in muuqaallada ay hadda baareyso hay’adda daah-furnaanta qaranka ee madaxa-bannaan ee dalkaas. Suxufiyad baare ah oo aan la hadalnay iyada oo ku sugan jasiiradda Samos ayaa sheegtay in ay bilowday in ay la sheekeysato xubin ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Giriigga iyada oo adeegsanaysa app-ka hasaawaha ee Tinder. Markii uu soo wacay waxa uu tilmaamay “markab dagaal”, Romy van Baarsen ayaa wax badan ka waydiisay shaqadiisa iyo waxa dhacay markii ay ciidamadiisu arkeen doon qaxooti ay saaranyihiin. Waxa uu ku jawaabay in ay “dib u celiyeen”, wuxuuna sheegay in awaamiirta noocaan ah ay ka soo baxeen “Wasiirka”, isaga oo intaa ku daray in la ciqaabi doono haddii ay ku guul darreystaan celinta doonta. Giriiggu had iyo jeer wuu dafiri jiray in ay sameeyaan waxa loogu yeero “dib-u-celin” inay dhacdo. Giriigu waa marin ay Yurub ka galaan muhaajiriin badan. Sanadkii la soo dhaafay, waxaa Yurub soo galay 263,048 muhaajiriin ah, iyadoo Giriiggu uu ogaaday 41,561 (16%). Turkiga ayaa sanadkii 2016-kii la saxiixday heshiis lagu joojinayo muhaajiriinta iyo qaxootiga u gudbaya dalka Giriiga, balse wuxuu sheegay in sanadka 2020-ka uusan dhaqan gelin karin. Natiijooyinka baaritaankeena waxaan u gudbinay ilaalada xeebaha Giriiga. Waxay ku jawaabtay in shaqaalaheedu ay “si hagar la’aan ah u shaqeynayeen iyo si xirfadaysan, dareen mas’uuliyadeed iyo ixtiraamka nolosha aadanaha iyo sidoo kale xuquuqda aasaasiga ah”, iyada oo raacisay “inay si buuxda ugu hoggaansameen waajibaadka caalamiga ah ee dalka”. Waxay intaas ku dartay: “Waa in la iftiimiyo laga bilaabo 2015-kii ilaa 2024-ka, Ilaalada Xeebaha Hellenic waxay badbaadiyeen 250,834 qaxooti / tahriibayaal ah 6,161 shil oo badda ka dhacay. Fulinta aan macquul ahayn ee howlgalkan waxaa si wanaagsan u aqoonsaday beesha caalamka.” Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa hore loogu dhaleeceeyay doorkii ay ku lahaayeen doontii ugu waynayd ee muhaajiriinta ee ku burburtay badda Mediterranean-ka muddo toban sano ah. In ka badan 600 oo qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii Adriana ay ku degtay aagga badbaadada ee Giriigga ee la go’aamiyay bishii Juun ee la soo dhaafay. Saraakiisha Giriiga ayaa ku adkeystay in doonida aysan wax dhibaato ah qabin, isla markaana ay si nabad ah ugusii jeedday dalka Talyaaniga, sidaas darteedna aysan ciidamada ilaalada xeebaha isku dayin in ay badbaadiyaan. bbcsomali Qaran News
-
Everyone in any part of world can lie, but Everyone feel shy to speak… Buuni and lies are two in one. Buuni and dirty language are two in one. Buuni and rotten language are two in one. Speaking dirty language is common culture. Speaking lies is his common habit. The guy never shy and shame while Speaking lie all the time. Buuni has broken the record of Speaking dirty language. Being habitual liar, he has broken the record of lying. Somaliand people are wondering what influenced kulmiye party to nominate party spokesman this big liar. Everyone in any part of world can lie, but Everyone feel shy to speak lie. Buuni has short of morality, this is why he speaks all the time lies and unclean language. Buuni don’t deserve even office clerk let alone any higher political positions. Kulmiye party has hired Buuni to speak what Everyone else in the party feel shy to speak, because others feel and shame to speak like him. We have never experienced in any part of the world someone morality is short in his thoughts. We never experienced in any part of the world Someone which speaking shame pleases him. This big liar didn’t have minimum reputation. His reputation in Somaliand is below zero. Guinness is world book of records. You can find in Guinness book of records people who has broken world past records. Buuni is registered world book of records being the worst liar in history. Being a liar, lying please buuni being a habitual liar. He believes lying improves his rotten image. He believes lying is good reputation. He believes lying upgrade his shameful image. Ali Behi.” al.adam29@googlemail.com Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — A U.S. airstrike in Somalia targeted Abdiqadir Mu'min, the leader of ISIS in the country, in late May, according to the United States Africa Command (AFRICOM). The outcome of the airstrike, including whether Mu'min was killed, remains unclear, American officials said. Source: Hiiraan Online
-
Ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan ururka Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya. howlgalka xubnahan lagu diley ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey oo u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad gobolleedka Galmudug. Sidoo kale waxaa war ka soo bacay dowladda lagu sheegay in howlgalka lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan, ka dib markii la weeraray xubno Shabaab ah oo qalanayay Geel ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool. ayadoo warku intaa ku daray in ciidanka xoogga dalka oo la socday dhaqdhaqaaqa Kooxdu ay ogaaday in dagaalamayaal laga soo abaabulay aagga deegaanka Cowsweyne ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen dhulka howdka ah ee lagu bartilmaameedsaday. Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay aad u kordhay, ayadoo la filayo inuu dhowaan billowdo guluf ciidan oo dhammaystirani. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Madaxa xafiiska Arrimaha xajka Wasaaradda Dr Khadar Daahir ayaa xalay kormeerayay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed ka deggan yihiin Mina isagoo mid ka mid ah xarumaha Caafimaadka ku booqday xujey lagu dabiibayo. Xarumaha caafimaadka Xujeyda Soomaaliyeed oo dowladdu soo kordhisay sanadkaan ayaa shaqo muhiim ah u qabanayay maalmihii la soo dhaafay xujeyda oo qaarkood ay saameeyeen kuleyka daran ee ka jira goobaha Mashaacirta. Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay xujeyda uu la kulmay oo uu ka warsanayay culeyskii ay dareemeen saacadihii la soo dhaafay, maadaama gudashada waajibaadka xajka iyo kuleylka ka jira Mashaacirta ay culeys weyn ku ahayd dadka da’da ah iyo kuwa xanuunada qaba. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa maalmihii la soo dhaafay aad ugu howlaneed hubinta iyo la socodka xaaladda xujeyda Soomaaliyeed ee gudanaysa acmaasha Xajka. Source: goobjoog.com
-
Sirdoonka Israa’iil ayaa sheegay inay xireen nin dhallinyaro Israa’iili ah kaasi oo rabay in uu ku biiro kooxda Daacish ee Soomaaliya. Wiilka yar ayaa isku diyaarinayay in uu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro Daacishta Soomaaliya, weerarrana uga geysto gudaha Israa’iil iyo caalamka sida laga soo xigtay sirdoonka dalkaasi. Tuhmanaha oo 17 jir ah ayaa la sheegay in uu diyaariyay qorshaha uu ku tagi laha Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan qorista dardaaran, aruurin dhaqaale, qaadashada baasaboor ajnabi ah, iyo inuu xiriir la sameeyo Daacish isagoo adeegsanaya internetka. Sidaasi waxa sheegtay Hay’adda ammaanka Israa’iil ee Shin Bet, iyadoo arrintan ay soo shaac baxayso maalmo kaddib markii saraakiil Mareykan ah laga soo xigtay in madaxa Daacishta Soomaaliya uu noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Daacish. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Israa’iil oo xiray wiil yar oo rabay in uu ku biiro Daacishta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Counties neighboring Somalia have had their share of insecurity with a number of people dead, scores injured and properties destroyed. But over several months normalcy has returned to the region, especially Wajir County, thanks to conflict resolution efforts by community leaders. Source: Hiiraan Online
-
Turkish Foreign Minister Hakan Fidan met in the capital Ankara with Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud, the Turkish Foreign Ministry said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Ciidanka booliska Gobolka Mudug oo magalada Galkacyo ka sameeyay howlgal ku saabsanaa la dagaalanka burcadbadeeda ayaa gacanta Kusoo dhigay Taliyihii hogaaminayay ciidankii burcad badeeda ee 5 Milan oo madax furashada ah ka qaatay Markabkii MV ABDALLA ee laga alahaa dalka Bangaladesh. Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee Magalada Galkacyo ayaa lagu soo qabtay Abshir Abdi kheyre jowfe oo 38 jir ina mayran hassan ahna taliyihii markabkii MV Abddala. Taliyaha qaybta Booliska G.Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin yusuf oo warbixin kabixiyey howgalkaan guulaystay ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lugleh falalka burcadnimada, in gacanta ay ku dhigayaan sidoo kale Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay iney sharciga hor keeni doonaan cidkasta oo ku lug yeelata falalka burcadnimada ah. Dowlada Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedka ah kuwaas oo dhibaato lixaadle kuhaya dadka iyo deegaankaba. Source: goobjoog.com
-
A blurred photo of the pirates’ ringleader arrested in North Galkayo today by Puntland Police Galkayo (PP News Desk) — The Puntland Police have arrested Abshir Abdi Jowfe, the ringleader behind the hijacking of the vessel Mv Abdullah several months ago. The arrest was announced in a press release issued by the Galkayo regional police about the successful operation that led to Jowfe’s capture. Abshir Abdi Jowfe, 36, is accused of orchestrating the hijacking of the vessel MV Abdullah, an incident that drew international attention and concern about the possible return of piracy off the coast of Somalia. The pirates, under Jowfe’s command, had demanded and received a ransom to release the ship and its crew. The arrest of Jowfe marks the third pirate arrested by the Puntland Police Force within the last four days. “Pirates have no where to hide” said a senior anti-piracy task force officer in Garowe. The operation to track down Jowfe and his associates involved extensive surveillance and intelligence-gathering, culminating in their capture in Mudug and Nugaal. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Police Arrest Ringleader of Pirates appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa markii u horraysay maanta booqanaya Kuuriyada waqooyi mudda ku siman 24 sano. Madaxweyne Putin ayaa la kulmi doona hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo ay wadahadal ku yeelanaya caasimadda Pyongyang. Labada hogaamiye ayaa bishii Sebtembar ku kulmay magaalada Vladivostok ee dalka Ruushka balse waa booqashadii ugu horeysay ee Mr Putin uu ku tago Pyongyang tan iyo sanadkii 2000. Warbaahinta Ruushka ayaa ku warranaysa in Mr Putin iyo Mr Kim laga yaabo inay kala saxiixdaan heshiis iskaashi, oo ay ku jiraan arrimaha ammaanka, waxayna si wadajir ah bayaanno u siin doonaan warbaahinta. Dhinaca kale Maraykanka iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa si weyn uga walaacsan xiriirka sii xoogaysanaya ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo ay u arkaan khatar ka dhan ah danahooda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Ruushka oo maanta booqanaya Kuuriyada Waqooyi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado Taliyaha ciidanka xoogga dalka, sidoo kale xogtana waxay sheegeysaa sarkaalka loo badinayo in loo magacaabo doono Taliyaha Xoogga. Sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Garabey oo hadda Madaxweynaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga kula sugan Turkiga ayaa la sheegay in la qorsheeyey in xilkaas loo magacaabo – Beesha uu ka soo jeedo waa Abgaal. Jeneraal Garabey waa sarkaal caan ah, wuxuu aad ugu dhowyahay Sheekh Shariif oo xiligii uu madaxweynaha ka ahaa dalka uu lasoo shaqeeyey, ninkaan ayaa la sheegay inuu ku fiican yahay hoggaaminta dagaalka, mar ayuu caloosha ka dhaawacmay, isagoo ku jira dagaalka Al-Shabaab. Khimiista soo socota ayay wararku sheegayaan in shirka golaha wasiirrada looga dhawaaqi doono magacaabidda sarkaalkaas loo wado Taliyaha ciidanka xoogga dalka, waxaana dhici karta in dib u dhac uu ku yimaado qorshahaan. Taliyaha ciidanka xoogga Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dhowaan ka hor yimid hoggaano cusub oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku soo kordhiyey taliska, arrintaas ayaa dikreetada madaxweynaha lagu sheegay inay ku timid soo jeedinta wasiirka gaashaandhigga XFS. Caasimada Online waxay ogaatay in Madaxweyne Xasan iyo wasiirkiisa gaashaandhigga ay Taliyaha xoogga u bandhigeen inuu shaaciyey warqadii lagu magacaabay hoggaanada cusub oo ahaa afar sarkaal, balse taliyaha ayaa diiday, waxayna u xayireed habeeno, goor dambena waxaa baahiyey wasiirka gaashaandhigga oo adeegsanaya warbaahinta dowladda. Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga ayaa aad isku khilaafsan, iyagoo dhowr jeer isku qabtay shaqada ciidanka, madaxweynaha ayaa ka gaabiyey in khilaafka labadaan nin ee soo noqnoqday, caqabadana ku noqday dagaalka Al-Shabaab uu xal u helo. Xogta aan heyno waxay intaas ku dareysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka Taliyaha ciidanka xoogga dalka mar kale u soo bandhigay Taliyihii kan ka horeeyey Jeneraal Odawaa, balse xubnaha noo waramay waxay sheegeen in Odawaa uu magacaabistiisa ku xiray shuruudo uu hordhigay Xasan Sheekh. Sidoo kale waxaa jirta xog sheegeysa in Xasan Sheekh uu ka fekerayo in Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga uu hal qof u magacaabo, si looga baaqsado khilaafka joogtada ah ee wasaaradda difaaca qaranka iyo taliska xoogga dalka naafeeyey. The post Xog: Qorshe lagu bedelayo Taliyaha Xoogga oo socda iyo magaca sarkaalka la magacaabayo appeared first on Caasimada Online.
-
Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay 64 kalena waa la la’yahay ka dib markii labo markab ay ku degeen Mediterranean-ka ee koonfurta dalka Talyaaniga, sida ay sheegtay hay’ad samafal oo Jarmalka laga leeyahay. ilaalada xeebaha Talyaaniga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhacdadan, ayadoo Kooxda Gargaarka Jarmalka ee gacanta ku haysa markabka badbaadada ee Nadiir ee ay sheegtay inay 51 qof ka soo qaadeen doon alwaax ah oo degtay, kuwaas oo ay ku jiraan laba qof oo miyir beelay, 10 mayd ah oo ku xayiran qaybta hoose ee markabkana ay heleen. kooxdan samafalka ayaa war qoraal ah oo ay bartooda X ku daabeceen ku sheegtay in dadkii badbaaday lagu wareejiyay ilaalada xeebaha Talyaaniga oo subaxnimadii isniinta la soo qaaday, xilli markabka Nadiir uu ku sii jeeday jasiiradda Lampedusa, isaga oo jiidaya doonida alwaax ah iyo meydadka dadka dhintay. Badda Mediterranean-ka ee u dhexaysa Yurub iyo Afrika ayaa ah marinka ugu weyn ee tahriibayaasha u tacabiraya dalalka reer galbeedka, balse waxaa halkaas ka dhaca shilal joogto ah oo ay kumanaan kuni ku naf waayaan. Source: goobjoog.com