-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
ANKARA, Turkey (HOL) — Turkey has signed an agreement with the United States to purchase F-16 fighter jets, marking a significant milestone in the two NATO allies' military cooperation. The deal, announced on June 13, comes after prolonged negotiations and aims to enhance Turkey's aerial capabilities. Source: Hiiraan Online
-
The text is secret and the deal might yet fall through. But the memorandum of understanding signed by Ethiopia and Somaliland on January 1st has sent shock waves through the Horn of Africa. Somaliland, which declared its independence from Somalia in 1991, says that Ethiopia will become the first country to grant it recognition. In return, it will give its landlocked neighbour access to the sea. Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s legacy as a failed state has provided it with a long-lasting negative image on the world stage. While some of the problems which prompted Somalia to be struck with this designation still permeate today, the nation has made significant progress on the path toward recovery and has today escaped the ‘failed state’ designation, though Somalia is still considered to be fragile. Source: Hiiraan Online
-
Havana on Thursday rejected as insufficient a recent statement from the United States over the fate of two Cuban doctors kidnapped in Kenya five years ago by Somalia-based jihadists. Source: Hiiraan Online
-
XAFLADDA KAAH IYO SULDAAN XIIREY. CAJIIB Sadaashu noo sii Sheegey Caawey Muuqataa Cawa Xafladda iyo dhawaaqa Hotel Kaah ka socda Habeenkaas baa Suldaan Xiirey sii sheegey. Anagoo Sweden joogna waxey aheyd 2022 Isagoo xajka ka yimi. Ayuu nagu casumey magaaladda Stockhlom. Musharax Cabdiraxmaan Cirro. Waxu siiyey Musxaf Quraana oo uu Xaramka ka soo qaadey. Waxuna ku yidhi. Doorashadani waa tii dalka aad ku badbaadin laheyd. Umadduna iyadoo mideysan ayey kursiga ku saareysa Waa Habeenkaan idhi. Suldaan Caawa Murashax Ciro. GEEDKII CAWDAL GASIIRKAAD DHEXDA ugu xidhey. Kitaabka waaka miiska saaran ee sawirkiisu ka muuqddo. Yaa is hortaagi kara kitaabka quraanka ah. Markaa Beesha Weyn Cabdale Isixaaq Waan hambalyeyna iney u dhabar adeygeen weerarka ey ku soo qaaden. Nimanka Kulmiye ee weli naf ka dayaya. Xukumadda gabalkeeddu dhacey Umaddu waa isbedel doon. Qabyladdu iyo kala faquuq baa kulmiye looga soo cararey iyo madaxeeynaha 7 sano jooga ee ina leh. Marlabaad ii doorta si aad Eedaan Fartiina. Dalkii iyo dadkii oo yaaban ayuu raba inu 5 sano danbe ina sii horfadhiyo. Shacabka Somaliland waa isku degaan walba waxa is abaabulaya shacabkii oo leh. Isbedel baanu rabna. Markaa guulwadayaasha xukumaddu wey dalayaan. Yaan loo joojin. Degmo walba waxa ka muuqan doona isbedel doonka oo gacmaha is heysta Hargeisa xaafadd walba Waxa ka bilaabmey isbedel Doonka oo is muujinaya Waa la is daba socod Mansha allah Somaliland Guul Xisbiga Waddani Guul Musharax Ciro Guul Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/VID-20240613-WA0012.mp4 Dadku waxa ay tumanyihiin di ada iyada oo aanu musharax Cirro soo galin goobta xaflada oo ka dhacaysa Kaah. Amnigu waa suganyahay wax rabshad iyo buuq ahina ma jiro xaflasu waxa ay u so taa sidii loogu talagalay. Maamulka Hotel Kaah ayaa sheegay in ayna arag abid xaflad sidani oo kale looga soo qayb galo waxana ay heegan galiyeen dhamaan shaqaalahooda hawshani ku shaqada leh Xaflada oo dhamaystiran la soco Qaran News
-
Puntland State is always judged not by what it says, but by what it does, argues M. A. Hassan Ali In 1998, the late President Abdullahi Yusuf Ahmed articulated the reasons for advocating a federal system for Somalia after state collapse in 1991. In October 2024, the federal system of Somalia will turn 20. President Abdullahi Yusuf Ahmed was elected in Kenya in October 2004 for a four-year term. He had to resign two months after he had finished his term of office. Conflicts affected almost two-thirds of his term – first the conflict between warlords and the Union of Islamic Courts, followed by the conflict between the Transitional Federal Government forces and the UIC forces, and the two-year war between the Alliance for the Re-liberation of Somalia forces and the TFG-Ethiopian forces. In 1998, President Ahmed articulated the reasons for advocating a federal system for Somalia after he was elected President of Puntland State of Somalia. That his political convictions outlived him is an example of the power and political consequences of ideas. The argument of Somali federalists is that the post-colonial state in Somalia resulted in a city-state that facilitated the collapse of the state in 1991. If state-building initiatives had paid attention to the development needs of regions in the periphery, Somalia would have been spared state collapse after the United Somali Congress split into factions to control North and South Mogadishu, goes the argument of federalists. Puntland State of Somalia has been at the forefront of promoting a federal system for Somalia. The founders of Puntland State of Somalia were internally displaced people who fled Mogadishu and found a way to assuage their guilt over neglecting their province of origin and cope with the trauma of displacement. The process of implementing a federal system in Somalia has had a bumpy ride, but the basic structures of the system have been put in place in the form of federal member states with a parliament. The Federal Government of Somalia is not as powerful as the pre-1991 unitary government. The leadership of the federal government wields influence, but it cannot remain in power indefinitely nor can it force amendments to the Draft Constitution through the bicameral legislature without consensus nationwide. The journey to implement the federal system in Somalia indicates that the ideal of federating regions evolves and brings governance surprises that can only be handled through undogmatic negotiations. Fiscal federalism is one aspect of the federal system in Somalia that can steer the country towards a path of political accountability, an independent legislature and an independent judiciary. Puntland opposes the preferential treatment offered to the Somaliland Administration, which maintains political representation within the federal institutions despite claiming to have unilaterally seceded from Somalia. The “preferential” policy caused the illegal maritime Memorandum of Understanding that Somaliland Administration President Muse Bihi Abdi signed with the Prime Minister of Ethiopia on 1 January 2024. The role of Puntland State as an advocate of the federal system of Somalia tends to be viewed as grandstanding due to its overly centralised political system. The accusation that Puntland preaches what it does not practice is not unwarranted. If other federal member states of Somalia sign up for a fiscal federalism system to contribute to the tax revenues of the Federal Government of Somalia, the Puntland government will further diminish its role in state-building and undermine the core argument of the federal system advanced by the late President Abdullahi Yusuf Ahmed. That is why Puntland State of Somalia requires a federalist party that promotes the federal system locally. Puntland has political parties, but policy-making powers are still unaccountably exercised by the incumbent government that does not understand the transformation of state-building initiatives in Somalia. Puntland State is always judged not by what it says, but by what it does. The federal system for Somalia could be implemented fairly and efficiently when its ardent supporters implement decentralisation locally and become an example of good governance and political accountability. A Puntland Federalist Party would be able to work towards attaining that goal. By M. A. Hassan Ali, Strasbourg The post The Argument for Establishing a Federalist Party in Puntland State of Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Xubno ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Goof guduud ee gobolka Baay, waxaana soo dhoweeyay ciidanka xoogga iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed. Xubnahan ayaa waxaa kamid ah Cali xasan Cali oo loo yaqaano ( Cali Dheere ) oo isku Soo Dhiibey Taliska Ururka 47-aad Ee Guutada 8-aad Ee Qeybta 60-aad CXDS Ee Fadhigeedu Yahay Degaanka goof gaduud Buurey. Ninkani wuxuuna Tababaro kala Duwan ku soo Qaatey Gobalada Baay iyo Sh/Dhaxe wuxuuna Dagaalo dhowr ah ka qeyb qaatey oo ka dhacay Degmooyinka Aadan yabaal Masaajid Cali Gadud Iyo Qeybo kamidah Mudug iyo Gal- Gaduud . Wuxuuna Maleshiyada Al Shabab Kujirey Mudo Kabadan 12 sano sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga. Maxamed Deeq Abdullahi Cali Ayaa Asna Saaka isku Soo Dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed oo Fadhigeedu yahay Degaanka Goof-gaduud Buurey Haraaw Ee Gobalka baay oo ay kusugan yihiin Cutubyo Katirsan Taliska Ururka 47-aad Ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed. Maxamed Deeq wuxuu Maleshiyada Al Shabaab Tababaro ugu Sooqatey Degaanka 20 jirow Ee Gobalka Baay wuxuuna u qaabilsanaa Baada Shacabka Soomaaliyeed . Ugu Dambeyn Cali Xasan iyo Maxamed Deeq ayaa Siwadajir ah Saxibadooda Duurka jira ka codsadey in ay isku Soo Dhiibaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa waxaa Wasaaradda Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan bixitaanka ciidanka ATMIS iyo qorshaha u diyaar garowga Ciidanka Qaranka uu kula wareegi lahaa mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, marka ay baxaan bisha Diseember 2024. Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah, ee ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobollada dalka, gaar ahaan dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jubbaland iyo Galmudug oo ay guulo waaweyn ka gaareen. Sidoo kale, Golaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ka dhageystay warbixin ku saabsan u diyaar garowga imtixaanka Qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sanad dugsiyeedka 2023-2024, kaas oo si xiriir ah sanadkii 10aad si isku mar ah looga qaadayo gobollada dalka, iyada oo sanadkaan imtixaanaadka u fariisan doonaan in ka badan 37,000 oo arday. Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey xeer-nidaamiyaha sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo xoojinaya dhaqan gelinta sharciga xafiiska, kaas oo muhiim u ah kor joogteynta nidaamka maareynta maaliyadda dalka. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo warbixin ku saabsan bixitaanka ATMIS ka dhageystay Wasaaradda Gaashaandhiga appeared first on Puntland Post.
-
Waxa soo badanaaya xubnaha ka tirsanaan jiray xisbiga Kulmiye amba xilal ka soo qabtay xukumadda Muuse Biixi iyo tii ka horaysayba. Waxa shalay si buuxda xisbiga Waddani ugu biiray wasiirkii hore ee arimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo xubno badan oo uu ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Kulmiye ee gobolka Gabiilay Waxana jiray xubno badan oo dhowrkii bilood ee ina soo dhaafay si xawli leh ugu biiraaya xisbiga Waddani iyaga oo raadinaaya isbedel. Hadaba wasiirka arimaha gudaha isla markaasina ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa arintaasi la hadlay sida loogu ssii qul qulaayo xisbiga Waddani waxan uu yidhi dadkii anaga naga yaacay isbedel keenimaayaan ee taas ku darsada. Isga oo aad uga murugaysan xubnaha mihiimka ah ee ku biiraaya xisbiga Waddani oo ah xisbiga rajadda Somaliland. Qaran News
-
Ruushka iyo Belarus ayaa bilaabay wajigii labaad ee dhoolatuska hubka nukliyeerka , taas oo qayb ka ah dadaalka Moscow ee lagu niyad jabinayo reer galbeedka si ay u joojiyaan taageerada Ukraine. Ruushka ayaa dhoolatuskan ku dhawaaqay bishii hore, kadib markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in uusan meesha ka saari doonin in ciidamo loo diro Ukraine, waxaana Maraykanka iyo qaar ka mid ah xulafada NATO ay sheegeen in Kyiv loo oggolaaday in hubka ay reer galbeedku keenaan ay u adeegsadaan bartilmaameedyada soohdimaha. Dhoolatuskii ugu horeeyay ayaa dhacay bishii hore, waxaana diirada lagu saarayay u diyaar garowga howlgalada Nukliyeerka iyo sida loo cabeeyo loona rido gantaalada. Dhoolatuskan oo bilowday Talaadadii, ayay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka sheegtay in ciidamada Ruushka iyo kuwa Belarusia ay si wadajir ah u qaadan doonaan tababar ku saabsan hubka Nukliyeerka ah ee aan istiraatiijiga ahayn ee loo adeegsado dagaalka. Waxay intaa ku dartay in layligan looga golleeyahay in lagu diyaariyo ciidan cudud leh iyo qalabka tayo leh si loo xaqiijiyo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee isbahaysiga u dhexeeya Ruushka iyo Belarus. Isagoo la hadlayay suxufiyiinta, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in xaaladda Yurub ay tahay “mid aad u kacsan, dhoolatusyada noocan oo kale ah iyo u diyaargarowga dagaalka ay Ruushka muhiim u yihiin marka la eego go’aamada iyo ficillada cadowtinimada ah ee Mareykanka iyo xulafadiisa. Tan iyo markii uu Ruushku kumanaan ciidamo ah u diray dalka Ukrain, duullaan baaxad lehna ku qaaday bishii February 24, 2022, madaxweyne Vladimir Putin ayaa marar badan ka digay in Ruushku uu isticmaalayo hubka nukliyeerka si uu isaga difaaco xaaladaha adag. Source: goobjoog.com
-
Muranka dhanka xuduudda ah ee u dhexeeya dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta, oo imika gaaray miiska Qaramada Midoobay, ayaa iftiimiyay wax lagu tilmaami karo “xifaaltan qarsoon” ama “muran ku saabsan hoggaanka gobolka” oo u dhexeeya labada waddan ee deriska ah ee Khaliijka tobankii sano ee la soo dhaafay. Sida ku cad qoraallada iyo warqadaha loo diray Qaramada Midoobay ee labada dal waxaa muuqata in farqiga u dhexeeya labada dhinac iyo muranka soohdinta uu sii kordhay, waxana laga yaabaa in ay jiraan khilaafyo kale, taas oo keentay in la wajaho Qaramada Midoobay iyada oo ujeedadu tahay in la isku dayo “in la caddeeyo xuquuqaha madaxbannaanida, caalami ahaan,” sida ay qabaan falanqeeyayaasha. Inkastoo khilaafkan iyo arrimo kale oo la xiriira khilaafka Sucuudiga iyo Imaaraatka, haddana dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan inay weli jirto fursad wanaagsan oo lagu soo afjari karo farqigaas, xataa si ku meel gaar ah, iyadoo la og yahay inay jiraan dano guud oo ka miisaan culus qodobbada ay isku maandhaafsan yihiin labada dhinac. Si dhif iyo naadir ah ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay, muranka xuduudda Sacuudiga iyo Imaaraatka ee ku aadan deegaanka “Al Yasat” uu u soo shaac baxay kadib warqad ay dowladda Sacuudiga u dirtay 18-kii bishii March Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay taa oo ku saabsaneed ku dhawaaqista Imaaraatka Carabta. “Al Yasat” oo ah meel Imaaraatka laga ilaaliyo baddeeda. Waraaqadan, ayaa Riyad waxay ku tilmaamtay in ku dhawaaqista Imaaraadka ay ka soo horjeedo shuruucda caalamiga ah iyo in aanay tixgelin ama aqoonsanayn wax kasta oo sharci ah oo ay ku yeelanayso goobtaasi. Imaaraatka Carabta ayaa fariin cad kaga jawaabtay 16-kii May in “Al Yasat” ay ku taallo dhul badeedkeeda. Muranka ma waxaa uu ku kooban yahay xuduudda mise arrimo kale ayaa jira? Warbixinnada ay qorayeen wargeysyada aan ahayn kuwa Carabta ayaa muddo dheer ka hadlayay waxa ay ugu yeereen “saaxiibka-cadowga”, taas oo ah, in Imaraadka iyo Sacuudiga, iyo tartanka juqraafiyeed iyo loolanka awoodeed ee u dhexeeya. Abdullah Baaboud, oo madax ka ah xarunta cilmibaarista Malcolm Kerr-Carnegie ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in ay jiraan murano badan oo dhanka xuduudaha ah oo u dhexeeya dawladaha Khaliijka, sababtoo ah xuduudaha qaar ayaan si cad loo kala saarin, mararka qaarkoodna khilaafyadani waxay soo baxaan, gaar ahaan marka ay jiraan khilaafyo kale oo qarsoon. Baaboud waxa uu intaa ku daray in khilaafkii dhawaan dhacay aan la eegi karin xaaladiisa guud, maadaama ay jiraan kala duwanaansho qarsoon oo u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka. Kala duwanaashiyahan ayuu khabiirka sheegay inay la xiriiran tartan dhaqaale oo gaar ah, maadaama Sacuudiga uu isku dayayo, iyadoo loo marayo Hiigsiga 2030-ka inuu noqdo dalka ugu muhiimsan gobolka, wuxuuna isku dayayaa inuu noqdo xarunta dhaqaalaha adduunka, halka Imaaradka gaar ahaan Dubai loo arko inay u tartamayso isla meeqaamkan. Baaboud waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dal oo ay ka mid tahay arrinta Yemen oo ay ku kala gadisan yihiin hadafka iyo taageerada ciidamada maxalliga ah, Afgaanistaan iyo loolanka saamaynta ay ku leeyihiin dalalka Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo waliba wadamada Waqooyiga Afrika. Cilmi-baarahan ayaa sidoo kale intaa ku daray in sidoo kale ay jiraan kala duwanaansho gudaha wadamada soo saara shidaalka ee OPEC ah, iyada oo Imaaraadku ay isku dayayaan inay muujiyaan awoodda ay ku leeyihiin gobolka, halka Sacuudi Carabiya ay sidoo kale leedahay istiraatijiyad u gaar ah.” Mustaqbalka khilaafka iyo saamayntiisa In kasta oo qaarkood ay isku dayayaan in ay yareeyaan saamaynta muranka soohdinta badda ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadku ku yeelanayo xiriirka labada dal, kuna qanacsan yihiin in ay u arkaan “farqi yar oo u dhaxeeya” oo uusan ahayn “khilaaf,” ayaa Professor Fawaz Girgis, oo Xiriirka Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda London, waxa uu aaminsan yahay in qaabka Sucuudigu arrintan ugu gudbiyay Qaramada Midoobay “ay muujinayso baaxadda farqiga u dhexeeya labada dal, iyo awood la’aanta labada waddan inay xaliyaan murankan soohdinta badda. Waxa kale oo ay tilmaamaysaa in xiriirkii dhowaa ee ka dhexeeyay aanu sidii hore u sii adkayn. Girgis waxa uu intaa ku daray in xiriirka labada dal uu marayo meel mugdi ah, waxaanu aaminsan yahay in xiisadan ka dhalatay xiriirka labada dal aanay midna dan u ahayn, isla markaana ay saamayn ku yeelan doonto golaha iskaashiga Khaliijka, marka la eego baaxadda arrintan. Sacuudiga iyo Imaaraadka Waxay ayaa waxay laf-dhabar u yihiin Golaha Khaliijka, sidaas darteed xiisadda xiriirka waxay horseedi doontaa nooc kala duwanaansho, wuxuuna khilaafakan sidoo kale sababi karaa in golahaasi ay Awoodi waayaan inuu dhaqaajiyo faylalka muhiimka ah. Marka laga soo tago Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka, Golaha Iskaashiga Khaliijka waxaa ka mid ah Cumaan, Kuwait, Bahrain iyo Qatar, waana gole la aasaasay saddex iyo afartan sano ka hor, xaruntiisuna tahay Sacuudi Carabiya. Muxuu sharciga ka leeyahay Yasat? Sharci ahaan, uma taallo Qaramada Midoobay inay go’aan ka gaarto soohdinta iyo kala soocidda xudduudaha, balse waa arrin ay tahay in dalalku si laba geesood ah u xalliyaan. Ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Farhan Haq, wuxuu yiri: “Ma hayno hadda wax faallo ah oo faahfaahsan oo aanu ka bixinno, waxaan si fudud u dhiirigelinaynaa dhammaan dadaallada ay dalalku sameeyeen si caadi looga dhigo xiriirkooda laba geesoodka ah.” Sida laga soo xigtay Wasaaradda Isbeddelka Cimilada iyo Deegaanka ee Imaaraatka, aagga badda ee “Al Yasat” waxaa ku jira jasiirado badan oo leh biyaha ku hareeraysan, waxayna ku taallaa koonfur-galbeed ee Abu Dhabi, oo ku taal xeebta kala qaybisa Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka. Taariikhda muranka xuduudka Muranka soohdinta ee Sucuudiga iyo Imaaraadku waxa uu soo billowday sannadkii 1974-kii, markaas oo ay labada waddan kala saxiixdeen heshiis ay ku xallinayaan khilaafaadkooda xuduudeed ee loo yaqaanno heshiiskii Jiddah, kaas oo Sucuudigu ka tanaasulay sheegashadiisa qayb ka mid ah meel Saliida Qani ku ah ee loo yaqaano Buraimi Oasis. Xuduudaha saliidda qaniga ku ah ee u dhexeeya labada dal, sida Jaziiradda Al-Huwaisat, halka Imaaraadku uu ka tanaasulay boqolkiiba 80 ceelka shidaalka ee Shaybah, iyo 50 kiiloomitir oo xeebta ah. Sida uu dhigayo heshiiskaas, Sacuudiga wuxuu sidoo kale u aqoonsaday Imaaraadka inuu yahay dowlad madax-bannaan, tanina waxay ahayd bilowgii wejigiisii aasaaska. Cabdul Khaleq Cabdullah, oo ah borofeesar cilmiga siyaasadda ka dhiga Imaaraadka, ayaa u sheegay in heshiiska lagu saxiixay si degdeg ah iyo duruufo adag oo dhanka hay’adaha ah, lagana yaabo in duruufahaas ay ku kaliftay in Imaaraadku saxiixdo iyada oo aan xisaabta ku dareynin tafaasiil badan oo muhiim ah. Waxa uu intaa ku daray in isaga oo ka duulaya xogtan, Abu Dubi ay bilaabeen in ay dib u eegis ku sameeyo Riyadh si wax looga bedelo qaar ka mid ah qodobbada heshiiska, balse sacuudiga ay diidan yhiin. Heshiiskii 1974 kii ma baabi’in xurguftii labada dal, taasoo gaartay heer ay Imaaraadku qaadacaan shirkii wasiiradda arrimaha dibadda iyo shidaalka khaliijka 1999-kii ee ka dhacay Sacuudi Carabiya, iyagoo ka soo horjeeday furitaanka goob shidaal oo ku taal gobolka Shaybah iyo ku guuldareysiga inay ku lug yeelato Abu Dhabi ka faa’iidaysiga dakhliga goobtaas. Xiisadda ayaa sii xumaanaysay sannadihii xigay, waxayna gaartay meeshii ugu sarreysay sannadkii 2010-kii, markaasoo Imaaraadku ku eedeeyay Sacuudiga inay ku xad-gudbeen ilaalada badda ee ay ku sugan yihiin dhul-badeedkiisa, waxayna arrintu gaartay heer ay xabbado digniin ah ku riddo. Sannadkii 2004-tii, Imaaraadku wuxuu hoggaanka Sucuudiga la soo qaaday arrinta wax ka beddelka heshiiska xuduudka, iyagoo u arkayay inay “caddaalad-darro ku tahay arrintaas,” illaa uu Madaxweynihii hore ee Imaaraadka, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, soo saaray wareegto sannadkii 2005-tii uu ku sheegayo markii ugu horeysay in “Al Yasat” ay Imaaraadka ka tirsan tahay. Sida laga soo xigtay falanqeeyaha siyaasadda iyo lataliyaha xarunta warbaahinta iyo daraasaadka Carabta, Abdulaziz bin Razen, ma jiro khilaaf dhab ah oo u dhexeeya labada waddan, laakiin taa beddelkeeda waxaa jiri kara farqi ama kala duwanaansho xagga aragtida ah. Waxa uu sheegay in arrinta “Al-Yasat” la soo afjaray, lahaanshiyaheedana ay ku soo laabatay Sacuudiga sida uu qabo heshiiskii 1974 oo lagu qoray khariidadaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Bin Razen waxa uu intaa ku daray in wareegtada Imaaraadku soo saartay 2019 ay ka hor imanayso heshiiskaas, sidaas darteedna aanay Boqortooyadu aqbali karin in heshiiskan hal dhinac laga beddelo maadaama uu dhacay. Balse dhanka kale waxa uu rumeysan yahay in aysan saameyn xun ku yeelan doonin xidhiidhka labada dal. Source
-
Minneapolis (HOL) — FBI agents raided several suburban homes again this week as part of an ongoing investigation into an alleged attempt to bribe a juror in the high-profile Feeding Our Future fraud case. The investigation has already ensnared numerous individuals and revealed extensive corruption allegations against the non-profit organization. Source: Hiiraan Online
-
Amiirka Qatar oo la wada hadlay Abiy Ahmed iyo Xasan Shiikh
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Amiirka Qatar oo la wada hadlay Abiy Ahmed iyo Xasan Shiik Amiirka dalka Qatar Amir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayaa shalay la wada hadlay laba jeer oo is xigta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Itoobbiya, sida ay baahisay warbaahinta qaranka ee dalka Qatar Amiirka Qatar ayaa Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed kala wada hadlay saaxiibtinnimada dalalkooda iyo sidii loo kordhin lahaa wada shaqaynta ay leeyihiin. Halka sida oo kale sida lagu baahiyey warsaxaafadeedyadaa kala duwan ee ku saabsanaa wadahadalladiisii labadan masuul in uu kala hadlay arrimaha gobolka ka taagan iyo walaacyada mideeya. bbcsomali Qaran News -
Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab. Saddex sarkaal oo Maraykan ah oo la hadlay CNN ayaa arrintan ku tilmaamay mid welwel leh oo halis gelinaysa xasilloonida gobolka oo markii horeba ay rabshado ka socdeen. Saraakiisha ayaa hadda raadinaya cadeymo muujinaya in hubka Xuuthiyiinta la soo gaarsiiyay Soomaaliya, waxayna isku dayayaan in la ogaado haddii Iran oo taageero ciidan iyo mid dhaqaale siisa Xuutiyiinta ay ku lug leedahay heshiiska. Mareykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka. Dalalka Afrika ayaa sidoo kale billaabay in ay si firfircoon ula soo xidhiidhaan Mareykanka, si ay u gudbiyaan walaacooda, oo ay u helaan macluumaad dheeraad ah. “Tani waa wada hadallo joogto ah oo aan la yeelanayno dalalka labada dhinac ee Badda Cas,” ayuu yidhi qof xog-ogaal ah. “Oo waxaa loo eegayaa si dhab ah.” Ma aha isbahaysi dabiici ah inay yeeshaan labada kooxood, kuwaas diin ahaan kala ah Sunni iyo Shiico is-neeb, islamarkaana aan horey xiriir u yeelan. Laakin waxaa kala qeybiya hal biyo oo kaliya – Gacanka Cadmeed oo istaraatiijiyad ahaan muhiim u ah – waxayna labadooduba Mareykanka ku tiriyaan cadowgooda ugu sarreeyaa. Sirdoonka Mareykanka ayaa sare u qaaday suurtagalnimada in xiriirka danta ku dhisan uu xaaladda uga sii dari karo Soomaaliya iyo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo Xuutiyiintu ay weeraro joogto ah ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo hantida ciidamada Maraykanka tan iyo markii uu billaabmay dagaalka Gaza. Heshiiska suurtagalka ah wuxuu dhaqaale cusub u yaboohi karaa Xuutiyiinta, xilli saraakiisha Mareykanka ay sheegeen inay jiraan calaamado muujinaya in taageeraha koowaad ee kooxda, Iran, ay walaac ka qabto istaraatiijiyadda weerarada kooxda ee Badda Cas. “Inaad awood u yeelato inaad iibiso hubka qaar waxay ku siineysaa dakhli aad loogu baahan yahay,” ayuu yidhi sarkaalka sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden. Dhanka al-Shabaab, waxay siin kartaa fursad ay ku hesho ilo cusub oo hub ah – oo ay ku jiraan suurta-galnimada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) – kuwaas oo aad uga casrisan hubkooda hadda, waxayna siin kartaa kooxda awood ay ku weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka. Waxaa jiray tahriibin joogto ah oo isugu jira hub fudud iyo agab ganacsi oo u dhexeeya kooxo kala duwan oo Yemen iyo Soomaaliya ku sugan muddo sanado ah. Laakin heshiis hub ah oo dhex mara Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ayaa noqon doona mid cusub, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka. “Waxay noqon doontaa calaamadda ugu cad, in laba urur oo, fikrad ahaan, si isku mid ah uu uga soo horjeedo midba midka kale – in ay mudnaanta siiyaan wax ay wadaagaan, taas oo ah cadaawadda ay u hayaan [Mareykanka],” ayuu yidhi Christopher Anzalone, oo ah wax ka dhiga Marine Corps University, qaybteeda daraasaadka Bariga Dhexe. “Waxay noqon doontaa mid aad muhiim u ah sababtoo ah waxay muujineysaa inuu jiro isbeddel dhanka labada ururba ah.” Nooc kasta oo iskaashi milatari ah oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Shabaab ayaa sidoo kale wiiqi kara xabad-joojin aan rasmi ahayn, oo jilicsan, oo u dhaxaysa Xuutiyiinta iyo Sucuudiga oo soo jirtay tan iyo 2022, ayuu yiri sarkaalka sare ee maamulka Biden. Waxayna si dhab ah uga hor imanaysaa nuxurka qorshaha Qaramada Midoobay ee ay soo jeedisay ee nabad waarta, ayuu yiri sarkaalku. “Weli waxaan dan weyn ka leenahay taageeridda geeddi-socodka nabadda Yemen,” ayuu sarkaalku hadalkiisa raaciyay. “Laakin ganacsiga noocan ah ee ka dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Shabaab waxaa hubaal ah in ay adkeyn doonto oo wiiqi doonto dadaalkaas.” Saraakiisha ayaa sheegay in xilligan aysan hubin nooca hubka Xuutiyiinta ay siin karaan Al-Shabaab. Hadda, kooxda Soomaalida waxay heli karaan oo keliya gantaallo, hoobiyeyaal iyo miinooyin, oo ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto dawladda Soomaaliya – hub yar balse dilaa ah. Xuutiyiinta, marka la barbardhigo, waxay haystaan hubka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, oo ay ku jiraan kuwa biyaha hoostooda mara. Mareykanka waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 480 askari, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. Waxay Soomaaliya ka fuliyaan duqeymo joogto ah oo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Source
-
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay Arbacadii in Xamaas ay soo jeedisay isbedello badan oo lagu sameeyo hidisaha xabbad-joojinta ee uu Mareykanku taageeray, waxaana uu sheegay in qaarkood aan la dhaqangelin karin, laakiin dhexdhexaadiyayaashu ay go’aansadeen inay sii wadaan hirgelinta xabbad-joojin ka hirgasha Gaza. Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas oo la yiraahdo Osama Hamdan ayaa beeniyay in dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ay soo bandhigeen fikrado cusub, Isagoo la hadlayay TV-ga Al-Carabi, waxaana uu ku celiyay mowqifka Xamaas ee ah in Israa’iil ay tahay midda diidan soo jeedinta, wuxuuna ku eedeeyay maamulka Mareykanka inuu la heshiiyay waxa uu ugu yeeray saaxiibka dhow. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah isbeddellada ay Hamas soo jeedisay ay ahaayeen kuwo yar “oo aan la filayn” halka kuwa kalena ay si weyn uga duwan yihiin waxa lagu qeexay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Isniintii lagu taageeray qorshaha uu soo bandhigay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Sullivan ayaa suxufiyiinta u sheegay in Hadafka Mareykanku uu yahay in geeddi-socodkan la soo gunaanadno, isla markaana uu dhammado wakhtiga gorgortanka. Xamaas waxa ay sidoo kale doonaysaa in dammaanad qoraal ah ee qorshaha xabbad joojinta ay ka hesho Maraykanka ,sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ay u sheegeen laba ka mid ah hay’adaha ammaanka Masar. Source
-
Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhintay dalka Kuwait, goor dambe oo Arbacadii ah, kadib markii uu dab ka kacay dhismo ay degganaayeen shaqaale ajnabi ah, iyada oo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait ku eedeeyay milkiilayaasha hantida maguurtada ah inay geysteen xadgudubyo ay ku yimaadaan dhacdooyinkan oo kale. Dowlada Kuwait ayaan si degdeg ah u shaacin dalalka ay u dhasheen dadka dhintay. Safiirka India ee dalkaasi ayaa booqday isbitaallada lagu dabiibayo shaqaalaha ku dhaawacmay dabka. Mid ka mid ah isbitaal, ayaa la dhigay in ka badan 30 muwaadin oo Hindi, sida ay safaaradda India ku qortay baraha bulshada. Isagoo goobta dabku ka dhcay booqanaya, ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait Sheekh Fahad Yuusuf Sacuud Al-Sabaax waxa uu yidhi ” damaca mulkiilayaasha hantida ma-guurtada ah waa waxa keenaya arrimahan”. Source
-
Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dhisme dab ka kacay dalka kuwait, iyadoo ilaa hadda dhimashada ay gaartay 49 qof. Dhismaha uu dabku ka kacay waxaa deganaa shaqaale ajnabi ah, iyada oo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait ku eedeeyay milkiilayaasha hantida maguurtada ah inay geysteen xadgudubyo ay ku yimaadaan dhacdooyinkan oo kale. Dowlada Kuwait ayaan si degdeg ah u shaacin dalalka ay u dhasheen dadka dhintay. Safiirka India ee dalkaasi ayaa booqday isbitaallada lagu dabiibayo shaqaalaha ku dhaawacmay dabka. Mid ka mid ah isbitaalada, ayaa la dhigay in ka badan 30 muwaadin oo Hindi, sida ay safaaradda India ku qortay baraha bulshada. Isagoo goobta dabku ka dhcay booqanaya, ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait Sheekh Fahad Yuusuf Sacuud Al-Sabaax waxa uu yiri ” damaca mulkiilayaasha hantida ma-guurtada ah waa waxa keenaya arrimahan”. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefoonka wadahadal miro dhal ah kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya labada masuul waxa ay diiradda saareen xoojinta iskaashiga labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale kaga mahadcelisay dowladda Qatar taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo ku doonayay in uu kusoo celiyo xiriirka dowladda Soomaaliya ay la leedahay dowladdaha caalamka. Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladdaha taageera siiya dowladda Soomaaliya iyadoo bixisay dhismaha wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Balcad. Source: goobjoog.com
-
RIYADH, Saudi Arabia (HOL) — Authorities in Saudi Arabia have arrested 14 individuals from India, Egypt, Pakistan, and Indonesia for allegedly selling fake Hajj identity cards. The arrests, part of a broader crackdown, underscore the kingdom’s efforts to preserve the sanctity of the Hajj pilgrimage. Source: Hiiraan Online