Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A Kenyan magistrate who was shot by a senior police officer earlier this week has died, according to the country's chief justice. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor ayaa shaaciyay inay heleen markii ugu horreysay diyaarad nooca drone-ka ah ee aan duuliyaha lahayn oo lagu magacaabo “TOGAN”. War qoraal ah oo lagu shaaciyay barta Facebook ay ku leeyiiin ciidamada Danab, ayaa lagu sheegay in diyaaraddan ay soo saartay xaruunta Defence Technologies Engineering and Trade ee dalka Turkiga. Diyaaraddan ayaa la tilmaamay in ay ka caawin doonto ciidamada helidda xogaha dahsoon ee muhiimka u ah howlgallada dhanka sirdoonka. “UAS TOGAN waxay leedahay nidaam kontorool duulimaad oo gaar ah oo loogu talagalay sahminta heerka taatikada, ilaalinta iyo howlgallada sirdoonka,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay barta Facebook ee ciidamada Danab ‘Special Force,. Sidoo kale diyaaraddan la’ siiyay ciidamada Soomaaliya, ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ogaan karta waxyaabo aaney awood u laheyn in ay ogaadaan diyaaradaha kale ee aan duuliyaha laheyn. Tijaabooyin dhanka howl-gallada ah oo lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in xilliyada habeenkii iyo maalintii ay si isku mid ah u shaqeyso, marka ay timaddo xagga aragtida iyo helidda waxa qarsoon. “Diyaaradda caalamiga ah ee UAV, TOGAN, waxay arki kartaa wax aan la arki karin, iyo wax aysan ogaan karin diyaaradaha drooniska kale,” sidaas waxaa lagu sheegay warka ka soo baxay ciidamada. Waxyaabaha ay gacan ka gaysan karto diyaaraddan waxaa ka mid, xeeladaysiga howlgallada iyo aagagga aan laheyn aaladda GPS-ka. Waxtarka diyaaradda iyo wax ay u soo kordhin karto ciidamada Diyaaradaha ay horey u haysteen ciidamada dowladda oo ah kuwa aan duuliyaha laheyn ayaa la sheegay in diyaaraddan ay kaga duwan tahay oo kaliya dhanka masaafada ay gaarayso iyo inta kiiloo mitir ee ay socon karto ama ay hawada ku jiri karto. Taliyahii hore ee ciidamada dhulka Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in diyaaraddan ay heleen hadda ciidamada gorgor ay wax tar weynu leedahay ciidanka iyo howgalladooda. “Runtii waxtar weyn ayay u leedahay ciidamada, sababtoo ah habeenkii oo dhan waxaa laga yaabaa inta betariga loo kala badalaya mooyaane inta kale in ay hawada ku jirto,” Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi. Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa meesha ka saaray in aysan aheyn markii ugu horreysay oo diyaarad noocaan ah ciidamadu helaan ama ay soo iibsadaan maadama sida uu sheegay aaney qarash badan-ba joogin marka laga hadlo qiimaha lagu iibsan karo. Wuxuu sheegay in diyaaradaha caynkaan oo kale ah oo ciidamadu horey u haysteen, ay gaari jireen dhanka masaafada ilaa Lix kiiloo mitir halka tani ay intaa ka badantahay. Hase yeeshee taliyahii hore ee ciidanka dhulka Jenaraal Biixi ayaa intaa ku daray in diyaaraddan ay faa’iido badan u leedahay ciidamada marka la’ eego xagga xogta xiliga ay shaqeynayso iyo aagga loo adeegsan karo oo ah dhulka howdka ah. Jeneraal Biixi oo BBC-da u warramay ayaa sheegay: “Waxay soo sheegaysaa dhaqdhaqaaq kasta oo ah inta ay masaafadeedu gaarto, oo dhulka howdka ah inta badan, wax Allaa waxa ku dhex jira oo dhan way soo sheegaysaa,”. Isagoo hadalkiisa si wata ayuu Jeneraal Biixi yiri:, “Hubka ciidanka, tirada ciidanka, qaabka difaacu u sameysanyahay ciidanku inuu soo socdo iyo inuu difaac ku jiro , waxaas oo dhan ayay si dhab ah uga warramaysa oo looga daawanayaa,”. Qaybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jira xilligaan Al-Shabaab, oo haysta deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana khuburadu aaminsan yihiin in saanad kasta oo waqtigaan ay dowladdu hesho ay ka caawinayso dagaalka iyo horumarrada ay dowladdu ka gaari karto isku dhacyada kala dhaxeeya Shabaab. Isha: BBC The post Xogta diyaarad casri ah oo markii ugu horreysay ay heleen ciidamada GORGOR appeared first on Caasimada Online.
  3. Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayey suurta-gal tahay inay dileen hoggaamiyihii guud ee kooxda Daacish ee caalamka Cabdulqaadir Muumin, sida lagu sheegay warbixin cusub. Cabdulqaadir Muumin ayaa ahaa bartilmaameedka duqeyn uu Mareykanka 31-kii May ka fuliyey meel 50-mile koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso, sida ay saddex sarkaal oo Mareykan ah u sheegeen NBC News. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa Daacish, sida lagu sheegay bayaan xilligaas ka soo baxay AFRICOM. Si kastaba, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weli aysan go’aamin in Muumin uu ka mid ahaa kuwa lagu dilay howlgalka. Muumin ayey Mareykanku si shaacsan u sheegeen inuu yahay madaxa Daacish ee Soomaaliya, hase yeeshee laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa hadda shaaca ka qaaday in uu si hoose ugu gudbay xilka hoggaamiyaha guud ee Daacish ee caalamka oo dhan, sanadkii tegay. Amiirkii Daacish ee isaga xilka kaga horreeyey Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya bishii November 2022. Daacish ayaa waxa ay Soomaaliya ku leedahay 100 illaa 200 oo mintidiin ah oo badankood ku sugan waqooyiga, gaar ahaan gobolka Bari, hase yeeshee waxaa jira kooxo kale oo ku fidsan qaaradda Afrika, oo ay ku jiraan dalalka Libya Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo iyo Mozambique. Kooxda argagixisada ayaa weli haysata kumannaan argagixiso oo ku kala sugan adduunka oo dhan, iyadoo badankooda ay ku badan yihiin waqooyiga Ciraaq iyo waqooyi bari Suuriya, sida ay sheegeen hay’adaha sirdoonka Mareykanka. Balse sababtoo ah Maraykanka oo si wax ku ool ah u beegsaday hoggaanka Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya, hoggaamiyeyaasha ISIS waxay u arkaan Afrika “meel ay tahay inay maal-gashadaan, halkaas oo ay awood u leeyihiin inay si fiican oo xor ah uga howl-galaan, waxayna doonayaan inay ballaariyaan unugga Daacish ee halkaas,” ayuu yiri sarkaalka sare oo ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka Mareykanka ayaa sheegay in Muumin uu mas’uul ka yahay weerarro lagu hoobtay oo ka dhacay guud ahaan Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan dil sannadkii 2019-kii lagu khaarijiyey mas’uul ka tirsanaa hay’adaha garsoorka ee gobolkiisa. Mareykanka ayaa 2016 ku daray liiska argagixisada caalamiga ah, ayaga oo sheegay inuu halis ku yahay amniga qaranka Mareykanka, siyaasadda arrimaha dibedda iyo dhaqaalaha Mareykanka. In Muumin uu la wareegay xilka madaxii ugu sarreeyey ee Daacish ayaan si weyn loo ogeyn, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah. Waxa uu xilka kala wareegay Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi, oo lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya dabayaaqadii 2022. Labadii madax ee hore ee Daacish, oo uu ku jiro hoggaamiyihii ugu caansanaa, Abu Bakar al-Baghdadi, ayaa is dilay markii ay hareereeyeen militariga Mareykanka kadib weerar lagu qaaday. The post WAR CULUS: Nin Soomaali ah oo noqday amiirka guud ee ISIS – Kadib maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
  4. Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada ugu caansan Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu saaxiib la yahay dhinacyo dhibsanaya mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya. “Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaan ugu cudurdaareynaa inuu saaxiibo la yahay, sida muuqata, dhinacyo badan oo mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya iyo heshiiska taariikhiga ee Soomaaliya iyo Turkiga dhibsanaya,” ayuu yiri Cali Wajiis. Sheekh Cali Wajiis ma shaacin dhinacyadaas ama dowladaha uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur xiriirka la leeyahay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ah siyaasi caan ku ah mucaarado joogto, ayada oo aan weli la arag isaga oo taageersan ama ku qanacsan nidaam dowladeed oo dalka soo maray haddii aanu xubin ka aheyn. Haddaba yey noqon karaan dhinacyada uu Cali Wajiis la xiriiriyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur? Inkasta oo liiska dowladaha ay dhibeyso dowlad dhiska Soomaaliya uu dheer yahay, haddana kuwa dhibsanaya heshiikii Soomaaliya iyo Turkey ayaa ah kuwa kooban, taasi oo fikrad naga siin karta dowladaha uu ka hadlayo Cali Wajiis. Midda ugu horreyso uguna cad waa Itoobiya, maadaama heshiiska Soomaaliya iyo Turkey loo saxiixay in Addis-Ababa looga difaaco badda Soomaaliya kadib heshiiskii xaaraantaa ahaa ee ay la gashay Somaliland. Dowlad labaad oo iyana cad in ay diidan tahay heshiiska Muqdisho iyo Ankara, waa Imaaraadka Carabta, oo marar badan ay Turkey ku loolameen siyaasadda gobolka, lana tuhunsan yahay in ay gadaal ka riixeysay heshiiska Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi. Marka ay noqoto Itoobiya, ma jiro diiwaan ama taariikh muujineysa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu xiriir wanaagsan weli la yeeshay, inkasta oo ay dhici karaan waxyaabo badan oo aan shaacsaneyn. Hase yeeshee hal mid ah oo hubanti ah; waa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu muddo xiriir wanaagsan la lahaa Imaaraadka Carabta, welina la leeyahay. Waxaa la rumeysan yahay in xilligii dowladda Farmaajo ay siin jireen dhaqaale uu ku riixo ololihisia mucaaradada ee ka dhanka ahaa madaxweynihii hore. Siyaasigan ayaa sidoo kale ka mid ahaa musharaxiin ay Imaaraadka Carabta doonayeen inay taageeraan doorashadii uu ku guuleystay Xasan Sheekh 2022, balse markii ay go’aamiyeen in uusan bulshada iyo xildhibaanada ka gadmi karin ay dib uga gurteen. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay siiyeen dhaqaale qancin ah oo kooban, balse aanu ku filneyn inuu doorashada ku guuleysato. Sidoo kale waxaa xusid mudan, in mucaarada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ka dhanka ah dowladda Xasan Sheekh oo aad u xoogeysatay bilihii dhowaa ay la kowsatay markii uu mugdi galay xiriirka Xasan Sheekh iyo Imaaraadka Carabta, taasi oo abuureysa tuhun aad u weyn. Sidaas darteed, waxay u badan tahay in dhinacyada uu Cali Wajiis ka hadlayo ay yihiin Imaaraadka Carabta. W/Q: Cabdinaasir Maxamuud Axmed AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Waa ayo dowladaha cadowga Soomaaliya ah ee Cali Wajiis uu la xiriiriyey CC Shakuur? appeared first on Caasimada Online.
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban. Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan isla markaana ay is caawiyaan, si farxadda Ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada gaar ahaan inta nugul. Source: goobjoog.com
  6. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Shacabka ku nool caasimadda Muqdisho Salaada Ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaaladda Muqdisho. Guddomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Salaada Ciida ka dib la hadlay dadweynihii masaajidka ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay munaasabada ciida, waxaa uuna dadka Soomaaliyeed ku booriyay garab istaagida dadka danta yar. Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed midnimo, wadajir iyo in ay taageeraan horumarka dowladnimo ee dalka. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciidul-Adxa, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha. Magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, oo qaarkood ay bulshada dukashada salaadda ciida kala soo qeyb-galeen madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo masuuliyiin uu kamid yahay ku-simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal kamid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban. Mudane Xamza ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan isla markaana ay is caawiyaan, si farxadda Ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada gaar ahaan inta nugul. Guddomiye Sheekh Aadan Madoobe oo isna salaadda Ciidda kadib la hadlay dadweynihii masaajidka ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidda, isaga oo dadka Soomaaliyeed ku booriyay garab istaagida dadka danta yar. Ugu dambeyn guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed midnimo, wadajir iyo in ay taageeraan horumarka dowladnimo ee dalka. Isku soo wada duubo, Munaasabadda Ciidul-Adxa ayaa si weyn looga dabaal-degay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemaya saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay iskugu imaadan dadweynaha. The post Sawirro: Muqdisho iyo dalka oo dhan oo si weyn looga ciiday iyo madaxda sare oo… appeared first on Caasimada Online.
  8. Duqa caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre ayaa amar ku soo rogay dadka u dhashay Itoobiya ee sharci la’aanta ku jooga Garoowe in ay sida ugu dhakhsaha badan isaga baxaan magaalada. “Waxaan rabnaa dadka in aan u sheegno, Inta ay goori goor tahay, dadka aan sharciga ku haysan caasimadda ee jooga ee u dhashay Itoobiya in ay isaga baxaan magaaladaan”. “Waxaan mar labaad iyo mar saddexaad cod-dheer ugu sheegayaa luuqadda iyaga fahmi doonee in ay magaaladan isaga baxaan, maadaama aysan ku haysan wax sharciyad ah” ayuu yiri duqa caasimadda Garoowe. Mudane Geeddi ayaa sheegay in qofkii aan ka bixin magaalada ee sharci la’aan ku sii jooga si xoog ah looga saari doono, islamarkaana isaga oo xirxiran laga saari doono, maadaama uusan wax sharciyad iyo ogolaansho ah haysan. “Qofkii aan ka bixin oo sharci la’aan ku sii jooga wuxu ogaan doonaa in isaga oo xirxiran laga saari doono magaalada, maadaama uusan wax sharciyad iyo ogolaansho ah ku haysan” ayuu sii raaciyay Geeddi. PUNTLAND POST The post Geeddi: Itoobiyaanka aan sharciga ku haysan Garoowe waa in ay si degdeg ah isaga baxaan magaalada appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska DANAB, gaar ahaan Guutada 16-aad ayaa maanta waxay Salaadda Ciidda ku oogeen Jiidda hore ee howdka. Ciidankan oo muddooyinkii dambe ku sugnaa howdka degmada Ruuni-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa maanta ku ciidday halkaasi oo ay ka waddaan howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Bartamaha sanadkii hore ee 2023-ka ayey aheyd markii ciidanka xoogga dalka si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood iyo deegaanno hoosyimaada oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Marar badan ayey Al-Shabaab ciidamada dowladda ku soo weerareen Ruun-nirgood oo ah degmo istaraatiiji ah, waxaana hadda socda guluf culus oo la doonayo in aaggaas looga nadiifiyo kooxda. Kooxda ayaa degmada iyo deegaanada ku teedsan aad u jecel, maadaama ay yihiin dhul howd ah, waxaana marar badan ay isku dayeen inay dib u qabsadaan, taasi oo kusoo dhamaatay fashil Degmadaan oo dhacda halka ay iska galaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud ayaa sanadkii tegay kamid noqotay magaalooyinkii kooxda Al-Shabaab, uuna illaa hadda ka socda howdkeeda howl-gallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka kooxda. Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid. The post Sawirro: Ciidamada DANAB oo salaadda Ciidda ku oogay jiidda hore ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha mustaqbalka Somaliland mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa hambalyo u diray dhamaan shicibka Somaliland meel kasta oo ay dalka iyo dibadaba ka joogaan waxana uu yidhi. Ciid wanaagsan dhammaan umadda Muslimiinta ah ee dunida daafaheeda ku nool, si gaar ah waxa aan tahniyadda ciidal-adxa la wadaagayaa shacabkayga Jamhuuriydda Somaliland meel kasta oo ay ku sugan yihiin Qaran News
  11. Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin uu sannadkii hore la wareegay xilka hoggaamiyaha guud ee Daacish sida laga soo xigtay warbaahinta NBC News. Cabdulqaadir Muumin ayaa beddelay Abu al-Hasan al-Qurashi, oo lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya dabayaaqadii 2022 sida ay warbaahinta NBC ka soo xigatay laba sarkaal oo ka tirsan Sirdoonka Maraykanka. Saraakiisha oo magacyadooda ka gaabsaday ayaa intaasi ku daray in horjooge Cabdulqaadir Muumin lagu beegsaday duqayn uu Maraykanku 31 May ee sannadkan ka fuliyay degaan qiyaastii 81KM dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso balse lama xaqiijin in uu ku dhintay duqayntaas iyo in kale. Sirdoonka Mareykanka weli si rasmi ah uma shaacin in Muumin uu qabtay xilka hoggaamiyaha sare ee Daacish islamarkaama kama jawaabin warbixinta NBC News ka soo xigatay saraakiil Sirdoon oo Maraykan ah kuwaas oo magacyadooda qariyay. PUNTLAND POST The post Cabdulqaadir Muumin oo la sheegay in uu qabtay xilka hoggaamiyaha ugu sarreeya Daacish appeared first on Puntland Post.
  12. Mogadishu (HOL) — Somali leaders, including President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre, have sent congratulatory messages to the Muslim people, particularly Somalis, on the occasion of Eid Al Adha. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin u diray dadka baraha bulshada ku faafiya been abuurka iyo aflagaadada dadka kale, iyagoo ka raadinaya dhaqaale, sida uu sheegay Madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn dadkaas ugu duceeyey in ilaahey meel kale irsaaqad ka siiyo, si ay isaga dhaafaan been abuurka ay wax ku raadinayaan. “Kuwa beenta sheega, kuwa dadka caaya iyo kuwa irsaaqada ka raadiya inay dadka aflagaadeeyaan waan u duceyneynaa, walaal inaad been dhaqaale ku raadiso waxaa ka macna badan inaad baahnaato adigoo run sheegaya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin boogo badan oo in la damqiyo ay fududahay, “dhalinyaro yaan la damqin boogahaas, kuwa beenta sheegow ka jooga oo u soo noqda qiimaha ay leedahay diinteena suuban,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Hadalkaan ayuu madaxweynuhu caawa ku dhex sheegay farriintiisii hambalyada ciidda, wuxuuna ku soo aadayaa iyadoo baraha bulshada uu ka socdo weerar ku wajahan siyaasadda uu ku hoggaamiyo dowladda, kaas oo xoogeystay markii ay dowladdu amartay in lasoo faago qabuurihii Iskuul Buluusiya. Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajaheysa mucaaradad isisoo tareysa, xili ay gashay sanadkii 3-aad, waxaana baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha uga socda weerar iyo doodo xoog leh. Inta badan doodaha ay wajaheyso dowladda Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ayaa ku qotoma guul darooyinka dagaalka Al-Shabaab, waxka bedelka dastuurka, doorashooyinka dowlad goboleedyada oo dib u dhac weyn uu ka jiro iyo arrinta qabuuraha uu ugu dambeysay. Madaxweynaha ayaa u muuqda inay gaartay farriinta shacabka, wuxuuna codsaday in la joojiyo hadallada xanafta leh, isagoo si cad u sheegay in dadka qaar ay aflagaadada iyo been abuurka dhaqaale ka sameeyaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo codsi u diray dadka baraha bulshada ka weerara appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed inay si cafiyaan oo ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Adxaa awgeed. dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibedda. Ra’iisul wasaare Xamse oo hambalyo gaar ah la wadaagay geesiyadda ciidamadda qalabla sida ayaa sheegay in ciidan tan xigta uu ku han-weyn yahay in dhamman dalka oo idil laga ciribtiray Al-shabaab waxaana uu sheegay in ciidanku ay kaalin muhiim ah ka qaateen. Dhanka kale Guddoomiyaagi Golligi Shi’ibki BJFS waané eh Ki-simaagi Madiwiinagi Jamhuuriyiddi Mudiné Sheeg Eedéng Maanur (Modoowé) ya hamabaliyi ké eeding munaasibidi Iidul-Adha ing diri guud haang Muslimiinté aalamké gaar haang dadké Soomaaliyeed. Guddoomiyaha ayaa Illaahey uga baryay in walaalaha Falastiin inuu dhibka ka dulqaado ay ku jiraan, isagoo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed nabad iyo barwaaqo ugu duceeyay meelkasta ay joogaan, waxaana uu ugu baaqay iney isku tiirsanaadaan. Ku simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, wuxuu hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaaan umadda muslimiinta ah. Guddoomiye Shacbaan wuxuu Alle SWT ugu baryay shacabka Soomaaliyeed in uu ka aqbalo cibaada iyo sadaqada maalmaha barakaysan ee bisha Carafo, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed meel kasta ooy joogaan u rajeeyay in ay sannadkan kiisa kale ku gaaraan nabad, horumar, barwaaqo iyo wadajir. Source: goobjoog.com
  15. Shucuubta Muslimiinta ah ayaa manta siweyn ugu dabaaldegaya maalinta koowaad ee Ciidul Adxa, waxaana dadku ay u dareereen goobaha loo asteeyay in lagu tukado salaadda ciidda iyo Masaajidda si ay u oogaan Salaadda Ciida. Bulshada caalamka ayaa iskugu tahniyadeynaya maalintaan weyn ee ah maalin aad ugu weyn umadaha muslimiinta ah meel kasta ay joogaan, marka la eego Xujeyda ayaa maalintii shalay istaagay Banka Carafo oo ah Rukniga ugu weyn Xajka. Gudaha dalka shacabka ayaa ku tukaday salaadda ciidda goobo kale duwan waxaana siweyn looga dareemayaa Muqdisho in ay ka duwan tahay sidii hore oo ay tahay ammaan, ciidanka nabadgalyada ayaa taagan goob walba iyagoo ammaanka ilaalinaya. Source: goobjoog.com
  16. Masses of pilgrims have embarked on a symbolic stoning of the devil in Saudi Arabia, marking the final days of Hajj pilgrimage and the start of the Eid al-Adha celebrations for Muslims around the world Source: Hiiraan Online
  17. Baidoa (HOL) - The commander of the 8th battalion of the 60th division of the Somali National Army (SNA), Major Mohamed Nur Sheegow, also known as Mohamed Dheere, and seven SNA soldiers were killed in a roadside explosion in the Bay region of southwest Somalia on Saturday. Source: Hiiraan Online
  18. Eid ul-Adha is being celebrated today in numerous countries across the globe, including Gulf states. In Makkah and Madinah, inspiring gatherings for Eid prayers took place, while pilgrims are engaged in the symbolic stoning of the Jamarat. Source: Hiiraan Online
  19. Kenyan teenager Emmanuel Wanyonyi ran the fastest 800 meters since 2012 and his time of 1:41.70 on Saturday makes him the third-fastest man ever in the event. Source: Hiiraan Online
  20. WATCH: Spain vs Croatia highlights, ESP 3-0 CRO, Euro 2024 Source: Hiiraan Online
  21. Markabka xamuulka qaada ee M/V Verbena oo laga leeyahay Ukraine ayaa lagu warramaya in uu ku deggay xeebaha dalka Jabuuti. Markabka ayaa laga daad-gureeyay shaqaalihii saarnaa , kaddib markii kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay markabkan ku dhufteen laba gantaal oo Ballistic ah, iyadoo uu markabkaasi noqonayo midkii labaad ee burbur xoog leh ay gaarsiiyaan Xuutiyiinta. Xuutiyiinta Yemen ayaa sidan oo kale gantaallo ugu dhufteen markabka M/V Tutor oo uu ka babanayo calanka Liberia iyo Giriiga, kaa oo sidoo kale lagu qasbanaaday in laga dejiyo shaqaalihii saarna. Xuutiyiinta ayaa hadda u muuqda in ay sare u qaadeen awoodda gantaaladooda, waxayna ku dhowyihiin tan iyo November, inay isku mar dejiyaan labo markab, taa oo ka dhigaysa tan iyo howlgalladooda markabkii saddexaad oo ay quusinayaan gantaalada Xuutiyiinta. Sare u kaca khasaaraha ka dhalanaya weerarrada Xuutiyiinta ayaa ku soo aadaya xilli warbixintii u dambeysay ee sirdoonka Mareykanka lagu sheegay weerarrada Xuutiyiinta inay yihiin kuwii ugu sarreeyay oo ka dhaca badda , tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka. PUNTLAND POST The post Xuutiyiinta Yemen oo laba gantaal ku dhuftay markab laga lee yahay dalka Ukraine appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Dadweynaha Caasimadda Kula tukaday Salaada Ciidul – Adxaa, Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare Stadium. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Laamaha Amniga, Isimada dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo salaadda Ciidda la tukaday Shacabka Garoowe appeared first on Puntland Post.
  23. Sideed ka mid ah ciidamada Israa’iil ayaa Sabtidii lagu dilay koofurta Marinka Gaza, sidaasi waxaa xaqiijiyay millatariga Israa’iil, xilli ay ciidanka Isra’il wali ku sii siqayaan gudaha iyo hareeraha magaalada koofureed ee Rafax. Milatariga Israa’iil waxay sheegeen in dhammaan askarta la dilay oo ka wada tirsanaa cutubka injinneeriyada, uu baabuur ay la socdeen oo ahaa kuwa gaashaaman laagu dhuftay walxaha qarxa. Waxay kaloo sheegeen, in weerarka uu ka dhacay aagga Tel Al-Sultan ee galbeedka Rafax aroortii hore ee shalay. Garabka hubeysan ee Xamaas ayaa sheegtay in gaariga ay la socdeen ciidamada Isra’il ay u dhigeen miino lagu diyaariyay aaggaasi. Taangiyda Israa’iil ayaa ku sii siqay xaafadda Tel al-Sultan, isla markaana madaafiic ku garaacay aagga xeebta halkaas oo ay u qaxeen kumannaan qoys oo Falastiiniyiin ah. PUNTLAND POST The post Askar ka tirsan Ciidanka Milatariga Israa’iil oo lagu laayay marinka Gaza appeared first on Puntland Post.